HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA MARSO 2022-

0
Monday March 28, 2022 - 08:52:44 in Wararka by
  • Visits: 518
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 28-KA MARSO 2022-

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
RW Rooble oo hay'adaha Amniga faray baaritaanka weerarradii muqdisho & Beledweyne
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaar siinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Ro oble ayaa Magaalada muqdisho kulan kula yeeshay madaxda ugu sarreysa hay'adaha amniga dalka iyo Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
Taliyeyaasha Hay'adaha Amniga dalka iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa wa xaa Ra'iisul Wasaaraha ay warbixin ka siiy een xaaladda Amni ee dalka iyo dhac dooyinkii uu dambeeyay ee dhacay.
Ra;iisul Wasaaraha ayaa faray in baaritaan rasmi ah lagu sameeyo weerarradii argagix iso ee u dambeeyay ee ka kala dhacay muq disho & Beledweyne iyo dardar gelinta howlaha amniga doorashooyinka & guud ahaan dalka.
Dorraad ayay aheyd markii Madaxweyn aha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uu kulan la qaatay Saraakiisha Ha y'adaha Amniga, isaga oo kala hadlay wee raradii dhimashada sababay ee ka dhacay Muqdisho & Beledweyne.
Soomaaliya iyo Qatar oo heshiis kala saxiixday
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbara shada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soo maaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle, oo ku sugan magaalada Dooxa ee Dalka Qatar oo uu kaga qayb galayo Shirka Mada sha Dooxa, ayaa waxa uu Heshiis Is-afgarad ah (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga dhan ka waxbarashada ee Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar la saxiixday Hay'adda Qatar Fund.
Heshiiskan Is-afgaradka ah oo ah mid lagu taageerayo waxbarashada ubadka Soomaali yeed ee aan fursadda u helin in ay aadan du gsiyada, ayaa sidoo kale kor loogu qaadayaa tayada waxbarashada dalka iyo la dagaa llanka heerka jahliga ee bulshada Sooma aliyeed.
"Waxbarashada ubadka Soomaaliyeed waa mudnaanta koowaad ee dowladeenna. Heshiiskan Is-afagradka ah waa mid aan ku dardar gelinayno dadaalka aannu ku bixin ayno in aannu ardayda Soomaaliyeed gaarsi inno waxbarasho tayo sare leh, sidoo kale na kaga fogaanayno in jiilal badan oo gaaray xill igii waxbarashadu ay seegaan dugsiyada." Ayuu yirii Wasiiru Dowlaha Waxbarashada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle oo ka hadlayey saxiixa heshiiskan Is-afgar adka ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sannadihii la soo dhaafay dadaal buuxa gelisay kor u qaadidda tayada Waxbarasha dalka, iyada kor loo qaaday miisaaniyadda waxbarashada, lana diyaariyey manhaj waxb arasho oo ka kooban dugsiyada hoose, dhexe iyo sare, sidoo kale waxbarasho lacag la'aan ah loo fidiyey kumannaan da'yar Soomaaliyeed ah.
Munaasabadda lagu saxiixayey Heshiisk an Is-afgaradka ah, waxaa sidoo kale ka qayb galay, Danjiraha Dowladda Soomaa liya u jooga dalkan Qadar Mudane Cabdir isaaq Faarax Cali Taano, La Taliyaha Wasaa radda Waxbarashada Mudane Siciid Jaamac Guuleed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Doorashada kursigii uu u tartami lahaa Sanbaloolshe oo dib loo dhigay
Waxaa dib u dhac ku yimid doorashada kursiga Hop058 ee Golaha Shacabka, kaas oo Shalay la filayay in guddiga doorashoo yinka Maamulka Hir-Shabeelle ay doorasha diisa ku qabtaan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Guddiga doorashooyin ka Hir-Shabeelle ayaan weli shaacin sababaha dib loogu dhi gay doorashada, balse Wararka Risaala he shay ayaa sheegaya in uu is qabqabsi weli kajiro Ergada dooraneysa Kursiga.
Maalinta Berito ah ayaa la filayaa in la qa bto doorashada Kursiga Hop#058, waxaana ku tartami doona 7 Musharrax oo uu kujiro Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Max amed Cali Sanbaloolshe, waxaana mushar rixiinta ay kala yihiin.
1: Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).
2: En, Yoonis Maxamed Nuur.
3: Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
4:Cabduqaadir Xuseen Coloow.
5: Maxamuud Afdhuub Makaraan
6: Cabdullaahi Axmed Xuseen
7: Ubax Cali Sheegow
Wararkii ugu dambeeyey weerarka lagu qaaday ciidanka AMISOM ee xero MASLAX
Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa Hab een hore weerar gaadma ah ku qaaday cii damada Uganda ee AMISOM ee deggan xer ada Maslax oo ku taal xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, waxaan wee rarka xigay dagaal toos ah.
Wararka ayaa sheegaya in weerarka uu ku billowday qoriga garabka laga rido ee Zab anka oo lagu dhuftay iridka laga galo xerada waxaana kadib xigay iska hor imaad saacad socday. Labada dhinac ayaa is weydaars aday inta uu dagaalka socday hubka noocy adiisa kala duwan, kaas oo si weyn looga dar eemay qaybo badan oo ka mid ah degmada Heliwaa.
Sidoo kale waxaa mar dambe dagaalka ku biiray ciidamada Booliska Haramcad ee fariisinka ku leh xaafadda Suuqa Xoolaha, taas oo keentay in dagaalka uu sii xooge ysto.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo shee gay inuu jiro khasaare kala duwan, balse aysan caddeyn ka rin inta uu gaarsiisan yahay.
Dagaalyahanadii weerarka qaaday oo dhabarjabin kala kulmay ciidamada Haramc ad ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga carareen, waxaana kadib howlgallo sa meeyey ciidamada ammaanka iyo kuwa AMI SOM ee lagu weeraray xerada Maslax.
Xaaladda ayaa deggan, waxaana weera rkan uu noqonayaa kii labaad oo todobaadyo gudahooda lagu qaado AMISOM, waxaana ka horreeyey kii lagu beesaday Xalane.
Si kastaba, weeraradan ayaa qayb ka noqo naya falal liddi ku ah amniga oo maalmihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga dhac ayey Muqdisho, xilli lagu jiro marxalad door asho.
Madaxtooyada Soomaaliya Oo Furtay Shir Lagu Diyaarinayo Qorshe
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxa med Cabdullaahi Ciise (Maxamed Dheere) oo Waaxyaha kala duwan ee Madaxtooyada Qaranka u furay shir looga hadlayey dejinta
qorshe hawleedka Madaxtoo yada Qaranka, ayaa bogaad iyey hawlaha hortebinta leh ee ay shaqaalaha Madaxtooyadu qabteen saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ayaa dhammaan Waaxyaha Madaxtooyada faray in ay mar walba soo gudbiyaan qorshe hawleedkooda oo saddex biloodle ah, si waafaqsan Qorshaha Sagaalaad ee Horuma rinta Qaran iyo hiigsiga Madaxtooyada.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay qor sheyaasha saddexdii bilood ee la soo dhaa fay u hirgalay Waaxyaha Madaxtooyada Qar anka, caqabadaha ka hor yimi iyo fursadaha lagu sixi karo, sidoo kale na waxa ay dha mmaan Waaxyuhu halkaas ku diyaariyeen qorshe hawleedka saddexda bilood ee soo socota iyo shaqooyinka hortebinta u leh hawlaha Madaxtooyada.
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa dhammaan hawl-wadeennada kula darda armay dardar gelinta shaqada ay qaranka u hayaan, isaga oo bogaadiyey hawl-wade enno madasha lagu guddoonsiiyey abaal marinta shaqo wanaagga ee shaqaalaha Madaxtooyada Qaranka.
NISA oo ka digtay qarax lala damacsan yahay shirkad ka howlgasha garoonka – Xog
Xog gaar ah oo ay sheegtay inay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in koo xda Al-Shabaab ay qorsheysay in maalmaha soo socda ama 72 saac gudahood ah bee gsato mid ka mid ah gaadiidka shirkadda gaa rka loo leeyahay ee SAHAL ee garoonka diy aaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo geysa kana soo qaada dad ka safarka ah iyo kuwa imanaya.
Xogta oo la helay Dorraad oo Sabti aheyd ayaa sheegaysa in Al-Shab aab ay diyaarisay qarax ismiidaamin ah balse xogta ma sheegeyso jinsiyada qof ka fulinaya qaraxa inuu yahay rag ama dumar.
Qaraxa ayaa bartilmaameedkiisu yahay in lagu beegsado gaari ay leedahay Shirkad da SAHAL, kasoo daad gureeya shaqaalaha garoonka Aadan Cadde. Bartilmaameedka qaraxa ayaa lagu sheegay gaari Noaha ah, midib caddaan ah leh.
Sidoo kale, xogtaan oo hay'addaha am niga ogyihiin ayaa waxay shirkadda SAHAL gaarsiisay fariin digniin ah, waxaana lagu wargeliyay dhowr tallooyin ay hay'adda NISA soo gudbisay si feejignaan iyo ka hortagba looga sameeyo qaraxa ismiidaaminta.
Talooyinka la siiyay shirkadda SAHAL waxaa ka mid ah in dadaal xoogan galo sidii nolol ama geeri loogu qaban lahaa ismiidaami yaha, in baaris lagu sameeyo agagaarka alb aabka hore ee garoonka diyaaradaha, in gan acsiga laga joojiyo agagaarka garoonka, in shaqada laga joojiyo gaadiidka daabusha shacabka iy shaqaalaha dowladda iyo in how sha gaariga bartilmaameedka ah la joojiyo
Maalmihii u danbeeyay ayaa waxaa dha cay weeraro iyo qaraxyo ka kala dhacay Mu qdisho oo lagu weeraray garoonka diyaarada ha Aadan Cadde iyo qaraxii ismiidaaminta Baladweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo dad tiro badan.
Sidoo kale, madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh iyo siyaasiyiin kale ayaa ka di gay in magaalada Muqdisho ay ka dhici doo naan qaraxyo dad shacab ah iyo mas'uul iyiinba lagu laynayo maalmaha soo socda.
Xigasho:-caasimadda.net
Xog: Dood hareysay kulan uu qabtay Qoor Qoor oo dib u dhigtay mushar axnimadiisa
Madaxweynaha maamulka Galmudug, Ax med Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa Habe en hore kulan isugu yeeray xildhibaanada baarlamaanka cusub ee laga soo doortay Galmudug.
Xog ay sheegtay in ay heshay Caasima da Online ayaa sheegaya in Qoor Qoor uu kulanka ka lahaa laba ujeedo oo kala ahaa in wadatashi uu la qaato xildhibaanada cusub ee baarlamaanka iyo in uu ku dhawaaqo inuu yahay murashax u taagan xilka madax weynaha Soomaaliya.Kulanka ayaa si weyn looga hadlay xaalada amni xumo ee dalka ku sugan yahay xiligaan iyo sidii dalka looga saari lahaa xaaladadan adag ee kala guurka.
Xildhibaanada kulanka kasoo qeybgalay ayaa ku kala qeybsamay ajand aha xaaladda amniga iyo sidii looga saari lah aa dalka amni xumida jirta xilliga kala guu rka.
Warku wuxuu intaa ku darayaa in markii xildhibaanada dhexdooda ay ku kala qeybsa meen shirka, ay doodaas sababtay in Qoor Qoor uu dib u dhigo inuu ku dhawaaqo in uu yahay murashax u taagan xilka mad axweyn aha Soomaaliya.
Dooda xildhibaanada iyo fikir kala duw anaanshahooda ayaa loo badinayaa in ay tahay inuu ka gaabsado Qoor Qoor qorshahii uu isugu yeeray xildhibaanada cusub, taas badalkeedna madaxweyne Qoor Qoor ayaa xildhibaannada cusub kula dardaarmay inay ka gudbaan tafaraaruqa dhexdooda taas bad alkeedna inay muujiyaan isku duubni iyo go'aan mideysansi.
Danjire Diinaari iyo Yuusuf Xasan oo ka hadlay qodobo muhiim u ah saxaafadda
Danjire Diinaari iyo Yuusuf Xasan oo ka hadlay qodobo muhiim u ah saxaafadda
Macalin Yuusuf Xassan oo ka mid ah suxufi yiinta ugu magaca weyn ee la soo shaqee yay BBC laamaha Carabiga & Soomaaliga & Danjire C/raxmaan Nuur Maxamed [Diinaari] oo ka mid ahaa hormuudkii aasaasayaasha n warbaahinta xorta ah burburkii kaddib ayaa ugu baaqay suxufiyiinta Soomaalida in ay ka shaqeeyaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen aqoonta xirfadooda, ulana jaan-qaadaan hab ka ay u shaqeyso warbaahinta caalamka.
"Suxufigu sida qof kasta oo kale oo muwa adin ahi ay mas'uul uga saaran tahay wadd ankiisa, ayeey isagana mas'uuliyadi ugu saa ran tahay.
Arki meysid suxufi ka soo horjeesanaya danta & maslaxada dalkiisa, annaga suxufi geena waxaa dhici ka rta inuu ka shaqeeyo wax liddi ku ah dan aha & masaaliixda dal kiisa, oo uu warar ka raadiyo wax meel ka dhac ku ah qiyamka & sharafta dalkiisa" Ayuu yiri Danjire C/raxm aan Diinaari, mar uu ka hadlayay sida la isku qabad-siin karo suxufigu isaga oo dhinac-na ka gudanaya waajibaadkiisa shaqo in dhin aca kale-na uu mudnaanta 1aad siiyo ilaa linta Qaranimada bad, dhul & cir ee dalkiisa.
Danjire Diinaari, wuxuu tusaale u soo qa atay murankii dowladda Kenya ay gelisay badda Soomaaliya, in suxufiyiinta Sooma alidu ay buunbuuninayeen hadaladii ka soo baxayay Kenya, taas oo uu ku tilmaamay mid aan dhinaca kale [suxufiyiinta Kenya] ka suurtageli laheyn.
"Waxaan arkayay markii Kenya ay Soom aaliya ku eedeyneysay arrinta badda suxu fiyiin war ka raadinaya, suxufigu isaga oo xeerkiisa & shuruucdiisa ku taagan ayuu dalkiisa difaaci kara" Ayuu yiri Danjire Diinaari. Yuusuf Xassan oo ah khabiir & macalin saxaafadeed, ayaa dhinaciisa she egay suxufiga waajib ku tahay barashada xeerarka & shuruucda saxaafadda.
"Suxufigu, waa inuu dhaqanka, diinta & dadka dhageysanaya ixtiraamo, oo wixii uu doono aanu isaga hadlin, suxufigu haddii uu san dhowrin dhaqanka & anshaxa wadd aniyad na ilaalin maayo" Ayuu yiri Yuusuf Xa ssan, wuxuuna intaasi ku daray in dhexdhex aadnimadu ay rugni adag tahay mihnada saxaafadda.
"Duuliyuhu haddii uusan khibrad fiican laheyn dadka dayuurada saaran ayuu la ge din karaa, waxaa la mid ah dhaqatarka had dii uusan khibrad laheyn daawooyinkiisa ay aa loo dhiman karaa, suxufigu intaas oo dhan wuu ka qatar badan yahay, malaayiin ama kumanaan ayuu sumeynayaa" Ayuu yiri Yuusuf Xassan, wuxuuna intaasi raaciyay in war been abuur ah marka suxufigu soo gud biyo inuu sababi karo in ay dad isku laayaan ama ku barakacaan.
Macalin Yuusuf Xassan, mar la weydiiyay xilligii Muqdisho ay ka talinayeen hogaamiye kooxeedyada & waqtigan oo dalku ku jiro ma rxalad soo kabasho dhanka dowladnim ada ah waqtiga saxaafadda u wanaagsan, wuxuu ku jawaabay: "Horta nolosha iyo horumarke eda & in rajo fiican oo dowladnimo ahi jirto xil ligan ayaa fiican, laakiin xagga shaqada suxu finim ada & howlihiisa xilligaas ayaa fiican, ma ar kin xilligan waqti ka xun oo ay saxaaf addu soo martay".
Madaxweynaha Jabuuti oo booqasho deg deg ah ku tagaya dalka Itoobiya
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa booqasho qaa dan doonta 72 saacadood ku tagi doona Jam huuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoob iya, kaddib markii uu casuumaad ka helay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Booqashadan oo ah mid lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo isk aashi ee ka dhaxeeya lab ada dal ayaa madaxdu wa xa uu kulan fool ka fool ah la qaadan doonaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya oo uu kala hadli doono arrimaha khuseeya labada dal.
Booqashada Madaxweynaha Jabuutiuu ku tagayo dalka Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa in uu ka dhaco kulan ballaaran oo ay ka qeyb galayaan wufuud ka kala soc ota labada dhinac.
Jabuuti iyo Itoobiya oo ah laba dal oo xiriir walaaltinimo iyo mid taariikhi ah ka dhe xeeya, waxaana socdaalkan mada xweyne Geelle uu xoojinayaa xirii rkooda laba geeso odka ah iyadoo laga faa'iidaysan doono. Wafdiga madaxweynaha Jabuuti ayaa waxaa kamid ah, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Isk aashiga Caalamiga, Wasiirka Kaabay aasha Dhaqaalaha iyo Qalabaynta iyo Madaxwey n aha Wakaaladda Dekedaha iyo Goobaha Xo rta ah ee Jabuuti & Mas'uuliyiin
Waare oo ka digay Qaraxyo lala beegs ado Musharraxiinta kursiga HOP58
Madaxweynahii hore Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa ka digay weeraro ka dhaco Magaalada Beladweyne mar kale,islamarkaana lala be egsado Musharaxiinta qaar.
Madaxweynaha waxaa uu si gaar ah u Sheegay in Fariimo Am ni kasoo soo Gareen Doo rshada Kursiga HOP58.
Kursigaan ayaa waxaa ku tartamaya Mushar axiin ay ka mid yihiin taliyihii hore ee NISA Sanbaloolshe.
Kursigaan ayaa Shalay dib loo dhigay sab abo la xariira dhanka Ammaanka.
Madaxweynaha Puntland & kuxigeen kiisa oo kulan gaar ah yeeshay
Wararka naga soo gaaraya Magaal ada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay aa sheegaya in Xarunta Madaxtooyada ay ku lan wadatashi gaar ah ku yeesheen Madax weynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni & ku xigeenkiisa Axm ed Cilmi Cismaan Karaash.
Kulanka ayaa la sheegay in uu dalbaday Madaxweyne Deni, isla markaana kuxigeenkiisa uu kala tashanayay mas'uuliyiin cusub oo la magacaabayo kuwaas oo ay ku jiraan Wasiiro iyo Agaasimayaal.
Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka labada mas'uul uu ahaa mid ay albaabadu u xirnaayeen, hayee shee ay labada mas'uul isfaham gaareen.
Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu soo saaro Wareegto uu ku Magacaabayo Wasiiro iyo Agaasimayaal, isbedelkaas oo dad badan ay xilalka ku weyn doonaan.
PUNTLAND oo Toogasho ku fulisay Cabduqaadir Muuse
Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa Shalay oo Axad ah dil toogasho ah ku fulisay Cabduqaadir Muuse oo ku mag ac dheeraa (Af-dheere), kaas oo loo heestay dilka Allaha u naxariistee marxuum Bootaan Maxamed Bootaan (Cawl).
Goobta lagu qisaasay marxuu mka ayaa waxaa ku sugnaa saraakiil ka tirsan maxkamadda, iyada oo too gashada ay fuliyeen qoyska marxuum Boot aan Cawl.
Maxkamadeynta ninka la toogtay ayaa soo martay heerar kala duwan, iyadoo maxk amaddu ugu dambeyn dil ku xukuntay sad dexdii bishii Febaraayo ee sanadkan 2022, kaas oo Shalay lagu fuliyey.
Cabduqaadir Muuse (Af-dheere) ayaa 30-kii bishii September ee sanadkii 2021-kii duleedka magaalada Garoowe ku dilay Boo taan Cawl oo ka tirsanaa ciidanka PSF-ta.Saraakiisha maxkamadda ayaa sidoo kale ku goodiyay in la ciqaabi doono cid kasta oo dil si bareer ah u geysata, waxayna si gaar ah askarta u fareen inay muujiyaan feej ignaan.
Dhinaca kale ehellada marxuumkii horey loo dilay oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhoweeyey go'aanka ay fulisay maxkamad da ciidamada, iyagoo u mahadceliyey Puntland.
Puntland ayaa horey xukuno adag uga soo saartay dilal siyaabo kala duwan uga dhacay magaalooyinka maamulkaasi, ayada oo ujeedka ku sheegtay yareynta dambiyada dilalka.
Cabdicasiis Lafta Gareen: Ma rabno in nala hogaamiyo oo anagaa wax hogaamineyna
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo khudbad sagootin ah u jeediyey xildhibaanada laga soo doortay maamulka ayaa ka hadlay xaalada dalk
a iyo arrimaha doorashooyinka.
Lafta Gareen ayaa ugu horreyn soo hadal qaaday doorashada Golaha Shacabka ee haatan mareysa gabagabada, wuxuuna sheegay inay geliyeen qabsoomideeda dadaal xoog leh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in markii arkeen inay maamullada kale Baarlamaanka ku soo dareen saraakiil ay iyaguna soo dirsadeen Janano.
"Baarlamaanka waxaa ku jiro oo maamulada kale markii ay keeneen aan annagana keennay waxa la yiraahdo Janano, intaas oo dedaal ah markii ay marayeen reer Koonfur Galbeed ujeedadeeda waxa ay ahayd in aan dib inta nagu soo noqotaan oo aan na dhihin waxaas ma qabno oo kuwaas ayaa qaba, wax weliba oo Soomaali heysato waad heysataan, haddii Aqoon ay tahay, Haddii waayo-aragno tahay, Haddii Jananimo tahay, Haddii dhalinyaronimo tahay, Haddii Diin ay tahay iyo haddii ay Maadi tahayba intaba waad heysataan " ayuu yiri Madaxweyne Lafta Gareen.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wal-wal xoogan ay ku heyso doorashada iyo dhameystirkeeda, isla-markaana uu habeenkii ku riyoodo iyadoo qof la dooranayo, inkastoo uusan shaacin qofka uu yahay, walow isagu ka mid yahay kooxda madaxweyne Farmaajo.
Isaga oo ka hadlayey doorka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee doorashada ayaa waxa uu sidoo kale sheegay inay heestaan xildhibaanada ugu badan, ayna dooneyn in la hoggaamiyo, balse iyagu ay wax hoggaamin doonaan, sida uu hadalka u dhigay.
"Habeenkii markaan seexdo waxaan ku riyoodaa iyadoo qof la doranayo, maadaama aan nahay maamulka heysta xildhibaanada ugu tirada badan ma rabno in nala hoggaamiyo oo annagaa wax hoggaamineyna," ayuu sii raaciyey.
Ugu dambeyn wuxuu Lafta Gareen kula dardaamray xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed inay muujiyaan midnimo, ayna la yimaadaan metelaad dhab ah.
"Waxa ugu horreeyo ee aan idinka dalbanayo waa in aad midnimo sameysaan si aad u muujisaan sumadda DG Koonfur Galbeed oo aad ka dhex muuqataan Baarlamaanka, waxa aan nahay Dadka ugu badan, ma rabno in nala hoggaamiyo sanadkaan oo aan innaga hogaamino, masiirka ummadda Soomaaliya waa in aan goynaa oo aan naloo yeerin ee aan annaga yeerino" ayuu markale yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu horreeya ee bilaaba doorashada Baarlamaanka, kuna soo gabagabeeyey waqtii lagu ballamay ee 15-kii March.
Wafdi ka socda DFS oo Shir uga qeyb galaya Imaaraadka Carabta
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Sooomaaliya oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka ah ayaa u ambabaxay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta.
Wasiir Duran Farah iyo Wafdigiisa ayaa ka qaybgalaya Shir la xariira Duulimaadyada oo ay ka qaybgalayaan qaar ka mid ah Wasiirada Duulista Rayidka ah ee dalalka Aduunka iyo Gudoomiyaha Ururka Caalamigaa ee duulimaadyada Hawadda .
Shirkaan ayaa looga hadlayaa Horumarinta Duulimaadyadda Rayidka ah, iyadoona Soomaaliya ay ahmiyad wayn uleedahay ka qaybgalka Shirka oo ka dhacaya Magaalada Dubai ee Isutaga Imaaraadka Carabta.
Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay lasoo wareegtay maamulka hawadeeda dadaal ugu jirta inay horumariso duulimaadyada rayidka ah ee isaga kala goosha gudaha dalka iyo dibadda
 
Culeys xoog leh oo Deni ka haysta inuu tartamo isagoo ah madaxweynaha Puntland
Hoggaamiyaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo dhawaan ku dhawaaqay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa inuu weli quudaraneeyo inuusan iska casilin xilka hoggaaminta maamulka Puntland oo uu sidaasi ku galo tartanka.
Casho uu dhawaan u sameeyey xildhibaanada laga soo doortay Puntland, ayuu Saciid Deni ka sheegay inuu rabo inuu Villa Somalia u tartamo isagoo ah hoggaamiyaha Puntland, haddii uu waayo xilka madaxweynaha Soomaaliyana wuxuu sheegay inuu rabo inuu kusoo laabto hoggaanka maamulka Puntland.
Inkastoo xildhibaanada uu u boobay kuraasta ee kulanka fadhiyey aysan taas kala doodi karin macquul ahaanshaheeda, haddana waxay dadkii kulanka ka warbixiyey hadalkaasi ka dhex fahmeyn walaaca Saciid Deni ka heysta inuu guul ka keeni karo doorashada Villa Somalia.
Kooxda Saciid Deni taageersan ee difaacaya qadiyadaan waxay soo xiganaya an Allaha u naxariistee madaxweynihi hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo sidaas sameeyey kal hore, isagoo Pun tland madax ka ahna u tartamay xukunka Soomaaliya, laakiin waxay kooxdaasi is ilowsiinayaan 18-sano kadib halka ay Shalay Soomaalya joogto ama xataa halka ay Puntland joogto.
Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland ayaa dhawaan laga soo xigtay inay Saciid Deni xilka ka qaadi doonaan haddii uu Xamar u baqoolo isaga oo aan is casilin.
Balse midda aan laga boodi karin ee Saciid ama musharax kasta sugeysa waa shuruudaha ay soo saari doonaan guddiga baarlamaaniga ah ee qaban doono doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, kuwaas oo ay dhici karto inay keenaan shuruud ah inaan codsiga musharaxnimada laga qaban dooni qof xil kale haya.
Damaca Saciid Deni ee ah inuu Puntland sii heysto ayaa dhinaca kale xoojineysa wararkii ahaa inuu Deni rabo inuu qiimeyn labaad ku sameeyo musharaxnimadiisa markii uu Xamar tago, qiimeyntaas oo ah in haddii uu Farmaajo ka qaadan karin meesha inuu xoojiyo qofka ugu dhow ee ka qaadan kara Soomaalida kalana ka gadmi kara.
Isimada kasoo jeedo maamulka Puntland ayaa iyagana la sheegay inay wadaan abaabul xooggan oo ka dhan ah Saciid Cabdullaahi Deni, abaabulkaas mid waa inay Puntland deg deg u tashato marka uu baxo Deni oo aan la aqbalin inuu tartamo isagoo xilka heysta, midna waa inay Xamar uga daba tagaan oo ay Soomaalida u sheegaan Saciid Deni-ga rasmiga ah.
Deni iyo hoggaanka dhaqanka Puntland ayaa isla gaaray meeshii ugu xumeyd oo ay isla gaaraan hoggaamiye Puntland ah iyo dhaqankiisa taariikhda.
Hoggaamiye Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhawaan ku dhawaaqay musharaxnimadiisa xilka madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxaa buuq xooggan lagu furay sababta uu ugu istaagay xukunka oo uu ku sheegay inuu rabo inuu Farmaajo bixiyo.
Dadka siyaasadda faaqida waxay hadal jeedintii 1aad ee Saciid Deni ku qeexeen nin aan wax qorshe ah u heyn Soomaaliya ama aan aragti saxan ka heysan waxa uu u taagan yahay.
Kooxda madaxweyne Farmaajo oo ka jawaabtay hadal qasbsigii uu Saciid Deni ku sameeyey markii uu ku dhawaaqayey musha raxnimadiisa ayaa iygana yiri " Farmaajo qorshe ma noqdee qaranka aad rabto qorshihiisa keen".
Al-Shabaab oo baahisay fariintii ugu horeysay ee ka timid Sheekh Aadan Sunne
Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Aadan Sunne) ayaa markii u horeysay ka soo muuqday warbaahinta Al-Shabaab, ay ada oo uu jeedinayo muxaadaro maqal iyo muuqaal ah oo si faah-faahsan sabab ihii keenay inuu kasoo baxsado magaalada Hargeysa.
Aadan Sunne ayaa sidoo kale muuqaalkan oo soco naya in ka badan 30 daqi iqo ku dhiiri-gelinaya dag aal-yahanada kooxda, isaga oo ku baaqayna in qeyb laga noqdo jihaadka iyo dagaalka ay ku jiraan Shabaab.
Waxa uu sheegay in maamulkii uu ka yimid ee Hargeysa ay ku xoogan yihiin fikr adaha gaalada, islamarkaana ciddii ka had asha kana digta fisqiga ay ka wadaan gudaha Somaliland uu wajahayo ciqaab iyo xarig ah, sida uu sheegay.
"Nolosheyda inta ay jirtay ma arkin Laamiga madowga ee bariga Burco kasoo baxa, marka waxaa isoo kiciyay waa Mab aadida aan aaminsanahay ee baryahan iima qorsheysneyn inaan halkaan yimaado (deegaanada Shabaab)," ayuu yiri.
Waxa uu sheegay inuu ku nabad-geli waayay xaqa sheegistiisa gudaha Somalil and, una usoo hijrooday dhul uu xor ku yah ay oo lagu maamulo Diinta iyo Sharciga Isla amka.
"Dalka lagu magacaabo Somaliland ee Dorraad ahaa Gobolada Waqooyi ee Sooma aliya, wixii ka dambeeyay bur-burkii si fiican ayaa waxa fasax loogu siiyay hay'ad daha NGO-ga iyo kuwa gaalada ka dambe eyan."
Sidoo kale waxa uu sheegay inay gudaha Somaliland ay ka jiraan goobo la gu dhigo diimo reer galbeed, ayna ogyihiin madaxda sare ee maamulka oo ayagu daboolo waxa ka socda, sida uu hadalka u dhigay.
"Dhulka Wilaat-yaadka Islaamka waa me el aad u horumarsan oo lagu dhaqmayo kit aabka iyo sunada ilaahay. Waxaan halk an u yimid in dadka lagu hogaamiyo manh ajka Ila ahay usoo dajiyay adoomada."
Ugu dambeyntiina wuxuu muuqaalka si cad ugu sheegay inuu kooxda Al-Shaba ab ku garab taagan yahay jihaadka, isla marka ana uu qeyb ka qaadan doono sidii dalka loogu maamuli lahaa Diinta Islaamka
Al-Shabaab oo Shalay weeraray Saldhiga Af-urur & dagaal ka dhacay
Xubno katirsan Al-Shabaab ayaa waaberi gii Shalay weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland, waxaana weerarka uu ku billowday hoobiye yaal iyo hubka fudud.
Waxaa lagu soo warramayaa in uu waagu isugu baryay ciidamada Puntland & Al-Sha baabkii weerarka ku qaadday Saldhiga dega anka Af-urur ee Gobolka Bari.
Goobjooge ku sugan tuulada Af urur ayaa sheegay in weli rasaas goos goos ah laga maqlayo hadda meel u dhow tuulada Af-urur.
Majiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo bax ay dhanka ciidanka Puntalnd iyo Al-Shabaab.
Ma aha markii ugu horreeyay ee Al-shab aab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, isla markaana ay muddo kooban kula wareegeen deegaanka.
Puntland & Jubbaland oo ku wareejiyay guddiga doorashada heer federaal galka xildhibaanada laga soo doortay
Guddiga Maamulka Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Puntland ayaa Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal ee (FEIT) ku wareejiyay xogta iyo Warqadaha Fooma mka doorashadii ka dhacday Puntland ee la gu soo doortay Xildhibaanada labada Aqal.
Xubno ka socda Guddiga doorashooyinka Heer federaalka aya Puntland uga mahad celiyay door ashooyinkii ay qabteen iyo sida ay ugu soo gudbiyeen iyo Warqadaha Foomamka, iyaga oo Maa mulada kale ugu baaqay inay kusoo ware ejiyaan.
Dhinaca kale Guddiga hirgalinta doorash ooyinka dadban ee heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland (SEIT) ayaa Shalay xubno kas ocday Guddiga FEIT ee heer Federaal ku wareejiyay Faylasha xilibaanada labada Aqal ee 26 ah ee lagu doortay deegaan doora shada 1-Aad ee Jubbaland ee Kismaayo ma adaama Xildhibaankii 27aad uu dhawaan geeriyooday.
Munaasabada wareejinta ayaa waxaa qa yb ka ahaa xubno kadocday Guddiga xali nta khilaafaadka doorashooyinka kuwaas oo dha maanba goob joog ahaa doorashadii de eg aan doorashada 1-Aad ee Jubbaland oo la soo afmeeray 21-March-2022
Puntland ayaa horay u dhameystirtay do orashada kuraasta labada degaan doorasho, hayeeshee Jubbaland ay kaliya qabatay door ashada kuraasta degaan doorashada 1aad ee Kismaayo, waxana u harsan doorashada kuraasta taalla degaan doorashada 2aad ee magaalada Garbahaareey ee Gobolka Gedo.
Dowladda Soomaaliya oo soo bandhig tay Nin katirsan Al-Shabaab oo isku soo dhiibay
Xassan Cabdi Muxumed (Guuleed) oo kamid ahaa Ururka Al Shabaab una qaabilsanaa Qey bta Dacwadda ayaa Isku soodhibay Ciidamada Booliska Degmada Garbahaarrey e Gobolka Gedo.
Xassan Cabdi Muxumed (Guule ed) ayaa sababta uu uga soo baxay Al-Shaaab ku sheegay in ay dhibaato ku hayaan Sha cabka Soomaliyeed, isla mark aana uu diyaar u yahay la Shaqeynta Dowl adda Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidamada degmada Garbaha areey ee Gobolka edo ayaa dhankooda uga mahad celiyay Xassan Cabdi Muxumed (Guu leed) isku soo dhiibitaanka, iyagaa oo ugu baa qay inay isku soo dhiibaan kuwa weli la shaq eeynaya Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa ay sheeeen inay soo dhaw eeynayaan ci kasta oo isku soo dhiibeysa, sidoo kalena ay kordhinayaan howlgallada a dhanka ah Al-Shabaab maadaama degmada Garbaahaareey lau qabanayo doorashada 16 kursi.
Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Ukraine iyo qeylo-dhaan ka timid Zelensky
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelen sky ayaa ka dalbaday dalalka Reer Galbeedka in ay dalkiisa ku caawiyaan diyaarado, taangiyo iyo hubka difaaca gantaalada.
Mr Zelensky ayaa sheegay in diyaaradaha Ruushka aan lagu soo ridi karin qoryaha darando origa u dhaca.
Ra'iisul Wasaaraha Slovakia Ed uard Heger ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu diyaar u yahay inuu u diro hubkiisa difaaca gan taallada hawada ee S-300 ee Soofiyeeti uu sameeyay, haddii beddelkiisa la heli karo.
Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaadday in ay kordhineyso caawinaadda militeri ee ay si ineyso Ukraine, sida uu sheegay Wasiirka Arri maha Dibadda ee dalkaas, Dmytro Kuleba, kadib markii uu Poland kula kulmay madaxwe yne Joe Biden."Ma jiro waddan kale oo aan ka helnay caawinaad ka badan tan uu na siiyay Mareykanka, waana mid aad muhiimu ah," ayuu yiri.
Ma uusan bixinin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan nooca uu yahay garabka militeri ee ay ka heli doonaan Mareykanka, balse waxa uu yidhi: "Shalay waxaan ballamo dheeraad ah ka hel nay Mareykanka, kuwaasoo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynteenna ku aaddan dhinaca difaaca." Dhanka kale, Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Ukraine Jene raal Yakov Rezantsev oo la sheegay inuu dhin tay Sabtidii ayaa noqday sarkaalka ugu sar ree yey oo Ruush ah ee lagu dilo dagaalka Ukr aine.
Khubarada ayaa sheegay in niyad jabka ka dhex jira ciidamada Ruushka ay ku qasabtay saraakiisha sarsare inay ku dhawaadaan jiida hore ee dagaalka, taasina ay sababtay in la dilo saraakiil sarsare oo aad u tira badan oo ga araya in ka badan 7 Jeneraalo oo Ruush ah.
Hidniya oo cambaareysay weerarkii Al Shabaab ee garoonka diyaaraha ee Muqdisho
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda India ayaa lagu cambaareyay weerarkii Al Shabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho 23-kii bishan, kaas oo ay ku dhinteen lix qof.
Dowladda ayaa sheegtay in arrin walaac ba dan ay tahay kororka weerarrada Al Shabaab, waxaana ay intaasi ku dartay in argagixisado keliya aysan khatar ku aheyn Soomaaliya balse ay khatar ku yihiin addduunka oo dhan.
"Waxaan mar kale ku celinaynaa in aan si buuxda u taageersanahay howlgallada ay ciid amada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya ee ka dhanka ah Al Shabaab iyo in beesha caalamku ay sii waddo garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro argagixisada" ayaa lagu yiri war-saxaafade edka.
Dowladda India ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda si ay u gaaraan rabitaankooda wadajirka ah ee ku aaddan mustaqbal xasi lloon, ammaan iyo nabad.
Weerarkii garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa fuliyay labo dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab, kuw aas oo markii dambe ay toogteen ciidanka dowl adda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda India ayaa lagu cambaareyay weerarkii Al Sha baab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho 23-kii bishan, kaas oo ay ku dhinteen lix qof.
Dowladda ayaa sheegtay in arrin walaac badan ay tahay kororka weerarrada Al Shaba ab, waxaana ay intaasi ku dartay in argagixi sado keliya aysan khatar ku aheyn Soomaaliya balse ay khatar ku yihiin addduunka oo dhan.
"Waxaan mar kale ku celinaynaa in aan si buu xda u taageersanahay howlgallada ay ciida mada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Soomaaliya ee ka dhanka ah Al Shabaab iyo in beesha caalamku ay sii waddo garab istaagga Soomaaliya ee dagaalka lagula jiro argagixisada" ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Dowladda India ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soom aaliya iyo dadkeeda si ay u gaaraan rabit aankooda wadajirka ah ee ku aaddan must aqbal xasilloon, ammaan iyo nabad.
Weerarkii garoonka diyaaraha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa fuliyay labo dagaallame oo ka tirsan Al Shabaab, ku waas oo markii dambe ay toogteen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.
Urur Goboleedka IGAD oo ka hadlay xabad joojinta ay ku dhawaaqeen Itoobiya & TPLF
Urur-goboleedka IGAD ayaa bogaadiyay dhi nacyada isku haya Itoobiya in ay ogolaadeen xabbad-joojin kadib muddo dagaalo culus uu ku dhexmarayay degaano ku yaalla Waqooyiga dalka Itoobiya.War saxaafadeed uu soo saaray Wo rkneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha fulinta ee ururka Bariga Afrika ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan go'aanka ay dawladda Itoobiya ku dhawaaqday xabbad-joojin bini'aadantinimo iyo dhawaaqii is-dhaafsiga ahaa ee ay Jabh adda Xoraynta Tigrayga (TPLF) ku sheegtay in ay ixtiraamayso joojinta dagaalka. colaado.
"Xoghayaha fulinta wuxuu ka codsanayaa saaxiibada caalamiga ah inay sameeyaan wax walba oo ay ku qaadanayso si loo hubiyo in gar gaarka bini'aadantinimo la kordhiyo lana bixiyo wakhti ku habboon oo la saadaalin karo gob olka Tigray iyo gobollada kale ee ay saam eeyeen xaaladda abaarta iyo cunto yarida," ayaa lagu yiri bayaanka.
"Xoghayaha fulinta wuxuu sidoo kale ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada inay si firfi rcoon u raadiyaan nabad waarta iyadoo loo marayo dhammaan hababka la heli karo oo ay ku jiraan wada-hadallada qaranka iyo xaf iisyada wanaagsan ee guddoomiyaha Midowga Afrika iyo hoggaanka IGAD," ayaa lagu yiri bayaanka.
Maalintii Khamiista, dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday xabbad-joojin halkaTPLF ay goor hore oo jimco ah ku dhawaaqday inay si taxadar leh u aqbali doonto xabad joojinta bini'aadantinimo.
Turkiga Oo Dalkiisa U Fasaxay Maal-Qa beeno Ay Dalalka Reer-Galbeedka Beeg sanayaan
Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in maal-qabeenada Ruushka ee loo yaqaan Oligarchs ay sii wadi karaan inay ganacsiyo ka sameeyaan Turkey inta ay ilaalinayaan sharciga dalka iyo kan caalamiga ah.
Cavusoglu oo lagu doc ware ystay Madasha Doha ee Qatar ayaa la weydiiyey haddii maal-qabeenada Ruushka ee wajahaya cunaqabataynada Reer Galbeedka ay ka ganacsan karaan Turkey.
"Dabcan, haddii ay tahay sharci, haddii aysan ka hor imaneyn sharciga caalamiga ah. Waan ka fakari doonnaa," ayuu yiri. "Haddii ay ka hor-imaneyso sharciga caalamiga ah, taasi waa sheeko kale."
Laba ka mid ah doomaha raaxada ah oo uu leeyahay bilyaneerka Ruushka ee Roman Abramovich ayaa toddobaadkan ku xirtay dalka Turkey.
Tallaabooyinka lagu beegsanayo hantida maal-qabeenada Ruushka ma aysan ansixin QM balse waxaa soo rogay dalalka Reer Galbe edka, oo ay ku jiraan Mareykanka iyo kuwa xubno ka ah Midowga Yurub.
Waxay soo rogeen tallaabooyin aan horey loo arag oo ka dhan ah Ruushka, sababo la xiriira duulaanka ay ku qaaday Ukraine, waxaa na ka mid ah in liiska cunaqabataynada lagu daro maal-qabeenada iyo shaqsiyaadka ku dhow Putin.
Dhowr dal ayaa la wareegay doomo lagu raaxeysto oo ay leeyihiin maal-qabeenada Ruushka, ayada oo madaxweynaha Marey kanka oo ka digay in xulufada ay u iman doo nta "hantida aad sida sharci-darrada ah ku hesheen."
Hase yeeshee Turkey oo xubin ka ah NATO, islamarkaana xiriir xooggan la leh Rus sia iyo Ukraine, kuma aysan biirin dalalka Reer Galbeedka ee beeganaya Moscow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip