Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray u diyaar garoowga Doorashooyinka Guddoonka labada Aqal

0
Monday April 11, 2022 - 20:43:08 in Wararka by
  • Visits: 216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray u diyaar garoowga Doorashooyinka Guddoonka labada Aqal

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Dhamaan Maamulada 17 Degmo iyo sedexda Deegaan,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulanka Todobaadlaha ee Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Dhamaan Maamulada 17 Degmo iyo sedexda Deegaan, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud iyo Guddiga Wacyigelinta iyo Abaabulka Qaranka. Shirka ayaa loogu hadlay Amniga Guud ee Caasimada Muqdisho, u diyaar-garowga Doorashooyinka Guddoonka Labada Aqal iyo u gar-gaarida Bulshada danta yar Bisha Barakeysan ee Ramadaan Awgeed. Sidoo kale Shirka ayaa lagu boogaadiyay kaalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee ka qaadanayaan dib-u-hanashada Dowladnimada iyo Qarannimada Soomaaliyeed iyadoona loogu Hambalyeeyay xuska 12 April oo maalinta bari ku beegan kuna suntan 62 guurada kasoo wareegatay Aas-aaska Ciidanka Xooga dalka ee 1960. 14-ka Bishaan ayaa qorshuhu yahay hadii aan wax isbedelin in la dhaariyo Xildhibaannada labada Aqal kuwa Shahaadooyinka rasmiga ah la siiyay walow Xildhibaano ka badan 100 mudane aan weli la siin shahaadooyinka Xildhibaannimo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip