
Beesha Cayr oo fariin culus u dirtay beesha Murusade
Odayaasha dhaqanka beesha Cayr ee Habargidir ayaa isugu yimid kulan gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo fariin culus loogu diray guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar.
Odayaasha beesha Cayr ayaa sheegay in gabar xaamilo ah oo dhakhtar aheyd ay dileen ciidanka ilaalada u ah guddoomiye Maxamed Abuukar Jacfar, xilli ay marayeen agagaarka isbitaalka xoogga dalka.
Gabadha la dilay ayaa la sheegay in meydkeeda uu weli ku jiro qaboojiye, isla markaana ay beesha Cayr ka dalbaneyso guddoomiye Jacfar iyo dhamaan waxgaradka beesha Murusade inay soo xiraan askarigii dilay.
Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble oo kulankaas ka hadlay ayaa yiri, "Gabadha la dilay waxay aheyd dhakhtar dadka Soomaaliyeed anfaceysay, meydkeedii weli qaboojiye ayuu ku jiraa walaalayaalow sida ugu fudud inaad u soo qabataan ninkii dilay gabadheena.”
Imaamka ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan doonta hadii laga jawaabi waayo baaqaan ka soo yeeray, "Murusade waa dad aan isku fiicanahay oo nala dhashay curadna noo ah, waxaan ka rabnaa inay meel ku sheegaan gabadhii, masuuliyiinta beesha Murusade oo Ugaasku ugu horeeyo waxaan farayaa inay ka soo jawaabaan baaqeena,” Imaam Cabdullahi Khaliif Rooble.
Xubnihii ka hadlay goobta ay isugu soo baxeen odayaasha iyo saladiinta beesha Cayr ayaa sidoo kale fariin loogu diray Nabadoon Xaad oo ah guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye, waxayna la codsadeen in baaqooda uu ka soo jawaabo, isagoo kaashanaya Ugaaska Murusade iyo guddoomiye Jacfar oo la sheegay in ilaaladiisa ay dishay gabadhaas.

Hoos ka daawo
Beesha Cayr oo fariin culus u dirtay beesha Murusade
..