Hashaada Oo Kici Waysey Haruub Looma Qaato

0
Tuesday April 19, 2022 - 23:42:43 in Wararka by
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hashaada Oo Kici Waysey Haruub Looma Qaato

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Geela, gaar ahaan Hasha irmaan marka ay abaaruhu dhacaan, daaq la waayo, biyo la waayo, una dheer tahey gujada ubadku, cuduro iyo dayac kalana u raaco, kicidda ayey kari waysaa, waxayna u baahdaan badbaadin maxaa yeeley waxay waysey isku filnaashaheedi.

      Marka xaaladdu sidaa noqoto, qofka leh ee ka naxaya Hashaa wuxuu bilaabaa baxnaaninteeda, wuxuu ka ilaaliyaa dugaaga doqon sanaya ee doonaya in uu cuno isaga uga faa’iideysanaya xaaladda ay ku jirto, wuxuuna u dulqaata maalmo inta seedaha iyo murqaheedu isla jaan qaadayaan ayna dib u soo ceshaneyso isku-filnaashiyaheeda nolosha.

     Marka uu maalmo daaq siiyo, waraabiyo, baxnaaniyo oo ka gubo ama ka daweeya cudurada, kadibna lugaheeda ku istaagto, afkeeda iyo addimadeedana kusoo daaqdo, nuujisana ubadkeeda ayay soo oloshaa, kadibna dhakalkiisa ayuu qaata isaga ka doonaya caano uu ku hammuun beelo.

     Marka uu caanaha ka dhargo, isaga oo aan weli afka tiran ayna ka muuqdaan raadka caanuhu, ayuu sidaa u eegaa Hashii, kadibna dhoola caddeeyaa isaga oo ku faraxsan dadaalkiisa guusha ku dhamaadey, Hashiina markaas ayey geesgees u soo fiirisaa iyada Saynta ruxeysa isla markaana dariin siineysa in ay ogtahey gurmadka iyo badbaadinta uu u sameeyey, hubineysana in uu qanacsan yahey.

      Xaaladaha noocaan ah raggu waa ku kala duwan yahey, waxaana jira qaar marka Hashiisu fariisto isla markiiba ka fakara qiimaha maqaarkeeda, isaga oo ka maran naxariis, dhabna u fariin tirada ay ka baxayso, intii uu soo maaley, iyo ubadka dultaagan ee ku dul juucaya.

       Ragga noocaan ah way badan yihiin, waxaana lagu bartaa xiliyada abaaraha ee xaaladuhu adkaadaan.

     Ragga dhaqankaan leh waxay ugu danbeyn mariyaan xeryahooda, waxayna noolaadaan nolol aan xor aheyn oo ku tiirsan rag kale. 

     Waxay ku danbeeyaan shallaay, waxaana soo gaabta cumrigooda.

Ninka ka xishoon waayey Hashiisa oo kici la’a, iskuna dayey in uu xoog ku kiciyo si uu caano qasab uga keeno, baqtigeedana kama nixi doono.

    Qaarbaa hagar daamooyin kale (Sun, jug, dandareyn kale) ugu dara Hasha, si ay degdeg ugu baqtiso kadibna harageeda uu suuqa u geysto.

    Qarankeena waxaa ku dhacey burbur dhinac kasta ah, siyaaasad, dhaqaale, bulsho, amni, dhaqan, waxbarasho, iyo caafimaad. Dadkeenii ayaa dibadaha qaxooti ku ah. Dowladnimadeena waa kufaa dhaceysaa, waxayna u baahan tahey baxnaanin iyo in loo dulqaato, lana geliyo waqti, xoog, maskax, iyo maal.

      Qarankeena iyo dowladnimadeenu maanta waxay u baahan yihiin in laga ilaaliyo cayayaanka iskaba daa dugaaga waaweyne. Waxaa maanta qaranimadeena soo haweysanaya dad kuwa u tabarta yar, iyada oo maalin kasta la arkayo waddamo cusub oo xadgudubyo u geysanaya qarankeena iyo dadkeena.

     Marka sidaas oo kale uu dal u burburo, waa dabiici in cidkasta ay uga faa’iideysato danaheeda, isla markaana ka aar goosato haddii ay jireen xurguf ama dhacdooyin hore. 

     Dariiqa kaliya ee aan kaga badbaadi karno hagardaamooyinka ku gadaaman qaranimada iyo dowladnimadeena waa midnimo, isu tanaasul, dulqaad iyo dadaal dheeri ah oo aan la imaano dhammaanteen. 

      Taas haddii la waayo waxaan marqaati ka ahaan doona burbur umaddeed iyo guuldaro ku soo dhamaada nolosheeda iyo nafteena oo aan hanan weyno.

      Dagaalkii 2aad ee Adduunku wuxuu saameeyey inta badan dunida, waxaana ka dhashey burbur dhaqaale, Amni iyo bulsho.      Wadamada uu aadka u saameyey waxaa ka mid ahaa waddamo badan oo ku yaala Yurub iyo Aasiya oo maanta ka mid ah waddamada ugu hormarsan dunida sida; Germay iyo Jaban.

      Waddanka Rwanda wuxuu ka mid yahey waddamada Africa ku yaala ee colaaduhu burburiyeen isla markaana nolosha dadku ay gaartey meesha ugu hooseysa, waxaa burburey waxkasta, siyaasad, dhaqaale, Amni iyo bulsho. Muddo kooban kadib, Rwanda waxay ka soo kabatey burburkii waxayna qabsatey dariiqa hormarka, iyada oo maanta ka mid ah waddamada ugu hormarsan qaaradda Africa, noqoteyna tusaale loo soo qaato xalinta dhibaatooyinka ka dhaca dunidaan aan joogno.

     Dhammaan waddamadaan burburey, haddana ka soo kabtey, qabsadeyna dariiqa hormarka, kuma badbaadin gacamo ama kaalmo Shisheeye, kumana badbaadin kala adkaan iyo xoog, waxay ku badbaadeen kuna gaareen hormarka ay maanta heystaan go’aamada ay qaateen dadkoodu oo ay hor kacayaan siyaasiyiintooda iyo hoggaamiyeyaashoodu.

      Dadka u dhashey dalalkaan waxay ka qanceen in aysan xoog iyo gacmo shisheeye ku badbaadi karin kagana bixi Karin dhibaatada, waxayna qaade en dariiqa nabadda, isu tunaasul, dulqaad iyo iscafin guud, waxayna ku darsadeen isku tashi iyo dadaal ay u galeen dib u dhiska dalalkooda iyo nolosho oda.     Laga soo bilaabo abuuristii Aabbe Aadan iyo Xaawo, Qof kasta wuxuu ku astaysan yahey taariikhda uu qeybta ka ahaa ama uu marqaatiga ka ahaa. 

    Waxaa hubaal ah in qofkasta oo maanta nool uu ku asteysnaan doono taariikh, laguna xasuusan doono ka qeyb qaadashadiisa taariikhda xumaan iyo wanaag.

S    haqsi kasta oo Soomaali ah oo aniguba aan ku jiro oo maanta nool wuxuu ku asteysnaan doonaa taariikhda uu joogo, labo midkood ayayna noqo neysaa; in uu taariikh xun sameeyo, qeyb ama marqaati ka noqdo iyo in uu taariikh wanaagsan sameeyo, qeyb ama marqaati ka noqdo, ka dibna ay ka sheekeeyaan jiilasha danbe.

     Marka aad dib u fiiriso ama aqriso taariikhaha umadaha, waxaad arkaysaa boqolaal iyo kumanaan sano ka hor dad laga waramayo waxyaabo wanaagsan ama xun oo ay sameeyeen, waxayna ku saleysan tahey waqtiyo cayiman oo dadkaas ay noolaayeen, marqaatina ka ahaayeen dhacdooyinka samaankaas.

     Taariikhda Islaamka markaan fiiriso, waxaad maqleysaa ama arkeysaa dhaqamo ama hadalo laga soo wariyey noloshii Nabiga CS, sidoo kale waxaad arkeysaa dhaqamo ama hadalo laga soo gudbiyey shaqsiyaad Islaamka caqabad ku ahaa ama u gargaarey, waxaana laga waramayaa dhaqamadoodii oo faahfaahsan xumaan iyo samaan midkii ay aheydba.

     Xogahaas oo dhan waxaa la keydiyey, la isuna gudbiyey iyada oo aysan jirin Tijnooliyad, Saxaafad, wax qoridduna ay aad u yareyd.

Haddii qarniyo hore dadkii noolaa la keydiyey taariikhaha ay ka tageen oo ilaa maanta la aqrinayo, maxaad u maleyneysaa kuwa la keydin doono maanta oo la heysto tijnoolajiyad, wax-qoridduna badan tahey, saxaafadna ay jirto?

      Maanta oo aad joogto, lagana yaabo inaad aqrineyso qoraalkaan, waxaad bilaabi kartaa in aad sameyso ama qeyb ka noqoto taariikh wanaagsan oo jiilalka danbe isu gudbiyaan, taas oo ah inaad si daacad ah uga qeyb qaadato dib u dhiska dalkaaga, ka shaqeyso wax kasta oo nabadda iyo dowladn imadeena u adeegaya, adiga oo dib u dhiganaya dantaada gaarka ah (Siyaasad, dhaqaale, xil, iwm), gadaalna aan u raaceyn wax hore u dhacey, kana shaqeynaya danta guud.

      Haddii shaley hoggaamiye kooxeedyadii lagu eedeynayey in ay dalka burburiyeen, kala qeybiyeen, danahooda ka raacdeen, shisheeye u gacan galiy een, dhac, dil iyo kufsi geysteen, islamarkaana aysan wax wanaag ah ka shaqeyn marnaba, hadda oo aad adigu joogto, lagana yaabo in aad heyso xil siyaasadeed ama dowladeed, dalkiina sidaan yahey maxaa lagaa qori doonaa oo jiilasha danbe aqrin doonaan?

     Waa in aan ogaanaa in aysan jirin wax la mucaarado ama la kala eryado, waa in aan ogaanaa in aysan jirin wax wayn oo aan kala difaacano oo aan ku dagaalno, maxaa yeeley waa dalkeenii uu burbursan, xaalado amni, dhaqaale, bulsho iyo faragelin shisheeye dhex muquuranaya, waa dalkeenii oo dad kiisii maalin kasta argagixiso dileyso, dhaceyso, handadeyso, waa dalkeenii oo maalin kasta shisheeye ugu hanjabayo in uu goosanayo mucaawino yar oo laga yaabo in aysan dalkeena iyo dadkeenaba soo gaarin. 

      Waa dalkeenii oo caalamka magacyo iyo sumado aan fiicneyn lagu asteeyey sida, argagixiso, burcadbadeed, musuq, amni darro, qaxooti, gaajo, caw aan is cuneysa. Waa dalkeeni oo dadkiisi dunida u kala yaacey, qofkasta meeshiisa dhibku ku heysto.

     "Qarankeenu weli ma gaarin heer qof kasta waxa uu doonayo uu ka heli karo”.

W/Q Dr. MaxamedAadamKoofi




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip