Afar Xiddig Oo Ka Tegaya Old Trafford Oo £750,000 Gini U Badbaadinaya Manchester United
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa sagootin doonta afar ciyaartoy xagaagan, waxaana u badbaadi doonta lacag gaadhaysa £750,000 Gini oo toddobaadkii ay mushahar ahaan u siin jirtay ciyaaryahannadan.
United oo dhowaanheshiis cusub ka saxeexday Bruno Fernandes, ayaa qaadan doonta lacag gaadhaysa £15 milyan oo Gini sannadkii, waxaana uu ku biirayaa liiska ciyaartoyda ugu mushaharka badan Red Devils, isaga oo soo gelaya toddobada ugu sarraysa, waxaanu uga sii dallici doonaa sare marka la gaadho xilli ciyaareedka soo socda.
Wargeyska The Athletic ayaa qoray, in Manchester United ay ka tegi doonaan afar ciyaartoy oo la hubo in aanay sii joogayn, kuwaas oo isku-darka lacagta ay toddobaadkii mushaharka u qaataan ay tahay £750,000 Gini.
Kubbad-sameeyaha reer France ee Paul Pogba, weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani, khadka dhexe ee England ee Jesse Lingard iyo sidoo kale khabiirka reer Spain ee Juan Mata ayaa dhamaantood ka tegi doona Old Trafford xagaaga, sida uu qoray The Athletic.
Paul Pogba oo sannadkii 2016 ay Manchester United kusoo iibsatay lacag gaadhaysa £89.3 milyan oo Gini ayaa diiday inuu qandaraaska kordhiyo, waxaana lala xidhiidhinayaa kooxaha Real Madrid, Paris Saint-Germain iyo Juventus.
Edinson Cavani oo 35 jir ah ayaa isaguna ka tegi doona Old Trafford oo sannadkii 2020 uu si bilaash ah ku yimid kaddib markii uu soo dhamaaday qandaraaskiisii Paris Saint-Germain.
Illaa waqtigaas, Cavani ayaa Manchester United u dhaliyey lacag gaadhaysa 17 gool oo dhamaan tartamada ah, hase yeeshee waxa ragaadiyey dhaawac sababay in inta badan xilli ciyaareedkan uu ka maqnaado garoomada, waxaana lala xidhiidhinayaa in uu dib ugu laaban doono Latin America.
Juan Mata oo 33 jir ah ayaa isaguna xilli ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ku qaadanaya Manchester United oo sannadkii hore uu u saxeexay heshiis sannad ah oo uu ku kordhiyey qandaraaskiisii hore ee dhamaaday. Shan ciyaarood oo kaliya ayuu saftay xilli ciyaareedkan socda, waxaanu soo afjari doonaa waayihiisa Old Trafford oo soo bilowday sannadkii 2014.
Dhinaca kale, Lingard oo 29 jir ah ayaa isagana la filayaa in uu ka tago Manchester United oo uu ka waayay boos joogto ah, waxaana ka qabsaday booskiisii oo hoos u dhigay fursaddiisa Cristiano Ronaldo iyo Jadon Sancho.
Afar Xiddig Oo Ka Tegaya Old Trafford Oo £750,000 Gini U Badbaadinaya Manchester United
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa sagootin doonta afar ciyaartoy xagaagan, waxaana u badbaadi doonta lacag gaadhaysa £750,000 Gini oo toddobaadkii ay mushahar ahaan u siin jirtay ciyaaryahannadan. United oo dhowaanheshiis cusub ka s