
HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OOAH AXAD 30-KA JAN.2022
Xog:
Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo Xuud?
Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa
Caasimada Onl ine sheegtay in ay u
xaqiijiyey in Madaxw eyne Farmaajo iyo Jeneraal Xuud ay ku heshiiyeen shan
qodob kale oo kala ah:
1– In dowladda federaalka ay
bixiso magta dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay rabshadihii ka dhacay
magaalada Beledweyne.
2– In dowladda federaalka ay
bixiso deyn-lacageed oo lagu yeeshay Jeneraal Xuud iyo Jabhadiisa intii ay ku
jireen gadoodka.
4– In la bedelo taliyeyaasha
qeybta 27-aad ee ciid anka xoogga dalka, xilalka hoggaanka qeybtaasna loo
magacaabo saraakiil ka soo jeeda beesha caba shada qabta ee Xawaadle.
5– Iyo in Jeneraal Xuud iyo
kooxdiisa ay ka shaqee yaan in Madaxweyne Cali Guudlaawe loo ogolaado inuu tago
magaalada Beledweyne.
Shantaas qodob ayaa la sheegay inay ku
heshii yeen Farmaajo iyo Jeneraal Xuud oo maalmahaan Muqdisho ku sugnaa, lamana
oga in heshiiskaas ay gaareen uu dhaqan geli doono.
R/Wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble &
siyaasiyiinta reer Hiiraan ayaa si adag uga hor yi mid ciidanka la geeyey
Beledweyne, waxaana Far maajo iyo kooxdiisa lagu eedeynayaa inay qorshey nayaan
in awood ciidan ay ku boobaan kuraasta gol aha shacabka ee taalla Beledweyne.
Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe
ay aa weli ka aamusan xaalada M/ Beledweyne, mana cadeyn mowqifkiisa ciidanka
la geeyey magaalada as, balse ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in
HirShabeelle ay dalbatay ciidankaas.
Nuqul
ka mid ah Waraaqaha aqoonsiga oo laga guddoomay Safiirka Mareykanka ee
Soomaaliya
Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa nuqul ka
h warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka gud doomay Safiirka Cusub ee dowladda
Maraykanka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo
Iskaashiga Caal amiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa Shalay nuqul ka
mid ah warqadaha aqoon siga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Cu sub ee
dowladda Maraykanku u soomagacow day Soom aaliya Mudane Larry André.
Wasiirka iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay
xo ojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo
iskaashiga La bada Dowladood ee dhinacyada amniga, dhaqa alaha, horumarinta,
iyo dib lomaasiyadda, isaga oo Danjire
André soo bandhigay dadaalka uu ku bixin oono adkaynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo
wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Labada Dowladood. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo
Iskaashiga Caalami ga ah ayaa Danjiraha Cusub ee Dowladda Marayk anka ugu
hambalyeeyay xil ka loo magacaabay, wu xuu na u sheegay in DFS ay ku garab
istaagey so gu dashada waajibka diblom aa siyadeed ee loo igmad ay.
Maamulka
Degmada Kaaraan Oo Ka Hadlay Khasaaraha Qaraxii Lala Eegay Taliye Caraale
Guddoomiyaha Maamulka Deg.Kaaraan ee G/
Banaadir Md.Abshir Maxamed Maxamuud ayaa ka hadlay qarax barqadii Shalay gudaha
degmadaas lagula Taliyaha Saldhiga Booliska degmadaas G/le Salaad Caraale oo
saarnaa gaari Boolis ah.
Wuxuu sheegay Guddoomiyaha degmada Kaara an
in qaraxa uu ka dhashay khasaaro dhaawacyo ah oo soo gaaray Askarta ilaalada u
aheyd Taliyaha Saldhiga degmadiisa iyo dad shacab ah oo waxyeelada ka soo
gaartay qar axii Shalay ka dhac ay Muqdisho.
Guddoomniye Abshir Maxamed Maxamuud ay aa
xaqiijiyay in afar As kari uu dhaawac kasoo gaar ay qara xa iyo qof shacab ah,
uuna qaraxaas ka badbaa day Taliye Caraale oo uu Caafimaad qabo, waxaa na uu
she egay in Askarta iyo qofka lagu dabiibayo Isbitaalo.
Isaga oo sii hadlaayay hadlaayay Guddoomiy
aha degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayuu sheegay in laamaha amniga Booliska
degmadiisa ay wadaan baaritaano ku aadan dadkii dhigay qar axaas oo burbur
gaarsiiyey gaariga Booliska ee lala beegsaday.
M/Muqdisho ayaa waxaa muddooyinikii dambe
ka dhacayay qaraxyo dhaliyey khasaaro dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyadeed
iyo dilal qorshey san oo geysanayeen rag Bastoolado ku hubeysan, waxaana
falalkaas sheegtay Al-shabaab.
Taliska
Booliska Oo Amar Cusub Ku soo Rogay Ganacsatada Suuqa Weyn Ee Bakaaraha
Afartii maalmood ee lasoo dhaafay ayaa
waxaa xirnaa qeybo kamid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha ee M/Muqdisho, iyadoona
Ganacsatada Suuqa ay sheegeen in Suuqa loo xiray sababo la la xiriira laca gola
sheegay inay Daacish ku rogtay Gan acsatada.
Ciidanka Booliska do wladda Federaalka Soomaaliya
ayaa waaberigii ho re ee Shalay howlgalo ka sameeyay gudaha Suuqa Baraakada ee
degmada Howlwadaag, iyadoona Taliska Booliska amaro ka soo saaray xirnaashaha
Suuqa weyn ee Muqd isho.
Afhayeen Cabdifitaax Aadan ayaa caddeeyay
in Suuqa Bakaaraha uu furan yahay Ganacsiga kala socdo, wuxuuna Ganacsatada
faray in cid kasta oo tabasho qabta oo kamid ah Ganacsatada lasoo wa daagan
Ciidanka Booliska dowladda Federaalka.
Ugu dambeyn Afhayeenka ayaa
sheegay in aan la aqbali doonin in goob Ganacsi oo kamid ah Suuqa Bakaaraha lagu xiro amar aan aheyn kan
dowla dda, isla markaana cid kasta oo isku dayda in amar kale goobo Ganacsi ku
xirto ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci ah. Si kastaba Qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa
Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay xireen goobahooda Ganacsi,
kadib markii Gan acsatada ay sheegeen in Daacish kusoo rogtay la cago Canshuur
ah oo aysan awoodin inay bixiyaan.
Koonfur
Galbeed oo shaacisay qabashada doo rashada kuraasta taalla Baraawe
Guddiga hirgelinta doorashada maamulka
Koon fur Galbeed ayaa shaaciyay
qabashada doorasha da kuraasta deegaan doorashad oodu tahay M/ Baraawe ee
caasimadda maamulka Koon fur Galb eed. Koonfur Galbeed waxay noqotay maamulkii
ugu horreeyay ee shaacinaya in magaalada 2aad ee loogu tala galay in ay ka
dhacdo doorashada gol aha Shacabka.
13 Kursi oo taalla magaalada Ba raawe
ayaa lagu waddaa in door ashadooda la qabto todobaadka soo socda sidda ay
shaaciyeen guddiga.
Qaar ka mid ah magacyada Xild hibaanada ku fa dhiya kuraasta Habeen
hore la shaaciyay ee taalla Maga alada Baraawe.
1) HOP#016 Xil. Amina Sheikh
Osman.
2) HOP#044 Xil. Safio Hassan Nur.
3) HOP#155 Xil. Jawahir Adawe
Abdi.
4) HOP#150 Xil.Hassan Osman Husein
(Qoryoley).
5) HOP#151 Xil. Abdullahi Hussein Ali
(Abdalla).
6) HOP#152 Xil. Abdullahi Omar
Abshir.
7) HOP#153 Xil. Abdullahi Sh
Ismail Ali.
8)HOP#160 Xil. Ahmed Mayow
Abdulle.
9) HOP#161 Xil. Sayid-Ali
Abdulkadir Moalim.
10) HOP#250 Xil. Mohamed Said
Abdilahi.
11)Hop#080 Xil.Mohamed Cumar
Dhalxa
12) HOP#165 Xil. Prof. Salim Alio
Ibro.
13) HOP#173 Xil. Osman Haji Ali.
Guddiga
Doorashada Somaliland Oo Shaaciyay Jadwalka Doorashada 8 Kursi Oo Hor Leh
Guddiga maamulka doorashada kuraasta
Gobol ada Waqooyi ee Somaliland oo shaaciyay Jadwal ka do orashada 8 kursi oo kamid ah kuraasta Gola ha Sha cabka
Baarlamaanka 11-aad Qoraal ay soo saare en Guddiga doorashada Somaliland ayaa
la gu sheegay in diiwaan-gelinta ergada wax doorane ysa iyo diiwaan-gelinta
Musharaxiinta ku tartamaya 8-da kursi ay
bilaabaneyso 1 bisha soo socota ee Febra ayo 2022. Guddiga ayaa shaaciyay in
doora shada kuraasta tirsigoodu kala yihiin Hop#270, Hop #271, Hop#218,
Hop#226, Hop#269, Hop#268, Hop #267 iyo Hop#236 la qaban doono bisha 2-da bisha
Febraayo, waxaana doorashada ka dhaceysaa M/Muqdisho.
Guddiga maamulka doorashada kuraasta Gobo lada
Waqooyi ee Somaliland ayaa si dardar leh u wada qabashada doorashada kuraasta
Golaha Sha cabka, waxaana haatan la doortay 24 Xildhibaan oo kasoo jeeda
Somaliland, halka kuwo kalena ay weli harsan yihiin.
Maxaa
ka jira in la weeraray xarunta Guddiga doorashooyinka?
Guddiga doorashooyinka heer Faderaal ayaa
be eniyay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay weerar ku qaadeen xarunta
Guddiga.
Afhayeenka Guddiga doorashoo yinka Axmed
Safiino ayaa sheegay in shaqadda guddiga ay u socoto si caadi islamarkaana
aysan jirin Sha qaaqo ka dhacday xarunta Guddiga.
Afhayeenka ayaa xusay in xil dhibaanada
iyo Wasiir adda imaanaya ay banaanka kusoo reebaam ilaala dooda oo aysan gudaha
lasoo galin.
Amb Ahmed Safiina
Afhayeenka Doorashooyinka Soomaaliya.
"Majirto cid weerar ku soo qaaday
xarunta GMDKL A ee Somaliland, Wasiirada iyo Xildhibaanada xa runta u imaanaya
shaqooyinka waxa ay wataan cii damo ilaalo u ah loomana ogala in gudaha xarunta
soo galaan, beeluhu ha xalistaan khilaafka u dhax eeya, shaqada doorashadu way
socotaa”ayuu yiri Afhayeenka.
Xuud ayaa ugu horreyn shaaca ka
qaaday in si weyn loogu soo dhoweeyey M/Muqdisho, isla-markaana loo dhigay
gogol Soomaaliyeed, wuxuuna intaasi ku daray inuu la kulmay madaxweynaha
waqtigu ka dhammaaday Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
"Farmaajo waan is aragnay arrintaas waxba
ka ma uu qabo Soomaalinimo ayuu u istaagay R/ was aarahana, insha allah waan is arki doonaa isagana waxaan leenahay
Soomaali fiiri u istaag dhammaan Soomaali,” ayuu yiri Jen.Abuukar Xaaji Warsame
(Xuuud).
Sidoo kale wuxuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyey ujeedka socdaalkiisa
M/Muqdisho iyo wada-hadallada u bilowday isaga iyo Villa Soomaaliya, wuxuuna
tilmaamay inuu u socdo heshiis ku aadan sidii xal waara looga gaari lahaa
tabashada reer Hiiraan.
"Waxaan nimid xamar waxaan u nimid dowla dda
heshiis ayaa noo wada socda heshiiskaas waa mid u faa’iideynaaya Ummadda reer
Hiiraan, heshi iskaas wuxuu noqon doonaa mid 2da dhinacba laga istaago,” ayuu
hadalkiisa sii raaciyey.
Jen. Xuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday
in weli uusan ka tanaasulin mowqifkiisa, isla-markaa na uu u taagan yahay
raadinta xaq uu sheegay inuu ka maqan yahay Hiiraan.
"Annaga kacdoonka shacabka Hiiraan ayaa
nala yiraahdaa kama tanasulin arrintii aan u istaagnay nin walbo haddaba
dhagahaaga ku heyso annaga dad u yimid in la gato maahin, waana ka weynahay.
Lacag wax ay tarto malaha karaamaa wax tarta,” ayuu yiri Xuud.
Dhinaca kale Xuud ayaa jawaab ka bixiyey
had alkii kasoo yeeray madaxweyne ku xigeenka D/G/ HirShabelle Md.Yuusuf Axmed
Hagar (Dabag eed) oo dhowaan si kulul uga hadlay xiisadda M/ Bedw eyne, wuxuuna
ugu jawaabay Jeneraalku:-
"Daraad waan maqlaayey waxa uu ku
hadlaayey Dabageed walaalkey aqoon darraa u geysay anne waaa i caaynayaa oo
waalkiisaan ahay, Cali Guudl aawana soo dhowaaw ayuu leeyahay waa ayaan darro
weyn oo meesha taallo weeyey,” ayuu yiri Generaal Xuud.
Ugu dambeyn waxaa Jeraal Abuukar Xaaji
War same (Xuud) wax laga weydiiyey ciidamada ay dow ladda Soomaaliya geysay
gudaha M/ Beledw eyne oo shaki weyn dhaliyey, maadaama lagu soo aadi yey
xilliga doorashada, wuxuuna hoosta ka xariiqay haddii ciidamadaas ay u shaqeyn
waayeen Sooma alinimi lasoo celinayo, sida uu hadalka u dhigay.
"Ciidankaas Beledweyne la geeyey haddi
uu u shaqeyn waayo si Soomaalinimo ah waan soo celi neynaa hadduu Soomaalinimo
u shaqeeyane waa ciidankii aan baahneyn,”.
Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo,
iya da weli xaalad kacsanaan laga dareemayo M/ Bele dweyne oo lagu qabanayo
doorashada kuraas ka mid ah G/Shacabka, waxaana xiisaddu ay kasii dar tay
markii ay DFS ciidamo u dirtay halkaasi.
Guddoomiyaha
G/Hiiraan oo ka digay ‘QORSHE uu R/W ROOBLE damacsan yahay’
"Ciidankaas wuxuu u yimid
waajibaad qaran, ujeed kooda 1aad waa inay la dagaalamaan Al-Shabaab kuwaas oo
hareereeyey Magaalada, waad ogtihiin iskuma furna Beledweyne iyo Buulaburde,
Buula burde iyo Jalalaqsi iskuma furna, Beledweyne iyo Maxaas iskuma furna,
Matabaan iyo Beledwe yne is kuma furna, ma jirto meel noo fiyow,” ayuu yiri Gu ddoomiye
Cali Jeyte.
Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in
ujeedada ay DFS ah ciidamada u keentay Beledweyne ay ta hay inay shacabka u
adeegaan.
"Sababta looga qeylinayo ma fahmin aniga
, wax kasta in dhinaca xun laga fiiriyo maahan, ciid amadaan waa ciidankiinii,
waa wiilashiinii, waa ciidan Soomaaliyeed, waxaa loo keenay inay idiin
adeegaan, talada lagu keynana waxbaa ku lahaa,” ayuu sii raaciyey.
"Qolada saaxiibadey ah ee hadda baagamuuda da
ah ee maalin dhaweyd hadashay wax weyn oo wax dhibayo malahan, sababtoo ah mar
kasta oo isbadal siyaasadeed yimaado ama xaaladu soo ga arto darbiyo isku qaad
qaad waa jiri jiray waligeed.”
Jeyte ayaa dhanka kale Ra’iisul Wasaare
Max amed Xuseen Rooble ku eedeeyey inuu siyaasad eenayo ciidanka soo gaaray Beledweyne, wuxuuna si ad ugu soo
horjeestay shirkii G/Wasiirada ee laga soo saaray in dib loo soo celiyo
ciidamada la gee yey Beleweyne.
Wuxuu shaaciyey qorshe uu R/wasaare
Rooble doonayo inuu doorashada uga wareejiyo M/Beled weyne."Waxaa la yaab leh
oo wax laga naxo ah in R/wasaarihii dalka uu shiriyo wasiirada xukuumad da,
kuna dhawaaqo in lasoo celiyo ciidamada M/ Be ledweyne la keenay, waliba iyadoo
ay nagu haree reysan yihiin Al-Shabaab,” ayuu yiri Cali Jeyte
"Doorashada dalka waa laba deegaan doora sho,
haddii M/ Beledweyne ay ka dhici weyso doo rasho waxaa mas’uuliyadeeda qaadayo
R/Wasaara ha Dalka, sababtoo ah isagaa Farmaajo ka dalbad ay in lagu wareejiyo
doorashada iyo amnigeeda, awood da looma adeegsado dadka aad madaxda u tahay.”
Hadalka Guddoomiye Jeyte ayaa kusoo aadayo
xilli uu muran ka taagan yahay ciidamo ay DF geys ay M/Beledweyne, kuwaas oo la rumeysan
yahay in loo adeegsanayo boobka doorashada 25-ka Kursi ee taalo Magaaladaas.
Carruur
Iyo Dad Da’ Ah Oo Cudur Jadeecada Ugu
Geeriyooday Degaan Hoostaga Warsheekh
Cudurka jadeecada ayaa ka dilaacay degaan
lagu magaca abo Bashaqle oo hoostega degmada Warsheekh, waxaana la xaqiijiyay
inay Cudurkaas u dhinteen 5 ilaa 6 qof oo isugu jiray Carruur iyo dad da’ ah oo
kamid ahaa dadka degaanka.
Qaar kamid ah dadka deegaanka Bashaqle oo
la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Cudur ka jadeecada uu soo ritay
Carruurta yaryar ee ku nool deegaanka, isla markaana Carruurta qaarkood ay
yihiin kuwo la ildaran Cudurkaas.
Sidoo kale dadka ayaa inoo sheegay in
Cudurka uu ku dhacay dad waayeelo ah oo la jiifa jadee ca da, mana jiro Xarun
Caafimaad oo ku taalla dega anka Bashaqle, waxaana Cudurka uu ku sii faafa yaa
sida la tilmaamay degaano kale oo hoostega Warsheekh.
Dadka deegaanka ayaa ku baaqay in gurmad
Caafimaad lala soo gaaro, si loogu daaweyo Carr uurta iyo dadka kale ee uu soo ritay cudurka jade cada, iyadoona
dadka waayeelada qaarkood loo soo qaaday dhanka M/Muqdisho. Maamulka D/Wa rsheekh
ee G/Sh/ Dhexe ee Hirshabeelle ayaan we li ka hadlin dadka Cudurka Jadeecada
ugu geer yo oday degaanka Bashaqle oo hoostega degmadaas, sidoo kalena ma jiro wax gurmad ah oo uu Maam
ulka gaarsiiyay dadka. XIGASHO:-CAASIMADDA.NET
LAFTA-GAREEN OO BURBURIYAY QORSHIHII SACIID DENI, AXMED
MADOOBE IYO CALI GUUDLAAWE
Hoggaamiyaha K/Galbeed Cabdicasiis Lafta
Gareen waxaa weli ka go’an inuu ka shaqeeyo dari iq walba oo uu madaxweyne
Farmaajo ugu soo laa ban karo Villa Somalia.
Guddiga doorashada ee K/Galbeed
waxay Habeen hore shaaciyeen oo ay soo dhaji yeen 13 kursi oo ka mid ah kuraas ta
Golaha Shacabka ee lagu doo ran doono mag aalada Ba raawe ee G/Sh/H oose.
Baraawe waa caasimadda rasm iga ah ee maam
ul ka Koonfur Galbeed, kaasi oo hadda si kumeel gaar ah ugu shaqeenayo magaa lada
Baydhaba.
Tallaabadaan
ayaa soo afjartay aragti ay kor u haye en qaar ka mid ah madaxda maamul gobolee
dyada. Hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe weli
dhibaato ayaa ka heysa ta gobolka Gedo mana rabo inuu Garbahaa rey ku qabto
doorasho.
Hoggaamiyaha
maamulka Puntland Saciid Cab dullaahi Deni culeys badan ayaa kaga yimid dhanka
M/Boosaaso halkaas oo uu ka walaacsan yahay in uusan sida uu doono ka yeelan
karin 16-ka kursi ee taala.
Halka hoggaamiyaha maamulka HirShabelle
Cali Guudlaawe weli loo diidan yahay inuu tago M/Bel edweyne oo ay taalo 25
kursi oo G/shacabka ah.
Waxaa la sheegay in saddexdaas hoggaamiye
ay qabeen aragti ah in marka ay soo dhammaada an doorashooyinka ka socda
xarumaha maamul goboleedyada in la qabto hal shir oo Golaha Wada-tashiga Qaran
ah kadibna la qaato go’aan ah hal de egaan doorasho oo laga laabto Kuraastii
loo calaam adeeyey Magaalooyinka Boosaaso, Gaalka cyo, Beledweyne, Garbahaarey iyo Baraawe.
Inta aan taas la gaarin Cabdicasiis
Laftagareen ayaa Habeen hore Ceel dheer ku riday rajadaas, wuxuuna soo dhajiyey
Kuraastii taalay Magaalada Baraawe.
Hoggaamiyaha
maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo saaxiibkiisa hoggaamiyaha
maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagar een iyagu marnaba ma keenin
Golaha Wada-tashi ga Qaran dood ku saabsan hal deegaan doorasho, waxayna
ahaayeen raggii diidanaa in laga laabto qodobada laba deegaan doorasho iyo ergo
101 ah.
Nidaamka
madaxweyne Farmaajo oo loo diwaan gelin doono hannaan doorasheedkan wuxuu Berri
sheegan doonaa inuu doorashada dalka gaarsiiyey 101 ergo ah iyo laba magaalo,
balse weli waa doora sho dadban iyo mid boobkeeda cadyahay.
Hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni wuxuu ha dda ku qasban yahay inuu la tacaalo xaaladda M/ Boosaaso, maadaama uu
HALKAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OOAH AXAD 30-KA JAN.2022
.