Doorashadii Beledweyne oo dib loo dhigay + Sababta

0
Saturday February 26, 2022 - 07:14:02 in Wararka by
  • Visits: 199
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashadii Beledweyne oo dib loo dhigay + Sababta

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Waxaa dib u dhac uu ku yimid doorashada lix kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo lagu waday in maanta lagu qabto magaalada Beledweyne oo ah deegaan doorashada labaad ee HirShabelle.

Qoraal kasoo baxay guddiga SIET ee HirShabelle ayaa waxaa lagu sheegay in arrimo farsamo aawgeed ay sababeen dib u dhaca doorashada maanta la qaban lahaa.

Guddiga ayaa sidoo kale isbedalkan ku wargeliyey musharixiinta tartameysa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

"Guddiga Doorashada Hirshabelle (SEIT) waxa uu ku wargalinaya dhamaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Murashixiinta in uu dib u dhac ku yimid qabsoomida doorashadii loo madlanaa in maanta qabto Sababo Farsamo awgeed” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada Hirshabeelle.

Kuraasta lixda ah ayaa kala ah HOP 006, HOP 022, HOP 003, HOP 032, HOP 252, HOP 068, waxaa lagu wadaa in beri la qabto doorashadooda, sida uu qorshuhu yahay.

Sidoo kale kuraastan mid ka mid ah oo isha lagu hayo waxaa u tartamaya afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimuu oo maalmo ka hor ka soo laabtay dalka Turkiga oo loo qaaday dhaawiciisa.

Si kastaba, dib u dhacaan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan waqti cusub lagu kordhiyey jadwalka doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, waxaana Golaha Wadatashiga Qaran uu isku raacay in lasoo gabagabeeyo 15-ka bisha soo socota ee Maarso ee 2022-ka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip