HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO ARBACO 20-KA ABRIL 2022-KA AH

0
Wednesday April 20, 2022 - 08:30:11 in Wararka by
  • Visits: 547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO ARBACO 20-KA ABRIL 2022-KA AH

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Guddoomiye Cabdirisaaq oo shaaciyay xog la xiriirta weerarkii BF- Madfaca kama iman meel fog

Guddoomiyaha cusub ee guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Golaha Shac abka ayaa markii u horeysay ka hadlay weerar kii hoobiyeyaal ee Shalay lagu garaacay xarun ta Baarlamaanka Soomaaliya ee Villa Hargeysa, xilli ay ku shi rayeen xubnaha labada Gole.

Guddoomiye Cabdirisaaq Cu mar Maxamed ayaa sheegay in hay’adaha amniga ay u sheegen in hoobiyeyaa shaas laga soo tuuray meel aan ka fogeyn xar unta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa,taasi oo kor u sii qaadeysa tuhunka ku xeran werarkas

"Hoobiyaha kuwa waaweyn aan aheyn ayaa ku soo dhacay Baarlamaanka hortiisa, waxay Hay’adaha amniga noo sheegeen in hoobiyaha ku soo dhacay Baarlamaanka laga soo tuuray meel aan ka fogeyn goobta,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa "Wa xa ku dhaawacmay dad shaqaale ka ah baarla maanka iyo dad ka shaqeeya Amniga oo Askar ah. Waxa kulmiyey labada arrin ayaa ah wax la is-weydiiyo.”

Weerarkaas ayaa waxa uu sababay khasa are u badan dhaawac iyo burbur ka dhashay hoobiyeyaasha lagu garaacay xarunta Baarla maanka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbo Shalay she egatay mas’uuliyadda weerarkaas, ka dib qora al ay ku baahisay warbaahinta ku hadasha afke eda, kaasi oo ay ku sheegtay inay khasaaro ku gaarsiisay ciidamo iyo howl-wadeenada Baarla maanka.

Khadiija Maxamed Diiriye oo isku soo sharr axday kursigii uu qorsheynayey Fahad

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shaacisay inay tahay murashax u taagan kuri ga guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka baarlamanka federaalka Somaliya.

Kursiga xildhibaanad Khadiija ay ku dhawaaqday inay u tartam eyso ayaa waxa la rumeysan yah ay inuu yahay midka uu sida aad ka ah u doonayo Fahad Yaasiin oo weli aanu helin shahaadada xildhibaannimo.

Khadiija Maxamed Diiriye ayaa qoraal ay soo saartay boggeeda Facebook waxay ku sha acisay murashaxnimadeeda, iyadoo tiri "Ka dib markaan talo soo jeedinta saaxiibadeeyda siya asadda aan ku tolloownay anigoo dareensan in hore loo dhaqaajiyay doorashada golaha shac abka BJFS waxaa lacaga bilaabo caawo soo bandhigayaa murashaxnimadayda guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee golaha shacabka baarlam aanka 11-aad”.

Khadiija iyo Fahad Yaasiin ayaa aad isugu dhow, waxaana la ogeyn in tallaabada ay ku shaacisay murashaxnimadeeda inay tahay siya asad iyo in Fahad ka quustay inuu helo kursiga laga hakiyey, sidaasi darteedna uu u arkay in Khadiija Maxamed Diiriye booskii uu banneey ay inay buuxiso.

Xildhibaan Khadiija Maxamed Diiriye ayaa caan ku ah is rog-rogga siyaasadeed waana sa babta keentay inay shan jeer soo gasho baarla maanka, iyadoo xiligaan ay ka mid tahay taag eerayaasha Villa Somalia.

Doorashadii baarlamaanka 11-aad ayey si doo kale waxay ka mid aheyd murashaxiintii aadka loogu saadaalinayay guddoomiye ku-xig eenka koowaad, iyadoo cododkii ay heshay u gu shubtay Cabdiweli Ibraahim Muudeey.

Dhinaca kale, waxaa xilkaan isu soo taagay Xildhibaan Maxamuud Cabdulqaadir Jeego iyo Xildhibaan Maxamed Cali Cumar (Caana-Nu ug), kuwaasi oo shaaciyay inay u taagan yihiin tartanka guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee gola ha shacabka.XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Soomaaliya oo ka qeyb gashay furitaanka Shirka Sanad laha ee IMF & Bangiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuu madda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdirax maan Ducaale Beyle ayaa Magaalada Washin gton ee dalka Mareykanka kaga qeyb galay furi taanka Shirka Sanad laha ah oo ay yeesheen Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF & Bangiga Adduunka.

Shirkaan oo sanadkiiba mar la qabto ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirada Maaliyadda da lalka qeybta ka ah Hay’adda lacagta Addunka & Bangiga Adduunka iyo Xubno kale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuuma dda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa shirka ka jeeddiyay khudbad uu kaga hadl ayay Arrimaha Maaliyadda Soomaaliya iyo hal ka ay u mareyso dadaalka loogu jiro in deyma ha laga cafiyo Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Beyle ayaa intii uu shirka socday kulamo kala gaar ah la qaatay Masuuli yiinta labada hey’adood, iyaga oo ka dooday barnaamijyada Horumarinta dhaqaalaha Soom aaliya.

XFS ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxaa ay dadaal uu jirtay sidii Soomaaliya loo ga cafin lahaa deynta, waxaana Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda ay dhwor jeer ka qeyb gale en shirar looga hadlayay arrimaha deynta cafin ta Soomaaliya.

Xog: Deni oo isugu yeeray xildhibaanada Puntland laga soo doorto

Madaxweynaha Puntland, ahna musharrax madaxweynaha Soomaaliya, Saciid C/hi Deni ayaa isgu yeeray xildhibaanada 2da Aqal ee ba arlamanka federaalka kasoo galay Puntland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Md.Deni oo Shalay soo gaar ay M/Muqdisho, ayaa la sheegay inuu xildhibaanada kala hadli do ono doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo habka ay u wajahayaan.

Rabitaanka 1aad ee Deni ayaa ah in xildhib aanada ay codkiisa siiyaan isaga, balse xogta aan helnay ayaa sheegeysa inuu sidoo kale ka la hadli doono musharaxa ay u codeyn doon aan haddii uu ku haro wareegga koowaad ama kan labaad ee doorashada.

Md.Deni ayaa soo saartay illaa 40 xildhiba an, wuxuuna sidoo kale isku haleynayaa xildhib aanada kasoo galaya Jubaland ee uu soo sa aray saaxiibkiis Axmed Madoobe, taasi oo siin eysa taageerada ku dhowaad 60 xildhibaaan.

Hase yeeshee, tiradaas kadib ayaanay cadd eyn sida Deni uu xildhibaano kale ku heli doo no, ayada oo sanadkan la rumeysan yahay in ugu yaraan 5 musharax ay heli karaan ku dho waad 50 cod iyo ka badan wareegga koowaad ee doorashada.

Ma cadda musharraxa uu Deni taageeri doo no haddii uu haro, balse waxaa la hubaa inuus an aheyn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ma adaama uu horey u sheegay in sababta uu isku sharraxay ay tahay in kursiga uu dhaafiyo mad axweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Horey waxaa u jiray in Deni la rumeysnaa in uu taageerayo madaxweyne Xasan Sh, oo aad isugu dhowaayeen, balse hadda xiriirkooda aanu sidii hore aheyn kadib markii uu qaatay go’aanka uu isku sharxay.

Kulanka Deni isugu yeeray xildhibaanada ay aa imanaya ayada oo ay jirto inuusan weli hayn dhaqaale ku filan oo doorashada uu ku galo ka dib markii ay dowladda Imaaraadka Carabta oo uu isku haleynayey u sheegtay inaysan taage eri karin, sida aan xog ku helnay.

Maamulka degmada Kaxda oo sheegay inay hayaan xog ku saabsan dadkii dilay Abwaan Badal

Guddoomiyaha Degmada Kaxda ee G/ Ban aadir Md.Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa she egay in ay gacanta ku soo dhigi doonaan ciddii dishay Abwaan baddal oo Habeen hore lagu dilay Gu daha degmadaas, isla markaana ay ku daba jir aan.

Guddoomiyaha oo ka hadlay ay Aaska Mey dka Abwaan Bad dal Jaamac wuxuu sheegay in ay hayaan xog ku saabsan dad kii dilay Abwaanka ayna ku daba jiraan sina u ga hari doonin ilaa iyo inta ay gacanta uga soo dhigaan.

Guddoomiyaha ma sheegin Magacyada cidda ay ku tuhmay aan dilka Abwaan badal jaamac Xeri & sababta loo dilay, hayeeshee uu sheeg ay in guryo badan aan lagu harsan doo nin ilaa laga so qabto dadka kadambeyay dilka

Abwaan Badal Jaamac Xersi ayaa kamid ah aa odayaasha Dhaqanka Muqdisho , wuxuuna inta badan ka hadli jiray xaaladaha siyaasade ed ee dalka, sidoo kalena uu ka qeyb geli jiray doodaha Siyaasadeed ee markaas taagan

Nin nabadoon ahaa oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo bastoolado ku hubeysnaa ayaa caawa Degmada Howlwadaag ee Gobolka Ban aadir waxa ay ku dileen nin nabadoon ahaa.

Dilka ayaa ka dhacay agaga arka Xarunta D/ Howlwadaag, iyadoona ay kooxahaasi u suurt agashay inay gacanta sharciga ka baxsadaan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay afaafka ho re hoygii uu odaygu ka deganaa degmadaasi.

Ciidamada amniga oo gaaray goobta uu dil ku ka dhacay ayaa ka qaaday meydka ninka odayga ah, oo ay geeyeen Xarunta Hay’adda Dembi Baarista ee CID.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Naba doon Maxamed Xeyle Caddow (Juuni) ayaan la garanayn ujeedada ka dambeysa dilkiisa.

M/Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaya

dilalka ay gaysanayaan kooxaha bastooladaha

ku hubeysan.

Mahad Salaad oo faah-faahiyey sida uu ku yimid isku dhacii Shalay ee xarunta BF

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa fa ah faahin dheeraad ah ka bixiyay isku dhac koo ban oo asaga iyo Xildhibaano taabacsan Farm aajo ku dhexmaray Shalay xarunta Golaha Sha cabka. Mahad Salaad ayaa sheegay in isku-dhacaas ay keentay aqoon darro xildhibaanada cusub ee taabacsan Maxa med Cabdullaahi Farmaajo ka haysatay shuruucda iyo xeerarka Baarlamaanka.

"Saaxiibaday horta laba mushkilo ayaa haysatay, xildhibaanada Shalay dooda waday mid waxay aheyd inaysan xog og aal u aheyn xeer hoosaadka labada aqal ee Baarlamaanka,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in buuqa uu ka dhashay ka dib markii ay Xildhibaanada taabac san Far maajo oo ay kamid yihiin Cabdullaahi Aadan Kulane Jiis iyo Cabdishakuur Cali Mire ay bila abeen dood kadib markii la ansixiyay xeer hoos aadka doorashada oo aysan xiligaas harsan eyn dood kale oo Baarlamaanka u dhineyd.

"Markii uu Ajendihii dhamaaday ee la xiray golihii ee hoobiyeyaal lagu soo weeraray xarun ta BF waxaa la yiri Xildhibaanada ayey banana ka u bixin illaa inta laga hubinayo, intii ay Xil dhibaanada hoolka ku jireen ayaa Xildhibaano soo kaceen, kuwaasi oo guddoomiyaha KMG ee Golaha Shacabka u yimid ayaga oo gacanta ku dhagan oo jiidaya u yimid.”

Waxa uu kusii daray hadalkiisa "Markan ar kay ayaga oo gacanta ka jiidaya guddoomiyaha ayaa soo kacay. Kadib faro taag taag iyo da gaal ayey meeshii ka bilaabeen, runtii intii aan wax u sheegi karno ee waanin karno waa u sheegnay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in kaa mirooyinka ay qabteen intii hadalada isku jiid-jii dayeen ee aysan jirin wax kale oo culeys ama dagaal kale oo ka dhacay xarunta Baarlam aanka.

Hadalkaan ayaa imanaya xili si weyn loo ha dal hayay buuq Shalay ay xarunta Baarlamaan ka ka sameeyen xildhibaanada taabacsan Far maajo, ayaga oo Kaamirooyinka warbaahinta ay qabteen Xildhibaan Cabdishakuur Mire oo u fak-fakanaya Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xubnaha sida weyn u mucaaridsan Far maajo.

Maxkamadda sare oo billowday dhageysiga dacwadda kursiga FAHAD

Maxkamadda sare ee dalka ayaa Shalay si rasmi ah u guda gashay dhageysiga dacwadda uu u gudbiyey la-taliyaha amniga qaranka Fah ad Yaasiin, taas oo la xir iirta kursiga loo doortay ee HOP086, kadib markii uu hakiyey guddiga doo rashooyinka ee FEIT.

Dooda ayaa Shalay bilaabatay, waxaana haatan socota dhageysiga dooda u dhexeyso labada dhinac, iyada oo la filayo in kadib maxk amaddu ay soo saarto go’aankeeda. Hoolka ay ka socoto dooda ayaa ah mid firaaqo ah, wa xa ana la xadiday dadka ka qeyb-galaya dhageysi ga dacwddaan oo ah mid xasaasi ah, marka la ga reebo qareennada difaacaya Fahad, kuwa u doodaya guddiga FIET iyo guddoonka maxkam adda sare ee dalka. Guddoomiyaha maxkamad da sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo xiray fadhigga Shalay, wuxuuna sheegay inay ma xkamaddu dib ka soo saari doonto qaraar ku aadan kursigaasi.

"Maxkamaddu qaraarbey kasoo saari doon taa, Insha Allaahu Tacaalaa, haddana maxkam adda waa ay innoo xiran tahay,” ayuu yiri gudd oomiyuhu.

Maxkamadda Sare ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dacwadeed uu soo gudbiyey la taliyaha dhanka amniga ee Farma ajo, Fahad Daahir Axmed (Fahad Yaasiin).

Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doora shooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci dar ro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086.

Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baashe Yusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nidaamka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiisk aan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Max kamaddu fasixi doonto kursigaas.

Hase yeeshee Garyaqaanka guud ee dow ladda oo xilligaas qabsaday maalmo dheeraad ah, si uu u soo xaqiijiyo hanaankii loo maray do orashada kursiga Fahad Yaasiin ayaa Sabtidii Shalay Maxkamadda ku jawaab celiyey.

Qoraalkii xafiiska Garyaqaanka guud ee do wladda uu u diray Maxkamadda Sare waxaa la gu sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii sa xda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban.

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka han naanka doorashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalka fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashooyinka Somalia

Jaamacadda Muqdisho Oo Heshiis Iskaashi La Saxiixatay Jaamacadda Qatar

Jaamacadda Muqdisho ayaa heshiis isk aashi la saxiixatay Jaamacadda Qatar si sare loogu qaado iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac.

Ujeedada heshiiska ayaa ah in la xoojiyo is kaashiga cilmi-baarista, isdhaafsiga khibradaha iyo dhammaan dhinacyada cilmiga oo labada dhinac ay daneynayaan.

Heshiiskan oo ka dhacay xarunta Jaamacad da Qatar ee magaalada Dooxa ayaa waxaa dhinaca jaamacadda Mu qdisho u saxiixay gudd oomiyaha golaha sare Dr.Cabdiraxmaan Maca lin Cabdullahi (Badiyow) halka dhinaca Jaamacadda Qatar uu u saxiixay guddoomiyaha Jamaacadda Dr, Hassan Al-daraham. Waxaa sidoo kale heshiiska waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay guddoomiyhii hore ee jaamacadda Muqdisho ahna xubin ka tirsan golaha sare ee jaamacadda Muqdisho Dr. Cali sheekh Axmed Abuubakar.

Hormuud Salaam Foundation Oo Taaba-Gali say Tartanka Quraanka Kariimka

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay kasoo qeyb galeen Culumaau’diinka, Wa alidiin, Macalimiinta Dugsiyada Quraanka, Jam ciyada Quraanu Alkariim, iyo Maamulka Hey’ ada Hormuud Salaam Foundation ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho.

Tartankaan oo ahaa mid ay ku tartamaye en arday gaaraysa 200 ayaa waxaa lagu tarta mayay 30-ka juz ee quraanka kariimka, waxa ana sanadkaan taaba-galisay Hey’adda Hormu ud Salaam Foundation.

Cabduqaadir Yuusuf Maxamed oo galay kaalinta koowaad ee tartanka quraanka oo ku tartamayay 30-ka Jus ee quraanka kariimka wa xaana ay ka koobnaayeen Gabdho iyo wiilal iya doo la abaalmariyay ilaa 30 tartame ama kaal mood, waxaana 30 kaalin oo 15 kamid ah ay ahaayeen gabdho halka 15-ka kalna ay ahaaye en wiilal ayaa lagu abaalmariyay munaasabada gabagabada tartanka.

Sh. Bashiir Axmed Salaad oo kahadlay mu naasabada ayaa amaanay doorka hay’ada Hor muud Salaam Foundation ay ka qaadatay ta aba galinta tartankan, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in tartamadaan oo kale la ba diyo.

Xoghayaha Jimciyada Quraanu Alkariim Sh Cabdirashiid Aadan Isxaaq ayaa ka hadlay he erarka uu soo maray tartanka isaga oo xus ay in tartankan ay ku tartameen dad ku dhow 200 oo Qof isaga oo u mahad celiyay Hay’ada Hor muud Salaam Foundation.

Gudoomiye ku xigeenka Hay’ada Hormuud Salaam Foundation Candiraxmaan Ibrahim Cil mi Kobac oo isna munaasabada ka hadlay ay aa sheegay in ay farxad gaar ah u tahay ka qeyb qaadashada dhiira galinta Tartamada Qur aanka Kariinka iyo taaba galintiisa mudadii uu soo socday.

Hooyada dhashy wiilla galay kaalinta 1-aad oo ku guulaystay gaariga ayaa sheegaty in ay aad ugu farxday guusha uu gaaray wiilkeeda iy adoo mahad gaar ah u geedisay Hey’ada Hor muud Salaam Foundation.

Madaxweynaha Galmudug oo Magacaabay Gudoomiyaha gobolka Galgaduud

Madaxweynaha maamulka goboleedka Gal mudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa Cilmi Cali Cabdi u magacaabay gudoom iyaha gobolka Galgaduud.Gobolka Galgaduud wax gudoomiye ah ma laheyn tan iyo markii la do ortay Madaxweyne Qoorqoor.

Aadan Madoobe oo iska CASILAY xilkii Xisbiga Himilo Qaran

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka oo Shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ay aa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo dhammeysirka doorasho oyin ka Somalia.

Aadan Madoobe ayaa shir kiisa jaraa’id ku shaaciyey inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Sababta ayaa waxa uu ku sheegay inuu u hoggaansamayo, sida uu qabo Dastuurka KMG ah ee ku aadan qodobkiisa la xiriira in qofka is ku sharraxayo guddoonka baarlamaanka uu marka hore iska cisilo, haddii uu xil ka hayo xi sbiyada siyaasadeed ee ka jira gudaha dalka.

"Shirkeyga jaraa’id Shalay wuxuu ku saabsan yahay inaan u caddeeyo Ummadda soomaali yeed sida uu qabo Dastuurka Qaranka ee KMG ah qodobkiisa 65-aad, farqaddiisa 3-aad oo na fareyso qof kasta oo u tartamaayo guddoonka Golaha Shacabka, mise guud ahaan baarlam aanka Soomaaliyeed inuu iska casilo xil kasta oo uu u hayey xisbi siyaasadeed, sidaas dara adeed waxaan u caddeynayaa Ummadda Soo maaliyeed inaan iska casilay xilkii aan ka haay ey Xisbiga Himilo Qaran,” ayuu yiri Sheekh Aad an Madoobe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay, haddii uu ku guuleysto xilka guddoomiyaha Golaha Shacab ka inuu u sinnaan doono dhinacyada siyaasad da dalka, kana shaqeyn doono cadaaladda.

"Haddii Ilaahey igu guuleeyo waxaa noqon doonaa Oday Soomaaliyeed oo u siman dham maan garabyada siyaasadeed ee dalka, cadaal adda iyo sinaana aan ku maamuli doono,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey xildhibaan Sh. Aadan Madoobe.

Hadalkiisa ayaa ku soo aadayo, iyada oo Shalay la bilaabay diiwaangelinta xubnaha mu sharixiinta ee u taagan guddoonka labada Aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaali ya, kadibna doorashada labada guddoon la qa ban doono 26 iyo 27 bishan April

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Wasiiro cusub

Madaxweynaha maamulka Puntland Md. Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shalay soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 28 ee 19ka April 2022 kuna saabsan magaca abid xubnaha Golaha Xukuu madda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Do wladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.

Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dhamm aystirka Golaha Xukuumadda Dowla dda Pu ntland.

Markuu garawsaday: Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xu kuu madda. Marku la tashaday: Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

Magacaabid Waxaa Maxamuud Caydiid Dirir loo magaca abay Wasiirka Wasaaradda, Isga arsiin ta,Tikn oolajiyadda, Warfaafinta, Dalxiis ka, Dhaqanka iyo Hiddaha.

Waxaa Cabdullaahi Maxamed Ciise (Qoor dhuub) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Was aaraddaGargaarka iyo Maareynta Masiiboyinka

Somaliland: Qaar ka mid ah wariyayaashii xidhnaa oo lasii daayay

12 ka mid ah wariyayaashii 12, April xabsiga loo taxabay ayaa lagu guulaystay in xabsiga la ga siidaayo, kadib dadaal ay sameeyeen xi ldhibaano iyo ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Wariyayaashan ayaa qaarkood xabsiga loo taxaabay xili ay tabin toosa ka samaynayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista ku jirta Jeel ka Wayn ee Hargaysa, halka qaa rkoodna laga soo qabtay xarum ahooda warbaahineed.

Hadaba marka laga yimaado il aa iyo saddex saxafi oo xo riyadooda dib u helay 3 dii cisho ee ugu hora ysay, waxaa xabsiga kusii jiray 15 kale, kuwa asi oo Shalay 12 kamid ah lagu guulaystay in lasii daayo.

Wariyayaasha wali xidhan ayaa waxa ay ka la yihiin mulkiilaha MMTV Maxamed Cabdi Sheekh Ilig, wariye Cabdijabaar Maxamed Xus een oo ka tirsan bahda HCTV iyo Cabdiraxm aan Cali Khaliif (Indho-Cadde), oo ka socda Go bonimo TV. Isla markaana wariyayaasha lasii daayay ayaa sheegay in xoriyadoodu anay dhamaystirnayn inta ay saddexdan wariye xidh anyihiin.

"Ilaa iyo intaa kale ay xoriyadooda helayaan, waxa weeyaan xoriyad wali maanu helin" waxa sidaa yidhi Axmed Maxamuud oo ka tirsan Sa ab TV. "Dad badan ayaa waxa laga yaaba in ay u qaataan in aanu ku faraxsanahay siidayn ta yada, waxaanu u sheegayna runtii in anaan aad ugu faraxsanayn, sababtoo ah saddex kam id ah asxaabtayada ayaa xabsiga nagaga hadh ay" sida waxa yidhi Xasan Saleeban Haaruun (Xasan Galaydh) oo BBC katirsan.

Saxafiyiinta ayaa sidookale cabasho ka mu ujiyay sidii losoo qabtay "Anaga waxa nalaga xidhay Jeelka Wayn ee Hargaysa hortiisa, runtii waxba manaan duubayn, sawirna manaan qaa dayn waxaanu doonaynay in aanu hubino xaa lada dabeetana ka warbixino waxa ay tahay" si da waxa markale yidhi Xasan Galaydh.

Wariyayaashan ayaa xabsiga loo taxaabay xili ay ka warbixinayeen gadood ay sameeyeen maxaabiista Jeelka Wayn ee Hargaysa, waxaa na lagu eedeeyay in ay ka been sheegeen xaqi iqada dhacdada jeelka.

Ciidamada Dowladda oo la Wareegay dega ano u dhow Dhuusamareeb.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ah aan kuwa sida Gaar ah u tababar ee Gorgor ay aa howlgal ay sameeyeen kula wareegay deg aano dhowr oo hoostaga Magaalada Dhuusa mareeb ee Caasimadda Galmudug oo ay horay u joogeen Al-Shabaab. Taliyaha Xasilnta Gal mudug G/L Cabdi Maxamed Suulnuug ayaa sheeay in dagaal la’aan ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano ay ku sugnaayeen, isla markaana ay Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Waxaa u sidoo kale sheeay Taliyaha in ho wlgallada ay weli kasii socdaan degaannada ho ostaga magaalada Dhuusamareeb oo mararka qaar ay alal amni darro ka geysan jireen Ururka Al-Shabaab.

Degaannada ay Ciidamada Goror Shalay la wareegeen ee duleedka magaalada Dhuusa ma reeb ayaa waxaa dhowr jeer weeraro kasoo qaaday Xubno katirsan Urruka Al-Sabaab.

Guddoomiyaha ONLF " Tacaddiyadii laga ga lay Shacabka degaanka Soomaalida waa in ay qayb ka noqdaan wadatashiga Qaran"

Guddoomiyaha Ururka ONLF Cabdiraxmaan Mahdi maaday oo waraysi siiyay BBCda ayaa ka hadlay xaaladda guud ee degaanka Soo ma alida, iyo waliba arrimo ay kamid yihiin ara gti da ka urur ahaan ay ka qabaan kulanka wa da ta shiga Qaran ee Itoobiya dhawa an lagu qaba nayo.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu horreyn ka hadlay kulanka wadatashiga Qaran ee dhaw aan Itoobiya ka dhacaya, waxa uuna sheegay in muhiim tahay in kulankaas lagu soo daro aja ndaha ah in lagaga hadlo tacadiyadii iyo dam biyadii laga galay shacabka dowlad degaanka Soomaalida.

" Itoobiya waxay dambiyo ka gashay shacab ka dowlad degaanka Soomaalida, dad aad u badan oo degaanka Soomaalida u dhashay ay aan la ogayn meel lageeyay, haween badan ay aa kufsi loogaystay, sidoo kale caruur badan oo la agoomeeyay ayaa meel walba jooga, dhammaan dambiyadaasina waa mid la diiwa an galiyay oo caddaymaheeda la hayo" ayuu yiri Guddoomiyaha ONLF Abdiraxman Maadey.

Geesta kale waxa uu Guddoomiyuhu ka hadlay xariga Madaxwaynihii hore ee degaanka Soo maalida Cabdi Maxamuud Cumar oo uu ku til maamay xarig siyaasadaysan, isagoo xusay in Cabdi Iley uu dhibaato ka gaystay degaanka Soomaalida, balse tacaddiyadii kala duwanaa ee degaanka ka dhacayay ay masuuliyadeeda lahaayeen maamulkii xilligaa Itoobiya ka talin ayay.

" Anagu ma odhanayno Cabdi Iley dambi ma galin, laakiin aaway madaxdii federalka ee xilli gaa amarka bixinayay, badankood Addis Aba ba ayay iska joogaan, taa waa midda aanu u le enahay xarigga Cabdi Iley waxa uu ahaa mid si yaasadaysan" ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Mar wax laga waydiiyay arrinka go'itaanka ee inta badan hadafka u ah ONLF, waxa uu gu ddoomiye Maadey sheegay inaysan dambi ah ayn gooni isutaaggu, " Gooni isutaaggu dambi ma aha, haddii shacabka dowlad degaanka So omaalidu u baahdaan inay gooni uga go'aan Ito obiya, waxay codsan karaan afti dadwayne oo waafaqsan dastuurka dalka uyaala".

Ugu dambayn waxa uu guddoomiyuhu xusay in haddii shacabka dowlad degaanka Soomaa lidu xaqooda iyo karaamadooda ka waayaan Itoobiya, ay xaq u leeyihiin inay ka go'aan Itoobiya.

Shirkadda Coastline oo ku adkeysatay inuu sharci yahay heshiiska shidaalka Soomaaliya

Shirkadda Coastline Exploration ayaa ku gacansayrtay go’aankii ay madaxda sare ee dowladda uga horyimaadeen heshiiskii uu Was iirka shidaalka dowladda kula saxiixday maga alada Istanbul ee dalka Turkiga.

Madaxa shirkadda Coastline, Richard And erson ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyaay bar naamijka Galka Baarista waxa uu si weyn u dif aacay in uu sax ahaa nidaamkii ay heshiiska ku la saxiixdeen Wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Axmed.

"Waxaa aaminsanahay in heshiiska aan sax iixnay uu sax yahay oo si buuxda u jiraan. Fila shadeyda waxa weeyi in aan fasax ka heli doo no dowladda federaalka, kadib waxaa bixin doo na lacagtii saxiixa oo waa shaqo galeyna,” ayuu yiri.

"Cid iskama dhago tirin, markale aniga oo dooneyn in aan hoos ugu sii galo faah-faahinta dooda sharciga ah, sababta oo ah way jiraan iyaga oo dhowr ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in ka hor inta ay saxiixin heshiiska ay la tashi la sameeyen wasaarada iyo wakaalada Batroolka, kuwaasi oo kalsooni ka siiyay in madaxweynaha iyo Ra ’iisul Wasaaraha ay ka warqabaan saxiixa heshiiskaas.

"Nagama suurtowdo taxadar la’aan intaas le’ eg in aan galno howl intaas le’eg anaga oo aan ogeyn ama rumeysneyn in howsha ay korka ka toosan tahay. Waxaa ku xasuusinaya in marka la raaco sharciga Batroolka aan nagala doon eyn in aan la hadalno Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha midkoodna si toos ah, ” ayuu yiri Madaxa shirkadda Coastline, Richard Ande rson.

Richard Anderson ayaa ku cel-celiyay in ma daxda sare ee dalka ay ka warqabeen heshis kaas, sida ay u sheegen madaxda Wasaarada, ayada oo hore u sheegay Wasiirka shidaalka iyo macdanta Soomaaliya, Cabdirashiid Maxa med Axmed in Farmaajo uu wax ka oga arrin taas. Hase yeeshe Xafiisyada Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday Madaxamed Ca bdullaahi Farmaajo iyo kan Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Roole ayaa waxay labaduba rasmi ahaan u shaaciyeen in heshiiskaas uus an xalaal ahayn, ayaga oo si adagna uga hor yimid.

Sidoo kale waxa jira xafiisyo ka baxsan mid ka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo hore uga digay in xiligaan heshiisyo la galo, ma adama ay dagsaneyn shuruucdii canshuurta iyo deegaanka, waxaana kamid ah Guddiga maamulka Maaliyada oo la sameeyay sanadkii 2013-ka si ay dowladda uga siiyaan tallo-bixin heshiisyada iyo qandaraasyada, waxaana gud diga ku wada jira Wasiirka maaliyada Soomaal iya, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo xubin ka tirsan bangiga Adduunka.

Guddigaan ayaa talo-bixin ay soo saareen bishii Janaayo ee sanadkii hore waxay ku soo jeediyeen in heshiisyada iyo qandaraasyada cusub ay sugaan dowlada cusub ee dalka ka dhalan doonta.XIGASHO:-CAASIMADDA.NET

Hogaanka xisbiga Waddani oo booqday dad laga soo qabtay goob dahab laga helay

Musharaxa madaxweynaha Xisbiga Wadd ani Cahdiraxmaan Maxamed C/hi Cirro, ayaa booqday dad tiradooda lagu sheegay 60 qof, oo laga soo xidhay deegaan dahab laga helay oo kamid ah gobolka Awdal ee galbeedka So maliland, waxaanu ku baaqay in lasii daayo.

Md.Cirro oo ay booqashadiisa ay ku waheli yeen saraakiil kale oo xisbiga ka tirsan, ayaa hay'adaha sharciga ugu baaqay in lasii daayo dadka xidhan, isagoo sheegay in ilaa hadda aan wax danbi ah lagu hayn. "Waxaanu usoo jeedinaynaa hay 'adaha sharci dajinta in muwaadini inta madama oo ay 23 cisho oo xa qdaro ah xidhanyihiin, waxbana lagu caddaynin ilaa hadda, xoriyadoodii loo soo celiyo" ayuu yiri Cirro. Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdin aasir Muxumed Xasan Buuni, oo ka jawabay hadalka Cirro, ayaa sheegay in Cirro aanu bo oqan taliye ku xigeenkii booliiska G/Awdal oo ku dhaawacmay howlgalka dadka lagu xidh xir ayay, isla markaana uu wax aan sugnayn ka hadlayo.

"Cabdiraxmaan Shalay wuxu ka hadlay dha cdo ka dhacday degmada Baki oo kamid ah G/ Awdal...waxan ka xumahay in Cabdiraxmaan ka baaqsado in uu soo eego taliye ku xigeenkii gobolka Awdal oo dhawac xuni ku yaalo, isla markaana uu lasoo istaago waxan jirin" ayuu yidhi Buuni.

Xukuumada Somaliland ayaa horay ugu and acootay in dadka lasoo xidhay anay badan koodu ahayn dad muwadiin reer Somaliland ah.

Muhaajiriintii ugu badnayd oo gaaray xuduuda Maraykanka ee Mexico

Muhaajiriinta u tahriibaya dalka Maraykan ka ee ka soo gelaya xadka dalka Mexico ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyey muddo labaatan sano ah.Maraykanka ayaa isu diyaarinaya inay xadka soo gaaraan tiro intaas ka sii ba dan, iyada oo la filayo in la qaado amar dhinaca soc daalka ah oo la soo ro gay xilligii uu sida aadka ah u fa afayey xan uunka COVID19, ka as oo dib u celi nayey muhaajiriinta iyo maga ngel yo doonka.

Masuuliyiinta hay’adda Socdaalka ee Maray kanka ayaa sheegay in bishii March oo keliya in illaa 221,303 oo jeer la joojiyey muhaajiriin ka soo tallaabaya xadka K/Galbeed ee Marayk anka, taasoo ka dhigan inuu jiro koror gaaraya illaa 34% marka la barbardhigo bishii February, sida ku cad xog ay hay’adda ilaalada xuduuda ha Maraykanku u gudbisay maxkamad ku taal la gobolka Texas.

Tirada muhaajiriinta ayaa bilba bisha ka da mbaysay sii kordhayey tan iyo markii uu xafiis ka qabtay madaxweyne Biden, waxaana arrinta ni keentay in kooxaha kasoo horjeeda maamul ka Biden inay u adeegsadaan caddaymo ku sa absan inaan madaxweyne Biden masuuliyad badan iska saaray ammaanka xuduudda.

Madaxweynaha Koonfur Afrika oo ku dhaw aaqay xaalad Qaran

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, oo hadlay ayaa ku dhawaaqay xa alad Qaran oo musiibo ah kadib fat ahaado baahsan oo ku dhuftay Go balka KwaZulu-Nat al, kuwaasi oo galaaftay nolosha 443 Ruux, Kuma naan kalana ay ku guryo beeleen.

Ramaphosa, ayaa sheegay in Sanduuqa Wadajirka ee Co vid-19 horey loogu qoondeey ey, haatan loo isticmaali doono dadaallada gur madka fatahaadaha, ma cadda ilaa iyo hadda inta lacag ah ee laga sii deyn do ono san duuqa. Waa Masiibadii ugu xumeyd ee soo marta taariikhda dalka Koonfur Afrika inta la xa suus to, waxaana aad uga xumaaday qaar ka mid ah Madaxda dalalka Afrika.

Ruushka oo soo bandhigay rag British ah oo uu ku qabtay Ukraine

Laba dagaal-gale oo Ingiriis ah oo la sheeg ay in ay ciidamada Ruushku ku qabteen dagaal ka Ukraine ayaa kasoo muuqdey muuqaal-ba ahiyaha qaranka Ruushka iyag ga oo codsi u diraya ra’iisal was aare Boris Johnson in uu taag eero u fidiyo.

Shaun Pinner oo 48 jir ah iyo Ai den Aslin oo 28 jir ayaa muuqaal kooda laba je er la kala baahiyey iyaga oo dal banaya in lagu bede sho siyaasiyiin Ruushka taaageersan oo lagu hayo Ukraine.

Gabadh caan ka aheyd TikTok oo lagu xukumay 3-sano oo xarig ah.

Xiddig caanka ka ah barta TikTok oo u dhal atay dalka Masar ayaa lagu xukumay saddex sano oo xarig ah kadib markii ay maxkamad ku taalla Masar ay ku heshay dambi ku saabsan tahriibinta dadka.

Haneen Hosam ayaa lagu eede eyay inay taageerayaasheeda ku casuuntay inay soo duu baan mu uqaallo toos ah si ay lacag ugu bed desho.

Waxay beenisay eedeymaha loo soo jeediyay.

Dadka u dooda arrimaha xuq uuqul insaanka ee Masar ayaa sheegay in dacwadda lagu soo oogay gabdhan ay qeyb ka yihiin howlgallada ka dhanka ah ha weenka saameynta ku leh baraha bulshada.

Haneen oo ah ardayad wax ka barata Jaa macadda Qaahira, ayaa barteeda TikTok wax aa ku xiran in ka badan 900,000 qof iyadoo soo bandhigeysay muuqaallo ku saabsan heesaha iyo qoob ka ciyaarka.

Madaxweyne Zelensky Oo Sheegay In Ruushku Doonayo Inuu Bur-Buriyo Seddex Magaalo

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah ciidamada Ruushka ay ha dda diiradda saareen hawlgalkii ay muddo dhe er isku diyaarinayeen.

Goor sii horreysay, Golaha Ammaanka Qar anka ee Ukraine ayaa she egay in ciidamada Ruush ka ay isku dayeen in ay dhulka ku dar aan ku dha waad​​ dham maan ciidama da jiida ha hore ee goboll ada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

Weerarkan ayaa ahaa mid la filayey muddo dheer kadib markii Ruushka uu ku guul darays tay inuu qabsado Kyiv.

Ruushka ayaa markii hore u muuqday in uu doonayay in uu qabsado magaalooyinka waaw eyn ee Ukraine oo uu afgambiyo dowladda.

Hase yeeshee ka dib markii ay la kulmeen is ka caabin adag, saraakiisha difaaca ee Ruush ka ayaa sheegay in ujeeddooyinkoodii ugu muh iimsanaa ee "marxaladda koowaad ee hawlgal ka” ay "guud ahaan u qabsoomeen” sidaa dar tedna ciidamadooda laga soo raray aagagga caasimadda.

Waxay ku dhawaaqeen qorshayaal cusub oo diiradda lagu saarayo duulaanka "xoreynta” go bolka Donbas ee ku hadla afka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin ayaa duulaanka ku tilmaamay mid la doonayo in ciid amada looga saaro dalka Ukrain, taasoo Ukr aine iyo xulafadeeda ay ku gacan seyreen ay na ku tilmaameen weerar aan markii hore loo

meel dayin.


Xadiith: N°23 Falka Kheyrka


Waxaa laga weriyay Abuu Maalig al-xaaris ibn Caasim Al-Ashcari (Allah haka raalli noqdee):

”In uu yiri: Rasuulkii Allah (c.s.w.) Wuxuu yiri: Nadaafaddu waa iimaanka barki, xamdiga Allana wuxuu buuxiyaa miisaanka Ereyada Subxaana Laah..Al-xamdu Lillaah, waxay buuxiyaan cirka iyo dhulka dhexdooda, salaaddu waa nuur ,sadaqadu waa burhaan (xujo), sabarku waa iftiin , Qur’ aanku xujo ayuu kuu noqdaa amaa kugu noqdaa, dadka oo dhammi wey kallahaan naftoodey iib geeyaan, qaar wey xureeyaan, qaarna wey halaag aan. "[Muslim].

Sharaxa:Xadiiska Seddex & Labaatan

Xadiiskani wuxuu ina tusayaa arrimo aad u qiimo weyn: Nadaafadda waxaa looga jeedaa in qalbiga laga safeeyo xaasidnimada, xinka iyo jirrooy inka qalbiga gala ee faraha badan. Marka qofkiiIlaahay rumeeya waxaasna ka nadiifiyo qalbigiisa ayuu iimaanku mid dhan noqonayaa. Ereyga mahad-naqa ee ah (al Xamdu Lillaah) ajarkiisu wuxuu buuxinayaa miisaanka lagu miisaamo kheyrka iyo sharka ooIlaahay og yahay inta uu la eg’ ya hay, sidoo kale labada eray oo wada jira ee kala ah (Subxaana Allaahi walxamdu Lillaah) waxay buuxinayaan ajarkoodu ama abaal-gudkoodu cirka iyo dhulka dhexdooda, waa siyaalo llaahay oo keli ah uu qiyaasi karo.

Salaaddu waxay u noqonaysaa qofka nuur uu ku hanuuno, sadaqadu waxay u noqoneysaa summad muujisa qofka islaam-nimadiisa iyo siduu xo olahiisa, xooggiisa iyo aqoontiisa ugu caawiyay walaalihiisii u baahnaa, sabrigu waa ku adkeysiga xaqa, iyo ku adkeysiga iska celinta iyo ka fogaan shaha wixiiIlaahay xaaraantimeeyey, iyo u sabarka wixii dhib ku soo gaara ee Allah uu kuu qaddaray, marka adkeysiga qof ku u adkeysanayo dhiba atada ka soo gaarta fulinta sharciga islaamka waxaa loogu abaafgudayaa in loo iftiimiyo jidka toosan ee Jannada loo maro marka dadka kale mugdi ga lagu daboolo.

Qur’aanku isagu waa xujo, qofkii ku camalfala wuxuu u yahay xujo u marag kacda daacadnimadiisha, haddii aanu ku dhaqmin wuxuu ku noqona yaa xujo ku caddeysa ceebihiisa iyo dembiyadiisa. Qof kasta subaxii wuxuu u kalahaa danahiisa, wuxuu iib geynayaa camalka naftiisa, marka had duu wax kheyr leh sameeyo naftiisa wuxuu ka furtay cadaabkii Allah, haddii uu ku kaco sharraftiisii ayuu ku riday cadaab. Marka qofka isagaa la siiy ay awood inuu kala doorto meesha uu naftiisa geynayo Janno iyo Naar hadba tuu u camal fasho.

FAA’IIDADA XADIISKA

1. In qofka muslimka ah ku dadaalo siduu qalbigiisa uga nadiifin lahaa waxyaalaha xun xun,

2. In falalka dadka miisaan lagu qiyaasi doono,

3. Faa’idada sabarka iyo ajar badnaantiisa,

4. Sida Quraanku dadka ugu shafaaca qaadayo haddii lagu camal falo,

5. Qof kasta naftiisuu u shaqo tegayaa ninNaar u jeeda iyo ninJanno u jeeda ayaa loo qeybsamayaa’ marka naftaada Janno u jiid,

6. Qiimaha sadaqada iyo salaaddu u leedahay maalinta xisaabta qofkii hormarsaday.

 


Xadiith: N°24 Reebidda Dulmiga


Waxaa laga weriyey Abii-Dar al-Gafaari (Allah haka raafli noqdee);

”In Nebigu (s.c.w.) uu ka weriyey Rabbigiisa oo yiri: Addoomaheygi yow anigu waan ka xaaraantimeeyey nafteyda dulmiga, waxaan ka dhig ay dhexdiinna xa araan, idinku ha is-dulminina. Addoomaheygiyow dham maantiin baadi baadtih iin, qofkii aan hanuuniyo ma ahee, marka soo do onta hanuun aan idin hanuun iyee. Addoomaheygiyow dhammaantiin wa ad baahantihiin soo doonta quud aan idin quudiyee. Addoomaheygiiyow dhammaantiin waa arradan tihiin soo doonta hu aan idin arrad tiree.

Addoomaheygiiyow habbeen iyo dharaarba waad gefeysaan, dembi gadhammaantiina anigaa dhaafa, marka dembi-dhaaf dalba aan idiin dembi dhaafee.

·Addoomaheygiiyow haddaad i dhibi lahaydeen ma awoodi kart aan, had daad wax ii tari lahaydeen ma awoodi kartaan. Addoomah eygiiyow haddii dadkoo dhammi kii loogu hor’uumay ilaa kii ugu dam beeyey Jinni iyo Insiba oo ay dhammaantood la mid noqdaan qofka dadka ugu Allah ka cabsi iyo cibaado badan, waxba hantideyda ku kordhin meysaan. Addoomaheygiiyow haddii dadk a oo dhan kii loo gu hor uumay ilaa kii ugu dambeeyey Insi iyo Jinniba ay la mid noqd aan ninka dadka ugu caasi badan, waxba hantideyda ka dhimimey saan.

·Addoomadeydiiyow haddii dadka kii u horreeyey iyo kii u damb eeyey lnsi iyo Jinba hal meel ay isugu yimaad aan oo ay dham maan tood i weydiistaan waxa ay doonayaan oon mid kasta siiyo wuxuu warsaday waxba hantideyda ka dhimi maayaan, waxaan ka ahayn irbad bad la geliyey ay ka dhinto biyaha badda.

·Addoomaheygiiyow, waxaan idiin hayaa camalkiinnii oon idiin ke ydiyey, si waafi ahna idiinka abaalmarinayo, marka ninkii kheyr la kul maIlaahay ha u mahad-naqo, kii shar la kulma naftiisa keliya ha canaanto.”[Muslim].

Sharaxa:Xadiiska Afar & Labaatan

xadiiskan waa xadiis Qudsi ah, Nebigu (s.c.w.) Ilaahay ka weriyey. Dul miga waxa loola leedaa in dadka gardarro iyo xasad lagu ta kaco ama xo olahooda xaq-darro loo qaato, markaIlaahay wuu ka dhowrsoon yahay dulmiga, dadkana wuxuu amray inaanay is-dulmin, wuxuuIlaahay inoo sheegay wax jira oo ah in dadku dunida yimaado, iyagoon aqoon lahayn, iyagoo qaawan, iyagoo sabool ah, marka Ilaahay baa irsaaqda, hanuun ka iyo aqoontaba ugu deeqa dadkiisa, waana in laga dalbo isaga keliyah oon laga baryin cid aan arrimahaas gacanta ku haysan, maxaa yeelay, qofna ma bixin karo wax aannu hanan.

Wuxuu sheegayIlaahay dabeecadda aadamigu leeyahay oo ah inuu mar kasta gefaf ku dhaco, marka qofkii gefaa waa inuuIlaahay cafis war sado oo uu u toobad keeno, jidka toosanna raaco.

WaxaanuIlaahay u ballanqaaday qofkii dembi-dhaaf warsada, jidka quman na ku toosa inuu cafin doono. Waxaa kale ooIlaahay inoo sheeg ay inaan caasin nimada dadku Ilaahay waxba u dhimayn, xitaa haddii uunkoo dhammi ku caasi garoobaan.

Sidoo kale daacadda badan waxbaIlaahay u kordhin maayaan, xitaa haddii uunkoo dhammi wada daacad taqi ah noqdaan, macnahoo ah kha lqigaIlaahay waxna ma u tari karaan waxna ma yeeli karaan,Ilaahay isa gaa dunida abuuray, waanu ka deeqtoon yahay sida lagu caddeeyey aa yado badan oo Qur’aanka ah, marka uunku isagaa u baahan Ilaahay, wa xaana u roon in ay amarkiisa fuliyaan, si ay u gaaraan danahooda. Waxaa sidaa caddeeyey qowlka leh: "Haddii dadkoodhan oo jinkuna la jiro qof kastana wuxuu ka doono dunida i warsado oon dhammaanto od qof waliba siiyo wuxuu warsaday hantidaIlaahay waxba ka dhimmi maayaan, sida aanay waxba uga dhimayn haddii irbad badda la geliyo oo laga soo saaro.”

Ugu dambeyntii xadiisku wuxuu sheegayaa in dadka lagu abaalmar iyo qofba wuxuu fashay, marka qofkii ku gabood falay sharciga, hawada naf tiisana raacay waxaa loogu abaalgudayaa cadaab. Qofkiise amarka Rabbi raacay ee sharciga ku camal-falay, waxaa loog u abaalgudayaa Jannada. Marka qofkii naar mutays ta ha canaanto naftiisa oo keliyah, ma xaa yeelay, iyadaa ka dhumisay jidka toosan.

FAA’IIDADA XADIISKA

1.In dulmigu xaaraan yahay;

2.Hanuunka waa in la warsadoIlaahay oo keliyah, asbaabtana lala yima ado sida salaadda, ku xirnaanta masjidka akhrisashada qur’aan ka iyo xadiiska nebiga (SCW), la xiriirka dadka wanaagsan sida cul umada, akhyaarta, dadka lslaamka iyo siday kalimada Allah kor u ahaan laheyd ku howlan lana jeclaado iwm ;

3.Khalqigu dhib iyo dheef midna llaahay ma gaarsiin karaan;

4.Dadka waxaa lagu abaal-mariyaa qofba wuxuu fashay;

5.Qofka Muslimka ah waa in uu Ilaahay ka baryaa hanuunka, kheyrka, dembi dhaafka iyo wuxuu doonaba ee aannu ka codsanin arrimahaas cid aan waxba uga tarayn;

6. Qofku waa in uu Allah uga mahadnoqo nicmooyinka faraha bad an ee aan la soo koobi karayn. La soco qeyb kale .



DARUUSTA RAMADAANKA {FADLIGA SOONKA}TOBANKA HABEYN EE DAMBE IYO LEYLATUL QADDARKA


BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM.

Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha aha ato.Ilaah wuxuu diinta Islaamka ka dhigay diin sahlan; in Ilaahay arrimaha kuw ooda sahlan nala rabo waxaa lagu xusay aayadaha ka hadlaya Soomka iyo aaya do kale. Waxaan filayaa in qof kasta oo muslim ahi ka dheregsanyahay raxmad da, dhambi-dhaafka iyo cadaab-ka-xoreynta lagu sheegay Ramaadaanka guud ahaan iyo fadliga ay leedahay habaynka Leylatul Qadarka gaar ahaan.

HABEYNKAAS BISHA RAMADDAAN WAA INTEE?

Runtii waa dheertahay doodda ka taagan cayimidda habaynkaas. Ibnu Xajar iyo culumo kalaba waxay soo tiriyeen aqwaal ka badan 45. Qaar waxay dhaheen waa habenka ugu horreeya Ramadaan; qaar kale habaynka ugu dambeeya; had alo caan ka ah culumada waxaa ka mid ah inuu yahay 21-ka ama 23-ka ama 27-ka Ramadaan iyo hadalo kale. Waxaa aad la iskugu raacay in 10-ka ama 7-da habeen ee Bisha ugu dambe eya laga raadsho khaasatan habeynada is-dheer.

Maxaa Tobanka ugu Dambeeya laga Wadaa?

Sida sharruucda iyo hadallada culumada laga fahmayo waxaad mooddaa in Ra madaanka loo qaybiyey seddex tobnaad. Mid hore, mid dhexe iyo kan ugu dam beeya. Waxaa jira xaddiis saxiix ah oo oranaya inuu nabigu (SCW) Leylatul Qad arka ka raadshay 10-ka hore haddana 10-ka dhexe markii dambana uu ka dhig tay 10-ka ugu dambeeya. Waxaad mooddaa in aan toban tobankaas laga wadin 10 habayn maaddaama ay bishu ku dhammaan karto 29 cisho. Marka hadday culumadu si cad u dhahaan 10-ka ugu dambeeya waxaa laga wadaa, laga bila abo habaynka 21-naad ilaa dhammaadka bisha iyadoon loo eegayn inay ku dha mmaato 29 ama 30 cisho waa wax la fahmi karo.La Soco Qeyb Kale

W/D/Cabdulwaaxid Khaliif cabdulwaxid@hotmail.com

WARGELIN :-Maamulka wargeyskan wuxuu kugu wargelinayaa inaad xafidid Bogagga Qoraalada Diinigaah ee ku Qoran wargeyskan,kana Ila alisid Meelaha wasaqeysan oo aanad dhigin Mahadsanidiin




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip