Jabuuti oo Xabsi Guri ka dhigtay taliyeyaal looga shakiyay Afgembi

0
Tuesday February 15, 2022 - 18:38:19 in Wararka by
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabuuti oo Xabsi Guri ka dhigtay taliyeyaal looga shakiyay Afgembi

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Dowladda Jabuuti ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay Xabsi guri ka dhigtay Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Milateriga dalkaas, kuwaas oo looga shakiyay inay qorsheeynayeen inay si awood ah Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uga warewjiyaan xukunka dalka.

Sida ay cadeynayaan warar madax banaan oo lahelayo Taliyaha Ciidamada Milateriga Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim & Taliyaha Booliska Korneyl, Cabdilaahi Faarax ayaa ciidamada Nabadsugida iyo Ilaalada Madaxtooyada la dul-dhigay, kuwaas oo ka bixi karin Gurigooda.

Taliyaha Ciidamada Milateriga Jabuuti Jen, Zakariye Sheekh Ibraahim ayaa ciidankaas hogaaminayay ilaa markii xoriyada qaadatay Jabuuti, iyada oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ka welwelsan yahay in xukunka Jabuuti la dhaafiyo.

22 sanno wax kabadan ayuu Ismaaciil Cumar Geelle hayaa hoggaanka dalka Jabuuti, deyn badan ayaana lagu leeyahay, wuxuuna yahay dal u qaabeysan sida Shirkad gaar ah oo ay kuwada nool yihiin Qowmiyadaha Cafar iyo Soomaali.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip