HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 5-2-2022

0
Saturday March 05, 2022 - 08:35:15 in Wararka by
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AQRISO W.W MOGTIMES DAILY NEWSPAPER 5-2-2022

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Qatar oo shaacisay safar dibada ah oo berri Farmaajo u qorsheysan

      Dowladda Qatar ayaa shaacisay in Madax weynaha waqtigu ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu saacadaha soo socda uu ku wajahan yahay M/ Doxa ee dal ka Qatar.

    Warbaahinta Qatar News Agensy ayaa sheegt ay in Madaxweyne Farmaajo oo maalinta Sabtida ee berry ah uu tegi doono dalk aas.

     Sidoo kale Warbixintaan wa xay intaas ku dareysaa in maalinta xigta ee Axadda ah ay balansan yihii oo Farmaajo uu la kulmi doono Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

       "Madaxweynaha J/F/Soomaaliya Mudane Ma xamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogg aaminayo ayaa Sabtida soo gaaraya M/Dooxa ee dalka Qatar. Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa maalinta Axada ah kula kulmi doona Madaxweynaha Soomaaliya Amiri Diwan, iyagoo ka wada hadli doona xiriirka labada dal iyo sidii loo taageeri lahaa loona horumarin lahaa, iyadoo ay u dheer tahay arrimo dhowr ah oo khuseeya danaha guud,” ayaa lagu yiri qoraalka ay baahis ay Qatar News Agensy.

     Dowladda Qatar ayaa aad u taageerta xukun ka Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegaa in si buuxda ay u dooneyso in Farmaajo dib loogu doorto Madaxweynaha Soomaaliya.

     Marar badan ayuu Farmaajo sidaan oo kale safaro ugu tegay dalka Qatar, isagoo la kulmay Amiirka iyo madaxda kale ee ugu sareysa dal kaas, mucaaradka Soomaaliya ayaa iyaguna aad u dhaliila qorshaha Qatar ee Soomaaliya oo aan u muuqan mid dhexdhaxaad ah, sida ay qabaan.

Maxaa Looga Hadlay Kulan Sheekh Shariif Uu La Yeeshay Safiirka Cusub Ee Mareykanka ?  

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Gu ddoomiyaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa Dorraad M/Muqdisho gaar ahaan Xarunta Safaaradda Mareykanka kulan ku la qaatay Safiirka Mareykanka ee Somali Larry’ Andre.

     Kulanka dhexmaray labada Mas’uul ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday xaaladihii u gu dambeeyay ee Arrimaha siya asadda dalka, dhameystirka doorashooyinka Gol aha Shacabka, caqabadaha hortaagan doorasha da iyo arrinta Amniga.

     Madaxweynihii hore ee SoomaaliyaMd. Sh. hariif Sh Axmed ayaa uga mahad celiyay taagee rada dowladda Mareykanka (USA ) ku bixiso dhis maha nabadda iyo geedi socodka dimuqraadi yadda Soomaaliya.

     "Waxaan Dorraad xarunta Safaaradda dowlad da Mareykanka ( USA ) kula kulmay Safiirka cus ub Mr.Larry’ Andre. Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, dhameystirka doorashooyinka caqabadaha hortaagan iyo Amniga” ayuu yiri Sheekh Sharii.

     Md.Shariif oo Qoraal ka soo saaray kulanka uu la yeeshay Safiir Larry’ Andre ayaa waxaa uu ku soo  gaba-gabeeyay "Waxaan uga mahad celiyay taageerada dowladda Mareykanka ( USA ) ku bi xiso dhismaha nabadda iyo geedi socodka dim uqraadiyadda Soomaaliya”.

DFS oo faah faahisay xaaladda Soomaalida ka carartay colaada Ukraine

      War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha di badda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaali ya ayaa waxaa lagu faah faahiyay Ardayda Soo maaliyeed ee ka cararay dagaalada ka socda dalka Ukraine, kuwaas ooo gaaray dalal kamid ah Qaarada Yurub.

     Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in Safaarada ha JFS ay ku leeyihiin dalalka Jarmalka, Belgium iyo Seerbiya ay xiriir wanaags an la sameeyeen muwaadiniin ta Soomaaliyeed ee ka soo ba rakacay Ukraine ee ku sugan dalalka Poland, Romania iyo Serbia.

     Safaaradda JFS ee dalka Belgium ayaa sidoo kale xafiis qunsuliyadeed oo ku meel gaar ah ka hirgelisay xuduudka Poland iyo Ukraine (Xarunta soo dhaweynta ee Hala Kijowska) ee magaalada Warsaw.

      Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya si doo kale waxaa ay sheegtay in 40-qof oo Soom aali ah ay si nabad ah ku gaareen dalka Roman ia, halka 4 kalena ay ku sugan yihiin dalka Jarmal ka, waxaana 7-qof oo kale ay tegi doonaan dalka Poland marka la dhameeyo warqadaha aqoons iga. Sidoo kale, Safaaradda J/F/ Soomaaliya ee dalka Belgium-ka ayaa 48-kii saac ee la soo dhaa fay u fududeysay afar iyo labaatan qof oo Soom aali ah in ay helaan warqadaha dukumentiga ah.

” Dawladaha martida loo yahay waxay soo dhaw aynayaan ardayda Soomaaliyeed ee imanaya Ro mania, Hungary, iyo Serbia ee raba inay waxbara shadooda sii wataan. Soomaaliya waxay ardayda siin doontaa adeegyada qunsuliyada, taageerada kale ee loo baahan yahayna waxaa bixin doona dowladaha martida loo yahay ayaa lagu soo geb a-gabeeyay Warka kasoo baxay Wasaaradda Arr imaha dibadda Soomaaliya.

     Tan iyo markii uu billowday dagaalka u dhaxe eyay dowladaha Ukraine iyo Ruushka ayaa wa xaa dalka Ukraine ka cararayay Soomaalida ku nool, kuwaas oo gaaray qaar kamid ah dalalka Yurub.

Koonfur Galbeed oo shaacisay liiska Kuraas uu ku jiro midka uu u tartamayo Shariif Xasan

      Guddiga hirgelinta doorashada heer dowlad Goboleed ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Dorraad oo Jimce aheyd shaaciyay lix kursi oo dhawaan doorashadooda lagu qabanayo M/ Bay dhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

      Kuraastaan ayaa kamid ah 13 Kursi ee guud ahaan kuraa sta taalla Koonfur Galbeed uga har san, waxaana lixdaan kursi doorashadooda ay dhaceeysaa todobaadkaan Beri bilaabanaya Gudihiisa.

      Kuraasta la shaaciyey ayaa waxaa kamid ah Kursiga uu ku fa dhiyey wiil uu dhalay mada xweyn ihii hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

      Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu doonayo inuu u tartamo kursigaan, lamana ogo haddii uu cadaadis kala kulmi doono Lafta Gareen sida ku dhacday Jawaari iyo xubno kale.

      Kuraastaan waxaa ku fadhiya Xildhibaannada kala ah:

HOP#261: Cabdulqaadir Xasan Sheekh Aadan.

HOP#167: Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen.

HOP#168: Xasan Macalin Xuseen.

HOP#099: Deeqa Xuseen Xasan.

HOP#077: Isgoowe Deeqow Isaaq.

HOP#186: Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale.

Musharax Madaxweyne Daahir Geelle oo la kulmay Safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya

      Musharax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka D/Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, waxaana uu kala hadlay arimaha doorashooyin ka. Kulankaan ayaa ka dhacay xarunta Safaa radda Mareykanka ay ku leedahay Soomaaliya.

Musharax Daahir Geelle iyo  Safiirka ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii dalka looga kala gudbin lahaa xaaladda kala guurka ah.

"Waxaan la kulmay Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya MRr.Larry André oo igu casuu may xarunta safaaradda Maraykanka ee Muq disho. Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka ku sugan yahay, marxaladda kala guurka ah iyo sida looga gudbi karo”  ayuu yiri Daahir Geelle.

Waxaa uu  u mahad celiyay dadaalka dowladda Maraykanka ee garab istaagga shacabka Sooma aliyeed ee marxaladda adag ee lagu jiro.

Shir looga hadlaayo arrinta deegaan doorasha da 2aad ee Jubbaland oo ka furmay magaalada Kismaayo

     Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa daahfu ray kulankii ugu horeeyay ee guddiga uu Raysal wasaare Rooble u magacaabay qiimeynta xaal ada deegaan doorashada labaad ee maamulka Jubbaland oo ah magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

     Kulankaan ayaa u dhaxeeyay guddiga qiimeyn ta xaalada deegaan doorashada Garbahaareey iyo masuuliyiinta maamulka Jubbaland ee kasoo jeeda magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

       Wakiilada labada gole ee maamulka Jubbal and iyo xubno ka tirsan Aqalka sare ee Soomaal iya ayaa gudidga qiimeynta u gudbiyey warbixin soo koobeeysa caqabadaha ku xeeran in dooras ho lagu qabto deegaan doorashada labaad M/ Ga rbahaareey ee Xarunta G/Ge do ee Koonfurta Soomaaliya iyo xaaladda amni ee ka jirta degmadaasi.

 Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in latashiyo ku aadan xaaladda Garbahaareey ay yeesheen, isla markaana ay doonayaan in Magaaladaas ka dhacdo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla, isagoona sheegay in guddiga qiimeynta ay ku wareejin doonaan Dukumeentiyo ay ka qoreen caqabadaha hortaagan in doorashado lagu qabto degmada Garbahaareey.

Degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo oo ah deegaan doorashada labaad ee Jubbaland ayaa waxaa taala 16 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo ay maamulka Jubbaland, waxaana xusid mudan in maamulka Jubbaland horay u sheegeen ineysan suurtagal aheyn in doorasho ka dhacdo degmadaasi.


Deni oo Agaasimihii PSF Maxamuud Diyaano u Magacaabay xil kale

     Ka dib kulamo saacado badan qaatay oo Mag aalada Boosaaso ku dhexmaray Madaxweynaha Puntland, Agaasimihii Ciidanka Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano ayaa Madaxweyne Deni waxaa uu Magacaabay Agaasimayaasha laba kamid ah Ciidanka Ammaanka Puntland.

    Qoraal kasoo baxay Xafiis ka Madaxweynaha Puntland ayaa xilalka Agaasimayaasha Ciidamada ammaanka Puntl and waxaa loogu kala Magacaabay Agaasimihii Ciidanka Hay’adda PSF & Agaasimihii uu dhaw aan u Magacaabay Hay’adda PSF.

Hoos Ka Akhriso Wareegtada Magacaabista.

     Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kadib markii uu qiimee yey xaaladda amni iyo dhaqan dhaqaale ee M/Boosaaso. Kadib markii uu la tashaday Mada xweyne kuxigeenka Puntland.

    Ka dib markii uu la tashiyo la sameeyey Gudd oomiyaha G/wakiilada Puntland, Isimada, Mada xweynayaashii hore, Waxgaradka iyo hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland.

    Ka dib markii uu tixgaliyey dadaaladdii kala duwanaa ee muddada ka socday M/Boosaaso ee ku wajahnaa xal u helista shaqaaqadii ka dha cday Magaalada.

     Madaxweynaha  Puntland ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 009 , 04 March 2022, wux uuna xeeriyay:-

     1. Waxaa S/Guuto Maxamed Aamiin Cabdull aahi Xaaji Khayr loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka gaarka ah ee Sirdoonka Puntland (Puntland Intelligence Special Forces).

      2.Waxaa S/Guuto Maxamuud Cismaan C/hi loo magacaabay Agaasimaha Ciidanka Kommand ooska Amniga Puntland (Puntland Security Com mando Forces).

     Si waafaqsan xeerarka iyo shuruucda Dalka u dagsan, dib ayaa laga soo saarayaa xeer nidaam iye qeexiya kala xadeynta waajibaadka guud aha an ciidamada kala duwan ee Puntland.

    *Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Ma daxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

     Sidoo kale Wararka la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka heshiiyeen dagaalkii uu dhiiga ku daatay ee ka dhacay M/Boosaaso.

Wasiirkii hore ee ganacsiga ee xukuumaddii Kheyre oo isku sharxaya madaxweyne

     Wasiirkii hore ee ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliya Cabdullahi Cali Xasan ayaa hadda la sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka ma daxweynaha Soomaaliya, Cabdullaahi ayaa was iir ka soo noqday xukuumaddii ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Ninkaan ayaa taageero ka hel aya bulshada rayidka ah iyo siyaa siyiin aaminsan in isagu ugu mud an yahy xilka madaxtinimada dal ka, si dalka looga samata bixiyo xaaladaan adag.

    Xildhibaano ku cusub baarlamaanka iyo kuwo sanado ku soo jiray dibna markale ugu soo laab tay ayaa ku xog waramay in C/hi Cali Xasan oo nin reer Muqdisho ah uu qaatay talo soo jeedin ba dan oo kaga timid qeybaha kala duwan ee bulsh ada. Iyagoo u arka inuu leeyahay sifaha hogaan ee xilligaan dalku u baahan yahay.

     Wasiir hore C/hi Cali Xasan ayaa dadka yaqaa na waxay sheegaan inuu yahay nin shaqsi ahaan degan, karti iyo amaano leh, waayo arag ah, kana soo shaqeynayey mudo ka badan 30 sano hey’a daha dowliga ah, hay’adaha samafalka iyo arima ha ganacsiga, isla markaana siyaasadda Soomaaliya ku dhex  jiray 10-kii sano ee la soo dhaafay.  Indheer garadka reer Muqdisho iyo siya asiyiin kale oo maamul goboleedyada ka kamid ah ayaa rumeysan in Wasiir hore Cabdullahi had dii uu ku guuleysto madaxtinimada dalka uu si sa hlan u kasban karo dhinacyada isku haya siyaas adda dalka ee mucaarad iyo muxaafid intaba, inkasta oo aysan caddeyn heerka taageerada uu haysto.

       Doodaha warbaahinta, hadal heynta bulsha da iyo falanqeynta siyaasadda bilihii u danbeeyay waxay dhamaan ku saabsanaayeen boobka doo rashada ku socda iyo sida xal loogu heli karo rag ga xildhibaanada soo noqday ee markii hore ahaa saraakiil iska soo horjeedda.

      Waxaa kale oo jirta in aqoonyahano iyo qub oro siyaasadeed ay ka digayeen hadii uu soo ba xo madaxweyne dhanka mucaraadka ama mux aafidka ah inuu dalku geli karo xaalad hubanti la’ aan ah iyo natiijo aan la isla aqbalin.

     Xilli waqtigu uu is gurayo, doorashada baarl amaankana ay ku socto qaab aysan bulshadu ku farxin, waxaa isisoo taraya baaqa ku aadan in do orashada madaxweynaha la raadiyo xal ka duwan sida muuqata, isla markaana dalka loo dooro sha qsi isku wadi kara dhinacyada iska soo hor jeeda ee baarlamaanka soo wada galay iyo shacabka Soomaaliyeed.

      Ugu dambeyn, Cabdullaahi Cali Xasan waa aqoon yahan xog-ogaal u ah xaalada dalka iyo marxaladihii uu soo maray uuna leeyahay karti iyo waay-aragnimo uu ku mideyn karo shacabka Soomaaliyeed oo kala qoqoban.

      Dadka aqoonta dheer u leh wasiir hore Cabdu llahi waxay ku sifeeyeen in Cabdullaai yahay nin dalka u jaheyn kara dowlad wanaag, deganaan sho siyaasadeed, mid amni, horumar dhaqaale, mid bulsho, cadaalad iyo sinnaan.

Faysal Cali Waraabe: Soomaaliya dadka ayaa lagu iibiyaaye maad maqasheen dad la iibin ayo

     Guddomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali War aabe, oo ka hadlay falcelinta baraha bulshada ee inan ku andacootay in dhalashada Somaliland lo ogu diiday haybteeda awgeed, ayaa yidhi "Soma liland xumaanteedu way muuqataa, Soomaaliya-na ma muuqato"Faysal ayaa sheegay in Somal iland ay noqotay meel markasta oo wax yari ka dhacaan ay Soomaalida baraha bulshada isticmaashaa aad ugu mashquusho, isagoo sheegay in dhacdo kasta oo aan fiicnayn oo Somaliland ka dhacdaa ay aad u muuqato, xaga kuwa Soomaaliya ka dhaca ayna muuqan.

     "Somaliland waxay noqotay mowduuc So o maalidu ka hadasho, Somaliland uun baa laga hadlaa, waxan maqlayay inan ayaa dhalasho loo diidaday, barigii hore waan ka xanaaqi jiray oo wa xan odhan jiray waar maxaa dadka dusha idinka saaray, lakin hada waxan ogaaday, show inagu waxaynu nahay maracad oo xariir ah oo xumaan ta ayaynaan qarsan" ayuu yidhi Faysal.

     Faysal ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeey ay in ay dalacsiiso danbiilayaasha, oo ayna ka daba tagin dacwadaha dhibanayaasha waxyeela du soo gaadhay.

      "Dad nadiifa ayaynu nahoo wixii yaraa ee qal ad ahba wuu muuqanayaa, bal wakaase Xamar dadka ayaa lagu iibiyaaye maad maqasheen dad lagu iibinayo, inan ayaa dhalasho loo diiday ayaa la yidhee tii la xabaalay maa la hayaa raqdeedi, dadkii loo hayay xildhibaano ayay noqdeen oo way ku dalaceen" ayuu yidhi Faysal. Faysal ayaa ku baaqay in hadii wax khaldani jiro la saxo oo inanta dhalashadeeda lasiiyo. Dhinaca kale, Dow lada Hoose ee Hargaysa oo ka jawaabtay cabash ada Ayaan Cabdiwali, ayaa sheegtay in Ayaan an ay marin wadadii sharciga ahayd ee ay ku heli lah ayd dhalashada, isla markaana ay ka been abuur tay xogteeda shakhsiga ah, hadii ay wado saxa soo martana lasiin doono.

Qoor Qoor ma ka baxsan doonaa Mashaqada Gaalkacyo?

     Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaa riye (Qoor-Qoor) ayaa Dorraad Dorraad gaaray M/Ga alkacyo ee G/Mudug halkaas oo lagu dooran do ono 11 kamid ah Kuraasta Golaha Shacabka ee ka imaanayo Galmudug.

    Sida uu ahaa jadwalkii uu shaaciyey guddiga doorasha da ee Galmudug 5 Bisha oo Sabtida Berri ah ayuu qorshu hu ahaa in la doorto 6 kamid ah 11-ka Kursi ee taalo Gaalkacyo, laakiin buuq badan ayaa ka dhashay qaar Kuraasta kamid ah oo laga dhigay Kooto Dumar.

       6 Kursi ee la shaaciyey 3 kamid ah ayaa laga dhigay Kooto Dumar, mid kamid ah horey ayey ugu fadhisay qof Dumar ah waana HOPP#60 oo ay ku fadhisay Ubax Tahliil Warsame.

Reerka Kursigaas leh waxay rajeenayeen in sa nadkaan kursigooda laga saaro kootada Dumarka iyadoo sanadkaan guud ahaan beesha Koonfurta degto ay eegeysay in 4teeda Kursi laga dhigo xi saab rag, laakiin Qoor Qoor wuxuu Kursiga HOPP#60 ku soo celiyey xisaabtii Dumarka.

     Cabdikariin Xuseen Guuleed oo kamid ah mu sharixiinta xilka madaxweynaha iyo Liibaan Tahliil Warsame ayaa kamid ahaa xubnaha xusul duub ka ugu jiray kursigaan, balse Qoor Qoor ayaa aad ay jiho aysan fileyn.

     Diidmo arrintaas la xiriirta ayaa taala M/Gaal kacyo, waxaa kaloo culeyska kursigaan sii xoojiy ey markii la ogaaday in Kursiga la rabo in loo xiro Ubax Tahliil.

     Kursiga 2aad oo isna buuqa ka taagan yahay waa HOPP#20, Kursigaan waxaa u sharaxnaa tali yihii hore ee Ciidanka XDS Gen. Indha Qarashe, waxaa kursigaan ku fadhiyey 5-tii Sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan Cali Yare, balse si uu aadan Aadan Qoryooley kursi u helo ayaa kursigaan la ga dhigay Kooto Dumar, halka Kursiga HOPP#13 laga dhigay Kooto Rag iyadoo loo diyaarinayo Aadan Qoryooley oo ah wasiirka Boostada iyo Is gaarsiinta Galmudug, kaas oo uu xiriir fiican kala dhaxeeyo Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaas iin Xaaji Daahir.  Diidmo xooggan oo la xiriirta qa abka loo maar eeyey 2da Kursi ee HOPP#60 iyo HOPP#20 ayaa ka taagan M/Gaalkacyo.

     Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa soo far ageliyey xaalka 2da Kursi. Askarta qaar kamid ah waxay ku doodayaan inaan Kursiga HOPP#20 la ga dhigi karin Kooto Dumar, halka qaarna ay ku doodayaan inaan la xiri karin kursiga HOPP#60.

   Qorshihii ay guddiga doorashada Dorraad ku shaacin lahaayeen guddiga xulista ergada 6 Kursi Dorraad ay ku bixin lahaayeen shahaadooyinka musharixiinta si ay Maalinta Berri ah u dhacdo do orashada ayaa shaqeyn waayey.Askarta waxay la hadleyn saxaafadda, waxay dig niin siiyeen guddi ga doorashada Galmudug iya goo ka digay inuu gacan ka hadal imaan karo ha ddii lagu deg dego qabashada doorashada Kuraastaas.

     Xaaladda waa ka maarmi weysay inuu yimaa do Qoor Qoor, Dorraad kulamo ayaa ka dhacay M/Gaalkacyo oo lagu xalinayo arrimahaas, waxa ana la eegayaa sida uu Qoor Qoor u maareeyo xi isad da Kuraasta taalo Gaalkacyo.26 Kursi oo G/ Shacabka ah iyo 8 Senator oo ay Galmudug

 ku qaba tay M/Dhuusamareeb 2 Ku rsi oo kaliya

 Ayaa buuq ka dhashay

Puntland oo soo bandhigtay magacyada Mush arrixiinta 16 Kursi

      Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer D/Goboleed ee Maamulka Puntland ayaa Dorraad soo saaray liiska musharrixiinta u tartamaysa16ka kursi ee taalla Boosaaso.

16-ka Kursi ayaa doorashadooda la kala qabanayaa 5-ta ilaa 6-da Bi shaan oo ku beegan Maalinta Sabt ida ah ee Beri ah iyo Maalinta xigta ee Axadda, waxaana kuraasta la dooranayo iyo musharrixiinta ku tartami doona ay kala yihiin.

    1: Kursiga 1aad ee Hop#273 oo uu ku fadhiyo Cabdi Maxamuud Maxamed (Cabdi Yare) balse waxaa ku tartami doona Bashiir Cabdi Maxamed Maxamuud & Sahra Maxamed Maxamuud.

2: Kursiga labaad ee Hop#157 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyo Maxamed Cabdulla ahi Faarax, waxaase ku tartamaya Maxamed Ax med Aadan & Iidle Cali Axmed.

      Kursiga 3aad ee Hop#228 Maxamuud Axmed Ciise Maas, waxaana kursigaan ku tartami doo naa C/hi Faarax Mire iyo Xamdi C/hi Maxamed

      Kursiga Afaraad ee Hop#234 waxaa ku fadhi sa Deeqo Saciid Xasan oo meesha laga saaray, waxaana ku tartami doonaMaraa Cabdiyo Bashiir Xaaji Cali &  Aamino Cabduweli Maxamed.

Kursiga Shanaad ee Hop#076 waxaa ku fadhiya  Muuse Axmed Ismaaciil, waxaana markale ku tart ami doona Muuse Axmed Ismaaciil iyo Faadumo Ibraahim Ismaaciil.

      Kursiga lixaad ee Hop#227 ayaa waxaa ku tar tami doona Cabdicasiis Maxamed Maxamuud (QAMBI) oo kursigaan horay ugu fadhiyay iyo Mu no Cali Mire Cartan.

      Kursiga 7aad ee Hop#158 oo uu ku fadhiyo Wasiir kuxigeenkii hore ee W/Gargaarka, maar eynta iyo musiibooyinka Cumar Cilmi Cumar (Cey sane) oo meesha laga saaray, waxaana ku tarat amaya Saadaam Maxa muud Cabdi & Muno Max amuud Dalmar.

   



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip