WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 1-DA MAAJO 2016-KA

0
Sunday May 01, 2016 - 09:41:12 in Wararka by
  • Visits: 1190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH AXAD 1-DA MAAJO 2016-KA

    JABRIIL IBRAHIM CABDULLE OO KA JAWAABAY WARARKA LA ISLA DHEX MARAYO EE MUSHARAXNIMADIISA. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa jiray warar xan ah oo si xooggan ugu dhex wareegaysay WarbaahintaSoomaalida iyo Warbaahinta Afrika oo ku aadan inu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JABRIIL IBRAHIM CABDULLE OO KA JAWAABAY WARARKA LA ISLA DHEX MARAYO EE MUSHARAXNIMADIISA. Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, waxaa jiray warar xan ah oo si xooggan ugu dhex wareegaysay WarbaahintaSoomaalida iyo Warbaahinta Afrika oo ku aadan inuu Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ah Dhaqdhaqaaqyahan iyo Nabaduololeeye ka tirsan Ururradda Bulshadda Rayidka Soomaaliyeed in laga yaabo inuu ka qeyb geli doono Ololaha Doorashadda Madaxtinimada ee soo socota.

Soomaali badan iyo kuwa Soomaaliya ilaaleeya ama daawada waxay Jabril u arkaan Hoggaamiye dhallinyaro ah oo taageero balalaran ku dhex leh Soomaalida haddii ay suurtogal tahay inuu noqdo Musharax u taagan Doorashadda sannadka 2016-ka.

Sida laga soo xigtay saaaxiibadda ku dhow, Jabril waxa uu farriimo Telefoon ka helayey Saaxiibadiisa, Xildhibaano, Qurbojoogta Soomaalida, Kooxaha Ganacsiga, gaar ahaan Kooxaha Bu lshadda Rayidka oo doonaya inuu oggolaado inay isaga ugu ololeeyaan Doorashada,

Isagoo ka hadlayey Muqdisho, waxa uu Jabril yiri: "Sida dhamaan Soomaalida, Waxaan Aniga ahay qof danaynaya in ay Natiijo fiican ka soo baxaan Doorashadda soo socota. Soomaaliya waxay maraysaa Isgoysyo khatar leh oo leh fursad yar ee dhinaca lagu gaarayo Deganaanshaha iyo Barwaaqada. Guushana qaadan doona Hoggaan Tabar iyo Xirfad ku dhex leh gudaha iyo Dibedda, isla markaana ay dadka Soomaliyeed u baahan yihiin”.

Mar lagu celceliyey suurtogalnimadda Musharaxnimadiisa waxa uu ku sii daray: "Anigu haa tan waxaan diiradda saarayaa shaqadayda haatan, balse waxaan si cad u danaynayaa inaan aragno iyadoo la doortay Hoggaamiyayaal Xirfad leh, oo aan ugu dambayn si wadajir ah horey ugu wada dhaqaaqno”.

FAAHFAAHIN KU SAABSAN QARAXA KA DHACAY DEGMADA WAABERI EE GOBOLKA BANAADIR.

Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa shalay galab ku qarxay afafka hore guri ku yaala xaafadda 1da Maajo ee Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Warar ay idaacada simba heshay ayaa sheegaya in Labo qof oo la socotay gaarigaasi, mar kii ay gaariga ka dagteen kadib in uu qarxay waxaana jirin waxyeelo ka dhalatay qaraxa ka dhacay degmada waabari.

Gaarigan, ayaa waxaa la sheegay inay leedahay qof dumar ah oo ka tirsan dadka degan xa afadaasi 1da Maajo, ee degmada waabari iyadoo ay dadka deegaanku sheegeen inay tahay hooyo haysata carruur agoon ah.

Dhanka kale Laamaha amniga dowlada soomaliya ayaa wali wada baaritaano ku aadan sida uu falkaan u dhacay iyo goobta qaraxa gaariga loogu soo xiray.

C/WELI GAAS OO SI WAYN LOOGU SOO DHAWEEYAY MAGAALADA BOOSAASO

Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa waxaa uu shalay gaaray Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Gobolka Bari.

Madaxweynaha oo maalmihii ugu dambeeyay safaro ku soo kala bixiyay dalalka Sacuudiga iyo Itoobiya, ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland oo Saxaafadda la hadlay, ayaa safarkiisan ku tilmaamay mid la xiri ira horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Wuxuu sheegay in Sacuudi Carabiya uu u tagey sidii loo heli lahaa maalgashadayaal shishe eye, oo maalgashi ku sameeya dalka.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maalqabeeno u dhalatay dalkaasi uu la saxiixday heshiisyo mu hiim ah, kuna saabsan dhismaha deked lagu wado in laga dhiso deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug. Wado laami ah oo la saaro wadada xiriirisa Garacad iyo Galdogob iyo dhismaha Garoonka Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Gaas, ayaa xusay intii uu booqashada ku joogay Magaalada Addis Ababa inuu kula kulmay madax sare oo ka tirsan Dowladda Itoobiya, ayna ka wada hadleen arrimo ku aadan xiriirka ganacsi ee labada dhinac iyo dhameystirka kastamka Tuurdibi.

C/weli Gaas, ayaa waxaa uu ugu dambeen sheegay in guul uu ugu soo dhammaaday safa rada kala duwan, ee uu ku soo kala bixiyay Itoobiya iyo Sacuudi Carabiya, sida uu yiri.

MAXAA XILKA LOOGA QAADAY WASIIRKII DUULISTA HAWADA EE MAAMULKA SOMALILAND?.

Dikreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland, Axmed Maxamed Max amuud Siilaanyo ayaa xilka looga qaaday Wasiirkii Duulista Hawada ee Maamulkaasi, Cumar Sheekh Maxamed.

Wasiirkii Duulista Hawada ee Soomaaliland ayaa xilka laga qaaday kadib markii Shir jaraa’id uu ku qabtay Magaalada Hargeysa uu uga hadlay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tisan Maamulkaasi oo Boorsooyinkooda lagu arkay waxybaha Qarxa.

Wasiir Cumar Sheekh Maxamed ayaa sidoo kale waxuu sheegay in Wasiiradaasi qaarkood lagu qabtay Dalka dibadiisa markii boorsooyinkooda lagu arkay waxyaabaha qarxa, isagoona inta asi ku daray in ay jiraan mas’uuliyin ka tirsan Maamulka Somaliland oo xiriir dhow la leh waxa loogu yeero Argagixisada.

Sikastaba, Xilka qaadist Wasiirkii Duulista Hawada ee maamulka Soomaaliland ayaa lala xiri irinayaa shirkii uu uga hadlay Qaraxyada uu sheegay in ay wateen Xildhibaano iyo Wasiiro ka mid ah Maamulkaasi.

CIIDAMADA PUNTLAND OO LA WAREEGAY GURIGA HOGAAMIYAHA URURKA DAACISH EE GEESKA AFRICA

Ciidamada amaanka Maamulka Puntland ayaa la wareegay gurigii uu deegaanka Galgala ku lahaa Sheikh Cabdiqaadir Muumiin oo dhawaan sheegay inuu yahay hogaamiyaha Ururka Daacish ee Geeska Africa.

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa puntland ayaa gaaray deegaanka Galgala ee Du leedka magaalada Boosaaso. ee Gobolka Bari waxayna ugu dambeeyeen ay la wareegeen gac anta ku haynta gurigii Sheikh Cabdiqaadir Muumiin oo dhawaan ururka daacish ku biiray.

Sheikh Cabdiqaadir Muumin oo ku noolaan jiray dalka Ingriiska ayaa ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab, waxaana markii dambe uu sheegay inuu ku biiray Daacish, isagoo dhawaan soo ban dhigay muuqaal.

DABAQ DUMAY, DAD KUDHINTAY CAASIMADA NAIROBI

Madaxweynaha Kenya Uhuru, mar uu booqanayay gurigii dumay

Ilaa iyo haatan inta la xiqiijiyay dhowr qof ayaa ku dhintay dhisme shalay dumay caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Dhismahaas oo kuyaalay xaafada Huruma ee dhanka bari ee Nairobi ayaa waxaa shaqaal aha gurmadku ilaa haatan ay ka daad gureeyeen 120 qof waxaana la rumeysan yahay in dad kale ay burburka ku hoos jiraan.

Roobab mahiigaan ah yaa dhawaan ka da'aaya Nairobi iyo qeybo badan oo Kenya ah. Ro obka ayaa la sheegay in gurigaa oo aan adkeyn uu wax usii dhimay kasoo da'aayay daraad, xalay ilaa Darraad ayaa waxaa gawaariley badan ay gawaaridoodii jidadka Nairobi ugaga tageen kadib markii daadad ay lasocon waayeen.

Dad badan oo ku noolaa gurigaa dumay ayaa iyana ay haatan heysataa hoy la'aan sida laga soo xigtay Laan Kheyrta Cas ee Kenya ama Kenya Red Cross.

JAWAARI "XILDHIBAANKII KA MAQNAADA KALFADHIGA 8AAD, LAGUMA SOO DARI DOONO BAARLAMAANKA SOO SOCDA”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Xildhibaanada ka maqan kalfadhiga 8aad u diray digniin ku aadan in beeshiisa iyo Guddiga doorashooyinka ee soo xulaya Xildhibaanada soo socda ay u gudbin doonaan inuu gudan waayay waajibkiisa qaran.

Jawaari ayaa qaati ka taagan maqnaanshaha joogtada ee Xildhibaanada, iyadoo kalfadhigan 8-aad uu yahay kii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka hada jira, iyadoo lagu wado in dhowaan la soo dhiso Labo Aqal Baarlamaan

"Waxaa jirta Xildhibaano badan oo inoo diiwaan gashan ay maqnaashahooda badnaadeen, qof alla qofkii Xildhibaan ah oo ka maqnaada kalfadhigan 8aad, Guddoon ahaan waxaa goosanay in hadii xilkiisa uu gudan waayo inaan gaarsiineyno warbixintiisa Duubka asiga soo qoray iyo Gud diga doorashooyinka, si ay uga fiirsadaan in afar sano kale aan loo cusbooneysiin”ayuu yiri Guddo omiye Jawaari oo shalay ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee Ra’iisul Wasaaraha ku horgeeyay hanaanka doorashooyinka.

Sidoo kale Jawaari ayaa ugu baaqay dhamaan Xildhibaanada inay soo wada galaan, maa daama laga doodayo masiirka jamhuuriyada Federaalka, waxaana uu mar kale ku celiyay in Xildhi baankii aan soo xaadirin kulamada soo socda loo aqoonsan doono Xildhibaan aan gudan waa jibkiisa qaran.

Guddoomiye Jawaari ayaa dhowaan waxaa uu mamnuucay safarada dibadda ah ee Xil dhibaanada uga ambabaxaan dalka, markii ay badatay Xildhibaanada safarada isaga maqan ee aan kalfadhiyada baarlamaanka soo xaadirin.

Kulamadii u dambeeyay ee Baarlamaanka uu lahaa ayay aad u yareyd tirada Xildhibaanada ee ka soo qeyb galayay, waxaana la arkayay kuraasyada xarunta golaha shacabka oo si teel teel ah ay ugu fadhiyaan Xildhibaanada.

RW SOMALIA OO SHALAY BAARLAMAANKA SOMALIA U SHARRAXAY HANNAANKA DOORASHADA

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, ayaa shalay hor geeyay Baarlamaanka Federaalka Somalia Hannaanka GeeddiSocodka Doorashada Soomaaliya ka dhici doona dabayaaqada Sannadkan 2016.

Sharma’arke oo khudbad uu ka jeediyay kulanka baarlamaanka, sharaxaad dheeraad ah uga bixiyay hannaankan doorasho ee ay xukuumaddu soo gudbisay, isagoo xusay in hannaanka Wadatashi guud ay ka sameeyeen dawladda Somalia iyo Maamulgoboleedyada isagoo ka cods aday xildhibaannada baarlamaanka inay Meelmariyaan hannaankan si ay u qabsoonto doorashadu waqtigii loogu talogalay.

"Waxaan ka codsanayaa baarlamaanka, iyagoo eegaya duruufaha ka jira Somalia, wakhtiga oo gabaabsi ah iyo hawsha baaxadda leh ee dhiman inaad Ansixisaan Hannaanka Doorasho ee lagu keenay wadaxaajood siyaasadeed oo ku saleysnaa go’aan Wadajir ah oo Dawladda Federaal ka Somalia iyo Maamulgoboleedyada xubnaha ka ah qaateen,” ayuu Sharma’arke yiri.

Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa intaa kaddib ka codsaday xildhibaannada inay soo akhiyaan qorshahan, Isniinta soo socotana halkaas laga sii ambaqaadi doono go’aanka ka gaar ista Qorshaha guud ee Hannaanka Doorashooyinka Dalka.

Ugu dambeyntii, Hannaanka doorasho ee dalka oo la qorsheeyay inuu noqdo mid ku dhisan 4.5ka, iyadoo ay isku raaceen Dhammaan Mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamu lgoboleedyada dalka.

CIIDAMADA ITOOBIYA IYO AL SHABAAB OO KU WADA DAGAALAMAY GOBOLKA HIIRAAN

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dag aal culus oo khasaaro geystay uu ku dhexmaray Ciidmada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab nawaaxiga deegaanka Booco oo hoos taga Magaalada Baladweyne.

Ilo ku sugan deegaanka Booco ee ka tirsan Magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in daga alka uu yimid kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay duulaan ku soo qaadeen dee gaankaas oo ay ku sugnaayeen dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kadibna iyaga ay kaga hortageen nawaaxiga deegaankaasi.

 

4

Col Muuse Xasan Cabdulle oo ka mid ah Saraakiisha Milatariga dowladda Soomaaliya oo Shabelle la hadlay ayaa sheegay in dagaalka ay kaga dileen dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab, hubna ay kaga furteen, haatanna ay gacanta ku hayaan deegaanka Booco oo hoostaga Magaalada Baladweyne.

 

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo hadda ay ka soo saareen dhaq dhaqaaqa Al Shabaab oo la xiriira guulaha ay sheegteen saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan in ay la wareegeen de egaanka Booco oo ay maamuliyeen.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa waxa ay saacadihi u dambeeyay ka wadeen howlgallo milatari oo ka dhan ah Al Shabaab deegaanno ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

TALISKA CUSUB EE AFRICOM OO SHEEGAY INAY KA HORTAGAYAAN ISBALLAARINTA DAACISH EE GEESKA AFRIKA.

Madaxweyne Obama oo Taliye cusub u soo magacaabay Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika.

Taliyaha cusub ayaa lagu magacaabaa Jeneral Tomas Waldhauser, kaasi oo beddeli doona Jeneral David Rodriges oo Hawlgab ka noqonayo Hawlaha Milliteriga.

Taliyihii hore ee Taliska AFRICOM, Jeneral David Rodriges waxa uu bilowgii bishan sheegay in Maleeshiyo gaaraysa ilaa 6kun oo ka tirsan Daacish ku sugan yihiin dalka Libya.

Mar uu ka hadlay Ammaanka Geeska Afrika, waxa uu Alshabaab ku tilmaamay Khatarta ugu weyn ee ka jirta gudaha Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay la shaqeeyaan shanta waddan ee Ciiddamadda ka joogaan Somalia, isla markaana ay horumarinayaan Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia.

Taliska AFRICOM waxay Saldhig ballaaran ku leeyihiin Jabuuti, halkaasi oo laga soo abaa bulo Duqeymaha lala beegsado Saraakiisha iyo Fariisimadda Alshabaab iyo Hawlaha Loojistikadda ee lagu baritaaro Ciiddanka AMISOM ee Dagaalka kula jira Alshabaab.

Si kastaba ha ahaatee, Taliyaha cusub ee Taliska Milliteriga Maraykanka ka jooga Qaaradda Afrika ayaa lagu wadaa inuu dejiyo Istaraatijiyad cusub oo looga hortagayo Isballaarinta Daacish ee Guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaan Geeska Afrika.

MAXKAMADDA SARE EE CIIDAMADA OO DIL KU XUKUNTAY RAG LOO HEYSTO QARAXYADII BAYDHABO

Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa shalay dil toogasho ku xukuntay rag loo heysto qaraxyadii bishii Febraayo ka dhacay magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Ragga la xukumay oo afar ahaa ayaa waxay racfaan ka qaateen xukun dil ahaa oo ay horay ugu ridday Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare G/sare Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in afartan ruux ee lagu soo eedeeyay abaabulka qaraxyadii ka dhacay Baydhabo ay ka tirsan yihiin AlShabaab, isla markaana ku lug lahaa qaraxyadii 28kii bishii Febraayo ka dhacay Baydhabo.

G/sare Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay in afartan ruux dilka lagu xukumay lagu kala magacaabo Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), Cabdulladiif Macalin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faarax iyo Sharmad Aawoow Maxamed.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa dil toogasho ku xukuntay qof shanaad oo ka maqnaa Maxk amadda, kaasoo isna lagu soo eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxyadii Baydhabo.

Waxaa kaloo Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida ay hal sano ku xukuntay C/qa adir Cali Maxamed oo isna lagu soo eedeeyay inuu ku sugnaa garaashkii laga soo abaabulay qarax yada.

Dhinaca kale Maxkamadda sare ayaa dil toogasho ku xukuntay askari ka tirsan ciidamada dowladda, kaasoo horay qof rayid ah ugu dilay magaalada Baydhabo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay xukuno ka fuliso magaalada Baydhabo

CIIDAMADA DOWLADDA OO LA WAREEGAY DEEGAANO KA TIRSAN GOBOLKA SHABEELLAHA DHEXE

Ciidamada dowladda ayaa shalay la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe oo ay gacanta ku hayeen AlShabaab, kadib markii saaka ay weerar ku qaadeen.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada dowladda ayaa la wareegay degmada Ruunirgood, halkaasoo shalay duhurkii gudaha u galeen.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay la wareegeen deegaanada NuurDugle, Ma xaa saciid, Cadcadey, iyo Cadaan laxey.

Ciidamada ayaa deegaanada qaar iska caabin kala kulmay, halka kuwa kalena ay si nabad kula wareegeen, iyadoo iska hor imaadyo dhex maray Ciidamada iyo AlShabaab uu sababay dhima sho iyo dhaawac.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee hogaaminaya howl galka ayaa sheegay in labo ask ari ay kaga geeriyootay iska hor imaadyada, halka saddex askari ka dhaawacmeen.

Deegaanada ay la wareegeen Ciidamada dowladda ayaa dhaca dhanka deexda ama waqo oyi, waxaana ay ahaayeen deegaano muddo sanado ah AlShabaab maamulayeen.

Dad tahriibayaal ah oo saarnaa dooni ka baxday xeebaha gobolka Bari kuna sii jeedday dalka Yemen ayaa markab dagaal oo leedahay NATO, waxaa ka soo badbaadiyay biyaha u dhaxeeya Somalia iyo Yemen kaddib marki ay cillad ku timid doonti ay saarnaayeen.

Tahriibayaasha oo ka koobnaa 92 qofood ayaa todobo ka mid ah la sheegay iney Soomaali ahaayeen halka inta kalena ay u dhasheen dalka Itoobiya waxaana dadkaasi laga soo dejiyay de keda magaalada Boosaaso.

Tahriibayaasha la soo bad baadiyay ayaa xalay laga soo dajiyay Dekkada magaalada Boos aaso, waxaana durba loo fidiyay gurmad, iyadoona ay jiraan kuwa ay xaaladooda caafimada liidato oo la geeyay xarumo Caafimaad.

Dadkan Tahriibayasaha ah ee la soo badbaadiyay ayaa loo fuduyay gurmad caafimaad waxa ana qaar ka mid ah dadkaasi ka muuqday dhaawacyo soo gaaray inti ay badda ku jireen.

Tahriibayaashan ayaa la rumeysanyahay iney qorsheynayeen iney dalka Yemen uga sii gud baan dalka Boqortooyada Sucuudiga.

DANJIRAHA TURKIGA OO QALAB ISBOORTS GUDDOONSIIYAY WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA …

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa shalay qalab ispots guddoonsiiyay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.

 

3

Qalabkaasi isboorti oo ay bixiyeen shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airweys iyo naadiga Fanarbaaj oo ka mid ah kooxaha isboortiga ee ka dhisan dalka Turkiga, iyadoo danjiraha Turkiga u qaabilsan Soomaliya uu deeqdaasi guddoonsiiyay wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaliya.

 

Danjiraha dowladda Turkiga Olgan Bakar ayaa munaasabaddi uu deeqdaasi ku wareejinay ay ka sheegay in ay Soomaaliya imanayaan naadiyo isboorti oo ka dhisan Dalka Turkiga si ay ula ciyaraan naadiyada ka dhisan dalka.

"Waxaan rajaynaynaa in ay Soomaliya yimadaan naadiyo ka dhisan dalkeena si ay ula ciya raan ciyaartooyda Soomalida ciyaaro Saxiibtinimo waxaana rajaynaa in ay guul naqon doonto, waa tusaale wanaagsan qalabkaan waana howl biloow ah waxaana iskashaday naadi ka mida kuwa ka ciyaara Turkiga iyo shirkada Turkish Airweys" ayuu yiri danjire Olgan Bakar.

Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulaahi Xasan Ayaa soo dhaweyay ag abkaan isagoona uga mahadceliyay Dowladda Turkiga tageerada ay u fidiyaan ummadda Sooma aliyeed.

"Waad ku mahadsan tihiin deeqdaan aad na soo garsiiseen waxaan inaguna gaarsiin doon na gobolada dalka si ay ugu fududeeyso ciyarahooda, dhawaan waxaan qabanaynaa ciyaarihii gob ollada oo ay ugu horayso Gaalkacyo ciyaar lagu qabanayo oo u dhaxaysaa Gobollada Nugaal iyo Galgaduud, oo ah goobtii dhawaan ay wax ka dhaceen taas waxa ay sahlaysaa in isbootiga uu nab adda ka qayb qaato waana arrin wanaagsan kadibna waxaa xigi doono ciyaaraha gobollada kale” ayuu yiri wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.

Turkiga oo qaybo badan oo dhanka horumarka ah ka cawiyay Soomaaliya ayaa hadda wado dadaallo lagu horumarinayo isboortiga dalka,waxana dhawaan bilaban doono dhismayaasha garoo mo laga hir galin doono Gobollada iyo caasimadda dalka

JACEYL AAD U KALA DURUGSAN! {sheeko gaaban oo xiise le}

Markii rabtitaanku jidadka aad qardo jeexdo ee wado adag oo aan horay loo sahamin u maro culeeys ayuu leeyahay.

Waxaa ka mid ah mar sameeyn u Ku yeesho da’ada aad kala fog, dhaqan aan is galin iyo diinta oo nolosha wax badan ugu fadhida.

Haweenay ku nool Nairobi ayaa guursatay will ay u dhaxeeyso cimri ka badan 30 sano, wax ayna ku qasbanaatay in dhaqankiisa la tallaabsato dadkana qanciso.

"Markuu jalaabiibta iga bixyo ayaa miyir igu dambeysa ,” ayeey u sheegtay haweenay ay saa xiibad yihiin.

"Waligeey isma odhan will yar guurso balse waxaan is dhahay markaan oohintiisa u dul qaa dan waayay.”

Dhinaca kale noloshu sidaa weey ka badalan tahay. Wiilku maalinti oo dhan ciyaar iyo asx aab ayuu ku maqan yahay oo aad ayuu daal uma soo hoyda iyaduna shaqo ayay subax u baxda tu kaan ay ku gaddo ilaa fiidkii haddaba marka ay soo hoyato casho ayay diyaarisaa, inta ay qubey saneyso ayuu seexda oo ay kicisa, maalmihi hore wuu is dhoowri jiray oo sidan ma heyn.

Muddo markii ay aroos ku jirtay ayuu habeen u aad u daallana afkiisa ka soo baxday "eddo farha masd iga qaadid.” Muraaro dilaac iyo haweenay wax bixisay, ” ma anigu eddo i leeyahay, bari iskeygi iyo lacagteydii ayaa i caayday” ayay cadhadii heshay ka keentay.

Furriin kuma degdegin ee dhowr bilood ayay ku sii heysatay nolosha oo furaash ay u dhulka u dhigtay marka ka dib ayay iskaga furtay.

Amaantii badneyd ee ay dumarka u sheegtay oo qaar hungurigu ka soo dhacay waxa loo ba ahday wixi lagu badali laha.

"Maseyr ayuu dhiman gaadhay habeen walba inaan saldhig pooliis inaan joogo ayaan mo oda, ayaa kula hadlay iyo weydiino badan,” ayuu igu dhibay,” ayeey Ku sababeysay furriinka.

"Iga dhaaf habeen walba 3 jeer ma qubeeysan karo oo timihi yara ayaa iga dhammaan ga adhay,” ayay ku dartay. Saaxiibadeed ayaa qaar ugu jawaabeen "in aad iska heysato ayaa fiicneyd. Dhinaca kale nin ayaa gabadh qurux badan la saaxiibay oo jirta 23 sano balse u muuqata 16 ila 18 jir, laakiin isagu cirigiisu iyada wuu ku labalaabmayay.

"Caawa gabadhaadii ayaad casho keentay, gabadh qurux badan ayaad dhashay,” ayaa lagu yidhi mar u geeyay meel heer sare ah oo habeen geeyay.

Quruxda waxaa u dheeraa inuu aad u dhaqaaleeyay oo guriga wax kasta oo ay rabto u ke eno, reerkooda ayaa ka yaabay is badalka ku yimid.

"Gabadh saaxiibaday ah oo uu ninkeedu ka maqan yahay oo wax badan heysata ayaan la jo oga,” ayay ku qancisay reerka.

Odayga mar kasta waxa ku jira naagtan waa lagaa dhici oo noloshiisa wuxuu ku daray qeyb ah ilaalinta Sahra oo ugu yeeri jiray Sahro Dahab.

Markhaati cad ayay wax dhibta labada qof ay soo mareen.

Markaa waa xaalad soo if bixineysa in guurka loo fiiriyo isku dhowaanshaha cimriga.

Marka maxaad ka fileysaa guur shisheeye?

WAXAA QORAY: CALI MUUSE CABDI



 

BOGGA CAYAARAHA

MACALIN OSCAR TABAREZ OO SOO SAARAY LIISKA HORUDHACA AH EE XULKA URUGUAY UGA QEYBGALI DOONTA TARTANK COPE AMERICA XAGAAGAN IYO LUIS SUAREZ OO TARTANKIISII UGU HOREEYAY EE QARANKA TAN IYO KOOBKII ADUUNKA EE 2014

Luis Suarez ayaa ciyaari doono tartankiisii ugu horeyay tartankiisii ugu horeeyay ee xulkiisa Uruguay markii lagu soo daray 35ka nin ee horudhaca ah ee xulkiisa kaga qeyb galaya tartanka Copa America.

Gooldhaliyaha ugu sareeya ee xulka Uruguay ayaa horay u dhameystay afar bilood oo tarta nka kooxeed ah iyo sagaal kulan oo rasmi ah oo xulkiisa uu ciyaarayo kadib makrii uu qaniinyo ku tolay daafaca mayalka adag ee xulka talyaaniga ee Giorgio Chiellini intii lagu guda jiray koobkii aduunka ee 2014 wuxuuna si buuxda u soo dhameystay ganaaxaas isagoo haatan diyaar u ah inuu matalo xulkiisa tartanka Copa America ee ka dhici doona dalka mareykanka,

Sidoo kale macalin Oscar Tabarez liiska uu soo saaray oo la soo koobi doono May 20 ayaa waxaa kamid ah kabtan Diego Godin, Edinson Cavani, Jose Gimenez, Maxi Pereira iyo Cristian Rodriguez.

Liiska Ciyaartooyda Xulka Uruguay Oo Dhamesytiran:

Goolhayeyaasha: Martin Campana (Independiente), Gaston Guruceaga (Penarol), Rodrigo Munoz (Libertad), Fernando Muslera (Galatasaray), Martin Silva (Vasco da Gama)

Daafacyada: Sebastian Coates (Sporting Lisbon), Jorge Fucile (Nacional), Jose Gimenez (Atletico Madrid), Diego Godin (Atletico Madrid), Alvaro Pereira (Getafe), Maximiliano Pereira (Porto), Gaston Silva (Torino), Guillermo Varela (Manchester United), Emiliano Velazquez (Getafe), Mauricio Victorino (Nacional)

Khadka Dhexe: Mathias Corujo (Universidad de Chile), Giorgian De Arrascaeta (Cruzeiro), Alvaro Gonzalez (Atlas), Diego Laxalt (Genoa), Nicolas Lodeiro (Boca Juniors), Brian Lozano (America), Camilo Mayada (River Plate), Nahitan Nandez (Penarol), Guzman Pereira (Universidad de Chile), Gaston Ramirez (Middlesbrough), Egidio Arevalo Rios (Atlas), Cristian Rodriguez (Independiente), Carlos Sanchez (Monterrey), Matias Vecino (Fiorentina)

Weerarka: Edinson Cavani (Paris SaintGermain), Abel Hernandez (Hull City), Diego Rolan (Bord eaux), Michael Santos (River Plate), Cristhian Stuani (Middlesbrough), Luis Suarez (Barcelona)

JUVENTUS OO DALAB KALE KA GUDBIN DOONTO WEERARYAHANKA KOOXDA MARSEILLE, MICHY BATSHUAYI

Juventus ayaa lagu soo waramayaa inay hogaanka u heyso loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka kooxda Marseille Michy Batshuayi.

Gooldhaliyahaan ayaa lala xiriirinaayey tiro kooxo ah oo ka dhisan Yurub, oo ay ku jiraan kooxaha ka ciyaara horyaalka England Premier League ee Tottenham iyo Liverpool.

Si kastaba ha ahaatee, wararka kasoo baxaya Italy ayaa soo jeedinaya inay Juventus haatan hogaanka u heyso loolanka loogu jiro saxiixa 22 sanno jirkaan ka dib markii qorshe ay kula wareegeyso ay ku dartay wadaxaajoodkii ay Mario Lemina uga soo iibsatay Marseille.

Lemina ayaa heshiis joogto ah qalinka ugu duugay Old Lady ka dib markii uu ku qaatay hal xilli ciyaareed oo amah ah, Juventus ayaana haatan markale ku laaban doonta Marseille iyadoo kala soo saxiixaneysa gooldhaliye Batshuayi.

UNITED OO DALAB KA GUDBISAY NEYMARKA CUSUB, COURTOIS OO LOO FASAXAY INUU KA TAGO CHELSEA IYO WARARKII UGU DANBEEYAY EE SUUQA KALA IIBSIGA CIYAARTOYDA EE SHALAY OO SABTI AH.

Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasha qiimiga leh ee ku xiran shabakadda Laacib.net, waa xubintii aan idinkugu soo xariiqi jirnay wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabahii xanta ahaa ee aan kasoo aruurinayay warbaahinta Dunida Kubadda Cagta.

Kooxaha Ingariiska ee Manchester United iyo Manchester City ayaa ku dagaalamaya saxiixa daafaca kooxda Everton iyo xulka Ingariiska John Stones. (The Sun)

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund PierreEmerick Aubameyang ayaa iska diiday inuu xagaaga u wareego Manchester United isagoo raadinaya inuu ku biiro Real Madrid. (Daily Mirror)

Kooxda iska leh Alexandre Pato ee Corinthians ayaa filaneysa in Chelsea ay si joogta ah u la wareegto 26 sanno jirkaan reer Brazil dhamaadka xilli ciyaareedkan. (Sky Sports)

Daafaca Juventus Leonardo Bonucci oo 28 sanno jir ah ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu kula biirayo Chelsea tababaraha Talyaaniga Antonio Conte oo uu bedel u noqonayo 35 sanno jirka John Terry. (Daily Express)

Conte ayaa u ogolaan doona goolhayaha heerka caalami ee dalka Belgium Thibaut Courtois oo 23 sanno jir ah inuu xagaaga isaga tago kooxda. (Daily Mirror)

Chelsea ayaa isku diyaarineysa inay 24 milyan ginni ugu dhaqaaqdo xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ajax 19 sanno jir Riecheldly Bazoer. (The Sun)

Tababaraha ku meel gaarka ah ee Chelsea ayaa sheegay in Willian uu xiddig muhim ah ka yahay Stamford Bridge waxaana uu ugu baaqay kooxda inaysan ka iibinin xiddiga reer Brazil kooxda reer China ee Guangzhou Evergrande. (Daily Mirror)

Xiddiga amaahda ku jooga West Brom Sandro oo 27 sanno jir ah ayaa si joogta ah uga soo wareegi doona QPR xagaagan isagoo sii joogaya West Brom. (Daily Mail)

Tababaraha kooxda Manchester City Manuel Pellegrini ayaa sheegay inay tahay wax aan la aaminin karin in madaxda Premier League ay diideen inay soo hormariyaan kulanka axada ee ay la ciyaarayaan Southampton si ay maalin dheeri ah ugu helaan u diyaargarowgooda lugta labaad ee semifinalka Champions League. (Manchester Evening News)

Manchester City ayaa qorsheyneysa inay xagaaga u dhaqaaqo daafaca aadka loo qiimeeyo ee kooxda West Ham 17 sanno jirka Reece Oxford. (Daily Mail)

Manchester United ayaa dalab ka gudbisay weeraryahanka kooxda Palmeiras 18 sanno jirka Gabriel Jesus kaasoo lala meel dhigay Neymar. (Daily Star)

Man United iyo Tottenham ayaa ugu cadcad inay gacanta ku soo dhigaan 16 sanno jikra koooxda Real Madrid Pedro Ruiz. (Independent)

Kooxda Talyaaniga ee Juventus ayaa u dhaqaaqday xiddiga khadka dhexe ee Leicester City N’Golo Kante. (Daily Mirror)

Jurgen Klopp ayaa doonaya goolhayaha kooxda Cologne Timo Horn isagoo doonaya inuu ka dhigto goolhayihiisa koowaad, waxaana uu ku doonayaa 22 sanno jirkaan 7 milyan ginni. (The Sun)

James Rodriguez ayaa ka tagaya Real Madrid xagaaga, wakiilkiisa Jorge Mendes ayaa durbaba u raadinaya kooxdiisa xigta ee uu ku biiri lahaa. (The Sun)

Manchester United ayaa raadineysa inay xagaagan la soo wareegto xiddiga 34ta milyan ginni lagu qiimeeyo ee Atletico Madrid Saul Niguez laakiin waxa ay u waayi karaan Barcelona. (The Sun)

Jose Mourinho ayaa loo xaqiijiyay 48dii saacadood ee ugu danbeysay inuu noqon doono macalinka cusub ee Manchester United. (The Sun)

Victor Valdes ayaa ku soo laaban doona Manchester United ka dib markii Standard Liege ay kansashay heshiiskiisa amaahda ah. (The Sun)

England Premier League

Everton 2 1 AFC Bournemouth

Newcastle United 1 0 Crystal Palace

Stoke City 1 1 Sunderland

Watford 3 2 Aston Villa

West Bromwich Albion 0 3 West Ham United

Arsenal 1 0 Norwich City

 

TACSI TIIRAANYO LEH

Muuse Maxamed Cismaan, Cali Muuse Cabdi,Maxamuud Axmed Xuurshe, Maxamed Ibraahin Baistaan, Xasan Cali Geseey, Malyuun Sh. Xeydar, Jabriile Maxamuud Nuur, iyo bahda saxaafada soomaaliyeed waxaay Tacsi u dirayaan Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto} oo Habaryateed AAMINO MAXAMED MACOW ku Geeriyootay M/Muqdisho waxaayna alle ugu barayayaan Marxuumadda inuu Naxaristiisa janno ugu bishaareeyo ehelka iyo qaraabadana uu samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo Aamiin Aamiin

 

INNAA LILLAAHI WA INYA ILAAHI RAAJICUUN.


 

.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip