Waxaa lagu aaminay gabdho Muslimiin ah, kadibna wuu kufsaday, qaarna uur ayuu u yeelay
Maxkamad ku taalla Indonesia ayaa Talaadadii xukun cimri xarig ah ku riday macallin iskuul Islaami ah oo lagu helay inuu kufsaday 13 gabdhood oo arday ah.
Gabdhaha oo ay da'doodu u dhaxayso 12 ilaa iyo 16 jir ayaa sideed kamid ah waxa ay qaadeen uur, sida lagu ogaaday baaritaan uu sameeyay booliska.
Kiiskan ayaa muujiyay tacaddiyada ka jira qaar kamid ah iskuullada hoyga ah ee Indonesia, kuwaas oo u badan xarumo lagu dhigo manhajka Islaamiga.
Garsooraha xukunka riday ayaa sheegay in macallinka oo lagu magacaabo Herry Wirawan uu gabdhaha ku qasbay galmo, qaarkoodna ay dhaawacyo xooggan ka soo gaareen falkaas.
Falalka gurracan ee macallin Wirawan ayaa la ogaaday kadib markii bishii May ee la soo dhaafay uu mid kamid ah waalidiinta carruurta shaaciyay in gabadhiisa ay uur leedahay.
Dacwad oogayaasha ayaa doonayay in macallinka lagu xukumo dil ama in la dhufaano (laga dilo dareenka raganimada), maadaama dembiga uu galay uu yahay mid culus oo socday sanadihii u dhexeeyay 2016 iyo 2021.
Dadka taageeray in xukun dil ah lagu rido macallinka waxaa kamid ah wasiirka ilaalinta xuquuqda carruurta ee Indonesia.
Sanadkii 2016, maxkamad ku taalla dalkaas ayaa xukun dil ah ku riday hogaamiyaha koox burcad ah oo kufsi iyo dil isugu daray gabar arday ahayd, kiiskaas oo dhaliyay in Madaxweyne Joko Widodo uu ciqaab adag marsiiyo kuwa dhibaateeya carruurta.
Waxaa ciqaabta la jideeyay kamid ah xeer uu Madaxweynaha saxiixay 2020 oo dhigaya in la dhufaano kuwa faro-xumeeya carruurta, inkastoo ay tallaabadaas ka soo horjeesteen ururada u doodda xuquuqda aadanaha.
Xukuumadda Jakarta ayaa shaacisay in magdhaw lacageed oo ku dhaw 6,000 oo dolar ay siin doonto mid kasta oo kamid ah gabdhaha dhibbanayaasha ah.
Indonesia oo ah dalka ay ku nool yihiin Muslimiinta ugu badan caalamka ayaa waxaa ka dhisan kumannaan kun oo iskuullo Islaami ah, una badan kuwa ay ardaydu seexdaan. Waxaa inta badan dhigta ardayda saboolka ah ee aan si kale u heli karin waxbarashada asaasiga ah.
XIGASHO:-BBC
Waxaa lagu aaminay gabdho Muslimiin ah, kadibna wuu kufsaday, qaarna uur ayuu u yeelay
...