PSG Oo Dajisay Qorshe Cusub Oo Ay Real Madrid Uga Hor Istaagayso Saxiixa Kylian Mbappe, Maxay Damacsantahay?
Kooxda PSG ayaa ka fiirsaneysa inay Kylian Mbappe u soo bandhigto calaamada kabtanimada si ay uga hor istaagto in uu ku biiro kooxda Real Madrid una sii joogo kooxda sida laga soo xigtay L'Equipe.
Kooxda PSG ayaa qarka u saaran in ay lumiso xiddiga reer France xagaaga iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Real Madrid iyada oo heshiiskiisa kooxda reer France ka dhimantahay wax ka yar 6 bilood.
Inkasta oo si weyn loola xidhiidhinayo xiddiga kooxda Real Madrid hadana PSG ayaan ka quusan in ay xiddiga ku qanciso in uu sii joogo kooxda waliba heshiis cusub qalinka ku duugo.
Sida laga soo xigtay wargayska Kor ku xusan, kooxda PSG ayaa haatan diyaar u ah in ay masuuliyada kabtanimo u soo bandhigto xiddiga si uu heshiis cusub ugu saxiixo una sii joogo kooxda.
Daafaca Marquinhos oo dhawaan qalinka ku duugay heshiis cusub ayaa haatan ah kabtanka kooxda PSG waxana ay doonaysaa in ay ku badasho Mbappe si ay ugu qanciso in uu sii joogo kooxda wixii xilli ciyaareedkan ka dambeya.
Kooxda PSG ayaa ku kalsoon in ay xiddiga 23 jirka ah ka saxiixan doonaan heshiis cusub inkasta oo uu marar badan diiday heshiisyada cusub ee ay kooxdu u soo bandhigtay.
PSG Oo Dajisay Qorshe Cusub Oo Ay Real Madrid Uga Hor Istaagayso Saxiixa Kylian Mbappe, Maxay Damacsantahay?
Kooxda PSG ayaa ka fiirsaneysa inay Kylian Mbappe u soo bandhigto calaamada kabtanimada si ay uga hor istaagto in uu ku biiro kooxda Real Madrid una sii joogo kooxda sida laga soo xigtay L'Equipe. Kooxda PSG ayaa qarka u saaran in ay lumiso x