
HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 11-KA ABRIL 2022
Wararkii ugu dambeeyay dhaarinta xildhibaan ada iyo
Rooble oo laba tallaabo qaaday Shalay
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Max amed
Xuseen Rooble ayaa Shalay kulan ku saa bsan arrimaha doorashooyinka la qaatay
qaar ka mid ah Wakiilada Beesha Caalamka.
Kulanka ayaa looga wada-hadlay doorashada
Golaha Shacabka oo heer gebo-gebo ah mareysa & diyaar garowga dhaa rin ta
xildhibanada 2da aqal ee la qorshe eyay 14-ka bishan April.
R/Wasaaraha ayaa hore ugu adkeystay in
sidiisa loo dhaqan-geliyo jadwalka dhaarinta xildhibaanada oo uu hore u soo
saaray guddiga FEIT, kaasi oo fulistiisu inaga xigto afar maalmood.
Sidoo kale waxa uu Shalay R/Wasaare Roob le
la kulmay guddoonka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT iyo
Xoghayeyaasha guud ee 2da Aqal ee BFS, kuwaasi oo kula hadlay qab an-qaabada
iyo u diyaar garowga dhaarinta xil dhibaannada. Kulamadaan ayaa ku soo aadaya Xilli uu Shalay Guddiga doorashooyinka
dalka he er federaal uu shaaca ka qaaday in xildhibaanna da qaatay shahaadada
ay gaareen illlaa 200 oo xi ldhibaan oo isugu jiro labada gole ee baarlamaan ka
federaalka ah ee Soomaaliya.
Qoraal kooban oo guddiga kasoo baxay ayaa
lagu sheegay inay dardar ku socoto shahaado sii nta xildhibaanada cusub,
isla-markaana ay dhow dahay munaasabadda dhaarinta.
Tirada guud ee xildhibaanada ayaa marka
la is ku geeyey 2da Aqalka ee G/Shacabka &Aqalka Sare waxay dhaafeen
kooramka ay xildhibaanada ku shiri karaan kuna dooran karaan guddoomiye yaal
iyo madaxweynaha.
Md.XASAN Sheekh oo ka digay arrin uu dama csan yahay
Maxamed C/llaahi Farmaajo
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Md.Xasan
Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay walwalka la ga qabo in madaxweynaha m udo
xileedkiisu dha maaday ee Maxamed C/hi
Farmaajo uusan doo nayn in uu xilka ku wareejiyo si nabad ah.
Md.Xasan Sheekh oo la had layay
Bogga Hano ola ato ayaa sheegay in beesha Caalamka, mucaara dka iyo shacabka
Soomaaliyeed waqti galiyeen si dii dalkaan doorasho ugu dhici leheed loogana gu
dbi lahaa marxaladaan halista ah.
Waxa uu yiri "Inay yartay cabsida laga
qabo in dalkaan uu galo dagaal qabiil iya da laga tusaale qaadanayo dhib aatooyinka
ay u soo dulqaateen si loo gaaro dowladnimo buuxda”.
Madaxweynihii hore ayaa sheegay in qalada
ad badana ay samaysay dowladda Farmaajo xil liga doorashada isaga oo qiray in
doorashadu ay san ahaanayn ceeb la’aan.
Shahaado siinta xildhibaanada ayaa si dar
dar leh uga socota M/ Muqdisho iyada oo ay jirto cab di lagu qabo in uu sii
jiro khilaafka doorashada waxtigeeda
dib uga dhacday.
Hirshabeelle & Jubaland ayaa dhankooda
gab is ka muuqdaa, waxaana weli aan xal muuqda la ga gaarin khilaafka hareeyay
Garbahaareey oo ah degmooyinka labaad ee ay ka dhacayso door ashada
maamulladaas
C/hi
Maxamed Nuur "Farmaajo waa nin jeclaan lahaa hadii uusan sii joogi karin
dalka inuu gacanta u geliyo Al-Shabaab"
Wasiirka wasaaradda amniga XFS Md.Chi Ma xamed
Nuur ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Maxamed Md.C/hi
Farmaajo inuu ka shaqeynaayo sidii uu sifo sharci darro ah ugu sii joogi lahaa
madaxtooyada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in sababta Farmaajo uu u difaacay
ceyrintii wakiilka Midowga Afrika ee Danjire Madeira iney ta hay sidii uu isaga
hor keeni lahaa shacabka Soomaaliyeed iyo ciida mada Midowga Afrika. "Madaxwey naha
mudo xileed kiisu dhamaaday sidiisaba waa nin aaminsan inuu dhexfadhiyo Mada xtooyada
Soomaaliya, waa nin jeclaan lahaa hadii uusan sii joogi karin inuu dalka u
gacanta u geliyo Al-Shabaab, waxa uu ka shaq eynayaa sidii uu isaga hor keeni
lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo ciidanka Nabad ilaalinta dalka u jooga ee
Midowga Afrika” ayuu yiri wasiirka Am niga Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Waxaa uu intaasi ku daray wasiirka Amniga
in eysan marnaba dhici doonin in Danjire Francisco Madeira uu dalka kasii
shaqeeyo, iyadoo la iska indha tiraayo go'aankii Xukuumadda Soomaaliya ay dalka
kaga ceyrisay.
"Dalka Soomaaliya haddii ay suurtogasho
oo Xildhibaannada la doortay ay dhaartaan waxa aan aaminsanahay in 90% lagu
guuleystay kala guurka, haddii ay dhici wayso maalinta loo asteey ay oo ah 14ka
Bishaan waxa aan aaminsanahay inaan ku jirno khatar weyn balse waxa aan ku rejo
weynahay in aysan dhicin si dabinada looga hort ago, dadkaan aan waxba ka
duwaneen ismiidaam iyaasha suunka isku soo xira waxa aan leeyahay shacabka Soomaaliyeed
waa in wadajir aan uga hortagnaa” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.
Tan iyo markii uu Raysal wasaaraha
Soomaal iya ku dhawaaqay in dalka Soomaaliya aanan loo ga baahneen wakiilka
Midowga Afrika ee Soomaa liya Francisco Madeira, islamarkaana Madaxtooy ada
Soomaaliya ay si cad u difaacday Danjiraha dalka laga eryay, waxaa sii kordhay
xiisada ka dhalatay go'aanka lagu eryay Danjire Madeira
Tirada Xildhibaannada la siiyay Shahaa dada oo gaartay
200 oo Xildhibaan
Guddiga Hirgelinta doorashooyinka Heer
Fed eraal ayaa Maalintii 7aad waxaa ay M/Muqdisho ka wadaan diiwaangelinta iyo
Shahaado siinta Xil dhibaannada 2da Aqal ee BFSoomaaliya.
Xubnaha ugu horreeyay ee Shalay Shahaada da
qaatay ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Cab diraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna
mushar rax Madaxweyne iyo Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo uu dhalay
hoggaamiyaha Ahlusunna & Marwo Khadija Mohamed Almakhzo um oo mar soo
noqotay Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistaan.
Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ayaa
Shalay shaaciyay in Xildhibaannada 2da Aqal ee la diiwaangeliyay ay gaartay 200
oo mudane, kuw aas oo isugu jira kuwa laga soo doorto dowlad Goboleedyada
kajira dalka, Gobolada Waqooy & beelaha Banaadiriga.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur War same
oo kamid ah Xildhibaannada Shalay qaat ay Shahaadada ayaa ku baaqay in la
dhaqan gel iyo Jadwalka Guddiga doorashooyinka ee ahaa in 14 Bishaan la
dhaariyo Xildhibaannada, isla markaan hal meel looga soo wada jeesto ciddii ca qabad
ku noqota.
Sidoo kale Xildhibaan C/C/shakuur Warsame
ayaa ku baaqay in xal loo helo tabashada ay qab aan D/Goboleedka K/Galbeed lana
garawsado ta bashadooda yana jecelyn in cid laga tago.
Xildhibaannadii ugu badnaa ee dooran ayay
Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Shahaa dada Xildhibaannimo guddoonsiiyeen,
waxaana harsan Xildhibaannada laga soo doorto dega annada Koonfur Galbeed.
Fahad Yaasiiin oo maxkamadda sare u gudbiy ay cabasho ka
dhan ah in kursigiisa doorasho dib loogu celiyo
Taliyihii hore ee hay’adda nabad sugida Soom aaliya ahna la taliyaha
amniga ee madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa max kamadda
sare ee dalka u gudbiyay cabasho ah ka dhan ah go’aankii guddiga doorashada ee ku saabsanaa in dib loogu noqdo doorashada
kursi ga uu ku guulaystay 20 febraayo.
Qareenka u doodaya Fahad Ya asiin, oo lagu
magacaabo Sakariye Maxamuud Ismaaciil ayaa sharci da rro ku tilmaamay go’aanka
lagu hak iyay kursiga HOP086. Wuxuu wax ba kama jiraan ku tilmaamay in wax
dacwad ah la gasoo gudbiyay kur sigaas.
Dhinaca
kale, maxkmadda sare ee dalka oo ka soo jawaab celisay cabashadan, ayaa waxay
gar yaqaanka guud ee dowladda fartay inuu cabash adan kaga soo jawaabo muddo
labo cishe gudaheed ah.
Ciidanka ATMIS oo howlgal ka bilaabay Xerada Xalane &
agagaarkeeda
Taliska Ciiddanka nabad ilaalinta ee ATMIS
ee ka howlgalla Soomaaliya ayaa Shalay howlgal ay ku sheegeen Amni xaqiijin ka
bilaabay Gudaha Xerada Xalane Magaalada Muqdisho iyo Agaga arkeeda.
Howlgalka ATMIS faah faahin kama bixin
sab abaha keenay howlgalka, ha yeeshee wuxuu ku soo beegmayaa xilli la qor sheeynayo
in 14-ka Bi shaan Xerada Afisiyooni la gu dhaariyo Xildhibaa nanda labada Aqal,
balse ay kamid tahay Goob aha la xirayo.
Sidoo kale howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli uu xoogeystay khilaafka u dhax eeya
Xukuumad da Soomaal iya iyo Midowga Afrika kadib markii Ra’iisul Was aare Rooble
uu soo saaray Go’aan dalka loogu Er yayo Wakiilka Midowga Afrika Dan jire
Francisco Madeira, hayeeshee Midowga Afri ka ay diideen
Prof. Afyare Cilmi: Haddii la soo celiyo Made ira weji uu
dalka kusii joogo ma leh
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ceyrinta
Fran cisco Madeira ay tahay dhaawac culus oo dha cay, isla-markaana kala
qaybisay madaxda dowla dda federaalka ah ee Soomaaliya.
"Marba haddiiba meeshaan ay gaarto oo qaybo
ka mid ah mujtamacii dowladda ay ka koobneyd ay ay leeyihiin ma imaan karo oo
weliba ra’iisul wasaarihii iyo wasiiradii muhiimka ahaa qaarkood ay leeyihiin
ma imaan karo oo Viso mala siin karo, qola kalena ay leedahay waa lasiin karaa
waxaa muuqata damage culus oo dhacay” ayuu yiri Prof Afyare.
Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay in
qu dhiisa Wakiilka Midowga Afrika ay arrintan ku ta hay dhaawac weyn, isaga oo
tilmaamay in uusan jirin weji kale oo uu kusii joogo dalka.
"Ninkaas u maleyn maayo xiittaa, haddii
hala soo celiyo la yiraah weji uu kusii joogo maleh inuu Iska tego ayey
noqoneysaa,” ayuu raaciyey.
Waxa kale oo uu ku daray "Laakiin ma ah ha bkii runtii
dowliga ahaa ee laga filanaayey Instituti ons isla socda oo u dhaqmo ma’aha,”
ayuu mar kale yiri aqoonyahan Afyare.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo Wa saaradda
Amniga oo tixraaceyso warqadda tixraa ceedu yahay Ref. OPM/0194/04/2022 ee ka
soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ay hey’adda socdaalka iyo
jinsiyadaha ku amart ay inay degenaanshaha kala noqoto Danjire Ma deira,
isla-markaana aan dib dambe loo siin wara aqaha dal-ku-galka ah.
Maxaa Looga Hadlay Kulan Qoorqoor Iyo Laf ta-Gareen La
Qaateen Xildhibaanada Dooran Ee KGS?
Madaxwaynaha Galmudug Axmad Cabdi Kaariye oo
uu wehlinayo Madaxweynaha Koofur Galbeed
Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa kulan wada tashi ah la yeeshay Xildhibaanada
dooran ee BFS ee lagu doortay Koofur Galbeed.
11-aad. Madaxweynaha K/Galbeed &Xildhib aanada
Maamulkaas ayaa Madaxweyne Qoorq oor la wadaagay cabashada ay qabaan iyo Go’aa nkooda
ku aadan dhammeeystirka doorashada.
Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye
Qoorqoor ay aa wada dadaalo kala duwan oo uu ku xalinayo khilaafka soo kala
dhex galay R/wasaare Rooble iyo Madaxweyne Lafta-gareen ee salka ku haaya
doorashooyinka, si Xildhibaanada KGS u qaatan shahaadada.
Koonfur Galbeed ayaa joojisay
wadashaqeyntii Arrimaha doorashada ee kala dhexeeysay Roob le, waxaana
Madaxweynaha Maamulkaas uu ku eedeeyay R/Wasaaraha inuu isbaaro u dhigtay
Xildhibaanada KGS, isla markaana aysan aqabali doonin arrintaas.
Xubno ka mid ah golaha Wasiirada uu Magaca abay
Madaxweynaha Puntland oo la dhaariyay
Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna
Madaxweyn ku-xigeenka Maamulkaas Axmed
Ci lmi Cismaan Karaash, ayaa Shalay goob joog ka noqday dhaarinta xubno ka mid
ah GWasiirada & xubin ka mid ah
Guddiga kmg ee Doorashooyinka oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Pu ntland.
Madaxweyne Ku-xi geenka Puntland ay aa Kula dardaarmay masuuliyiintan
in ay shaqadooda u gutaan sida u gu wanaagsan si Bulshada loogu adeego, waxaa na
uu alle uga baryey in uu u fududeeyo xilka loo igmaday.
Taliyaha Cusub ee Booliska Beledweyne oo Shalay xilka la
wareegay
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cis
maan ayaa ka qeyb-galay munaasabad xilka kula wareegayay Taliyaha cusub ee
Saldhiga Booliska Degmada Beledweyne L/X Bishaar Xuseen Jimc aale.
Gudoomiyaha G/Hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa
kula dardaarmay Taliyaha cusub inuu sii xoojiyo Wajibaadkii Shaqo eeuu u hayay
Taliyahii hore ee saldhiga allah Unaxariistee Maxamed Maxamuud Duurdage, isaga
oo xusay inuu ahaa sarkaal qii mo Badan oo Shaqo wanaag ku suntanaa.
Gudoomiyaha ayaa ku Bogaadiyey Ciidanka
Booliska D/Beledweyne Dadaalka ay ku sugaya an Nabad galyada M/Beledweyne,
isaga oo alle u ga baryay Taliyaha cusub inuu fududeeyo Mas’u uliyada qaran ee
loo igmaday, sidoo kalena uu ku la dardaarmay ilaalinta sharciga maadaama Booli ska uu yahay isha Sharciga iyo
Nabadgalyada.
Dilal ka dhacay M/Marka & xiisad ka taagan
Waxaa Shalay Magaalada Marka ee Xarunta G/Shabeellaha
hoose ka dhacay dilal kala duwan, kaas oo la sheegay in loo geystay askar ka
tirsan Ciidamada NISA ee ka howlgalla Magaladaas.
Wararka aan ka heleyno magaalada
Marka ayaa sheegaya in Shalay Goob lagu iibiyo Jaadka ( qa adka) oo ku taalla
Wadada Wajeer ee magaalada Mar ka lagu dilay Askari katirsan NISA, balse
saacado kadib isla Magaalada marka lagu dilay askari kale.
Mid kamid ah dadka kunool M/Marka ayaa
Risaala sheegtay inuu u sheegay in dilalka Askart aan ay la xiriirto aanooyin
qabiil oo kajira M/ Mar ka, isla markaana sidoo kale uu jiro askari kale oo Shalay
la dhaawacay. Maamulka M/Marka & laam aha Amniga degmadaas ayaan weli ka
hadlin dila lkaas, waxaana M/Marka ay soo martay xilli ay muddo sanado ah ka
dhacayeen dilal aanooyin qabiil ah & dagaalo wallow markii dambe xal laga
gaaray.
Khilaaf xooggan oo ka taagan safaarada Sooma aliya ee
magaalada Roma ee Talyaaniga
Khilaaf xooggan iyo buuq ayaa ka taagan
safa arada Soomaaliya ee magaalada Roma ee dalka Talyaaniga, kaddib markii
wasaarada arrimaha di badda Soomaaliya ay u yeertay safiirka safaarada
Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.
Wasaarada ayaa sidoo kale magacawday ku
sime cusub oo wada shaqadda, balse safiirka ay aa ka horyimid go’aanka
wasaarada, isagoona ku dooday in ku simaha cusub ee lasoo magacaab ayo uu noqdo
qof ka shaqeynayay safaarada.
"Mar kasta oo aana ado fasax
waxaa shaqadda safaara da sii maamuli jiray ku sime ka shaqe eya safaarada,
haddana haddii lasoo magacaaba yo ku sime cusub waa in uu noqdaa qof ka shaq eynayay
safaarada”, ayaa laga soo xigtay Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise.
Ku simaha cusub oo lagu magacaabo Axmed
Cabdiraxmaan Sheekh Nuur iyo labo xubnood oo la socday ayaa galay dhismaha
safaarada, ka dibna waxaa ay diideen in safiirka iyo xubno ka mid ah
shaqaallaha ay soo galaan dhismaha sa faarada.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in saddexda xubn ood
ay ku dhex jiraan gudaha safaarada, balse Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise,
ayaa rajeyn aya maalinta talaadada ah in uu ugu yeero ciidan ka dowladda
Talyaani si ay usoo fara-geliyaan ar inta. War-saxaafadeedka ka soo baxay
wasaara da arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu she egay in Danjire
Cabdiraxmaan Sheekh Iise loogu yeeray wadatashi, halka wasaarada ay ka codsat ay
dhigeeda dalka Talyaani in Axmed Cabdirax maan Sheekh Nuur oo ah ku simaha
cusub loo fu dudeeyo wax kasta oo uu u baahanyahay si uu u guto waajibaadkiisa
shaqo ee safaraada Soomaa lidda ee magaalada Rome.
XIGASHO:-HIIRAAN.COM
Maamulka K/Galbeed & WFP oo ka shiray waxka qabashada
Abaaraha
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka K/Galbeed
Cabdifataax Mahad Cab diraxmaan oo ay Wehliyaan Wasiirka Gargaarka Naasir
Caruush, ku xigeenkiisa Cabduqaadir Sh ekh Cali iyo Gudoomiyaha Maamulka Degm ada
Baydhabo Cabdullaahi Cali Watiin ayaa kulan lo oga hadlayey sidii wax looga
qaban lahaa Dadka ay Abaaruhu saameeyeen la qaatay Wafdi ka so cday Hay’adda
WFP
Agaasimaha Madaxtooyada, Wasiirka Garg aarka iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo ay aa Wafdiga ka socday Hay’adda WFP uga Mahad celiyey dadaalka ay ku bixinayaan u gurmashada Dadka ay Abaaruhu saameeyeen, waxaana ay til maameen kan Dowlad ahaan ay U u fududeyn do onaan wax walibo oo ay u baahan yihiin. &l
HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 11-KA ABRIL 2022
.