Soomaaliya iyo Azerbaijan ka wada hadlay iskaashiga labada dal
....
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ayaa maanta oo Talaado ah khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay dhiggiisa Arrimaha Dibadda ee Dalka Azerbaijan Mudane Jeyhun Bayramov, iyaga oo ka wada hadlay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah ee Labada Dal.
Labada Wasiir ayaa wada-hadalkooda ku lafo-guray sidii ay Labada Dowladood u yeelan lahaayeen iskaashi dheef-wadaag ah oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, ganacsiga iyo waxbarashada.
Waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay Labada Dal u leedahay horumarinta cilaaqaad ku qotoma danaha qaran ee Labada Shacab iyo Labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Azerbaijan.
Soomaaliya iyo Azerbaijan ka wada hadlay iskaashiga labada dal
....