HALKAN KA AKHRISO WARARKA W ARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER MAANTA OO AH SABTI 26-KA FEB. 2022-KA

0
Saturday February 26, 2022 - 08:53:27 in Wararka by
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA W ARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER MAANTA OO AH SABTI 26-KA FEB. 2022-KA

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Golaha wadatashiga oo ku dhawaaqay waq ti kale oo lagu dhameystirayo doorashada

     Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa habka fogaan aragga (ZOOM) ku yeeshay shir ay uga arrinsanayeen dhameystirka doorashada kuraasta dhimman ee Gol aha Shacabka BFS, maadaama waqtigii horay loogu he shiiyey in lagu dhameystiro doorashooyinka ku eg yah ay 25ka Feberaayo 2022.

     Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaara ha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowladaha Xubnaha ka ah DFS ee Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi De ni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Jubal and Axmed Maxamed Islaam, Koofur Galbeed Cabdi casiis Xasan Maxamed Laftagareen, Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Go bolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish.

     Kulanka ayay Golaha Wadatashiga Qaranku uga ha dleen ajandeyaal ay ka mid yihiin: Xaaladda doorasha da, Muddeynta soo gabagabeynta doorashada Golaha Shacabka, xal u helista arrinta deegaan doorashada lab aad ee Jubaland ee Garbahaarrey iyo xaaladda abaa raha ee dalka ka taagan.

    Golaha ayaa bogaadiyay horumarka laga sameeyay habsami u socodka doorashada, iyadoo ilaa hadda la soo doortay dhammaan 54-ta xubnood ee Golaha Aq alka Sare iyo 175 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, taas o u dhiganta 71% tirada guud ee xildhibaannada labada aqal.

    Golaha Wadatashiga Qaranku dood iyo falanqeyn ka dib waxa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in door ashada xildhibaannada Golaha Shacabku aysan ku soo dhammaan xilligii loo qorsheeyay ee 25ka Febraayo 20 22. Golaha ayaa isla qiray in ay jireen caqabado dhowr ah oo sababay dib u dhacaan, kuwaas oo ay ka mid yih iin; Xaaladda abaaraha ee dalka ka taagan oo dowlad-gobleedyada saameyn weyn ku yeelatay, Xiisado amni oo ka soo kordhay deegaan doorashooyinka qaarkood iyo culeysyo ka jiray dhaqaalihii loo qoondeeyay fulinta doorashada.

     Haddaba iyadoo la tixgeliyay arrimaha kor ku xusan, Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu isku raacay qodobbada soo socda:

     1- In doorashada dhammaan kuraasta harsan ee Golaha Shacabka lagu soo gabagabeeyo ugu dambeyn 15 Maarso 2022

      2- Goluhu waxa uu isla qaatay in Ra’iisul Wasaar aha oo la tashanaya madaxweynaha Dowlad-goboleed ka Jubaland uu u diro guddi soo qiimeeya xaaladda dee gaan doorashada labaad ee Jubaland ee Garbahaarr eey, kaas oo ka kooban Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiyada doorashooyinka, si uu uga soo talo bixiyo habka ugu suuro galsan ee doorashadaasi ku qabsoo mi karto.

     3- Goluhu waxa uu xoojiyay muhiimadda ay leed ahay ilaalinta qoondada haweenka ee 30%.

     4- Goluhu waxa uu waalaac iyo qeylo dhaan ka muu jiyay xaaladda ka sii dareysa ee abaarta dalka ka taa gan, waxa uuna Shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka codsaday in la kordhiyo gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

      5- Goluhu waxa uu Shacabka Soomaaliyeed uga mahad celinayaa dulqaadka iyo sida uu u garab istaa gay qabsoomidda doorashada.

     6- Golaha Wadatashiga Qaranku waxa uu bogaadi nayaa doorka iyo tageerada Beesha Caalamka oo lag ama maarmaan u ah dhameystirka doorashada dalka.

Sheekh Shariif Oo Lacag Fara badan Ku Wareej iyay Guddiga Gurmadka Abaaraha

     Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddomi yaha Midowga Musharaxiinta Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa kulan la qaatay Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ee uu dhowaan magacaabay Ra’iisul Wasaa raha XFS. Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa Sheekh Shariif uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyay ee Abaarta baahsan ee ka jira deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada iyo saameynta ay ku yeesheen nolosha dadka Soomaaliyeed.

     Madaxweynihii hore ee dalka Shariif ayaa waxaa uu Guddiga gurmadka ku wareejiyay lacag dhan 20 kun oo dollar oo uu uga qeyb qaadanayno dadaalada loogu Gu rmanayo dadka ay Abaarta saameynta ku yeelatay ee kunool qeybo kamid ah dalka.

     "Bulshada Soomaaliyeed ee jooga dal iyo dibad wax aan ugu baaqayaa in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha, gaar ahaan dadka wax haysta” ayuu yiri Sheekh Shariif oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay Abaarta saameynta ku yeelatay.

       Wuxuu intaas kusii daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya "Waxaan sidookale soo jeedinayaa in la badiyo Alle bariga iyo salaadda si ilaah nooga dulqaado abaarahan iyo colaadaha”. Xukuumadda ayaa wada dadaalo gurmadyo loogu sameeynayo dadka ay Abaar ta saameeysay.

Guddiga doorashooyinka heer federaal oo dalab cusub kasoo saaray doorashada

      Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federaal (FEIT) oo war kasoo saaray doorashooyinka dalka, ayaa dalbaday in la dadajiyo doorashada Golaha Shacabka, oo inta badan la qabtay doorashadooda.

Afhayeenka gudiga doorashooyinka heer federaal Ax med Safiina ayaa sheegay in doorashada dalka ay mar eyso meel geba-gabo ah, waxa uu dalbaday in la da-dejiyo kuraasta dhiman si loo xaqi ijiyo dhammeystirka tirada Golaha Shacabka ee ah 275.

    Axmed Safiina sidoo kale sheeg ay in Shalay lasoo gaba-gabeeyay kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Dhuusamareeb oo ah caasim adda dowlad goboleedka Galmu dug.

      "Doorashada Dalka waxa ay kusii siqeysaa meel ga ba-gabo ah, waxa aan soo gaba-gabeynay kuraasta Ba naadirga 5 kursi, Waqooyiga 46 xildhibaan, Dhuusamar eeb 26 kursi & Baraawe 26 mudane,” ayuu yiri Afha yeen Safiina.

      "Waxaa inoo dhiman kuraasta Garbahaarey oo ah 16 kursi, 11-ka Gaalkacyo yaalla oo ah deegaan doora shada labaad ee Galmudug, 16ka Boosaaso yaalla, Ba ydhabo 19 kursi ku harsan yihiin Koofur Galbeed, wax aa iyanna socota Doorashada Garoowe, Kismaayo, Jowhar iyo Baladweyne.”

     Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa Shalay qorshuhu ahaa in la soo gaba-gabeeyo, hase yeeshe Golaha Wada-tashiga Qaranka ayaa u kordhiyay 18 maalmood oo ku siman 15-ka Maarso ee 2022.

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo War Kasoo Saa ray Doo rashadii Banaadiriga Ee Shalay Dhac day

      Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Banaadiriga ee Shalay lagu door tay Magaalada Muqdisho.

     Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay in doora shada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi  hor ay loogu asteeyay ee 25-ka Febrayo

     Wuxuu u mahadceliyay Guddiy adii doorashada maamulay ee Guddi yada Gobolada Waqooyi ee Somalil and iyo kuwii Banaadiriga, ciidamm ada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay ee laga xiray waddooyinka qaar ee Muqdisho

"Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi  horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo geb ogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi” ayuu yiri RW Rooble.

        Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Max amed Xuseen Rooble ayaa rajeeyay in doorashada Xil dhibaannada Golaha Shacabka ee harsan ay ku soo dhammaato muddadii uu isla gartay G/Wadatashiga Qaranku ee 15-ka Maarso.

Doorashada kuraas ka mid ah Golaha Shacab ka oo ka dhacday Muqdisho & Dhuusamareeb

      Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa Magaalada Dhuu samareeb ee Caasi madda Galmudug ku qabtay doorashada Afartii kursi ee ugu dambeeysay kuraasta taalla Magaalada Dhuusama reeb halka Guddiga doorashooyinka Beelaha Bana adiriga ay qabteen Muqdisho doorashada Shanta Kursi ee Beelaha Banaadiriga ku leeyihiin Golaha Shacabka.

      Kursiga 1aad ee HOP#012 oo doorashadiisa ka dha cday Dhuusamareeb ayaa waxaa markale ku guuleys tay Yuusuf Xeyle Jimcaale oo kursigaan horay ugu fa dhiyay, isaga oo helay codad gaaraya 93 Cod.

Kursiga labaad ee Hop#048 ayaa waxaa ku guuleys atay faa’iso Maxamed Jeyte oo heshay codad gaaraya    96 Cod, waxaana kursigaan horay ugu fadhiyay Jane raal Cabdullaahi Gaafow Maxamuud.

      Kursiga Saddexaad ee Hop#137 oo uu horay ugu fa dhiyay Saadaq Cabdi Kariin Xaaji Ibraahim ayaa waxaa Shalay ku guuleystay Cabdirisaaq Aadan Warsame (Xusul) ,isaga oo helay codad gaaraya 92 Cod.

     Kursiga Afaraad ee ugu dambeeyay doorashada kur aasta taalla Dhuusamareeb ee Hop#071 ayaa waxaa markale ku guuleystay Wasiirka Dekadaha & Gaadiid ka Badda Galmudug Cabdi Saabir Shuuriye oo kurs igaan horay ugu fadhiyay, waxaana uu helay 80 Cod.

     Dhinaca kale guddiga Maamulka doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa qabtay doorashada Shanta kursi ay ku leeyihiin Golaha Shacabka, kuwaas oo ay dhamaan ku guuleysteen dad Cusub, iyada oo meesha laga saaray kuwii horay ugu fadhiyay, waxaana ay kala yihiin.

      Kursiga 1aad ee Hop#034 oo uu ku fadhiyah Khaa lid Macoow Cabduqaadir ayaa waxaa ku guuleysatay Safiirka Soomaaliya ee dalka Hindiya Khadiijo Maxa med Al Maqsuumi, waxaana kursigaan uu ahaa mid bu uq badan uu ka dhashay walow Guddiga doorashoo yinka heer federaal ay sheegeen in la xaliyay.

      2: Kursiga labaad ee Hop#105 oo dhowrkii sano ee la soo dhaafay uu ku fadhiyay guddoomiye kuxigeenkii hore ee Baarlamaankii 9aad Jeylaani Nuur Iikar, balse meesha laga saaray, waxaana Shalay ku guuleystay Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cadde

      Kursiga Saddexaad ee Hop#266 oo ay ku fadhisay Biibi Khaliif Maxamed ayaa waxaa ku guuleystay Gudd oomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Maxamed (Jeeg)

      Kursiga Afaraad ee Hop#084 oo ay ay ku fadhisay Fahma Axmed Nuur oo meesha laga saaray ayaa wax aa ku guuleystay Taliye kuxigeenkii Booliska Gobolka Banaadir Maxamuud Cabduqaadir Xaaji (Jeego)

Kursigii ugu dambeeyay ee kuraasta Beelaha Banaadi riga ee Hop#265 oo uu ku fadhiyay lufti Shariif  Maxa med Cumar ayaa waxaa ku guuleystay Maxamed Nuur Abuukar.

      Maamulada kale ee kajira dalka ayaa la filayaa inay dhankooda dardar geliyaan doorashada Golaha Shac abka, waxaana ugu soo horeeya Maamulka Hir-Shabe elle oo Beri qabanaya do orashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka


Dowladda Soomaaliya oo Farriin u dirtay muwa adiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Ukraine

     Wasaarada Arimaha Dibada Soomaaliya ayaa dad ka Soomaaliyeed ee ku nool dalka ugu baaqday inay lasoo Xidhiidhaan safaaradaha Soomaaliya ee Biljamka iyo Jermalka.

  "DFS iyada oo ka duulayso xaaladda ammaan ee Ukr aine oo si xawli ah isu beddeshay, wa xay kula talisay dhammaan muwaadini inta Soomaaliye ed oo ay ku jiraan ar daydu in ay la soo xiriiraan Safaarad da J/F/Soomaaliya ee Brussels iyo Berlin si loo soo daad gureeyo” ayaa lagu yiri war  ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Soomaali ku xirneyd dalka Ukraine oo la siidaayay

     30 Qof oo Soomaali ah oo ku xirnaa wadanka Ukra ine ayaa la siidaayay, sida ay Warbaahinta Dowladda u xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.    Dadkaan la siidaayay ayaa la filayaa inay ka baxaan dal kaas, waxaana socda dadaalo ay wado wasaaradda Arr imaha dibadda oo lagu doonayo in Muwaadiniinta So omaaliyeed ay ku tagaan dalalka dariska la ah Ukraine.

       Soomaalida kunool dalka Ukraine oo u badan Arday ayaa waxaa saameyn ku yeeshay Colaada kajir ta dalkaas.

"Haramcad waa buro foolka uga taalla boolis ka Soomaaliya ee ha laga jaro” –

      Guddoomiyaha Warbaahinta Mustaqbal Axmed Cii se Guutaale oo Shalay ka hadlay isku soobax ay mad axda warbaahinta Muqdisho ku cambaareeyeen jir-dilkii todobaadkii hore degma da Kaxda loogu geystay wer iyaal war doonayaal ah ayaa aad u eedeeyey ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad.

       Guutaale ayaa Haramcad ku tilmaamay Buro-fool ka uga taalla booliska Soomaaliya, taas wax daawo ah aan laheyn, in laga jaro maahane.

     Sidoo kale waxuu aad u eedeeyey taliyaha Haramc ad ninka lagu magacaabo Fanax, isagoo ku tilmaamay "Caado-qaate loo adeegsado caburinta saxaafadda iyo guud ahaan dadka reer Muqdisho.” ”Haramacad waa burro foolka kaga taalla Booliiska Soomaaliya, Fanaxow hubka iyo hantida dowladda ee aad heyso waa imtixa ane ogaaw, maalin maalmaha kamid ah waa lagaa qa adi doonaa, waliba adigoo eedaysane ah,” ayuu yiri Ax med Guutaale.

      Madaxdii warbaahinta madaxa-banaan ee Shalay isugu timid Muqdisho ayaa sheegtay in dowladda Soo maaliya ay dhegaha ka fureysatay dalabka cadaalad u raadinta weriyaashii ay dhibaateeyeen ciidanka Hara mcad.

    Ilaa afar weriye oo ka kala socday warbaahinta mada xa-banaan ee magaalada Muqdisho ayaa jir-dil loogu geystay degmada Kaxda, halkaas oo ay u tageen soo tebinta dhibaatooyinkii ka dhashay weerar ay kooxda Al-Shabaab ku burburisay saldhigii degmadaas.

      Ciidanka Haramcad oo taliyahooda Haramcad uu hoggaaminayo ayaa jir-dilay weriyaashaas, sidoo kale waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey sawirrada weriyaasha oo xabadka loo dhiga meel qorrax ah, ka dibna la xirxiray.

     10 maalmood ayaa ka soo wareegtay markii tacad igaas loo geystay weriyaasha illaa hadana ma jiraan wax tallaabo ah oo Taliska booliska Soomaaliya uu qa aday, waxaana warbahinta madaxa-banaan looga bax ay balan-qaadkii ahaa in ragii weriyaasha jir-dilay cada aladda la horkeeni doono. Xigasho:caasimadda.net

Musharrax Daahir Geelle oo cadeeyay mowqifki isa dib u dhisigta doorashooyinka

Musharrax Madaxweynaha Soomaaliya Daahir Maxam uud Geelle ayaa noqday musharrixii u gu horreeyay ee cadeeya mowqifkiisa ku aaddan go’aanka Golaha wadata shiga ay dib ugu dhigeen dhameystir ka doorashooyinka lagana dhigay in la dhameeyo 15 Bisha Maarso.Musharraxa oo Warbaahin ta kula hadlayay Magaalada Muqdisho waxaa uu shee gay in mudadii horay loogu qabtay doorashooyinka oo aheyd 25 Bishaan oo Shalay ah ka soke la dhameyn karay balse meelaha qaar, iyada oo doorasho la qaban karay la joojiyay.

       Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in doorasha da oo la dedejiyaa ay dalka jibeyn karto, isaga oo shee gay in hadda dalka uu kujiro xaalad adag oo looga gud bi lahaa hadii la helo iabedel Maamul oo dalka ka dhaca.

Cumar Filish oo shaaciyey in Muqdisho ay ka jirto arrin ka halis badan qaraxyada

     Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaa dir, ahna Duqa M/Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Fil ish) oo khudbad ka jeediyey kulan ka dhacay degmada Dharkenley ayaa ka hadlay arrimaha ammaanka ee M/Muqdisho.

  Cumar Filish ayaa sheegay in maalin weliba loo soo gudbiyo xogta qaraxya da iyo dilalka ka dhaca gudaha caas imada, balse wuxuu tilmaamay inay ha atan ka halis badan yihiin dhibaatooyinka ay geystaan dadka isticmaala maandooriyaha,

 sida uu hadalka u dhigay.

         "Degmooyinka G/Banaadir dhacdooyinka ka dha ca maalin walba wixii dhaca 24 saac waa la’ii soo gudb iyaa qaraxyaa dhaca kuwa madax jebiska bistooladley ayaa wax disha yacni dhibaatooyin kale ayey abuuraan waxaas wax ka khasaare badan oo aan la ogeyn ayaa jira waa dadka daroogeysan dhibaatooyinka ay geysta an ,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

         Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhibaato oyinka maandooriyaha ku hayo bulsh ada ay shan jeer ka badan yihiin falalka ay geystaan kuwa is qarxinaya ama wax dilaya.  "Inta qof daroogeysan uu dilay ama dhaawacay ayaa shan jeer waxa ay ka badan tahay ko oxahaan kale oo is qarxiyeyaasha ahi dhibaatada ay geystaan,” ayuu sii raaciyey.

     Duqa Muqdisho ayaa farriin u diray dadka Soomaa liyeed, wuxuuna ugu baaqay inay meel uga soo jest aan la dagaalanka maan dooriy aha iyo kuwa cadowga ku ah noloshooda.      Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ay ada oo 7baadyadii u dambeeyey ay kordheen dhibaa to oyinka amni darri ee ka jira caasimada oo ay haatan ka socoto doorasho guud.

     Si kastaba, maamulka G/Banaadir ayaa bilihii u dam beeyey waday wacyigelin ballaaran oo ku aadan sidii lo ola dagaalami lahaa maan dooriyaha iyo kuwa ganacs ada.

Muxuu R/Wasaare Rooble Kala Hadlay Ku-Xige enka Wakiilka XoghayahaGuud Ee QM?

        Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Ro oble ayaa qaabilay ku-xiigeenka wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Ba ni’aadminimada Adam Cabdulmowlaa.    Kulanka dhex maray R/Wasaare Rooble & Adam Cabdulmo wlaa ay aa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo kamid yih iin Arrimaha abaaraha dalka iyo gurmadka la gaarsiina yo dadka abaartu saameysay ee kunool deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

    Waxaa kaloo kulan ka loo ga arrinsaday inta uu socday isu duwidda dadaallada gur madka abaaraha ee dowlad da iyo hay’adaha kala duwan ee Gargaarka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska R/Wasaare Max amed Xuseen Rooble.

     Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa wada dadaalo kala duwan oo loogu gurmanayo dadka ay abaarta ku saam eeysay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada da lka, waxaana Xukuumadda ay Codsiyo la xiriira u gur madasha dadka Soaalida u dirtay Beesha Caalamka.

Soomaaliya oo ugu baaqday dowladaha Afrika inay iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada

     Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorisay dalalka Afr ika inay u midoobaan la dagaalanka kooxaha argagaxis ada ah ee Qaaradda Afrika. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali oo ka qeyb ga lay shirka amniga ee ka dhacay Munich, ayaa ka hadlay sida dowladaha Afrika ay si wax ku ool ah uga hortagi karaan xagjirnimada, isagoo  carabka ku adkeeyay ba ahida loo qabo xog isdhaafsiga Afrika.

    "Waxaan u baahanahay inaan wada hadalno marka hore. In la wadaago hababka ugu wanaagsan, in la wadaa go casharrada laga bartay & in si dhab ah loo qaato khatarta argagixisanimada iyo rabshadaha," ayuu yiri wasiirk arrimaha dibadda Soomaaliya.

    D/Soomaaliya oo taageero ka helaysa ciidamada M/Afrika ee AMISOM ayaa 15 kii sano ee u dambeeyay dagaal kula jirtay dagaalyahannada Al-Shabaab.

Talaadadii, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa howlgalo ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan G/hiiraan waxa ay ku dileen 60-ka tirsan dagaalamayaa sha Al-Shabaab.

    Dagaal ka dhacay Gobolka Baay & faah faahin laga helayo
Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa Ci idamo katirsan kuwa Maamulka Koonfur Galbeed iyo Xubno kamid ah Al-Shabaab waxaa uu ku dhexmaray D/Qansax-dheere ee G/ Baay. Dagaal ka ayaa yimid ka dib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidama da Maamulka K/Galbeed ee /Qansax-dheere, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dagaalka ay ku dhaawacmeen 2 Askari oo katirsan Ciidamada Maamul ka Koonfur Galbeed, sidoo kale Ciidamada Itoobiya oo ku sugan Saldhig u dhow Goobta lagu dagaalamay ay madaafiic dhowr ah dagaalka uga qeyb qaateen.
Qaar kamid ah dadka kunool degmada Qansax-dhe ere ee Gobolka Baay ayaa sheegay in dagaalka siweyn looga dareemay gudaha degmada balse xaalada haa tan ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya D/Qansax-dheere ee G/Baay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciid amada Maamulka K/Galbeed ay wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan Xubnaha katirsan Al-Shabaab ee soo weeraray.
Xarakada AL-SHABAAB oo amar cusub dul dhig tay ganacsatada magaalada…
Kooxda Al-Shabaab ayaa ganacsatada M/Jowhar ee maamulka HirShabelle ku amartay inay xiraan goo bahooda ganacsi ayna tagaan magaalada Aadan Ya baal oo ah xarunta maamulka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip