XAGEE NALOO WADAA???.

0
Monday May 02, 2016 - 20:29:19 in Maqaallo by
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XAGEE NALOO WADAA???.

    KURSIGA : Dadka qaar ayaa FB ku soo qoro musharixiin u badan kuwa asalkoodo soomali yahay.ayaga oo ku leh kee baad dooran laheed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

KURSIGA : Dadka qaar ayaa FB ku soo qoro musharixiin u badan kuwa asalkoodo soomali yahay.ayaga oo ku leh kee baad dooran laheed.
Horta ogaaw adiga iyo aniga midna ka mid mahan kuwa wax dooranayo,xataa kuwa noqon doona xildhibaanada mustaqbalku ma laha xoriyad wax doorasho ee hunguri iyo handadaad ayaa hageeysa. Kursiga la isku haysto ma ahan kan sawirka (A) ,waa midka (B) ee madawga ah oo wadamada itoobia,Kenya iyo wadama sadaxaad oo danleey ahi iskuheeystaan qofka ku fadhiisan doona oo eeyaha AMISOM na ku ilaalin doonaan.
13124845_1108168669224865_8810080126872708709_n


Waxaana badanaa maqalnaa hebel waa is hubaa oo wadankaa ayaa wata ee ma ahan Somali ayaa wadata.adiguna ma xuli kartid shuruuduna waa isbadalee.kursiga daahirka ah waa kii somaliyu xushu,kan nacaladu ku taal waa kan eeyuhu ku dirirayaan.

13087692_1108168822558183_5133133381805208480_n
QAXA: Dhinyaro badan ayaa beryahan ku dhimatay tahriib. Maxeey u tahriibeen. Ma ahan qaxooti dhaqaala doon ah ama dagaal ka cararay ee wax ay u qaxeen in ay soo buuxiyaan shuruudaha shaqada looga heli karo Somalia oo ah in aad heeysato paasport reer galbeed ah.

Haddii iyaga oo jooga la siiyo passport kaa waa iska joogi la haayeen oo shaqo ayeey ku raadsan la haayeen.inkstoo shuruudu isbadali karto oo mar dhaw Passporkaa shuruud kale la daba dhigay. Usbuucii hore waxaan fiirinayay Bogga xayeesiinta shaqada ee hayadaha caalamiga ah ee ka howlgala Somalia ,kuwaa oo ku xiray shuruud cusub shaqada banaan, waxaan arkay 2 jago oo ka banaaneed Baladweyne qofka soo dalbanayo waa inuu yaqaan afka ingriiska iyo amxaariga, isla boggaa waxaa ku qoraa 3 jago oo ka banaaneed Baydhabo isla shuruudaa ayaa lagu xiray, hal jago oo ka banaaneed jubada hoose waxaa shuruuda ka mid ahaa luqada ingriiska iyo sawaaxiliga, tan kale ee jowhar ka banaaneed waxaa lagaa rabaa ingriis iyo faransiis.( waa dhab ) Anigu shuruudahaa iyo kan passporkaba ma buuxi karo.adiga ma ogi,qorba joog badana luqadaha amxariga iyo sawaaxiliga ayeey ku dhici doonaan.Mustaqablkana waxaan ka baqaa in xildhibaan nimada iyo xilalka sare lagu xiro shuruudaa luqada iyo wax kale. XAGEE NALOO WADAA???


Qore. Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip