Xulka qaranka Soomaaliya oo bar-bar dhac la galay koox ka dhisan dalka Tanzania

1
Sunday March 13, 2022 - 16:37:07 in Wararka by
  • Visits: 2736
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka qaranka Soomaaliya oo bar-bar dhac la galay koox ka dhisan dalka Tanzania

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Axad, Maarso, 13, 2022 (HOL) - Xulka qaranka Soomaaliya ayaa xalay dalka Tanzania kulan saaxiibtinimo kula cayaaray kooxda Young Africans oo hoggaamineysa tartanka kubadda cagta ee dalkaasi

Kulanka oo ahaa mid xiisa badan ayaa ciyaartooyda Soomaaliya waxaa ka muuqday dhiirranaan, diyaar-garow iyo isbeddel cusub, iyadoona uu hoggaaminayay macalinka cusub ee xulka Hendrik Pieter De Jongh.


Ciyaartii xalay ayaa ku dhammaatay Somalia 1- 1 Young Africans. Xulka Soomaaliya waxaa goosha u dhaliyay Zakariya Xasan kaddib markii caawin uu ka helay Yonis Faarax.

Xulka Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya cayaaraha is-reeb-reebka koobka Africa Cup of Nations (AFCON) 2023. Xulka Soomaaliya ayaa wajihi doona xulka Eswatini wareega hor-u-dhaca ah ee is-reeb-reebka maalmaha soo socda.

Cayaartooyda xulka qaranka Soomaaliya oo sannadkan u badan kuwo ka cayaara dalka dibadiisa ayaa magaalada Daarasalaam ee dalka Tanzania ay u noqon doontaa gurigooda oo ay ku martigeliyaan kooxaha kale, maadaama dalka Soomaaliya aan lagu cayaari karin kulamo heerkoodu sarreeyo.
thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail


Astaan Sports




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip