WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 30-KA ABRIILE 2016-KA

0
Saturday April 30, 2016 - 09:18:19 in Wararka by
  • Visits: 1570
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAA WARARKA WARGEYSKA MOGADISHU TIMES DAILY NEWS PAPER EE MAANTA OO AH SABTI 30-KA ABRIILE 2016-KA

    FAARAX QARRE "HADII BURCAD BADEED LA WAAYAY, BURCAD KALLUUN AYAA YIMID, KALLUUNKEENANA XADAYA" Taliyihii hore ee Ciidamada Badda ee Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qar re) oo hadda ah Agaasimaha Hey'adda Cilmibaarista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FAARAX QARRE "HADII BURCAD BADEED LA WAAYAY, BURCAD KALLUUN AYAA YIMID, KALLUUNKEENANA XADAYA" Taliyihii hore ee Ciidamada Badda ee Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qar re) oo hadda ah Agaasimaha Hey'adda Cilmibaarista Bad aha ay aa sheegay in dowlado fara badan ay si sha rci darro ah ay badda Soomaaliya uga kaluumeys anayaan.

Admiral Faarax Qarre ayaa sheegay in Caalam ka uusan dooneyn in la dhiso Ciidamada Bad da Soomaaliya, si ay uga ho rtagaan kaluumeysiga sharci darrada, isla markaana u sugaan amni ga Xeebaha. "Caalamka ayaa oggoleyn inaan dhis no ciidamadeena badda, sidaa la socota an wali cunaqabateynta hubka ayaa na saaran, hub ma soo gadan karno, maraa kiib ma soo gadan karno, dad aqoontee da leh inay markab wadaan ama diy aarad wadi kara wali ma heyno”ayuu yiri Faarax Qarre,

Waxaa uu sheegay in sida Caalamka ugu soo gurmaday la dagaalanka burcad badeedka, loo ba ahan yahay in loogu soo gurmado ka hortaga kal uumeysiga sharci darada ah. "Dowlado fara badan ayaa ba deena ku jira oo kaluunkeena xadaya, ma anta haddii burcad badeedka la waay ay, burcad kaluuna na haaya, kuwaas ayaa in wax laga qabto loo baahan yahay”ayuu yiri Admi ral Faarax Qarre.

Waxaa uu sheegay in haddii Ciidama da Badda la xoojin lahaa, qalabka loogu deeqi lahaa ay yar aan laheyd kaluumeysi ga sharci darrada, isla mar kaana markab kii aan wadan wax shati ah gacanta lagu soo dhigi lahaa. Hey’ad ka faaloota kaluu mey siga nabdoon ayaa warbixin ay dhow aan soo saa rtay ku sheegtay in kaluume ysiga sharci darrada ee ka socda Badda Soomaaliya sanadkii laga sam eeyo boqol milyan oo dollar, iyadoo ka digtay in ka luumeysiga sharci darrada inay dib u soo celi yaan falalkii burcad badeeda.

FATAHAAD UU SAMEEYAY WABIGA SHABEELE IYO WAXYEELO SOO GAARTAY DADKA KU DHAQAN SH/DH .

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/ Dhexe ayaa sheegaya in wabiga Shabe ele uu ku fatahay dee gaano hoos yimaa da M/Jowhar ee G/Sh/Dhexe. Fatahaadawabigashabeele Fatahaada uu sameyay Wabiga Shabeele ayaa waxay dadka dee gaa nkaasi jooga ay sheegayaan in Tuulo oyin ay ka mid yihiid Tuugaarreey iyo Maandheere oo hoost aga M/ Jowhar.

Waxaa horay looga baqanaayay in fa tahaad uu sameeyo Wabiga Shabeele ay keeni karto dhib aato xooggan oo soo gaa rta dadka Shacabka ah ee ku dhaqan Deegaanada hoos yimaada Jowhar.

Dhanka kale Dadka ku nool deeganada uu maro wabiga Shabeele ayaa dhawaan ka cabana yay bi yo la’aan xoogan ka dib markii uu wabiga guray, balse imminka waxay ka cabanayan biyo badan iyo fata haad uu wabiga sameeyo amuuraha alle way badan yihiin dadkuna mar si buu u cabanayaa

AXMED MADOOBE OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWE EYAY MAGAALADA JIGJIGA

Wefdi uu hogaaminaayo Axmed Madoobe ayaa khamiistii gaaray Jigjiga Ee Xarunta Dowlad Deegaanka Somalida Itoobiya Wefdiga Madaxweynaha Jubbaland, ay aa waxaa Garoonka Wiilwaal ku soo dhaweeyay xubno uu h orkacaayay Madaxw eyna ha Dowlad Deegaanka Som alida Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha Jubbaland oo muddo kooban ku hakaday qaybta soo dhawayn ta ee Garoonka Wiil waal, ayaa waxaa kol kii dambe loo kaxeeyay Xaru nta Qaryan Dhoodaan, halkaa soo ah goobtii loogu tala galay in la dejiyo. Md.Axmad Madoobe ayaa mudada uu ku sugan yah ay Magaaladaasi waxaa uu kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Dowlad Deegaanka Somal ida Itoobiya, inkastoo aan faah faahin badan laga hayn arrimaha ay ka wada had layaan. Axmed madoobe oo habeenkii Arbacada ku hoyday M/Addis Ababa, ayaa halkaasi kaga sii gudbay M/ Jigjiga. Xubnaha Axmed Madoobe ku wehlin aaya booqashadiisa Jigjiga, ayaa waxay isu gu jira an Wasiiro,Saraakiil ka tirsan Madaxtooya da Kismaayo iyo G/G/Jubbada Dhexe,C/rashiid Jire Qalinle. Waana booqashadii ugu horeysay ee uu Axmed Madoobe ku taggo M/Jigjiga, tan iyo ma rkii loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Maam ulka Jubbaland.

GUDDOOMIYAHA HAWEENKA QARANKA OO LA KUL MAY GUDDIGA FUDUDEYNTA SHIRKA JOWHAR

Guddomiyaha ururka Haweenka qaran ka Mar wo.Batuulo Shiiq Axmed Gabale iyo xubna ka tir san ururka oo maalmihi u dambeeyay ku sugnaa M/Jowhar ee xarunta G/Sh/Dhexe ayaa kul an la qaatay gud diga Fududueynta Shirka maamul u sameynta G/Hiraan iyo sh/ dhexe Kulanka ayaa ka dhacay xafiiska guddiga Fududeynta ee xarunta Shirka uu ka socdo, waxaana diirada la gu saaray sidii haweenka ka soo jeeda labada gobol ay u heli lahaayeen Soddon boqolkiiba Gola yaasha maamulka loo dhisayo G/ Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Kulankaasi ka dib guddoomiye Batuulo ayaa kormeertay xarunta Shirka oo ay ku jireen ergo oyin ka soo jeeda labada gobol.

Marwa Batuula Shiiq Axmed ayaa markaa ka dib Warbaahinta qaranka ugu war antay Kulanka ay la qaateen xubnaha guddiga fududeynta shirka ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo u jeedka ay u jogaan M/Jowhar, waxaana ay tilmaantay inay muhiimada tahay in la caddeeyo qoondada Haweenka si doorka haweenka uu meesha uga muuqdo. Marwa Batuulo oo raja wanagsan ka muujisay sida uu u soc da shirka iyo inuu guul ku dhammaado ay aa waxa ay sheegtay inay la kulmi doonaan dhaqanka iyo qeybaha Bulshada si loo xaqiijiyo doorka Haweenka ee maamulka la dhisi doono.

Guddoomiyaha guddiga Fududeenyta Shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo sh/ dhexe ee w/arr imaha gudaha Ciise Maxamuud Samoow ayaa sheegay in guddiga ay soo dhaweynayaan dadaalka ururka Haweenka qaranka ee la xiriira in haween ku ay helaan qoondadooda.

CABDIWALI GAAS OO LA KULMAY MAALQAB EENADA BOQORTOOYADA SACUUDIGA

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga M/ Riyaad ee Caasimadda Boqortooyada Sucuudi ga ayaa kulamo ka la duwan la qaatay maalqabeeno kasoo jeeda qoyska boqortooyada

dalka Sucuudi Carabiya. Maalqabeenadaasi kasoo jeeda qoyska Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa ka mid ah Amiir Suldaan bin Naasir bin Cabdicasiis Aala Sucuud iyo Waliid bin Dalaal bin Cabdicasiis Aala Sucuud oo ah maalqabeeno si weyn looga yaqaano caalamka.

Md. Gaas ayaa kala hadlay maalqabeenadaasi inay maalgashadaan Puntland isla markaana ay Dawladda Puntland kala shaqeeyaan dardar gelinta mashaariicaha horumarineed ee ay ku hawllan tahay iyo keenitaanka mashaariic horle oo dal ka laga hirgeliyo. Sidoo kale Md. Gaas wa xa uu u ga warbixiyey maalqabeenadaasi nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland iyo fursa daha maalgashi ee ka bannaan oo ay si fudud uga faa’iidaysan karaan maalqabeenadaasi maadaama dawladda Puntland iyo dawladda sucuudigu ay leeyihiin xiriir ganacsi taariikhi ah, isla markaana Madaxweynuhu waxa uu ku martiqaaday maalqabeenada asi inay Puntland yimaa daan.

Dhinaca kale maalqabeenada boqortooyada dal ka sucuudiga ayaa tilmaamay muhiimadda Puntland ay u leedahay xilligan inay ganacsiyo ama maalgashiyo ka samaystaan, isla markaana ay dawladda ka caawiyaan dhismaha warshado wax soo saar oo dalka laga hirgeliyo, dhisma ha kaabayaa shadhaqaalaha, samaynta ceelal biyoodyo iyo inay ka qayb qaataan dardargelinta dhoofka xoolaha ee u dhexeeya Puntland iyo sucuudiga, iyagoona ugu dambayntii ballan qaaday in ay Puntland booqasho ku imaan doonaan iyagoo ka jawaabayaan martiqaadkii uu u sameyey Md. Gaas

BOOSAASO OO SOO DHAWEYN LOOGU SAMEEYEY ARDEYGII KAALINTA 1AAD U GALAY QUR’AANKA KARIIMKA AH DALKA SOOMAALIYA

Waxaa shalay soo dhaweyn ballaaran loogu sa meeyey M/Boosaaso Cumar Cismaan Cali oo ah ardeygii kaalinta 1aad u galay Tartankii Qur’aan ka kari imka ah ee dalka Soomaaliya Tartankan oo ugu mat alay G/Bari ayaa lagu qabtay M/Mu qdisho ,waxaana ka qe yba adanayey ardey ka kala socotay 18go bol ee dalka ,isago ona Cumar ku mata layey gobolka Bari. Maamulka gobolka Ba ri,kan degmada Boosaaso, culimada gobo lka Bari,Mu’asasada alMinhaaj iyo xubno kale ayaa shalay kusoo dhaweeyey aga gaarka kantaroonka Boosaaso laga soo galo. Xasan Cabdalla Xasan oo ku hadlayey magaca Mu’sasada Al Minhaaj ay aa she egay iney muhiim tahay weynaynta Qur’a anka kariimka ah ee qowl ka EEBE.

Duqa degmada Boosaaso Eng Yaasiin Mire Ma xamuud ayaa isna dhankiisa she egay in uu soo dhaweynayo ardeygan gu usha usoo hoyey Puntl and ,isagoona ku dhiirigeliyey in dadaalkiisa siiwa to. G/G/Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dha do) ay aa ku tilmaamay guul usoo hoyatay reer Puntland ,waxaana uu sheegay in Tartanku ahaa mid si cadaalad ah ku dhacay. sheegayna in M/Boosaaso ay ah ayd M/Ganacsiga balse hadda ay noqot ay Magaalada Cilmiga Soomaaliya. Si kastaba Tart ankan ayaa loo qabtaa sanad wa lba 18gobol ee Soomaaliya, waxaana Tartanka oo ah kii ugu dan beey ey uu noqday mid uu ku guule ystay ardey ka socday gobolka Bari ee Puntland.

CIIDAMADA XDS IYO KUWA AMISOM OO SHALAY SUBAXDII SI BUUXDA ULA WAREEGAY DEGMADA GALCAD EE G/GALGADUUD

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS iyo kuwa AMI SOM ayaa shalay subaxnimadii hore si buuxda u la wareegay degmada Galcad ee gobolka Galgad uud ka dib markii ay ka faramaroojiyeen alShab aab ee dhibaatada ba’an ku hayay bulshoweynta ku nool degmadaasi sida maamulka uu sheegay .

Ciidamadan oo wata gaadiidka gaashaaman ee dagaalka ayaa shalay subaxnimadii ka soo ruuqa ansaday tuulada BudBud oo 30 Kiilo Mitir dhinaca galbeed uga toosan degmada Galcad, iyadoo ciid amadu ay si nabadgelyo ah kula wareegeen degm ada Galcad ka dib markii ay isaga baxeen malee shiyaadkii Shabaab. Bulshaweynta ku nool degm ada Galcad oo qaati ka taagnaa maleeshiyaadka Shabaab ayaa si diirran u soo dhaweeyay ciidama da XDS iyo kuwa AMISOM, iyagoo isugu hambaly eeynaya neecowda Xornimooo sideed sano ka Dib

RAISUL WASAARE KUXIGEENKA DALKA OO SOO XERAY SHIRKII CADAALADDA LOOGA HADLAAYAY

Shirkaan oo M/Muqdisho ka socday afartii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa qabatay was aar adda Cadaaladda xukuumadda Soomaaliya, wax aana ka qayb galay dhinacyada garsoorka dalka oo ay ku jiraan wasiirada cadaaladda maamul goboleedyada. Shirka ayaa intii uu socd ay waxaa diiradda lagu saaray sidii dalka dhanka cadaaladda uu horumar uga sameyn lahaa, qubar ada ka qa ybgashay ayaana soo saaray war murtiyeed ka hadlay muhiimadda natiijadii ka soo baxday doodii socotay dhowrka maalin,

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaana gabagabadii soo xiray shirka shalay. Saalax xab iib Jaamac wasiirka Cadaaladda maamulka puntland oo ku hadlay magaca maamul gobolee dyada iyo guddoomiyaha guddiga cadaaladda barlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa wadajir u sheeg ay in wax weyn laga faa.iiday doodii maalmahan u socotay, waxaana ay soo jee diyeen in laga wada qayb galo hormarinta cadaaladda.

Wasiirka Cadaaladda DFS.Md.Cabdulaahi Axmed Jaamac Ilka jiir oo ka hadlay xiritaanka shirka ayaa sheegay in gobolada looga yeeri doono qubaro si markaa iyana talooyin uga bixiy aan horma rinta Cadaaladda dalka.

"Dhawaan gobolada ayaan ka wici doonaa qubaro waxaa ay muddo bil ah fadhi doonaan hal kaan waxaa ay iyana talo naga sii doonaan hormarinta cadaaladda dad ajaanib ah inay cada aladda noo tilmaamaan sax maahan”ayuu yiri Ilka jiir.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Md. Maxamed Cumar Carte oo soo xiray shirkaan ayaa bogaadiyay howsha ay qabteen ergooyinka waxaana uu xusay in muhiimadu tahay in cadaalad da xoog ga la saaro, la.aanteedna uusan dalkani ha gaageyn.

‘Aadbaan ugu faraxsanahay war murtiyeedka aad soo saarteen waxaan u baahanahay in cad aaladda wax badan aanu ka qabano hadaan cadaaladda hagaajino dalkeenu waa hagaagayaa lkn inta saan ay tahay dhibka waa jiraa”ayuu yiri Mr Carte.

SIILAANYO: ANIGA WAXAA IGA GO’AN IN DOOR ASHO XALAAL AH AY DALKA KA DHACDO 2017-KA

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Max'ed Siilaanyo, ayaa dorraad ku dhaw aaqay inay dib u billaaban tahay Diiwaangelintii codbixiyeyaashii ee mudadda bi sha ah dib loo dhigay abaaraha awge ed. Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in aanay dib uga dhaceen doorashadda san adka dambe la filayo inay ka dhacdo dal ka, taasi oo lagu waddo horaanta sanad ka 2017ka.

Sidaasna waxa uu ka sheegay muna asibad la gu daahfurey bilowga Diiwaan gelinta codbixiyeya asha oo manta oo sabt i ah ka bilaabmi doonta go bolka Maroodi jeex. Munaasabaddan lagu shaacin ayey diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Mar oodi jeex, ayaa lagu qabtey hoteel Gu uleed ee magaaladda Hargeysa, waxaa na ka soo qaybga llay komishanka doora shooyinka qaranka, Asxaab ta qaranka, xu bno ka socday deeq bixiyeyaasha, urura da bulshada, masuuliyiin kala duwan, Ma daxdhaqameed iyo dadweyne aad u tiro badan.

Madaxweyne Siilaanyo oo munaasib adda ka hadlay ayaa sheegay inuu diyaar u yahay, isaga iyo dawladda uu hogaami nayaaba inay dalka ka dhacdo, doorasho xor iyo xalaal ah, oo ku qabsoo nta xiligii loogu talogalay, waxa kale oo uu soo je eyey dhamaan codbixiyeyaasha in si hu fan oo waddaninimo ku jirto looga qaybg alo diiwaangelin tan taariikhiga ah ee soc ota,dhamaantoodnais diiwaangeliyeyaa shu, madaama ay qaangaadh yi hiin, ay muujiyaan masuuliyad iyo in aanu qofna mar wax ka badna isdiiwaangelin.

"Diiwaangelinta Codbixiyeyaashu waa lafdh abarta hufnaanta doorasho xor iyo xalaal ah, sidaa da rteed, waxa loo baa hanyahay in aynu ku qaabi lno waddan imo iyo daacadnimo.Maadama dadka isdiiwangalinaya yihiin muwaadiniintii da lkan la haa, waxa saaran masuuliyad, taa soo ah mid das tuuriya loona baahan yah ay in uu si masuuliyad iyo qarannimo ku jirto u guto qofku.”ayuu yidhi ma daxwey ne Siilaanyo, waxaanu intaas ku daray

"Waxa inoo bilaabmay raxmaadkii Ill aahay, ab aartiina Illaahay wuu innaga ja biyey inteedii badn ayd, sidaa darteed, wa xaa inagu waajib ah Mahad naq iyo xamdi Rabbi. Sidii balanteenu ahayd wax aynu halkii kasii wadaynaa in aynu ka baxno mu ddadii aynu u hakinay abaarta kulul ayd. Sidii ay iclaamiyeen Guddida Doora shooyinka Qarankuna waxaa bilaabmaya diiwaangalintii Codbixiyeyaa sha ee G/M aroodijeex oo ah gobolka ugu weyn, uguna muhiimsan, isla markaana ugu dadka badan gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidaan marar badan oo hore u sheeg ay, waxa aniga iga go’an, xukuumadda aan Madaxda u aha yna ku hoggaamina yaa inay dalka ka qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo ku qabsoonta wakhti gii loo asteeyey ee ah horaanta 2017 Ha ddii Alle Idmo. Imika laga bilaabo waxaan iclaamiyey bilaab ashada diiwaangalinta codbixiyeyaasha ee Gobo lka Mardoojijeex, Ilaahayna talada iyo tubta wan aa gsan ha ina waafajiyo.”

Sidoo kale, waxa isaguna halkaasi ka hadlay af hayeenka gudida komishanka doorashooyinka qa ranka Somaliland mu dane Siciid Cali Muuse wax aana uu ka dhawaajiyay in 30 bishan oo ku bee gan maalinta sabtida ay si rasmi ah uga bil aabmy so diiwaagalintii codbixiyayashu go bolka maroodijeex, sidoo kalena waxa uu masuuliyiinta xisbiyada qaranka ugu baa qay inay ilaaliyaan shuruucda ay kala sexeexdeen saddexda xisbi qaran iyo komish anku.

Saciid Cali Muuse ayaa bulshada gob olka Mar oodijeex ugu baaqay inay ka qayb qaataan diwaa ngalinta isla markaa na ay qaatan kadhka codbixin ta ayna mar kaste ilaaliyaan nabadgaliyada iyo xasiloonida dalka. Dhanka kale waxa iyagu hadal ada goobtaasi isaga dabamaray mas'uuliyiinta sad exda xisbi qaran iyaga oo dhamaantood bulshada Gobolka maro odijeex ku booriyay inay is Diiwa angaliyaan isla markaan ay qaataan kaadh ka la gu codaynayo si ay markaasi u ugu codeeyaan ci dii ay u arkaa inuu dalka iyo dadkaba wax u qaba nayo, dhanka kalena waxay Guddiga ku amaane en hawsha ad ag ay qaranka u hayaan, iyga oo sheegay inay u hogaansami doonaan xeerka diiw aangalinta ee lakala saxeexday.

Ugu dambeyn, Bilowgii bisha Abriil ay ayahayd in gobolka Maroodi jeex ay ka bil aabanto diiwaangelinta hase yeeshee ab aarihii dalka ka jirtay aw geed ayaa mada xweynuhu muddo bil ah dib u dhi gay taa soo Sabtidda dib loo bilaabayo diiwaang eli ntii gobolka Maroodi.

MUWAADIN SOMALI OO KU NOOL BRITAIN OO XABSI KU MUTEYSTAY QAAD.

Boliska M/Manchester waxay gacanta ku soo dhi geen Nin Somali oo lagu magicaabo Axmed She ekh, kaasi oo lagu qabtay isagoo watay majin Qa ad ah. Saraaki isha Boliska waxay Eedeysanaha u kaxeeyeen guriga uu degganaa, halkaasi oo ay ka soo heleen Calaamado muujinayo inuu Qaadka si kontorobaan uga ganacsado, waxayna Boliska heleen 12 sanduuq oo 4 ka mid ah ay ku jireen Qa ad culays kiisu dhamaa 23 Kiilogaram.

Eedeysanaha oo 28 jir ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee ku nool M/Manchester oo la gu soo oogo Dacwad la xiriirta Qa adka, iy adoo Qaadka loo ade egsaday Da roogad da Heerkeeda C.

Eedeysanaha oo la soo taagay Maxkamadda Manchester Crown Co urt waxa uu u sheegay Garsoore Martin Rudland in uusan ogeyn inuu Qaadka sharcidarro ka yahay Britain. Garsooruhu waxa uu shee gay inuusan ha dalkaasi ahayn mid la isku difaaci karo, wuxuuna Eedeysane Axmed Sheekh ku xukumay xabsi 12 bilood iyo inuu shaqeeyo 40saacadood oo aan wax lacag ah lahayn.

Si kastaba ha ahaatee, Dalka Britain waxa laga mamuuncay Cunista iyo kaganacsiga Qaadka bi shii june 24dii ee sannadkii 2014kii, inkastoo la sheegay in weli si Kontoroban ah loga ganacsado

TIRO DAD AH OO KU DHAAWACMAY MASAAJID LA DHISAYAY OO KUSOO DUMAY DULEEDKA MUQDISHO

Ugu yaraan 30ruux oo ahaa – Shaqaale dhisme ku waday masjid shalay dumay oo ku yaalla deega anka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho ayaa ku dhaawacmay, halka tiro kalena ay weli burburka ku hoos jiraan, iyadoo la sheegay in xiliga uu soo dum ayay Masaajidkan uu ku soc day Shub.

Imaamka Masaajidkan soo Dumay, She ekh Ma xamed Xaashi Faarax oo u warra may VOAda, ay aa sheegay in qaybtii dhi smaha laga waday ee Masjidka ay soo du ntay, xilligaasna ay dushiisa saarnaayeen masjidka 200 oo shaqaale ah.

"Shilkani wuxuu ahaa mid ku dhacay qadar ALLE ah, waxaana isbitaallada Mu qdisho aan u qaadnay illaa hadda 30qof oo dhaawac ah, kuwa asoo gabi ahaan ah aa shaqaalihii waday dhisma ha lagu ball aarinayo Masaajidka,” ayuu yiri Imaam ka Masjidka Sheekh Maxamed.

Wuxuu Sheekhu intaas ku daray. "habeen hore roob baa da’ay, mana gara nayno sababta keentay inuu Masjidku soo dumo, Balse wuxuu dumay mar kii shaqa aluhu ay shubka ku billaabeen masjidka.”

Imaamka Masaajidkan soo dumay, ay aa hadal kiisa ku daray in illaa hadda ay la’yihiin qaar ka mid ah shaqaalihii shuba yay Masjidka ee hoos joogay, kuwa dha awucu soo gaarayna ay dhammaantood ahaayeen kuwii dusha sare ee Masaajid ka saarnaa.

"Weli wax dhimasho ah ma hayno, laa kiin dad badan ayaa burburka masjidka ku hoos jira, kuwaa soo tiradoodu tahay ill aa 10qof, Waxaana hadda socda in laga dulqaado burburka,” ayuu hadalkiisa raa ciyay khadiibka Masjidka. Dhanka kale, Imaa mka Masaajidka ayaa sheegay in Injineerkii dhis maha Masjidkan waday ay xireen Ciidamada Booli iska ee CIDda, is agoo aan sheegin in sababaha loo ay tah ay soo dumitaanka Masaajidka iyo in kale.

Ugu dambeyntii, Waxaa goobta uu mas jidkan ku soo dumay ka socota hawlo la ra bo in lagu soo badbaadiyo dadka ku ho os jira weli, iyadoo aan la ogeyn inay weli nool yihiin inay ku dhinteen burb urka.

MAXKAMADDA SARE CIIDAMADA QALABKA SIDA OO LA HORKEENAY RAGGII DADKA KU LAAYAY BAYDHABO

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida, Liibaan Cali Yarow oo Khamiistii ga aray M/Baydhabo, ayaa wuxuu durbaba uu gelinki dambe ee Khamiistii uu u fariistay dhageysiga dac wad ciqaabeedkii loo hayst ay lix nin, kuwaa oo shan ka mid ihi ay Maxkamadda Darajada 1aad Ee Cii dam ada Qalabka Sida ku xuk untay xukun dil ah.

Eedeysanayaasha oo rafcaan ka qaatay xukun kaasi oo afar ka mid ihi uu ku dhacay 12kii bishii la soo dhaafay ee March, ayaa waxaa loo baahday in markale dacwadoodu ay qaado Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Ragga la horkeenay Maxkamadda ee xukunka dilki ihi lagu xukumay, ayaa waxaa afar ka mid ihi loo haystaa weeraradii 28kii bishii February ka dhacay M/Baydhabo, laguna dilay in ka badan 50 qof. Ninka shanaad ee dilka lagu xukumay, ayaa ahaa askari ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo Maanya Fuulka Baydhabo ku dilay nin ganacsade ahaa, oo deegaan ahaan ka soo jeeda Gobolka Ge do. Wuxuuna dilkaasi gaystay 10kii bishii March.

Xasan Aadan Mursal (Xasan Yare), C/ladiif Mac alin Aadan Macalin C/raxmaan, Siyaad Xasan Faar ax iyo Sharmad Aawoow Maxamed, ayaa ah afarta nin ee hadda gacanta lagu haayo, loona xukumay tobonaanka qof ee lagu dilay Xarunta Gobolka Baay.

Waxaa sidoo kale Maxkamadda ka soo muuq day C/qaadir Cali Maxamed oo saddex sano ay ku xukuntay Maxkamadda Darajada 1aad, ka dib mar kii lagu helay in garaash uu ka hawlgalaayay lagu soo diyaariyay weeraradii qaraxyada loo adeegsa day, ee rayidka lagu laayay. Ninkaasi wuxuu rafca an ka qaatay xukunkii hore.

Saraakiisha Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidama da Qalabka Sida, ayaa Maxkamadda horkeenay ca deymo iyo qiraal ku cad in dadkaasi ay ka masuul ahaayeen laba weerar, oo siyaabooyin kala duwan loogu qaaday maqaaxiyado ku yaala Bartamaha Magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, ayaa intaasi ka dib ku dhawaaqay inuu xiran yahay kulankaasi, islamarkaana ay maalmaha soo socdo go’aan ka gaari doonaan dembiyada dadkaasi loo haysto.

IRAN OO BAN KIMOON KA DALBATAY INUU KALA HADLO MAREYKANKA SI LOOGU FASAXO HANTIDA KA XAYIRAN

Xukuumadda Iiraan, ayaa Weydiisatay Xoghay aha Guud ee Q/Midoobay, Ban Kimoon in uu Xuk uumadda Washington ku Qanciyo inay u fasaxdo Iiraan lacag dhan 2bilyan oo Doollar oo laga xayi ray, ka dib markii maxkamadda sare ee Mareykan ka ay xukuntay in lacagtaan la siiyo qoysaskii dhib banaayshii ku dhinteen Weerarkii ka dhacay Marey kanka bishii September ee 2001kii.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Iiraan, Javad Zarif ayaa ku boorriyay Kimoon in isagoo Caawi naya Dowladda Tehran uuna ka Dhaadhiciyo Mara ykanka sidii ay ugu Hoggaansami lahayd Shuruuc da Caalamiga ah uguna soo Lacagta Xayiraadda ay ku soo rogtayna ay dib u fasaxdo.

"Tallaabadan Sharcidarrada ah ee Senatorska Mareykanka ay ku Xayireen Hantida Iiraan waa mid laga soo shaqeeyay, Waayo ma ahan Sharci a ma Awood ay u leeyihiin Xubnahan iyo Maxkamad aha Mareykanka, " ayuu yiri Javad Zarif oo hadlayay Wakaaladda Wararka Reuters.

Dalabka Iran ayaa kusoo beegmaya xilli Xukuu madda Tehran ay ku eedeysay Mareykanka inuu ku fashilmay fulinta ballamadii uu qaaday xilligii qaf iifinta Hubka Nuclearka ee Iran oo ahaa in Iiraan laga fududeynayo cunoqabteyntii saarnayd, kaa soo ay qayb ka ahaayeen saxiidooda lixda waddan ee caalamka ugu quwada badan.

Sidoo kale, Wakiilada Iiraan ee QM, Ban Zarif in uu dadaal u galayo sidii loo sii dayn lahaa Hantida Iiraan ee ku xayiran Bangiyada Mareykanka, uuna ka Raaridi doono Xukuumadda Washington in ay joojiso Faragelinta ganacsiga maaliyadeed iyo he shiisyada caalamiga ah ee Tehran.

Hadalkaan kasoo baxay Iiraan ee ku aaddan in Mareyknaka lagu qanciyo inay hantida kaga xayiran Waddanka Mareykanka fasaxaan ayaysan weli mas'uuliyiinta Mareykanku ka bixin wax jawa ab ah. Ugu dambeyn, Mudane ka tirsan Congresska Dalka Mareykanka, ayaa Sannadkii 2007dii sheegay inaysan jirin Cid fasixi karta hantida Iiraan kaga Xayiran Mareykanka, laakiinse la fasixi karo oo keliya haddii Xukuumadda Tehran ay bixiso Ma gdhaw lacageed oo gaaraya 2,65bilyan oo Doo llar, si magdhaw ahaan loogu siiyo qoysaska dhib banayaashii 9/11.

MAREYKANKA: DADWEYNE TAAGEERSAN IYO KU WO MUCAARADSAN TRUMP OO ISKU DAGAALAY CALIFORNIA

Taageerayaasha iyo Mucaaradka Musharraxa Ja mhuuriga ee Mareykanka Donald Trump ayaa isku dhacay, xilli uu khudbad ka jeedinayay Koonfurta Gobolka California ee dalka Mareykanka, iyadoo booliisku ay xireen dhawr qof. Ciidanka booliiska go bolka California ayaa kala dhexgalay taageera yaasha & Mucaaradka Donald Trump, iyadoo Sha cab careysan ay Burburiyeen muraayadaha Gaad iidkii Booliisku ay wateen qaarkood.

Sidoo kale, Waxaa Rabshadaha ku dhaawacm ay dhawr qof, inkastoo booliisku ay dib u soo celi yeen daganaashaha deegaankan ay rabshaduhu ka dhaceen. Iyadoo Rabshaddaani ay ka mid noq onayaan ay ka mid noqonayso rabshado sidan oo kale ah oo dhawr jeer dhacay.

Donald Turmp, ayaa shalay Weerar afka ah ku qaaday murashaxada xisbiga Dimuqraadiga ee Waddanka Mareykanka, Hillary Clinton isagoo sheegay inaysan wax fursad ah haysan, marka la ga reebo inay doonayso inay noqoto Haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ka noqota Mareyka nka. "Haddii Hillary Clinton aysan ahaan lahayn Ha weeney, ma aysan haysan lahayn fursad ay ku qa bato xilka gole deegaan,” ayuu yiri Donald Trump oo la hadlayay Telefishinka ABC.

Dhinaca kale, Codbixinta Tijaabada ah ee la Ur uriyay, ayaa Muujineysa in Hillary Clinton ay ka ho osayso sagaal dhibcood murashaxa Xisbiga Jam huuriga Donland Trump, haddii ay Labadoodu Noq daan Murashaxiinta ku tartami doona Doorashada Guud ee ka dhici doonta dalka Mareykanka horra anta bisha November ee sannadkaan 2016ka.

Ugu dambeyn, Trump ayaa cambaareeya siya asadda Mareykanka ee Bariga Dhexe, isagoo xu say in Mareykanka uu haatan noqday waddan aa nu caalamka intiisa kale ka haybaysan.

MADAXWEYNAHA KOOFUR AFRIKA JOCOB ZUMA OO LAGU SOO OOGAYO DACWADO MUSUQMAASUQ

Wararka ka imanaya dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in madaxweynaha koonfur Afrika Jacob Zuma uu qarka u saaran yahay in dib loogu soo oogo eedeymo la xiriira musuqmaasuqa. Eedeyma han ayaa la sheegay in ay ku dhow yihiin illaa iyo 800 oo arrimo musuqmaasuq la xiriira, waxana dac wad oogaha guud ee dalkaasi uu la laabtay sanad kii 2009kii. Arrintani ayaa timid ka dib markii maxkamadda sare ee dalkaasi ee fadhigeedu yahay magaalada Pretoria ay sheegtay in go’aankii dacwad oogaha guud ee dalkaasi uu uga laabtay eedeymahaasi ay tahay in dib loo eego maadaama go’aankaasi uus an caqli gal ahayn. Qaaliga maxkamadda ayaa she egay in madaxweyne Zuma ay tahay in uu wajaho eedeymahaasi oo la xiriira heshiis dhanka gaasha andhigga ah oo ay ku baxday balaayiin doolar. La anta qaran ee dacwad oogista dalkaasi ayaa haa tan ay tahay in ay go’aan ka gaarto in ay dacwadd aasi dib u fureyso iyo in kale.

Madaxweyne Zuma ayaa bilihii u dambeeyay la kulmayay caqabado badan, iyadoo xubno sarsare oo xisbigiisa ka tirsan ay ku baaqeen in uu xilka ka dego. Xisbiga Mucaaradka ah ee Democratic Allia nce oo dacwaddan hor keenay maxkamadda, ayaa doonayey in la laalo go’aankii sannadkii 2009kii ee ahaa in Jacob Zuma lagu waayay musuq maa suqa iyo sharci darro ku macaashka, muddo yar uun ka hor intii uusan noqon M/weynaha dalka.

Sababtana waxa lagu sheegay in xisbiga mucaa radka ahi rumaysanyahay in dano siyaasadeed la ga lahaa. Eedahaasi waxa ka mid ahaa heshiis la gu soo iibinayay hub oo lagu eedeeyay in Jacob Zuma iyo ninkii xilka uga horreeyay Thabo Mbeki ay si sharciga baal marsan uga macaasheen.

Caddaynta ugu wayn ee dacwaddan loo hayo, ayaa ah cajalado sir ah oo laga duubay telefoonno ay ku wada hadlayeen taliyihii horee sirdoonka Ko onfur Africa iyo dacwad ooge sare oo la sheegay in ay qorshaynayeen in aanu Zuma dalka madaxw eyne ka noqon. Heshiisyada lagu eedeynayo ee ar rimaha hubka ah ayaa waxa ay ahaayeen kuwo la la galay dalal ay ka mid yihiin Germany, Italy, Sw eden, the UK, France and South Africa.

GOLAHA WASIIRADA OO ANSIXIYAY NIDAAMKA SHARCIGA SHATIYADA ISGAARSIINTA DALKA

Shirkii caadiga ahaa ee golaha Wasiirada oo uu shir guddoominyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mud ane Cumar Cabdirashiid ayaa Wasaaradda Boosta da iyo Isgaarsiinta ay soo hordhigtey golaha Wasiir ada warbixin dhameystiran oo ku saabsan nidam ka mideysan ee shatiyada Isgaarsiinta dalka iyo muhiimadda ay dalka u leedahay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Axmed Xaaji Cabdi ayaa golaha Wasiirada usoo jeediyay warbixin cilmiyey san oo ay Wasaaraddu ka diyaarisyey nadaaminta hirarka dalka iyo baahida loo qabo in dawladdu habeyso shirkadaha isticmaala hirarka dalka.

Warbixinta ay Wasaaraddu soo bandhigtey ayaa ahayd mid taabaneysa dhamaan noocyada Boosta da iyo Isgaarsiinta dalka oo dhan, waxaana warbixi nta kadib ay golaha Wasiiradu galeen iney ka doo daan su’aalana badanna la iska weydiiyay.

Golaha Wasiirada DFS ayaa usoo dhaweeyey hormarka ay wasaaraddu gaartey iyo soo gudbinta qorsha nadaaminta midyesan ee shatiyada Isga arsiinta. Golaha wasiiraha ayaa dood kadib cod bu uxa ku ansixiyy nadaamka mideysan ee shatiyada Isgaarsiinta dalka.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ahna sii hayaha Wasaaradda Mudane Jamaal Xasan Ismaaciil ay aa sheegey muhiimadda ay dalka u leedahay nad aaminta iyo shati siinta shirkadaha bixiya adeegga Isgaarsiinta noocyadiisa kala duwan ee dalka ka hawlgala. Waa markii ugu horeysey ee ay Xukuu maddu an sixiso nadaamka lagu hirgalinayo shati yada Isga arsiinta dalka, isla markaana lagu mare ynayo Hir arka dalka taasoo ay wasaaradda Boos tada iyo Isgaarsiintu soo bandhigtey.

CIRRO: WAANU SOO DHAWEYNAYAA INAY XILLIGII LOO QORSHEEYAY KU DHACDO DOO RASHADA SOMALILAND

Xisbiga Mucaaradka WADDANI ee Somaliland ayaa soo dhaweeyay Hadalkii Mad axweynaha So maliland, Axmed Siilaanyo ee ahaa inay ka go’an tahay in doorash ada Somaliland ay ku dhacdo xilli geeda oo ah horaanta Sanadka soo socda ee 2017ka.

Guddoomiyaha WADDANI, ahna Gud doomi yaha golaha wakiillada, C/raxmaan Maxamed C/llaahi [Cirro] oo booqa sho ku jooga Mare ykanka una warra mayay BBCda ay aa ka digay wax walba oo carqalad ku keeni kara Doo rashooyinka Soma liland ka dhici doo na.

"Waxaanusoo Dhawey naynaa hadalladii Madaxw eynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo ee uu dorr aad ku sheegay in doorashadu ay ku dhici doonto wakhtigeedii, Waxaanan sheegayaa inaanu jirin cirriir waqti oo doorashada ku aadan,” ayuu ha dal kiisa ku yiri C/raxmaan Cirro.

Sidoo kale, Wuxuu xusay inay mar ho re Gol ayaasha Wakiilada, Axsaabta Muc aaradku iyo xuk uumadda Somaliland ay isugu waafaqeen in door ashadu dhacdo Sanadka 2017ka nagu soo foolka leh, haatanna ay ku kalsoon yihiin in doora shadu ay xilligaas dhacdo.

Mar la weydiiyay C/raxmaan Cirro inay diidanay een in diiwaangelinta codbixinta dib loo dhigo sa babo Abaaraha ku saabsan, Marka hadda sow ma moodin in sidii ay Xukuumaddu u sheegaysay ay ar rimuhu ku socdaan, ayuu kaga jawaabay.

"Cidi ma dafiri karayso in Somaliland ay abaaro ka jireen… balse gobolka Awdal oo ah kii ugu darnaa marka abaaraha la eego, laga qabtay diiwaangel inta iyadoo abaaruhu ay jireen, Laakiinse wixii la Is kuhaystay ay ahayd Hargeysa oo aanay xilligaas aysan ka jirin abaaro, dadkuna taas ayuu diidanaa, balse haddii la joojin lahaa markii ay gobolka Awdal abaaruhu ka jireen, shacabku wuu ku qanci lahaa.”

Dhanka kale, C/raxmaan Cirro ayaa mar kale la weydiiyay inay ku qanacsan yihiin hadalka Mad axweyne Siilaanyo, Wuxuu na kaga Jawaabay. "Madaxweynaha iyo Wakiilladuba way mahadsan yihiin. Laaki inse waxaan doonaynaa in sida Mada xw eynuhu ku dhawaaqay inay ugu dhabo wdo.”

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaar adka ee WADDANI, ayaa wuxuu ka hadlay Safarkii sa Mareykanka, Wuxuu na Sheegay in uu yahay mid ay Taageero ugu Raadinayaan Somaliland, isa goo xu say in uu la Kulmay Mas’uuliyiinta Afrika u Qaabilsan Mareykanka, uuna Qorsheyna yo inuu dhawaan la kulmo Xildhibaanna da Mareykanka, si uu ugala Hadlo Arrima ha Somaliland.

SHIRKADA APPLE OO SHAACISAY INUU HO OS U DHACAY IIBSIGA TALEEFANKA CASRIGA AH EE IPHONE

Shirkadda sameysa taleefoonada ee ugu faa’iid ada badan Caalamka ayaa wax aa hoos u dhac uu ku yimid Qiimaheeda 7 baadkan, ka dib markii Shir kadda Apple ay shaacisay hoos u dhacii ugu horr eeyay ee ku yimid iibsiga taleefoonka iPhone mud da 13sano ah. Warbixin ay soo saartay Apple ay aa la gu sheegay in sannadba sannadkii uu ka da mbeeyay uu hoos u dhacayay iibsiga Taleefoonn adeeda, iyadoo warbixinta la gu xusay in bilihii ugu dambeeyay ee san nadkan la iibsaday uu hoos u dhacay iibsi ga taleefoonka IPhone dhaqaale lagu qiy aasay 51,19 Milyan oo Doollar, halka san nad kii hore uu qiimaha iibsigiisu ahaa 61, 17 Milyan oo Doollar.

Madaxa guud ee Shirkadda Apple, Ti mCooka yaa Dhaqaalexumidan u saba beey ay hoos u dha ca ku yi mid iibsiga taleefoonna da IPhone ee Wad dan ka Shii naha, balse da dka taxliilaya dhaqaala ha ayaa sheegay inay jiraan sababo kale oo ay ka mid yihiin Suuqa Taleefoonnada uu sii buuxsam aya iyo Apple oo aan wax aa lado cusub ah soo shaac bixin. Sidoo kale, In ka badan 2bilyan oo qof oo caalamka ku nool ayaa isitmcaalka taleefoona da loo yaqaan Smartphoneka, isla markaana mid ka mid ah shantii xabo, ayaa ah IPhone. Ross Rubin oo taxliiliaya arrimaha dhaqaala ha, ayaa VOA u shee gay in Apple ay dhibbane u noq otay guu sheeda. Isagoo yiri. "Shirkadda Apple wa xay ku loollantaa suuq dhaqaale oo aad u Xoogg an sida Mareykanka, Japan iyo Galbeedka Yurub, iyadoo meelahaas ay ku soo badanayaan Taleefo onno kale.”

XILDHIBAANADA TURKIGA OO DAGAAL DHEX MARAY, XILLI AY KA DOODAYEEN SHARCI

Dooda Baarlamaanka ayaa markii danbe isu be dashay gacan ka hadal ka dib markii xildhibaano badan soo buuxiyeen goobtii uu ku shirayey gudd iga sharcigaan ka dooda kahor intaan loo soo gudbin codbixinta Baarlamaanka.

Xildhibaanada dalka Turkiga ayaa gacanta isula tagay xili Guddiga sharuucda uu ka doodayey sha rci cusub oo dowlada u fasaxaya inay xasaanada ka qaado qaar kamid ah Xildhibaanada.

Sharcigan cusub ayaa waxaa si weyn uga soo horjeeda Xildhibaanada Mucaaridka oo sheegaya in dowlada ay dooneyso inay xabsiga dhigto qaar kamid ah xildhibaanada oo lagu eedeenayo inay xiriir laleeyihiin ururada hubeysan ee Kurdida.

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan oo ho rey u sheegay in dowladiisa la dagaalami doonto kooxaha kurdida ah ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in tilaabo laga qaado Qareenada, Saxaafada iyo Xildhibaanada xiriirka laleh kooxaha dagaalka kula jira wadanka Turkiga.

XUKUUMADDA FEDERAALKA DHEXE OO DOONEYSA INAY SAMEYSO QORSHE HORAY LOOGA DIGAY

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xillig eedu sii dhacayo ayaa bilowday inay ku dhaqaaq do hirgelinta qorshe horay beesha caalamka uga digtay, ka dib wixii ka dambeeyay shirkii wada tash iga ee hoggaamiyeyaasha siyaasadda ku dhex mar ay magaalada Muqdisho.

Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid oo maanta u hadla yay warbaahinta dowladda ayaa ka dhawaajiyay qorsheyaal badan oo xukuumadisa damacsan tah ay, kuna saabsan hannaanka doorashooyinka dal ka ka dhacaya. Waxa uu sheegay Ra’iisal Wasaaraha in howlaha culus ee horyaala xukuu madda oo lagu fulinayo go’aanadii ka soo baxay shirkii wada tashiga ay ka dalbadeen

Golaha Baarlamaanka In Muddo Laba Bilood Ah Loogu Kordhiyo.

"Xukuumaddu waxay Baarlamaanka ka dalba tay inuu muddo laba bilood ah ku kordhiyo xilliga xukuumadda si loo fuliyo howlaha diyaar garowga doorashada dalka ka dhaceysa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

Waxaa kale oo uu ka hadlay Ra’iisal Wasaara ha in mar walba xukuumadiisu dadaal xoogan ugu jirto inay is waafajiso dhameystirka qaabka doora sho ee dalka ka dhaceysa iyo diyaarinta aqalka sa re iyo kan hoose. Hadalka Ra’iisal Wasaaraha ay aa ku soo beegmaya xilli Madaxweyne Xasan She ekh mar uu khudbad ka jeedinayay xiritaanka shir kii wada tashiga in howlaha horyaala xukuumadiisa aan lagu qaban karin mudada cayiman ee uga ha rtay xukuumadda Federaalka, isagoona beesha ca alamka ka dalbaday inaysan ku adkeysinin go’aankeeda meesha ka saaraya muddo kordhin.

GAROONKA DIYAARADAHA HARGEYSA OO LAGU QABT AY RAG KA TIRSAN ALSHABAAB IYO QALAB AY WATEEN

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu hor eysay ka dhawaajisay in magaalada Hargeysa ay ku sugan yihiin saraakiil ka tirsan ururka AlShaba ab iyo madax ka tirsan hay’adaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Duuliska iyo hawada Somaliland Dr. Cumar oo magaalada Hargeysa kula hadlayay Sax aafadda ayaa shaaca ka qaaday in garoonka diya aradaha Cigaal Airport ay ku qabteen madax ka tir san xukuumadda Somaliland iyo boorsooyin ay ku jireen qalab khalkhal gelin kara ammaanka garoo nkaasi.

Dr. Cumar ma sheegin qalabka waxa uu yah ay, hase yeeshee waxa uu tilmaamay in guryo ay degan yihiin Wasiiro ka tirsan Somaliland ay gabb aad ka dhiganayeen rag uu ku tilmaamay inay ko oxaha argagixisada ah la shaqeeyaan.

Waa markii ugu horeysay oo maamulka Somali land si cad u qirto in degaanadooda ay ka howlgal aan kooxaha argagixisada ah ee Soomaaliya ku su gan, iyadoo horay loogu eedeyn jiray in ururka AlShabaab laga maamulo gobolada Waqooyiga Soo maaliya ee ay ka taliso xukuumada uu madaxwe ynaha ka yahay Axmed Siilaanyo

AFRIKA OO KA FAKAREYSA HAWLGALKA AMISOM KA DIB 9 SANO OO HAWLGALKAASI UU SOCDAY

Sida laga soo xigtay faalo lagu qoray barta wara rka ee Anadolu Agency ee fadhigeedu yahay dalka Turkey ayaa sheegtay hawlgalka AMISOM oo loo gu tala galay inuu qaato lix (6) bilood oo qura yaa haatan ku dhow muddo toban (10) sano ah.

Waqtigaas oo haatan gaaraya 9 sano kadib markii ciidamada Afrikaanka ah ay galeen Soomaaliya ayaa waxaa naftooda kuwaayay ciidamo badan oo ka kala yimi dalal badan oo Afrikaan ah ayagoo la dagaalamaya kooxda Alshabaab.

Machadka Daraasaadka Nabadda Caalamiga ah ee Stockholm International Peace Research Insti tute ayaa ku qiyaasay in AMISOM ay in kabadan 1,100 askari uga dhinteen Soomaaliya intii u dhe xeysay 2009 ilaa 2014.

Arintaas ayaa keentay in dalal badan oo ciidamo u soo diray Soomaaliya ay su'aal iska weydiiyaan istaraatiijiyada dagaalka Soomaaliya ay ku waj ahayaan. Dadka diblomaasiyada qaadaa dhiga ayaa sheegaya in arinta Soomaaliya aan lagu xall in karin cudud militari oo qura.Kooxda Alshabaab ayaan Soomaaliya oo qura weeraro ka geysan ba lse dalalka dariska ah sidoo kale gaar ahaan Ken ya oo muddo dhowr sano ah weeraro ay kooxdu ku soo qaadeysay.

1000 RUUX BIYAMAAL AH OO LA DILAY 2 MAALIN GUDAHOOD

Inkasta oo dad badani aaminsanyihiin in gobalka Sh/hoose uu weligii ahaa gobal nabadeed , haddana 100 kii sanno ee ugu dambeeysay wuxuu ahaa goob dagaal.

Dabayaaqadii qarnigii 19aad iyo bilowgii qarniga 20aad deegaanka biyamaalka waxaa ka muuqanayay saxan saxo colaadeed, dagaaladii Lafoole ee Wacdaanka iyo Talyaaniga, Biyamaalku waxeey cuna qabateeyeen Talyaanigii Marka joogay si ay u muujiyaan iney Wacdaanka taageersan yihiin, iyagoo gacan siiyay Xasan Xuseen oo ahaa hoggaamiyaha Wacdaan waxeyna u xireen wadada Xamar iyo Marka isku xirta ee dhinaca xeebta ee ku beegan biyamaalka Waqooyi.

Arrintaasi waxey keentay in Talyaanigu Xamar ka soo baxo oo uu Jaziira ku duulo, asigoo aaminsan in jilibka Sacad ee Biyamaalka Waqooyi ay ka dambeeyeen fidnadaa, dhinaca kale Talyaanigu wuxuu bilaabay inuu hab siyaasadeed ku kala fur furo Biyamaalka isagoo u balan qaaday hoggaamiyihii Biyamaal Xaaji Cali Ciise in loo qoro mushaar gaaraya 120(Thater) lacag dhan Sanadkiiba, Fiiri Marqaati buugga Le Questionl oo ay qoreen Chiesi iyo Travelli bogga 27475 iyo dokumentiga No 40.

Laaluushkaa waa diiday Xaaji Cali Ciise shuruud cusub ayuuna ku xiray arrintaa siyaasadeed ee Talyaanigu watay waana hirgeli weyday sida ku cad qoraalka Xaaji Cali ee 1903dii wax yar geeridiisa ka hor, kaddibna bishii April 1904tii Biyamaalku waxey go’aansadeen in Dekedda Marka ay xiraan, waxeyna la beeg sadeen xilliga dabeysha K/Galbeed ee mansuunka, iyagoo walibana xiray irdihii Magaalada Marka laga soo gelayay, taasi waxey sababtay in bishii Juun 1904tii macluul ka dhacdo magaalada oo dadkii Markaa ku noolaa oo gaaraya 5000ruux barkood ay ka guuraan, Fiiri Marqaati sida xaaladda Marka uu ku sifeeyay qoraalka Devito ee 28kii May 1904 gurmadkii ciidan ee Xamar talyaanigu ka soo diray jidka ayaa loo galay mar kale dhinaca Biyamaalka 45ruux ayaa uga dhimatay gurmad celintaa, Fiiri Marqaati buugga Dr. Lee bogga 225aad, 45taruux ee Biyamaal laga dilay waxaa ka mid ahaa gabyaagi dagaal yahanka ahaa ee Jabriil Macallin Barow, ugu dambeyn Biyamaalku waxey isugu yimaadeen shirkii Cigalle lagu qabtay waxeyna go’aansadeen in Marka lafteeda la weeraro, lana raadsado gaashaan buur, Muddadaa wixii ka dambeeyay inta badan waxaa dagaalada kala qayb galay qabaa’ilkii kale ee deegaanka.

Taiyaanigu wuxuu bilaabay hab kale oo uu ku kala fur furo Biyamaalka, Biyamaalka Koonfur waxey rabeen iney badeecadooda Marka geystaan, kuwa Waqooyi waxaa laga degay ceelashii xeebta Waxaana la yiri ceelasha sunaa lagu shubay intaan la gaarin madashii labaad ee Cigalle ayaa Talyaanigu cigalle degay, bishii Janaayo sanadkii 1905tii ayaa wadaado weerareen qalcaddii Cigalle uu Talyaanigu ka dhistay, hoggaanka duullaankaa waxaa ka mid ahaa Xaaji Cabdi Abiikar "Gafle” oo inkastoo lug laga dhaawacay ka baxsaday talyaanigii, ilaa 15sano oo kale ayuuna dagaalka sii waday, Talyaanigu aad ayey u raadiyeen iyadoo laga baqayay in wadaadkaa Biyamaal ee dariiqada Saalaxiyada( axmadiya) wata uu la xiriiro daraawiishta.

Goobo badan ayaa Talyaaniga iyo Biyamaalku isku haleeleen, waxaana ugu caansaneyd tii bishii February ee 1907dii oo weerarkaas 2000 oo Biyamaal ah ay ku weerareen 500 ciidan dhan oo Talyaani ahaa oo joogay saldhigga ugu weyn oo ku yiilay "Turunley Dhanaane” oo ah xeebta Waqooyi ee Marka, Fiiri Marqaati isla buugga Dr. Lee bogga 207 xataa goobta kale ee Fiinlow ee Julay 1908 Biyamaadka waxaa uga qeybgalay ciidan gaaraya 2000, goobta la magac baxday "Sabti iyo Axad” oo laba maalin socotay, taa oo Biyamaalka looga dilay 1000 ciidan ah.

Dhimashada 1000 kaa ciidan, Biyamaalka waxey ku nogotay jab, goobtaa oo "Sabti iyo Axad” Soomaalidu u taqaano, halka goobtaa Talyaanigu u yaqaan "Vittorio d’ Africa” guushii Afrika, Fiiri Marqaati: Ufficio Storico Somalia 1:147 (xafiiska taariikhda soomaalida 1:147). dagaallada kale ee Biyamaalka waxaa ka mid ahaa goobtii Jilib Marka ee 1908dii oo loo yagaan dagaalkii saddexda saac waxaa kale oo ka mid ah dagaalladii Shalaambood ee Lulyo 1908dii, dagaallo badan kaddib Biyamaalku waxey isugu yimaadeen shirkii Moyaale waxeyna goosteen in 500 oo dagaalyahana ah loo diro Sayid Maxamed, inkastoo taa shir laga go’aamiyay hadana Biyamaalku waa ka faani jiray inuu cid deegaanka ka baxsan wax weydiisto sida uu yiri Dr. Lee, dagaalyahanadaa saad ayaa loo ururiyay muddo 4 bilood ah waxeyna ugu dambeyn u amba baxeen xagga Sayidka iyagoo hub u doontay waxaana kala hoggaaminayay afarta hoggaamiye oo midba jilib ka socdo oo kala ahaa: Malaaq Cabdi Turcay, Sheekh Jamaal Macallin Xasan, Maxamed Mursal iyo Bilow Ageede, Cii damada Biyamaalku markey ku biireen daraawiishta waxey muujiyeen dagaal yahanimo, intii ay Sayidka la joogeen goob Amxaarada lagula diriray ayaa 73 uga dhimatay.

Horayba Abuukar Ashir Sacmawaaye oo Biyamaal ahaa ayaa 1904 tii tegay gobalka Hiiraan asagoo ku biiray Soomaali Hiiraan kula dagaalameysay Amxaaro, kaddibna wuxuu u gudbay xagga Sayid Maxamed, wuxuuna noqday darwish, waxaa la dejiyay ilig waxaana la siiyay qori iyo faras, toban sano kaddib qaar ayaa dib u soo noqday.

Asagoo jabkaa ka faa’iideeysanayo kana taxadarayo in dagaal dambe soo noqdo ayuu talyaanigu ka ururiyay 400 rag dhan oo u badnaa odayaal dhaqan ,wuxuuna qasab ku saaray markab ciidan asagoo leh waxa ay la kulmayaan Boqor talyaani ah weyna soo noqonayaan, dib dambe looma arag loomana maqal waxaana la aaminsanyahay in badda lagu wada daadiyay….Taariikha badan oo muhim ah ayaa nalaga qariyay oo la xiriiray sida waalidiinteeno isticmaarka ula dagaalameen .

Qoraalkan ,wax waad ku kordhin kartaa, sixi kartaa,dhaliilina kartaa.

Qore.Yahya Amir

MUCJISO RABBAANI AH " ILAAHEY AMARKII ILMO KOR LABO QOF KA AH, HOOSNA HAL QOF

Dhacdooyinka la yaabka leh ee dunida soo mara aad ayay u badan yihiin, waxaana ka mid ah arrintani aan iminka idin soo bandhigeyno.

Pin iyo Pan waa labo gabdhood oo u dhashay dalka Thailand, kuwaasi oo ku dhashay iyagoo leh labo madax, gacmo, saabley, balse wadaaga isku lugo.

Gabdhahaasi oo haatan 7 jir ah waxay Waalidkooda ku nool yihiin Degmadda Nakhon Sawan oo kudhawaad 250KM dhanka Waqooyi kaga toosan caasimadda dalka Thailand ee Bankok.

Waalidkooda waxay Ubadkooda ku tilmaameen carruur caadi oo faraxsan.

Gabdhahan waxay barteen qaabka loo socdo, lo olabisto, wax loo cuno, loo raaco Baaskiil 3 shaag leh (tricyle).

Waxay jecel yihiin inay heesaan, cunaan Jalaatada, inay iska caawiyaan labiska iyo inay isfoorjeeyaan ama si qosol leh u wada kaftamaan.

Pin iyo Pan waxay barteen qaabka gacmaha loogu socdo, waxay kori karaan Jaranjaradda iyadoo aan la taageerin.

Hooyadda dhashay carruurtaasi oo lagu magacaabo Noknoi Pongchumnan waxay sheegtay inay argagaxday markay dhashay carruurtaas, oo aysan filaynin inay ilmaheeda isku dhegan yihiin.Aabaha dhalay Mataanahan o olagu magacaabo Sanay Rompoyen ayaa sheegay inay Xaaskiisa iyadoo ooynaysa ka soo laabatay Isbitaalka.

Mataanayaasha isku dhegan ee Pin iyo Pan waxaa la sheegay inay kala dooq yihiin, isla markaana ay kala dalbadaan cuntada ay cunayaan, dharka loo xirayo iyo qaabka Timaha loogu feedhayo.

Inkastoo ay suurtogal tahay in la waaxiyo, haddana labada mataanaha waxay sheegeen inaysan marnaba doonaynin in lagu waaxeeyo.

Dhakhaatiirta ayaa rumeysan in carruurta isku dhegan laga helo hal mar marka ay 2.5 million oo carruur dhashaan.

Dhakhaatiirta waxay sheegeen inay suurtogal tahay in laga waaxeeyo Mataanahaasi, balse labada gadbhooda waxay sheegeen inay doonayaan inay weligooda sidaas isugu dheganaadaan.

Aabahooda waxa uu sheegay inay fiicnaan lahayd in lagu sameeyo qaliin lagu kala waaxeynayo, balse waxa uu xusay inuusan filaynin inay suurtogal tahay.

Hooyadooda ayaa iyadana ku dartay: "Marnaba ma doonayo inaan arko iyagoo la kala qeybiyey, xitaa haddii ay awoodaan, Marnaba kuma soo dhicin niyadeyda arrintaasi”.



Waxaa Turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

 

TAHNIYAD DHALASHO FARXAD LEH.

Maxamed Shiikh Xasan,C/qaadir Shiikh Xasan,Muxudiin Shiikh Xasan,Farxiyo Shiikh Xasan Seygeeyda iyo Carruur teeda,C/Naasir Cali Cumar iyo Xaaskiisa Fowsiyo Shiikh Xasan iyo Carruurtooda Axmed C/Naasir Cali ,Yusro C/Naasir Cali, Xasan C/Naasir Cali ,C/raxmaan C/Naasir Cali,Yasmiin C/Naa sir Cali,Axmed C/Qaadir Gaaboow iyo Xaaskiisa Sacdiyo Xasan Ismaan iyo Caru urtooda,C/Najiib Axmed C/Qaadir,Nuur Axmed C/qaadir,Madiino Axmed C/qa adir,Deeqo Luul Axmed C/qaa dir,C/risaaq Axmed C/qaadir C/laahi Axmed C/qaa dir, Iyo Maam ulka Shaqaalaha Wargeyska Mogadishu times

Dhammaan dadkaasi waxaaya Hambal dhalasho farxad leh u dirayaan.

DAAHIR QAASIN CARTE & FARTUUN SHIIKH XASANOoGABARugu dhalatay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Dagmada Wardhiigleyee M/ Muqdisho , Taariikhdu Markeey Aheyd 26 Abriil 2016 Waxana leenyihiin alle haka dhigo tii Dalkeeda Diinteeda Iyo Weliba Dadkeedaba Anfaca, Soona BarbaartaAamiin Aamiin Aamiin.

TACSI TIIRAANYO LEH

Muuse Maxamed Cismaan,Maxamuud Axmed Xuurshe, Maxamed Ibraahin Baistaan, Xasan Cali Geseey, Malyuun Sh. Xeydar, Jabriile Maxamed Nuur, iyo bahda saxaafada soomaaliyeed waxaay Tacsi u dirayaan Xabiibo Axmed Jimcaale {Biibto} oo HabaryarteedAAMINO MAXAMED MACOWku Geeriyootay M/Muqdisho waxaayna alle ugu barayayaan Marxuumadda inuu Naxaristiisa janno ugu bishaareeyo ehelka iyo qaraabada uu samir iyo iimaan saadaq ah ka siiyo Aamiin Aamiin

INNAA LILLAAHI WA INYA ILAAHI RAAJICUUN

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip