Sadio Mane oo loogu magac daray gaaroon ku yaalla Senegal

1
Sunday February 13, 2022 - 17:35:58 in Wararka by
  • Visits: 2276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadio Mane oo loogu magac daray gaaroon ku yaalla Senegal

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Sadio Mane ayaa loogu magac darayaa garoon ku yaalla magaalada koonfur-galbeed ee Sedhiou ka dib markii uu Senegal ka caawiyay guushoodii ugu horeysay ee Koobka Qaramada Afrika.

Weeraryahanka Liverpool ayaa dhaliyay rigoore guushaasi u horseedday iyadoo kooxda Teranga Lions ay 4-2 rigoorayaal ah ku garaacday Masar si ay u hantaan koobkoodii ugu horreeyay ee Qaramada Afrika, ka dib markii ay ciyaartu ku dhammaatay gool la’aan oo lagu daray waqtigii dheeriga ahaa.

Mane ayaa saddex gool ka dhaliyay koobka qaramada Afrika, waxaana uu caawiyay labo gool oo kale.

Sidoo kale waxaa loo magacaabay xidigii tartanka. Duqa magaalada Cedio Adbulaye Diop ayaa sheegay in garoonka gobolka loogu magacaabi doono Sadio Mane.

Mane ayaa kasbaday quluubta dad badan ka hor inta uusan ku guuleysan koobka Qaramada Afrika.

Waxa uu u ururiyay lacag uu ku dhiso cisbitaal iyo iskuul deegaankiisa. Waxa uu ka qayb qaatay dhismaha masaajid. Waxa uu sidoo kale ku deeqay lacag si looga hortago xanuunka Covid-19.

.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip