HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 17-KA FEB.2022-KA

0
Thursday February 17, 2022 - 08:49:09 in Wararka by
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO KHAMIIS 17-KA FEB.2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

logo-da wargeyska
...

Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falalkii argagixisadu Habeen hore ka geysteen qeybo kamid ah magaalada Mu qdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa shir-guddoomiyay kula nkaas oo ahaa mid deg-deg ah, waxaana looga hadlay xoojinta amniga, xili ay dalka ka socoto do orashada Golaha Shacab ka.

Kulanka uu Rooble Is kugu yeeray saraakiisha ciidamada ayaa waxaa ka soo muuqday inta bad an saraakiisha ciidamada, kuwaasi oo ay kamid aha ayeen taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, taliyaha ciidanka dhulka, taliyaha ku-meel gaarka ah ee NISA iyo taliyaha ciidanka booliska qeybta go bolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ugu dambeyntiina faray saraakiisha kala duwan ee ciidamada inay qa adaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga.

Kulanka Rooble iyo Saraakiisha ciidamada ayaa imanaya saacado kadib markii ay qaraxyo iyo daga allo toos ah Habeen hore saq-dhexe ka dhaceen qaybo badan oo kamid ah magaalada Muqdisho ee ca asimada Soomaaliya.

Weerarka 1aad oo ahaa mid xoogan ayaa wax aa lagu beegsaday saldhigga degmada Kaxda, wax aana gudaha u galay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka ku qaaday halkaasi, waxay sidoo kale dab qabad-siisay qaybo ka mid ah saldhigga, kadibna waxaa la sheegay in dagaalyahanadu ay horey usii qaateen laba gaari oo nooca dagaalka ah.

Weerarka labaad ayaa isna ku bilowday qarax oo uu xigay dagaal toos ah waxaana lagu qaaday xa afadda Daarusalaam, waxaana la sheegay in qaraxa lagu weeraray guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmada Heliwaa oo ku sugnaa halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale xoogaga Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ku yaal Calamada ilaa Ceelasha Biyaha, halkaasi oo rasaas xoogan laga maqlay, kadib mar kii ay difaac adag kala hortageen ciidamada dowlad da iyo kuwa AMISOM.

Si kastaba, weeraradan ayaa si xoogan looga da reemay guud ahaan caasimada oo dhan, xilli mag aalada ay ka socoto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka.

Dowladda oo Ka Hadashay Qaraxyadda Habeen hore Laga Maqlay Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka ha dashay Qaraxyadii iyo rasaastii Habeen hore laga maqlay Gudaha Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Fed eraalka Soomaliya C/laahi Maxa med Nuur oo qoraal soo dhigay bar tiisa bulshadda ayaa sheegay in la fashiliyay weeraro ay damacsana yeen dagaalyahanadda Xarakadda Al-shaabab inay ka fuliyaan Magaa ladda Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Dowladda ay ku leeyihiin Degmadda Kaxda ee Go bolka Banaadir,islamarkaana lagu fashiliyay.

"Al-shabaab waxa ay abaare 1:00am weerar ku soo qaadeen daafaha magaalada Muqdisho, balse ciidamada amniga ayaa ka difaacay shacabka kooxa nabad diidka ah, faahfaahinta isku dayga cadowga waxaa shacabka lawadaagi doonoa dhawaan ciid anka Booliska Dalka”,ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/laahi Maxamed Nuur. Wasiirka amniga gudaha Soomaali ya C/laahi Maxamed Nuur ma uusan sheegin khasa araha ka dhashay weerarka isugu jirey qaraxyadda iyo midka toos ah.

DF oo soo xirtay mashruuc sanado bad an ka socday badda Soomaaliya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u xirtay mashruucii burcad badeedda ee Badwe ynta Hindiya, kaasi oo socda in ka badan 10 sano.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay QM ka codsatay in la joojiyo Qaraarka Golaha Ammaan ka ee la-dagaalanka Burcad-badeedda ee tirsigiisu yahay 2608(2021), laga billaabo 3-da bisha March 2022.

Go’aankan ayaa yimid ayada xeeba ha Soomaaliya ay hadda noqdeen na bad, islamarkaa na aysan jiran warbixin sax ah oo cadeynaysa in ay xalis dhanka nabad-gal yada ah ay ka jirto isu socodka gaadiidka badda ee mara badda Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Arrintan ayaa aheyd mashruuc la buun buuniyay oo dowlado shisheeye ay shaqo ka dhigteen, hase yeeshee Dorraad oo taariikhdu aheyd 15-ka February 2022 ayay Dowladda Soomaaliya u suura-gashay in gebi ahaan la xiro mushruucan sumcad xumadda xambaarsanaa muddada dheer.

Danjiraha Soomaaliya ee QM Abuukar Daahir Cusmaan "Baale” ayaa Dorraad Golaha Ammaanka ee QM ka sheegay in guud ahaan la joojiyay ma shruuc La-dagaalanka Burcad-badeedda, maadaa ma aysan xeebaha Soomaaliya ka jirin wax Burcad-badeedda ah.

Danjire Abuukar Baale ayaa yiri "Shantii sano ee lasoo dhaafay wax weerar Burcad-badeedda ah kama dhicin xeebaha dalkeena, sidaas darteed sha qada howlgalka caalamiga ee loogu magac daray la-dagaalanka Burcad-badeedda waxaa looga faa’iide ysan karaa arrimo lagu xoojin karo Dowladnimada Soomaaliya ee taageeradda beesha caalamka.”

Danjiraha ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay dadaalka ay bixinayaan Saaxiibadda Soomaaliya si loo gaaro hiigsiga fog.

Hoos ka daawo khudbadda danjire Abuukar Baalle

Maamulka G/ Banaadir & Dowladda UK oo ka wada hadlay Arimaha Abaaraha

Guddoomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (jakeetti) ayaa kula kulantay Safa aradda UK ee Somaliya ku xigeenka safiirka UK ee Somalia Mr. Richard Slack.

Labada masuul ayaa kawada hadlay arrimaha Abaaraha ee ka jira dalka, gaar ahaan dadka cusub ee Caasimadda soo gaaraya sidii ay Dowladda UK gacan uga geysan lahayd taakuleenta Dadkaasi.

Guddoomiye Basma iyo safiirka ayaa isla meel dhigay in la horumariyo Waxbarashada Gabdhaha Soomaaliyeed iyo sidii Dowladda UK uga caawin lahayd Dowladda Hoose ee Xamar horumarinta adeegyada Caafimaadka G.Banaadir.

Kulankaan ayaa kusoo beegamaya xilli saacadihii la soo dhaafay duleedka Magaalada Muqdisho ay soo gaareen dad kasoo barakacay Abaaraha kajira qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaaliya.

Saraakiil iyo askar ka tirsan Haramcad oo xabsiga la dhigay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gene ral Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa amray in la soo xiro Saraakiishii iyo Ciidamadii Booliska Hara mcad ee Shalay Degmada Kaxda ku jirdilay afar ka mid ah Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho.

Wariye-yaasha ayaa degmadaasi u tegay inay soo tebiyaan weerarkii xooganaa ee Habeen hore Shabaab ku ku qaadeen Saldhigga Booliska ee Kaxda.

Sawirro la soo dhigay barraha bulshada ayaa muujinaya Wariye-yaashaas oo shaararkii ay xirnaay een indhaha looga duubay, ka dibna beer beer loo seexiyay dhulka, xilli qorax kulul ay jirtay.

Tani oo ka careysiisay Wariye-yaasha Caasim adda Muqdisho ayaa soo dedejisay amarka ka soo baxay Taliska Booliska ee lagu soo xirixray askartii falkaasi gaysatay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyay in la soo xiray dhammaanba Saraakiishii iyo Ciidamadii Har amcad ee falkaasi ku lugta laheyd.

Afhayeenka Booliska ayaa raaligelin ka bixiyay dhacdadaasi, isaga oo tilmaamay in Hay’adda De mbi Baarista ee CID ay baareyso dhacdadaasi.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dal alka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka haw lgalo.

Qoorqoor Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay, wafdi ballaaran oo kasocday xafiiska Qa ramada Midoobay, gaar ahaan hay’adda IOM.

Kulanka ayaa waxaa madaxwaynaha kuwehli nayay Wasiiru Dowlada Madaxtooyada, Agaasimaha Guud ee Madaxtooy ada, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha iyo masuuliyeen ka socotay Wasaaradda Deegaanka, Isbadalka Cilimada iyo Wasaaradda Haweenka Galmudug,

Madaxwaynaha iyo wafdiga ayaa kawada had lay xaaladda abaaraha iyo saameenta ay ku yee sheen deegaanada Galmudug oo ay abaartu saa meesay.

Booqashada wafdiga IMO ayaa salka kuhayay mashruuc ay kafulinayaan Galmudug, waxaana ma shruucan uu yahay mid wax kaqabanaya arimaha deegaanka iyo biyo la’aanta soo foodsaartay dada kunool miyiga deegaanada Galmudug.

Madaxwayne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa soo dhaweeyay mashruucan, waxana Qaramada Midoo bay uu ku booriyay laba jibaarista mashaariicda noo caan ah, kuwaas oo wax looga qabanayo abaarta lixaadka leh ee kudhufatay Soomaaliya, gaar ahaan deeganada Galmudug.

Kadib markii uu soo idlaaday kulanka Madaxway naha iyo saraakiisha kasocotay hay’dda IOM, waxaa wafdiga IOM oo ay wehlinayaan agaasimaga guud ee madaxtooyada Galmudug, Cismaan Macalin Xas san, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Maxamud Cabdi Axmed Kaarshe iyo Agaa simaha guud ee Wasaaradda deegaanka ay booq deen madaxtooyada cusub ee Galmudug oo maraya heer gaba gaba ah, Wasaraadda Deegaanka, Isbad alka Cimilada iyo Hormarinta reer Miyiga, iyo sidoo kale Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.

Booqashada wafdiga IOM iyo mashruuca ay ka fulinayaan Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli abaaro xoogan ay kudhfteen Soomaaliya, gaar aha an deegaanada Galmudug, iyadoona lafilayo in mashruucan Shalay laga fuliyo deegaanada miy iga Galmudug oo ay abaartu saameesay.

Saraakiil iyo askar ka tirsan Haramcad oo xabsiga la dhigay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa amray in la soo xiro Saraakiishii iyo Ciidamadii Booliska Haramcad ee Shalay Degmada Kaxda ku jirdilay afar ka mid ah Wariye-yaasha Magaalada Muqdisho.

Wariye-yaasha ayaa degmadaasi u tegay inay soo tebiyaan weerarkii xooganaa ee Habeen hore Shab aabku ku qaadeen Saldhigga Booliska ee Kaxda.

Sawirro la soo dhigay barraha bulshada ayaa mu ujinaya Wariye-yaashaas oo shaararkii ay xirnaa yeen indhaha looga duubay, ka dibna beer beer loo seexiyay dhulka, xilli qorax kulul ay jirtay.

Tani oo ka careysiisay Wariye-yaasha Caasim adda Muqdisho ayaa soo dedejisay amarka ka soo baxay Taliska Booliska ee lagu soo xirixray askartii falkaasi gaysatay.Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xaqiijiyay in la soo xiray dhammaanba Saraakiishii iyo Ciidamadii Haramcad ee falkaasi ku lugta laheyd.

Afhayeenka Booliska ayaa raaligelin ka bixiyay dhacdadaasi, isaga oo tilmaamay in Hay’adda Dembi Baarista ee CID ay baareyso dhacdadaasi.

Somaliya waxaa lagu tilmaamaa mid ka mid ah dalalka ugu halista badan dunida ee Wariye uu ka hawlgalo.

Booliska Soomaaliya oo raali gelin ka bixiy ey falkii Shalay ka dhacay Kaxda

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray jir-dil Shalay degmada Kaxda loogu geystay weriyaal ka howlgala qaar ka mid ah warbaahinta madax-banaan ee magaalada Muqdisho

Afhayeenka booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Taliska booliska Soomaaliyeed uu raali gelin buuxda ka bixinayo falkii Shalay lagu dhibaateeyey weriyaa sha. Sidoo kale waxa uu sheegay in saraakiishii iyo askartii Shalay falkaas kula kacay weriyaasha ay ku xiran yihiin xarunta CID-da, halkaas oo baaritaana dooda ay ka socdaan.

Afhayeenka booliska ayaa intaas ku sii daray in Taliye Xijaar uu amray ciidanka, in Weriye dambe aan laga hor istaagi karin shaqadiisa, taas bedelkee dna ay ciidanku u fududeeyaan warbaahinta maclu umaadka ay uga soo baahato.

Askar iyo Taliye ku xigeenka ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa ka soo muuqday saw irro laga qaaday goobtii Shalay jir-dilka loogu geys anayey weriyaasha.

Waxaa aad baraha bulshada ugu faafay sawirra da weriyaal lagu figeeyey meel qorrax ah, waxaana jir-dil iyo ciqaabo kala duwan ay ciidankaas u geys teen weriyaashii Shalay degmada Kaxda u tegay inay soo tebiyaan dhibaatooyinkii ka dhashay weerar kii ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigga degmadaas oo dhamaantiis ku burburay weerarka.

Ma jiraan wax cadeymo ah oo Afhayeenka booliska uu soo bandhigay, kuwaas oo muujinaya in la xiray askartii iyo saraakiishii Shalay sida xun ula dhaq may weriyaasha.

Mahad Salaad Oo La Guddoonsiiyay Shahaad ada Musharaxnimada Kursiga Hope147

Guddiga doorashooyinka Galmudug ayaa shaha adada musharraxnimo guddoonsiiyay Musharaixiinta u tartamaya kursiga tirsigiisu yahay Hop147, kaasi oo dhawaan la shaaciyay in Dhuusamareeb lagu dooran doono.

Kursiga Hope 147, ayaa wa xaa u taagan musharixiin dhowr ah oo doonaya in ay ku soo baxaaan, waxaana Shahaadada Musharaxnima da guddoomay labo muhar ax oo kala ah Mahad Maxamed Salaad iyo Shamso Cabdullaahi Maxamed.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa horay ugu fadhiyay kursiga,waxaana uu ka mid yahay sha qsiyaadka ugu cad cad ee la filayo inuu kusoo baxo kursiga.

Mahad Maxamed Salaad ayaa afartii sano ee la soo dhaafay si weyn mucaarad ugu ahaa Dowladda muddo xileedkeedu dhammaaday, waxaana hadda la filaya inuu difaacdo kursigiisa.

Guddoomiye Cabdiqani Saciid Carab oo is casilay

Guddoomiyihii xiriirka Kubadda Cagta Soomaali ya Cabdiqai Saciid Carab oo shir jaraa’id ku qabtay M/Muqdisho ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii uu hayey.Cabdiqani oo warbaahinta kula hadlay Muqd isho ayaa sababta is casilaadi isa ku sheegay isagoo u naxa yo Kubadda Cagta Soomaaliya.

Wuxuu xusay inaysan jirin cad aadis saaran iyo cid ku qasabt ay inuu is casilo, wuxuuna ku baaqay in doorashada xiriirka la qabto taasoo lagu ballansan yahay dham maadka sanadkaan.

Is casilaada Cabdiqani ayaa kusoo aadeyso xilli uu xiriirka Kubadda Cagta Soomaliya u kala jabay Laba qeyb oo ay kala hoggaaminayeen Cali Shiino iyo Cabdiqani oo kala ahaa guddoomiye iyo guddo omiye ku xigeen.

Sida uu qabo Sharciga xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya waxaa xilka guddoomiyaha sii heyn do ono Cali Shiino oo ah ku xigeenka inta laga gaarayo doorashada xiriirka oo dhaceyso dha mmaadka Sanadkaan.

Al-Shaabab oo War Kasoo Saaray Qar axyo iyo Weeraro Habeen hore Ka Dhacay Muqdisho

Al-shaabab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qarax yo iyo weeraro ka dhacay Habeen hore magaaladda Muqdi sho ee Caasimadda Soomaaliya.

Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ay aa lagu sheegay in dagaalyahano Ka tirsa Shabaab ay weerar ku fuliy een degmooyin ka Tirsan G/B/dir.

Sida lagu sheegay war rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayaa lagu sheegay in cag ta la mariyay illaaa saddex xero oo Ciidamada Dow ladda Soomaaliya saldhig u ahaa.

1-saldhigga degmada kaxda waxaa ka dhacay weerar naf hurnimo oo loo adeegsaday gaari wal xaha qarxa lagasoo buuxiyay kadibna waxaa xigay weerar toos ah.

2-Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday xero ku taalla degmada Yaaqshiid gaar ahaan xaafadda Da arusalaam oo fariisin u ahaa ciidamada DFS.

3- Xero kale oo lagu magacaabo ceel-janaale oo ah meel laga difaaco degmada Kaxda waxaa ka dha cay weerar cagmarin ah oo khasaara badan lagu ga arsiiyay ciidamada dowladda Federaalka Sooma aliya. Dagaalladan oo socday muddo saacado ah ayaa bilowday abaraa 2:30 saqdii dhexe waqtiga Muqdi sho waxayna soo gaareen ilaa Shalay waabarigii.

"Laga bilaabo Kaxda ilaa Yaaqashiid ilaa Hodan Habeen hore Al-shabaab ayaa si buuxda u maamulayey is lamarkaana kala xiray isu socodka dadka iyo gaadi idka inta ay howlgalkooda ku guda jireen”.

Jemes:-"Waa in Si Deg Deg Loosoo Ga ba-gabee yaa Doorashadda Golaha Shacabka”,!

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Mr.James Swan soo dhoweeyay horumarka ay So omaaliya ka sameysay hannaanka doorashada, is agoo xusay in 130 ka mid ah 275-ta kursi ee Golaha Shacabka la soo buuxiyay ilaa hadda,

Wuxuuna ku baaqay in la dedejiyo doorashada kuraasta hartay. Waxa uu sheegay in madaxda Soo maaliya looga baahan yahay inay la ba jibaaraan dadaalkooda si loo ga aro qoondada haweenka ee 30% ee doorashada baarlamaanka, iyo in la hubiyo in matalaadda haweenka ee baarlamaanka ay sii kordhineyso in horay loo sii socdo, sida wakiilku ka sheegay shirka Golaha Amaanka.

Hadalkiisa waxa uu Ergaygu ku boorriyay ma daxda Soomaaliya in ay meel iska dhigaan khila afka, kana shaqeeyaan danta dhammaan shacabka Soomaaliyeed, soona gebagebeeyaan doorasho lagu kalsoonaan karo, isla markaana dib diiradda loo saaro dadaallada mudnaanta qaran leh sida amniga, dawlad- dhiska iyo horumarka.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan wuxuu u sheegay Golaha Ammaanka in ay Soomaaliya ay ka jiraan abaaro ba’an oo ma siibo bini’aadannimo ay oo ka dhalan karto, isagoo xusay in loo baahanyahay in la kordhiyo gargaarka degdeg ah si dadka Soomaaliyeed ee u baahan taa geerada u helaan gargaar naf-badbaadin ah.

Guul-wadeyntii oo kusoo dhamaatay kama dhoo fi kartid garoonka Aadan Cadde

Siyaasiyiin ka mid ah kuwa sida weyn ugu dagaal galay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo damaciisa shaqsiyeed ayaa maalmihii u dambee yay wajahayay bahdil xoogan.

Guddoomiye ku-xigeenka1aad ee golaha shacab ka iyo Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga ee G/ Banaadir oo 13 iyo 14 bishaan doonayay inay ka duulaan garoonka Muqdi sho, si ay u doontaan kura as ay hunguriyeynayeen ay aa laga hor istaagay.

Bahdilka iyo is-hortaaga lagu sameeyay Cabdi weli Sh.Ibraahim Muudey iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa waxaa ka dambeeyay sida ay shee gen madaxda Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Lafta-gareen iyo Qoor Qoor ayaa waxay xulafo si yaasadeed la yihiin madaxweynaha muddo xileedki isu dhamaaday, hase yeeshe midaasi waxba uma ta rin raga sanadaha badan u sacabo tumayay Farm aajo.

Dadka falanqeeya siyaasada ayaa arrintan ku macneeyay mid laga baran karo cashir, una noqone yso duruus ay tahay inay si fiican u dhugtaan raga uu waqtiga kaga dhamaaday difaaca iyo guul-wade ynta madaxda xilka haysa.

Labada Nin ayaa sida muuqata hadda ku baxay in danihii Farmaajo-Fahad iyo damacooda siyaasa deed isku meel-mari waayay, waxaana Farmaajo-Fahad ka go’an inay ka cag wareejiso cidkasta, xa taa haddii uu yahay guul-wadaha xulafada.

Kuraasta ay rabeen Cabdiweli Muudey iyo Cali Yare Cali ayaa waxaa lasoo warinaya in si gaar ah loogu xiray Maxamed-weli Cabdullaahi Sheekh oo reer Australia iyo Mahad Salaad.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xili laga dey rinayo doorashada Golaha Shacabka, oo noqotay mid magac u yaal ah, maadama inta badan xildhibaa nada kusoo baxay kuraasta la doortay ay yihiin kuwo markii horeba loo xiray oo lasii ogaa

Kursigii Ka Harsanaa Aqalka Sare Ee Baarlamaa nka Federaalka Oo Shalay La Doortay

Guddiga doorashada Galmudug iyo Guddiga Aq alka sare ee Baarlamaanka Galmudug ayaa Shalay waxaa ay qabteen doorasha da kursiga ka harsanaa Aqal ka sare ee Baarlamaanka Fe deraalka Sooma aliya.

Doorashada kursiga Aqal ka Sare ee harsanaa Maamulka Gal mudug ayaa wa xaa ku tartamay la ba Musharax oo kala ah Farxaan Cali Maxamuud iyo Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed.

Inta aan doorashada bilaaban ayaa waxaa ka tanaa sulay tartanka Naciimo Yuusuf Shiiq Maxamed, kadi bna waxaa Baarlamaanka Galmudug hab gacan taag ah ugu codeeyeen Musharax Farxaan Cali Maxa muud, waxaana ogol ugu codeeyey 80 xildhi baan oo ah dhamaan kooramka Baarlamaanku ku furmay.

Guddoomiayaha Baarlamaanka Galmudug Maxa med Nuur Gacal ayaa ku dhawaaqay natiijada door ashadii ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb, waxaana uu sheegay inuu kursiga harsanaa ee Aqal ka Sare uu ku guuleystay Farxaan Cali oo helay 80 Cod.

Magacyada 7 Xildhibaan Cusub Oo Shalay Lagu Doortay Magaalada Baraawe

Magaalada Baraawe ee Caasimadda rasmiga ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Shalay waxaa ka dhacday doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee DFS.

Doorashada kursiga tirsig iisu yahay Hop 045 ayaa waxaa ku gu uleystay Ma xamu ud Axmed Maxamed, wu xuuna helay codad ga araya 90-cod, halka musharaxii kale ee la tartama yey Yuusuf Maxamed C/hi uu isna heley 8-cod, 3-cod wey halowday.

Maxamed Cabdala Axmed ayaa waxaa ku guuley stay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-145 ee Xubinn imada Golaha Shacabka, waxaana uu helay codad gaaraya 76-cod, halka Musharaxii la tartamayey C/hi Ahmed Cabdi uu heley 12-cod , 2-cod wey halo wday.

Doorashada kursiga tirsgiisu yahay Hop-162 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ah Maxamed Cusmaan Cumar iyo Maxamed Daliib Xasan, isla markaana waxaa kursigaas kusoo baxay Maxamed Cusmaan oo helay 74-cod iyo Maxamed Daliib oo heley 17-cod.

Kursiga Hop-148 ayaa waxaa ku tartamay Calwiya Siid Cabdullaahi iyo Sacdiyo Maxamed Cabdu qaadir, waxaana kursiga Hop-148 ku guuleysatay Calwiya Siid oo codad gaaraya 88-cod halka musharaxii la tartamaysay Sacdiyo Maxamed ay heshay 10-cod, 2-cod wey halowday.

Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kursi ga tirsigiisa uu yahay Hop-256 ee xubinnimada Gol aha Shacabka BFS, iyadoo heshay codad gaaraya 87-cod halka musharaxii la tartamaysay Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12-cod.

Cali Shekh Maxamed Nuur ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka BFS, isagoo heley codad gaaraya 90-cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Maxamed Cabdulaahi uu isna heley 11-cod.

Doorashada kursiga Hop-163 ee ugu dambee yay ee doorashadiisa Shalay ka dhacday Baraawe ayaa waxaa ku tartamay Isaaq Maxamed Maxamu ud iyo Cabdullaahi Cismaan Ibraahim, waxaana ku soo baxay Isaaq Maxamed oo helay 86-cod, sidoo kalena Musharaxii la tartamayey Cabdulaahi uu heley 10-cod, halka 4-cod ay halaawday

Faah Faahin: Darawal Mooto Bajaaj Ku Sidday Qaad Oo Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Faah faahino ayaa laga helayaa Darawal Mooto Bajaajle ahaa oo daqiiqado kahor lagu dilay Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir ee Gobol kaan Banaadir, wuxuuna Darawal u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Goobjoogayaal la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Darawalka la dilay uu Mooto Bajaajta ku siday qaad uu soo qaaday, isla markaana waxaa falkaas ku fuliyay oo wadada u galay rag hubeysan oo Macwiis, iyagoona rasaas ku furay Darawalka.

Darawalka dhintay ayaa la tilmaamay inuu Mootada u waday, si xawaare dheereeya ah, waxaana ragga hubeysan markii dambe ay qaateen qaadkii ay sidday Mootada, kaasi oo loo waday goob lagu iibiyo Jaadka la keeno Magaalada Muqdisho.

Meydka Darawalka oo dhallinyaro ahaa ayaa waxaa daqiiqado kadib goobta uu falku ka dhacay laga qaaday, halkaas oo aheyd Isgoyska Korontada ee degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir, sida ay sheegeen dad goobta ku sugnaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey loogu dilay Darawalo Mooto Bajaaj ku shaqeysan jiray oo dhallinyaro ahaa, waxaana inta badan darawaladii lagu dilay Caasimadda dilalka u geystay Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya.

Somaliland: Rag Shalay Lagu Fulin Rabay Xukun Toogasho Ah Oo Laga Furay Tiirka Dilka

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Som aliland ayaa Shalay oo Arbaco ah xukun dil toog asho ah ku fulisay Afar Askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada kala duwan Somaliland, kuwaasi oo horey Maxkamadda xukuno ugu riday.

Askarta dilka toogashada lagu fuliyey ayaa horey deegaano ka tirsan Somaliland dilal ugu geystay dad shacab ah, iyagoona markii la soo qabtay Askarta fal alka geysatay, la horgeeyay Maxkamadda oo xukuno ku riday, Shalayna lagu fuliyey xukunkaas.

Sidoo kale tiirka loogu tala-galay inuu ka dhaco xukunka dilka toogashada ayaa waxaa Shalay laga furay laba Nin kale oo horey Maxkamadda Soma liland xukuno dil toogasho ugu riday, isla markaana la qorsheeyay raggaas in la toogto.

Labada nin oo tiirka lagu xiray, si loo qisaaso ay aa laga furay xariga, kadib markii Ehelada raggii ay horey u dileen labada Nin ay sheegeen in ay mag qa adanayaan, isla markaana laga furo tiirka dilka toogashada ah.

Labadan nin ayaa waxaa uu mid kamid ahaa Rag Burcad-badeed ah oo mar isku dayay inay Xa bsiga Magaalada Hargeysa ay ka baxsadaan.

Koonfurta Soomaaliya ayuu ka soo jeeda Ninka Burcad-badeedka ka tirsanaa, waxaana uu toogtay Askari ka tirsan Ciidamada Asluubta oo ilaalinayay Xabsiga Hargeysa. Qofka labaad ee Shalay tiirka laga furay ayaa isna ahaa Askari ka tirsan Ciidam ada Somaliland kaas oo hore nin ay qaraabo yihiin ku dilay Magaalada Laascaanood

Cabdinaasir Geelle oo shaaciyey arrinta ay isku qabteen Qoor Qoor

Wasiirkii Qorsheynta Galmudug Cabdinaasir Gee lle Cilmi oo maalin ka hor iska casilay xilkaas ayaa warbaahinta kula hadlay magaa lada Muqdisho, isa goo faahfaahin ka bixiyey sababta keentay inuu iska casilo xilkaas.

Wasiir Cabdinaasir ayaa aad u eedeeyey madax weynaha Galmu dug Axmed Qoor Qoor, isagoo she egay in is-casilaadiisu ay salka ku heyso kursiga gol aha shacabka ee beeshiisa ee Hop#147 oo Madaxw eyne Qoor Qoor uu la rabo Mahad Salaad.

"Madaxweyne Qoor Qoor waan la fariistay oo waxaan ku iri madaxweyne tolkeyga ka daa sida aad ula dhaqmeyso, sida aad u maamuleyso kursiga Hop#147 ayeysan dhibaato ka dhex abuurin beesha aan ku metelo Galmudug, sidoo kale dadkeyga dowladnimada ha nacsiin ee u madax baney masiirk ooda,” ayuu yiri Wasiir Cabdinaasir Geelle.

Geelle ayaa intaas ku sii daray in Qoor Qoor uu ugu jawaabay inuu bixiyey kursigaas, "Kursigaas nin ayaan siiyey, waa na ku soo bixi doonaa ninkaas ayuu igu yiri Qoor Qo or.” Intaas kadib waxa uu sheegay inuu go’aan saday inuu ka tanaasulo tartanka kursigaas, sidoo kalena uu iska casilo xilkii wasiirka qorsheynta Galm udug.

Wasiir Cabdinaasir Geelle ayaa Madaxw eynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ku tilmaamay nin aan rajo dambe ka leheyn wanaaga dowladnim ada Galmudug, isagoo sheegay in aysan jirin cid uu heshiis la yahay ama uu talo ka qaadanayo, isagoo ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta hoggaan xumo uu sheegay inay ka jirto Galmudug.

kursiga uu ka dhashay khilaafka Qoor Qoor iyo wasiirkiisii qorsheynta Cabdinaasir Geelle ee Hop#147 ayaa loo xiray Mahad Salaad oo horay ugu fadhiyey, waxaana laga hor istaagay musharaxiin badan inay u tartamaan, iyadoo Shalay shahaadadii musharaxnimada la siiyey Mahad Salaad oo la doonayo Khamiista berri.

Jubbaland Oo Shaaciyay Jadwal ka Doora sho oyinka Kuraas Hor Leh

Guddiyada doorashooyinka dowlad Goboleed yada ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doo rashadoodu tahay labada maamul.

Qoraal uu soo saaray Guddiga doorashada Galm udug ayaa lagu sheegay inay qabanayaa doorasha da saddex kursi oo tirsigoodu kala yihiin HOP#147, HOP#035 iyo HOP#055, isla markaana diiwaan-gel inta Musharaxiinta ay bilaabaneyso Shalay oo Arbaco ah.

Guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in doorashada kuraasta as ay Magaalada Dhuusamar eeb ka dhici doonto 17-ka bishaan oo maal inta berri ku beegan, waxaana socda diyaar garoowga ku aadan doorash ada kuraasta Golaha Shacabka.

Ciidamada Millateriga & Booliska Somalia oo howlgal wadajir ah sameeyay

Hawalgallo qorsheysan oo lagu sugayo amniga degmada Beled-Xaawo loogana hortagayo weerarada Al-Shab aab ayaa Ciidamada kala duwan ee dowla dda Soomaa liya ka fuliyeen dega ano ho ostaga degma daas.

Howlgalka ayaa wax aa siwadajir ah u fu liyay Ciidamada Hay’ ada Nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka, Milatariga, booliska, iyo maa mulka degm ada oo ay Horkacayaan ,Abaandulaaha guutada 10a ad gashaanle sare Cismaan Sheekh Cabdi Qorax, waxaana sigaar ah looga fuliyay xaa fadaha ay ka koobantahay degmada Beled-Xaawo iyo degaanada hoosyimada sida,

Goos weyne Qalqaleey, Buuraha Jabi, Libaan ra age, Haroo & Najax.

Saraakiisha Ciidaamda waxaa ay sheeg een inau howlgallada sii wadi doonaan howlgallada ka shanka ah Al-Shabaab ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga degmada Beled-Xaawo.

Puntland oo shaacisay doorashada qaybtii ugu horreysay kuraasta Boosaaso – Yaa ku fadhiyey?

Guddiga SEIT ee Puntland ayaa shaaciyey qayb ka mid ah kuraastii ugu horreeyey ee ay deegaan doo rashadoodu tahay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kuwaas oo doorashadooda la qaba nayo maalmaha soo socda. Guddiga ayaa soo saaray liiska 16 kursi oo kala ah:-Hop#220, Hop#169, Hop#076, Hop#149, Hop#157, Hop#142, Hop#227, Hop#190, Hop#228, Hop#234, Hop#273, Hop#083, Hop#222, Hop#036, Hop#027 & Hop#158.

Sidoo kale warqadda kasoo baxday guddiga ayaa lagu sheegay in jadwalka doorashada kuraastan iyo sida ay u kala horreeyey ay dib ka faah faahin doonaan.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii do orashooyinka ee lagu gaaray magaalada Muqdisho, sida uu shaaca ka qaaday guddiga SEIT ee Punt land.

YAA KU FADHIYEY KURAASTAN 16-KA AH EE LA SHAACIYEY?

1-Hop#220 waxaa ku fadhiyey Cabdirashiid Maxamuud Xasan Cabdi.

2-Hop#169 waxaa ku fadhiyey Wasiirka Wasaar adda qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

3-Hop#076 waxaa ku fadhiyey Muuse Axmed Ismaaciil.

4-Hop#149 waxaa ku fadhiyey Axmed Ismaaciil Maxamed.

5-Hop#157 waxaa ku fadhiyey Maxamed Cabdull aahi Xasan.

6-Hop#142 waxaa ku fadhiyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim.

7-Hop#227 waxaa ku fadhiyey Cabdicasiis Maxa med Maxamuud (QAMBI).

8-Hop#190 waxaa ku fadhiyey Wasiir kuxigeenkii hore ee Wasaaradda Amniga Soomaaliya Cabdin aasir Saciid Muuse.

9-Hop#228 waxaa ku fadhiyey Maxamuud Axmed Ciise Maas.

10-Hop#234 waxaa ku fadhisay Deeqo Saciid Xa san.

11-Hop#273 waxaa ku fadhiyey Cabdi Maxamed Maxmuud (Cabdiyare).

12-Hop#083 waxaa ku fadhiyey Cabdullaahi Bille Nuur.

13-Hop#222 waxaa ku fadhiyey Cumar Ismaaciil Waaberi.

14-Hop#036 waxaa ku fadhiyey Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

15-Hop#027 waxaa ku fadhiyey Wasiirka Beeraha & Waraabka ee Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xus een Ciid.

16-Hop#158 waxaa ku fadhiyey Wasiir kuxigeen kii hore ee Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Cumar Cilmi Cumar (Ceysane).

Boosaaso ayaa ka mid ah magaalooyinka sida weyn isha loogu hayo, isla-markaana ay caqabadda ka ji rtay, waana deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka Puntland.

Wararkii ugu dambeeyey qorshaha lagu soo celinayo askartii loo qaaday Eritrea

Warbixino cusub oo la helayo ayaa sheeg aya in uu meel fiican maraya dadaalka ay Dowladda Soo maaliya ugu jirto in dalka dib loogu soo celiyo ciidamadii tababarka loo qaaday salka Eritrea, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida uu qorshaha yahay, Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa inay ciidamadaan dalka dib ugu soo celiso 2-3-da asbuuci ee soo socda haddii aysan waxba iska beddalin qorshaha iyo dadaalka hadda socda, sida aan ogaanay.

Qorshihii ugu horreeyey ee ciidamadan ayaa ahaa in dalka dib loogu soo celiyo Bishii September ee sanadkii hore, balse waxay dib ugu dhacday arrimo la xiriira dhanka Diblomaasiyadda.

Dhowr jeer oo la doonayey in ciidamadaan dib loogu soo celiyo Soomaaliya ayaa fashilmay, mana la hayo illaa hadda sababta ay ciidamadaas ay u joo gaan dalka Eritrea, maadaama ay mar hore dha meysteen tababarkii loogu talagalay.

Tirada ciidamada Soomaalida ah ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa lagu sheegay illaa 5,167, inkasta oo ay jiraan warar kale oo sheegaya in tirada ay intaas ka badan tahay, oo ay ku dhowdahay 10,000.

Ciidamadan ayaa dalka Eritrea la geeyey intii u dhaxeysay August 2019 iyo June 2020, waxaana in ciidamadaan tababarka loo qaaday ku heshiiyey ma daxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Soom aaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxw eyaha Eritrea Isaias Afwerki.

Warar ay heshay warbaahinta qaar ayaa sheegaya in ciidamo Soomaali ah ay ka qeyb galeen dagaalka Tigray lagu qaaday inkas too ay Dowladda Soomaaliya arrintaas si weyn u beenisay.

Qaramada Midoobay, NGO-yada madaxa bana an ee Tigray iyo hogaamiyayaasha Tigray ma aysan keenin caddeyn sugan oo muujineysa in ciidamo Soomaali ay ka qeybgaleen dagaalka ka dhacday Gobolka Tigray.XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Ma isku day afgambi ayaa ka dhacay do wlad deegaanka Soomaalida?

Wasiirka warfaafinta dowlad deegaanka Sooma alida Cabdulqaadir Rashiid Dowlad degaanka Soom aalida ee dalka Itoobiya ayaa beenisay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya oo sheegayay in isku day afgmi lagu sameeyay xukuum adda dowladd deegaanka kaas oo ay mas'uliyiinta dowladda deegaanka ku eedeysay ururro arga gaxiso.

Wasiirka xafiiska warfaafinta dowlad deegaanka Soomaalida Cabdulqaadir Rashiid Ducaale oo warkan BBC-du wax ka waydiisay ayaa ku tilmaam ay mid aan jirin isaga oo intaa raaciyay in qaar ka mid ah warbaahintu ay si khaldan wax u dhigeen. Wuxuu sheegay in warbaahinta deegaanka ama mas'uul ka tirsan maamulka deegaanka aanu ka soo bixin war la xiriira isku day afgambi.

Cabdulqaadir Rashiid ayaase sheegay in xubno horey uga tirsanaa xisbiga barwaaqo ay isku dayeen in deegaanka ay ka abuuraan nabadgalyo daarro ay na xukuumaddu arrintaa ka hortagtay oo waliba la sameeyay wacyi galin.

"Wax afgambi ah ma jirin maalmahaan sidaan la soconno shaqsiyaad ka mid ahaa qayb ka mid ah xisbiga xubno xibiga horey uga tirsanaan jiray oo mas'uuliyiin hore ahaan jiray oo xilalkoodii ka tagay ayaa is abaabulay waxayna ku talagaleen in deega anka ay nabad galyo darro ka abuureen,"ayuu yiri Cabdulqaadir Rashiid wasiirka xafiiska warfaafinta.

"Ma aqbaleyno in Canfarta lagu daro deegaan-do orashooyinka Soomaalida"

Wax ka ogow taariikhda Mustafe Muxumed Cum ar oo shan sano kale la doortay

Arrintaan ayaa imaanaysa iyaoo kala aragti duwana an ay ka dhex jirtay dhawaanahana xisbiga talada deeegaanka Soomaalida haya ee Barwaaqo .Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga ayaa ku eedeyay xisbiga inuu ka weeecday waddadii loogu tala galay isla mar kaana ay iyagu doonayaan in ay saxaan khaladaad ka xisbiga dhexdiisa ka jira.

Xubnahaan sheegay inay waxa saxayaan oo doo nayay dhawaan in ay kulan ku yeeeshaan magaal ada Jigjiga ayaa waxaa la sheegay in ciidamada am maanku kala direen.Madaxweynaha dowlad deega anka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook 13-kii bish aan ku sheegay in buuqqa siyaasadeed ee la abuurayo uu yahay mid ujeeddo laga leeyahay.Qayb ka mid ah qoraalkiisa ayaa sidaan u dhignaa;-

Musatafe Muxumed Cumar Qoraalka sawirka,

Madaxweynaha deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya

"Buuqa siyaasadeed ee maalmahan la furayaa waa mid ujeeddadiisu caddahay xidhiidhna aan la lahayn arimaha lagu af gabaadsanayo. Marka wax aa haboon in aan wakhti lagu lumin ka jawaabidda waxyaalaha lugta lagu sii dhufanayo sida abaarta iyo xorriyadda siyaasadda oo ay shacabka u taal inay iyagu aaraa ka dhiibtaan sida wax yihiin, balse laga jawaabo eedeeymaha tooska ah iyo ujeeddooyinka ka dambeeya".

Madaxweynaha oo u muuqday in qoraalkiisa uu kaga jawaabayay dhaliil kaga timid siyaasiin lana xiriirtay qaabka ay xukuumaddu ugu diyaar garowd ay gurmadka abaaraha ka jira deegaanka ayaa shee gay inay sameeyeen ka xukuumad ahaan dadaal badan waxaana uu yiri: ". Masuuliyiin hore oo ka had lay abaaraha waxay sheegeen in diyaar-garoowgu hooseeyay iyagoo aan wax caddayn ah raacin.

Haddaba maadama xukuumadu in ka badan 200 oo Ceel qoday, calaf beertay, kii ay beertay ku shan jeer ka badanna ama soo iibisay ama bilaash deeg aano kale kaga heshay, anaga calaf nalagama iibs an ma noqon karto diyaar-garoow hooseeya. Hadd ana waxaa haboon in masuuliyiintii hore wixii ay calaf hayaan ay dadka bilaash ku siiyaan hadii ay u danqanayaan"

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Banaadiriga Oo Shaaciyay Jadawalka 5 Kursi

Guddiga Maamulka doorashooyinka Xildhib aanada Banaadiriga ayaa Habeen hore shaaciyay Jadwalka doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada Ban aadiriga ayaa waxaa lagu sheegay in qabashada ergada iyo diiwaan-gelinta ergada Musharaxiinta u tartamaya shnta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga ay bilaabaneyso 20-ka bishaan Febraayo 2022,

guddiga ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Golaha Shacabka ee shanta kursi ee Banaadiriga ay dhaceyso 21-ka Febraayo, isla markaana dooras hada kuraastaas lagu qaban doono Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo loo qorsheeyay doorashada.

Maalmo kooban ayaa ka harsan waqtigii Mada xda Golaha Wadatashiga Qaran ku heshiiyeen in lagu soo gaba-gabeeyo doorashada Golaha Shacab ka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, waxaana waqtigaas uu ku egyahay 25-ka Febraayo.

 Ruushka Oo Ciidamo Farabadan Ku Daabulay Xuduudka Uu La Leeyahay Ukraine

Ruushka ayaa ciidamo badan ku soo daadiyay meelo kala duwan oo ku teedsan xudduudaha Ukraine, laakiin in la ogaado tirada dhabta ah waa adag tahay.

Saraakiisha reer galbeedka ayaa todobaadkii hore sheegay in tiradaasi ay gaartay 130,000 – marka loo eego qiyaastoodii hore ee 100,000. Balse khudbad uu jeediyay Talaaladii, madaxweynaha Mareykanka Joe Biden wuxuu ku sheegay tirada xitaa in ka bad an, 150,000.

Iyadoo Ruushku uu sheegay in uu bilaabayo in uu dib u soo celiyo ciidamadiisa, uuna soo afjari do ona dhoolatuska milatari ee Crimea.

Ciidamada cusub ee la geynayo dalka Belarus waxaa ka mid ah ilaa 30,000 oo askari, halkaas oo dhoolatus milateri oo wadajir ah loo qorsheeyay inuu ka socdo ilaa 20ka Febraayo.

Duullaanka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine waa mid dhici doona, sida uu qabo Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden. Waxa uu sheegay in Mara ykanka uusan xaqiijin ciidan uu Ruushka ka qaaday xuduudda Ukraine, inkastoo ay xukuumadda Mos cow shaacisay inay aaggaas kala baxayso qeyb kamid ah ciidamadeeda.

Aqalka Kremlin-ka ayaa beeniyay in Ruushka

Waxaa lagu aaminay gabdho Muslimiin ah, kadib na wuu kufsaday, qaarna uur ayuu u yeelay

Maxkamad ku taalla Indonesia ayaa Talaadadii xukun cimri xarig ah ku riday macallin iskuul Islaami ah oo lagu helay inuu kufsaday 13 gabdhood oo ar day ah.

Gabdhaha oo ay da'doodu u dhaxayso 12 ilaa iyo 16 jir ayaa sideed kamid ah waxa ay qaadeen uur, sida lagu ogaaday baaritaan uu sameeyay booliska.

Kiiskan ayaa muujiyay taca ddiyada ka jira qaar kamid ah iskuullada hoyga ah ee Indonesia, kuwaas oo u badan xarumo lagu dhigo manhajka Islaamiga.

Garsooraha xukunka riday ayaa sheegay in mac allinka oo lagu magacaabo Herry Wirawan uu gab dhaha ku qasbay galmo, qaarkoodna ay dhaawacyo xooggan ka soo gaareen falkaas.

Falalka gurracan ee macallin Wirawan ayaa la ogaaday kadib markii bishii May ee la soo dhaafay uu mid kamid ah waalidiinta carruurta shaaciyay in gabadhiisa ay uur leedahay.

Dacwad oogayaasha ayaa doonayay in macal linka lagu xukumo dil ama in la dhufaano (laga dilo dareenka raganimada), maadaama dembiga uu galay uu yahay mid culus oo socday sanadihii u dhexeeyay 2016 iyo 2021.

Sidee lagu helay ninkan 22 sano loo raadinayay kufsi uu gaystay

Dadka taageeray in xukun dil ah lagu rido mac allinka waxaa kamid ah wasiirka ilaalinta xuquuqda carruurta ee Indonesia.

Sanadkii 2016, maxkamad ku taalla dalkaas ayaa xukun dil ah ku riday hogaamiyaha koox burcad ah oo kufsi iyo dil isugu daray gabar arday ahayd, kiis kaas oo dhaliyay in Madaxweyne Joko Widodo uu ciqaab adag marsiiyo kuwa dhibaateeya carruurta.

Waxaa ciqaabta la jideeyay kamid ah xeer uu Mada xweynaha saxiixay 2020 oo dhigaya in la dhufaano kuwa faro-xumeeya carruurta, inkastoo ay tallaabad aas ka soo horjeesteen ururada u doodda xuquuqda aadanaha.

Xukuumadda Jakarta ayaa shaacisay in magdh aw lacageed oo ku dhaw 6,000 oo dolar ay siin doo nto mid kasta oo kamid ah gabdhaha dhibbanaya asha ah.

Indonesia oo ah dalka ay ku nool yihiin Muslim iinta ugu badan caalamka ayaa waxaa ka dhisan ku mannaan kun oo iskuullo Islaami ah, una badan ku wa ay ardaydu seexdaan. Waxaa inta badan dhigta ardayda saboolka ah ee aan si kale u heli karin waxbarashada asaasiga ah.XIGASHO:BBC

Tanzania: Nin gurigiisa ka dhex diyaarsaday xab aashii lagu aasi lahaa geerida kadib

Qabriga uu qotay Patrick Matei Kimaro

Sida caadiga ah qof kasta wuxuu og yahay inuu dhi manayo maalin uun laakiin arrinta naadirka ah ayaa ah in qofka uu ka hadlo maalinta uu dhimanayo ama in uu sii diyaarsado goobtii lagu aasii lahaa.

Xitaa haddii uu qofka buko, qoyska bukaanka ma bilaabaan diyaarinta qabrigii lagu aasi lahaa qofkaas maadama aan xaaladdiisa la saadaalin karin.

Patrick Kimaro, oo 59 jir ah kuna nool tuulada Mbo sho, degmada Machame, ee gobolka Kilimanjaro ee dalka Tanzania wuxuu gurigiisa dhexdiisa ka qotay qabrigii lagu aasi lahaa marka uu geeriyoodo.

Weriyaha BBC-da laanta Sawaaxiliga Abuubakar Famau oo booqday goobta uu ku nool yahay ninkan ayaa kusoo warramayaa in maskaxdaada ay kusoo dhaceyso su'aasha ah, qabriga ma waxaa lagu aasay qofka ka tirsan qoyska?

Gidaarka loo sameeyay qabriga waxaa lagu dul qoray ereyo ay kamid yihiin:, "Dhulkan waxaa loo diyaariyay in lagu aaso walaalkeen Patrick Matei Kimaro @Sabasita laga bilaabo taariikhda 15/01 /2022, wuxuu dhashay 02/02/1963."

Qabriga uu qotay Patrick Matei Kimaro

Weriyaha booqday goobtan ayaa sheegay "Marka aad akhriso wax ku qoran qabriga, waxaad fah meysaa in cidna aysan ku aasneyn halkaa balse loo diyaariyay qof nool"

Tallaabada uu qaaday Mr Kimaro ayaa ka yaa bisay dad badan oo ku nool gudaha iyo dibada tuu lada, Sababtoo ah maaha wax ku cusub bulshooyin ka Afrika, gaar ahaan beesha Chaga ee uu kasoo jeedo Kimaro.

Dadka deegaanka ayaa ka argagaxay arrintani

Qoraalka sawirka,

Dadka deegaanka ayaa ka argagaxay arrintani

In kasta oo isaga laftiisu, uu is-difaaco oo uu ku doo dayo in uu isku diyaarinayo nolosha mustaqbalka, waxana uu intaa ku daray in uu tallaaadan uu ku sameeyay maskax fayow oo aan wax cadaadis ah la kulmin, laakiin haddana, dadka qaarkiis ayaa arr intan u arkaa mid walaaceeda leh.

Dadka qaar baa u arka habaar iyaga oo sabab uga dhigaya in ay reerka ka xanaaqi karaan.

Mama Anna oo ah Kimaro habaryartii ayaa ka dib markii ay maqashay in Kimaro uu gurgiisa gacanta midig ka diyaarsaday qabri lagu aaso marka uu uu dhinto ay sheegtay in aysan aaminin arrintaas oo ay ku qasbanaatay in ay safar u gasho si ay usoo aragto.

"Markii aan maqlay arrimahan aad ayaan uga xumaaday, ma rumeysanin inay run tahay, aad baan ula yaabay markii aan arkay arrintaas, wax fiicana uma arko" ayay tiri Anna.

Ninkii uu aaskiisa baadqay ee maalintii xigtay loo tagay isagoo nool

Wilbard William, oo ah gudoomiyaha dhaqanka iyo hiddaha gobolka ayaa sheegay in isagana uu aad ula yaabay maadaama arrintan aysan horay u dhicin.

Kimaro wuxuu meesha ka saaray kharashkii ku bixi lahaa qodidda qabrigiisa marka uu geeriyoodo, wakhtiga xaadirkan qodidiga qabriga dalkaas waxaa ku kacdaa $ 500 oo doolar, waxaana howsha inta ba dan sameeya qaraabada, asxaabta iyo dadka yaq aana. Grace Kimaro oo isku qoys ka soo jeeda Kimaro, laakiin sidoo kale ah ilaaliyaha guriga, ayay tiri "Waa run in dhismaha qabrigan ka dib, dadka deriska ah qaarkood ay ka cabsanayaan inay halkan yimaadaan, inkastoo qaarkood ay bilaabeen inay la qabsadaan."

Dhismaha qabrigan ayaa waxaa ilaa hadda ku baxay lacag dhan lix milyan oo shilinka Tanzania ah, taasoo ku dhow saddex kun oo dollarka Mareykanka ah.

Inkasto wakhtiga qofka uu geeriyoonayo uu ogyahay Alle oo kaliya ah haddana bangiyada Tanzania qaarkood u arkaan fursad ay ku heli karaan macmiil sidaas darteed waxay bilaabeen inay ku qanciyaan Mr. Kimaro, inuu horey u sii socdo isla markaana ay ka kaabaan diyaarinta qabrigiisa.

Tani waxay ka caawin doontaa isaga haddii ay jirto nooc kasta oo waxyeello ah oo ay sababaan masiibooyinka sida roobabka culus, markaa caymiska ay siiyaan bangiyada wuxuu awood u siinayaa inuu dhiso qabrigaas oo kale.    XIGASHO:BBC

YAA CADAALADSAN SIDII UU GUMAYSTUHU SOOMALIDA U QAYBIYEY QARNIGII 19-AAD & SIDA AY IYADU SHALAY ISU QABINAYSO?.

1884-kii markii Gumaysigii reer Yurub ay shirkii Barlin yiraahdeen "Soomaalida haloo qaybiyo 5 qayb ood,” dadka Soomaaliyeed aad bay uga xum aadeen.

Tan kale markii ay ka xoroobeen gumeystihii Reer Yurub waxay Soomaalidu maalintaas u aqo onsatay maalin laga galay dembi wayn oo loo gey stay dulmigii ugu waynaa ee abid soo mara dadka Soomaaliyeed, taariikhdaasna waxay ku qoreen baal madow.

Ha yeeshee, Shalay Soomaaliya yaa kala qaybi naya? Jawaabtu waa iyadaa iskala qaybineysa.

Marka waxeennu ma la jiifiyaana bannaan baa? Wixii dabayaaqadii qarnigii 19-aad Ummadda Soomaaliyeed dembi ku ahaa Shalayna waa ka dembi.

Mise waxaan niraahnaa mar labaad buu gumeyst ihii noo soo dhuuntay oo howshii qarnigii 19-aad qabyada ka noqotay ayuu qarnigan 21-aad ka hirge liyay Soomaaliya? HAA …TAN AYAA XAQIIQ AH MALAHA.

Tankale hadii aan taariikhdaas mugdiga ah aan iska indhatirno waxaan shaki ku jirin "sidii ay dabay aaqadii Qarnigii 19-aad reer Yurub Soomaaliya u qeybiyeen ayaa ka wanaagsaneyd oo ka cadaal adsanayd sida ay Shalay Soomaalidu Soomaaliya u kala qaybineyso.

SAX sow ma aha? Ma cid diidan baa jirta?

Aun Nuur Faarax

XIGASHO:-SOMALIWEYN.COM

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip