HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGYESKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH ISNIIN 7-DA MAR. 2022
.
Farmaajo oo Shalay la kulmaya
Amiirka dalka Qatar
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu
dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Habeen hore ku hoyday dalka qatar
ayaa Shalay halkaasi ka bilaabaya kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha
Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in
saacadaha soo socda ee Shalay ah uu kulan la qaato amiirka dalka qatar Sheekh
Tamiim Bin Xamad Al Thaani.
Bishii November ee sanadkii tegay
ee 2021 ayaa Madaxweyne Farmaajo uu la kulmay Amiirka dalka Qatar xilli uu
booqday dalkaas, waxaana booqashada uu halkaasi ku tegay ay ku beegmeysaa xilli
lagu guda jiro waqti doorasho, isla markaana dowladda Qatar ay saameyn weyn ku
leedahay doorashada Soomaaliya.
Guddiga qiimeynta doorashada Garbahaarey oo warbixin u
gudbiyey Rooble
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay guddiga uu u
xil-saaray qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee
Garbahaarey.
Ra’iisul wasaaraha ayaa xubnaha
guddiga ka dhageystay warbixin ku saaabsan socdaalkoodii Kismaayo iyo qorshaha
safarka guddigu ku tagayaan Garbahaarey, si ay wadatashiyo ula soo yeeshaan
qeybaha kala duwan ee bulshada.
Waxay sheegeen xubnaha guddigaas
in xog uruurin ay ka soo sameeyeen Kismaayo, iyagoo maalmaha soo socda ku
wajahan magaalada Garbahaarey, si rabitaanka bulshada magaaladaas ay ugu
kuur-galaan.
Waxaa xusid mudan in war-murtiyeed
Sabtidii Dorraad ka soo maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada magalaada
Garbahaarey ay ku cadeeyeen in guddigaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble u
xil-saaray qiimeynta doorashada magaaladaas uusan tegi karin Garbahaarey. Sidoo
kale reer Garbahaarey waxay sheegeen in wax aan aheyn guddiyada doorashooyinka
heer federaal iyo xalinta khilaafaadka aysan u ogolaa doonin inay tagaan
degmada Garbahaarey, iyagoo Ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqay in doorashada
kuraasta Garbahaarey uusan ku eedoobin.
Cumar Filish Oo Mar Kale Digiin U Diray Dad ka Ku
Hawlan Ka Ganacsiga Maandooriyaha
Munaasabadan ayaa waxaa goob joog
ka ahaa xildhibaanada laba aqal ee heer
federal Gu doomiyaasha degmoo yinka iyo, agaasimayaal katirsan dowlada hoose ee
Xamar, saraakiil Amni iyo qeybaha bulshada rayidka.
Gudoomiye Cumar Filish oo la dardaarmaye
bulshada Caasimadda iyo maamulada deg mooyinka ayaa waxa uu sheegay in Maan dooriyaha
uu halis ku yahay jiritaanka umadda iyo xasiloonidii magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka
Gobolka Banaadir ay laba jibbaareen la dag aalanka maandooriyaha, ayna gacanta
kusoo dhi geen goobo ka mid ah Caasimadda oo lagu iibin jiray noocyada kala
duwan ee maandooriyaha.
Waxaana uu digniin culus u diray dadka ku
howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada, taasi oo dhibaato weyn ku haysa
bulshada Caasimadda.
Shir looga hadlayay Abaaraha oo ka dhacay Muqdisho
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda
xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen
Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.
Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray
dardar gelinta howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu
saameysay.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka
Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu baaqay Guddiga inay
dardar geliyaan howlaha loogu gurmanayo dadka ay saameeysay abaarta.
Degaano iyo degmooyin kamid ah
Soomaaliya ayaa xilligaan dadka iyo Duunyada kunool waxaa saameeysay abaar
daran oo kajirta, iyaga oo aan helin gurmadkii loo baahnaa.
Xukuumadda Somalia oo ka hadashay qiimo kororka ku
yimid Shidaalka
Iyada oo maalmihii la soo dhaafay
sicir barar xoogan laga dareemayay qiimaha la iibiyo Shidaalka Magaalada
Muqdisho ayaa waxaa war kasoo saartay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaraadda
Ganacsiga & Warshadaha ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa kagu sheegay inay
si dhow ula socdaan qiimo kororka ku yimid shidaalka Caalamka, isla markaana la
dadaal ku bixinayaan la
socodka isbadalka iyo qiimo
kororka ka jira suuqyadda Caalamiga ah ee uu sababay
Dagaalka u dhexeeya Ruusha iyo
Ukraine.
” Waxaanna ganacsatada
Soomaaliyeed ee keenta Shiidaalka Wasaaraddu fareysaa in
Dadweynaha Soomaaliyeed ee
isticmaala Shidaalka gaar ahaan gaadiidleyda, Shirkadaha Korontada iyo dhammaan
qeybaha kala duwan ee bulshada ay si naxaris
leh oo ay ku jirto dal jaceyl iyo
damqasho ay ula macaamilaan.
Shariif Xasan: Cabdicasiis wuxuu sameynayo wax reer
Koonfur Galbeed anfacaya ma ahan
Madaxweyne hore Shariif Sheikh
Aadan oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho saacaddo kadib markii loo sheegay
in uusan u safri karin Baydhabo, wuxuu sheegay waxa Baydhabo ka socda in aan
lagu tilmaami karin doorasho, balse ay tahay magacaabis .
"Waxaan aaminsanahay inaan mudnaa
in aanan ahayn ninka loo diidi lahaa Airporka Baydhabo inuu kasoo dago. Waxa
aan raadinayay waa waxa ay beeshayda leedahay. Inkastoo waxya abaha meesha ka
socda ay yihiin waxyaabo lala yaabo. Runtii anigu ma dhihi karo doorasho. Wa xa
meeshaas ka scoda waa magacaabis,” ayuu yiri Shariif.
"Cabdicasiis siduu ku yimidna waa
la ogyahay. In musharraxii Potential-ka ahaa mid la eryo, midna la xiro,
Isagana uu yiraahdo waxaan rabo waan xirayaa, waxaan rabo waan handadayaa wax
shaqeynaya ma ahan. Reer Koonfur galbeed waxaan leeyahay waxa hadda socda qof
ay amfacayaan malahan, xitaa Cabdicasiis,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhinaca kale, xildhibaanno iyo
Senataro horey uga mid ahaa labada aqal ee barlamaanka oo kasoo jeeda Koonfur
galbeed ayaa si adag uga horyimid tallaabada lagu hor istaagay madaxweyne
Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxayna ku eedeeyeen madaxweyne Lafta gareen
inuusan ka fiirsadan tallaabooyinka uu qaadayo.
Shaki ka dhashay qorshaha Qatar ugu yeertay Farmaajo –
Ma loo soo dayrin doonaa?
Farmaajo ayaa la filayaa inuu Shalay la
kulmo amiirka dal kaas Tamim bin Hamad Al Thani , ayada oo la sheegay ay ka
wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimo quseeya, sida laga soo xigtay
Villa Somalia.
Si kastaba, Caasimada Online ayaa
fahansan in ujeedka ugu weyn kulankan uu yahay inay labada nin ka wada hadlaan
doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo mar kale Farmaajo u taagan yahay, iyo
doorka Qatar ay ka qaadan karto.
Fallanqeeyayaa; kala duwan oo la hadlay
Caasimada Online ayaa qaarkood rumeysan in sababta Farmaajo loogu yeeray ay
tahay in lasoo siiyo taageero buuxda halka qaarna ayna la tahay in laga yaabo
in Qatar ay wadato qorsheyaal kale.
Dadka qaba in Farmaajo lasoo siin
doono tag eero buuxda ayaa ku doodaya in Qatar aysan hay san musharax ka rajo
wanaagsan Farmaajo, sidoo kalena daacad ugu noqon kara sidii Farm aajo uu shan sano ugu ahaa adeege
edban.
Hase yeeshee, kuwa kale ayaa ku doodaya in
Qatar aysan 100% Farmaajo isku haleyn doonin doorashada madaxweynaha sababtoo
ah, bay yiraahdeen, Qatar waxay ogtahay in xitaa haddii Farmaajo dib loo soo
doorto ay adag tahay inuu mar kale Soomaaliya xukumo, sababtoo ah hee rka uu
gaarsiiyay is-naceybka umadda shantii sano ee uu xilka hayey.
Qatar waxay si gaar ah uga walaacsan
tahay, bay yiraahdeen, in beelaha Muqdisho ee awo odda badan aysan aqbli doonin
afar sano oo kale oo Farmaajo ah, kadib xadgudubyadii uu ku same eyeyn shantii
sano ee lasoo dhaafay.
Arrinta kale ee jirto ayaa ah, bay
yiraahdeen, in xitaa haddii Qatar ay taageerto Farmaajo ay adkaan doonto in
xildhibaanada ay codkooda sii yaan, waana taas sababta loo rumeysan yahay in
Qatar ay sanadkan wadato musrahax labaad oo lagu sheegay "Qorshaha B,” balse ay
suurta-gal tahay inuu yahay "Qorshaha A.”
Mareykanka ayaa dhowaan xayiraado Visa
saaray mas’uuliyiin la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Farmaajo, kuwaas oo
lagu eedeeyey inay carqaladeynayaan nidaamka dimoqaadiyad da Soomaaliya. Xigasho:caasimadda.net
Deni Oo Qaabilay Xildhibaanadii Dorraad Lagu Doortay M/Boosaaso
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Shalay qaabilay Xil dhibaanada cusub ee Golaha
Shacabka Soomaa liya ee Dorraad lagu doortay Boosaaso.
Madaxweynaha oo kulan Qado ah la
qaatay Mu daneyaasha Golaha Shacabka,
ayaa ugu ham balyeeyay xilka loo doortay Wuxuuna alle uga baryay in
masuuliyaddaasi uu u fududeeyo.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Qaar
ka mid ah sen atarada iyo xildhibaanadii hore loogu doortay Gar oowe iyo
Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.
AMISOM oo si rasmi ah u shaacisay in howlgalkeeda
Soomaaliya uu ku eg yahay dhammaadka bishaan
Howlgalka
Midowga Afrika ee Soomaal iya (AMISOM) ayaa lagu wadaa in uu ku ekaado bishan
ka dib muddo 15 sano ah oo si aan kala joogsi lahayn uu howlgalkan uga shaqe ynayay
Soomaaliya.
Marka uu dhamaado waqtiga AMISOM, dowla dda
federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay in la helo
howlgalka ATMIS ka as oo Qaramada Midoobay ay ku shaq eyn do onto.
Sida uu qorshuhu yahay Ciidamada ammaan ka
dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay sannadka 2023 si rasmi ah ula wareegaan
doorka nabadgalyada iyo ilaalinta dalka.
20,000
askari oo AMISOM ah kuma guulaysan in wiiqaan awoodda ay Alshabaab, wa xayna
taas keentay in caalamku su’aallo iska weydiiyo sii jiritaanka howlgalkan oo
caalamku sannad walba ku bixinayay malaayiin dollar oo ah mushaaraadka askarta
AMISOM iyo adeeggooda.
Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Shalay la doortay
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka
Mudug waxaa ka bilaabatay doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka,
kuwaas oo degaan doorashadoou ay tahay degaannada Maa mulka Galmudug.
Kursiga Kowaad ee doorashada Shalay oo ah
Hop#013 oo ay horay ugu fadhisay Maryan Maxamed Xuseen ayaa waxaa Shalay loo
doortay Aadan Cismaan Xuseen oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka
Galmudug, isaga oo helay codad gaaraya 82 cod. Kursiga labaad ee Hop#101 ayaa
waxaa markale ku guuleystay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista
Hawada Xukuumadda Soo maaliya Xersi Aadan Rooble oo kusigaan horay ugu fadhiyay
kadib markii ay u tanaasushay Caa ’isho Xersi Maxamed, waxaana cod gacan taag
ah uu ku helay 88 Cod.Kursiga Saddexaad ee Hop#001 oo uu ku fadhiyay Warsame
Maxamed Xasan (Joodax) ayaa waxaa ku
guuleysatay Jawaahir Maxamed Axmed oo heshay codad gaaraya 101 cod kadib markii
uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.
Kursiga Afaraad ee Hop#017 oo ay
ku fadhisay dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday Duniyo Maxamed Cali,
balse waxaa ku guuleys atay Qaladla Cali Cawaale kadib markii uu tanaa sulay
musharrixii la tartami lahaa, waxaana vod gacan taah ah oo loogu codeeyay ay
heshay 79 cod oo ah kooramka ergada fadhisay.
Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa
Shalay aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in maalm aha soo socda sidoo kale
lagu qabto doorshada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlam aanka
Soomaaliya.
Kursigii ugu xiisaha badnaa oo Xalay Gaalkac yo looga
adkaaday xildhibaan si aad ah u Tagersaneyd Farmaajo
Waxaa Xalay la soo gabagabeeyey door asha
da kursiga HOP#060, kaas oo 8-dii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhisay Ubax Tahliil
Warsa me, waxaana Xalay ku guule ysatay Xildhiba an Qaali Cali Shire
Kursigaan oo doora shadiisu ay ka
dhacd ay magaalada Gaalk acyo, tartankiisu wax uu ahaa mid furan, wa xaana ku
loolamay afar musharax oo dhamaantood haween ah, maada ama loo ast eeyey qoondo
haween.
Doorashada kursigaan ayaa la isla aaday
war eeg labaad oo ay isugu soo hareen Ubax Tah liil Warsame oo wareegii koowaad
heshay 44-cod iyo Qaali Cali Shire oo wareegii koowaad heysat ay 32-cod.
Markii ay soo dhamaatay codeynta wareega
labaad, waxaa guuleysatay Qaali Cali Shire oo he shay 61-cod, halka Ubax
Tahliil ay heshay 40-cod
Musharaxiinta kala ah:
1 – Ubax Tahliil
2 – Qaali Cali Shire
3 – Hodan Shire
4 – Wacan Xaaji
Ubax Tahliil Warsame waxay shantii sano ee
la soo dhaafay ka mid aheyd xildhibaanada sida aadka ah u raacsan madaxweynaha muddo xil eedkiisu dhammaaday
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hase yeeshee, taageeradaas ayey Xal ay ku weysay
kursigaas, ayada oo ergadii cod eysay ay u muujiyeen in qof waxqabadkiisa
kaliya uu ahaa inay u guulwadeyso Farmaajo aanay dib u dooraneyn, ayada oo
Farmaajo-na uu waxba u qaban waayey.
Doorashada kursigaan ayaa saacado dib u
dhacday, kadib markii ay is baheysi ku dhawaaq een Ubax maahee seddaxda
musharax ee kale, taas oo keentay in Ubax Tahliil ay diido ka qeyb galka
doorashadaas.
Dib u dhac saacado ah kadib waxaa Ubax
Tahliil lagu qanciyey inay hoolka doorashada soo gasho, waxaana sidaas salaadii
cishaha kadib ku bilaabatay doorashada kursigaas laga leeyahay koonfurta
Gaalkacyo oo loolan adag wajahay.
Codeynta ayaa aheyd mid qarsoon oo ergadu
ay sanduuq codkooda ku ridayeen, waxaana ugu dambeyntii kursiga HOP060 ku
guuleysatay xildhi baan Qaali Cali Shire.
Golaha Wakiillada Puntland Iyo Xildhib aano Ka Socday
Sweden Oo Kulan Yeeshay
Kulan ay Baarlamaanka Puntland uu la
qaatay Xildhibaanad Leila Cali Cilmi ayaa waxaa ku weh linayey Agaasimaha Xarunta
PDRC Cali Faarax Farmayeri, Siyaasi Cabdi Faarax Juxaa.
Xildhibaan Leila Cali Cilmi ayaa ayaa ka
had shay sida ay muhiim u tahay iskaashi iyo wada-shaqeyn dhex marta
Baarlamaanada Puntland iyo Sweden, iyada oo xusay inay ka shaqeynayaan sidii
qurba-joogta Puntland ee ku nool dalka Sw den maal-gashi ugu sameyn lahaayeen
dalka.
Inta kadib, waxay booqtay qeyb
kala duwan ee Xafiisyadda Golaha Wakiillada.
October, 2019 ayey aheyd markii
Xildhibaan no ka tirsan Golaha Wakiillada Dowlad Goboleed ka Puntland ay aqoon
kororsi ku tageen Baarla maanka dalka Sweden, taas oo ay qeyb ka aheyd Xiriirka
laba Baarlamaan, waxayna Leila hadal ka jeedin-doonta
Maleeyshiyaad Diidan In Kursiga Hope# 30 Loo Xiro Xil.
Jeesow Oo Balad weyne Gadood Ka Samameeyay
Habeen hore ayaa gu daha Magaalada lagu
arkay Cii damo aad u huba ysan, kuwaasi oo qarkood ay warbaahinta la hadl een,
waxaana ay sheegeen in ay caabsho ka yih iin kursiga Hope30 oo loo xiray sida
ay sheegeen Xildhibaan Daahir Amiin jees ow, kaasi in muddo ah ku fadhiyay
Kursiga.
Waxaa ay eed u jeediyeen Madaxweynaha Maa mul
Goboleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xus
een iyo Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed, iya goo sheegay in kursigaaas lala
doonayo in mar kale uu daahir Amiin jeesow ku fariisto, taasi oo ay sheegen in
aysan u dulqaadan doonin.
Dhanka kale Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo
Kuxigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa Habeen hore Magaalada baladweyne ee Xarunta
Gobolka Hiir aan kula kulmay Qaar ka mid ah Musharixiin u taagan kuraas Golaha
shacabka ah oo deegaan doorashoodu ay tahay Hirshabeelle. Waxaana Kulanka Habeen
hore ka dhacay baladweye la isku afg artay in Ciidamada faraha badan laga dulqaado magaalada, sidoo kale waxaa la
go’aamiyay sida aynu xog hoose ku helnay in aan kursi dambe loo xirin doonin
musharax gaar ah.
GEDO oo looga dhowaaqay go’aan ka dhan ah gudiga uu
magacaabay ROOBLE
Gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo, Md.
Axmed Buulle Gareed oo wareysi siiyey VOA ayaa faah faahiyey warsaxaafadeed oo
uu maamulka kasoo saaray xaaladda Garbahaarey & muranada hareeyey kuraasta
taalla gudaha magaaladaasi.
Axmed Buulle ayaa shaaca ka qaaday in gud diga
qiimeynta ee uu mag acaabay ra’iisul wasaar aha uusan imaan karin gobolka Gedo,
gaar ahaan Garbahaarey, wuxuuna tilmaamay in horey qiim eyn loo sameeyey, hadd ana
ay diyaar u yihiin qaba shada doorashada uun.
"Guddigaas isaga ah guddi aan aqoonsanahay
ma’aha, guddi aan aqb aleynana ma aha, mana soo dhoweyneyno, mana noo
imaanaayaan,” ay uu yiri guddoomiye Buulle.
Farmaajo oo Shalay la kulmaya
Amiirka dalka Qatar
Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu
dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Habeen hore ku hoyday dalka qatar
ayaa Shalay halkaasi ka bilaabaya kulamo kala duwan oo looga hadlayo Arrimaha
Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa la filayaa in
saacadaha soo socda ee Shalay ah uu kulan la qaato amiirka dalka qatar Sheekh
Tamiim Bin Xamad Al Thaani.
Afhayeenka
Warfaafinta ee Xafiiska Madaxweynaha Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay
in labada mas’uul ay ka wada hadli doonaan xaalidihii ugu dambeeyay ee Gobolka
iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya Labada Shacab ee Walaalaha ah iyo
xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ay u sii
ballaarin lahaayeen iskaashiga miro-dhalka ah.
Bishii November ee sanadkii tegay
ee 2021 ayaa Madaxweyne Farmaajo uu la kulmay Amiirka dalka Qatar xilli uu
booqday dalkaas, waxaana booqashada uu halkaasi ku tegay ay ku beegmeysaa xilli
lagu guda jiro waqti doorasho, isla markaana dowladda Qatar ay saameyn weyn ku
leedahay doorashada Soomaaliya.
Guddiga qiimeynta doorashada Garbahaarey oo warbixin u
gudbiyey Rooble
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya
Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shalay xafiiskiisa ku qaabilay guddiga uu u
xil-saaray qiimeynta xaaladda deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee
Garbahaarey.
Ra’iisul wasaaraha ayaa xubnaha
guddiga ka dhageystay warbixin ku saaabsan socdaalkoodii Kismaayo iyo qorshaha
safarka guddigu ku tagayaan Garbahaarey, si ay wadatashiyo ula soo yeeshaan
qeybaha kala duwan ee bulshada.
Guddiga
ayaa maalin ka hor Muqdisho ku soo laabtay, kadib safar maalmo qaatay oo ay ku
tageen magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kula kulmeen Madaxweynaha Jubbaland,
ku xigeenkiisa koowaad, siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda gobolka Gedo.
Waxay sheegeen xubnaha guddigaas
in xog uruurin ay ka soo sameeyeen Kismaayo, iyagoo maalmaha soo socda ku
wajahan magaalada Garbahaarey, si rabitaanka bulshada magaaladaas ay ugu
kuur-galaan.
Waxaa xusid mudan in war-murtiyeed
Sabtidii Dorraad ka soo maamulka iyo qeybaha kale ee bulshada magalaada
Garbahaarey ay ku cadeeyeen in guddigaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble u
xil-saaray qiimeynta doorashada magaaladaas uusan tegi karin Garbahaarey. Sidoo
kale reer Garbahaarey waxay sheegeen in wax aan aheyn guddiyada doorashooyinka
heer federaal iyo xalinta khilaafaadka aysan u ogolaa doonin inay tagaan
degmada Garbahaarey, iyagoo Ra’iisul wasaare Rooble ugu baaqay in doorashada
kuraasta Garbahaarey uusan ku eedoobin.
Cumar Filish Oo Mar Kale Digiin U Diray Dad ka Ku
Hawlan Ka Ganacsiga Maandooriyaha
Guddoomiyaha
gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxa med (Cumar Filish) ayaa degmada Abdiaziz uga qeyb
galay ololaha wac yigalinta ka hortaga istic maalka Maandooriy aha oo si si
guud uga socda Caasimadda.
Munaasabadan ayaa waxaa goob joog
ka ahaa xildhibaanada laba aqal ee heer
federal Gu doomiyaasha degmoo yinka iyo, agaasimayaal katirsan dowlada hoose ee
Xamar, saraakiil Amni iyo qeybaha bulshada rayidka.
Gudoomiye Cumar Filish oo la dardaarmaye
bulshada Caasimadda iyo maamulada deg mooyinka ayaa waxa uu sheegay in Maan dooriyaha
uu halis ku yahay jiritaanka umadda iyo xasiloonidii magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Maamulka
Gobolka Banaadir ay laba jibbaareen la dag aalanka maandooriyaha, ayna gacanta
kusoo dhi geen goobo ka mid ah Caasimadda oo lagu iibin jiray noocyada kala
duwan ee maandooriyaha.
Waxaana uu digniin culus u diray dadka ku
howlan isticmaalka iyo ka ganacsiga daroogada, taasi oo dhibaato weyn ku haysa
bulshada Caasimadda.
Shir looga hadlayay Abaaraha oo ka dhacay Muqdisho
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda
xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa guddoomiyay shir ay yeesheen
Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha.
Shirka ayaa waxaa diiradda lagu saaray
dardar gelinta howlaha gurmadka ee loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu
saameysay.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka
Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ugu baaqay Guddiga inay
dardar geliyaan howlaha loogu gurmanayo dadka ay saameeysay abaarta.
Degaano iyo degmooyin kamid ah
Soomaaliya ayaa xilligaan dadka iyo Duunyada kunool waxaa saameeysay abaar
daran oo kajirta, iyaga oo aan helin gurmadkii loo baahnaa.
Xukuumadda Somalia oo ka hadashay qiimo kororka ku
yimid Shidaalka
Iyada oo maalmihii la soo dhaafay
sicir barar xoogan laga dareemayay qiimaha la iibiyo Shidaalka Magaalada
Muqdisho ayaa waxaa war kasoo saartay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Wasaraadda
Ganacsiga & Warshadaha ee Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa kagu sheegay inay
si dhow ula socdaan qiimo kororka ku yimid shidaalka Caalamka, isla markaana la
dadaal ku bixinayaan la
socodka isbadalka iyo qiimo
kororka ka jira suuqyadda Caalamiga ah ee uu sababay
Dagaalka u dhexeeya Ruusha iyo
Ukraine.
” Waxaanna ganacsatada
Soomaaliyeed ee keenta Shiidaalka Wasaaraddu fareysaa in
Dadweynaha Soomaaliyeed ee
isticmaala Shidaalka gaar ahaan gaadiidleyda, Shirkadaha Korontada iyo dhammaan
qeybaha kala duwan ee bulshada ay si naxaris
leh oo ay ku jirto dal jaceyl iyo
damqasho ay ula macaamilaan.
Shariif Xasan: Cabdicasiis wuxuu sameynayo wax reer
Koonfur Galbeed anfacaya ma ahan
Madaxweynihii
hore Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa wax uusan filayn ku
tillmaamay in laga celiyo magaalada Baydhabo. Isagoo ku eedeeyay madaxweynaha
Koonfur Galbeed inuu qaadayo tallaabooyin laga dhaxli karo cawaaqib xumo aad u
fog.
Madaxweyne hore Shariif Sheikh
Aadan oo warbaahinta kula hadlayay Muqdisho saacaddo kadib markii loo sheegay
in uusan u safri karin Baydhabo, wuxuu sheegay waxa Baydhabo ka socda in aan
lagu tilmaami karin doorasho, balse ay tahay magacaabis .
"Waxaan aaminsanahay inaan mudnaa
in aanan ahayn ninka loo diidi lahaa Airporka Baydhabo inuu kasoo dago. Waxa
aan raadinayay waa waxa ay beeshayda leedahay. Inkastoo waxya abaha meesha ka
socda ay yihiin waxyaabo lala yaabo. Runtii anigu ma dhihi karo doorasho. Wa xa
meeshaas ka scoda waa magacaabis,” ayuu yiri Shariif.
Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur
galbeed wuxuu sheegay, sababta loogu diiday inuu Baydhabo u safro in ay tahay,
inuusan isku soo sharraxin kursiga beeshiisa. Wuxuuna shee gay in madaxweynaha
Koonfur Galbeed uu si cad u boobay kursigaas.
"Cabdicasiis siduu ku yimidna waa
la ogyahay. In musharraxii Potential-ka ahaa mid la eryo, midna la xiro,
Isagana uu yiraahdo waxaan rabo waan xirayaa, waxaan rabo waan handadayaa wax
shaqeynaya ma ahan. Reer Koonfur galbeed waxaan leeyahay waxa hadda socda qof
ay amfacayaan malahan, xitaa Cabdicasiis,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Dhinaca kale, xildhibaanno iyo
Senataro horey uga mid ahaa labada aqal ee barlamaanka oo kasoo jeeda Koonfur
galbeed ayaa si adag uga horyimid tallaabada lagu hor istaagay madaxweyne
Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxayna ku eedeeyeen madaxweyne Lafta gareen
inuusan ka fiirsadan tallaabooyinka uu qaadayo.
Shaki ka dhashay qorshaha Qatar ugu yeertay Farmaajo –
Ma loo soo dayrin doonaa?
Su’aalo xooggan ayaa ka dhashay qorshaha
ay dowladda Qatar ugu yeertay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee
Soomaaliya Maxamed Cabdulla ahi Farmaa jo, oo Dorraad gaaray ma gaalada Doha.
Farmaajo ayaa la filayaa inuu Shalay la
kulmo amiirka dal kaas Tamim bin Hamad Al Thani , ayada oo la sheegay ay ka
wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo arrimo quseeya, sida laga soo xigtay
Villa Somalia.
Si kastaba, Caasimada Online ayaa
fahansan in ujeedka ugu weyn kulankan uu yahay inay labada nin ka wada hadlaan
doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo mar kale Farmaajo u taagan yahay, iyo
doorka Qatar ay ka qaadan karto.
Inkasta
oo Qatar ay si buuxda u taageertay Farmaajo 2016-kii, sidoo kalena la filayo
inay mar kale taageerto, haddana Caasimada Online ayaa fahansan in taageero
Qatar ay siiso Farmaajo 2022 aysan aheyn arrin huban, ayna xitaa suurta-gal
tahay in Farmaajo loo sheego inaanu is-sharxin.
Fallanqeeyayaa; kala duwan oo la hadlay
Caasimada Online ayaa qaarkood rumeysan in sababta Farmaajo loogu yeeray ay
tahay in lasoo siiyo taageero buuxda halka qaarna ayna la tahay in laga yaabo
in Qatar ay wadato qorsheyaal kale.
Dadka qaba in Farmaajo lasoo siin
doono tag eero buuxda ayaa ku doodaya in Qatar aysan hay san musharax ka rajo
wanaagsan Farmaajo, sidoo kalena daacad ugu noqon kara sidii Farm aajo uu shan sano ugu ahaa adeege
edban.
Hase yeeshee, kuwa kale ayaa ku doodaya in
Qatar aysan 100% Farmaajo isku haleyn doonin doorashada madaxweynaha sababtoo
ah, bay yiraahdeen, Qatar waxay ogtahay in xitaa haddii Farmaajo dib loo soo
doorto ay adag tahay inuu mar kale Soomaaliya xukumo, sababtoo ah hee rka uu
gaarsiiyay is-naceybka umadda shantii sano ee uu xilka hayey.
Qatar waxay si gaar ah uga walaacsan
tahay, bay yiraahdeen, in beelaha Muqdisho ee awo odda badan aysan aqbli doonin
afar sano oo kale oo Farmaajo ah, kadib xadgudubyadii uu ku same eyeyn shantii
sano ee lasoo dhaafay.
Arrinta kale ee jirto ayaa ah, bay
yiraahdeen, in xitaa haddii Qatar ay taageerto Farmaajo ay adkaan doonto in
xildhibaanada ay codkooda sii yaan, waana taas sababta loo rumeysan yahay in
Qatar ay sanadkan wadato musrahax labaad oo lagu sheegay "Qorshaha B,” balse ay
suurta-gal tahay inuu yahay "Qorshaha A.”
Dhinaca
kale, warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay cadaadis
xooggan ku saareyso Qatar in Farmaajo meesha laga saaro, si horey loogu
dhaqaajiyo dimoqraad iyadda Soomaaliya ee uu Farmaajo hakadka geliyey santii
sano ee lasoo dhaafay.
Mareykanka ayaa dhowaan xayiraado Visa
saaray mas’uuliyiin la rumeysan yahay inuu ka mid yahay Farmaajo, kuwaas oo
lagu eedeeyey inay carqaladeynayaan nidaamka dimoqaadiyad da Soomaaliya. Xigasho:caasimadda.net
Deni Oo Qaabilay Xildhibaanadii Dorraad Lagu Doortay M/Boosaaso
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Shalay qaabilay Xil dhibaanada cusub ee Golaha
Shacabka Soomaa liya ee Dorraad lagu doortay Boosaaso.
Madaxweynaha oo kulan Qado ah la
qaatay Mu daneyaasha Golaha Shacabka,
ayaa ugu ham balyeeyay xilka loo doortay Wuxuuna alle uga baryay in
masuuliyaddaasi uu u fududeeyo.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Qaar
ka mid ah sen atarada iyo xildhibaanadii hore loogu doortay Gar oowe iyo
Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland.
AMISOM oo si rasmi ah u shaacisay in howlgalkeeda
Soomaaliya uu ku eg yahay dhammaadka bishaan
Howlgalka
Midowga Afrika ee Soomaal iya (AMISOM) ayaa lagu wadaa in uu ku ekaado bishan
ka dib muddo 15 sano ah oo si aan kala joogsi lahayn uu howlgalkan uga shaqe ynayay
Soomaaliya.
"Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaa liya,
oo uu fasaxay Golaha Ammaanka iyo Nabad da ee Midowga Afrika, uuna u xilsaaray
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 2007, waxa uu dhammaan doonaa 31-ka Maarso
2022,” AMISOM ayaa ku shaacisay baraheeda bulsh ada.
Marka uu dhamaado waqtiga AMISOM, dowla dda
federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa isku raacay in la helo
howlgalka ATMIS ka as oo Qaramada Midoobay ay ku shaq eyn do onto.
Sida uu qorshuhu yahay Ciidamada ammaan ka
dowlada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay sannadka 2023 si rasmi ah ula wareegaan
doorka nabadgalyada iyo ilaalinta dalka.
20,000
askari oo AMISOM ah kuma guulaysan in wiiqaan awoodda ay Alshabaab, wa xayna
taas keentay in caalamku su’aallo iska weydiiyo sii jiritaanka howlgalkan oo
caalamku sannad walba ku bixinayay malaayiin dollar oo ah mushaaraadka askarta
AMISOM iyo adeeggooda.
Kuraas kamid ah Golaha Shacabka oo Shalay la doortay
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka
Mudug waxaa ka bilaabatay doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka,
kuwaas oo degaan doorashadoou ay tahay degaannada Maa mulka Galmudug.
Kursiga Kowaad ee doorashada Shalay oo ah
Hop#013 oo ay horay ugu fadhisay Maryan Maxamed Xuseen ayaa waxaa Shalay loo
doortay Aadan Cismaan Xuseen oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Maamulka
Galmudug, isaga oo helay codad gaaraya 82 cod. Kursiga labaad ee Hop#101 ayaa
waxaa markale ku guuleystay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista
Hawada Xukuumadda Soo maaliya Xersi Aadan Rooble oo kusigaan horay ugu fadhiyay
kadib markii ay u tanaasushay Caa ’isho Xersi Maxamed, waxaana cod gacan taag
ah uu ku helay 88 Cod.Kursiga Saddexaad ee Hop#001 oo uu ku fadhiyay Warsame
Maxamed Xasan (Joodax) ayaa waxaa ku
guuleysatay Jawaahir Maxamed Axmed oo heshay codad gaaraya 101 cod kadib markii
uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa.
Kursiga Afaraad ee Hop#017 oo ay
ku fadhisay dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiday Duniyo Maxamed Cali,
balse waxaa ku guuleys atay Qaladla Cali Cawaale kadib markii uu tanaa sulay
musharrixii la tartami lahaa, waxaana vod gacan taah ah oo loogu codeeyay ay
heshay 79 cod oo ah kooramka ergada fadhisay.
Ammaanka Magaalada Gaalkacyo ayaa
Shalay aad loo adkeeyay, waxaana la filayaa in maalm aha soo socda sidoo kale
lagu qabto doorshada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee Baarlam aanka
Soomaaliya.
Kursigii ugu xiisaha badnaa oo Xalay Gaalkac yo looga
adkaaday xildhibaan si aad ah u Tagersaneyd Farmaajo
Waxaa Xalay la soo gabagabeeyey door asha
da kursiga HOP#060, kaas oo 8-dii sano ee la soo dhaafay ay ku fadhisay Ubax Tahliil
Warsa me, waxaana Xalay ku guule ysatay Xildhiba an Qaali Cali Shire
Kursigaan oo doora shadiisu ay ka
dhacd ay magaalada Gaalk acyo, tartankiisu wax uu ahaa mid furan, wa xaana ku
loolamay afar musharax oo dhamaantood haween ah, maada ama loo ast eeyey qoondo
haween.
Doorashada kursigaan ayaa la isla aaday
war eeg labaad oo ay isugu soo hareen Ubax Tah liil Warsame oo wareegii koowaad
heshay 44-cod iyo Qaali Cali Shire oo wareegii koowaad heysat ay 32-cod.
Markii ay soo dhamaatay codeynta wareega
labaad, waxaa guuleysatay Qaali Cali Shire oo he shay 61-cod, halka Ubax
Tahliil ay heshay 40-cod
Musharaxiinta kala ah:
1 – Ubax Tahliil
2 – Qaali Cali Shire
3 – Hodan Shire
4 – Wacan Xaaji
Ubax Tahliil Warsame waxay shantii sano ee
la soo dhaafay ka mid aheyd xildhibaanada sida aadka ah u raacsan madaxweynaha muddo xil eedkiisu dhammaaday
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Hase yeeshee, taageeradaas ayey Xal ay ku weysay
kursigaas, ayada oo ergadii cod eysay ay u muujiyeen in qof waxqabadkiisa
kaliya uu ahaa inay u guulwadeyso Farmaajo aanay dib u dooraneyn, ayada oo
Farmaajo-na uu waxba u qaban waayey.
Doorashada kursigaan ayaa saacado dib u
dhacday, kadib markii ay is baheysi ku dhawaaq een Ubax maahee seddaxda
musharax ee kale, taas oo keentay in Ubax Tahliil ay diido ka qeyb galka
doorashadaas.
Dib u dhac saacado ah kadib waxaa Ubax
Tahliil lagu qanciyey inay hoolka doorashada soo gasho, waxaana sidaas salaadii
cishaha kadib ku bilaabatay doorashada kursigaas laga leeyahay koonfurta
Gaalkacyo oo loolan adag wajahay.
Codeynta ayaa aheyd mid qarsoon oo ergadu
ay sanduuq codkooda ku ridayeen, waxaana ugu dambeyntii kursiga HOP060 ku
guuleysatay xildhi baan Qaali Cali Shire.
Golaha Wakiillada Puntland Iyo Xildhib aano Ka Socday
Sweden Oo Kulan Yeeshay
Guddoomiye
ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wa kiillada Dowlad Goboleedka Puntland, Cabdic asiis
Cabdullahi Cusmaan oo ay wehliyaan Gudd oomiye ku-xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsame, Madax-guddiyeedyada Golaha, Xogha yaha Guud
ee Baarlamaanka Cabdirisaaq Xiddig Warsame ayaa Shalay Aqalka Wakiillada kulan
kula qaatay Xildhibaanad Leila Cali Cilmi oo ka tirsan Baarlamaanka dalka
Sweden.