
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA MAR. 2022-KA
..
Golaha Wasiirrada Oo Ansixiyey Miisaani yad KMG Ee Rubaca Labaad Ee Sanadka
Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Fed eraalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan US$ 206,474,223, taasoo loo qoondeey ey howl fulinta dowladda ee bilaha 1da April ilaa 30 ka Juun.
Wasiirka Maaliyada ayaa go laha wasiirada u soo bandhig ay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay mu hiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si aqlabiyad leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si ay san hakad u galin howlaha dowladda, maada ama dalku ku jiro doorashooyin.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda inay miisaniyadda Rubaca Labaad ee Sanadka ay ku soo dhammays tirtay waqtigii loo mudde eyey, waxa uuna u mahadceliyey dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhin ta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.
Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale lo oga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooy inka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo dadaallada dowladda ee wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka
Xog: Astaamaha muujinaya qorshaha dhab ta ah ee Lafta-gareen oo soo xoogeysanaya
Waxaa isi-soo taraya astaamaha muujinaya in madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdica siis Laftagareen uu ku jiro damac ah inuu xubin ka noqdo xildhibaanada cusub ee baarlamaan ka federaalka.
Maamulka K/Galbeed aya a xildhibaano u soo do ortay xub no badan oo ka tirs anaa xukuumada Laftagareen iyo baarlamaan ka ma amulkaas, waxayna K/Galbeed noqotay maam ulka xubnaha ugu badan ee golayaashiisa ay ku biireen baarlamaanka 11-aad ee dalka.
Xubnaha Xildhibaanda noqday ayaa waxay isugu jiraan 8-wasiir, labo wasiir ku xig een, Aga asime guud, Taliyaha qeybta SNA iyo guddoo miyaha baarlamaanka Koofur Galbeed Cali Saciid Fiqi.
Todobaadkaan waxaa la dooranayaa 7-da xildhibaan ee u dambeysa kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed, waxa yna wararka aan heleyno sheegayaan in xubna ha la filayo in la doorto ay ku jiraan wasiirrada arrimaha gudaha iyo amniga Koonfur Galbeed.
In xubnihii ugu badnaa ee golayaasha maamul kaas ay u soo wareegaan dowladda dhexe ay aa sii xoojineysa tuhunka laga qabo in Madaxw eynaha K/Galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu yahay musharax Xildhibaan.
Sidoo kale ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online sheegtay in ay u xaqiijiyeen in Madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay culeys ku saarayaan Laftagareen inuu qaato ku rsi xildhibaan oo baaralamaanka cusub uu ku soo biiro.
Farmaajo iyo Fahad ayaa la sheegay inay Laftagareen la doonayaan xilka guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad, si da ay noo sheegeen xubnaha noo waramay we li Laftagareen ma uusan cadeyn mowqifka uu ka taagan yahay dalabka Farmaajo iyo Fahad. Hase yeeshee weli lama soo dooran kursiga xil dhibaan ee jufada Laftagareen, kaas oo isagu uu horay ugu fadhiyey, waxaana macquul ah in isagu uu soo qaato todobaadkaan.
Xigasho:caasimadda.net
Safiirka Soomaaliya ee dalalka Koonfurta Afrika oo Waraaqaha Aqoonsiga laga guddoomay
Madaxweynaha dalka Angola João Loure nço ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Koonfurta Afrika oo ay Angola kamid tahay Danjire Maxamed Cali Mire.Madaxweyna ha ayaa Magaalada luw anda ee dalka Ang ola ku qaabilay danjir ayaa sha Magaca aban ee dalal ka Mareykanka, Sa cuudiga, Soomaaliya, Is raa’iil, Purtugal, Spain, Burundi iyo Indunusia
Daniljire Maxamed Cali Mire oo kamid ah aa Danjireyaasha Magacaaban ayaa si toos ah waraaqihiisa Aqoonsi ugu wareejiyay Madaxw eynaha angola, isaga oo u gudbiyay Salaan iyo farriin uu ka siday Madaxweynaha muddo xile edkiisa uu shamaaday ee Maxames Cabdull aahi Farmaajo.
Wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ah ay diyaar u tahay xoojinta iyo adkeynta laba da dowladooda diyaarna u yihiin sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha, Amniga, Dhaqaa laha iyo diplimaasiyadda.
Dhinaca kale Madaxweynaha angola ayaa dhankiisa sheegay in dowladiisa ay diyaar u ta hay sare u qaadida xiriirka ay la leeyihiin Soo maaliya ayna diyaar u yihiin in labada dowlado od ay wadashaqeyn joogto ah yeeshaan.
Dalka Angola ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka Safaaradahooda ay hoostagaan dalka Koonfur Afrika, waxaana kunool Soomaali far abadan oo u badan Ganacsato iyo Arday wax ka barata.
Xog: Khilaaf cusub oo ka dhex qarxay Guud laawe iyo Dabageed iyo arrinta la isku hayo
Xog cusub ay Caasimada Online sheegtay in heysya ayaa ayaa sheegeysa inuu mar kale qarxay khilaafkii u dhaxeeyo madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudla awe) iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabage ed).
Khilaafka labada mas’uul oo maalmahaan dambe u muuqday mid xal laga gaaray ayaa marka kale hawada isku shareeray, wuxuuna khillaafka salka ku hayaa doorashada kuraasta 8-da ah ee ku hartay M/Beledweyne.
Caasimada Online ayaa she egtay in ay og aatay inuu khila afka xo ogiisa ka taagan yahay Kursiga HOP#135 oo ay ku fa dhiso xildhibaan Aamino Maxa med. Dab ageed ay aa doonaya in kursigaan loo xiro shaqsi gaar ah, taasioo uu si weyn uga hor yimid mad axw eynaha Hirsha be lle Cali Guudl aawe.
Xildhibaan Aadan Kaladire oo kamid ah ba arlamaanka HirShabelle ayaa sheegay in howl aha doorashooyinka uu mas’uul ka yahay mad axweynaha HirShabelle, islamarkaana cid ka hor-imaan karin.
"Doorashada Hirshabeelle waxaa ka mas ,uul ah Madaxweynaha Cid kastaa oo caqabad ku ah ka baarlamaan ahaan waxaan diyaar u nahay inaan ka hor leexino ayuu yiri,” Xildhib aan Aadan Kala diro.Madaxweynaha maamul ka HirShabelle Guudla awe ayaa dhawaan mus harixiinta u taagan kur aasta ku hartay Beledwe yne u ballan qaaday inuusan jiri doonin kursi loo xiro shaqsiyaad gaar ah.
Yuusuf Dabageed oo dhawaan wareysi siiy ey Idaacadda VOA ayaa wax kama jiraan ku til maamay inuu khilaaf soo kala dhex galay is aga iyo madaxweynaha HirShabelle, balse wu xuusheegay inay jiri karaan waxyaabo lagu ka la aragti duwanaan karo.
Yuusuf Dabageed ayaa horay meel fagaare ah uga sheegay in uu boobi doono kuraasta Xil dhibaanada Aqalka Hoose ee Beledweyne lagu doorayano taas oo muran iyo kalsooni darro xo ogan ka dhalatay.
Kuraasta ku harsan M/Beledwey ne ayaa weli la qaban la’yahay sababo la xiriira khilaaf ka taagan, waxayna u badan tahay inay dhaafa an waqtigii ugu dambeeyey ee lagu heshiiyey in lagu soo gabagabeeyo doorashada Golaha Shacabka oo aheyd 15-ka Bishaa Xigasho:- caasimadda.net
Odowaa oo dib loogu doortay golaha shacabka
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaa liya, Md.Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odo waa) ayaa markale dib loogu doortay xubnima da Golaha Shacabka Soomaaliya, kadib doora sho maanta ka dhacday M/Gaalkacyo.
Md.Cabdiraxmaan Odowaa oo kursiga si gaar ah loogu xiray ayaa helay 97 cod, kadib codeyn gacan taag oo loo qaaday.
Guddiga SEIT ee Galmudug oo war kasoo sa aray doorashadan ayaa shaaciyey in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha uu ku soo baxay kur siga HOP#069 ee baarlamaan ka Soomaaliya.
"Cabdiraxmaan Maxam ed Xuseen (Odowaa) ayaa ku guul eystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#069 ee go laha shacabka BJFS oo doorashadiisu Shalay ka qabsoontay magaalada Gaalkacyo. Mushar ax Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa ku guuleystay 97 cod oo ah kooramka ergada fa dhisay,” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doora shada ee
Kursigan ayaa ka mid ahaa kuwa sida aadka ah isha loogu hayey, balse isbeddal ayaa ku yi mid saacadihii u dambeeyey, ka dib markii uu tanaasulay Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo haatan ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federalka Somalia.
Odowaa oo ka mid ahaa xubnaha mucaarad ka ee ku jiray baarlamaankii hore ayaa markale ka mid noqday xildhibaanada dib loogu doortay Golaha Shacabka Soomaaliya.
Doorashadan ayaa ku soo aadday, xilli lagu sii dhawaanaayo waqtiga loo qabtay in Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo 15-ka bishan aynu ku jirno March ee sanadka 2022-ka.
Mid ka mid ah doorashadii ugu adkeyd gola ha Shacabka oo Gaalkacyo ka dhacday Xalay
Guddiga Doorashada Galmudug wuxuu Sha lay qabtay Doorashada Kursiga HOP#095 oo ay isku diiwaangeliyeen murashix iinta kala ah:-
1- Maxamed Saciid Faarax
2-Cabdiraxmaan Maxamed Max amuud
3- Maxamuud Kudun Xiimaa
4- Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac)
Codbixinta inta ay Bilaaban waxaa tanaasu lay Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac) Natiijada codbixinta 3-da Musharax oo soo hartay waxay ku dhamaatay,
1- Maxamed Siciid Faarax oo helay 44 cod
2- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud oo he lay 35 cod
3- Maxamuud Kudun Xiimaa oo helay 22 cod
Wareega Labaad Musharixiinta codad ka u kala heleen.
1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Ca gaweyne) oo helay 54 cod
2- Maxamed Siciid Faarax oo helay 47 cod.
Sidaa daraadeed kursiga HOP#095 waxaa ku guuleystay Cabdiraxmaan Maxamed Maxamu ud (Cagaweyne) oo helay 54 cod.
Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu hog aaminayo oo safar ugu ambo baxay dalka Maraykanka
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Ca bdi iyo wafti ka kooban wasiiro, aqoonyahan iyo ganacsato oo uu hoga aminayo, ayaa sha lay galab safar ugu ambo ba xay dalka Mar aykanka. asiirka Warfaaf inta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo war aysi gaar ah siiyay BBC So mali, ayaa sheegay inay Ma raykanka kala hadli doonaan wax kasta oo ay u arkaan danta Somaliland, warar sheegaya in Maraykanku uu Somaliland ka doo nayo sal dhig ciidan ayuu wasiirku kaga jawaa bay inay aqbali doonaan waxkasta oo danta Somaliland ku jirto.
Madaxweynaha waxa safarka ku wehelinay wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Md. Maxamed Kaahin Axmed, Warfaafinta, Dhaqan ka iyo Wacyigelinta, Mudane Saleebaan Yuus uf Cali-koore, Ganacsiga, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Deegaanka, Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, Mudane Jaam ac Muuse Jaamac iyo Xubno ka mida Ganacsa tada.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ciise Kayd Max amuud ayaa isagu wafiga ku sugaya magaal ada Washintong. Xubnaha waftiga ayaa ku dho ofay baasboorka dibilumaasiga ah ee Soma liland
Sidee ayey golaha wasiirada Rooble ugu fa shilmeen isku daygoodii xildhibaannimo?
Golaha Wasiirada Ra’iisul Wasaare Rooble waxay noqdeen Wasiiradii u horreeyay ee xill iga kala guurka maareyn waayay kuna guul dareys tay inay kuraas Xildhibaan ka soo hel aan deegaana dii ay ka soo je edeen.
Labadii jeer ee xilligii ka la guurka sanadihii 2012 & 2017 Golaha Wasiirada ayaa udub dhexaad u ahaa sida Xukuu maddihii C/Weli Gaas iyo Cu mar C/rashiid, Wa siiro badan ee Xukuumada haas ka tirsanaa ay aa soo helay kuraas Xil dhibaan.
Xukuumaddii C/weli Gaas waxaa Xildhiba an soo helay oo fursadii ay xilligaas heysteen ka faa’ideystaan soo xulidii Odayaashii dhaqan ka ee 135 Oday. Labadii Ra’iisul Wasaare kuxi geen Xuseen Carab Ciise, C/wahaab Ugaas Khaliif, Wasiiradii Arrimaha Gudaha, Dastuur ka, Qorsheynta iyo kuwa kale.
Sidoo kale Xukuumaddii Cumar C/rashiid Wasiiradii xilligaas joogay ayaa badi Xildhibaa no ka soo qaatay doorashadii Ergooyinka ee xarumaha dowlad goboleedyada, waxaana xub nahaas ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Guda ha, Amniga, Dhalinyarada, Shaqada iyo Shaq aalaha, Warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo kuwa kale.
Hadda oo Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble hoggaamineyso hannaanka doorasha da inta badan Wasiiradeedii ayaa ka soo waay ay kuraas deegaanada ay ka soo jeedeen mar ka laga reebo Wasiirka Kalluumeysiga C/llaahi Bidhaan, Wasiirka Biyaha, Wasiirka Ganacsi ga, Wasiirka Dhalinyarada , Wasiir kuxigeenka Cadaaladda oo Xildhibaan soo qaatay, balse Wasiirada soo hungoobay ayaa waxaa ka mid ah: Wasiirka Qorsheynta, Wasiirka Maaliyadda, Duulista Hawada, Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’ iisul Wwasaaraha, Wasiirka Beeraha, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Wasiir kuxigeenka War faafinta iyo Wasiirkii Gaashaandhigga C/qaadir Jaamac oo isna kursi uu muddo ku taamayay ku guuldareystay inuu soo helo, kaasoo loo xiray Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed.Xigasho:Caasimadda.Net
HirShabelle oo soo saartay digniin la xiriirta doorashada
Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa Shalay shaaciyay shuruudaha laga rabo dhamaan mu sharaxiinta rabta inay u tartamaan kuraasta ku harsan maamulkaas ee Golaha Shacabka, waxayna ka digtay in lacagta musharaxiinta lagu shubo akoono gaar ah.
Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Musharax kasta uu xaq u leeyahay in uu u tartamo kursiga ku asteysan jufadiisa, taasi oo meesha ka saarey sa doonistii qaar kamid ah madaxda sare ee maamulkaas oo rabay inay dad gaar ah u xiraan kuraasta.Guddiga ayaa shaaciyay in Mu sharaxiinta raga ah laga rabo lacag diiwaan-gelin oo dhan Toban kun oo dollar ($10,000), halka Musharaxiinta Dumar ah lag rabo shan kun oo dollar ($5000).
"Ma jirto wax lacag kale ah oo aad ku shubi karto account shakhsiyadeed ama Cash aad la imaaneyso xarunta guddiga Doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga "Hadii aad la kulanto mid kamid ah guddiga doorashada oo dalbanaya lacag, waxa an u aqoosan doona Tuug khaa’in ah oo aan ku hadli karin afka guddiga sharafta leh ee Hir shabelle. Waxaan diyaar u nahay in aan ku qa adno ciqaabta uu muteysto, waxaana goobta doorashada diyaar kuugu ah xubno ku sifoobay daacadnimo iyo hufnaan kuuna qaban doono shaqadaada insha allah.”
Musharaxiinta ayuu uga digay guddiga waxkasta oo la xiriira laaluush, taasi oo ay sheegen inay ka hor imaaneyso "heshiiska ilaalinta anshaxa Musharaxa oo uu marka hore saxiixo musharaxa u taagan kursi, kaas oo ka mamnuucaya in uu bixiyo laaluush.”
Ugu dambeyntiina waxa qoraalka si cad loogu sheegay in Musharaxa isku daya in uu laaluush bixiyo ama maro sifo ka duwan hanaanka ay u dajiyeen ay ka hor istaagi doonaan doorashadiisa, ama ay ku buri karto niijada doorashada haddii uu kusoo baxo, kuna cadaato wax isdaba-marin.
Madaxda sare ee maaamulka HirShabelle oo toddobaadkii u dambeeyay isku hayay doorashada kuraasta ku harsan maam ulkaas, ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in laga dhigo kuwa daah-furan oo cid gaar ah loo xirin.
Cabdiraxmaan Odowaa oo u jawaabay Dub be – "Wuxuu malxiis ka yahay Aqalka Sare”
Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo Shalay dib loogu doortay kursiga HOP#069 ay aa guushiisa, kadib u jawaabay wasiirka war faafinta, ahna Senatar ka tir san xubnaha loo dooratay Golaha Aqalka Sare, Cisma an Abuukar Dubbe oo la saf naa Cabdiraxmaan Al-Cada ala oo markii dambe ka tana asulay loolanka tartanka.
Odowaa oo hadal ka jeediyey doorashadiisa ayaa sheegay in weerarka uu Dubbe ku soo qa aday intii uu ku jiray ololaha doorashada uu da ba socdo dagaalkii ka dhashay is hortaagii mud do kororsigii labada sano ahaa ee dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo. "Ninka la yiraahdo saaxibkey Dubbe marar badan waad ogtihiin waxa nasoo dhex-maray Dubbe gacaankii nimankii aan la dirirsanaa ay uu ka tirsanaa shantii sano ee lasoo dhaafay af hayeenkeedii ayuu u ahaa marka culeys halka as ka yimid aan u maleynayaa duulaanka uu Dubbe soo qaaday mid hadda nidaamka uu la socdo niyadeeda ah ma’aha,” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray "Waxa an rabaa inaan u sheego Dubbe cadka ina Odowaa cad fudud in uusan aheyn, cadka reer Muddugna in uusan cad fudud aheyn,”.
Intaas kuma ekaan Odowaa, wwuxuuna jaw aabtiisa sii raaciyey in Dubbe uu haatan malxiis ka yahay Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.
"Waxaan ogahay inuu malxiis ka yahay Aqal ka Sare, malxiisnimada ruuxeeda saa uga shaq eyn lahaa ayaan ka shaqeynayaa saacadaan wixii laga bilaabo” ayuu sii raaciyey.
Ugu dambeyn wasiirkii hore ee arrimaha gu daha Soomaaliya ayaa si ballaaran ugu mahad celiyey ergada dooratay iyo dhammaan taagee rayaashiisa. "Waxaan rabaa inaan idin mahad celiyo meel kasta oo aad adduunka ka joogta an daafihiisa kursigana waxaan damaa nad qa adayaa inaan ugu adeego dadka iyo deegaan ka,”.
Odowaa oo ka mid ahaa xubnaha mucaaradka ee ku jiray baarlamaankii 10-aad ayaa markale ka mid noqday xubnaha dib loogu doortay G/ shacabka Somaliya Xigasho:-caasimadda.net
Wiil Dhalinyaro Ah Oo Caan Ka Ahaa Bara ha Bulshada Soomaalida Oo Shalay Geeriy ooday
Allaha u naxariistee waxaa Shalay Isbit aal ka Digfeer ee M/Muqdisho ku geeriyooday Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Ism aciil Maxamuud Shidane, kaasi oo loo yaqaan ay Guddoomiyaha dhalinyarada Nabad iyo Nolol.
Wararka la helayo ayaa wa xaa ay sheegayaan in Marx uum Ismaciil Maxamuud uu maalmihii dambe ku xanuun sanayey Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, is la markaana xanuunkii ha ayay uu Isbitaalka ugu geeriyooday Shalay oo Axad ah.
Dad ku dhow Ehelka Ismaciil Maxamuud ay aa xaqiijiyay geeridiisa, waxaana ka tacsiyee yay geerida ku timid Ismaciil dadweyne faraba dan oo aad u yaqaanay Marxuumka oo ahaa Wiil dhalinyaro ah.
Ismaciil Maxamuud Shidane oo loo yaqaa nay Guddoomiyaha dhalinyarada Nabad iyo No lol ayaa waxaa uu caan ku ahaa inuu baraha Bulshada ku taageeri jiray dowladda Madax weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalena geli jiray Live Facebook.
Baraha Bulshada ku xiriirto gaar ahaan Fac ebook ayaa waxaa hareeysay tacsi loo dirayo Marxuum Ismaciil Maxamuud, qoyskiisa
iyo Asxaabtii uu ka baxay.
Villa Somalia Oo War Kasoo Saartay Geeri dii Ku Timid Wiil Caan Ka Ahaa Baraha Bulshada
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirty ehe lka, qaraabada, asxaabta iyo shacabka Sooma aliyeed ee uu ka geeriyoodey Marxuum Ismaa ciil Maxamuud Shidane oo Shalay ku geeriy oodey magaalada Muqdisho.
Qoraal kasoo baxay madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Marx uum Ismaaciil Maxamuud Shida ne, uu ka mid ahaa dhallinyara da firfircoon ee ka soo laabatay dalka dibaddiisa, isaga oo door weyn ka qaadan jiray wacyigelinta bulshada iyo hawlaha isxilqaanka ee dib loogu dhisayey dal ka. Warar la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Marxuum Ismaciil Maxamuud uu maalmihii dambe ku xanuunsanayey Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho, isla markaana xanuunkii haayay uu Isbitaalka ugu geeriyooday Shalay oo Axad ah.
Ismaciil Maxamuud Shidane oo loo yaqaa nay Guddoomiyaha dhalinyarada Nabad iyo No lol ayaa waxaa uu caan ku ahaa inuu baraha Bulshada ku taageeri jiray dowladda Madaxw eyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sidoo kalena geli jiray Live Facebook.
Baraha Bulshada ku xiriirto gaar ahaan Facebook ayaa waxaa hareeysay tacsi loo dirayo Marxuum Ismaciil Maxamuud, qoyskiisa iyo Asxaabtii uu ka baxay
Guddoomiyaha ONLF " Itoobiya waxay rab taa inay dhulkayaga sheegtaan, xaqiisana ayna noo oggolaan"
Guddoomiyaha Xisbiga ONLF Cabdiraxm aan Sheekh Mahdi Maadey, oo hadalo kooban ka soo jeediyay shir ay mucaaradka dowlad de gaanka Soomaalidu ku lahaayeen carriga ma raykanka, ayaa waxa uu ka war bixiyay xaalad da degaanka Soomaalidu ku sugan yahay, isla mar kaana waxa uu dhal iilo u soo jeediyay xuku umad da dow lad degaan ka Soomaalida iyo dow lad da dhexe ee federal ka Itoobiya.
Guddoomiyuhu wux uu sheegay in wixii isb addalka ka dambeeyay Soomaali ahaan aan si dii la rabay looga faa'ii dan, isagoo maamulka dowlad degaanka Soo maalida ku eedeeyay in uu ka gaabiyay halkii laga filayay, oo ahayd in uu wax badan ka qab to howlaha dhanka Amni ga, Maamulka, mida ynta Shacabka.
Iyo in dib u dejin loo sameeyo jabhaddii inta badan halganka ku jirtay, isla markaana mag dhaw lasiiyo dadkii kale ee iyaguna dhibaatadu ka soo gaartay dagaalkii mudada dheer dega anka ka socday, waa siduu hadalka u dhigay guddoomiyuhu.
Waxa kale oo uu sheegay guddoomiyuhu in Soomaalidu aysan waxba ka ahayn heer fed eral, isagoo yiri " Nalama xurmeeyo, qayb ku ma lihin xafiisyada federalka heerka u koreeya iyo kan u hooseeya midna, inyaroo af-dhabaan dhab ah oo hal iyo labo oo dadka la tuso mooy ee wax kale kuma lihin". " Maamulka federal ka ee degaankeenna jooga isna waa sidaasoo ka le waxaan ku leenahay waa fara ku tiris".
Waxa kale oo guddoomiyuhu sheegay in dowladda federalka Itoobiya aysan Shacabka Soomaalida u arkin kuwo dalka wax wax kuleh, isagoo guddoomiyuhu taa ka hadlayana waxa uu yiri " Itoobiya marka saddex loo qaybiyo mid annaga ayaa iska leh, xagga dadkana qolada saddexaad ayaan nahay, Khayraad haddii la yiraahdana qolada koowaad ama labaad ayaan noqonaynaa, marka iyadoo saas awaxay doo nayaan inay dhulkayaga sheegtaan oo ay yiraa hdaan Itoobiya ayaad tihiin, xaqiisana aysan noo oggolaan".
Ugu dambayn waxa uu guddoomiyuhu farriin u diray dowladda federalka Itoobiya, isagoo yiri " Haddaad wada ogoshihiin inaan wada noola ano si nabadgalyo ah, annagoo xaqayaga hela yna, waxeena maamulanayna, waxa la wa da leeyahayna si dhab ah uwada qaybsanay na, anaguna waan oggolnahay, haddii kalena ma wada joogayno waana xaqiiq taasi".
Hadallada Guddoomiyaha ayaa kusoo hag aagaya xilli mucaaradka degaanka Soomaalidu uu shir uga socdo carriga Maraykanka, isla mar kaana shirkoodaasi ay kaga hadlayaan xaaladda guud ee degaanka Soomaalida iyo dalka Itoobiya.
Tirada Qoysaska Soomaalida Ah Ee Sweden Carruurta Looga Qaatay Oo Korortay
Dalka Sweden ayaa waxaa isa soo taraya ti rada qoysaska laga qaato carruurta, waxaana sanad kasta hay’adda maareysaa carruurta ay waalidkood kala wareegtaa ugu yaraan 1000, iyadoona qoysaska carruurta laga qaato ay ku jiraan Soomaal ida dalkaas.
21-kii bishii December ee san nadkii 2021 dar aasad lagu sam eeyey Sweden ayaa lagu ogaaday in qoysas ka carruurta sida khasabka ah looga qaato waa lidkood ay u ba dan yihiin dadka muhaajiriinta ah ee dalkaas ku nool marka la barbar dhigo qoysaska u dhashay dalka.
Sababta keenta in waalidiinta carruurta loo ga qaato gudaha dalka Sweden ayaa aaneyn ayaan in dadka muhaajiriinta ee soo galootiga ah ay diidaan caawimo ay addeeggyada caruur tu bixiyaan.
Xasan Deri oo ah qareen la shaqeeya waal idka Carruurta laga qaato oo la hadlay VOA-da ayaa u sheegay in sababta waalidiinta Carruurt ooda sida khasabka ah looga qaato ay tahay in waalidka ay carruurta u geystaan Jir-jil muuqda iyo kuwa Maskaxda ah intaba.
Wuxuu intaas kusii daray qareen Xasan Deri in sidoo kale qoysaska ay Soomaalida ku jiraan carruurta yaryar looga qaato dayac ay ku sameeyaan carruurtooda oo ay siin waayan ad eegyada ay u baahan yihiin, isagoona xusay ar rintaas dowladda ay kala socoto Iskuulada ay dhigtaan carruurta oo Warbixino laga siiyo
Guddiga doorashada heer federaal oo hakiy ay kursi doorashadiisa la shaaciyay
Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa Shalay shaaciyay inay hakiyeen doorashada ku rsiga tirsigiisu yahay HOP#204, kaasi oo dee gaan doorashadiisa ay tahay maamulka Koofur Galbeed.
Guddiga FEIT ayaa sheegay in kursigaas ay cabashooyin is-da ba-joog ah uga gudbiyeen Mala aqa Guud iyo Samadoonada Bee sha Jar roon oo ah beesha iska leh kursiga HOP#2024.
"Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxa uu si xushmad leh ugu wargelinayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan qabashada doorashada kur sigaan inta laga xalinayo cabashada ka taag an,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay gudd iga.
Guddiga si faah-faahsan uma sheegin khal adaadka ka jira habraaca la soo gudbiyay, ay ada oo dhawaan uu guddiga doorashada Koon fur Galbeed uu shaaciyay doorashada kursigaas uu qabsoomi doono maalinta Salaasada ah ee 15-ka Maarso.
Kursiga HOP#204 ayaa waxaa lasoo wari naya in madaxweyne Lafta-gareen uu si gaar ah ugu xiray Wasiir ka tirsan golahiisa wasiira da, xili uu si weyn kursigaas u daneynayay san adihii lasoo dhaafay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Jaamac.
Qoraal Dorraad kasoo baxay guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa lagu sheegay in diwaan-gelinta musharaxiinta kuraas uu kamid yahay midka la hakiyay ay bilaabayaan maalinta barri ah.
Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee Guddiga FEIT uu hakiyo doorashada kursi, hase yeeshe waxaa la ogeyn sida ay amarkaan ugu hogaansami doonaan guddiga SEIT Koonf ur Galbeed, oo ayagu hore iskaga dhago tiray amarada guddiga dorashoyinka heer federaal.
Deni oo wafdi ka socda Beesha Caalamka kala hadlay doorashooyinka
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dei, ayaa qasriga Madaxtooyada ee M/ Garoo we ku qaabilay, Wefdi ay hoggaaminayso Ku-xi geenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Mido obey u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaamin ayso. Wafdiga uu Shalay qaabilay Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Wakiilka Midowga Europe ee Soomaaliya Tiina Intelmann, Wa kiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambass ador Francisco Madeira, Ku-xigeenkiisa Fiona Lortan iyo Ibraahim Mohamed Abdi oo ka so cda IGAD.
Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaal adda Soomaaliya gaar ahaan Doorashadda iyo Abaaraha, waxaana Madaxweynaha Kala qey bgalay Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gu daha, Qorsheynta, Shaqada iyo Shaqaalaha & Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland.
Aadan Faarax oo noqday qofka labaad ee ugu awoodda badan Xisbiga Barwaaqo ee haya talada dalka Itoobita
Shirwaynahii Xisbiga Barwaaqo ee haya tal ada dalka Itoobiya oo galay maalintiisii labaad, ayaa galinkii dambe ee Dorraad waxay xubnaha xisbigu ku doorteen Madaxwaynaha Xisbiga iyo labo ku xigeenno ah.
Abiye Axmed oo ah Raysal wa saaraha Itoobiya ayaa loo doortay inuu noqdo Madaxwaynaha Xisbiga Barwaaqo, halka ku xi geenno loo doortay Aadan Faarax iyo Demeke Mekonin.
Aadan Faarax ayaa horey xilal kala duwan ka soo maray dowladda Itoobiya, isagoo sidoo kale xilal kasoo qabtay dowlad degaanka Soom aalida iyo Ismaamulka Diridhabe ee dalka Itoobiya.
Aadan Faarax wuxuu noqonayaa shaqsigii u horreeyay ee Soomaali ah ee gaara mid kamid ah xilalka u sareeya ee dalka Itoobiya, isagoo yeelanaya awoodda labaad ee xisbiga haatan majaraha u haya dalka Itoobiya.
Maamulladii hore ee soo maray dalka Itoobi ya, Soomaalidu waxay ahaayeen kuwo inta badan aan helin wax xuquuq ah amase aan soo dhaafin dowlad degaankooda, inta badana waxaa dhici jiray in shirarka ama kulannada fad araalka ka socda ay ka ahaadaan dhagaysta yaal ama kasoo qayb galayaal un, aan talada dalka Itoobiya wax laga siin.
Balse wixii isbaddalkii ka dambeeyay Soo maalidu waxay noqdeen kuwo ka dhex muuqda siyaasadda dalka Itoobiya, isla markaana iyagu fadhiya miiska looga taliyo dalka Itoobiya, siduu hadda ka hor sheegay Madaxwayne Mustafe cagjar.
Dadka ka soojeeda dowlad degaanka Soo maalida ayaa bogaadiyay xilka Dorraad loo do ortay Aadan Faarax ee ah Madaxwayne ku xig eenka Xisbiga Barwaaqo, oo ah xisbiga haya talada dalka Itoobiya.
Puntland oo Gacanta ku dhigtay Nin dil u geystay laba Ruux
Ciidanka Booliska Puntland ee ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ay aa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Nin la gu Magacaabo Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer ina Caano boore kadib markii la gu Eedeeyay inuu gacantiisa ku dillay labo qof oo Shacab ahaa.
War kasoo baxay taliska Booliska Gobolka Mudug ayaa lagu sheegay in Mowliid Maxamuu d Nuur uu dilay Marxuumiinta lagu kala Maga caabi jiray Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse, kadibna uu baxsaday.
Sidoo kale Boolisku waxaa ay sheegeen in Mowliid Caano Boore uu in muddo ah ka mid ahaa dadka lagu raadjoogay, isaga oo ka ma qan gacanta laamaha Amniga xukun ku riday maxkamda darajada koowaad ee Gobolka Mud ug kadib markii lagu Eedeeyay inuu ka mid yah ay dadka ka ganacsan jiray maandooriyaha Khamriga.
Ciidamada Booliska Gobolka Mudug ee Pun gland kana howlgalla Magaalada Gaalka cyo ayaa bilihii la soo dhaafay waday howlgallo ka dhan ah Kooxaha ka Ganacsada waxyaabaha Maanka dooriya, iyaga oo dhowr jeer kula dag aalamay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Al-Shabab ‘oo weerar looga dilay’ 200 oo dagaal-yahan
Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn Sabtidii ka dhacday qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dal ka, gaar ahaan deegaanka Hareeri-Gubadle oo qiyaastii 20 KM dhanka Bari uga beegan Wa bxo. Weerarkan dhanka cirka ah ayaa waxaa si wadajir ah u fuliyey ciidamada Xoogga dalka iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka, iyada oo lagu beegsaday kooxda Al-Sha baab.
Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda federalka Soomaaliya ayaa waxaa la gu sheegay in duqeyntaas lagu laayey illaa 200 oo ka tirsanaa Xoogaga Al-Shabaab, isla-mar kaana ay ku jiraan saraakiil sar sare, sida lagu shaaciyey bayaanka ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Ma shaacin dowladdu xogta ragga lagu di lay weerarkaasi, magacyadooda iyo waxa ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab. Sidoo kale qora alka ayaa lagu sheegay in duqeymahan lagu burburiyey saldhigyo ay kooxdu ku laheyd ha lkaasi, isla-markaana lagu gaarsiiyey jab xoo gan.
Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda war ra smi ah oo ka soo baxay Mareykanka, gaar ah aan taliska AFRICOM oo ku aadan duqeymaha asi laga fuliyey Galmudug.
Al-Shabaab sidoo kale kama hadlin weerar kaasi cirka ah ee ay dowladda Soomaaliya sha acisay in looga dilay xubno badan iyo saraakiil sar sare.
Mareykanka ayaa dhowaan dib u bilaabay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya, kuwaas oo lagu beegsado xoogaga Al-Shabaab oo weli dagaal ka wada gudaha dalka.
Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay rag ku eedeysan inay katirsan yihiin Al-Shabaab
Maxkamada darajada kowaad ee ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa u fariisatey dh agaysiga dacwad loo haysto eedeysane Mar shaale Cabdule Xuseen oo magaalada baard heere ku diley marxuumad Cee blo Qorane Daahir dhaawacna u geystey Siciid Ismaaciil
Eedaysanaha oo ka tirsan ciidamada qalabka side kuwooda ka howlgala Magaalada Baardhe ere ayaa waxaa dhagaysiga maxkamada ka qe yb galey saraakiisha, saraakiil xigeenada Ciida mada Dowladda Maamulka Degmada ehelada marxuumada dhimatey iyo midka dhaawaca ah
Sidoo kale Maxkmada ayaa la horkeeney rag ku eedaysan in ay ka mid yihiin ururka Al-Shab aab, kuwaasi oo danbi kala duwan lagu soo qabtey
Maxkamada Ciidamada qalabka sida oo fuli naysa waajibaadkii loo aas aasay ayaa qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Gedo waxay ka wadaa maxkamadeyta ciidamada danbiyada kala duwan gala sida askarigii dila askari kale islamarkaana lagu helo dambigaasi in ay xuk unto kuwa bulshada rayidka dil u geysta ama lagu helo danbiyo kale in la maxkamadeeyo ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Maxkamadda.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 27aad ayaa dhowr jeer waxaa ay xukuno kala duwan oo isugu jira dil iyo xarig ku riday askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Gedo.
Xulka qaranka Soomaaliya oo bar-bar dhac la galay koox ka dhisan dalka Tanzania
Xulka qaranka Soomaaliya ayaa Habeen hore dalka Tanzania kulan saaxiibtinimo kula cayaaray kooxda Young Africans oo hoggaam ine ysa tartanka kubadda cag ta ee dalkaasi.
Kulanka oo ahaa mid xi isa badan ayaa ciyaartoo yda Somaliya waxaa ka muuqday dhiirr anaan, diy aar-ga row iyo isbeddel cusub, iyadoona uu hog gaam inayay macalinka cusub ee xulka Hendrik Pie ter De Jongh.
Ciyaartii Habeen hore ayaa ku dhammaa tay Somalia 1- 1 Young Africans. Xulka Somal iya waxaa goosha u dhaliyay Zakariya Xasan kadib markii caawin uu ka helay Yonis Faarax.
Xulka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya cayaaraha is-reeb-reebka koobka Africa Cup of Nations (AFCON) 2023. Xulka Soomaaliya ay aa wajihi doona xulka Eswatini wareega hor-u-dhaca ah ee is-reeb-reebka maalmaha soo soc da.
Cayaartooyda xulka qaranka Soomaaliya oo sannadkan u badan kuwo ka cayaara dalka dibadiisa ayaa magaalada Daarasalaam ee dalka Tanzania ay u noqon doontaa gurigooda oo ay ku martigeliyaan kooxaha kale, maadaa ma dalka Soomaaliya aan lagu cayaari Karin
kulamo heerkoodu sarreeyo
Wariye American ahaa oo lagu dilay dalka Ukraine
Wariye u dhashay dalka Mareykanka ayaa shalay lagu dilay Magaalada Irpin, oo dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Kiev.
rent Renaud ayaa u geeriyooday rasaas ay ku furayn Ciidamada Ruushka, sida ay xaqiijiyeen Sara akiisha Booliska ee Ukraine.
Taliyaha Ciidanka Booliska ee Kiev, Andriy Nebytov ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay dileen ninka Wariyaha, halka laba Saxafi oo kalena ay dhaawaceen, kuwaa oo loo qaaday goobaha caafimaadka. Juan Arredondo oo ka mid ah labada Wariye ee dhaawacmay ayaa sheegay in Ciidamada Ruushka ay rasaaseeye en, ka dib markii ay ka gudbeen bar kontorool, kuna sii jeedeen buundo kale oo magaaladaasi ku taala.
"Inagoo ku sii socono buundada kale oo aan ka gudubnay bar kontorool ayay rasaas nagu bilaabeen.” Ayuu yiri Juan Arredondo oo intaasi ku daray "Saaxiibkay Brent Renaud waxaa laga toogtay qaybta dambe ee qoorta.”
Brent Renaud oo 50 jir ahaa, ahaana filim sameeye ayaa horey uga soo shaqeeyay Wargey ska New York Times.
Waa Wariyihii ugu horeeyay oo ajnabi ah oo lagu dilo dalkaasi Ukrane, tan iyo markii uu Ru ushku weeraray,muddo18 maalmod laga joggo.
Golaha Ammaanka oo soo afjaray oggolaa shaha la dagaallanka burcad-badeedda Soomaalida
Golaha Ammaanka ee Q/Midoobey ayaa bisha an ka aamusey inay u cusboonaysiiyaan ruqsada uu hore u siiya Midowga Yurub ee ay ciidamadoo du kula dagaallamaayeen burcad-badeedda xeeb aha Soomaaliya.
Howlgalkan oo soo bilowday sanadkii 2008, ay aa Golaha Ammaanku aysan siin ahmiyad, ayada oo Midowga Yurub muddaba ay xusul duub ugu jireen sidii ay ruqsadda mar kale ku heli lahaay een.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u dalbatay in la afjaro howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida , kaas oo soo jiitamayay laga soo bil aabo sanadkii 2008-kii.
Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxa la waayay Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida, kuwaas oo meelo kamid ah Xeebaha Soomaaliya ka afduuban jiray Maraakiibta Shisheeye, hayee shee Kalluumeysatada Soomaalida ay ka cabana yaan maraakiib xaaluf ku haaya Xeebaha dalka Soomaaliya.
Iran oo weerar gantaallo ah ku qaaday xarun ay leedahay Israel
Ilaada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa sheegay inay gantaalo ku beegsadeen "xarun istaraatiiji ah” oo Israel ay ku leedahay Iraq kadib markii mas’uuliyiinta Kurdish-ka ay ku warrameen weerar gantaallo oo ka yimid xuduudda.
"Xarun istaraatiiji ah oo loogu talo-galay shirqoollada iyo xu Shalay Sahyuuniyadda ayaa wa xaa gantaallo la hagayey oo xo oggan ku beegsaday Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah,” ayaa la gu yiri bayaan lagu daabacay Sepah News, oo ah website-ka rasmiga ah ee Ilaalada.
Goor sii horeysay, ciidamada ammaanka gobolka Kurdistan ee Iraq ayaa sheegay in "toban gantaal oo ballistic” ah lagu beegsaday magaala da waqooyi ee Arbil, oo ay ku jiraan xarumo Mar eykan, kuwaas oo sababay waxyeello, balse aan gaysan khasaare xooggan.
Weerarkn oo saaka aroortii horey ka dhacay mag aalada Arbil ayaa yimid toddobaad kadib markii laba sarkaal oo ka mid ah Ilaalada Kacaanka lagu dilay weerar loo tiriyey Israel oo ka dhacay Syria.
Iraq, oo uu ka mid yahay gobolka Kurdistan, ayaa xarun u ah ciidamada Mareykanka ee hoggaamiy ey isbaheysigii la dagaalamay kooxda Daacish. Mareykanka ayaa xulufo weyn la ah Israel.
Ilaalada Kacaanka ayaa Talaadadii ka digay in Isr ael "ay bixin doonto qiimaha dambiga ay gashay.”
Bayaanka ay Shalay soo saareen Ilaalada ayaa lagu yir "Waxaan mar kale maamulka dambii laha ah ee Sahyuuniyadda uga digeynaa in wax yeelo kasta oo lagu celiyo ay wajihi doonto jawa abo adag, xanuun badan oo burbur leh.”"Waxaan sidoo kale u xaqiijineynaa qaranka Iran in amma anka iyo nabadda dalka uu khad cas u yahay ciidamada hubeysan ee Iran, oo aysan u ogo laan doonin in cidn aay halis geliso ama weer arto.”
Washington ayaa inta badan weerarada gantaalla da iyo Drone-ka ee l la beegsado danaheeda Iraq ku eedeysa kooxha Iran ee taageerto ee dalb anaya in ciidamada Mareykanka ay ka baxaan Iraq. AFP + VOA
Hay’adda UNHCR oo sheegtay in 2.9 Milyan oo Soomaali ah ay u baahanyihiin gurmad bini'aadantinimo
Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sare u qaadaysa gar gaarka ay u fidiso kumanaanka qof ee ka barak acay abaaraha ba’an ee ka jira Soomaaliya.
Saddex xili roobaad oo xiriir ah ayaa la waa yay roobka taas oo xaalufisay dalagyadii, iyada oo xoolahuna ay waayeen baad iyo biyo. Hab abkii dadku ay taas ula qabsan lahaayeen ayaa meesha ka baxday, waxaana kumanaan kun ay ku khasbanaadeen inay ka cararaan guryahoodii iyagoo raadinaya gargaar bini'aadantinimo oo ay ku jiraan cunto, hoy, iyo biyo nadiif ah oo la cabbo.
Keliya toddobaadkii ugu horreeyay ee bisha Maarso, in ka badan 17,000 oo qof oo ku nool go bollada koonfureed ee dalka ayaa ku barakacay abaarta, kuwaas oo ku biiray tobanaan kun oo qof oo sidan oo kale ugu barakacay guud ahaan dal ka intii u dhexeysay bilihii January iyo February ee sannadkan.
Hay’adda UNHCR ay aa qiyaaseysay haddii xaa ladda sidan ay sii ahaato sannadkan in suur togal tahay in nus milyan qof oo Soomaali ah ay barak acaan ka hor dhammaadka Maarso.
Dadka abaaraha ka barakacay ayaa intooda badan ah caruur, dad waaweyn, hooyooyin uur leh iyo kuwo carruur nuujiya. Qoysaska soo Bara kacay ayaa maalmihii la soo dhaafay imaanayay xarumaha magaallooyinka iyo xeryaha ay ku jiraa dadkii horay usoo barakacay. Hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sannadkan 2022 u baahan lacag dhan US$157.5 milyan si ay u gaa rsiiso gargaar ku dhawaad 2.9 milyan oo qof oo ku barakacay gudaha Soomaaliya, kuwaas oo 40,000 oo kamid ah ay yihiin qaxooti soo laabtay, 31,000 waa qaxooti iyo magangalyo doon, iyo ilaa 15,000 oo ah dad cusub oo ka yimid Itoobiya iyo dalal kale.
Al-Shabaab oo weerar ku dishay QOF Shiinees ah
Shan qof oo uu ku jiro qof Shiinees ah ayaa la gu dilay, saddex kalena waa lagu dhaawacay wee rar ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday goob dhis me uu ka socday oo ku taalla gobolka xeebta Kenya, sida ay sheegeen booliska.
Weerarkan ayaa Jimcihii ka dhacay Lamu, oo ku dhow xuduudda Kenya ay la wadaagto Sooma aliya.Shaqaalaha la weeraray ee ayaa dhisayey buundada waddo dekedda Lamu ku xirta South Sudan iyo Ethiopia, markii weer arka lagu soo qaaday, waxaana dhintay afar ka mid ah sida lagu sheegay warbixinta booliska.
Qof kale oo waddada marayey oo saarnaa mooto ayey sidoo kale xabadda hal eeshay oo dhintay, ayey warbixinta intaas ku dartay.
Mas’uuliyadda weerarka ayaa wxaaa sheeg tay xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya, oo khas aaraha dhimashada ku sheegtay lix qof oo Ken yan ah iyo qof Shiinees ah.
""Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Lamu ku dilay 6 qof gaalo Kenya an ah iyo qof Shiinays ah,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al-Shabaab.
Gobolka Lamu oo ka mid ah meelaha dalxiis ka caanka ku ah ee Kenya ayaa waxaa marar badan ka dhacay weeraro iyo qaraxyo ay fulisay kooxda Al-Shabaab.
Ruushka oo weerar dareen dhaliyay ka gays tay meel ku dhow xuduudda Poland
Ciidamada Militariga Ruushka ayaa Shalay duqayn xoogan ka gaystay galbeedka fog ee dalka Ukraine, waana meel ku dhow xuduudda dalka Poland.
Militariga Ruushka ayaa bartilmaame edsaday Xerada Ta babarka Ciidam da ee Yav oriv, taa oo kol hore ay Ukr aine u ad eegsan jir tay dhoola-tusyada wadajirka ah, ee ay la sameyn ayso Gaashaan buurta NATO.
Muuqaalo laga soo qaaday xeradaasi ayaa muujinaya in Cii damada Ruushka ay gebi ahaan ba burburiyeen xeradaasi, uuna isa soo tarayo khasaaraha nafeed ee weerarkaasi ka dhashay.
Saraakiisha Ukraine waxay sheegeen in 35 qof ku dhimatay duqayntaasi, halka 134 kalena ay ku dhaawacantay, isla-markaana uu khasaaraha dhimashada intaasi ka badan karo.
Saraakiisha ayaa sheegaya in Ciidamada Ruu shka ay illaa 30 gantaal ku dhufteen Xerada Yav oriv, oo ku taala Magaalada Lviv.
Oleksii Reznikov, Wasiirka Difaaca Ukraine ay aa sheegay in tababareyaal ajaaniib ah ay ka sha qeynayeen xeradaasi, wax macluumaad ahna aysan ka hayn, haddii xilligii duqaynta dhaceysay ay ku sugnaayeen iyo in kale.
Duqa Magaalada Lviv, Andriy Sadovyy ayaa sheegay inaysan Ciidamada Ruushka u suurta geli lahayn in duqayntan gaystaan, haddii Midow ga Yurub uu kol hore xiri lahaa hawada Ukraine.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya, maalin uun ka dib, markii Ruushka uu sheegay inay si dhow ula socdaan kolonyo hub sida oo ka yimid gal beedka, kuna soo wajahan Ukraine. Moscow wa xay sheegtay inay sharci u leedahay burburinta kolonyada hubka sida.
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Di badda Ruushka, Sergei Ryabkov ayaa sheegay in Mareykanka ay uga diggeen hubka ay Wadam ada Reer Galbeedka u soo gudbinayan Dowladda Ukraine, ayna u sheegeen sharciga uu militarigo oda u haysto bartilmaameedyada kolonyadaasi.
Weerarkan oo noqonayo kiisii ugu horeeyay ee Ruushka uu ka gaysto meel ku dhow xuduud da Poland ayaa lagu macneeyay mid uu kaga hor tagayo qorshaha Reer Galbeedku ay hubka ugu soo dusinayaan Ukraine, iyadoona uu weerarkan dareen ku dhaliyay Reer Galbeedka.
HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 14-KA MAR. 2022-KA
..