Wiil Soomaali ah oo walaalkiis ku dilay dalka Mareykanka

0
Wednesday March 16, 2022 - 16:47:12 in Wararka by
  • Visits: 264
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Soomaali ah oo walaalkiis ku dilay dalka Mareykanka

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Booliska magaalada Columbus ee gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in wiil Soomaali ah uu walaalkiis ku dilay waqooyiga magaaladaas, Subaxii Isniinta.

Booliska ayaa sheegay in abaare 11:36am looga wacay guriga ku yaalla waddada Lepage Court, halkaasi oo la sheegay in qof lagu tooreeyey.

Booliiska ayaa sheegay in Sakariya Hirad oo 20 jir ah uu mindiyeeyey walaalkiis Mohamed Hirad oo 22 jir ahaa, kaasi oo loo qaaday isbitalka, balse lagu dhowaaqay inuu dhintay abaare 12:12 pm.

Sakariya ayaa xabsiga la dhigay, waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu dilay walaalkiis. Kiiskan iyo sababta dilka ayaa waxaa weli ku socda baaritaan.

Rabshadaha iyo dilalka dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa aad ugu badan magaalooyinka Columbus iyo Minneapolis ee Mareykanka, Toronto oo Canada ah, iyo London oo UK ah.

Waalidiin badan oo Soomaaliyeed ayaa cauurtooda kala cararay magaalooyin badan oo ka mid ah Yurub iyo Waqooyiga America, si ay uga badbaadiyaan inay ka leexdaan dariiqa toosan ayaga oo geeya dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, Kenya, Turkey iyo Masar.

Wiil Soomaali ah oo walaalkiis ku dilay dalka Mareykanka




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip