Dowladda oo Ka Hadashay Qaraxyadda Xalay Laga Maqlay Muqdisho

0
Wednesday February 16, 2022 - 10:14:14 in Wararka by
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda oo Ka Hadashay Qaraxyadda Xalay Laga Maqlay Muqdisho

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Qaraxyadii iyo rasaastii xalay laga maqlay Gudaha Magaaladda Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/laahi Maxamed Nuur oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in la fashiliyay weeraro ay damacsanayeen dagaalyahanadda Xarakadda Al-shaabab in ay ka fuliyaan Magaaladda Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamadda Dowladda ay ku leeyihiin Degmadda Kaxda ee Gobolka Banaadir,islamarkaana lagu fashiliyay.

"Al-shabaab waxa ay abaare 1:00am weerar kusoo qaadeen daafaha magaalada Muqdisho, balse ciidamada amniga ayaa ka difaacay shacabka kooxa nabad diidka ah, faahfaahinta isku dayga cadowga waxaa shacabka lawadaagi doonoa dhawaan ciidanka Booliska Dalkaā€¯,ayuu yiri Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/laahi Maxamed Nuur.

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya C/laahi Maxamed Nuur ma uusan sheegin khasaaraha ka dhashay weerarka isugu jirey qaraxyadda iyo midka toos ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip