Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in dib loo bilaabayo Xoolihii loo dhoofin jiray Sacuudiga

0
Tuesday March 15, 2022 - 14:27:12 in Wararka by
  • Visits: 261
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in dib loo bilaabayo Xoolihii loo dhoofin jiray Sacuudiga

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) ayaa si rasmiya u daahfuray munaasibad balaaran oo dawladda Soomaliya ku shaacinaysay dib u furista xoolaha dowladda Soomaliya u dhoofin jirtay dawladda sucuudiga.

Sanadkii 2016-kii ayay istaageen Xoolihii Soomaaliya u dhoofin jirtay Sacuudiga, waxaana munaasabadda dib u bilaabitaanka goobjoog ka ahaa safiirka dowladda sucuudiga u fadhiya SOomaliya, Wasiiro ka tirsan dawladda iyo masuuliyiin kale, waxaana munaasibada soo qaban qaabiyey wasaaradda xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa ee Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta & Daaqa DFS Xil. Maxamed Aadan Macalin (Somali) ayaa sheegay in qorshaan ay fa’iiduo badan u leedahay Gancsatada Soomaaliyeed, isla markaana ay ka helayaan lacago aad u farabadan, sidoo kalena dhaqaalaha dalka uu kordhaayo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in 5-tii sano ee la soo dhaafay ay wax badan uga baaqdeen oo lacago ah hakadka kujiray Xoolaha Soomaaliya u dhoofin jirtay dalka Sacuudiga, balse hadda kadib sanad walba xoolo farabadan loo dhoofinayo Sacuudiga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip