Maraykanka Oo Helay Xog Cusub Oo Ku Aadan Duulaanka Ruushka Ee Ukraine

0
Sunday February 06, 2022 - 20:30:51 in Wararka by
  • Visits: 357
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Helay Xog Cusub Oo Ku Aadan Duulaanka Ruushka Ee Ukraine

    Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay ka digeen in haddii duulaan toos ah uu Ruushka ku qaado dalka Ukraine uu sababi karo dhimashada dad gaaraya konton kun oo rayid ah. Siyaasiyiinta ayaa loo gudbiyay xogtii ugu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay ka digeen in haddii duulaan toos ah uu Ruushka ku qaado dalka Ukraine uu sababi karo dhimashada dad gaaraya konton kun oo rayid ah. Siyaasiyiinta ayaa loo gudbiyay xogtii ugu dambeysay ee sirdoonka Mareykanka todobaadkan. Waxaana la sheegay in loo gudbiyay in Ruushka uu boqolkiiba todobaatan uu isku dubba-riday ciidamada looga talagalay duulaanka buuxa ee ka dhanka Ukraine. Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in aysan garaneyn in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go'aansaday in uu qaado tallaabadan oo kale, iyaga oo intaa ku daray in weli uu suurtagal yahay in xal diblumaasiyadeed la gaaro.Saraakiisha Maraykanku ma aysan keenin caddayn ku saabsan qiimeynta ay sameeyeen. Waxa ayna sheegeen in xogtan ay ku saleeyeen sirdoon balse aysan awoodin in ay faah faahin ka bixiyaan,sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip