Deni ma la hari karaa Farmaajo sidii Cumar Cabdirashiid?
Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay inuu isku sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya si uu ula haro madaxweynaha xafiiska fadhiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Khudbad jeedintiisa musharaxnimada wuxuu Deni ajandihiisa koowaad ku sheegay inuu rabo in Farmaajo laga saaro meesha.
Arrintaan waxay dadka siyaasadda xog-ogaalka u ah dib ugu celisay doorashadii 2016 – 2017-kii, markaas oo Saciid Deni uu u istaagay inuu tartanka ka reebo ama la haro Ra’isul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo markaas kamid ahaa xubnihii ugu cadcadaa doorashada madaxweynaha.
Sida la xasuusto waqtigaas Saciid Deni waxaa la fariistay siyaasiyiinta iyo dhaqanka ka soo jeeda Puntland, waxaa laga codsaday dhowr jeer inuu Cumar Cabdirashiid u tanaasulo oo uusan kala qeybin codadkii ka imaanayey Puntland.
Laakiin Deni oo ka gadoodsanaa Kursi xildhibaan oo loo diiday ayaa ku gacan seyray dalabkii dhaqanka iyo siyaasiyiinta reer Puntland, wuxuuna ku guuleystay inuu garaafeeyo codadkii Cumar Cabdirashiid, isagoo kala haray 18-cod, kuwaas oo wax weyn u goyn lahaa Cumar.
Mar kale wuxuu sheegay Saciid Deni inuu u tartamayo inuu musharax kale la harayo, waana Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, inkastoo aysan isku jiho ka imaaneyn codadka Farmaajo ku xisaabtamayo iyo codadka uu Saciid Deni heli karo, haddana dadku waxay aad isku weydiinayaan waxa mar walba ajandaha Deni ka dhiga inuu musharax kale la haro.
Soomaaliya waxay sanadkaan taallaa kala beyr cabsi ah oo u baahan samatabixin ballaaran oo xagga siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo dib u heshiisiinta ah. Tan waxaa gacan u noqon kara hoggaamiye wata qorshe buuxa oo qaran dhis ah oo aysan uga dhagneyn ceyrsiga qof kale.
Doorashadii 2016-kii Saciid Deni wuxuu ku guuleystay inuu la haro Cumar Cabdirashiid, waxayna hadda dadka is waydiinayaan maku guulleysan karaa inuu Farmaajana la haro sanadkaan? Inta aan laga doodin cidda qaadan karta xukunka Villa Somalia.
Kooxda Farmaajo waxa ay sheegayaan inaysan cabsi weyn ka qabin inay Soomaalida ka raaci doonto Saciid Deni, balse waxay qabaan inuu kaliya kala qeybin doono codadkii ay mucaaradka heli lahaayeen taasoo iyaga faa’ido u ah.
Tallooyinka loo jeedinayo hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni waxaa kamid ah inuu badalo hal ku dhigiisa doorashada ee musharax la haridda oo uu taas badalkeeda miiska keeno waxa uu ku xallin karo mushakiladaha waaweyn ee yaala Soomaaliya.
Dadka doorashada faaqidaya waxay sheegayaan inuu Saciid Deni codad fiican heli karo wareegga hore ee doorashada madaxweynaha, laakiin taasi kama dhigna ayey leeyihiin inuu Saciid Deni helayo codadka Farmaajo caashaqsan ee wuxuu heli doonaa wixii uga soo dhaca Puntland iyo Jubbaland.
In codadka uu ka heli karo labadaasi maamul ay goyn karaan la haridda Farmaajo iyo in kale weli dood ayaa ka taagan, laakiin xaaladaha iyo dabeesha siyaasadeed ee imaan karta xilliga doorashada ayaa cinwaan cusub dhalin karta.

...