
HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA MAR. 2022
.
Wasiirka Arrimaha Dibadda oo La Kulmay Xoghayaha
Jaamacadda Carabta
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Ca alamiga, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa kula kulmay Xarunta Jaamacadda
Carabta ee M/ Qaahira Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Car abta, Ahmed Aboul Gheit,
iyadoo uu goobjoog ka ahaa Danjire Ilyas Sheikh Omar, Safiirka JFS ee Masar ahna Ergeyga Joogtada ee Jaamacadda
Carabta.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga
Ca alamiga iyo wafdiga socdaalkiisa ku wehliya ayaa beri oo Arbaco ah kaga
qeybgali doona M/Qaah ira Shirka Wasiirada Arrimaha Dibadda Carbeed meertadiisa
caadiga ah ee 157aad.
Wasirka Qorsheynta XFS oo qaabilay wakiilka Soomaaliya
ee hey’adda QM u qaabilsan Carru urta iyo waxbarashadd ee UNICEF
Kulanka ayaa diiradda lagu saa ray
xaqiijinta ballan qaadyada deegaanka ee 2.0, mashaariic da fayadhowrka iyo
nadaafad da ee gobolka Banaadir iyo hirgelinta hindisaday aasha ay dowladdu
hormuudka ka tahay ee saxn aanta xogta iyo dhisidda wadajirka si dalka loo
gaaro horumar waara.
C/C/ Sharma’arke: Dalkaan doorasho kama dhaceyso
haddii aan ra’iisul wasaare…
"Dad aan lahayn dhabar mas’uuliyad lagu
qaa do ayuu waddanka u gacan galay oo meesha ay nu taaganahay ayay na gaarsiiyeen,
waa in shaqs iga uu yaqaanaa Cidda berri aad hiilada uga baah an tahay,
Khibraddu wax sahlan ma aha” ayuu yiri Md. Cumar Cabdirashiid.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo
hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dalku u baahan yahay bad-badaado iyo dad u
istaaga, si looga gudbo xaa ladda kala guurka ah ee lagu daahay.
Sharmaa’arke ayaa tilmaamay inay muhiim
tah ay in mar kasta lala fal-galo dabaylaha dunida ka socda iyo isbeddalaya
dhacaya.
"Qofka waa in lagu qiimiyaa krtidiisa,
sida uu dadka isugu heyn karo, lana falgeli karo dabayla ha dunida ka socda ee
xaaladaha qasan, Dalka haddii aan Shalay la isugu tagin inta miirka qabta waxa
uu u gacan galayaa Dad aan dan ka lahayn oo wixii loosoo maray waxa ay
noqonayaan mac no darro” ayuu markale yiri
ra’iisul wasaare Sharmaa’arke.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli
is mariwaa ka taagan hannaanka doorashada oo marar badan dib u dhacday, kadib
murano xoog an oo hareeyey kuraasta baarlamaanka.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka oo kulan la ye eshay
madaxa howlgalka midowga Yurub ee Soomaaliya
Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliye
ed Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Shalay oo arbaco ah xafiiskiisa ku
qaabilay madaxa cus ub ee howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya Gen.Viglietta.
Guddiga doorashooyinka Heer Fedaraal oo ha kiyay
Doorashada sadax kursi oo ka mid ah ku raasta Baledweyne taala
Guddiga doorashooyinka Heer Fedaraal ayaa
ku dhawaaqay in la hakiyay qabashada doorash ada sadax kursi oo ka mid ah
kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay M/Baledweyne.
War qoraal ah oo kasoo baxay guddiga
Doora shooyinka Heer Federaal ayaa lagu sheegay in bulshada Soomaaliyeed iyo
Daneeyeyaasha Doorashada ay ku wargelinayaan in la hakiyey kura asta tirsigoodu
kala yahay HOP 010, HOP 030, HOP 066, inta laga saxayo habraacoo da doorashada.
Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambey sa
in guddiga heer Fedaraal uu hakiyo doorash ada sadaxdan kursi oo Shalay qaar ka
mid Mu sharaxiinta u tartameysa la diiwaan galiyay, wax aana wararka qaar ay
sheegayaan in madaxwey ne Guudlaawe uu ka dalbaday guddiga heer Fedaraal iney
hakiyaan doorashada sadaxdaan kursi.
Puntland Oo Gacanta Ku Dhigtay Doon Si Sharci Darro Ah
U Kalluumeysaneysay
Wasaaradda kallluumaysiga iyo
khayaraadka Badda Puntland oo kaashanaysa ciidamada Ba dda Puntland (PMPF) ayaa
gacanta kusoo dhig tay Dooni kalluumaysi oo si sharci daro ah uga
kalluumaysanaysay xeebaha Puntland.
Wasiirka kalluumaysiga iyo Khayraadka
Bad da Puntland Dr. Rashiid M. Yuusuf ayaa isaga oo dhiirigelinaya ciidanka ilaalada xeebaha
iyo shaq aallaha wasaaradda waxa uu dul tegay Doonida ay ciidanku soo qabteen.
Kormeerkaan waxaa ku weheliyey Wasiirka
Agaasim aha waaxda hormarinta kallu umaysiga Sumayo Jaamac Maxamed, Isu-duwaha
wasaaradda kalluumaysi ga ee gobalka Bari Axmed Cafash iyo khuburo katirsan
wasaaradda.
Wasiirka ayaa la tusay Dukumiintiydda
ruqsa da ee Doonta oo ah mid la dhaafay xiligii sharcigu siinayey inay ku
kalluumaysato taasi oo xad gu dub ku ah sharciga ogolaanshaha kalluumaysiga ee
xeebaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland Saciid C/hi Deni
iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan ayaa horay u sheegay in Maamulka xooga
saari doonto sidii loola dagaalami lahaa kalluumaysiga sharcidara da ah si loo
ilaaliyo khayraadka ku jira Badda.
Fiqi oo ku dhowaaqay inaanu mar kale isku sharxeyn
kursiga HOP#38 + Sababta
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ka mid
ah xildhibaanada ugu caansan baarlamanka muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ku
dhowaaqay in aanu mar kale u tarta mni doonin kursiga HOP#38 ee uu ku fadhiyo.
Fiqi ayaa shanti sano ee lasoo dhaafay ka
mid ahaa xildhibaanada sida weyn u mucaarads an madaxweyne Farmaajo, waxayna
dhowaan is ku dhaceen madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor. Kursiga HOP#38
ayaa yaalla Gaalk acyo.
Hoos ka Aqriso qoraal uu soo saaray Fiqi
Waxaa maalmihii la soo dhaafay oo dhan
xirii ro kala duwan ila soo sameeyey asxaab badan & qaar ka mid ah
taageerayaashayda, gaar aha an arrinta la xiriirta u tartamidda kursiga HOP #038
ee aan ku fadhiyey.
Marka koowaad waxaaan u mahadcelinayaa
asxaabtayda iyo qaraabadaba, waxaana rabaa inaan la wadaago inta aan ogeyn
inaanan u tarta mayn kursigaas saandkaan arrimo ii gaar ah aw good iyo anigoo
naftayda u Quuri waayey in aan hoos-fariisyo geed dulli nimo kursi-doon awgii
iyo dhanka kale siyaasaddu in aysan ahayn oo kaliya barlamaanka oo xubin laga
noqdo.
Waxaan kursigaas ku matalayey barlamaankii
10-aad dad iyo deegaankii ii soo igmaday iyo qar anka Soomaaliyeed, wuxuuna
kursigaasi ahaa mid tilmaaman, lagu matalayey aqoon, aragti si yaasadeed oo xor
ah iyo dulqaad, waxaana ka mid ahaa xildhibaanadii fara ku tiriska ahaa ee kal igitaliska
tooshka ku ifiyay inta uusan ficilooyin kiisii gurracnaa la soo bixin.
Wuxuu ahaa kursi lagu ilaaliyo Soomaalinima da,
qaddiyadaha umadda Soomaaliyeed u taagan yihiin iyo mid lagu saxo taliska Villa
Somalia.
Waxaan deegaankii iyo dadkii aan ku
malatla yey ee Cabdalle Sacad uga mahad celinayaa wad ashaqaynta,
walaaltinimada iyo dulqaadka ay ii muujiyeen mudadii aan ku matalayey
kursigaas, Anigoo soo dhowaynaya in afarta sano ee soo so cotana ay u doortaan
(ee aan loo doorin) qof si sharaf leh ku matala, ilaalinaya magacooda, isla
markaana qeyb ka noqda dabaysha isbedelka ee
dalka ka socota. Wabillaahi Tawfiiq.
Is-Faham Laga Gaaray Khilaafkii Soo Kala Dhex-Galay
Madaxweyne Guudla awe Iyo Daba-Geed
Khilaafka Madaxda ugu horreeysa ee Hirshab eelle
ayaa salka ku haayay doorashada kuraas ka tirsaan Golaha Shacabka ee taalla
Baladweyne, waxaana khilaafka uu sab abay in Shalay Guu dlaawe uu go’aansaday
inuu dib ugu laabto Mag aalada Jowhar, balse uu ka ba aqday safarkaas.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa
xaqi ijiyey in Madaxweyne Guudlaawe iyo Yuusuf Da ba-geed ay ku heshiiyeen in
kuraasta doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee har san laga dhigo
kuwa furan, si loogu tartamo.
Madaxweyne Cali Cabdullaahi
Xuseen Guudlaa we ayaa Shalay la filayey inuu dib ugu laabto M/Jowhar, waxaana
sababta lagu sheegay inay aheyd in xal laga gaari waayey khilaafka labada
dhinac soo kala dhex-galay, balse haatan heshiis laga gaaray.
Si kastaba M/Baladweyne ee Xarunta G/Hii raan
ayaa waxaa maalintii Dorraad aheyd ka dhac ay dagaal sababay khasaaro isugu
jira dhimasho iyo dhaawac, kaasi oo salka ku haayay khilaafka ka dhashay kuraas
ka tirsan G/Shacabaka…
Yuusuf Dabageed Oo Markii Ugu Horreysay Ka Hadlay
Khilaafka Kala Dhexeeya Cali Guudlaawe
Madaxweyne ku xigeenka HirShabelle Yusuf
Ahmed Hagar Dabageed ayaa ka jawaabay war arkii maalmihii ugu dambeyay la isla
dhex-ma rayay ee ku aaddanaa in khilaaf xooggan uu u dhexeeyo isaga iyo
Madaxweynaha maamulkaa asi Cali Guudlaawe Xuseen.
Waxaa uu intaasi ku daray in
uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya labadooda, isagoo intaa ku daray in
go’aan kasta uu leeyahay Madaxweynuhu.
Jawaabta Dabageed ayaa timid
ayada oo Mada xweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare uu sheegey in
madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe uu muujiyey niyad wanaag iyo in
doorashada si furan loogu tartamo, balse ay jira an xubno ka mid ah maamulka oo
la shaqey naya Villa Somalia.
Guddiga Doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka
qabashada doorashada 3 kursi oo
Gaalkacyo lagu dooran ayo
Guddiga doorashada maamulka Galmudug ay aa soo saaray habraaca qabashada
doorasha da sadax kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha sha cabka ee deegaan
doorashadoodu tahay magaa lada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Kuraasta jadwalka qabashada doorashadoo da
la shaaciyay ayaa kala ah HOP 038, HOP 069, HOP 095, waxaana kuraastaasi ku
fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odaawaa,
Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdik ariin Khaliif Dhalac.
Hoos
ka akhriso jadwalka oo dh ameystiran:-
Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka,
Gen eral Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa Shalay isaga tagay Magaalada
Gaalkacyo ee Go bolka Mudug, ka dib markii si buuxdo loogu diiday inuu u tartamo
kursiga #HOP020.
Guddiga Doorashada Galmudug oo uu gadaal
ka riixayay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa kursigan ka dhigay
qoondo dumar Taliy ihii hore ee
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Gaalkacyo u yimid, sidii uu ugu tartami lahaa doorashada
kursigaasi.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya inaysan Guddiga
Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal iyo Xa fiiska R/Wasaaraha XFS,Md.Maxamed
Xuseen Rooble waxba ka qaban cabasho ay u soo gud biyeen odayaasha beesha
kursigaasi iska leh.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa hal habeen ka hor
Magaalada Gaalkacyo kula kulmay odayaa shaasi, isagoona u sheegay inaanan laga
noqon doonin, sidii kursigaasi loogu xiray haweenka.
Habeen hore, odayaasha oo u yeeray General
Indha-qarshe ayaa ku samir-siiyay in waxa dalka ka soc daa aysan doorasho ahayn
oo kuraasta la boob ayo.
Intaasi ka dib jananka ayaa Madaxweynaha
ku booqday Xarunta Madaxtooyada, waxaana uu u sheegay inuu isaga ambabaxayo
magaalada, isagoo welibana xaq u leh inuu u dagaalamo kur siga uu reerkiisu leeyahay.
Saraakiisha ku dhowdhow Madaxweyne Qoor qoor
waxayse sheegayaan in kulanku ahaa mid ay dhinacyadu isu cafinayeen.
Doorashadan ayaa la fahamsan yahay in doora
shooyinkii hore ee dalka laga qabtay kaga duwan tahay, iyadoo beeluhu aysan u
madaxbanna anayn kuraastooda.
Jubbaland oo maamulka gobolka Gedo ku eedeysay in ay
Garbaaheey u diideen guddigii raysal wasaaruhu magacaabay
Jubbaland ayaa ku eedeysay maamulka gobolka
Gedo inuu awood ciidan u adeegsaday wefti raysal wasaaruhu usoo magacaabay inay
qiimeyn ku sameeyaan doorashada Garbahaareey.
Wasiiru dowlaha amniga Jubbaland
Maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in tagniko dagaal iyo ciidamo la geeyay
garoonka diyaaradaha ee Garbahaareey si
looga hortago imaanshaha guddiga.
Wasiirku wuxuu ku tilmaamay
arrinta ka dhacday gobolka Gedo arrin iska cad oo la doonayo in Jubbaland la
galiyo colaad iyo qalalaase islamarkaana
la doonayo in Jubbaland oo Garbahaareey ka maqan la qabto doorasho aan
sharciyad haysan, sida uu hadalka u dhigay.
"Garoonkii waxaa la galshay
gaadiidka tegniko ah. Xitaa waxaa la diiday in diyaaradaha rayidka ah ay kasoo
dagaan garoonka. Shacabkii oo afduuban baa la bannaan bixiyay. Sharciyadii
dalka gacantaa lagu qaatay. Midaasna ma ahan wax shaqeynaya,"ayuu yiri
wasiir udowlaha amniga Jubbaland.
Kaliil wuxuu dowladda federalka
ku eedeeyay in aysan diyaar u ahayn inay fuliso heshiiskii doorashada gobolka
Gedo, oo ah in maamulka Jubbaland loo madax bannaaneeyo doorashada gobolka
Gedo.
Dhinaca kale maamulka Jubbaland
ayaa lagu eedeeyay inuu laftiisa qeyb ka yahay arrimaha ka jira gobolka Gedo.
Waxaa madaxweynaha Jubbal and uusan weli soo magacaabin guddoomiyihii degmada
Garbahaareey ee bulshadu ugudbisay.
Golaha Ammaanka oo loo gudbiyay qorshaha cusub ee
howlgalka AMISOM Somalia
Howlgalka Midowga Afrika ee
Soomaaliya (AMISOM) ayaa ka kooban 20,000 oo askari, booliis iyo dad rayid ah,
kuwaas oo loo xilsaaray inay taageeraan dowl adda Soomaaliya ee dagaalka ay
kula jirto Al-Shabaab.
Hawlgalka AMISOM ayaa ku eg 31-ka Maar so,
laakiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Mid oobay ayaa la filayaa in 30-ka bishan
March ay u codeeyaan in AMISOM lagu beddelo howlgalka cusub ee Midowga Afrika
ee Soomaaliya (AT MIS).
Xoghayaha Q/M.ayaa intaas ku daray in
sida uu qorshuhu yahay, dhimista ugu horreysa ee ATMIS ee 2,000 oo askari aysan
bilaaban doonin ilaa iyo wixii ka dambeeya bisha Diseembar 2022, iyada oo
tirada mid ka badanna la dhimi donoo marxaladaha kale ee bixitaanka.
"Waa muhiim in tirada askarta ee hadda
jirta aan la dhimin illaa dhammaadka wejiga koowaad, si loo hubiyo in guulihii
adkaa ee la gaaray la ilaa liyo, lana oggolaado dib u habeynta howlgalka,
iyadoo aan la carqaladeynin amnig hadda jira,” ayuu Guterres ku sharaxay
warqaddiisa.
Iyadoo AMISOM ay si gaar ah u maalgeliyaan
Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub, had dana warqadda Guterres ma sheegin
maalgelinta gaarka ah ee howlagalka cusub ee ATMIS.
"Waxaan ka codsanayaa beesha caalamka inay sii wadaan taageeradooda,
dhaqaale ku filanna la siiyo ATMIS iyo ciidamada ammaanka Soomaali ya, iyo
sidoo kale in la siiyo awoodo gaar ah,” ay uu yiri Guterres, isagoo intaas ku
daray inuu uga mahadcelinayo deeqaha ay xilligan saaxibada Soomaaliya ku
bixinayaan.
Hindisahan ayaa la filayay in lasoo
gaba-gabe eyo sannadkii hore, laakiin khilaaf weyn oo u dhe xeeyay Soomaaliya
iyo Midowga Afrika dartiis ayaa dib u dhigay, iyadoo qorshahan dhawaan la isku
afgartay, sida ay sheegeen diblamaasiyiintu.
HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH KHAMIIS 10-KA MAR. 2022
.