dhacay goob dahabka laga qodo oo ku taal Burkina Faso.

0
Tuesday February 22, 2022 - 14:13:14 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    dhacay goob dahabka laga qodo oo ku taal Burkina Faso.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Ugu yaraan 59 qof ayaa ku dhimatay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax isniinti ka dhacay goob dahabka laga qodo oo ku taal koonfur-galbeed ee Burkina Faso, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha Dalkaasi.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaa sidoo kale sababay burbur xooggan oo ka dhacay goobta dahabka lagu sameeyo ee Gomgombiro oo ku taal Gbomblora, oo qiyaastii 386 kilomitir koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Ouagadougou, sida laga soo xigtay maamulka gobolka oo ay soo xigatay Wakaalada wararka Burkina Faso ee (AIB).

Qaraxa ayaa Sababay Dhimashada Dad badan iyo maydad laga soo saaray goobta, Waxana maamulku ku dartay, in wali ay wadaan Gurmadka Dadka ku wax yeeloobay Qaraxa.

Dalkan Galbeedka Afrika ku yaalo ee Burkina Faso ayaa ah dalka inta badan dadkiisu qotaan Buuraha dahabka, kadib markii wax-soo-saarka suufka uu yaraaday, masiibooyinka ayaa ku soo noqnoqda goobaha macdan qodista. Kii ugu dambeeyay ayaa Jimcihii ka dhacay koonfurta, markaasoo laba qof ay ku dhinteen dhul go’ ka dib

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip