RA'YI: Sidee loo dhisi karaa urur saxafiyyinta u shaqeeya oo aan ka shaqeysan?!

0
Wednesday May 04, 2016 - 21:56:48 in Maqaallo by
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RA'YI: Sidee loo dhisi karaa urur saxafiyyinta u shaqeeya oo aan ka shaqeysan?!

    Marka laga hadlayo dhismaha urur saxaafadeed waxaa muhiim ah in laga fekero nooca ururku noqonayo; ururkaasi waxaa uu leeyahay dabeecad urur la mid ah kuwa ururada shaqaalaha wuxuu ka shaqeynayaa danaha saxafiiinta horumarintooda iyo u sameynta advoc

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka laga hadlayo dhismaha urur saxaafadeed waxaa muhiim ah in laga fekero nooca ururku noqonayo; ururkaasi waxaa uu leeyahay dabeecad urur la mid ah kuwa ururada shaqaalaha wuxuu ka shaqeynayaa danaha saxafiiinta horumarintooda iyo u sameynta advocacykan hadda la wado waa union -
macnaha midow , isu keenaya qeybaha saxafiyiinta sida weriyeyasha, sawirqaadeyaasha , tifaftireyaasha, milkiileyaasha iwm ,,qeynahaa iyo kalena mid waliba wuxuu yeelan karaa urur u gaar ah oo xitaa sharcigu ma diidayo ,,,ururka farsamayaqaanada idaadaha , kaameramaaada telifishanada iwm.

Ururka guud ma aha urur faa’ido …profit lacag laga sugayo ee waxaa loo wakiishay howlaha horumarinta , danaha saxafiyiinta iyo advoccy…haddii ururrada saxafiyiinta ee gobolada ay ku doodayaan in xarunta muqdisho ay jeebka gashato wixii soo gala oo aaey waxba ka siin ha ahaato tababar ama wax kale …markaa aragtidu waxa isu bedeleysaa meel hanti lgu kala heysto.

weriyeyaal

Dhibta ugu weyn ee ka iman kara ururada gobolada waxaa ku jira in cid waliba soo ballanto si aan looga sad badsan taasna waxay meesha ka saareysaa muhiimaddi aheyd in xirfadda iyo waayo aragnimda la jaanqadi karta qaababka dhismah ururda saxaafadda calamka ay meesha ka baxdo waxna loo yab yabo sida uu ku dhisan yahay baarlamaanka soomaaliya iyo hab raaca xulidda wasiirada.

Sidoo kale waxaaa muhiim ah in uu ururku yeesho qaab looga mid noqon karo (membership) iyo in la helo membership-fee, ha ahaado bille ama sanadle mdka uu doono ha ahaadee..taas oo xoojineysa sumcadda ururka…diiwaangelin cidda ka mid iyo ciddii ka baxda uuna leeyahay qofku aqoonsi.

Arrin muhiim ila ah ayaa ah in ururku xoogga saaro arrinta la xiriirta in saxafyiinta ka saaran dhinaca xuquuuqdooda shaqo xoogga la saaro , suxufiga shaqada la qorayana uu helo heshiis shaqo oo qoran, ururkun kala shaqeeyo arrintaa xarumaha warbahinta ilaalint xuquuqda oo saafigu helo mushaar , fasaxyada , xuquuq haddii shaqada laga saaro…n saxafiga laga horqaado culeysyada kaga imaanaya loo shaqeeyayaasha oo ay ku jiraan hadda ay dhacdo in saxafiga lagu tacadiyo oo markii la doono laga saaro shaqada oo aan laheyn waqti go’an iyo haddii ay shaqada wax ku soo gaaraan aanu loo shaqeeyaha iska xilsaarin daryeelkiisa.

Sharciga saxaafadda ee la meel mariyey isna waxaa ku jiray qodobo lala orday oo ay caddahay in ay ku soo noqonayaan saxafiyiinta ilaa haaatanna aan laga daba tegin ..taas iyana waxay u baahan tahy in la helo wixii laga yeeli lahaa ma jirtaa saameyn iyana dowaddu ku yeelan karto dhismaha ururka….ma dhex dareemi karaa saxafiyyiint dhexdooda ..guddiga howsha wadase ilaa intee bay hore saameyn ugu laheyd ?.

Ma jiraa damac dowladdu ka leedahay saameyn ay ku yeelato ururka ama golaha saxaafadda (media councilka ) …xubnihiisana ma yihiin kuwo tiro iy tayo ahaan saxaafadda madaxa bannaan cod kafi ku lleedahay.

Doorasgda golaha dhexe iyo guddiga fulint qaabkee loo wajahayaa maxaa saldhig looga dhigayaa awoodda xoghayaha guud ee hore ugu tagri fashay awoodihii labada gole ,iyo tii guddomiyaha maxay hadda noqoneysaa.

Kooxeysiga sidee looga saarayaa golaha dhexe, guddiga fulinta iyo xoghayaha guud sidii hore u dhacday maxaase bedeli kara ballaanqaadyadi guryaha iyo geedaha hoostooda ee xoghayaha guud iyo xubnaha labadaaa gole ee curyamisy codkii ay wakiilka uga ahaayeen saxfiyiinta kale.

Waxaan qabaa in arrimha ay u baahn yihiin in marka hore si cad loo gorfeeyo oo laga fekero…si aaney mar kale u soo noqon.

Waxaa Qoray: Mohamed shill




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip