Axmed Karaash oo ka hadlaya xaaladda Puntland maalin kadib markii Madaxweyne Deni uu aaday Muqdisho

0
Wednesday April 20, 2022 - 09:31:29 in Wararka by
  • Visits: 215
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Karaash oo ka hadlaya xaaladda Puntland maalin kadib markii Madaxweyne Deni uu aaday Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
 Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa sheegay inuu sii dayndoono warbixin ku saabsan xaaladda guud ee Puntland
Hadalka madaxweyne ku xigeenka ayaa kusooo aadaya, maalin kadib markii madaxweynaha Puntland Siciid Deni uu Muqdisho u aaday doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo Muqdisho ku sugan ayaa xalay magacaaabay xubno cusub oo katirsan golihiisa wasiiradda, sida wasiirka warfaafinta, arrintaas oo dhalisay hadal hayn badan oo siyaasadeed.


Magacaabidan ayaa horseedi karta khilaaf horeyba u jiray oo ku saabsanaa in madaxtooyada Puntland ay hoos u dhigayso meeqaamka madaxweyne ku xigeenka ku leeyahay talada iyo go'aamada Puntland.

Siyaasiyiin reer Puntland ah ayaa madaxweyne Deni ugu baaqay inuu iscasilo oo uu xilka ku wareejiyo ku xigeenkiisa, laakiin waxaa ka horyimid wasiirka maaliyadda Puntland oo saaxiibada dhow ee Deni.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip