Ciyaartoy ciyaarta Kubadda Cagta oo lagu dilay Dagaalka Ukraine.

1
Sunday March 06, 2022 - 14:38:00 in Wararka by
  • Visits: 2677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartoy ciyaarta Kubadda Cagta oo lagu dilay Dagaalka Ukraine.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Labo ciyaartoy oo lagu kala magacaabi jirey Vitalii Sapylo oo 21-jir ah iyo Dmytro Martynenko oo 25-jir ah ayaa la xaqiijiyey in lagu dilay Dagaalka u dhexeeya Milliteriga Raashiya iyo kuwa Ukraine.

Labada Laacib waxaa lagu dilay Dagaal ka dhacay Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, waana Khasaarihii ugu horeeyey ee Bahda Ciyaaraha soo gaara, muddada uu socday Dagaalkaasi.

Ciyaartoyga Vitalii Slapylo waxa uu ka tirsanaa Naadiga K/Cagta ee Parpaty Lviv ee Heerka Koowaad, halka Laacibka kale ee Dmitry Martynenko u ciyaari jirey Kooxda FC Gostomel.


Waxaa la soo weriyey in Dmitry Martynenko iyo Hooyadiisa ay geeriyoodeen, kadib, markii uu Madfac ku dhacay Dhismihii ay deganaayeen.

DEG-DEG: Laba Ciyaartoy Oo Lagu Dilay Waddanka Ukraine, Dalalka Ay U Dhasheen Iyo Kooxaha Ay Ka Tirsanaayeen - GOOL24.NET

Ustaad Nuradin Haji


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip