Xukumadda Soomaaliya oo ka hadashay Qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho

0
Friday April 22, 2022 - 22:44:22 in Wararka by
  • Visits: 185
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukumadda Soomaaliya oo ka hadashay Qaraxa caawa ka dhacay Muqdisho

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax uu fuliyay qof isku isoo xiray Waxyaabaha oo ka dhacay Makhaayad ku taal Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa Talyaha Ciidanka Booliiskii Gen Xijaar iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la soo warinayaa in ay bad qabaan.

Afhayeenka Xukumadda, Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal kooban ku daabacay Boggiisa Facebook ayaa yiri:

"Taliyaha Booliska General Xijaar oo aan la hadlay waxa uu ii xaqiijyay inuu badqabo. Waxa uu ku sugnaa goobta ganacsi ee qaraxa iyo weerarka lagu qaaday. Xildhibaanada wey nabad qabaan.”

Waxaa qaraxa ku dhaawacmay Taliyaha Booliska Degmada Cabdicasiis Liibaan Shidane oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa Makhaayadda.

Weli taliska Booliiska Soomaaliya faah-faahin kama bixin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay Qaraxa caawa ka dhacay Xeebta Liido.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip