Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
Monday March 21, 2022 - 06:13:39 in Wararka by
  • Visits: 329
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal ka dhacay Magaalada Muqdisho

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Kooxo hubeysan ayaa xalay waxaa degmada Wartanabadda ee Gobolkan Banaadir ku dileen laba wiil oo Dhalinyaro ah, kuwaas oo ka mid ahaa dadka ku nool egmadaas, iyaga oo dilalka kadib goobta ka baxsaday.

 

Dilalka oo dhacay saacado kala duwan ayaa labada dhalinyarada ah ee la dilay waxaa kamid ahaa Wiil lagu Magacaabi jirayCabdinuur CabdullaahiWarsame, waxaana sababaha dilkooda lagu sheegay inay ka dambeeyeen Kooxo Burcad ah oo dhac u geeysanaya.

Meelaha ay dilalka ka kala dhaceen ee degmada Wartanabadda ayaa waxaa tegay Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliya, balse aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilalkaas.

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa lagu dilay tobaneeyo dhalinyaro ah, kuwaas oo sababsaday Kooxo Burcad ah oo doonayay inay ka dhacaan Mobeeladooda iyo wixii kale oo ay wataan, waxaana dilalkaas weli waxka qaban la’ laamaha Amniga Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip