Dadka Wax haloo sheego Ama Xamar Noogu keena!

0
Sunday May 01, 2016 - 19:15:08 in Maqaallo by
  • Visits: 1113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Wax haloo sheego Ama Xamar Noogu keena!

    Markii aan ka degnay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo (Abdullahi Yusuf Airport) mid ka mid ah gabdhihii ka shaqeynayay Garoonka ayaa soo socod boobsiisay iyadoo si deg-deg ah usoo horjoogsatay safkii aan ku jiray, waxay si deggan ii dhahday "Show

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii aan ka degnay Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo (Abdullahi Yusuf Airport) mid ka mid ah gabdhihii ka shaqeynayay Garoonka ayaa soo socod boobsiisay iyadoo si deg-deg ah usoo horjoogsatay safkii aan ku jiray, waxay si deggan ii dhahday "Show Me Your Passport, Please" intaan Indho gaduudan ku eegay ayaan codkeeyga oo guuxaya ku dhahay "Aniga Ajnabi maahi" wey isku yax yaxday, wax cudur daar ah iima muujin lkn iney iga hor wareegtay ayaa Xoriyad aan u arkayay.
waxaan garoonka bannaankiisa ka raacnay Gaari Noo taagnaa, intaan Magaalada uga baxin dhanka waqooyi si aan garoowe u tagno waxaan fariisannay Maqaayad Bartamaha Magaalada ku taalla si aan uga qadeyno, intii aan qadeynayay waxaa dhowr jeer qoorta soo dhiibay cunto kariyihii maqaayadda si uu ii arko, ka dib markii iyagoo qos-qoslaya. anigana isoo fiirinaya ay si hoose wax ugu sheegeen laba ka mid ah adeegayaasha maqaayadda, waxba ima aysan dhihin laakiin wiil yar baalashle ah oo maqaayadda daaqadeeda soo joogsaday baa isoo fiiriyay "Turki…Turkiyoow” intuu dhahay ayuu gidaarka isku dhejiyey, kaalay nala qadeey ayaan ku dhahay wiilkii yaraa, intuu ilko qaarkood casyihiin noo feyday ayuu daaqaddii ka hor wareegay anna aan xoogaa nafis ah dareemay.

Waxaa ku xigtay markii aan rabnay inaan garoowe ka tagno oo aan aadno beeraha Jabad ee Gobolka Nugaal, Gabar ayaa soo istaagtay Mid ka mid ah Daaqadaha gaariga oo aan weli dhaqaaqin, waxay la hadashay wiil ay is yaqaaneen oo anaga na hoggaaminayay waxay ku tiri "Boowe, Salmaanow Maanta Maxay Tahay Wariyaha Ajnabiga ood kaxeyneysaan adinkoon istaaf Wadan” (Istaaf waxay ula jeeddaa illaalo Hubeysan) aniga waan maqlayay hadalkaas lkn wax jawaab celin ah ma sameyn.

Sidoo kale maalintii xigtay intii u dhaxeysay Garoowe iyo Abaareey (Cagaaran) dhowr jeer ayaa gaarigii aan saarnaa la joojiyey si la ii hubiyo Dhalasho ahaan.

Waxay ugu darneyd markii nalagu qabtay koontaroolka waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo, Askarigii Bir-qaadka ku Qornaa ayaa markii hore birta si fudud nooga qaaday, gaarigiina wuxuu birta ka gudbay dhowr mitir, laakiin ilbiriqsiyo ka dib ayuu askarigii si fajac leh noo qooraansaday, intuu cod sare ku qeyliyey ayuu yiri (woow! wooow! jooji waryaa gaariga).

Asxaabta qaarkood wey naxeen laakiin aniga waxaa ii cadeyd in qofka loo socdo aan aniga ahay wuxuu soo istaagay daaqaddii aan xigay wuxuu yiri:

"Ninkaan Xageed u waddaan” wadihii oo aan su’aashaas wax badan ka dhex fahmin ayaa ku jawaabay "Gaalkacyo Taliye) Wuxuu yiri "Muxuu ahaa?” intuusan Markan jawaabin wadaha ayaan si deggan u dhahay "Soomaali Baan ahay Taliye, Muqdishaan Deganahay, dhowr Maalmoodna Garoowe ayaan soo joogay Haddana Gaalkacyo ayaan kusii socdaa” intuu qosol gariiray ayuu nagu yiri "Wey dhacdaaye Bal iska sii socda”.

Dhacdooyinkaan kuwo kaloo badan oo la xiriira oo igu qabsaday Galgaduud, Mudug, Nugaal, Bari, iyo Waqooyi-Galbeed Waxaa Marag iyo Maraati ka ahaa Maxamed Salaad Cusmaan, Badri Macalin Ahmed, Noor Ali Farah. Fatima Taxadar Yuosuf, Mohammed Kuria iyo Asxaab kale.

Fadlan Dadka Haloo sameeyo Wacyi gelin, hana loo sheego in Soomaalidu aysan Hal nuuc aheyn, ama iyaga dhan soo qaada xamar iyo deegaanada kale ee xeebta ee koonfurta ku yaalla keena si ay wax badan u ogaadaan. Sababtoo ah dadkii waxay wareereen Intii la lahaa Soomaalidu waa dad isku Midab, Af iyo Dhaqan Ah.

aweysxaaj

Xigasho: Aweys Xaaji Nuur {WARIIYE AWEYS AAR}




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip