
HALKAAN KA AKHRISO :-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA ABRIL 2022R
Farmaajo Oo Xalay Kulan La Qaatay Guddoo miyeyaasha KMG Ah Ee Labada Aqal
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaad ay ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Guddoomiye yaasha kmg ah ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdisalaan Xaaji Axmed (Dhabancad) iyo Gola ha Aqalka Sare Senator Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyad da qaran ee loo igmaday.
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Guddoo miyeyaasha Labada Aqal ee BFS sida habsamida leh ee ay u fureen Kulanka 1aad ee Kalfadhiga 1a ad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isa ga oo Alle uga baryey in uu ku garab galo gudash ada waajibaadka dastuuriga ah ee loo igmaday.
Dhankooda, labada Guddoomiye ayaa Madax waynaha waqtiga ka dhammaaday uga mahad celiyey kulanka, iyaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay uga go’an tahay dardar galinta doorashooyinka dalka.
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya kul an aan wadajir aheyn ku yeeshay Xarumahooda MMuqdisho, iyadoo la magacaabay Guddiyada qaban-qaabada doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka.
Akhriso:-Guddiga Doorashada Guddoo nka Golaha Shacabka Oo La Magacaab ay (Magacyada)
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacab ka Baarlamaanka 11-aad Cabdisa laan Axmed Lii baan ayaa magacaabay xub naha Guddiga qab an-qaabada doorashada Guddoonka Golaha Sha cabka, kadib markii Golaha Shalay yeesheen kulankii ugu horreeyay.
Guddoomiye Cabdisalaan Axmed ayaa Gudd iga uu magacaabay ka kooban 10-xubnood oo la ga soo dhex saaray Xildhibaanada Golaha Shac abka, kuwaasi oo ka shaqeyn doona qabashada doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda dhaceysa.
Guddigaan ayaa maalinta Axad ah Magaa lada Muqdisho ku yeelan doona kulankooda ugu horreeya, iyagoona ka arrinsan doona howlaha loo idmaday ee ah doorashada Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Shalay kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Villa Hargey sa, wuxuuna Ajendaha kulankaas ahaa dhaarinta Xildhibaano cusub iyo magacaabista Guddiga doorashada Guddoonka Golaha.
Hoos ka Akhriso Magacyada xubnaha Guddiga ee la magacaabay.
1-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur
2-Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar maxamed
3-Xildhibaan Nasra Mahdi Alaale
4-Xildhibaan Maxamed Xuseen Haadi
5-Xildhibaan Dahado Suusow Maxamuud
6-Xildhibaan Cumar Shariif Jeeg
7-Xildhibaan Qaasim Cilmi
8-Cabdullaahi Xasan Rooble
9-Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur
10-Xildhibaan Maxamed Abuukar
Soomaaliya oo loo doortay guddoomiyaha ururka horumarinta beeraha ee jaamacada Carabta
Soomaaliya ayaa loo doortay in ay noqoto Guddoomiyaha Ururka Horumarin ta Beeraha Car abta ee Jaamacadda Carab ta labada sano ee soo socota
Wasiirka beeraha iyo waraabka Soom aaliya, Siciid Xuseen Ciid, ayaa Soomaaali ya ku mata layay Shirweynaha 37aad ee la gu doortay oo la gu qabtay magaa lada Nouakchott ee dalka Mauri tania.
Ururka Carabta ee Horumarin ta Beeraha (AOAD) waa urur xiriir la leh ururka Jaamacadda Carabta oo shaqadiisa bilaabay 1972, xaruntiisuna tahay magaalada Kha rtoum ee dalka Suudaan.
Ururkan ayaa waxa uu gacan ka geystaa abu urista iyo horumarinta xiriirka ka dhexeeya wad amada Carabta iyo isku dubaridka iskaashiga ka dhexeeya dhinacyada kala duwan iyo hawlaha beeraha.Ujeeddada guud ee loo aas aasay waa in kor loo qaado awoodda dadyowga Carbeed si ay u ilaashadaan una joogteeyaan kheyraadkoo da dabiiciga ah una ilaashadaan madax-banaan idooda, gaar ahaan dalalka ay saameeyeen cola daha.
Korneylkii hogaaminayey Badbaado Qaran, Xaadoole oo xildhibaan loo doortay
Colonel Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xa adoole) ayaa ku guuleystay doorashadii adkeyd ee kursiga HOP106 ee beelaha Galmaax Yoonis ee Wacbuudhan Abgaal oo Shalay ka dhacday magaalada Jowhar, isaga oo ka adkaaday sad dex musharax oo kale.
Colonel Cusmaan Xaadoole, oo ka tirsan cii danka Xoogga Dalk, ayaa wareegga koowaad ee doorashada helay 56 cod, isa ga oo ka adkaaday musharaxi inta kala ah: Ba shiir Maxamed Yuusuf, Fo wziya Sheekh Cali Maxa muud iyo Yaxye Abuukar Aadan.
Afarta musharax ayaa cododka u kala helay sidan
1. Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole 56
2. Bashiir Maxamed Yuusuf 20
3. Fowziya Sheekh Cali Maxamuud 0
4. Yaxye Abuukar Aadan 25
Colonel Cusmaan Xaadoole, oo ka soo jeeda Beesha Mataan Cabdulle, ayaa lagu xusuustaa inuu hoggaaminayey ciidankii Badbaado Qaran ee soo galay Waqooyiga Muqdisho, kuwaas oo halkaas ka galay dagaal horseeday in laga laabto muddo kororsigii madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu ku biirayaa xubno kale oo ka mid ah aa saraakiisha Badbaado Qaran oo baarlamanka soo galay, uuna ka mid yahay Jeneraal Saadaq John.
Doorashada Colonel Xaadoole ayaa ka dhigg an in baarlamanka uu soo galay xubin kale oo aad ugu dhow mucaaradka madaxweyne Farma ajo. Waxay sidoo kale tani ka dhigan tahay inay kordheen saraakiisha ciidan ee ku jira baarlaman kan oo noqday kii ugu badnaa ee ay soo galaan saraakiil ciidan.
Kadib guusha Xaadoole ayaa waxaa rasaas xooggan oo dabaal deg ah laga riday inta badan waqooyiga Muqdisho, ayada oo aad loogu soo dhoweynayo guusha Colonle Xaadoole.
Taliye Xijaar Oo Ciidanka Booliska Siiy ay Amar La Xiriira Wejiga 2aad Sugi da Amniga Doorashada
Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda F/S/ Jen eraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo Shalay ku lan la qaatay dhammaan Taliyeyaasha Ciidamada iyo Saraakiisha Booliska dowladda, kaasi oo loo ga hadlay amniga doorashooyinka.
Kulanka Taliye Xijaar iyo Saraakiisha Ciidama da ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo dardar-gelin lahaa sugida amiga wejiga labaad ee doorashoo yinka Guddo on ka Baarlamaanka 11-aad oo maalmaha soo socda ka dhaceysa M/ Muq disho.
Taliye Xijaar oo kulanka kadib warbaa hinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in si amni ah u gu soo dhammaatay doorasho oyinkii ka qab soomay Muqdisho iyo Munaa sabaddii lagu dha arinayey Xildhibaanada cusub Baarlamaanka oo 14-kii April qab soontay.
Wuxuu Jeneraal Xijaar faray Taliyeyaa sha iyo Ciidanka Booliska inay u diyaar garo obaan su gida amniga wejiga labaad ee doorashooyinka gaar ahaan doora sha da Guddoonka Baarlam aanka, isla markaa na ay sii laba jibaaran shaqoo yinka la xirii ra sugida amniga Caasimadda.
Sidoo kale Taliyaha ayaa dalbaday Ciidamada Booliska inay feejignaan dheer aad ah ka muuj iyaan falalka amni darro ee xil iyada qaarkood ka dhaca Magaalada, maa daama laguda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan, isagoona Ciidamada uga mah ad celiyay shaqada adeg oo ay hay aan.
Taabid Cabdi Oo Farriin Talo U Diray Guddo onka KMG Ee Labada Aqal Ee Baarl amaanka Cusub
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir aha ana Duqii Magaalada Mu qdisho Md Taabid Cabdi M axamed ayaa farriin talo ah u diray Guddoomiyeyaa sha KMG ah ee labada Aqal ee Baarl amaanka 11-aad ee Jam huuriyadda Federaalka Somaliya.
Md.Taabid Cabdi ayaa Shir Guddoonka guul eysta ee Golaha ula taliyey in ugu horreyn uu la tashi la sameeyo Xildhibaannada, maadaama doo rashada Guddoonka ay tahay ciddii guddoomin laheyd isla labbada Gole Baarlamaanka.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale ku taliyey in Guddoonka guuleysta uu xadido muddada ay Xildhibaannada ku soo gudb inayaan talada Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Guddiga lagu dhawaaqayo in uu noqdo mid ku yimid wadatashi
"Haddii sidaa loo wajaho, waxaan kalsooni ku qabaa in khilaaf laga dheeraan karo, wadajirna loo gabagabeyn karo hawlaha qaran. Guushaada waa la harshaa ee durbaba cadceedda laguma gubo” ayuu yiri Md. Taabid Cabdi Maxamed oo Qoraal soo saaray.
Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee JDS ayaa Shalay kulankii ugu horre eyay ku yeelanaya M/Muqdisho, ka dib markii kha miistii lasoo dhaafay 14-ka April lagu dhaariyey Teendhada Afisyooni.
Xildhibaan Xiddig: Xilka aan u tartamayo ee guddoomiyaha barlamaanku, waa xilka ugu sarreysa dalka {WAREYSI}
Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo katirsan ba rlamaanka Soomaaliya ayaa markii labaad iskusoo sharraxay xilka guddoomiyaha golaha shacabka, isagoo u arka fursad uu kusoo bixi karo
Xildhibaan Xiddig ayaa sheegay in jagada gudd oomiyaha barlamaanku ay tahay jaga da ugu sarreysa daka. Wuxuuna shee gay sababta uu isugusoo sharraxay inay tahay inuu ummadda tuso inaanu jirin kursi reer kaliya loo asteeyay.
"Waxaan rabnaa inaan dadka barno guddoomiyaha barlamaanku inuu yahay xubinta ugu sarreysa dalka ama xubinta labaad. Waxaa laga had layaa Prime minister. Sooma ahan midkii todobada daqiiqo lagu ceyriyay,” ayuu yiri xildhibaan Xiddig.
Xiddig waxa uu sheegay inuu kalsooni ballaaran ka haysto beesha uu kasoo jeedo. Wuxuu kaloo bee niyay in is sharraxaadiisa ay tahay mid siyaasadeed oo loo adeegsanayo in lagu dhabar jebiyo siyaasiyiin ta beesha uu kasoo jeeda, kuwaas oo u sharraxan xilka madaxweynaha Soomaaliya.
"Waxaa loo baahan yahay horumar iyo in laga gu dbo saddex dhardhaar oo lixdamaadkii la dhigay. Waayo waxaa jira beelo Soomaaliyeed oo xaq uleh inay u tartamaan jagooyinka ugu sarreeya ee dalka,” ayuu hadalkiisa raaciyay xildhiban Xiddig.
Xildhibaan Xiddig ayaa sannadkii 2016 u tartam ay jagada guddoomiyaha barlamaanka, wuxuuna hel ay 97 cod, waxaana kaga guulaystay Maxamed Cis maan Jawaari. Wuxuu hadda aamisan yahay inuu haysto fursad ka fiican midii sannadkii 2016
Xog: Deni oo rumeysan inay taako u dhigeen Mid owga Musharaxiinta, sidoo kalena ka shakisan Axmed Madoobe
Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo ka mid ah xildhibaanada ka soo galay Jubaland ayaa ku dhowaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baaralamanka Soomaaliya.
Musharaxnimada Xidig, oo ka soo jeeda beesha Ogaadeen, ayaa leh cawaaqib siyaasadeed oo wax ka beddeli kara nidaamka awood qeybsiga Soomaal iya, oo beesha Daarood ay ka hesho xilka madaxwe ynaha ama ra’iisul wasaaraha, taasi oo saameyn karta Farmaajo iyo Saciid Deni.
Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan mad axtooyada Puntland, go’aanka Xidig ayaa lama-filaan ku noqday madaxw eynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe.
Musharaxnimada Xiddig ma ahan mid la dhayal san karo, wuxuuna awoodaa inuu xilkan ku soo ba xo, isaga oo sidoo kale 2016-kii doorashadii dhac day ka helay codad badan oo lama filaan ahaa.
Xilligan waxaa intaas dheer in Koonfur Galbeed aysan dooneyn xilka guddoomiyaha golaha shacab ka, sidaas darteedna ay suurta-gal tahay in Lafta-ga reen oo gacanta ku haya xildhibaanadiisa uu ku riixo inay u codeeyaan Xiddig.
Dhanka kale, Deni ayaa rumeysan in Xiddig ay aa gadaal ka riixayaan Midowga Musharaxiinta oo ka careysan ballamadii uu uga baxay Deni, sida laga soo xigtay xubno xog ogaal ah.
"Xiddig waxaa wata Midowga Murrashixiinta oo aaminsan in Deni uga baxay ballantii ahayd inuu mi dkood dhisi doono si uu isagu u noqdso R/ Wasaare ama soo xulo qofka noqonaya,” ayuu yiri xog-ogaal siyaasadeed oo Mu qdisho ku sugan.
Wuxuu sidoo kale intaas ku daray in murrashax nimada Xiddig ay shaki ka dhex abuuri doonto Deni iyo Axmed Madoobe.
Axmed Madoobe ayaa horey Deni uga ballan-qa aday in qof ka socda Jubaland aanu xilkaas isku soo tagai doonin, si gaar ahna Xiddig oo mar kasta la ru meysnaa inuu damac noocan ah ku jiro.
La-taliyayaasha Saciid Deni ayaa hadda ka feker aya sidii ay u dejin lahaayeen istaraatijiyad ka hortag aysa inuu Xiddig ku guuleyso kursiga Guddoomiya ha Golaha Shacabka.
"Deni wuxuu farayaa xildhibannada uu soo saar tay inay u codeeyaan qof kale. Taasi waxay yarayn aysaa fursadda uu Xiddig ku noqon karo Guddoomi ye baarlamaan,” ayuu yiri ilo-wareed xog ogaal u ah arrintan.
Si kastaba, wax kasta waxay ku xiran tahay wa xa uu damacsan yahay Lafta-gareen, waxaana ha ddii uu si buuxda u taageero Xidig aad suurta-gal u ah inuu guuleysto, maadaama sidoo kale Hawiyaha iyo Dir ayagana ay taageeri doonaan
Xigasho:-Caasimadda.net
Maxaa fashiliyey isbaheysigii uu Boqor Buur madow ka abaabulayay Muqdisho?
Horraantii sanadkan markuu Boqor Cismaan Buu rmadow yimid Muqdisho waxaa lagu soo dhoweeyay maamul sare. Wuxuu ku duulayay dabayl isbeddel-doon ah, taas oo oday dhaqameedyada Muqdisho u gu saameynta badan ay u guuxeen. Markuu si kaft an u sheegay in beshiisu hoggaamiso dowladda labaad ee Soomaaliya ka jirta (Al-shabaab), wuxuu Boqor Buur madow la kulmay dhaleeceyn iyo ku eedeyn inuu u qaameysan yahay dadka ay Al-shab aab Koonfurta Soomaaliya ku gumaadday. Siyaasi ayaa ka dalbaday Boqor Buurmadow inuu bixiyo ma gta dadkii ku baxay gacanta Al-shabaab.
Khubdaddaas ‘kaftanka’ ahayd waxay sii kala fo geysay Buurmadow iyo siyaasiyiinta Muqdisho. Wa xaa xigtay in beesha Dirta Waqooyi oo uu Buurma dow ka mid yahay ka cawdeen Ra’iisal Wasaare Ro oble oo uu ku tilmaamay nin xaqa beesha duudsiina yay.
Wuxuu ka codsaday beesha Rooble inay ceshad aan Ra’iisaal Wasaaraha. Dhaleeceyntaas waxaa ka mid ahaa dadkii soo jeediyay Senator Cabdi Xaashi Cabdi iyo Professor Cabdi Ismaaciil Samatar.
Laga billaabo baaqi wadajirka ahaa uu Boqoor Bu urmadow la soo saaray siyaasiyiinta beeshiisa qaark ood waxaa badatay dadaallada uu ku doonayay inuu ku mideeyo siyaasadda beeshiisa oo ka mid ah be elaha awood-qeybsiga 4.5 ku salaysan. Xiriir ayuu la sameeyay Madaxweynaha Koonfurl Galbeed, kalana hadlay isbahaynsi Digil & Mirifle iyo Dir marka doora shada Madaxweynaha ay dhacayso.
Boqor Buurmadow wuxuu Muqdisho kula loollam ay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed si uu saameyn ugu yeesho codbixinta xildhibaannada Somaliland.
Dhowr caqabadood ayaa Boqor Buurmadow soo foodsaaray. Midi waxay ka soo jeedda loollankii uu Buurmadow la galay garabka Mahdi Guuleed. Buu rmadow wuxuu ka socday Madaxweynaha Somalil and oo u xusul-duubaya yaraynta saameynta siyaa sadeed ee Mahdi Guuleed, dhanna wuxuu Biixi kala socdaa Madaxweynaha Jabuuti oo xubnaha beesha Ciise faray inaysan u codeynin Madaxweyne Farma ajo haddii uu isu soo taago in dib loo doorto. Mada xweynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen wux uu Buurmadow ka codsaday inuu u sheego sida R/ Wasaare ku xigeenka, Mahdi Guuleed, u arko isbah aysiga uu Buurmadow u arko mid la samayn karo.
Waxay ahayd su’aal Buurmadow ku noqotay laf dhuun gashay. Waxaa u caddaatay Laftagareen in Buurmadow uusan xitaa taageerada Dirta Waqooyi badankeed haysan, iskaba dhaaf beesha Dir guud ahaan.
Md.Laftagareen & Mahdi Guuleed xiriir wanaag san ayaa ka dhexeeya. Haddiiba uu isbahaysi 2da beelood u dhexeeya in laga wada hadlo ay gaarto, waa 2da siyaasi oo ka wada hadli kari lahaa. Dhow aan wareysi kooban oo uu Buurmadow bixiyay ka dib dabkii Suuqa Waaheen burburiyay wuxuu sheeg ay in isaga uu leeyahay fikradda isku dayga samayn ta isbahaysi si Hawiye iyo Daarood la iskaga dhiciyo siyaasad ahaan.Labada beelood oo ay ka soo kala jeedaan Laftagareen iyo Buurmadow haddii ay siy aasad ahaan midoobaan waxaa dhici karta inay me esha ka saaraan labada beelood oo Soomaaliya xuk unkeeda ku kaltamayay. Waxaa jira darbiyo siyaasa deed oo ay inay jebiyaan loo baahan yahay si isba haysi siyaasadeed oo cusubi 2da beel u dhexmaro.
Darbiga ugu weyni waa Somaliland oo sheegan aysa inay dalka Soomaaliya ka go’day. Xaaladdaas siyaasadeed waxay yaraysay awoodda gorgoronka Dirta Waqooyi waayo Madaxweyne Soomaaliyeed ma tagi karo meelaha ay Somaliland ka taliso.
B/ Buurmadow oo Baydhaba lagu soo dhoweynayo
Isbahaysiga uu Buurmadow mala-awaalay oo kale wuu jiraa hase ahaatee ma aha mid hore loo shaaciy ay. 2016kii waxaa Nayroobi ku shiray ergo ka socot ay Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiin reer Waq ooyi ah. Shirkaas waxaa soo abaabulay Ismaaciil Hu rre Buubaa, Wasiirkii Arrimmaha Dibedda ee Soom aaliya. Shirkaas waxaa ka soo baxay heshiis siyaa sadeed ay Beesha Garxajis horseed ka ahayd. Farm aajo wuxuu ballanqaaday in reer Waqooyigu aad u gu muuqan doonaan dowladda hadduu Madaxwey ne noqdo. Kaddib doorashadii 2017kii beesha Dirta Waqooyi waxay noqotay tiir ka mid ah tiirarka Nabad iyo Nolol.
Boqor Buurmadow goor dambe ayuu ogaaday he shiiskii 2016kii lagu dejiyay istaraatijiyadda DFS ku socoto badankeed. Markuu la xiriirayay Laftagareen wuxuu Buurmadow doonayay inuu sameeyo isbahy si kaas la mid ah, laakiin, aqoonta yar oo uu u leeya hay siyaasadda koonfurta Soomaaliya ayaa majaxaa bisay B/Buurmadow.
Buurmadow wuu ka safray Muqdisho, mana ca dda inuu dib ugu soo noqonayo. Sida la saadalina ayo beesha uu ka tirsan yahay marka la eego dhan ka awood qeybsiga waxay u codeyn doontaa badan keed Madaxweyne Farmaajo. B/Buurmadow wuxuu Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Puntland Sici id C/hi Deni markuu Muqdisho booqanyay dhowr bil ood ka hor. Codadka tirade yar oo uu Buurmadow saameynta ku leeyahay Meesha ay aadi doonaan ma cadda. Dagaal siyaasadeed ayuu Buurmadow ka bixi waayay intuu Muqdisho joogay. Way ku adkaat ay inuu noqdo oday-dhaqameed iyo siyaasi. Boqor Buurmadow meeshuu u qoystay ayuu ku qallajistay. Xigasho: Puntland Post
Maxkamadda Hargeysa oo amar cusub ka soo saartay xariga Wariyeyaasha
Magaalada Hargeysa waxaa maalintii afaraad ku xiran illaa 13 Wariye oo ay dhowaan xabsiga dhig een ciidamada Booliska Somaliland, kadib dhacdadii xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa.
Wariyeyaashan oo ka howl-gala warbaahinta qay baheeda kala duwan, sida Telefishinno iyo Idaacado ay ka mid ahBBC-da ayaa Shalay kasoo muuqday maxkamadda Hargeysa.
Wararka ayaa sheegaya in maxkamaddu ay am mar kasoo saartay xarigga Wariyeyaashaasi, isla-markaana ay amartay xabsiga lagu sii heyn doono illaa 5 cisho oo dheeraad ah.
Booliska ayaa doonaya in 5-taasi maalmood uu ku soo dhammeystiro caddeymahooda, si maxka maddu ay go’aan rasmi ah uga soo saarto xariga Suxufiyiintaasi.
Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay saraa kiisha Booliska in dhaqtar la geeyo Wariye Maxa med Ilig oo ka mid ah Wariyeyaasha xiran, kadib xaa lad caafimaad oo soo wajahday.
Sidoo kale Wariyayaashan ayaa waxaa la filayaa in shantaasi maalmood ka dib lagu soo celiyo max kamada, si loo dhammeystiro dacwadda loo heesto. Arrintan ayaa Somaliland waxa ay kala kulantay cab mbaareyn xoogan oo ka timid Ururka Suxufiyiinta iyo xisbiyada mucaaradka ee ka jira maamulkaasi.
Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa caadi ka noqday xariga lagula kaco Wariyeyaasha, Fanaaniinta, Siya asiyiinta iyo cid kasta oo kasoo horjeesata
xukuumadda maamulkaasi. Maxkamadda Hargeysa
oo amar cusub ka soo saartay xariga Wariyeyaasha
Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay Cismaan Xaadoole
Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xu seen (Cali Guudlaawe) ayaa xalay Xarunta Madaxt ooyada Hirshabelle ee M/Jowhar waxa uu ku qaabil ay Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo shalay loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka.
Md.Cismaan Xaadoole ayaa tar tanka doorashada ee kursiga #HOP106 kaga guuleystay illaa 3 Musharax oo kale, oo mid ka mida ay haweeney ahayd.
"Madaxweynaha ayaa Xildhibaanka ugu hambal yeeyay guusha uu gaaray, waxa uuna kula dardaa rmay u shaqaynta bulshada Hirshabelle iyo guud ah aan shacabka Soomaaliyeed.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Guudlaawe.
Jowhar oo ah deegaan doorashada 1aad ee Hir shabelle ayaa waxaa ku haray afar kursi, oo kursi ka mid ah laga soo wareejiyay Magaalada Beledweyne.
Tani ayaa tirada guud Xildhibaanada Golaha Shac abka ee illaa iyo hadda la doortay ka dhigeysa 255 Xildhibaan, oo 51 ka mid ah ay haween yihiin.
Al-shabaab oo sheegatay iney la waree geen deegaano ka tirsan gobolka Sh/hoose
Wararka ka imaanaya deegaanka lagu magac aabo Warmaxan oo ka tirsan gobolka Sh/hoose ay aa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen deegaankaasi.
Deegaanka Warmaxan oo ay fariisimo ku lahayeen ciidamada xoogga dalka So omaaliyeed ayaa Dorraad galinkii dambe lasoo wa riyay in Al-shabaab ay la wareegeen kadib dagaal xo oggan oo mudo ku dhexmaray gudaha deegaankaa si. Al-shabaab oo ka hadashay dagaalka ay kula wareegtay deegaanka Warmaxan ayaa sheegatay in dagaalka ay ku dileen askar badan walow aysan sha acin tirada ay ku dileen, iyagoo sidoo kalana sheeg tay iney nolosha ku qabteen askar kale.
Waxay sidoo kale sheegteen Al-shabaab iney sidoo kale la wareegeen gacan ku heynta tuulada la gu magacaabo Shirey oo qiyaas ahaan 10-KM u jirta degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose.
Marka laga soo tago sheegashada Al-shabaab ee ah iney ciidamada dowladda Soomaaliya kala wa reegeen deegaanada kala ah Warmaxan iyo Shirey, ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka Saraakii sha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aaddan in lagala wareegay deegaanada asi.
Midowga Afrika oo wakiil cusub u mag acaabaya soomaaliya
Wargeyska The East African ayaa sheegay in Midowga Afrika uu maalmaha soo socda Sooma aliya u magacaabi doono wakiil cusub kadib markii dhowaan dowladda Soomaaliya ceyrisay Francisco Madeira.
The East African oo soo xigtay ilo muhiim ah ayaa sheegay in xubnaha Midow ga Afrika ay go’aa nsadeen in aan dib loogu celin dalka Wakiilkii la ceyriyay .
Wargeyska oo xiganaya ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in Midowga Afrika ay ku cadaadinayaan Amb assador Francisco Madeira in uu is casilo si uusan ugu muuqan nin la ceyriyay.
Wargeyska ayaa caddeeyay in wakiilkii Midowga Afrika uusan dib danbe ugu laaban doonin Soom aaliya kadib markii loo aqoonsaday shaksi aan dalka laga rabin.
Waxaa laga yaabaa sida ay xustay warbaahinta aadka ugu dhow xafiiska Midowga Afrika in lagu ba dali doono Francisco Madeira ninka lagu magaca abo Maman Sambo Sidikou oo u dhashay dalka Niger.
Kalkaaliso Soomaali ah oo labo sano gudah eed ku noqotay milyaneer: Sheekada gabadha uu dhalay Feysal Cali Waraabe
Labo sannadood ka hor markii Faadumo Cali ay sheegtay inay iska dhaaftay shaqadii kalkaalisanni mada oo ay furaneyso ganacsi ay iyadu leedahay, dad badan ayaa ku tilmaamay in ay waalantahay, ba lse hadda shirkadeeda waxay haysataa lacag dhan malaayiin Yuuro.
Faadumo waxaa dhalay Faysal Cali Waraabe oo ah guddoomiyaha xisbiga mucaaradka UCID ee Somaliland.
Faadumo Cali waa milkiilaha iyo maamulaha shir kadda Hoiwa Oy oo ka shaqeysa arrimaha caafim aadka. Shaqadda shirkadda ayaa ah hannaan gana csi oo kalkaaliyeyaal ay ugu diraan xarumaha caaf imaadka iyo isbitaallada shaqaallaha caafimaadka raadinaya.
Shirkada oo la aas-aasay sannadkii 2020, ayaa is la sannadkaasi sameysay nus milyan Yuuro, san nad-maaliyadeedkeedii labaadna waxaa soo gashay lacag dhan 4.2 milyan.
Faadumo oo ah 35-jir qaxootinnimo ku tagtay dalka Finland, ayaa hal-abuurkeeda ganacsi uu soo jiitay warbaahinta, kaddib markii loo doortay ganac sadaha sanadka ee Espoo. Waxaa ay ku guuleystay abaalmarinta sanadka ee shakhsiyaadka ganacsiga iskood u abuurtay ee waddanka Finland.
"Waxaan u mahadnoqayaa Finland oo ah wad dankii aan imid 32 sannadood ka hor anniga oo gabar yar ah. Fursad yaab leh ayuu i siiyay dalkan, waxaana fursadaasi u isticmaalay sidii ugu wan aagsaneyd ee aan awoodi karay”, Faadumo ayaa sidaasi tiri markii ay khudbad ka jeedineysay mun aasabadii lagu siinayay abaalmarinta
Hal qof ayaa ka shaqeynayay xafiiska shirka ma rkii la bilaabayay, haddana waxaa ka shaqeeya shaq aale gaaray toban. Sannadkii ugu horreeyay kadib, waxaa shirkadda u diiwaan-gashanaa ku dhawaad 400 oo xirfadlayaal caafimaad ah, haddana waxaa u diiwaan-gashan ilaa 2,500.
Horumarka noocaan oo kala ah ee dhinaca korar ka tirooyinka ayaa naadir ku ah nooc kasta oo shir kad ah. Korronka heerka sare ah waxaa u suurtageli yay faa'iidooyinkii badnaa ee shirkadu sameysay sannadkii ugu horreeya.
Hoiwa Oy waxay rabtaa inay ballaariso hawlah eeda oo ay ka dhigto mid gaarta adduunka oo dhan.
Faadumo Cali, oo ka sheekeyneysay waayihii ay ka soo martay markii ay bilaabeysay shirkaddeeda, ay aa sheegtay in ay aheyd hooyo heysatay afar carr uur ah oo ay aabahooda kala tageen, isla xiligaasina ay baraneysay sida loo daryeelo dadka qaba xan uunka macaanka (A diabetes nurse).
"Qof walba waxaa uu leeyahay fursad uu ku riy oodo, ganacsi sameey oo ku guuleysto. Si dad bad an ay u dareemaan in dadaadka badan la isku abaa lmariyo”, ayey raacisay.
Xiligii guga ee sannadkii 2020 shirkadda Hoiwa Oy ayaa loo qaban baahi weyn, maxaa yeelay wax aa baahi deg-deg ah loo qabay kalkaaliyeyaal maad aama xiligaasi uu jiray xanuunka COVID. Xiligaasi kalkaaliyaasha ka shaqeeya shirkadda ayaa aadi jiray meel kasta.
Hassan Istiila, Hiiraan Online
hassanistiila@hiiraan.com
Taliyaha booliska Somaliland oo si adag ugu han jabay xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada
Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Shalay sheegay in hanj abaad iyo baahdil uu kala kulmay taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-Gale).
Xildhibaanka oo shir jaraa’iid ku qabtay magaal ada Hargeysa ayaa sheegay in isaga iyo taliyaha uu muran ku dhex maray xarunta dambi baarista ee CID, kaddibna taliyaha uu ku yiri "Iska tag annagaa kuu gelineyna shaar kula eg, kaddibna naqaana halka aan ku geyn doono”.Md. Abiib ayaa is-weydiiyay halka taliyaha uu geyn doono, ka ddibna raaciyay in taliyaha la we ydiin doono had dii isaga la wa ayo.
Xildhibaanka ayaa sheegay in gelinkii dambe ee Shalay uu tegay xarunta dambi baarista ee CID-da si uu usoo oggaado halka ay ma reyso baarista dad laga soo xiray deegaan doora shadiisa iyo in hoggaanka CID-da uu ka socdo mid kamid ah wariyayaasha ku xiran saldhiga dhexe oo xanuunsanaya loo soo wareejiyo CID-da.
"Markaan kasoo baxay xarunta waxaa iga hor yimid taliyaha booliska iyo taliyaha RRU-da, kaddib taliyaha ayaa igu yiri: Maxaad kasoo doontay halk an, ma hooyadaa baa leh?
Waxaan ugu jawaabay maya ee waxaa leh qaranka? Markaas ayuu iisii raaciyay adiga ma wa xaad tahay qaranka? Waxaad cadow ku tahay Soma liland? Mana soo geli kartid xaruun uu leeyahay bool iska”. ayuu ku sheegay shirkiisa.
Waxaa uu taliyaha ka codsaday in uu la yimaado caddeyn ku aadana halka uu ku noqday "Cadowga Somaliland”. Mudane Abiib ayaa shirkiisa jaraa’iid ku caddeeyay in garyaqaan Xuseen Shabeel uu kamid ahaa ku dhowaad 30 qof oo ku sugnaa goobtii mur ankaasi uu ka dhacayay.
Garyaqaanka oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in uu aad uga xumaaday ficiladii taliyaha ciidanka booliska, isla markaana lagu tilmaami karin ficilo masuuliyadeed.
Waxaa uu xusay in marar badan uu isku dayay in taliyaha uu xusuusiyo masuuliyadiisa, balse uusan dhegeystan, laakiin beddelkeeda uu ku guuleystay in uu xakameeyo xildhibaan Maxamed Abiib oo la socday
"Waxaan ka xasuustaa hadalada taliyaha in uu la haa waxaan kuu xireynaa shaar kula eg, waad kibir san tahay, mana tihid Somaliland ee waxaad tahay cadowgeeda”, ayuu yiri garyaqaanka.
Garyaqaanka ayaa sheegay in muddo 20 sanna dood ah uu kusoo jiray garsoorka, balse uusan wali gii soo arkin taliye u dhaqmaya sida Maxamed Aad an Saqadhi.
"Xarunta CID-du waa meel u shaqeysa dadka, ma na ahan meel qof loo diidi karo. Taliye Maxamed ka hor waan geli jirnay, haddana waan geleynaa”, ayuu sii raaciyay.
Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Aadan Saqadhi, wali kama uusan halin eedaha culus ee loo jeediyay.
Khaasaraha ka dhashay duufaanta Meiji ee ku dhufatay Dalka filibiin oo sii kordhaya
Khaasaraha ka dhashay duufaanta Meiji ee ku dhufatay Dalka filibiin oo sii kordhaya.
Golaha qaran ee ka hortagga khataraha iyo cir ibtirka masiibooyinka dabiiciga ah ee Filibiin ayaa ku dhawaaqay in tirada dhimashada duufaanta Meiji ee ku dhufatay dalkaasi ay gaartay 167 qof. Warbixin uu goluhu soo saaray oo la daabacay Shalay oo Sabti ah, ayaa lagu sheegay in duufaantu ay ku dhufatay 9 gobol oo Filibiin ah, oo ay ku nool yihiin in ka badan 1.93 Milyan oo qof, iaydoo 348.3 kun oo iyaga ka mid ahna loo daadgureeyay xarumo ku meel gaar ah, sidoo kale 32.9 kun oo qofna hore ayaa loogu daadgureeyay meelo ammaan ah.
Duufaanta ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawac may 8 qof, halka 110 kalena weli la la’yahay,Tirada ugu badan ee dhibanayaasha ayaa ka dhacday deg mooyinka Eastern Visayi,Weste visayi,Davao iyo de gma da Visayi dhexe.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in
duufaanta "Me iji” ay waxyeeleysay 10,3 kun oo guri,kooxda saadaa sha hawada
ayaa diiwaan geliyay 560 daadad ah iyo 89 dhul go’ ah Khasaaraha ka dhashay
beeraha 5 gobol ayaa lagu qiyaasay 4.64 milyan oo dollar. Du ufaanta ayaa sidoo
kale burburisay 240 waddo iyo 9 buundo
GARYAQAANKA GUUD EE DF OO MAXKAM ADDA SARE U GUDBIYEY JAWAABTA KIISKA KURSIGA FAHAD YAASIIN
Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo qo raal u diray Maxkamadda Sare ee dalka ayaa ayiday hakinta lagu sameeyey kursiga HOP086 ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dawladda ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ay hakinta kursiga HOP086 u mareen habraacii sax da ahaa ee loogu talagalay habraaca fulinta doorashada dad ban.
Xafiiska ayaa sidoo kale difaacay awoodda iyo sharciyadda guddiga doorashada, wuxuuna sheegay in gudidga ay awood diisu tahay inuu mas’uul ka yahay guud ahaan kormeerka hannaanka doora shada iyo xaqiijinta inay si isku mid ah u dhacdo hannaanka doorashadu iyo dabagalkaa fulinta hannaankii lagu heshiiyay ee qabsoomidda doorashada.
Xafiiska ayaa ku gacan sayray sheegashada guddiga doorashada Hir Shabeelle ee ah in doorashada kursigan loo maray habraacii saxda ahaa.
"Caddeynta ay sheegeen guddiga doorashada HirsShabeelle ma waafaq sana habraaca hirgalinta doorashada dadban, awoodna uma laha in ay iya ga oo doorashada qabtay haddana dhahaan waa sax,” ayuu yiri xafiiska gar yaqaanka dowladda.
Waxa kale oo uu xafiiska garyaqaanka sheegay in qabashada doorasha da kursiga HOP086 ay khilaafasan tahay habraaca hirgelinta doorashooyin ka ee 1 October 2020, ay tahay awoodda guddiga doorashada heer federaal inay kormeerto, hubiso islamarkaana dabagasho habsami u socodka doora shada taasi oo uu khilaafay kursiga HOP086.
Wuxuu sidoo kale diiday awoodda ay guddiga xalinta khilaafaadka, oo kur sigan horey u fasaxay, u leeyihiin inay sidaas sameeyaan, isaga oo sheegay in taasi aanay aheyn awooddiisa.
"Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka go’aankiisu ma khuseeyo go’aanada Guddiga GHDHF, sababtoo ah labada guddi waxaa kala hagaya laba habraac oo kala duwan,” ayuu xafiiska garyaqaanka ku yrii qoraalka.
Ugu dambeyn xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda ayaa Maxkamad da Sare ka codsaday afar qodob oo kala ah:
1- Inay diiddo cabashada ay dhinaca kale (qareenada Fahad) usoo gud biyay, maadaama aysan jirin go’aan maamul oo kama dambeys ah oo laga dacwoon karo, si waafaqsan qodobka, Saad, Faqr. 3 (b) ee XNGS 1962.
2- In ay ayiddo go’aannada guddiga hirgelinta doorashooyinka heer fede raal 2020/2021, ee summaddiisu tahay FEIT/2017/2022, ee tr. 17 Feb 2022, iyo Go’aanka kale ku soo baxay war-saxaafadeed tr. 06 April 2022, kuwaa oo loo gaaray hab-raac iyo hannaan waafaqsan wixii lagu heshiiyay.
3- In maxkamaddu ay go’aan uga gaarto dacwaddan si waafaqsan danta guud, caddaalaadda iyo shuruucda dalka.
4- In ay dhinaca kale saarto kharashka dacwadda si waafagsan qodobka 62 XHMS.
QORAALKA HOOS KA KA AKHRISO
Xadiith: N°17 Naxariista
Waxaa laga weriyay Abii Yaclaa Shaddaad ibn Aws (Allah haka raalli noqdee), ”Inuu yiri Rasuulkii Ilaahay (s.c,w.):-
Wax walba waxaa llaahay u waajibiyay sama fal, haddii aad wax dileysaan si wanaagsan wax u dila oo ha ku silcinina nafta waxa la dilayo, haddii aad wax gowraceysaan si wanaagsan u gowraca, qofka wax gowracaya waa inuu middida soofeeyo uu neefka u raaxeeyo.”[Muslim].
Sharraxa Xaddiiska Todobo & Toban
Wuxuu ka hadlayaa xadiiskani sida islaamku naxariista ugu dadaalayo, maxaa yeelay, qofkii muteystay in la dilo waa in islaamnimada loogu naxariisto oon nafta lagu silcin, marka waa in qalabka lagu dilayo yahay mid dhaqso nafta uga qabanaya, Naxariistaasi kuma koobna dadka ee waxaa loo naxariisanaya xoolaha iyagana waa in loo fududeeyo oo lagu gowraco middi aad u afweyn oo markiiba u raaxeysa.
FAA’IIDADA XADIISKA
1.Qiimaha naxariistu ku leedahayDiintaIslaamka,
2.Qofka la ciqaabaayo waa inaan si xun oo silic ah loo ciqaabin,
3.In xoolaha loo naxariisto,
4.Marba haddii loo ixsaan falayo qofka nafta laga qabanaayo marka kan noolna waa in loo ixsaan falo oo laga dhowro dhibka, cadaadinta, qallooca iyo dulmiga.
Xadiith:- N°18 La Dhaqanka Dadka
Waxaa laga weriyay Abuu Jundub ibn Junaada – iyo Abu Cabdur-Raxmaan Mucaad ibn Jabal (Allah ha ka raalli noqdee), iney ka weriyeen Rasuulkii Illahay( s.c.w. ).
”In uu yiri: Alla ka cabso, meel kasta oo aad joogtid, xuShalayna raaci samaan tirtirta, dadkana dabeecad fiican kula dhaqan.”[Tirmidi waa xadiis Xasan oo saxiix ah]
Sharrax Xadiiska Sideed& Toban
Xadiiskani wuxuu ka hadlayaa anshaxa qof ka muslimka ah, xagga llaahay iyo xaggaaadamigaba, xagga llaahayw aa inuu iska dhowro meel kasta oo uu joogo ku xad-gudubka sharciga iyo xuduuddaIlaahay, haddii uu xumaan sameeyo uu ku xad-gudbo wax ka mid ah sharciga waa inuu is-gaaro oo uu ka noq do xumaantii, haddii uu sidaa yeelo waa laga tirtirayaa ciqaabtii dembiga uu galay.
Xagga dadk a wuxuu faray xadiiskani in qofka muslimka ah, kula dhaqmo dadka dabeecad wanaagsan, taasoo ah inaad dadka nabad geliso oon dhib kaaga gaarin ka dibna aad wax u tartid dadka kale adigoon wax abaalgud ah ka sugin, waa in dadka dheeftaadu gaarto dhibkaaguna gaarin waa sidaas dabeecadda fiican.
FAA’IDADA XADIISKA
1. Cabsida llaahay inay waajib tahay,
2. ln qofku iska dhowro ku xadgudbidda sharciga,
3. Qofkii xumaan falaa waa inuu is-gaaro uu xumaantii wanaag ku beddelo,
4. Qofka Musfimka ah waa inuu dabeecad fiican dadka kula dhaqmaa,
5.Qofku waa inuu ahaado wax tare aan waxyello laheyn.
(5) DHIIGGA CAADADA IYO UMMUSHA (DHALMADA):
Haweeneyda sooman haddii ay caadadii hesho soonkeedii waa burrayaa, xataa haddii ay maalintii ka dhiman yihiin daqiiqado yar, waa in ay afurtaa oo dib ka soo qalaysaa maalintii (ama maalmihii) ka tegay.
Haweenka caadada qaba waxaa ka xaaraan ah inay soomaan; haddii haweeney aan daahir ahayn (oo caadadii qabta) ay soonto soonkeedu ma ansax ayo, dhiigga dhalmadana waa la mid. Laakiin haddii ay isku aragto calaamadihii ay ku tiqiin inuu yimaado dhiigga caadada laakiin dhiiggii uusan farjigeeda ka soo bixin, soonkeedu waa saxiix waayoo dhiiggu inta uu caloosha ku jiro xukun malaha, marka uu banaanka u soo baxo oo ay isku aragto ayaa la xukumaya .
DARUUSTA RAMADAANKA {FADLIGA SOONKA
(6) NIYADDA OO LAGU BURRIYO: Qofka soo man haddii uu qalbiga ka niyeysto inuu soonka furro, soonkiisu waa burayaa, waayoo niyaddu waa saldhigga camalka qofka Muslimka ah, wa ana miisaanka camalka lagu qiyaaso.
Waxaa laga wariyey Amiirkii Mu’miniinta Cumar ibn Al-khaddaab (A.K.R.) inuu yiri waxaan maqlay Nabiga (S.C.W.) oo leh: "Camalka waxaa saldhig u ah niyadda, qof kastaana wuxuu helaa niyaddiisa.......".
(7) CIRBADAHA NAFAQO SIDEENKA AH (Faleebo, iwm.) Qofka sooman haddii uu si bareer ah u isticmaalo cirbadaha nafaqada ee xiddidka la ga qaato, cirbadahaas oo booxin kara kaalintii cu nnidda ama cabidda, oo qofka ka bi’iya gaajada (baahida) ama oonka, soonkiisu waa burayaa. Qa ybaha kale ee cirbadaha-daawada oo aan lahayn nafaqo baahida baabi’isa soonka ma jebiyaan.
(8) IN AY IBTA FARJIGA BIYO KAAGA YIMAAD AAN SI IKHTIYAARKAAGA AH:-
Soonku waa ku buraa haddii qofku manidiisa ku soo saaro taabasho, dhunkasho ama gacan (iyo wixii la mid ah). Laakiin haddii ay manidu iskeed u soo baxdo oo qofku uusan sabab u ah ayn soo bixiddeeda, ama isaga oo hurda ay ka soo baxdo wax dhibaato ah malaha soonkiisuna waa saxiix.
Caa’sha (A.K.R.) waxay tiri: Rauulkii Alle (S.C .W.) wuu i dhunkan jiray isagoo soomman, wuxuuna laabta i saari jiray isagoo sooman, laa kiin wuxuu ahaa midka keliya ee idinku jira ee u hanan og (ka adag) naftiisa (yacni iska qaban ka ra inuu u hunguriyoodo galmo). Laysku Raac ~ Muttafaqun Caleyhi.
F.G. Qofka sooman waxaa la doonayaa in uu san ku xeel-dheeraan luqluqashada ama sandaa rsiga marka uu weeseysanayo waayoo waxaa la ga yaabaa in ay biyo ku cararaan.
Laqiid bin Sabira (A.K.R.) wuxuu yiri: Rasuulkii Alle (S.C.W.) wuxuu yiri: "U weeseyso si dhan oo waafi ah (kaamil), oo nadiifi salka farahaaga halka ay laba farood ku kulmaan adigoo ku masaxaya faraha soo jeedkooda ah (is-dhexgelin), aadna u sandaarso, laakiinse haddii aad sooman tahay markaa iska jir sandaarsiga aadka ah (si aysan wax biyaha ka mid ah uga gelin calooshaada xag ga sanka)”. W.W. Abuu Daa’uud iyo Tirmidi oo yiri waa xasan ah oo saxiix ah.
Qofka sooman waa in uu iska ilaaliyaa beenta, xanta isku diridda dadka, dhaqanka xun iwm. Cu limada qaar, waxa ay qabaan in ay beenta, xanta, isku diridda, dhaqanka xun iwm. ay soonka jebi yaan. Culimada qaarna waxay qabaan in aysan soonka jebin balse ay ajarka soonka nuqsaami yaan. Si kastaba ha ahaatee, qof kasta oo muslim ah waa in uu ku sifoobo dhaqan wanaagsan iyo muslinnimo khaalis ah, si soonkiisu u noqdo mid miro dhal ah.
WAXYAABAHA AAN SOONKA BURIN
Waxaa jira waxyaabo badan oo aan soonka jebin balse dad badan oo aan cilmi u lahayn ay ru meysan yihiin inay soonka jebeyaan; waxyaabaas aan soonka burrin waxaa ka mid ah: (1) Dham aan WAXYAABAHA SOONKA BURR IYA (JEBIYA) oo aan kor ku soo xusay haddii ay dhacaan ama la sameeyo ayadoo la hilmaansan yahay (NISYAAN) ama gef ku dhacay (KHADA’), ama jaahilnimo u geysay (JAHLI) ama lagu qasb ay (IKRAAH) soonka waxba uma dhimayaan.
Abuu Hureyra (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) waxaa uu yiri: "Qofkii is illaawa isagoo soomman oo wax cuna ama cabba waa in uu dha meystaa soonkiisa, waayoo waa cunto iyo shara ab Alle (S.W.) siiyay". (Macnaha risiq Ilaahey sii yay bay ahaayeen wixii uu illaw ku cunay ama ku cabbay). (Muttafaqun Caleyhi - Laysku raac).
Sidoo kale Nabigu wuxuu yiri: "Illaahey waa ka cafiyay ummaddeyda wixii ay gaf (si kama ah), ama hilmaan u sameeyeen ama lagu qasbay"
(2) Qofka haddii uu isku janaabo ama isaga iyo haweeneydiisu ay wada cayaaraan habeenka Ramadaanka ee uu waagu ku baryo iyagoon weli qubaysan soonkoodu waa u jiraa (yacni maalint aas waa soomi karaan, haddii ay habeennimaddii niyeysteen in ay soomayaan maalintaas).
Waxaa daran in ay wax galmo ah sameeyaan kadib markuu waagu baryo.
Caa’isha (A.K.R.) iyo Ummu Salama (A.K.R.) waxay yiraahdeen: Mar kasta oo Nabigu (S.C.W.) waagu u beryo isagoo aan daahir ahayn (yacni la galmoodo xaas ka mid ah xaasaskiisa iyadoo ays an aheyn riyo habeenkii ku biyo bax) waxuu (S.C.W.) la imaan jiray qubeys oo soomi jirey. Bu khaari iyo Muslim .. La soco qeyb kale
Cabdulfataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada abdulfatah@yahoo.com
WARGELIN :- Maamulka wargeyskanwuxuu kugu wargelinayaa inaad xafidid Bog agga Qoraalada Diin igaah ee ku Qoran wargeyskan , kana Ilaalisid Meel aha wasaqey san oo aanad dhigin Mahadsanidiin
HALKAAN KA AKHRISO :-WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PEPAR EE MAANTA OO AH AXAD 17-KA ABRIL 2022R
...