HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA FEBARAAYO 2022-KA

0
Tuesday February 08, 2022 - 08:26:21 in Wararka by
  • Visits: 551
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES EE MAANTA OO AH TALAADO 8-DA FEBARAAYO 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Md.Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Madaxweynaha muddo xileedkiisa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar shaqo oo uu magaalada Addis Ababa kaga qayb galay Shirmadexeedka 35-aad ee Midowga Afri ka. Madaxweynaha ay aa intii uu ku sugnaa magaalada Addis Aba ba ku lan la qaatay Ra’ iisul Wasaaraha Dowl adda Itoobiya oo ay ka wada hadleen xoojinta xi riirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaash iga Labada Dowladood ee dhinacyada amniga, ganacsiga, dhaqaalaha, der is wanaagga iyo ho rumarka iyo xaaladda guud ee Gobolka Geeska Afrika.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa kulan doc eedyo la qaatay qaar ka mid ah madaxdii ka soo qayb gashay Shirweynaha, oo ay ka mid ahaaye en Madaxweyneyaasha dalalka Saambiya Md. Hakainde Hichilema iyo Gaana Md. Nana Ak ufo-Addo, oo ay ka wada hadleen xoojinka iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya iyo wax wada qabsiga dowladaha Qaaradda Afrika.

Ugu Farmaajo ayaa khudbad ka jeediyay Shir Madaxeedkii 35aad ee Midowga Afrika, isaga oo kaga hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalad da Soomaaliya iyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

R/W Rooble oo ku dhawaaqay inay kasii dar tay abaarka kajirta dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulsha da iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala ha dlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shac abka iyo dowladduba isu kaashadaan sidii loo ga rgaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

"Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay u xuub siiban kartaa macluul keenta masi ibo xoog badan” ayuu yiri R/Wasaare Rooble, oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soom aali ah.

R/Wasaaraha ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kulammo kala duwan la yeeshay ma daxda dalal iyo hay’ado kala duwan oo uu kala ha dlay sidii ay gurmad degdeg loogu fidin lahaa dad ka Soomaaliyeed ee abaartu faraha ba’an ku hay so. "Howlaha doorashada ee dalka ka socda wa xay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa inaysan naga mashquulin in aan u gurmanno, dad keenna abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sid aas ayay muhiim in culimada, bulshada rayidka & ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan how sha gurmadka” ayuu yiri R/ Wasaare Rooble oo til maamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sam eynta wax kastoo karaankeeda ah, si dadkeenna loo badbaadiyo.

Farmaajo oo warqadaha Aqoonsiga ka gudd oomay Safiirka Cusub ee Mareykanka

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaa day Md.Maxamed C/hi Farmaajo ayaa warqadaha Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cu sub ee Dowladda Maraykanku u soo magacawd ay Soomaaliya Mudane Larry André. Danjiraha cu sub oo Madaxweynaha la wada agay dhambaal iyo salaan uu u ga siday Madaxweynaha Dowla dda Maraykanka Mudane Joe Biden, ayaa uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay dowla dda Soomaaliyeed, isaga oo soo bandhigay dad aalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee laba da dowladood.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay dan jiraha cusub horumarka ay DF ka xaqiijisay dhin acyada amniga, dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-hab aynta hay’adaha maaliyadda, la dagaallanka mus uqmaasuqa iyo dayn cafiska, waxaana Madaxwe ynaha iyo Danjire André ay ka wada hadleen xooj inta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, gaar ahaan kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, am niga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini-aadannimada, iyo horumarinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu hambalyeey ey Danjire Larry André xilka safiirnimo ee loo igm aday, isaga oo la wadaagay in DFS ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyade ed ee loo igmaday.

Cumar Filish oo dadka Muqdisho uga digay isticmaalka maandooriyaha

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Md.Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhiga yay doorka ay dhallinyarada ku lee yihiin ololaha ciribtirka Maan door iyaha. Munaasabadan oo ka dha cday xarunta aqalka Dowlada hoo se ee Xamar ayaa waxaa ka soo qeyb galay boqol aal dhalliny ara ah oo ka kala yimid degmooyin ka gobolka Banaadir, iyadoo goobta lagu soo bandhi gay Muuqaalo ka turjumayay howlgalda ay ciidan ka Boliiska ka fuliyeen Caasimadda kaas oo lagu soo qabtay Daraagis kala duwan iyo dadkii ka ga nacsanayay ololahaas oo si xoogan haatan uga socda degmooyinka Muqdisho.

Dhanka kale Hobolada fanka ee Dalmar Yare, Xuseen Nuuriyoo iyo kooxda Banaadir Band ayaa soo bandhigay suugaan kala duwan oo ka hadla yey dhibootinka gurcan ee laga dhaxlo Maandoori yaha iyo doorka dhallinyarada kaga aadan la dag aalankiisa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa M/Muqdisho Md.Cumar Filish oo munaasabada ka hadlay ayaa tilmaamay in dhallinyarada Caas imadda ay laf-dhabar u yihiin horumarka iyo xasil oonida magaalada islamarkaana ay muhiim tahay ka qeyb qaadashada la dagaalanka Muqaadara adka.

Midowga Afrika oo si rasmi Shalay ugu hoga ansamay go’aankii ay qaadatay DF

Ururka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay haweeney beddaleysa Simon Malu ngo oo ay horey dalka uga ceyrisay dowladda fed eraalka Soomaaliya, kaas oo ahaa ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Guddiga Midowga Afrika ayaa Ms.Fiona Lortan usoo magacaabay inay noqoto ku xigeenka cusub ee ergayga gaarka ee Midowga Afrika ee Sooma aliya & ku xigeenka madaxa ergada.

Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey in Mar wo Fiona Lortan ay door muhiim ah ka qaadan do onto marxalada kala guurka ah, gaar ahaan sidii ay Somalia ula wareegi laheyd amniga. Fiona Lor tan ayaa muddo sanado ah ka tirsaneyd guddiga M/Afrika, waxayna toos ugu biirtay bishii May ee sanadkii 2002-dii, ayada oo qabatay shaqooyin kala duwan.

Midowga Afrika ayaa dhanka kale xusay inay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xasilloon, isla-markaana amaan ah. Haweeneydan loo soo magacaabay inay ka shaqeyso Soomaaliya ayaa beddaleyso ku xigeenkii hore ee ergeyga Midow ga Afrika, Simon Malungo oo ay DFS dalka saar tay, ka dib markii lagu eedeeyey inuu dambiyo waaweyn ka geystay Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo bishii Nove mber ee sanadkii hore soo saartay qoraal xasaasi ah ayaa ku war-gelisay Guddiga Midowga Afrika in Simon Mulongo laga dhigay ‘Persona non gra ta’ (Qof aan dalka laga rabin), ka dibna ka ceyris ay gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xilligaas shaacisay inuu ku lug yeeshay dhaq-dha qaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga.

Maxay ka wada hadleen RW Rooble & Madax weyanaha Galmudug?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulanka ayaa labada dbinac waxaa ay diiradda ku saareen dardargelinta iyo dhammeystirka la dagaalanka Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa ugaahad celiyay dadaalkiisa ku aadan dhameystirka Arrima ha doorashooyinka, isaga oo balan qaaday in Gal mudug ay deg deg ku dhameytiri doonto Xubnaha uga harsan doorashada Golaha Shacabka.

Galmudug ayaa waxaa ay kamid tahay Maa mulada kajira dalka ee wada qabashada doorash ada Golaha Shacabka, waxaana xusid mudsn in kulanka uu qeyb ka ahaa Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcada ala oo sanadkaan kamid ah musharrixiinta Gola ha Shacabka

Wafdi ka socda Guddiga xalinta khilaa faadka doorashooyin ka oo u ambabaxay D/Baraawe

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xig eenka Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada Maxamed Ibraahim Barre ayaa Shalay safar sh aqo ku aaday magaalada Baraawe ee Dowlad go boleedka Koonfur Galbeed.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 3 xubnood ay aa goobjoog waxay ka noqon doonaan doorasha da Golaha Shacabka BFS ee ka dhici doonta

Magaalada Baraawe.

Mas’uuliyiinta Guddiga ayaa waxaa ay sheeg een in Guddigu uu marwalba diyaar u yahay ka garnaqida Khilaafaadka Doorashada Dadban ee

golaha shacabka BFS.


Midowga Afrika oo Magacaabay bedelka Simon Molunga oo DFS ceyrisay

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa Magacaabay bedelka ku xigeenka wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Molunga oo dowladda Soomaaliya muddo Saddex Bilood ka hor ay dalka ka ceyrisay.

Moussa Faki Mahamat Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa Marwo Fiona Lortan u magacaabay inay noqoto ku xigeenka wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya, taas oo siweyn uga qayb qaadan doonto ballanqaadka midowga Afrika ee xaqiijinta qorshaha kala-guurka ee AMISOM iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika si loo helo xasillooni waarta iyo amni ee dalka Soomaaliya.

Madaxda Midowga Afrika ee shirka uga socdo Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa soo dhaweeyay siweyna u taageeray is bedelka lagu sameeynayo howlgalka AMISOM ee Soom aaliya.

Ku xigeenkii hore Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Molunga ayaa waxaa dowla dda Soomaaliya ku eedeysay inuu isku dayay in uu marin habaabiyo baaritaanka dadkii Soomaa liyeed ee Ciiddamada AMISOM ku xasuuqeen de gaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha hoose iyo arrimo kale.

Guddiyada doorashooyinka oo 3 Bilood mushaar qaadan

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Sooma aliya Axmed Safiina ayaa sheegay in muddo sad dex bilood ah aysan qaadanin wax mushahaar ah, iyada oo ay xus id mudan tahay in gu ddiga ay kor joogto ka ahaayeen door asbooyinkii ka dhac ay dalka.

Afhayeenka oo Wareysi siiyay BBBC-da wuxuu sheegay in guddiga uu soo food saaray dhaqaale yari baahsan, balse doorashada dalka ay si dsr dar leh ku socoto.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray inGuddiga Maaliyadda doorashada oo uu dejiyay in ay aheyd in ka badan labaatan & lix Milyan oo dollar oo todobo Milyan oo kamid ah ay mu deeqe en Beesha Caalamka, lacag ka imaaneysay Mu sharrixiinta Xildhibaannada mid ay bixineyso Xuk uumadda Soomaaliya, balse intaas oo dhan ay dhamaadeen welina ay jirto caqabad la xiriirta do orashada.Afhayeenka guddiga doorashooyinka Soomaaliya Axmed Safiina wuxuu sheegay in mu shaaraadka Guddiyada doorashooyinka iyo Hoteelada ay degan yihiin ay bixineysay Hay’add a UNDP ayna ku ekeyd Bishii Octoober, isla mar kaana Gudsiyada muddo Saddex Bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in Beesha Caa lamka ay shuruud uga dhigeen bixinta dhaqaala ha doorashada in la qabto Saddex meelood laba meel doorashada iyo in la dhameystiro Qoondada Haweenka ee Baarlamaanka.

Warkaan kasoo baxay Afhayeenka Guddiga doorashooyinka ayaa kusoo aadayaa xilli maalm ihii la soo dhaafay aad loo hadal haayay in Guddi ga doorashooyinka ay soo wajahday dhaqaalo la’aan, isla markaana aysan qaadan wax musha ar ah.

Safiirka Cusub ee Somaliya ee Dalka Sweden oo Warqadaha Aqoonsiga laga guddoomay

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Boqortooyada Sweden, Md. Maxamed Xasan Cabdi, ayaa warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo ku wareejiyay Boqorka Sweden, Boqor Carl XVI Gustaf, iyadoo loo maray dhanka Agaasimaha Habmaamuuska Wasaar adda Arrimaha Dibadda Sweden, Danjire Maria Christina Lundqvist oo loo igmaday guddoomid da.Xafladda fardo ku gelbinta Safiirka ee uu si to os ah u qaabilayo Boqorka ayaa la qaban doonaa waqti danbe iyadoo ay ugu wacan tahay tallaabo oyinka Dowladda Sweden ay ku xakamaynayso fiditaanka fayraska Corona.

Danjire Maxamed Xasan Cabdi, ayaa carabaa bay yididdiiladiisa inuu ka howlgalo Sweden, isa goo yiri "Sharaf weyn ayay ii tahay in aan warqad ahayga aqoonsiga danjirannimo aniga oo ka wak iil ah Soomaaliya aan ku wareejiyo Boqorka Sweden”.

Danjire Maxamed Xasan waxa uu bogaadiyay xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya kala dhexe eya Sweden oo uu ku tilmaamay mid wanaagsan, isagoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo xiriirka laba geesoodka ee u dhexe eya labada dal , lana ballaariyo iskaashiga si loo ga dhabeeyo dano wadaagga dhinacyada kala duwan leh.

Madaxweynaha Jubbaland oo Hay’adda IOM kala hadlay waxka qabashada Abaaraha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubal and Axmed Maxamed Islaam, ayaa Shalay aqal ka madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaami nayey Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Hay’adda Caalamiga ah Socdaalka IOM Maxa med Abdikheyr waxaana wehlinayey Wakiilka Ha y’ada IOM u qaabilsan arimaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa wafdiga Hay ’ada IOM kala hadlay qorshayaasha dhow iyo ku wa fog ee loo baahanyahay in Hay’ada ay ka qab ato deegaanada Jubbaland, iyadoo ay muhiimada 1aad la saarayo sidii deg deg looga jawaabi lahaa arimaha abaaraha ee ka jira deegaanka, dadka xiligan la ildaran abaartana loo gaarsiin lahaa bi yo, cuno, agabyada lagu dhisto hoyga iyo adee gyada caafimadka oo aasaasi u ah nolasha aada naha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kala hadlay madaxda Hay’ada IOM sidii xal loogu heli lahaa musiibooyinka soo noqnoqda, dadkana loogu abuuri lahaa fursado ay ku hormariyaan nolashoo da. Ugu dambeeyntii Jubaland iyo Hay’ada IOM ayaa kawada hadlay sidii loo adkeeyn lahaa is kaashiga labada dhinac iyo mashaariicyada kale ee laga fuliyo deegaanada Jubaland.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Saraakiisha Ciidanka dowladda & kuwa AMISOM kala shiray Amniga

Madaxweynaha Dowlad Gobeedka Hir-Shab eelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa shir gudoomiy ay kulanka guud ee amniga oo Shalay ka dhacay M/Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Shirka amniga oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Am niga Hirshabeelle, Maamulka G/Hiiraan, Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dal ka, Taliy aasha Guutooyinka 4aad iyo 5aad qeybta 27aad ee CXD, Xeer ilaaliyaha Maxkamada Cii damada qeybta 27aad ee CXD, Taliyaha Ciidan ka Booli iska Hirshabeelle, Taliska Qeybta Gobol ka, Taliy aha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoon ka Gob olka, Saraakiisha Ciidamada Gorgor iyo Haram ca d ee Howlgalada u jooga Magaalada Beledwe yne iyo Saraakiisha ciidamada Amisom iyagoo Madaxweynaha la wadaagay xaaladaha guud ee Amniga Gobolka Hiiraan gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa faray saraakiisha Hay’a ddaha Amniga inay xoojiyaan amniga guud ee de egaanada Hirshabeelle gaar ahaan M/ Beledwey ne oo ay ka dhacayaan doorashooyin Golaha Shacabka.

Inta uu ku sugan yahay Magaalada Beled we yne Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la filayaa in kulamo kala duwan uu la yeeehay Oda yaasha iyo waxgaradka Beledweyne, isaga oo ka la hadli doona xal ka gaarista tabashada ay qab aan Bulshada Magaalada Beledweyne.

Xal u raadinta dhinacyadii ku dagala amay degaanka Haraale oo billowday

Kullan ballaaran oo looga hadlayay sidii xal lo ogu heli lahaa dagaal Beeleedkii ka dhacay dega anka Haraale oo hoostaga degmada Balan-balle ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu qabtay magaa lada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galm udug.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaa nn ada Baarlamaanka Heer Federaal iyo Heer dowlad Goboleed iyo Siyaasiyiinta kasoo kala jee da Beelaha dagaalamay oo colaadooda salka ku heyso dhul daaqsimeed & Baraago kuyaalla deg aanka, wuxuuna ujeedkiisa ahaa sidii loo dham eyn lahaa Colaada daba dheeraatay ee labada Beelood.

Qaar kamid Xildhibaannada Baarlamaanka Galmudug oo kulanka ka hadlay ayaa ugu ba aqay dhinacyada dagaalamay inay iloobaan wixii ka dhex dhacay si aysan u imaan dhibaayooyin in taasi ka badan, waxaayna ku baaqaeen in si deg deg ah loo joojiyo dhaqaalaha iyo hurinta Colaada labada beelood.

Sanoter Cabdixakiin Macalin Axmed oo kamid ah Golaha Aqalka Sare ayaa sheegay inay iska dhex doorteen guddi ka kooban 7 Xubnood ku waas oo u istaagaya inay kala dhex galaan dhin acyada dagaalamay si loo abuuro jawi nabadeed.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku da ray inay dhawaan Ciidamado kala dhex-dhigi doo naan dhinacyada dagaalamay si colaada loo joojiyo.

Muddo laba Maalin oo xiriir ah ayaa waxaa de gaanka Haraale oo hoostaga degmada Balanb alle ee Gobolka Galgaduud ka dhacay dagaal gey stay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dagaalka uu yahay mid kusoo laab laabtay degaanka.

Yuusuf Dabageed”Cali Guudlaawe Raalli Ah aanshaha Shacabka Ayuu Baladweyne Ku Tagay”

Madaxweynaha ku Xigeenka Dowlaad Gobole edka Hirshabeelle Yuusuf Hagar dabageed ayaa sheegfay in imaatinka Madaxweynaha maamu lkaasi ee Baladweyne uu ka yi mid Bulshada ku dhaqan Gob olka,xili ay jiraan siyaasiyiin & qaybo kale oo ka mid ah Bu lshada oo kasoo hor jeeday Cali Guudlaawe.

Yuusuf Dabageed ayaa ga ashaanka u daruur ay in madaxweynaha dowlad goboleedkaasi xoog lagu geeyay magaalada Ba ledweyne. Yuusuf Ax med Hagar (Dabageed) oo u warramay BBCda ayaa sheegay in madaxwe yne Cali Guudlaawe uu magaalada u yimid si uu u dhagaysto dadka wax tabanaya, xalna loo gaaro.

Dabageed waxa uu carrabka ku adkeeyay in ciidammada ay xeryahooda ku xaraysan yihiin oo aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in M/ Ba ledweyne ay xiran tahay. Hasayeeshee wararka aynu helayno ayaa tibaaxaya in magaaladu ay weli xiran tahay khasaare dhaqaalana uu jiro.

Madaxweynaha mamaulkaasi Cali Guudlaawe ayaa Dorraad lagu soo dhaweeyay Magaalada Ba ladweyne, iyadoo soodhaweyntiisa ay ka qayb qa aten qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maa mulka Gobolka.

Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Garoowe

Shirka oo looga hadlayay Amniga Caasimadd a Garoowe iyo Xaalufka Dhirta ayaa waxaa Shalaylagu qaabtay M/Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal. Shirka ayaa waxaa ka qeyb gal ay Wasiirka Cadaalada Puntland, Wasiir ku xige enka Amniga,Taliye Ku Xigeenka Booliska Puntl and,Guddoomiyaha Gobolka Nugaal,Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal,Gudoomiyaha Degmada Garowe,Taliye Ku Xigeenka Qaybt a,Islaan Ciise Islaan Maxamed,Suldaan Garaa se,Odayaasha Dhaqanka,Haween Iyo Marti Sharaf Kale.

Kulanka ayaa looga hadlayay sidii looga jort agi lahaa Dadka Amni darrada ka wada Caasim adda Gobolka Nugaal ee Magaalada Garoowe iyo sidii looga hortegi lahaadadka ka wada xaaluf itanta Dhirka Degaanka.

Mas’uliyiintii iyo waxgaradkii Madasha ka had lay ayaa aad uga hadlay sidii Amniga looga wada Shaqayn lahaa Amniga Caasimada Ciidamada ka la duwan ee Ammaanka Maamulka Puntland.

M/Garoowe ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka socoto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana maalmihii la soo dhaafay aad loo adkeeyay Amniga Magaalada.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo kulamo ka bilaabay Beledweyne

Md.Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle oo sanad iyo bar kadib tegay kadib doorashadiisii Magaalada Beledweyne ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo kala duwan. Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa la kulmay Madaxwey ne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed iyo guddoomiyaha Go bolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, waxaana kula mada looga hadlayay xal ka gaarista tabashada ay qabaan dadka kunool Magaalada Bedweyne.

Sidoo kale kulamada ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan doorashooyinka sida habka loo wajahay o doorashada 25-ka kursi ee taalla Beledweyne & sidii loo adkeyn lahaa Amniga M/Beledweyne lo ona fulin lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wad aa in Madaxweynaha D/G/Hir-Shabeelle Cali Gu udlaawe Xuseen inuu la kulmo Odayaasha & wa xgaradka Beledweyne, isaga oo ka dhageysan do ona warbixino la xiriira tabashada ay qabaan iyo baahiyaha kajira Magaalada Beledweyne.

JADWALKA DOORASHADA SHAN KA MID AH GOLAHA SHACABKA OO LA SHAACIYAY

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Golaha Shacabka ee Gobolada Waqoogi ee loo yaqaano Somaliland ayaa shaaciyay jadwalka Shan kamid ah kuraasta degaan doorashadoodu tahay G/Wa qooyi, kuwaas oo lagu dooranayo M/Muqdisho.

Kuraasta Jadwalko oda la shaaciyay ayaa ka mid ah kuraas horay guddiga ay u shaaciyeen in doorashadooda la qabanayo, waxaana ay kala yihiin.

1. Hop#240 oo ay hadda ku fadhiso Suri Diiriye Carab.

2. Hop#241 oo uu ku fadhiyo Cabdirisaaq Daahir Maxamed.

3. Hop#263 oo uu ku fadhiyay dhowrkii sano ee la soo dhaafay Muuse Saciid Jaamac

4. Hop#271 oo hadda uu ku fadhiyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye

5. Hop#205 oo ay ku fadhiso Sahro Cabduqaadir Cabdiraxmaan.

Doorashada Shantaan Kursi ayaa Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ay sheegeen inay dhaceyso 10-ka Bishaan, isla markaana diwa angelinta Musharrixinta la soo geba-gabeyn doobo 9-ka Bishaan.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka Golaha Shacabka ee Gobolada Waqoogi ee loo yaqaano Somaliland ayaa horay Magaalada Muqdisho ugu qabtay doorashada Xubno badan oo katirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Yaa ku soo baxay doorashadii laba kursi ee Shalay lagu qabtay Jowhar?

Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad gob oleedka HirShabelle ayaa waxaa Shalay lagu qa btay doorashada laba kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo dee gaan doorashadooda ay tahay maamulkaasi.

Kursigii horreeyey ee doorashadiisa la qabtay wa xaa kusoo baxay Mudane Cabdiraxmaan Max amed Sheekh oo la tartamay musharrax Maxam ud Cali Bariiise. Cabdiraxmaan Maxamed ayaa helay 71 cod, halka musharixii la tartamayey ee Bariise uu isna helay 14 cod, sidoo kale wax aa hallaabay 13 cod, sida uu shaaciyey gud diga.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#115 wax aa kusoo baxay Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo markale dib loogu doortay baarl amaanka Soomaaliya

Md.Cali Balcad ayaa helay 86 cod, kadib mark ii ay u tanaasushay Marwo Mulki Cabdullahi Islow oo la tartami laheyd.

Doorashada labadaan kursi iyo xubnaha ku soo baxay oo aan gelin tartan adag ayaa guu shooda horey loo sii ogaa, maadaama kuraastan si gaar ah loogu xiray.

Si kastaba, tallaabadan ay qaaday HirShabelle ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashada ee Muqdisho, gaar ahaan in la dhammeystiro doorashada Golaha Shacabka.

AL-SHABAAB OO SHAACISAY INAY DILAL KA FULISAY MUQDISHO

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uu liyadda dilal qorsheysan oo Habeen hore iyo Shalay siy aabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah de gmooyinka G/Banaadir, gaar ahaan Degmooyin ka kala ah Yaaqshiid & Dhark enley ee M/ Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sha acisay in dagaalyano ka tirsan kuweeda ay bara qanimadii Shalay dil ka geysteen xaafadda Cara faat ee degmada Yaaqsh iid kaas oo loo geystay Xuseen Ciidgale.

Idaacadda Andaluus ee ku hadasha afka koo xda ayaa baahisay in marxuumka uu ka mid ahaa ergada wax kasoo dooratay xildhibaanada baarl amaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’ uuliyadda dil kale oo Habeen hore ka dhacay qaybo ka mid ah gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ay sheegatay inay ku khaarij isay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga do wladda federaalka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay Aadan Jiira Kuulow, waxaana ay sha acisay inuu ahaa tababare, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soom aaliya oo ku aadan dilalkaasi ay mas’uuliyaddoo da dhabarka u ridatay Al-Shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa M/Muqdi sho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac ay geysanaya an burcad hubeysan.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay caasimada ka socoto doora shada kuraas ka mida baarlamaanka oo ay ka ma shquulsan tahay dowladda.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET


Dowladda UK oo ku dhawaaqday taageere dha qaale oo wax looga qabanayo saamayn ta aba araha Soomaaliya

Ergeyga Gaarka ah ee UK u qaabilsan Ka hor tagga Macluusha iyo Arrimaha Bini'aadantini mada, Nick Dyer, ayaa booqday Soomaaliya usbu ucan si uu ugu baaqo dadaal wadajir ah oo lo oga hortagayo malaay iin qof oo Soomaaliyeed oo naftooda ku waayi kara khatarta macluu sha abaaraha.

Intii uu ku sugnaa Soo maaliya, Mr Dyer wux uu ku dhawaaqay taage ero dhaqaale oo dhan $8 Mi lyan (£5.5 milyan) si wax looga qabto saa meynta abaarta.

Dhaqaalahan waxaa sii dheer $10 milyan oo ka le oo ay ku dhawaaqday Wasiirka UK u qaabils an arrimaha Afrika, Vicky Ford, bishii janaayo Janaayo 2022, iyadoo ku sugnayd dalka Kenya.

Taageeradan dhaqaale ayaa lagu maarayn do onaa bixinta lacag caddaan ah oo lagu gado sa hay cunto oo degdeg ah iyo biyo la siiyo qoysas ka aadka unugul ee Soomaaliya oo dhan ku nool.

Ergeyga Gaarka ah ayaa intii uu ku sugnaa So omaaliya waxa uu kulamo la qaatay Madaxwey naha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Madaxweyn aha Koonfur Galbeed Maxamed C/casiis Xasan Lafta-gareen, kuwaas oo deegaannadooda ay ka jiraan abaaraha ugu daran.

Mr Dyer ayaa sidoo kale kulamo la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xus een Rooble, iyagoo ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa baahiyaha bini’aadantinimo.

XOG: WADA-SHEEKEYSIGA TALEEFON EE FARMAAJO IYO ABIY AHMED OO LA JABSADAY

Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa Caasima da Online Sheegtay inay u sheegeen in madaxw eynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulla ahi Farm aajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay ka walaacsan yahay inay suurta-gal ta hay in la jabsaday wada sheekeysi ku dhex-maray tale efonka.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in arrintan uu ka war helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kuna wargeliyey Farmaajo intii uu ku su gnaa magaalada Addis Ab aba, oo uu Shalay ka soo laabtay. Abiy ayaa ru me ysan in muddo bilooyin ah ama sanado la helayey xo gta wada-sheekeysi ee isaga iyo Farmaajo ku dhex-mareysay WhatsApp-ka.

Abiy ayaa lagu warramay inuu Farmaajo u sheegay in dhanka taleefonkiisa laga jabsaday xo gta, ayada oo la tuhunsan yahay in arrintan uu ka dambeeyo dal Carbeed oo aan weli la shaacin.

Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sidoo ka le sheegaya in jabsashada taleefonka Farmaajo loo adeegsaday softaware-ka Pegasus Spyware oo ay sameyso shirkadda NSO Group ee Israel, taasi oo horey madax badan oo caalamka ah iyo shakhsiyaad kale oo saameyn leh loogu adeegsa day.

Pegasus Spyware ayaa waxaa loo adeegsa daa in qofka la rabo in taleefonkiisa la dhexgalo loo diro sawir ama wax file wata virus, kaasi oo ha ddii uu click siiyo si rasmi ah loola wareegayo ma amulka taleefonkiisa. Dhowaan ayaa wasiirkii ho re ee arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Ca bdirisaaq uu sheegay in Farmaajo uu diiday diy aarad militari oo gargaar siday oo ay Masar usoo diri laheyd Soomaaliya, isaga oo ka cabsi qabi in uu xumeeyo xiriirka Abiy Ahmed.Hadalka wasiirka ayaa dhaliyey tuhun ku saabsan in laga yaabo in dalka xogta jabsaday uu noqon karo Masar, balse waxaa sidoo kale suurta-gal ah inay yihiin Imaara adka Carabta ama Sacuudiga, oo horey caan ugu ahaa adeegsigda Pegasus Spyware.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in taleefonada la dhageysatay ay ku jiraan kuwa wa saaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, balse ma cadda haddii uu yahay wasiirka hadda jooga Cabdisaciid Muuse ama kii ka horreeyey Maxam ed Cabdirisaaq.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada oo u muuqda in Abiy Ahmed uu canaanayo Farmaajo ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu ka carey snaa arrintan, balse lama xaqiijin karo.

Haddii ay dhab noqoto arrintan waxay dalka ha ysta xogta u sahli kartaa inuu banaanka keeno sir badan oo u qarsoon Farmaajo iyo Abiy Ahmed.

Israel oo dhowaan hakineysa duulimaadya da Dubai ee diyaaradaheeda + Sababta

Israel ayaa Axaddii sheegtay inay hakin karto duulimaadyada diyaaradaha Israel ay ku tagaan Dubai maalmaha soo socda, sababo la xiriira mu ran ku saabsan nidaamka amni, balse loo we ecin karo magaalada Abu Dhabi.

Sarkaal Israeli ah ayaa sheegay in nidaamnka amni ee iminka ee saddex diyaaradood oo Israel ah oo u duala Dubai, kuwaas oo kala ah El Al , Isr air iyo Arkia uu dhici doono Talaadada, taasi oo ku qasbeysa in wada-xaajoodayaasha labada dal inay isku raacaan mid cusub kahor waqtigaas.

Duulimaadyada tooska ah ee Israel iyo Imaaraat ka Carabta ayaa billowday kadib markii labada dal ay yeesheen xiriir rasmi ah sanadii 2020. Boqolaal kun oo Israa’iiliyiin ayaa wix ii markaas ka dambeeyey booqday Imaaraatka.

Diyaaradaha Israel ayaa waxay hoos tagaan hay’adda amniga gudaha ee Shin Bet, taasi oo sheegtay in khilaaf kala dhaxeeya dhiggeeda Imaaraatdka uu hakin karo duulimaadyada, balse ma shaacin wax uu yahay.

"Haddii la hakiyo duulimaadyada diyaaradaha Israel ee Dubai waxaa suurta-gal ah in loo weec iyo Abu Dhabi, taasi oo hadda la darsayo,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay ku tiri Shin Bet.

Xafiiska warbaainta Dubai kama jawaabin codsi loo diray oo la xiriiray inay arrintan ka hadlaan.

Haddii la joojiyo duulimaadyada diyaaradaha Israel ee Dubai, waxaa ka faa’iidi doona shirkad da flydubai ee Imaaraatka oo hadda sameysaduu limaad toos ah oo u dhaxeeya Dubai iyo Tel Aviv.

REUTERS + VOA

Kim Jong-un oo lasoo ogaaday meesha uu ka keeno lacagta uu gantaallada ku sameysto

Kim Jong Un, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqo oyiSida ay Qaramada Midoobay ku sheegt ay warbixin lagu shaaciyay warbaahinta, Kuuriyada Waqooyi ayaa lacago malaayiin doollar ah ku xadda dhinaca internet-ka si ay ugu maalgeliso barnaamijyadee da sameynta ga ntaallada ee uu kharashka badan ku baxo.

Baareyaasha ku howlanaa arr intan ayaa sheegay in lacag dhan $50 milyan oo doolar oo nooca digital-ka ah la xaday intii u dhax eysay 2020-kii ilaa 2021-kii, taasoo lagu qaatay qaabka xatooyada internet-ka.

Waxa ay saraakiishu sheegeen in habkaas dhaca internet-ka ah ee lagu jabsado bangiyada uu il dhaqaale oo muhiim ah u yahay Kuuriyada Waqooyi, si ay ugu kharash gareyso hubkeeda nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer.

Waxaa lasoo tabiyay in xogtaas maalintii Jim cada lagu wareejiyay Guddiga qaabilsan arrimaha Cunaqabateynta ee Qaramada Midoobay.

Weerarrada dhaca internet-ka ayaa lala beegsa day ugu yaraan saddex meelood oo ku kala ya alla Mareykanka, Yurub iyo Aasiya.

Warbixintu waxay sidoo kale soo xigatay dara asad la daabacay bishii lasoo dhaafay oo ay sam eeyeen khubarada shirkadda amniga ee Chainal ysis, taasoo muujisay in weerarrada dhinaca inte rnet-ka ee ay sameysay Kuuriyada Waqooyi lagu qaatay lacag nooca digital-ka ah oo dhan $400 oo milyan oo doolar, sanadkii lasoo dhaafay.

Q/Midoobayna waxa ay ku sheegtay mid ka mid ah warbixinnadeeda la daabacay 2019-kii in Kuuri yada Waqooyi ay dhaca internet-ka ku heshay lac ag dhan labo bilyan oo doolar oo ay ku maalgel isay sameynta hubkeeda wax gumaada.

Weerarka internet-ka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka manuucay Kuuriyada Waqooyi inay same yso tijaabinta nuclear-ka iyo gantaallada riddada dheer.

Balse wararku waxay sheegayeen in iyadoo cunaqabateyntaasi jirto ay haddana Kuuriyada Waqooyi u suurtagaleysay sii wadidda tijaabooyin ka gantaallada casriga ah iyo dhismaha hubka nuclear-ka.

Waxa ay sidoo kale sii wadday inay hesho qal ab iyo tiknoolojiyad uga imaanayay dhinaca dibad da, kuwaasoo lagu keenayay warbaahinta dhina ca internet-ka iyo cilmi baadhis seynis ku dhisan.

Kormeerayaasha ayaa sheegay in ay si xoog leh sare ugu kaceen howlgalada tijaabinta gantaalad

D/Mareykanka ayaa Jimcadii sheegtay in Kuuri yada Waqooyi ay fulisaytijaabinta sagaal gantaal bishii lasoo dhaafay gudaheeda oo keliya. Tijaab ooyinkaas ayaa muujinaya sida ay u korodhay awoodda lagu isticmaali karo hubkaas, xawaar ahooda iyo sida meelo kala duwan loogu adeeg san karo.

Markii uu Kim Jong-un dilay adeerkiis ninkii la cagta u keeni jiray muxuu sameeyay?

Kim Yo-jong: Waa kuma ninka guursaday gaba dha la dhalatay Kim Jong-un?

Maxaad ka taqaannaa 12-ka nin ee garab rucl eeya baabuurka Kim Jong-un?

Bishii January oo kaliya Kuuriyada Waqooyi wa xay tijaabisay 7 gantaal

Bishii January oo kaliya Kuuriyada Waqooyi wax ay tijaabisay 7 gantaal

Maalintii Jimcada, Ruushka iyo Shiinaha ayaa ku gacan seyray inay saxiixaan qoraal lagu cam baareynayay tijaabada gantaallada K/Waqooyi.

Xukuumadda Washington ayaa Axaddii ku dhawaaqday in wakiilkeeda gaarka ah ee Kuuriyada Waqooyi uu la kulmi doono saraakiisha Japan iyo Kuuriyada Koonfureed dabayaaqada isbuucan si uu ugala hadlo xaaladdan.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu ogaaday in xaaladda bani'aadannimo ee gudaha Kuuriyada Waqooyi ay kasii dareyso, taasina ay sabab u ahaan karto go'aannada xuku umadda Pyongyang ay ku xirtay xuduudaheeda si ay u xakameyso cudurka safmarka ah ee Covid.

Intaas waxay warbixintu ku dartay inay adag tah ay sidii go'aan looga gaadhi lahaa inta ay la eg tahay saameynta dhibaato ee ka dhalatay cunaqa bateynta caalamiga ah, maadaama ay yar tahay xogta laga heli karo waddankaas oo aan galaan gal fiican lagu yeelan karin xilli kasta.

 

 



SALDHIGA MAREYKANKA EE HAWADA SARE OO DHULKA KUSOO DHACAYA


Saldhigga caalamiga ah ee hawada sare ee Mar eykanka ee (ISS) waxa uu sii shaqayn doonaa ilaa 2030, ka hor inta aanu ku soo dhicin Badweynta Baa sifigga horaanta sanadka 2031, sida ay sheegtay haya'adda Nasa.

Warbixin ay soo saartay todobaadkii hore, hay'a dda hawada sare ee Maraykanka ee NASA ayaa sheegtay in ISS ay ku burburi doonto dekedda loo yaqaano Point Ne mo. Tani waa qaybta ugu fog oo masaafo dheer u jirta meeraha Dhulka.

Dayax gacmeed yo badan oo muddo dheer hawada sare ku maqnaa iyo haraadigooda ay aa burburay, waxaana ka mid ah saldhigga hawada sare uu ku lahaa Ruushka ee Mir sanadkii 2001.

Hay'adda Mareykanka ee Nasa waxa ay sheegt ay in mustaqbalka dhow hawlgallada hawada sare ee dhulka ay maamuli doonaan qaybta ganacsiga.

ISS oo ah mashruuc wadajir ah oo ay qeyb ka yhiin 5 hay'adood oo hawada sare ah - ayaa hawada mee rayay tan 1998-kii.

In ka badan 3,000 oo daraasadood oo cilmi-baa ris ah ayaa lagu sameeyay shaybaarkeeda loo yaq aano Microgravity.

Si kastaba ha ahaatee, waxa kaliya oo la ansixin do onaan in uu shaqeeyo ilaa 2024 islamarkana wixii xil ligaasi ka danbeya waxaa ansixinaya dhinacyada ay quseyso.

Hay'adda hawada sare ee Mareykanka ee Nasa waxa ay sheegtay in qorshaha hawlgabka ISS uu cal aamad u yahay kala-guurka qaybta ganacsiga ee hawlaha meerayaasha hawada sare.

Hindiya oo hawada u dirtay 104 dayaxgacmeed

Dayax-gacmeedkii ugu weynaa oo hawada loo direy

Maxay tahay arrinta uu Mareykanka su'aasha ka kee nay ee ku saabsan colaadda itoobiya?

Sannadkii 2020, Nasa waxay qandaraas siisay shirkadda fadhigeedu yahay Texas oo lagu magaca abo Axiom Space si ay u abuurto ugu yaraan hal go ob oo loo isticmaali karo in uu bini'aadamka ku nool aado taasi oo ku xiran ISS.

Waxa kale oo ay siisay lacag saddex shirkadood si ay u horumariyaan qaab-dhismeedka dayax gac meedyada hawada sare meera.

Hay'adda Nasa ayaa sheegtay in ay doonayso in ay abuurto "dhaqaale ganacsi oo uu Maraykanku hogaamiyo oo degan meerayaasha hawada sare.

Qaybta ganacsigu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah barnaamijka hawada sare ee Maraykanka, iya doo shirkado gaar loo leeyahay ay masuul ka yihiin keenista duulista iyo xamuulka.

Dayax gacmeedyada Soyuz iyo Progress ayaa sidoo kale la adeegsadaa. Sida laga soo xigtay Nasa, wa xa ay barnaamijkan ku baajinayso lacag dhan $ 1.3 bilyan oo doolar iyada oo shirakdaha gaarka loo leey ahay ay u wareejinayso hawlgallada wareegga hawa da sare, lacagtaas oo loo adeegsan karo sahminta hawada sare.

Si kastaba ha ahaatee, balaarintu waxay weli u baahan tahay taageerada saaxiibada caalamiga ah, oo uu ku jiro Ruushka, iyo in la maalgaliyo hay'adda ISS oo uu hadda ansixiyay Congresska Maraykanka ilaa 2024.

Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka Ruushka ee Interfax bishii Disembar 2021, madaxa barnaamij ka hawada sare ee Ruushka, Dmitry Rogozin, ayaa muujiyay sida uu u daneynayo la shaqeynta Nasa sanadka 2024-ka.

Mr Dmitry ayaa sidoo kale cabasho ka muujiyay cunaqabateynta Mareykanka ee ka dhanka ah Ruu shka ay saameyneyso waaxda duulimaadyada Ruu shka, wuxuuna horey u sheegay in Ruushka uu joo jin karo ka qeyb qaadashada barnaamijka ISS haddii aan laga qaadin cunaqabateynta.

Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka ayaa waxay ku hanjabeen in cunaqabateyno dheera ad ah ay ku soo rogi doonaan Ruushka taasi oo la xiriirta xiisadda Ukraine


BOGGA CAYAARAHA:-Xiddiga Sadio Mane , Wiilka Qoyska Imaamyada Kasoo Jeedda Ee Taariikhda Dhigay



Sadiyo Mane oo lambarka 10-aad u xirta xulka qaranka Senegal ayay u rum owday riyadiisii ahayd inuu guul taariikhi ah usoo hoyiyo waddankiisa, isagoo ga can ka siiyay inay markii ugu horreysay hantaan Koobka Qaramada Qaaradda Afrika muddo lixdan sano ah.

Xiddiggan sidoo kale weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ayaa lagu yaqaannaa inuu yahay qof aad dabee cad wanaagsan oo aan dadka iska sarreysiinin. Inta badan ciyaartoyda kale iyo dad ka lacagta heysta ee isaga la mid ah ayuu uga duwan yahay in uusan qaa danin waxyaabaha qaaliga ah, sida telefoonn ada lacag ta badan lagu bixiyo.

Sadiyo Mane ayaa kasoo jeeda qoys aad sabool u ah oo mar kii uu yaraa caqabado badan kala kulmay dhanka nolosha.

Maqaalkan waxaan ku xuseynaa ilaa 7 arrimood oo ku saabsan ciyaartoygan taa geerada badan helay, qaab ciyaareedkiisana aad loo jecel yahay.

1. Wuxuu ka cararay guriga qoyskiisa si uu kubad u ciyaaro

Waxaa laga yaabaa inaad garaneysid qisadan. Markii uu Mane cunug yar ahaa waxa uu kusoo koray tuulo lagu magacaabo Bambali oo ku taalla Senegal. Xilli gaas qoyskiisa run ahaantii ma aysan u oggoleyn inuu lugtiisa ku laado kubbad.

Aabihiis waxa uu geeriyooday isagoo toddobo jir ah, inta badanna waxaa soo kor iyay adeerradiis. Waxa uu kasoo jeedaa qoys imaamyo Muslimiin ah. Sidaas aw geedna waxa ugu horreeya ee cunugga inuu diiradda saaro laga rabo waa wax barashada.

"Adeerkey ma uusan rabin inaan ciyaaro sababtoo ah waxa uu u maleynayay in iskuulka uu ka muhiimsan yahay ciyaarta. Arrintu way adkaatay, waayo ma uu san jecleysanin taas," ayuu yiri Mane oo taariikhdiisa ka sheekeynayay mar laga sameynayay dukumintari ay BBC-da diyaarisay.

2. Mane waxa uu sharraxay sida uu ugu waalnaa ciyaarta kubbadda, isagoo xi taa ku ciyaari jiray waxyaabo ay ka mid yihiin miraha iyo dhagaxyada, isagoo carruur ah, maadaama kubbad uusan heli karin xilligaas. Tuuladiisa oo isagoo yar uu ka noqday cunugga ugu laacibsan waxaa looga bixiyay naaneysta 'Ball onbuwa', ama 'bulaca kubbadda'.

Sanadkii 2008-dii, oo ay da'diisu ahayd 16 sano, Mane waxa uu ka dhuun tay qoyskiisa, waxa uuna si qarsoodi ah ugu cararay magaalada Dakar, si uu hal k aas uga raadsado koox.

Ugu dambeyn waa la helay, guriga ayaana lagu soo celiyay, balse waxaa laga ballan qaadayin sanadka ku xiga aan iskuul loo diri doonin, waxa kaliya ee uu sa meyn doonana ay noqoneyso ciyaarta kubbadda cagta.

3. Shaqada bulshada Muslimka ah

Mane waxaa la sheegaa inuu lacago badan ku bixiyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka saboolka ah ee ku nool meelo ka mid ah waddankiisa Senegal.

Lacagahaas waxaa ka mid ah kuwo lagu xannaaneeyo carruur iyo kuwo musqu lo iyo hoy loogu dhisay dad dan yar ah.

Mararka qaarna isaga qudhiisa ayaaba ka qayb qaata adeegga bulshada. Mar sii horreysay waxaa hadal heyn dhaliyay muuqaal laga soo duubay Mane oo gacantiisa ku dhaqaya masjid, arrintaas oo ay dad badan ku ammaaneen.

4. Wuxuu ku dayan jirey El Hadji Diouf

Sadio Mane 10 sano ayuu jiray markii uu xulka qarankiisa ee Senegal gaaray sid deed dhammaadka tartankii Koobka Adduunka ee 2002-dii iyo fiinaalka Koobka Qaramada Afrika.Kooxda qaranka markaas waxaa ku jiray Aliou Cisse, Khalilou Fadiga iyo El Hadji Diouf."Markaas ayay Senegal soo mareen ciyaartoydii ugu cajiibsanaa ee kubbadda cagta," ayuu yiri Mane. Saxiibkiisa ay isla soo koreen, Luc, ayaa sheegay in Sadio uu lahaa labo qof oo uu ku daydo: "Xilligaas Sadio wuxuu xiiseyn jiray Ronaldinho, balse sidoo kale wuxuu aad u jeclaa El Hadji Diouf, oo runtii nagu dhiirrigeliyay inaan ciyaarno kubbadda cagta." Luc waxa uu intaas ku daray in Mane uu ku yidhi: "Maalin maalmaha ka mid ah waxaan gaari doonaa heerkooda."Dadka qaar waxayba hadda ku doodaan in Mane uu hadda gaaray heer ka sarr eeya kii Diouf - maadaama uu guulo badan la gaadhay kooxdiisa Liverpool, xulka qarankiisana la qaaday koobka Afrika.

Waxaa xaqiiqo ah inuu Liverpool ka dhigay taariikh ka wanaagsan tii uu ka sam eeyay halyeygiisa El Hadji, oo isla kooxdan usoo ciyaaray balse sannadihii da mbe cadaawad weyn ay dhex martay ciyaartoyda kooxdiisii hore.

5. Farriintii uu u diray Maxamed Saalax iyo Nabi Kita

Maalmihii ugu horreeyay ee uu furmay tartanka Koobka Qaramada Afrika, Mane waxa uu soo duubay muuqaal uu farriin ugu diray labo xiddig oo ay saaxiib ku yih iin kooxda Liverpool oo ay ka wada tirsan yihiin, kuwaasoo kala ah Maxamed Saalax oo u dhashay Masar iyo Nabi Keita oo u dhashay Guinea.

Isagoo la hadlaya labada ciyaartoy ayuu yidhi: "Farriin khaas ah ayaan u hayaa labadeyda saaxiib, oo kala ah Nabi Keita iyo Mo Saalax. Nasiib darro ciyaarta ka ma dambeysta ah labo kooxood lama kulmi karo, sidaas darteed waa inaan hal koox ka hor imaado, ma ogi inay noqon doonto Masar ama Guinea, balse ogaa da waxaan idiinkaga badinayaa hal iyo eber labadiinna kii uu noqdoba."

Waxaa cajiib ah in Mane hadalkiisa uu sidii ku rumoobay oo dhammaan kooxihii kale ee Afrika la reebay ka hor inta aysan soo gaadhin fiinaalka, ugu dambeynt iina hal koox oo ah labadii uu sheegayay midkood ay timid fiinaalka, waana Masar.

Isla sidii uu kaftan ahaanta u sheegay ayuuna Masar uga guuleystay, iyagoo uu la socdo saaxiibkiis Mo Saalax.

Markii ay Habeen hore ciyaarta dhammaatay ayaa la arkayay Mane oo sasabaya Saalax oo aad u murugeysan.

6. Dhibaatadii jawiga Yurub

Sanadkii 2011-kii, Mane waxa uu ka tagay Senegal waxa uuna ku biiray koox Faransiiska ka dhisan oo lagu magacaabo FC Metz. Wixii ugu horreeyay ee uu ku baraarugay markii uu Yurub tagay waxay ahayd dabeysha.

Mane ayaa ka sheekeeyay waxa kala qabsaday isaga iyo saaxiibbada kooxdiisa markii uu kasoo baxay qolka dhar baddalashada isahoo garan kaliya xiran. Wux uu garan jiray jawiga Afrika oo inta badan kuleyl ah.

"Dhammaantood waxay billaabeen inay igu qoslaan anigana ma aanan fahm in," ayuu yidhi. "Waxay i weydiiyeen, 'sidey ku dhici kartaa inaad dharkaas soo xiratid?'"

Shan daqiiqo kaddibba wuxuu dib ugu carari jiray gudaha isagoo qarqaraya, marar kalena sidaasoo kale uu khaladkaas u sameyn jiray.

"Gacmaha ayaan gishtay biyo kulul. Taasi ma aysan fiicneyn. Maalintaas wax baa i qabsaday!"

7. Cadaadiska ka heystay taageerayaasha qaranka

Muddo dheer oo uu Mane heer sare ka gaadhay kubbadda cagta, kooxaha uu u ciyaarayna ay ka faa;iideysteen xirfaddiisa, wax sidaas u weyn uma uusan qab anin qarankiisa. Sidaas awgeed, inkastoo taageerayaasha waddankiisa ay jeclaayeen hadd ana waxay ku hayeen cadaadis xoog badan oo ka imaanayay inuu kor u qaado xulka Senegal.

Sanadkii 2017-kii, Koobka Qaramada Afrika ciyaar fiican kuma uusan soo ban dhigin marka uu waddankiisa u ciyaarayay. Waxa uu dhalin waayay gool ku laad loo dhigay ciyaartii siddeed dhammaadka ahayd.

Sanadkii 2019-kiina, xaaladdaas wax sii xumaatay kaddib markii Senegal

ciyaartii kama dambeysta ahayd ee Koobka Qaramada Afrika guul darro kala

kulmeen Aljeeriya oo koobka uga qaadday hal gool iyo ebar.

Balse sida cad, hadda Mane waxa uu iska dajiyay culeyskii dhinaca Qaranka

, waddanka Senegal meelo badan oo ka mid ahna waxaa Habeen hore looga

dabaaldegay guusha ay soo hoyiyeen ciyaartoyda qaranka. Mane ayaa dhaliyay

goolkii ugu dmabeeyay ee guusha ay ka gaareen xulka Masar..

XIGASHOBBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip