
Dagaal Culus Oo Lagu Qaaday Xerada Xalane Ee Magaalada Muqdisho.
....
War Deg deg ah oo inaga soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar aad u culus uu ka socdconaayo gudaha xerada Xalane oo ah saldhigga ugu weyn ciidamada Amisom ay ku leeyihiin dalka Soomaaliya ,saldhiggaasoo ah mid kaabiga ku haya garoonka Aadan Cadde.
ee Magaalada Muqdisho.
Sida wararku sheegayaan ah ka dib markii wara sheegaya in dagaal yahano Shabaab ah si Ifantari ah u socda (lugeynaya) ay mar kaliya weerar ku gale en xerada sida aadka loo ilaaliyo, Garoonka aadan cadde ee Magaalada Muqdisho iyadoo la soo warinaayo in la maqlayo rasaas xooggan.
warar ayaa intaa raacinaya in aan Si dhab ah loo ogaaan karin sida kooxdan ay halkaasi ku gaartay, maadaama ay ka soo tilaabeen dhowr bar kontrol oo ciidanka NISA ay ku hubiyaan gaadiidka galaya dhinaca Xalane, iyadoo warar kale na ay sheegayan in kooxda hore ay aaggaasi ugu diyaarsanaayeen oo ay Amisom ugu daateen xeryohooda.
Kooxda Shabaab war ay goordhow soo saartay ayaa waxey sheegtay in dagaal yahanadooda ay gudaha Xerada ugu weyn Amisom dagaalamayaan, lamana oga xaalka xiligan iyo xaddiga khasaaraha inta uu la ek yahay
wixii warar intaa dheer kala soco wararkeena dambe ee web-ka WWW.MOTIMES.COM insha allaah
Dagaal Culus Oo Lagu Qaaday Xerada Xalane Ee Magaalada Muqdisho.
....