Waa kuma Hoggaamiyaha Daacish ee aan wajigiisa la arag ee ay Mareykanku dileen?

0
Thursday February 03, 2022 - 17:46:06 in Wararka by
  • Visits: 1333
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa kuma Hoggaamiyaha Daacish ee aan wajigiisa la arag ee ay Mareykanku dileen?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Dhismo ku yaalla waqooyiga Galbeed ee Suuriya oo ay burburiyeen ciidamada howlgalka fuliyey

XIGASHADA SAWIRKA,EPA Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shaaca ka qaaday howlgal gaar ah oo ay ciidamadoodu fuliyeen ay ku dileen Hoggaamiyaha Daacish Abu Ibraahim al-Haashimi al-Qureyshi.

"Dhammaan Ciidammadii ku lugta lahaa howlgalka ayaa si nabad ah ku soo laabtay", ayuu raaciyay Mr Biden.

"Waxaa mahad leh ciidamadeenna qalabka sida ee xirfadda iyo geesinimada leh, waxaan dilnay Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Aqalka Cad.

Madaxweynuhu wuxuu xusay goor dhaw inuu khudabad arrinkan ku saabsan uu u jeedin doono shacabka Mareykanka.

Al-Qureyshi ayaa ahaa Khaliifada labaad ee ururka isku magaacabay dowladda Islaamiga ee Daacish, isaga oo baddalay hogaamiyihi hore ee ururkaasi Abu Baakar al-Baqdaadi.

.

Dhammaan laamaha sirdoonka ee Mareykanka iyo Ciraaq waxay xaqiijiyeen Abu Ibrahim al-Hashimi al-Qurayshi inuu yahay Cabdullaahi Qardaash ama Xaaji Cabdullaahi, marka aan eego xogta aan helay inti aan raadinayey macluumaadka rasmiga ah ee ninkaasi ku saabsan.

Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka waxay horay u ballan qaadday xogta ku saabsan hoggaamiyaha cusub ee Daacish al-Qardaasi iyo halka uu ku sugan yahay ciddi keento in abaalmarin ahaan loo siinayo $10 malyan oo doolar.

Haddaba waa kuma Abu Ibraahim al-Haashimi al-Qureyshi?

Magaalada Mahlabiya oo ay ku badan yihiin dad asal ahaan Turkiga ka soo jeedo oo qayaasti 20 km u jirta magaalada Mosul ayuu ku dhashay hoggaamiyaha cusub ee Daacish ee haatan la dilay Abu Ibraahim al-Haashimi al-Qureyshi.

Xogo sirdoon oo la heleyna waxaa lagu sheegay magaca saxda ee al-Qardaasi inuu yahay Amiir Muxamed Saciid al-Salbi al-Malwa.

Sanaddi 1976-kii ayuu ku dhashay magaalada Mahlabiya oo ka tirsan degmo hoosaadka Ninenah. Wuxuuna qabaa laba xaas oo u dhashay 7 wiil oo Amiir ugu yar yahay iyo 9 gabdhood.

Aabbaha al-Qureyshi inta u dhaxeysay 1982-2001 wuxuu Imaam ka ahaa masaajidka Furqaan ee ku yaallay magaalada Mosul.

Inta aan 2010-kii la ogaan hoggaamiyaha Daacish ama ISIS inuu yahay al-Baqdaadi oo horay Mareykanka u diray waxaa si dadban daacish u hoggaamiya qarsoon ugu ahaa al-Qureyshi sida ay xaqiijinayaan dokumantiyada caddeymaha uu wariyaha BBC-da helay.

Sharciga Ciraaq oo al-Qardaashi la siiyey 1988

Al-Qureyshi ayaa la rumeysan yahay inuu 2003-2004 uu ku biiray Daacish, ninkaasi oo lagu tilmaamo inuu ahaa nin aqoon durugsan u lahaa arrimaha militariga iyo sirdoonka howlagallada ay Daacish fulisana lafdhabar u ahaa.

Sirdoonka Ciraaq waxay rumeysan yihiin Daacish iney al-Qardaash ay ka fogeeyeen goobaha ay dagaalladu ka socdan si looga ilaaliyo iney waxyeello soo gaarto maadaamaa ay ISIS ay ninkan ku xisabtameysay inuu noqonayo hoggaamiyaha al-Baqdaadi baddali doono.

Qardash wuxuu tababar dhinaca garsoorka uu ku soo qaatay machad hoos tago kulliyadda al-Imaam al-Cadami oo ku yaalla magaalada Mosul.

.

Sargaal sare oo ka tirsan Mareykanka wuxuu wakaaladda wararka ee Reuters uu sheegay "Billowga howlgalka iney xubinka argagixisada ee la bartilmaameedsaneyey uu bam qarxiyey isaga iyo qoyskiisana oo ay ku jiraan carruur iyo haween ay qaraxasi ku dhinteen."

Xoghayaha warfaafinta ee Pentagon John Kiby mar sii horreysay howlgalka Khamiista maanta ah lagu dilay hoggaamiyaha Daacish inuu ahaa mid si buuxda looga guuleystay oo muujinaya sida dagaalka argagixisada lagula jiro loogu guuleystay.

Shaqaalaha gurmad degdegga ah ee Suuriya waxay sheegeen 13 qof oo ay ku jiraan lix carruur ah iyo 4 haween ah ayaa ku dhintay qaraxi dhacay ka hor inta howlgalkaasi uu dhicin.

Dadka deggan deegaanka howlgalkaasi laga fuliyey waxay sheegeen iney arkayeen diyaarada kuwa qumaaiga u kaca oo goobtaasi ku soo dagayey iyo rasas xooggan oo ay isdhaafsanayeen dhinacyada dagaallamay.

Al-Quresyhi wuxuu watay ciidamo aad u hubeysan oo ilaalo u ahaa iyaga oo saacado halkaasi kula dagaallamay ciidamadi Mareykanka ee howlgalka lagu dilay fulinayey.

Sawirro laga qaaday dhismaha la rumeysan yahay in lagu dilay al-Qureyshi?

.

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

.
XIGASHO"-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip