Xog:-Qaraxyo is Xig-xiga iyo weerarro toos ah xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah Muqdisho

0
Wednesday February 16, 2022 - 05:04:52 in Wararka by
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xog:-Qaraxyo is Xig-xiga iyo weerarro toos ah xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah Muqdisho

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xog:-Qaraxyo is Xig-xiga iyo weerarro toos ah xalay lagu qaaday qeybo ka mid ah Muqdisho ka dhaceen

wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Kooxda Al-Shabaab ay xalay qaraxyo xooggan oo dhowr ah iyo weerarro la socdayba ay  ku soo qaadeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasiamdda Dalka Soomaaliya.

 

         warka ayaa sheegaya in Qaraxyada iyo weerarrada ay ka dhaceen dhanka degmada Kaxda iyo kale xaafadda Daaru-Salaam ee degmada Yaaqshiid, sida uu  warka inagu soo gaaray oo ay dadka deegaannnadaa si ay inoo sheegeen   

      Waxaa markii hore dhacay Qaraxa Kaxda, oo lala beegsaday saldhigga booliska degmada, ka dibna waxaa xigay rasaas iyo weerar culus, oo lagu qaa day isla saldhigga, taasi oo socotay ku dhowaad  HAL saacad.

     Ku dhowaad nus saac kadib ayaa waxaa dhacay qarax labaad oo culus oo ka dhacay xaafadda Daaru-Salaam, kaasi oo uu la socday weerar la sheegay in lagu qaaday guddoomiye ku-xigeenka degmada Heliwaa oo ku sugnaa xaafaddaasi.

Booliska Soomaaliya ayaa goor dambe sheegay in la iska caabbiyey weerar ay Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigga booliska degmada Kaxda iyo xaafadda Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaan dhankooda weli wax war ah kasoo saarin weerarka.

    Sidoo kale Al-Shabaab ayaa weeraray saldhigyo ku yaal Calamada ilaa Ceelasha Biyaha, halkaasi oo rasaas xooggan laga maqlayey.
     Madaafiic ayaa sidoo kale ku dhacay xaafado ka tirsan inta u dhaxeysa degmooyinka Shibbis iyo Shangaani.

       Iska hor-imaadyadaasi ayaa hadda joogsaday, mana jiraan wax dhawaq rasaas ah ama qaraxyo ah oo la maqlayo.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay weeraradan, oo yimid xilli amniga caasimada Soomaaliya uu faraha kasii baxay bilooyinkii ugu dambeeyey.

wixii warar intaa dheer kala socda www.mogtimes.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip