Al-Shabaab oo dad shacab ah 'ka afduubatay' MUDUG

0
Saturday March 26, 2022 - 09:20:10 in Wararka by
  • Visits: 271
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo dad shacab ah 'ka afduubatay' MUDUG

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay gudaha u galeen deegaanka Baraag Ciise ee gobolkaas, isla-markaana ay ka kaxeysteen ku dhowaad 10 qof oo shacab ah.

Guddoomiyaha deegaanka lagu magacaabo Bajeela, Mudane Maxamed Shuuke Abshir ayaa warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in kooxda Al-Shabaab ay halkaasi ka afduubatay illaa 7 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka, isla-markaana ah xoolo dhaqato.

Shuuke ayaa sidoo kale tilmaamay in kooxdu ay horey usii kaxeysatay xoolihii ay lahaayeen dadkaasi oo gaarayaku dhowaad seddex kadin oo Geel ah.

Ehellada dadkaas ayaa sidoo kale walaac ka muujiyey dhacdadan, waxayna sheegeen inay soo wajahday cabsi la xiriirta ammaankooda, kadib halista uga timid dhanka Al-Shabaab.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in dadka la afduubtay ay ka biyo diideen lacago ay Al-Shabaab ugu magac dareen Zakawaad oo ay ka qaadaan xoolo dhaqata.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka dowlad goboleedka Galmudug oo ku aadan afduubka loo geystay dadkaasi shacabka ah.

Inta badan gobolka Mudug ayaa waxaa kusoo noq-nodqay dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo is uruursaday, kana soo
 horjeeda kooxdaaasi.
Al-Shabaab oo dad shacab ah 'ka afduubatay' MUDUG - Idman news
Al-Shabaab oo dad shacab ah ‘ka afduubatay’ MUDUG




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip