Ciidanka Gorgor oo degaano la wareegay

0
Sunday February 13, 2022 - 11:17:42 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Gorgor oo degaano la wareegay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee Gor-Gor ayaa howlgallo culus ka sameeyay degaano katirsan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Ciidamada oo ka baxay degmada Awdheegle ayaa howlgal kula wareegay degaankaShaam-garre, oo hoostaga degmada Awdheegle kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab oo gacanta ku haayay degaankaas.

 

Saraakiil katirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa waxaa ay sheegeen inay xaqiijiyeen Amniga degaanka Shaam-garre, isla markaana weli degaanka ay ka wadaan howlgalka ay ka wadaan degaankaas.

Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya ayaa bilihii la soo dhaafay kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ka fulinayaan degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo degaano dhowr ah la wareegay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip