HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA ABRIL 2022

0
Monday April 18, 2022 - 08:09:45 in Wararka by
  • Visits: 443
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 18-KA ABRIL 2022

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Xeerka Doorashada Guddoonka Labada Aqal Oo Berri La Ansixinayo

Guddiyada qabanaya doorashada guddoonka 2da aqal ee BJFS ayaa Shalay kulan wadajir ah yeeshay, iyagoo ka wadahadlay xeerka doora shooyinka guddoonka labada Aqal.

Kulankan ayaa waxaa lagu go’aamiyay in xee rka lagu ansixiyo fadhi wadajir ah oo maalinta berri ay yeelanayaan labada Aqal.Waxaa kulank aan ayaa goobjoog ka ahaa Guddoonka KMG ah ee labada Aqal.

Labada guddi ee qabanqaabada doorashada guddoonka labada aqal ayaa iska dhex doortay guddoomiye waxana uu guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashada gudoonka golaha shacabka Xildhibaan Cabdirizaq Cumar Maxa med uu sheegay in uu diyaariyay jadwalka qabas hada doorashada guddoonka golaha shacabka.

Geedi oo xog dad badan ka yaabisay ka bixiyey doorashada CEELWAAQ

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ka hadlay doorashada kuraasta gobolka Gedo ee loo wareejiyey deg mada Ceelwaaq ayaa qiyaano qaran ku tilmaam ay wareejinta deegaan doorashadaas.

Siyaasigaan oo si indha la’aan u taageera nida amka Farmaajo ayaa wareejinta deegaan doora shada labaad ee Jubbaland ku eedeeyey Ra’iisul Wasaare Rooble, Ma daxweyne Axmed Mad oobe iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Wuxuu sheegay in Deni iyo Axmed Mad oobe ay mudo dheer lugooyo ku hayeen doorashooyin ka dalka, balse uu hadda la saftay Ra’iisul Wasaa re Rooble oo laga doonayey inuu si cadaalad ah dadka wax ugu qeybiyo.

"Waxaan u tacsiyeynayaa gobolka Gedo, sha cab iyo maamulba dhibaatada gaart ay ee kala duwan, mid amni, mid do orasho iyo tan abaar aha, in hadda doorashadii laga wareejiyo Garba ha arey raga ku fikiray waxaan u arkey naa cad ow dadkaas baabi’inaya,” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi.

Md.Geeddi ayaa ku dooday in aysan jirin cid wax ka bedali karta heshiiskii 17-kii September, "La yaabi meyno sida ay u shaqeynayaan Deni iyo Axmed Madoobe, dhowr sano ayey Soomaali wado kasta ka soo xirayeen, doorasho qof iyo cod ah ayey diideen, guddigii doorashada ee Xaliimo Yarey ayey diideen,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in markii jid gooyo kasta oo ay dhigteen la aqbalay ay hadda Deni iyo Axmed Madoobe burburiyeen heshiiskii ay saxiixeen ee 17-kii Septembar, isagoo ku goodiyey in Soomaali aysan u sii lug xiraa doonin labadaas Madaxwe yne goboleed.

"Waxaa kasii daran ayaga, ra’iisul wasaarihii la ga sugayey inuu umadda Soomaaliyeed cadaalad u sameeyo oo xuquuqda cid walba ilaaliyo doora shadana daadihiyo ayaa la saftay ragii umadda dhibay,” ayuu yiri Cali Maxamed Geedi oo la hadl ay Shabeelle TV.

Sidoo kale wuxuu sheegay in tallaabadii ugu ya abka badneed oo ay qaadeen ay aheyd doorasha da kuraastii Garbahaarey in loo wareejiyey Ceel waaq oo sida uu sheegay aan laheyn maamul dowladeed. "Guddiga waxaan arkeynay inay ka gaarsiiyeen markii baarlamaanka la dhaarinayey ayey soo sa areen, maadaama ay sharciyadu ka dhamman eysay, waxaana sidaas kula heshiiyey Rooble iyo Madaxwey naha Jubbaland, laakiin waxaan u sheegayaa R/wasaare Rooble Ceelwaaq oo ma amul dowladeed uusan xukumin doorashada lagu qabanayo waa dibin-daabyo hor leh,” ayuu yiri

Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo loo doortay guddoomi yaha guddiga doora shada guddoonka golaha shacabka

Xubnaha Guddiga qaban qaabada doorasha da guddoonka golaha shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo kulankoodii ugu hore eyay Shalay yeeshay ayaa doortay guddoomiye iyo xoghayaha guddiga.

Xildhibaan Cabdirisaaq Cu mar Maxamed ayaa loo door tay guddoomiy aha guddiga qa ban qaaba da doorashada gu ddo onka golaha shacabka hal ka xildhibaan Maxa med Abuukar Cabdi loo door tay Xoghayaha guddiga.

Guddigan ayaa looga fadhiyaa in ay dedejiyaan habraaca doorashada guddoonka golaha shacab ka, xaqiijiyaana howlaha hor-tebinta u leh doora shada.

Musharax Xasan Sheekh oo ku adkaaday loolankii Shalay ka dhacay xarunta BF

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Md.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxw eyne Farmaajo kaga adkaaday doorashadii lagu doortay guddoo miyaha guddiga qaban-qaabada doorashada gu ddoonka Golaha Shacabka.

Xubnaha guddiga qaban-qaabada ee loo xil-sa aray doorashada guddoonka Gola ha Shacabka Somaliya oo Shalay kulan ku yeeshay M/Muqdisho ayaa waxay guddoomiye u doort een Xildhibaan Cabdirisaaq Cum ar Maxamed.

Cabdirisaaq oo ka tirsanxisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore Xasan Sheekh ee UPD, ayaa helay 5 cod, isaga oo sidaas uga adkaaday koox da madaxweyne Farmaajo oo iyagana dadaal u gelay inay helaan kursigaas.

Guddoomiyaha cusub ayaa si adag uga soo ho rjeeday shantii sano ee xilka u sareeya dalka uu joogay madaxweyneFarmaajo hab maamulkiisa iyo tallaabooyinkii uu u qaadayey.

Cabdirisaaq ayaa hogaaminaya guddigaan oo ka shaqeyn doona abaabulka iyo dhaarinta guddo omiyaha G/Shacabka iyo labadiisa ku-xigeen, waxay guushiisana bannaanka u saareysa in xu bnaha qaban-qaabada guddiga ay badankooda yi hiin mucaarid, marka laga reebo afar xubnood oo taabacsan Villa Somali.

Md.Farmaajo iyo xulafadiisa ayaa fursad muhi im ah u arkayay inay gacanta ku dhigaan hogaan ka guddigaan, kaasi oo ay uga faa’iideysan laha ayeen xal ka gaarista kursiga Fahad Yaasiin ee HOP#086 iyo loolanka guddoonka G/Shacabka, hase yeeshe hadda waa damac guul-dareystay.

Guul-darrada Farmaajo ee loolanka hogaanka guddigaan ayaa sida ay qabaan falan-qeeyayaa sha siyaasadu waxay saameyn ku yeelan doonta qorshaha dib usoo laabashadiisa.

Si kastaba, Guddoonka KMG ah ee guddiyada 2da aqal iyo guddiyada qaban-qaabada ayay ka go’an tahay dadajinta doorashada guddoonka ras miga ah ee labada gole, taasi oo u gogol xaadhi do onta qabashada doorashada madaxweynaha oo si weyn loogu hirdamayo

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay wafdi ka socda guddiga doorashooyinka FEIT

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Md. Ax med Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogg aaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyin ka heer federaal Md.Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorasho oyinka. Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada 2aad ee Juba land ee Degmada Ceel-waaq iyo sidii loo dardar galin qabashada doora shada 16-ka kursi.

Madaxweynaha ayaa ba llan qaaday inJubaland ay diyaar la tahay wixii tag eero ah oo ay guddiya du uga baahan yihiin.

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha gud diga doorashooyinka heer federaalka Muuse Gee lle ayaa Shalay gaaray M/Kismaayo si loo o dar dar geliyo dhammeystirka goob-doorashada 2aad ee Jubbaland.

Xog: Jadwalka doorashada guddoonka golaha shacabka oo aan helnay (Aqriso)

Waxaa la soo saaray jadwalka doorashada gu ddoonka golaha shacabka, kaas oo aysheegtay in ay heshay Caasimada Online, sida ku cad jadwa lkaan, bishaan April inta aysan dhamaan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo doorashada guddoomiya ha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen.

Inkastoo dib u dhaca jadwallada doorashooyin ka Soomaaliya ay caadi iska noqdeen, haddana waxaa muuqata in guddiga loo xil-saaray door ashada guddoonka iyo xukuumadda ay ka go’a ntahay inay dedejiyaan doorashadaan.

Sabtidii Dorraad ee 16-kii April ayaa la magaca abay Guddiga qabanqaabada doorashada gudd oonka G/Shacabka oo ka kooban 10 xubnood.

Axadii Shalay ee 17-ka April ayaa xubnaha gu ddigaas waxay iska dhex doorteen guddoomiye hoggaamin doona guddiga qabanqaabada doora shada guddoonka Golaha Shacabka, waxaana ku guuleystay Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed.

Berri oo ku beegan 18-ka April waxaa 2da Aqal ee baarlamaanka lagu balamiyey kulan wadajir ah, kaas oo lagu ansixinayo xeerka doorashada guddoonka labada Aqal.

19-ka ilaa 20-ka bishan April, oo kala ah Tala adada iyo Arbacada soo socda ee todobaadkaan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo diiwaan-gelinta murashaxiinta guddoonka Golaha Shacabka. (9:00 ilaa 16:00 xilliga Shaqada).

Sida ku cad jadwalkaan ay heshay Caasimada Online 23-ka bishaan ayaa la qorsheeyey inay dhacdo ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomi yaha Golaha Shacabka.’

Sidoo kale maalinta xigta ee 24-ka April, sida la qorsheeyey waxaa dhici doonta ‘hadal jeedinta musharaxiinta guddoomiye ku xigeenada Golaha Shacabka.’

Ugu dambeyntii, 25-ka ilaa 26-ka bisha waxaa la siiyey fursad ay xubnaha guddigu isugu diyaari yaan doorashada guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyey inay dhacdo 27-ka bishaan April.

James Swan Oo La Kulmay Musharaxiin U Taagan Shirguddoonka Golaha Shacabka

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Mido obay u jooga Somalia James Swan ayaa Shalay kulamo la qaatay qaar ka mida musharaxiinta u ta agan guddoomiyaha golaha shacabka ee Sooma aliya. Sida lagu sheegay qoraal la soo dhigay bar ta twitterka ee xafiiska UNSOM, James Swan iyo musharaxiinta uu la kulmay ayaa ka wada hadlay arrimaha mudnaanta u leh xildhibaanadan u taag an jagada guddoomiyaha golaha shacabka.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa iyada oo Shalay ay Guddida farsamo ee loo xi lsaaray inay hoggaamiyaan doorashada shirguddoonka golaha shacabka ay guddoomiye u doorteen xildhibaan Cabdirisaan Cumar Maxamed oo hore u soo noqday wasiirka amniga.

Xildhibaan Cabdirisaaq oo warbaahinta la had lay doorashadiisa ka dib, ayaa sheegay inay du rba bilaabeen qorshihii lagu dooran dooran lahaa shirguddoonka golaha shacabka balse uu rabo in uu marka hore la kulmo guddida doorashada ee Aqalka Sare, si ay uga wada hadlaan in la dedej iyo qabsoomidda doorashada shirguddoonka 2da gole baarlamaan.

Golaha cusub ee baarlamaanka ayaa la dhaariy ey maalinimadii khamiista oo ku beegnayd April 14-keedii, waxaana isla maalintaasba ay labada gole ay shaaciyeen shirguddoon ku meel gaadh ah oo hawlaha baarlamaanka sii hagi doonta inta laga soo dooranayo shirguddoon rasmiya.

2da gole baarlamaan ayaa waxay si gaar ga ar ah Dorraad sabtidii u yeesheen kulankoodii ugu horeeyey iyaga oo isla Dorraadba magcaabay gu ddiyada farsamada ee ka shaqayn doona door ashada shirguddoonka labada gole.

Aqalka Sare ayaa magcaabay guddi ka kooban lix xubnood halka golaha shacabkuna uu magca abay guddi ka kooban 10 xubnood.

Guddoomiye G/ Gedo: Raysal Was aare Roob le wuxuu godob aan harid oonin ka galay shacabka Garbahaareey

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule, ayaa sheegay inay Garbahaareey ku qabanayaan doorashada 16 ka kursi ee aqalka hoose, isagoo beeniyay inay jirto haba yaraatee wax nabad gal yo darro ah oo caqabad ku ah door ashada.

Guddoomiye Buule ayaa nasiib darro ku tilmaamay inuu raysal was aare Rooble godob ka galayo shac abka iyo maamulka Garbahaareey, isagoo sheegay inuu Garbahaareey ka dhigay me el bahalo galeen ah oo aan lagu qaban karin wax doorasho ah.

"Inaad umad dhan masiirkeeda ugu awood sheegato mandate-ka laguu dhiibay, waa dhibaa atooyin aan haridoonin,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo.

Wuxuu sheegay guddoomiyuhu in aysan ka haridoonin matalaadooda. Wuxuu sheegay inay di yaariyeen goobihii doorashada lagu qaban lahaa, ayna soo dhoweynayaan cid kasta oo ka qeyb qa adanaysa qabsoomida doorashada.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo beegma ya, xilli guddiga doorashada uu go’aamiyay in doorashada lagu qabto magaalada Ceelwaaq, iya goo sheegay in Garbahaareey aanay ka jirin nab ad galyo la isku halayn karo oo doorashada lagu qaban karo.

Xildhibaan Odowaa Oo Sheegay In Shabaab Looga Dacwooday Dhibaatada ‘Ciyaal Weero’

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odo waa oo ka tirsan golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka digay halis weyn oo ka soo fool leh ‘ciyaal weero’ , wuxuuna ku baaqay in do wladda iyo laamaha amniga ee Muqdisho xil adag iska saaraan wax ka qabashadooda.

Mr. Odowaa oo ka hadlayay munaasabad lagu qabtay M/ Muqdisho ayaa sheegay in xogaha uu hayo ay muujinayaan in dadka ku dhaqan degmada Dharki inleey oo ah kuwo ugu daran ee dhi btan heysata ay u dacwoodeen koox da Al-Shabaab, maadaama laamaha amniga caa simadda ay wax ka qaban waayeen casbashada waalidiinta oo dhowr jeer u tagtay.

"Waxaa la ii sheegay in xaafado ka tirsan deg mada Dharkenley ay dadka ku nooli Shabaab la xariireen, iyagoo uga dacwoonaya ciyaal weero, waxay habeen dhow dileen 3-qof, xaafadaha qaa rna guryihii ayaa looga qaxay,” ayuu yiri mudanah an oo ka hadlayay munaasabad afur loogu samey nayay.

Xildhibaan Odowaa ayaa sheegay in dadka re er Muqdisho maalinba dhibaato cusub loo abuura yo, isagoo shaaciyay in mudooyinkii la soo dhaaf ay dhibaatooyin lagu qabay Shabaab iyo dhaca ci idanka dowladda ee tilifoonada balse haatan ay soo bexeen dhalinyaro koox koox u abaabulan, hoggaan leh oo la baxay ‘ciyaal weero’ .

"Xaafado dhan oo ka tirsan M/ Muqdisho ayaa ciyaal-weero looga qaxay, iska dhaaf Shabaab iyo ciidan dowladeed oo taleefano furtaye, waxaa dadkii laga celi la’yahay ciyaal weero kaliya,” ay uu yiri hadalkiisa sii raaciyay mudanahan baarlam aanka ka soo gala M/Gaalkacyo.

Si kastaba, Mushkiladaan lasoo deristay dad ka shacabka ah ee ku nool inta badan xaafadaha M/Muqdisho ayaa ah ‘ciyaal weero’ dadka dhaca ya, dilaya, haweenka kufsanaya, gaadiidka iyo gu ryahana burburinaya, mana jirto wax talaaba ah oo ficiladaasi ka dhan ah oo ay sameynayaan ta liyayaasha 17-ka degmo ee G/Banaadir.

Deni Oo La Sheergay In Uu Xilka Sii Hayn Do ono Haddii Uu Waayo Madaxtinnimada Soomaaliya

Xukuumadda Puntland ayaa shaacisay in mad axweynaha Maamulkaas Siciid C/hi Deni, uusan iska casilayn madaxtinnimada Puntland haddii soo waayo madaxtinnimada Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Puntland, Md.Xasan Shi re Abgaal oo fagaare ka hadlayey ayaa sheegay in haddii juu kursigaas waayo uu ahaanayo mad axweynaha Puntland.

"Madaxweynuhu musharrax weeye waa tartam ayaa, isagoo madaxweyne ah ayuu tartamayaa, haddii uu guulaysto waa alxamdulilaah dadka iyo dalka ayuu wax u tarayaa, haddii qadarta Ilaahay dhacdo madax we naha Puntland ayuu ahaanayaa.” ayuu yidhi Wasiir Xasan Shire.

Dhawaan ayay ahayd markii mada xweyne Deni ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan madaxtinnimada Soo maaliya doorashada soo aaddan, isaga oo shee gay in ay ka go’an tahay beddelidda maamul ka hadda jira.

Faah faahin: Qarax lala eegtay Xubin katirs an Guddiga FEIT & khasaaro ka dhashay

Gaariga qarraxa lala beegsaday Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle ayaa sheegaya in duleedka Mag aalada Qarax Miino lagula eegtay Xubin kat irsan Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso oo meelaha fog fog laga hago ayaa lala be egsaday Gaari HILUX oo uu watay Eng Mahad Cumar Cabdi oo katirsan Guddiga doorasbooyin ka Heer Federaal xilli uu marayay inta u dhaxeey sa M/Jowhar & Garoonka diyaaradaha, isaga oo doonayay in uu soo aado M/Muqdisho.

Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka badbaaday Eng Mahad balse ay ku geeriyood een laba kamid ah ilaaladiisa mid kalena uu ku dhaawacmay, kaas oo la geeyay Isbitaalka M/Jo whar ee G/Shabeellaha Dhexe.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo goobta kasoo qa aday meydadka labada Askari iyo dhaawaca mid kale, sidoo kalena howlgal Miino baaris ah ay ka sameeyeen wadada xiriirisa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Gaariga qaraxa lala beegsaday sidoo kale ay saarnaaye en Guddoomiyaha degmada Warsheekh ee G/ Sh/ Dhexe Xasan iyo Xildhibaan Cabdullaahi Cad de oo katirsan Baarlamaania Hir-Shabeelle.

Laamaha Ammaanka Magaalada Jowhar aya an weli qaraxaan faah fabain ka bixin, hyeeshee wadada xiriirisa Magaalada Jowhar & Garoonka diyaaradaha ayaa dhowr jeer waxaa qaraxyo la gula eegtay mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo Saraakiil Ciidan

Faahfaahino ka soo baxaya Nabadoon Habeen hore lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Habeen hore Magaalada Muqdisho waxay ku dileen Allah u naxariiste Nab adoon Yuusuf Daahir Kheyre oo ka mid ahaa Nab adoonada caanka ka ahaa magaalada Muqdisho.

Allah u naxariiste Nabdoonka ayaa ku geeriyo oday Isbitaalka Erdogan ama Digfeer oo markii ho re lagu geeyay dhaawac culus oo kasoo gaaray rasaastii ay la dhaceen dableyda hubeysneyd, taa soo sababtay inuu markii dam be u geeriyoodo.

Dableyda hubeysneyd ayaa Nabadoonka dhowr xabadood kaga dhufatay qeybaha sare ee jirkiisa, xili uu ku sugnaa xaafa da NBC degmada Hodan ee magaalada Muqdi sho, waxaana si deg deg ah goobtii ugu baxsatay kooxdii dilka u geysatay nabadoonka.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo halkaasi howlgalo ka sameeyay, walow aysan jirin cid ay usoo qabt een dilka loo geystay marxuum Yuusuf Daahir.

Lama oga cida ka dambeysay dilka Nabadoonka, hayeeshee waxaa la sheegay inuu nabadoonka ka mid ahaa ergadii dhawaan wax kasoo xushay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee dalka, kuwaas oo ay horay u sheegeen dagaala mayaasha Al-shabaab in xukunkooda uu yahay dil, xili ay ku hadalayeen arrimaha doorashada.

Ruushka oo sheegtay in uu degaano horleh kala wareegay Ukraine

Ruushka ayaa sheegay in ciidankiisu ay qabsad een dhammaan hareeraha magaalada go’doonsan ee Mariupo,l isla markaana ay ciidanka Ukraine ha dda ku hareen qeyb yar oo ka mid ah gudaha mag aalada.

Sheegashada Moscow ee ah in ay qarka u saara nyihiin qabashada magaalad xeebeedka koofureed ee Mariupol ayaanay jirin ilo madax-bannaan oo xa qiijiyay, laakin haddii ay dhabowdo ayay noqon doon taa, magaaladi ugu muhiimsaneyd ee uu Ruushka ka qabsado Ukraine tan iyo inti uu billowday daga alka 24-ki bishi Febrayo. Madaxweynaha Ukraine, Volodomir Zelenzky ayaa ka digay in wadahadalka labada dhinac ay dhammaan doonaan, haddii Ruushka uu laayo ciid anka Ukraine ee ka dagaallamaya magaalada Mur iupol.

odcow ayaa u qabatay in ciidankaasi ay isku soo dhiibaan ilaa Axadda Shalay ah si ay u nabad-geli yaan.Dhanka kale, Ruushka ayaa Sabtidi si xoog leh u duqeeyay magaalada caasimadda ah ee Kiyiv, ma jirto ilaa iyo hadda faah-faahinta khasaaraha ka

dhashay duqeymahaasi.

Xog: Maalinka Maxkamadda Sare ay qaadey so dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin

Ilo wareedyo xog ogaal ah oo ku dhow Villa So malia ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in maa linta Talaadada ah ee 19-ka bishaan ay Maxka madda Sare ee dalka qaadi doonto dacwadda kiiska kursiga Fahad Yaasiin

Maxkamadda Sare ee Sooma aliya ayaa 10-kii bishaan April xaqiijisay inay qabatay gal-dac wadeed uu soo gudbiyey la tali yaha dhanka amniga ee Mada xweyne Farmaajo, Fahad Daah ir Axmed (Fahad Yaasiin).

Fahad ayaa ka dacwoonaya guddiga doora shooyinka heer federaal ee FEIT oo sharci darro ku tilmaamay doorashadii kursiga uu Fahad ka soo qaatay Beledweyne ee HOP086.

Maxkamadaan waxaa guddoomiye ka ah Baa she Yuusuf Axmed oo ah nin aad ugu dhow nida amka Farmaajo, siyaasiyiin badan oo kiiskaan isha ku haya ayaa qaba tuhun ah in Maxkamaddu fasixi doonto kursigaas.

Maadaama uu guddoomiye Baashe saaxiib dhow la yahay kooxda Villa Somalia, shaki badan lagama qabo in Maxkamadda Sare ay soo saari doonto go’aan ay ku fasaxeyso kursiga Fahad, hadii ay u fariisato kiiskaan.

Todoba maalmood ka hor Maxkamadda Sare ayaa soo saartay qoraal ay ku wargelisay Garya qaanka guud ee dowladda inuu muddo laba maal mood gudahood ah kaga soo jawaabo gal-dacw adeedkan laga soo gudbiyey guddida doorashada ee heer federaal.

Hase yeeshee Garyaqaanka guud ee dowlad da oo xilligaas qabsaday maalmo dheeraad ah, si uu u soo xaqiijiyo hanaankii loo maray doorasha da kursiga Fahad Yaasiin ayaa Sabtidii Dorraad Ma xkamadda ku jawaab celiyey.

Qoraalkii xafiiska Garyaqaanka guud ee dowl adda uu u diray Maxkamadda Sare waxaa lagu sheegay inuu aaminsanyahay in Guddiga Hirg el inta Doorashooyinka Heer Federaal ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii saxda ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dadban.

Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna shee gay in gudidga ay awooddiisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doo rashada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalkaa fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda door ashada.

Sidoo kale Garyaqaanka guud ee dowladda ay aa ku gacan sayray sheegashada guddiga doora shada HirShabeelle ee ah in doorashada kursigan loo maray habraacii saxda ahaa.

Fahad oo aad u doonaya inuu u tartamo kursiga guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha sha cabka ayaa xoogga saraya sidii loo fasixi lahaa kursigiisa, inta aan la gaarin doorashada guddoon ka oo la qabanayo 27-ka bishaan.

Guddigga loo xil-saaray qabanqaabada doorash ada guddoonka golaha shacabka iyo xafiiska Ro oble oo hoggaanka u haya doorashooyinka, daga al xuna uu kala dhaxeeyo Fahad Yaasiin iyo guud ahaan garabka Farmaajo ayaa dedejinaya doora shada guddoonka oo dhaceysa inta aysan dham maan bishaan April, sida la qorsheeyey.

Hormuud Salaam Foundation Oo Deeq Laca geed Gaarsiisay Xarunta Maama Ugaaso

Hormuud Salaam Foundation ayaa deeq lac ageed waxa ay gaarsiisay xarunta Maama Uga aso oo lagu xanaaneeyo Caruur laga soo kala aruuriyay wadooyinka magaalada Muqdisho kuwaasi oo ahaa darbijiif. Deeqdaan lacageed ayaa hay’adu ugu talag ashay in wax loogu qabto baahiyaha ka jira xar unta oo lagu daryeelo caruu rta danyarta ah oo ku taala magaalada Muqdisho.

Gudoomiye Ku

xigeenka hay’ada Hormuud Salaam Foundation Cabdiraxmaan Ibraahim Cilmi kobac oo ka hadlay munaasabada deeqda lacagta ayaa sheegay in lacagtan loogu talagalay in wax looga qabto xar unta maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee ramadaan.

Siraad Maxamed Nuur Maamo Ugaaso oo xa naaneesa caruurtan ayaa kaga mahadcelisay hay ’adda Hormuud Salaam Foundation deeqda laca geed oo ay soo gaarsiisay iyadoo tilmaamtay inay tahay hey’ada kaliya ee soo xasuusatay marka la gaaro bisha barakeysan ee ramad aan.

Hormuud Salaam Foundation waxaa maalmihii la soo dhaafay ay ka wadeen gudaha Soomaa liya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, waxa ana ay ka faa’iideysteen dad aad u fara badan, Barn amijka Taakuleynta iyo Afurinta Bisha Ramadaan.

Xog: Imaaraadka Carabta oo u soo dayriyeen Saciid Deni

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa diiday inay taageerto musharaxnimada madaxweyne ee Soomaaliya ee madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo u baahan dhaqaale xoogg an inkasta oo uu soo saartay xildhibaano ka ba dan 40.

Deni oo Imaaraadku kala kurmay farriin uusan fileyn oo ah inaysan taageereyn oo aysan dhaqa ale u hayn ayaa hadda u weecday qorshe laba ad, isaga oo xubno ku dhow oo wasiiradiisa ka tir san u diray magaalada London ee dalka UK.

Safarka wasiirada aaday London ayaa hor u dhac u ah kulan uu Deni doonayo inuu hal kaas ku tago, isaga oo la filayo inuu Shalay ku soo la abto magaalada Garoowe kadib maalmo uu ku su gnaa Nairobi.

Deni ayaa la filayaa inuu London kula kulmo shirkad shidaal oo uu ka beecinayo ceelal shidaal oo Puntland ku yaalla, isaga warqad ogolaansho ah ka qortay ra’iisul wasaare Rooble, taasi oo dhi geysa inuu u madax banaaneeyey inuu heshiis hor u dhac ah la gaari karo shirkadaha shidaalka.

Haddii shirkadahaas ay aqbalaan soo-jeedi nta Deni waxay bixin karaan lacag horumaris ah oo gaaraysa 5 milyan oo dollar, si uu doora shada xilka madaxweynaha ugu bixiyo.

Doorashada Soomaaliya ee sanadkan ayaa la filayaa inay noqoto tan ugu qarashka badan, aya da oo warar qaar ay sheegayaan in Farmaajo uu haysto 20 Milyan oo dollar, oo ay badankeed bix ineyso dowladda Qatar.

Safarka Deni ee London ayaa lagu dhex-qar iyey soo dhoweyn la sheegay inay halkaas ugu sa meynayaan jaaliyadda Reer Puntland, balse ujee d ka ugu weyn uu yahay la-kulanka shirkadaha shidaalka.Deni ayaa waxaa dhinaca kale saaran cadaadis ka imanaya siyaasiyiinta iyo waxgarad ka Puntland oo ah inuu xilka madaxweynaha Punt land iska casilo ama ka haro tartanka doorashada Soomaaliya.

Xigasho: Caasimadda.net

Maamulka gobolka Hiiraan oo ku dhawaa qay dad loo qabtay dil ka dhacay Beledw eyne

Guddoomiye kuxigeenka Amniga Gobolka Hiir aan Axmed Cismaan Cabdala Inji ayaa sheegay in Amniga guud ee Magaalada Beledwyene xilli gaan uu yahay mid wanaagsan, hayeeshee ay jir aan falal amni darro oo ay mararka qaar geystaan Ururka Al-Shabaab

Waxaa uu sheegay in dilkii ugu dambe eyay ee ka dhacay magaalada Belewe yne uu ahaa Gudd oomiyihii hore ee waxbarashada gobolka Hiiraan, hayeeshee Cii damada dowladda Soomaaliya & kuwa hir-Shabe elle ay wadaan dadaalo lagu sugayo amniga.

Guddoomiye kuxigeenka Amniga G/Hiiraan Axmed Cismaan Cabdala Inji waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray inay jiraan dad ay u qabteen dadkii M/Beledweyne loogu geystay ku dileen Gu ddoomiyihii hore ee waxbarashada gobolka Hiir aan Cusmaan Caato, isla markaana baaritaano ay ku hayaan.

M/Beledweyne ee G/Hiiraan ayaa dhawaan wa xaa ka dhacay dilal qorsheysan iyo qarax yo lagu dil ay Xildhibaan Aamino Maxamed oo kamid ahe yd Golaha Shacabka iyo dad kale.

Ciidanka xoogga dalka oo deeq raashiin ah gaarsiiyay qoysas dan yar ah

Taliska Guutada 17-aad ee Ciidanka Kumaand ooska Xoogga Dalka ee Gor-Gor ayaa deeq raa shin ah u qeybiyay Agoontii ay ka tageen Geesiyaashii u huray naftooda difaacidda dalka.

Raashinkaan ayaa ah mid ay ka gooyeen gar aamkooda, sida ay sheegeen saraakiisha ciidan ka, waxayna ugu talagaleen in qoysaska iyo Ago onta ay ka tageen Aabayaashii xoogga dalka ka tirsanaa lagu dhiirageliyo.

Sidoo kale, ciidamada xoogga dalka ayaa xo ogga saaraya kaalmeynta Dadka tabaalaysan ee kasoo barakacay degaannada ay go’doomiyeen argagixisada Al-shabaab,kuwaas oo la il-daran dhibaatooyin kala duwan oo u geysteen nabad-diidka.

Ruushka oo uga digay Mareynkanka iyo xulafad iisa hubka ay ku taageerayaan Ukraine

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa si faahfaahsan uga hadashay Khasaaraha ka dha shay dagaalka iyo jabka gaaray ciidamada Ukraine tan iyo markii uu bilowday duullaanka.

Jeneraal Igor Konashenkov oo u hadlay gaa sha andhigga Ruushka ayaa sheegay in 23,367 askari oo isugu jira milateriga, jabhada ha iyo ajaaniibta kula dagaall amaysa Ukraine ay ku dhint een dagaalka tan iyo markii uu bilowday dhamma adkii February.

Waxa uu sheegay in magaalada Mariupol oo keliya ay ku dhinteen in badan 4,000 oo dagaalyah an, ayna kamid yihiin xooggaga jabhadaha xagjirka ah ee Azov iyo Aidar.

Ruushka ayaa ku doodaya in dowladda Ukraine ay qarinayso jabka soo gaaray ciidankeeda, isla mar kaana ay Moscow dhawaan soo bandhigi doonto xogtada khasaaraha milateri oo faahfaahsan.

Sidoo kale, Ruushka ayaa u digay Mareynkanka iyo xulafdiisa ee taageerada siinaya Ukraine, qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa si weyn u cambia reeyay dagaalka Ukraine uu Ruushka ku qaaday.

Xukuumada Somaliland oo ka hadashay suxu fiyiinta tirrada badan ee xidhan

Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in sharc iga lala tiigsanayo wariyayaashii tabiyay dhacdadii Jeelka Wayn ee Hargaysa, iyadoo dhinaca kale she egtay in ay ka xuntahay xadhiga suxufiyiinta.

Wasiirada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo war faafinta Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Sal eebaan Yuusuf Cali Koore oo warbaahinta si wada jir ah ula hadlay ayaa sheegay in cidii saxafiyiinta ka mid ah ee danbi lagu helo lagu qaadi doono.

"Saxaafada wixii xidhan waxa loo mari doonaa wadada sharciga ah, iyadoo loo eegayo in dhaliny aro badani ay ku xidhantahay, waxaana la eegi doo naa sida sharcigu qorayo cida danbi gashay iyo cida aan danbi galin, cidii danbi gashayna way arki doona an dadku" sidaa waxa yidhi wasiir Koore.

Koore ayaa sheegay in ay kaxunyihiin xa dhiga saxafiyiinta lak iin qofkii danbi gala lagu qaadayo "Ana ba waanu ka xunah ay in dad tirrada leeg oo saxaafada ka shaqeeya la xidho, lakiin qofkasta oo muwaadin ah oo danbi gala danbigiisa waa lagu qaadaya".

Wasiir Kaahin ayaa dhankiisa sheegay in qof wal ba danbigiisa lagu qaadayo "Halkan waxan doonay aa in aan ka sheeko suxufiyiinta xidhan, oo aanu an aguba ka xunahay in mar qudha layidhaahdo tirro in taa leeg baa ka xidhan, in aan qofna danbi aanu lah ayn loo samaynayn".

Tirro lagu qiyaasay 15 saxafi ayaa ku jirta sal dhigyada booliiska Hargaysa, kadib markii ay xuku umadu ku qoonsatay habkii ay u tabiyeen qalalaase ay sameeyeen qaar kamid ah maxaabiista ku jirta Jeelka Wayn ee Hargaysa.

Safiirka Qatar ee Somalia oo gaaray hargey sa balan qaadna sameeyay

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdir axmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa soo dha weeyey safiirka Qatar ee Soomaaliya Amb. Hassan Bin Hamza Hashem oo Shalay gaaray Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne-ku-xigeenka oo ay wehelinayaan guddida gurmadka iyo taakulaynta suuqa Waaheen, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa safiirka gee yey bartamaha suuqa gubtay ee Waaheen oo ay we li ka socoto nadiifinta haraaga hantidii gubatay, wa xana uu safiirku indhihiisa ku arkay inta ay le’eg ta hay dhibaatada dabku geystay, isaga oo muujiyey sida uu uga xun yahay dhibka gaaray dhaqaalihii bul shada reer Somaliland ee halkaas ku ganacsan jirtay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Cabdirax maan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa safiirka u ga xog warramay dhibaatada uu dabku gaarsiiyey ganacsatadii suuqa ku ganacsan jirtay iyo hantidii kala duwanayd ee halkaas taallay.

Safiirka dalka Qatar Ambassador Hassan Bin Ha mza Hashem, oo ay wehelinayaan, Fahad Al-Dehe mi oo ah sarkaal ka socday gargaarka caalamiga ah ee Qatar iyo Yuosef Al-Mulla oo ah Cilmi baare dhin aca Gargaarka Bini’aadamnimada ee Qaqar iyo Ali Abdullah Al-Dabbagh, ayaa muujiyey sida ay uga tiir aanyeysan yihiin dhibka gaaray hantidii bulshada re er Somaliland, waxana uu wareejiyey mucaawimo raashin ah oo ay ugu talo galeen 750 qoys oo oo da nyar ah, waxana uu ballan qaaday inay ka dawlad ahaan ka qayb qaadan doonaan dib-u-dhiska suuqa gubtay ee Waaheen.

Badbaado Qaran iyo BF – Xaadoole oo xisaabta buuxiyay

Saraakiisha ciidanka Dowlad da ee ku biiraya Baa rlamaanka Soomaaliya ayaa weli sii socda Colonel Cismaan Maxamed Maxamu ud Xaadoole ayaa ku guuleystay doorashadii Kurs iga HOP#106 ee Dorraad ka dhacday magaalada Jow har ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cismaan Xaadoole ayaa ka adkaaday saddex xubnood oo tartanka kula jirtay. Korneylkan ayaa codeynta wareegii hore helay 56 cod taasoo meesha ka saartay in loo baah do wareeg kale oo doorasho. Wuxuu ka adkaaday Bashiir Maxamed Yuusuf, Fowsiya Shiikh Cali Maxa muud, iyo Yaxye Abuukar Aadan.

Kursigaan waxaa horey ugu fadhisay xildhibaan Mino Xasan Shibis taasoo aan sanadkaan usoo ista agin tartanka. Xaadoole waa xubin ka tirsan ciidanka xoogga dalka. Bishii April ee sanadkii hore ayuu ma gaciisa qabsaday magaalada Muqdisho ee caasim adda Soomaaliya kadib markii uu ciidan xooggan soo geliyey qeybta woqooyi ee Magaalada.

Xilligaas madaxweyne Farmaajo ayaa ku darsad ay 2 sano oo aan sharci aheyn mudadiisa xil-heynta. Xaadoole wuxuu xilligaas saxaafadda kula hadlay isgoyska Mirinaayo, wuxuu sheegay inuu furinta uga soo baxay inuu difaaco sharciga dalka.

"Laba sano oo 20 sano dhasha inaan diido ayaan halkaan u imid,” ayaa kamid ahaa hadalladii laga diiwaan geliyey sarkaalkan.

Dagaalkii ugu cuslaa ee muddo kororsiga looga soo horjeeday ayuu hoggaamiyey Xaadoole, isagoo difaac u noqday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Senator Muuse Suudi Yalaxow oo halkaas daganaa.

Korneel Xaadoole wuxuu qaatay kursi ka dhaxee yey afar jufo. Waxaa la aaminsan yahay inuu garab fiican ka helay hoggaamiyaha maamulka HirShab elle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe.

Marka la joogo gobolka Shabeelaha Dhexe, Xaad oole wuxuu ku jiraa saraakiisha lagu xurmeeyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Dadka yaqaana waxay ku sheegaan nin daacad u ahaa shaqada ciidanimada, laakiin tan iyo markii ay bilaabatay inay askarta ku milmaan siyaasadda dalka oo aheyd dabeyl la socotay nidaamka madaxw eyne Farmaajo, wuxuu Xaadoole ku jiray saraakiisha lasoo wariyey inuu galay damaca siyaasadda.

Mashruucii Badbaado Qaran oo si weyn u saacid ay magaciisa ayaa sidoo kale kamid ah waxyaabaha ku dhiira geliyey inuu xildhibaan soo doonto.

Hal sano kadib dagaalkii muddo kororsiga, waxaa golaha shacabka ee baarlamanka 11-aad soo xaad iray intii badneyd saraakiishii isaga hortimid muddo kororsiga, si gaar ah xubnihii la baxay Badbaado Qaran.

Waxaad Baarlamaanka 11-aad ku arkeysaa Max amed Abuukar Jacfar, Saadaq Joon iyo Xaadoole halka siyaasiyiinta Muuse Suudi Yalaxow, Mahad Maxamed Salaad, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo qaar kale oo mashruucaas tiir dhexaad u ahaa iyaguna ay golaha joogaan.

Hay’adda sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka ee NISA ayaa iyaduna dhinaca kale xubno badan ku soo dartay baarlamanka 11-aad.

Inkastoo taliyihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir weli lagu dhagan yahay, hadd ana qaar badan oo kamid ah ciidankii dharcadka ahaa ee NISA ayaa ku biiray baarlamanka 11-aad.

Sanadkaan waa Baarlamanka waa askar, xildhi ba ano kuraas loo soo boobay, kuwa lagu soo xushay inay rabaayad yihiin, qaar guulwadeynimadoodii ho re ay caawisay iyo kaadiriintii hore oo qaar ay mii saankooda kusoo laabteen.

Waxaa jira walaac ku saabsan in baarlamaankan noqon karo kii ugu liitay ee dalka soo maray abid, waxayna dadka walaacaan qaba daliilsanayaan tayada dadka iyo aragtida lagu saleeyey xulashada oo ah yaa soo dagaalamay, yaa cod isiin kara iyo yaa Dorraad ii sacabo tumay.

Rajo beelkaan waxaa hordhac u ah hab dhaqanka ay durba soo bandhigeen xildhibaanada qaar kuw aas oo ku dhex lumay jeebka madaxdii kuraasta soo siisay.Xigasho:caasimadda.net

Afhayeen Buuni: Xildhibaanada xisbiga Wadd ani waxay caadaysteen wax ka sheega cidamada

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa qaar kamid ah xildhibaannada golaha wakiilada ugu jira xisbiga Waddani ku eedeeyay in ay caadayste en, wax ka sheega iyo u gacan qaadka ciidanka.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxum ed Xasan Buuni oo warbaahinta la hadlay, ayaa she egay in xildhibaanada kasoo jeeda xisbiga Waddani, ay caado ka dhigteen ka been abuurka, iyo wax ka sheega ciidanka.

"Xildhibaanadii la doortay 31, May, 2021, khaasat an xildhibaanada kasoo baxay xi sbiga Waddani, waxay caado ka dhigteen, wax ka sheega, ka been abuurka, gacan u qaadka, Ciidam ada Qaranka Jamhuuriyada Som aliland" ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa sheegay in xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun uu horay gacan ugu qaaday ciid amada booliiska, xili shaqaaqo ka dhacday xarunta golaha wakiilada, isla markaana ay ka sugayeen shirguddoonku in uu anshax mariyo lakin anay taasi dhicin.

Buuni oo hadalkiisa ula jeeday xildhibaan Maxa med Abiib oo Dorraad sheegay in taliyaha booliisku uu aflagaadeeyay, ayaa sheegay in ka xisbi ahaan ay aaminsanyihiin in sharcigu xaaraantinimeeyay wax ka sheega ciidamada.

"Waxa ay maraysa Shalay in aflagaado toos ah loo gaysto madaxda ciidamada qaranka iyo saraakii sha, taliyayaashooda, taliye xigeenada iyo dablayda, iyo howlwadeenada kale ee ku sugan xarumaha ciidamada qaranka, waxaanu xisbi ahaan aaminsan ahay in sida sharcigu u xaarantinimeeyay ay wax ka sheega ciidamada qaranku xaaraan u tahay" ayuu yidhi Buuni.

Afhayeen Buuni ayaa Golaha Wakiilada Somalil and usoo jeediyay, in ay talaabo ka qaadaan xildhib aannada uu ku eedeeyay in ay ku xadgudbeen sharafta ciidamada kala duwan.

Hadalka Buuni ayaa imanaya iyadoo maalintii Dorraad uu xildhibaan Maxamed Abiib, Taliyaha Ciid anka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqa dhi Dabagale ku eedeeyay in uu u hanjabay.

Kumanaan Shacab Ah Oo Ukraine Dib Ugu Laabanaya

Markii ugu horeysay tan iyo bilowgii dagaalka Ukraine, tirooyinka socdaalka ee dawladda Pol ish-ka ayaa tilmaamaya in dad badan ay ku soo laabanayaan dalka iyaga oo sii maraya Poland marka loo eego kuwa ka baxaya.

Waxaa sii kordhaya tirada dadka soo laaban aya tan iyo markii ciidamada Ruushka ay isaga baxeen waqooyiga magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Sabtidii, (19,200) sagaal iyo toban kun iyo laba boqol ayaa Poland ka yimid Ukraine laa kiin (22,000) laba iyo labaatan kun ayaa

Dhinaca kale u safray.

 


[Xadiith: N°19 Gargaarka Allah

Waxaa laga weriyay Abuu Cabbaas Cabdullaah ibn Cabbaas (Allah haka raalli noqdee), ”Inuu yiri: Anigoo daba socda Nebiga( s.c.w.) maalin ayuu i yiri: dhageyso wiilyahow waxaan ku barayaa ereyadan;Ilaahay dhowr isaguna waa ku dhowrayaa,llaahay dhowr waxaad ka heli doon taa hortaada.

Haddii aad wax baryeysid llaahay bari, haddii aad gargaar dooneysid Ilaahay gargaarso. Ogow haddii ummaddoo dhan isugu tagto iney wax kuu tarto waxaan Alla kuu qorin kuuma qaban karaan.

Haddii ay isugu tagaan iney dhib ku gaarsiiyaan kuma gaarsiin kar aan wax aan laguu qorin, qalinkii waa la rafacay, anqaastii xaanshiduna wey qallashay.”[Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah]

Sharaxa:Xadiiska Sagaal & Tobon

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa sidii leysugu kalsoonaan lahaa llaaha yna loo cuskan lahaa. Haddii qofku xafido amarka llaahay faray isagana ilaahaybaa ka xafidaya musiibooyinka dunida ku baahsan, macnaha waa haddii aad raacdid jidka toosan ee llaahay jideeyay waxaad ka badbaa deysaa balaayooyinka badan ee ka dhasha baadinimada iyo ku xadgu dubka sharciga.

Wuxuu faray Nebiga (s.c.w.) qof kasta inuu ilaaliyo sharcigaIlaahay si uu uga helo hortiisa arrimihiisa ooIlaahay u irrido bixinayo, waxaana la gu sheegay Aayad Qur’aan ah in ninkiiIlaahay ka cabsada arrimihiisa loo sahlayo, ciriirigana llaahay ka saarayo, meel uusan wax ka fileynna laga irsaaqayo. Marka haddiiIlaahay kuu ballan qaaday inuu arrimahaa ga fulinayo waa inaad isaga weydiisataa muraadkaada, marka wax la we ydiisanayo keligii weydiiso.

Haddii arrimaha aad warsaneysaa yihiin kuwaIlaahay la kelida yahay sida risqiga, ilmaha, cumri dhirirka, cudur qaadidda, roobka i.w.m. Had diise waxaad codsaneysaa yahay’arrimaha dadka dhexdiisa isa-siin kara an sida maacuunka iyo waxyaalaha aadamiga llaahay awoodda u siiyay ee uu bixin karo waa la weydiisan karaa arrinkaa qofkii wax ka qaban kara.

Markaadse gashid meel halis ah ooIlaahay keligii wax ka qaban ka ro sida markaad geshid meelo aad khatar u ah sida doon badda ku maa shootay oo kale ama dab ku kacay dayuurad cirka socota iyo musiibooyi nka llaahay oo keliya loo sheegan karo waa inaadIlaahay keligi gargaar warsatid, maxaa yeelay waxyaalaha ka baxsana wooddaa adamiga waa in llaahay (subxaanahu wa tacaalaa ) oo keliya la weydiistaa.

Waxaa kale oo xadiisku caddeynayaa in dhib iyo dheefba llaahay keli gii hayo, dadkuna waxba geli kareyn waxna kuu tari kareyn haddii aan lla ahay horay kuugu qorin, wixiiIlaahay kuu qorayna hore ayey u dhigan yi hiin marka waxaa laga rabaa qofka inaanu waxba u habranin ama aano cabsanin ee waa inuu ku dhaqaaqo wixii uu xaq u garto isagoo ku kal soon Rabigiisa oo isaga qura cuskanaya kana gargaar dalbaya.

FAA’IDADA XADIISKA

1.Qofkii xafida sharciga llaahay inuu sharta ka xafidaayo,

2.Qof kii llaahay isku halleeya isagaa u jidbixinaaya,

3.Qofkii cid baryaya waa inuu llaahay baryo isagana gargaar weyd iisto,

4.Waa in qofku ogaado inaan cidna ka baajin kareyn wixii loo qor ay cidnana u diidi kareyn wixii loo calfay,

5.Camalka wanaagsan wuxuu ka badbaadiyaa qofka mus iboyinka

6.Waa in qofku ku kalsoonaado naftiisa kuna tiirsado Rabigiisa kel igii .

Xadiith: N°20 Xishoodka

Waxaa laga weriyay Abuu Mascuud Cuqba ibn Camar al-Ansaari Al-Badri (Allaha ka raalli noqdee),

”lnuu yiri: Rasuulkii ”Ilaahay wuxuu yiri: Waxaa ka mid ahaa hadalladii la ga soo gaaray Nebiyadii hore: Haddii aadan xishooneyn fal waxaad doo ntid.”[Bukhaari]

Sharaxa:Xadiiska Labatannaad

Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa qiimaha weyn ee xishoodku ku lahaa diinihii hore ee aadamigu ka soo dhaxleen Nebiyadii hore Nebedgelyo iyo Naxariisi kordooda ha ahaatee. Hadalka waxaa laga garanayaa in nebi walba ummaddiisa ku waanin jirey, Nebi Muxammedna(s .c.w.) wu xuu u sheegay ummaddiisa in xishoodku ka mid yahay iimaanka.

Marka xishood la’aan waa iimaan la’aan, ama xishood laawe waa iim aan laawe, sidaa awgeed, xadiiskan waa hanjabaad iyo goodin u jeedda qofka xishoodka fududaysta, lana dareensinayo haddii uu fududeysto xishoodka qiimaha uu ku leeyahay bulshada inuu hoos u dhici doono, isl amarkaana ciqaab mudandoono, maxaa yeelay, xishoodku waa xakama ha qofka ka hortaagan xumaatada, qallooca, sharaf dhaca iyo dulliga.

FAII’IIDADA XADIISKA

1.Qiimaha weyn ee xishoodku ku leeyahay taariikhda aadamiga,

2.Qofka aan xishoon kheyr laga sugimaayo,

3.In xishoodku ka mid yahay anshaxa wanaagsan ee dadka ku faano,

4. Goodiga ku dhacay xishood laawaha inuu mudan doono ciqaab adag, maxaa yeelay mar haddii qofku xishoodka ka tago wuxuu ku kacayaa dembiyo fool xun.La soco qeyb kale


DARUUSTA RAMADAANKA {FADLIGA SOONKA}

Caa’isha (A.K.R.) waxay tiri: "haddii Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isaga oo la galmooday Xaas ka mid ah xaasaskiisa, wuu qubeysan jiray sida caadiga ah". Bukhaari iyo Muslim

 

(3) Dadka qaarkood waxay ka cabsadaan in ay subkadaan ama ay kar eem is mariyaan, ama in ay barafuunka la isku buufiyo ama bakhuurka la is mariyo ama fooxa la shito ay isticmaalaan. Waxaas oo dhan soonka ma jebiyaan.

(4) Qofka haddii sankiisu dhiig ka yimaado (san-goror) ama uu ilig Is ka rido ee sidaas dhiig uga yimaado, wax dhibaato ah malaha soonkiisu na waa saxiix waxaase laga rabaa in uu san liqin ee iska tufo.

 

(5) Toobinka - Toobinka markii hore wuxuu kamid ahaa waxyaabaha soonka burriya laakiin dib ayaa laga nasakhay. Nabiguna (S.C.W.) wax uu is toobay isagoo sooman. Sidoo kale toobinka waxaa la mid ah oo aan soonka burin dhiigga yar oo miikariskoobka lagu eego oo sheybaarr adu ka qaadaan dadka.

Anas (A.K.R.) wuxuu yiri: Markii u horeysay oo toobidda qofka soo mman loo diiday waxay ahayd markii uu Jacfar bin Abii Daalib (A.K.R.) is toobay isagoo sooman, oo Nabigu (S.C.W.) soo maray oo yiri: "Labadaa niba waxay buriyeen soonkoodii." Wixii markaas ka dambeeyayna Nabi gu (S.C.W.) wuu u fasaxay inuu is toobo qof kasta oo sooman, Anasna wuxuu is toobi jiray isaga oo sooman. W.W. Ad-Daaraqudni oo sheegay inuu yahay Qawi. Xadiiskuna waa saxiix.

(6) Xuqna : suufka daawada leh ama sumboosto farjiga ama dabada la iska geliyo.

(7) Taqdiir : goojo dhegaha ama sanka lagu dhibciyo.

(8) Indha kuusha indhaha la marsado (9) tisxi duulaya, boor, baraf ka cirka ka da’a oo dhuunta ku carar

a (gala). (10) Cunto dhadhamin, waxaase shardi ah in aan cuntada la liqin, ama aysan gaarin "xarafka X meesha uu kasoo boxo".

(11) cadayashada : rumeysashada iyo luqluqashada. (12) biyo is marmarin (isku qaboojin) ama maro la qooyay oo la is mar mariyo.

 

(13) In dhegaha la dhukaydo ama ciddiyaha la iska jaro, ama ilkaha oo la iska bix-bixiyo.

Gebagebadii, qoraalkan waxaan kusoo xirayaa nasteexo caam ah oo aan u gudbinayo dhammaan muslimiinta iyo nafteydaba, waxaana leeyahay aan ka faa’iideysanno fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan. Lama oga in ay nasoo mari doonto bil kale oo Ramadaan; haddaba, yaan laga dhoohnaan fadliga, ajarka iyo xasanaadka aan kasban karno haddii aan si dhab ah oo iimaan leh ugu soo jeesanno bishan Baraka ysan ee Ramadaan.

LIFAAQ # 1

TIIRARKA ISLAAMKA uu ku dhisan yahay waa shan (5), taasoo mid ka mid ah haddii uu qofku ka tago aysan muslinnimadiisu sax ahayn. Xadiis uu wariyey ibnu Cumar A.K.R. Wuxuu yiri: "Islaamka waxa uu ku dhisan yahay shan: Shahaadada oo ah in la qiro in uu Ilaahay mooyee ilaah ka le uusan jirin, Nabi Muxammadna (S.C.W.) uu yahay addoonkiisa iyo Ra suulkiisa; in Salaadda la oogo, in Sakada la bixiyo, in la soomo, iyo in Xajka la tago".la soco qeyb kale

Cabdulfataax Maxamed Cabdulle

Ottawa, Ont. Canada abdulfatah@yahoo.com

 

WARGELIN :- Maamulka wargeyskan wuxuu kugu wargelinayaa inaad xafidid Bog agga Qoraalada Diin igaah ee ku Qoran wargeyskan , kana Ilaalisid Meel aha wasaqey san oo aanad dhigin Mahadsanidiin


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip