
Somaliland oo xukun ku riday dad si sharci darro ah uga Ganacsanayay xayawaanka Haramacadka
Ururka Alshabaab ayaa beeniyay qoraal dhowaan kasoo baxay Hey'adda NISA, kaas oo ahaa in Alshabaab uu qorsheynayo weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.
Alshabaab ayaa sidoo kale iska fogeeyay in uu ka tirsanyahay shakhsi lagu Magacaabo Maxamed Maahir oo horay magaciisa ay hey'addaasi sheegtay in uu weerarkaasi qorsheynayo.
Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, siyaasiyiinta lucaaradka iyo mas'uuliyiin xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka falceliyay qoraalkii NISA, iyaga oo shaki xoogan muujiyay.
Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa hal Sanno oo xarig ah iyo 3 Milyan oo ganaax lacageed waxa ay maanta ku xukuntay shan nin oo hore loogu soo eedeeyey in ay si sharci-daro ah uga ganacsanayeen xayawaanka Hari-macadka.
Ragga la xukumay ayaa 14-kii bishii March ee sannadkan lagu soo qabtay hawl-gal ay si wada jira u fuliyeen Wasaaradda Deegaanka iyo Ciidanka Booliska Somaliland.
Dhinaca kale kale Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex waxa ay isla maantaba ku wareejisay Wasaaradda Deegaanka labo ka mid ah Harimacadkii lagu soo qabtay eedaysanayaashii, halka labo kalena ay bakhtiyeen.
Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex ee Somaliland ayaa dhowr jeer oo hore waxaa xukuno kala duwan ku rideen Rag Ajaanib ahaa, kuwaas oo lagu helay inay si sharci darro ah u kalluumeeysanayeen.
Somaliland oo xukun ku riday dad si sharci darro ah uga Ganacsanayay xayawaanka Haramacadka
Ururka Alshabaab ayaa beeniyay qoraal dhowaan kasoo baxay Hey'adda NISA, kaas oo ahaa in Alshabaab uu qorsheynayo weerar ka dhan ah madaxweynaha iyo Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya. Alshabaab ayaa sidoo kale iska fogeeyay in uu ka tirsanya