HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KAHMSII 27-KA JAN. 2022-KA

0
Thursday January 27, 2022 - 08:36:51 in Wararka by
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA KAHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH KAHMSII 27-KA JAN. 2022-KA

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Soo Afjaray Ma dmadowgii Mahdi Guuleed & Cabdi Xaashi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaal ka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xus- een Ro oble ayaa Shalay kulan gaar ah la yee shay R/ Wa saare ku-xigeenka dalka Mah di Maxamed Guuleed Khadar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay madma dowgii soo ka la dhex galay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guul eed ee ku aadanaa khilaafka cusub ee ka dhashay doora shada Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasa ar aha ayaa lagu sheegay in Rooble uu dhamm eeyay madmadowgii soo kala dhex galay laba da dhinac, iyadoo la isku afgartay in ay si wa da jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqee yaan dhammeystirka doorashada Xildhibaan nada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Soma liland.

"Waxaa la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’I isul Wasaaraha ugala shaqeeyaan Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, dhammeystirka doo rashada xil dhibaannada Golaha Shacab ka ee ka soo jeeda Somaliland” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska Rooble.

Cabdi Xaashi, Boqor Buurmadow iyo siyaa siyiin kale oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen doorasha da Golaha Shacabka, iyagoona Ra’iisul Wa saare Rooble ku eedeeyay inuu boobayo doo rashada, waxaana eed eynta ka jawaabay gara bka Mahdi Guuleed.

Si kastaba dhowr jeer oo horey ayey sid aan oo kale khilaaf u soo kala dhex galay Ra’I isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Max amed Guuleed Kha dar iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, kaa si oo salka ku haayay Arrimaha doorashada Somal iland.

Xog: Maxey isku qabteen R/W Rooble iyo Wasiir Beyle?

Wasiirka Maaliyadda ee Dowladda Fede raalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa waayey Kursigiisii Golaha Shacabka kadib khilaaf la sheegay inuu muddooyinkii las oo dhaafay u dhax eeyey isaga iyo Ra’isul wa are Maxamed Xuseen Roo ble.Beyle ayaa ku fadhiyey Kusiga HOPP# 201, waxaa na kursigiisii Dorraad qaatay Dr.Cabdi Abiib oo ah Aas-aasaha Machadka RAAS.

Dr. Abiib oo la fahsamsan yahay inuu si weyn ga can saar shakhsi ah ula leeyahay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa dhinaca kale macaamiil dhow la leh xubno ka mid ah midowga musharixiinta mucaaradka, waana cod uu odoraski isu adkaan doono.

Wasiir Beyle oo kamid ahaa labada Wasiir ee aan la badalin intii uu jiray nidaamka Mad axweyne Far maajo ayaa wuxuu Dorraad qabtay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrinta kursi giisa, isagoo si dadban u weeraray Ra’isul wa saaraha iyo xafiiskiisa.

Wasiirka Maaliyadda wuxuu sheegay inuu di iday waxyaabo badan oo aan waafaqsaneyn shuruu cda Maaliyadda dalka oo loola yimid, taas oo uu ku muteystay cadaawad badan, bal se wuxuu yiri hal Qof, 10 Qof iyo 100 qofba wa xaa ka muhiimsan Qa ranka.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle wuxuu sheegay in kursigiisa Golaha Shacabka iyo go’aanadiisa maa saaniyaddu inay isisaamee yeen, balse uu ku adkey sanayo go’aankiisa maaliyadeed.

Inkastoo waqtiga uu doodiisa banaanka keenay ay daciif ka dhigeyso eedaan uu sida maldahan ugu jeedinayo Ra’isul Wasaare Roo ble iyo kooxdiisa, hadana xubno kamid ah gola ha wasiirada ee dowl adda federaalka waxay sheegeen in muddooyinkii lasoo dhaafay uusan jirin cilaaqaad wanaagsan oo ka dhax eeya R/Wasaare Rooble iyo Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle. Sababta aan xil ka looga qaadin iyadoo aysan labada Nin isku fiic neyn waxay wasi irada qaar ku sheegeen inay tah ay culeys ka imaanayey dhanka Bankiga Adduunka iyo hey ’adda Lacagta Adduunka ee IMF, kuwaas oo shaqo toos ah oo Beyle dhextaal u yahay la wa day Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaali ya.

Dhowr jeer oo hore oo la isku dayey in Beyle la bixiyo waxaa la sheegay inuu ku bad baaday cada adiska hey’adaas oo madaxda sare ee dalka ku cad aadiyey inaan la dhaawi cin mashruuca deyn-cafin ta Soomaaliya iyo hufnaanta Maaliyadda oo u muuq ata inay hey’adahaas hadda ku qanacsan yihiin.

Sidoo kale, la taliyayaasha Ra’isul Wasaa re Ro oble qaar, waxay sheegayaan haddii Beyle la tuuro in loo fahmi karo in Ra’isul wasaar uhu u bareeray arrin dhaqaale raadin oo la xiriirta, iyadoo dhawaan ahaan ay ku socdeen eedo, kuwaas shabaha.

Maadaama uu Dorraad Beyle si dadban u weera ray xafiiska Ra’isul wasaaraha uuna isku xiray dam ac maaliyadeed iyo xildhibanimadii uu waayey wax aan la ogeyn waxa ay sameyn doonaan Ra’isul Wasaare Rooble iyo kooxdiis a.

Falanqeeyaasha qaar waxay qabaan inay dhici karto in Rooble lagu qalqaaliyo inuu dha gaha ka fur eysto IMF iyo World Bank oo uu Beyle eryo, balse haddii ay tallaabadaas qaa daana lama yaqaano in loo fahmi doono khila af siyaasadeed ama qorshe Maaliyadeed.

Xubnaha ku dhow dhow R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waa iska fogeeyeen eedda ka timid dhanka Wasiir Beyle, waxay sheegayaan inuu was iir Cabdiraxmaan Beyle rabay in loo xiro kursigiisa Golaha Shacabka, iyaguna ay taas diideen, halkaas na uu ka xa naaqay.

Kursigaan waa la doortay Dorraad, waxaana qaat ay Dr. Abiib, codkiisa meesha uu dhigi doono lama yaqaano, balse waa Nin saaxiibo badan oo labada dhinacba cilaaqaad dhow la leh.

Doorashada Soomaaliya ayaa ka gudubtay xad kii qiyaasta doorasho caadi ah, si xoog leh ayaa la isku dardarayaa, iyadoo aysan jirin cid loo joojinayo cabashadooda.

Maamul Goboleedyada ayaa u badan kuwa bo obaya kuraasta, mana jiro xafiis awood u leh inuu arrintaaasi joojiyo.

Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ba waxaa ka muuqda daal badan, waxayna hamu un u qabaan, in mar un uu dha mmaado mashruuca doorashada oo uu dalku ka baxo jahwareerka taa gan,

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray ciidanka la geeyey Beledweyne iyo xiritaanka Suuqa Bakaaraha

Golaha Midowga Musharaxiinta Mucaarad ka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ka soo saa ray ciidamada ay Shalay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya geysay Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan.War-saxaafadeed ka ayaa lagu sheegay in tallaabada ciidamada lagu geeyey Beledwey ne tahay qalalaase uu Madaxwey naha muddo-xileedkiisu dhamaaday ka hurinaayo Gobolka Hiiraan.

"Goluhu wuxuu u arkaa in tabashada reer Hiiraan ay tahay qaddiyad siyaasadeed oo u baahan waan-waan iyo wada-xaajood siyaasa deed. Wuxuu kaloo Goluhu u arkaa in socdaal kii uu taliyaha ciidanka lugta ku tegey Gobolka iyo ciidanka Shalay laga dejiyey Beledweyne ay yihiin tallaabooyin wiiqaya fursadaha nabad iyo wadahadal ee khilaafka lagu xalin karo, liddina ku ah habsami u socodka doora shoo yinka iyo fulinta go’aanadii ka soo baxay Gola ha Wadatashiga Qaran ee ahaa in aysan ciidanka ku milmin siyaasada,” ayaa lagu yiri war-saxaafade edka kasoo baxay Golaha.

Midowga Musharaxiinta ayaa wax laga xumaa do ku tilmaamay in Dowladda Soomaaliya ay diyaara do ciidamo ku geyso Beledweyne, iya do qeybo ka mid ah Suuqa ugu weyn Soomaali ya ee Bakaaraha uu u xiran yahay kooxda Daacish oo canshuur ku soo rogtay Ganacsata da suuqaas.

"Waxaa well muuqata in taliyayaasha ciidan ka ay iska dhegatirayaan go’aanadii GWQ iyo baaqy adii bulshada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ka soo baxayey. Haddaba Goluhu wuxuu ugu baaq ayaa Raysal Wasaare Rooble in uu qaato masuuliy adda kaga aadan arrinkan, xaqiiji yana in ciidanka laga dhexsaaro siyaasada, loona jiheeyo la dagal aanka argagexisada Al shabaab iyo Daacish oo albaabada iskugu dhuftay suuqii ugu waynaa gana csiga Soomaa liya ee Bakaaraha.”

Midowga Musharaxiinta ayaa ugu dambeyn ku baaqay in tabashada reer Hiiraan lagu xali yo waan waan iyo wadahadal, waxaana war-saxaafadeedka lagu sheegay in midowga mus harixiinta ay diyaar u yihiin ka qeybgalka xal kaas.

Warqadda kasoo baxday Midowga mushar ixiinta ayaa timid kadib markii Shalay dowlad da Soomaali ya ay ciidamo boqolaal ah geysay Magaalada Bele dweyne oo ay ka taagan xiisad

Dr. Abiib oo u jawaabay wasiir Beyle

Dr. Cabdullaahi Xaashi Abiib oo maalin ka hor ku guuleystay kursiga HOP#201, oo horay uu ugu fadhiyey wasiirka maaliyadda Somaliya Cabdirax maan Ducaale Beyle ayaa duray hadalkii ka soo ye eray wasiir Beyle oo Dorra ad shir jaraa’id Muqdis ho ku qa btay, intii ay socotay door a shada kursigaas.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Dorraad sheeg ay in hadii uusan xildhibaan aheyn uu san wasiir no qdeen, sidoo kale waxa uu si dad ban u weeraray R/wasaare Rooble, isa goo sheegay in kursiga iyo shaqo gudashadiisa maaliyadda dalka ay isi-saame eyeen.

Xildhibaan Abiib ayaa sheegay in Wasiir Beyle ay isaga qaldameen shaqadii xukuumadda u dirsatay iyo kursiga beeshiisa, isagoo xusay in Beyle uu doo nayey in loo xiro kursigaas oo aan lagula tartamin.

Waxa uu sheegay in sanadkii 2016-kii ay isaga iyo Beyle ku tartameen kursigaan, balse markii laga guuleystay uusan ka xumaan, "Shalay doorashadu tii ayey la mid aheyd, waxaana ku faraxsanahay in beeshu ay ii garatay in kursigaan aan ku metelo,” ayuu yiri.

Dr. Abiib ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Wasi ir Beyle "uu isku qalday shaqada xukuum dda ee wasaaradda maaliyadda iyo kursiga xildhibaanka ee beesha.” "Reerka iska leh kursigaan oo degma da Gebiley ama gobolka Awdal, wax ka khuseeya malahan maamulka & hab-maamuuska was aarad da maaliyadda, sida ay u shaqeyneyso wasaaraddu & kursiga beesha wax iska galay majiraan, waxaan maqlay isagoo leh haddii aanan xildhibaan aheyn wasiir ma noqdeen, laakiin anigu waxaan beeshe yda u sheegayaa in labadaas jago ay kala madax bannaan yihiin, oo kii ay ii dhiibtaan aan ugu sha qeynayo” ayuu yiri Dr. Abiib.

Sidoo kale xildhibaankaan cusub ayaa sheegay Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu go’aansaday in kursigaan uusan u tartamin oo loo xiro, "Haddii aad go’aansatay in aadan musharax noqon oo aadan da dkaaga ku kalsooneyn in madaxda dalka aad caro kala dul dhacdo waa nasiib darro kale,” ayuu yiri. Digtoorka ayaa eedeynta wasiir Beyle ku macnee yey mid ay keentay kalsooni darrada ka soo wajah day dhanka beeshiisa, "Ilama fiicna walaalkeeyow inaad meel uga dhacdo madaxa dalka,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Abiib ayaa soo jeedi yey in R/wasaare Rooble oo loo igmaday inuu gar wadeen ka noqdo doorashada dalka aan lagu xag-xagan howshiisa, isagoo cadeeyey in hanaanka uu wax ku wado uu taageersan yahay.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

Haweenay Dowladda Ka Tirsanayd Oo Xalay Lagu Dilay Muqdisho

Waxaa Shalayeyd Muqdisho lagu dilay Agaa simihii maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Fede raalka Soomaaliya , Safiyo Ab uukar Karaani, waxaa na soo baxaya faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilkeeda.

Dilka Haweenyada ay aa waxaa fuliyay koox bistoolado ku huba ys an,waxaana la sheeg ay in ay goobta ay

Isaga baxsadeen dabl eydii dilka fulisay, ink astoo goobta ay soo gaareen Ciidanka amman ka oo howlgallo sameeyay.

Dilka kadib Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyeysay geerida haweenayda.

Hoos ka akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , oo ay ugu horreeyaan Wasiirka , wasiiru Dawlaha , Wasiir ku-xigeenka , Agaasimaha Guud , agaasime waaxee dyada iyo dhammaan howlwadeennada waxay la murugoonayaan geerida Allaha u naxariisto, Agaasi mihii maamulka iyo maaliyadda ee Wasaaradda , Safiyo Abuukar Karaani oo Xalay Muqdisho ku gee riyootay.

AUN Maamo Safiyo, adeeggii qaranka ee marx adaha kala duwan ee waqtiga dheer ah ay ku soo shaqaysay iyo hoggaaminteeda waxay tusaale u ahaayeen Shaqaalaha Rayidka ee Dawladda.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeenaynaa dhammaan Carruurta iyo qoyska. Waxaana Eebe uga barye enaa inuu Jannadiisa ka waraabiyo, samir iyo iima ana naga wada siiyo. Aaamin!

Saadaq John oo si rasmi ah ugu biiray tartanka HOP#248 – Yaa la tartamaya?

Taliyihii hore ee qeybta guud ee boolis ka goba lka Banaadir Saadaq Cumar Xa- san oo loo garan ogyahay Saadaq John ayaa Shalay si rasmi ah ugu biiray musha raxiinta kursiga tir sigiisu yahay HOP#248.

Guddiga doorash ooyinka he er dowl ad goboleed ee Gal mudug ayaa Saadaq John u gud doonsii yay shahaadada musha raxnim ada, sidoo kale wa xa uu guddiga shahaadada u guddoonsiiyay Cabdu llahi Xirsi Diirshe.

Saadaq iyo Cabdullaahi ayaa ku tarta maya ku rsig HOP#248, kaasi oo uu had da ku fa dhiyo Max amed Axmed Abtidoon, oo sida muu qata gebi aha anba ka haray tartan=ka kursiga uu mudada ku fadhiyay.

Kursigan oo deegaan ahaan lagu mateli doono Cadaado, ayaa waxa la rumeysan ya hay in mushar axa ugu cad illaa hadda uu ya hay Taliyihii hore ee qeybta guud ee booliska gobalka Banaadir Saadaq John, wuxuuna taa geero ballaaran ka haysta be esha.

Saadaq John ayaa lagu xasuusta sidii uu uga horyimid muddo kororsigii sharci darada ahaa ee uu watay madaxweynaha muddo xi leedkiisa uu dha maaday Maxamed Cabdullaa hi Farmaajo.

Sidoo kale waxa uu door muhiim ah ka ciya aray dagaalkii Badbaado Qaran ka galeen mu ddo koro rsigaas, kaasi oo markii dambe ku qasbay Farma ajo in uu ka laabto, dalkana uu aado doorasho.

Kursiga HOP#248 ayaa kamid ahaa Afar kur si oo Dorraad uu shaaciyay Guddiga doora shada Galmud ug, sida uu qorshuhu yahay doo rashadiisu qabsoo mi doonto maalinta berri ee ku taariikheysan 27 Jan aayo 2022-ka.

Soomaaliya Oo Raadinaysa Xubinnimada Gola ha Amniga Ee Midawga Africa

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya, Abdul lahi Ahmed Jama Ilka jiir oo xoojinaayo taageerada loo raadinaayo xubinnimada Golaha Amniga ee Mi dawga Africa ayaa Shalay la kulmay Safiirada Dal alka Sey chelles, Tunisia iyo Safiirada Ururka Jaam acada Carabta ee Wada mada Afrikaan ah ee qa abilsan Dalka Itoobiya, Mid awga Afrika iyo Ururka Dhaqaalaha Q/Midoobay ee Afrika.

Safiirka ayaa la wadd aagay dhammaan Safiir adda uu la kulmay ahmiy adda ay Soomaaliya u lee dahay ka mid noqoshada Golaha Amniga iyo Nab adda iyo inay Soomaaliya kamid ahayd aas-aasya shii Ururka Midawga Afrika.

Sidoo kale kulamadaan uu Shalay Safiirka Soo maaliya la yeeshay Safiiradda Wadamada Afrika ee saldhigoodu yahay magaalada Addis Ababa ayaa u sii gogol xaarayo " Shirka caadiga ah ee 40 aad ee Golaha Wasiiradda Midawga Africa ee kadhici do ona Xarunta Midawga Africa, Addis Ababa, 3-4 Fee baraayo 2022 iyo midka Madaxweyneyaasha.

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Itoobiya ayaa dad aal dheeri ah kubixinaayo sidii ay Soomaaliya ugu guuleysan lahayd kursiga Golaha Amniga ee Mida wga Africa markii la gaaro doorashada bisha Febar aayo 2022.

DF OO CIIDAMO KA DAJISAY BELEDWEYNE + UJEEDKA

Diyaarad sidday ciidamo ka mid ah kuwa sida ga arka ah u tababaran ee Kumaan dooska Gorgor iyo kuwa Booliska Haramcad ayaa Shalay laga dajiyey garoonka diyaarad aha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Diyaaradda oo sidday askartay gaareysay illaa 50 askari ayaa Shalay ka amba-baxday gudaha gar oonka diyaaradaha Aadan Cadde ee ma gaalada Muqdisho, waxayna toos uga degtay garoonka diy aaradaha ee Beledweyne, sida ay innoo xaqiijiyeen saraakiil amni.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ciida madan waxa ay hordhac u yihiin ill 400 askari oo ay dowl adda u qorsheysay inay gey so Bele dweyn oo ay haatan ka taagan ta hay xiisad xoogan.

Wararka ayaa she egaya in ciidamadan ay ku biiri doona an kuwa dowladda Soo maa liya ee horay u jog ay magaaladaasi, isl a-markaa naay qayb ka noqon doonaan ciid amada su gaya amniga doorasha da kuraasta taalla gob olka Hiiraan ee bar tamaha Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in amarka ciidamada looga qaaday Muqdisho, laguna geeyey halkaasi uu bixiyey madaxwe ynaha uu wa qtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farm aajo oo maalmihii u dambee yey toos faraha ugula jiray arinta Beledweyn.

Magaaladaan oo hoostegta HirShabelle ayaa wa xaa dhowaan lagu qabanayaa doorashada illaa 25 kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soo maaliya, waxaana xusid mudan in kuraastan mid ka mid ah uu doonayo Fahad Yaasiin oo aad ugu dhow Farmaajo.

Dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ayaa laga dareemaya Hiiraan, waxaana duleedka Beledweyn ku sugan ciidamo gadoodsan oo ka soo horjeedo HirShabelle, walow dhowaan Muqdisho la keenay Jen eral Xuud oo haatan wada-hadal kula jiro dowla dda Soomaaliya.Horay dowladda dhexe ayaa ciidamo uga dajisay magaalooyinka Garbahaarey iyo Dhuu samareeb oo ka kala tirsan maamul goboleed yada Jubbaland iyo Galmudug.

Jeneraal XUUD oo sheegay in DF ay dhabar-jebisay

Jen. Abuukar Xaaji Warsame Xuud, oo ah hog aamiyaha gole isku magacaabay Kacdoonka gobol ka Hiiraan ayaa si adag uga hadlay xiisada ka ta ag an M/Beledweyne ee xarun ta G/Hiiraan. Jen. Xu ud oo la hadlay idaac ada BBC-da ayaa shee gay in dhabarka laga jabinayo wada hadaladii ay u yimaad een M/Muqdisho, islamar kaana ay mas’uuli yadeeda qaadi doono madaxwe ynaha muddo xilee dkii sa uu dhamaaday.

"Beledweyne sida aan had da u jeedo, waxay ku damb eyn doontaa sidii Duusamar eeb iyo Guriceel ka dhacday oo kale, haddii wada-ta shiga iyo miiska aan u nimid la xoo jinin, wax meel la isla dhigin, isku talanaa an la noqon, waxay u ekaanay saa in faraha la isla ga lo, meel xuna ay tagto, masuuliy addaasna iyagaa qaadi doona ber ito,” ayuu yiri Jener- aal Xuud.

Sidoo kale waxa uu sheegay Jeneraalka haddii aan wax laga bedelin sida ay wax u soc daan ay Be ledweyne u dambeyn doonto sidii Dhuusamareeb iyo Guriceel ka dhacday oo kale.

Waxa uu ku baaqay in la xoojiyo wada-hadala da ay u yimaadeen M/Muqdisho oo laga daayo dha barjabinta, xilli Shalay laga dejiyay Beledweyne cii damada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaando oska Gorgor iyo kuwa Booliska Haram cad.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan kuwa dowladda Soomaaliya ee horay u jo ogay magaaladaasi, isla-markaana ay qayb ka noq on doonaan ciidamada sugaya amniga doorasha da kuraasta taalla gobolka Hiiraan ee bartamaha Soom aaliya.

Jeneraal Xuud ayaa hore u shaaciyay in uu wad dada wada-hadalka ku raadinayo tabashada uu qa bay,asaga oo wada-hadal la furay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, kaasi oo u mu uqda mid illaa hadda aan is-fah am rasmi ah laga gaarin.

Daba-Gabeed Oo Shaaciyay In DF Ka Codsa deen Ciidanka Haramcad Ee La Geeyay Baladweyne

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hir shabeelle Yuusuf Axmed Hagar {Daba-gabeed} ay aa khudbad soo dhaweyn ah u jee diy ay Ciidamo ka tirsan ku wa Booli ska Haram cad oo Shalay la geeyay M/Balad we yne ee G/Hii raan. Yuus uf Da ba-gabeed ayaa waxaa uu sheegay inCidanka Har amcad ee la gee yay Baladwe yne ay gurmad ahaan uga dalbadeen DFS oo ay Ciida nkaas ay doonay aan inay soo celi yaan amma ankii Baladw eyne, la na da gaalamaan kuwa ka soo hor jeeda Maamulka Hirsha beelle.

Ciidamada Haramcad ee Bala dweyne tegay ayuu Madaxweyne ku-xigeenka sheegay inay la shaqeyn doonaan Ciidanka Milateriga iyo kuwa Booliska ee halkaas jooga, isla markaana looga baahan yahay inay dib u soo celiyaan sharafta Xarunta G/ Hiiraan.

Daba-gabeed ayaa DFS uga mahadceliyay sida ay uga soo jawaabtay dalabkii Hirshabeelle ee ahaa in loo diro Ciidamo ka tirsan Booliska Haramcad, si ay uga dagaalamaan wax uu ugu yeeray Caddow ga oo Shacabka Hiiraan uu sheegay inay ka xireen waddooyinkii ay ku shaqeysanayeen.

"Dowladnimaa dadka Soomaaliyeed deeqda, waxyaabaha ay dadka qaar ku fakirayaan dadka So omaaliyeed ma deeqaan, dowladnimo waa Ciidan, dowladda Federaalka ee hadda jirta, waxaan ku am maaneynaa sida ay u tayeeysay Ciidamada” ayuu yiri Yuusuf Daba-gabeed oo dowladda mar kale uga mahadceli yay Ciidanka ay Baladweyne geeysay.

Si kastaba tallaabada Ciidamada Booliska Haram cad lagu geeyay Baladweyne ayaa ku soo aaday, iy ada oo weli Magaaladaas laga diidan yahay Madax weyne Cali Guudlaawe oo dhowr jeer ka baaqday safaro uu ku tegi lahaa hal]kaas, waxaana magaal ada qeybo kamid ah heysta maleeshiyaad hubey

san oo diidan Cali Guudlaawe.


QAYBO KA MID AH SUUQA BAKAARAHA OO SHALAY XIRAN

Wararka laga helayo Suuqa Weyn ee Ba kaara ha ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qa ybo ka mid ah Suuqa la xiray ka dib markii kooxda Daacish ay lacago dhee aada ku soo rogtay gan ac satada.

Qaar ka mid ah ganac satada ayaa sheegay, in qaybaha xiran Shalay ay ugu muhiim sany ihiin qey baha lagu iibiyo qalabka dhismaha, waxaana maal mihii la soo dhaafay soo baxayay wararka sheega ya in Kooxda Daacish ay lacago weeydiisatay qaar kamid ah Ganacsa tada Suuqa.

Ganacsatada qaarkood ayaa Warbaahinta u she egay in kooxda Daacish ay waydiisatay, boqolkiiba sodon inuu ka bixiyo qofka ganacsa daha ah hant ida uu ku shaqeeyo, taas oo cu leys ku noqotay Mil kiilayaasha Goobaha Gana csiga.

Ganacsatada ayaa horey u bixin jiray laca go ay ku soo rogeen Al-Shabaab. Dawladda ayaa sidoo kale canshuur ka qaada ganac satada, welina laa maha Amniga Soomaaliya kama hadlin tallaabada an ay Shalay ku xiran yihiin qeybo ka mdi ah Gana csiga Suuqa Baka araha.

una dib u bilowdaan adeegyadii dowliga ahaa.

Taliska ciidamada Xoogga oo shaaciyey inay dileen 20 ka tirsanaa Al-Shabaab

Taliska ciidamada Xoogga da lka Soomaaliyeed ayaa faah faa hin dheeraad ah ka bixi yey howl-gal qorsheysan oo ciidama da do wldda ay ka samee yeen deegaano ka tirsan gobol ka Galgaduud ee bar tamaha dalka Soo maaliya.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo u warramay warbaahin ta dowladda ayaa shaaca ka qaa day in howl-gallada laga sameey ey inta u dhe xeyso degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee dowlad goboleedka Galmudug, isla-markaana lagu beegsaday Al-Shabaab.

Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in ciidama da howl-galka wada ay dileen illaa 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in howl-galladan lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo la gu aasay waddooyin ku yaalla duleedka caasimada Galmud ug ee Dhuusamareeb.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in howl-gallada ay sii socon doonaan, ujeedkana uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa halkaasi, loogana hort egi lahaa weerar adooda.

Howl-galladan ayaa ku soo aadayo, iyada oo Dorraad dagaal toos ah iyo qarax khasaare geystay uu ka dhacay nawaaxiga Dhuusamareeb, wuxuuna khasaare ka soo gaaray ciidamada DFSd ee ka howl-gala halkaasi. Dhuusamareeb ayaa ka mid ah magaalooyinka loo qorsheeyey doorashada, waxa ana haatan ka so cota doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa ciidama da huwanta ay kordhiyeen dagaalka ka dhan ka ah Al-Shabaab ee ka socda gobollada Galg adu ud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Jubbaland oo walaac weyn ka muujisay xaala dda amni ee gobolka Gedo

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jub bal and Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inuu aad uga welwelsan ya hay xaaladda amni ee gob olka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka ay aa rajo xumo ka muujiyay in gobo lka Gedo lagu qaban karo doora shada golaha shacab ka, isagoo sheegay in ammaanka magaala da Gar bahaareey uu faraha kasii baxayo. Maxamuud Sayid Aadan ayaa ku eedeeyay mas uul iyad darrada amni ee gobolka Gedo, madaxweyne Farmaajo, isa goo sheegay in taariikh xumo ka raaci doonto sida uu u go'd oomiyay gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay Maxamuud sayid.

"Haddii gobolka Gedo loo qabsa day in lagu burb uriyo Jubbaland, hadde waxay ila tahay waa lagu guu laysan waayay, waxaana la joogaa waqtigii qol yaha ku soo duulay ay dib can dhuuftooda u liqi lah aayeen oo gobolka arrimihiisa faraha kala baxaan," ayuu yiri Mada weyne ku xigeenka Jubbaland

Gobolka Gedo ayaa ka mid meelaha aadka loogu muransan yahay in ay ka dhicidoonto doorashada golaha shacabka, waxaana gacan ta haysa dDFS. Maamulka Jubbaland ayaa doonaya in Gedo la ga wareejiyo doorashada si ay doorashada ugu ma daxbanaanadaan, halka dowlada ay rabto in doora shada lagu qabto halkas

Taliyaha Ciidanka Booliska "Waxaa Soo Baxay Dembiyo Cusub Oo Aan Hore U Laheyn”

Taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Fede raalka Jen.Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay soo baxa yeen dembiyo cu sub oo horey loo arkin jirin oo la xiriira waxyaabaha aan Anshaxa u wanaagsaneynin.

Taliye Xijaar ayaa tilmaamay in Ciidamo gaar ah oo Boolis ah u diyaariyeen ka hort ega waxyaabaha Anshax xumada ah ee ku soo ba tay baraha Bulsh ada ee wax u dhimaya Akhlaaaqi yaadka Bulshada, in kastoo uu xus ay in Tiknalo ojiyada ay leedah ay faa’iidoyin badan.

Ciidamada Booliska ayuu Taliye Xijaar sheegay inay mas’uliyad ka saaran tahay ilaalinta Anshaxa, Asluubta & Diinta, isla markaana loo baahan yahay inay fasahaadka ka ilaaliyaan dhaqanka, kana horte gaan cid kasta oo sameeyneysa waxyaabaha Xun.

"Waxaa soo baxay dambiyo cusub oo aan hore u laheyn kuwaasi oo wax u dhimaya Akhlaaaqiya adka Bulshada, saameyna ku leh dhaqankeena wa xaan u sameynay ciidan gaar ah oo la Falgala ka na hortaga” ayuu yiri Jen.Xijaar.

Ugu dambeyn Taliyaha Ciidanka Booliska DFS ayaa Carabka ku dhuf tay in hoggaan gaar ah ay u sameeyeen sidii looga hortegi lahaa waxyaabaha Anshax xumada ee lagu faafiyo Tiknaloojiyada, isa goona ku baaqay in laga fogaado Arrimaha wax u dhimaya Akhlaaaqiyaadka Bulshada Soomaali yeed.

Hadalkaan ayuu Taliye Xijaar ka sheegay Muna asabadda Shir Sanadeedka Garsoorka ee Shalay ka furmay M/Muqdi sho, waxaana Shirkaas looga hadlayaa Arrimaha Garsoorka dalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Kulan La Qaatay Wafdi Ka Socday Hay’adda Socdaalka

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Shalay waxaa gaaray wafdi ka soc day Hay’a dda Socdaalka iyo Jinsiyada DFS oo uu hoggaamin aay ay Agaasi maha guud Hay’ adda Socdaalka Cab duqa adir Cilmi Cali.

Wafdigaan ayaa waxaa Garoonka diyaa ra daha Shaati Guduud ku soo dhaw eeyay Mas’ uuliyiin kala du wan oo ka tirsan Maamul ka K/Galbeed, iyago ona M/Baydhabo u tegay Arri mo la xiriira Ha y’adda Soc daalka iyo Jins iyada Soomaaliya.

Madaxweynaha D/G/Koonfur Galbeed Cabdicas iis Xasan Maxamed Laf tagareen ayaa Xarunta Mad axtooyada KMG ah Maamulka kulan kula qaatay wa fdiga uu hoggaaminayay Agaasimaha guud Hay’ad da Socdaalka Cabduqaadir Cilmi Cali. Madaxwey ne Lafta-gareen ayaa waxaa Agaasime Cabduqa adir iyo wafdigiisa kala hadlay dardar-gelinta howla ha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada DFS iyo sidii adeegyada Bulshada deegaanada Maamulka loogu dhammeys Tiri lahaa.Kulanka ayaa waxaa sido kale ka qeybgalay Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Maxamuud Maxamed Kheyr , Agaasime ku xigeen ka Ma daxtooyada Cabdifatax Mahad iyo Agaasim aha Hay’adda Laanta Socdaalka iyo Jinsiya da Qe ybta Koonfur Galbeed Cumar Xaaji Ibraahim

Yaa kusoo baxay doorashadii BF ee Shalay ka dhacday KISMAAYO?

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubb ada Hoose waxaa Shalay ka dhacday dooashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, iyada oo lagu doortay saddex xildhibaan oo ka mid noq onaya baarlamaan ka.

Kursiga HOP127 ay aa waxaa ku guuleyst ay Dr Axmed Aadan Ax med oo helay 84 cod, halka musharixii la tartama yey ee Cabdu qaadir Ca bdullaahi Xirsi uu isna hel ay 84 cod.

Sidoo kale kursiga HOP118 ayaa waxaa ku soo baxay xildhibaan Yuusuf Maxamed Ismaa ciil oo loo qaaday cod gacan taag ah, kadib markii uu tan aasulay musharixii la tartami lahaa.

Kursiga saddexaad ee HOP 126 oo aad isha lo ogu hayey waxaa isna kusoo baxay Xa san Xuseen Maxamed (Eelaay) oo ah wasiirka Gaadiidka dowl ad goboleedka Koonfur Ga lbeed Soomaaliya, wu xuuna helay 74 cod, hal ka musharaxii la tartam ayey ee Cabdiraxman Macalin Xuseen uu isna he lay 21 cod, sidoo kale waxaa halaabay 5 cod.

Kursigan ayaa ka mid ah labad kursi oo ay kala bedasheen madaxweynayaasha Jubba land iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala yaalla Baydhabo iyo Kismaayo.

Jubbaland ayaa horay u qabatay doorasha da ku raas ka mid ah xubnaha Golaha Shacab ka, gaar kuwa deegaan doorashadooda ay ta hay magaal ada Kismaayo ee Jubbada Hoose.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii laga gaaray doorashooyinka Soomaaliya, ka dib shi rkii Golaha Wadatashiga ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xa alad adag oo kala guur ah, taas oo ka dha la tay da aha doorashooyinka dalka oo dib u dhacday muddo hal sano ah.

Ciidamada SOMALILAND oo SARKAAL sare laga dilay

Gaashaanle Dhexe Cabdirisaaq Xasan Dalm ar oo ka mid ah saraakiisha ciidanka Somaliland ay aa waxaa Shalay lagu dilay deegaa nka Goroyo Cawl ee degmada Boorama ee gobolka Awdal.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Dal mar uu dilay mid kamid ah Askarta uu taliyaha u ahaa, ayada oo illaa hadda aan si rasmi ah loo ogeyn sab abta ka dambeysay in uu rasaas ta ku furo.

Askariga dilka geyst ay oo isku dayay in uu xarun ta ka baxsado ay aa waxaa qabtay ciida mada uu ka tirsanaa, kuwaasi oo u gacan geli yay hay’adaha ammaanka, gaar ahaan wax da qaa bilsan baarista dambiyada.

Waxaa durtaba billaabatay baari taanka dilka an, si loo ogaado sab abta keentay in uu askari gaan toogto taliyihiisa AHUN G/Dhexe Cabdiri saaq Xasan Dalmar.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dilka kad ib waxaa deegaanka Goroyo Cawl gaaray Sa raakiil ka tirsan Ciidanka Somaliland, kuwaasi oo wareysi gooni-gooni ah la yeeshay ciidama da ku sugnaa goxobta uu dilka ka dhacay, si ay u ogaadaan macl u umaad ku aadan dhacda daan. Sarkaalka la dil ay ayaa ka mid ahaa Dhalli nyar ada Somaliland ee dalka Ethiopia tabab arka ku soo qaatay, sidoo kale waxa uu ka mid ahaa saraakiil uu sannadkii hore

dalacsiiyay madaxweynaha Somaliland.


Xildhibaanada iyo wasiiradda kasoo jeedda Hiiraan oo kasoo horjeestay Ciidanka Beled weyne laga dejiyay

Siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Hiiraan oo uu qayb ka yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS ayaa hadda shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegay inay ka soo horjeedaan ciidamada do wladda ee la geeyay magaa lada Baledweyne.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay arrintaasi tahay arrin siyaasaddee oo looga gool leeyahay in la boobo kuraasta halkaas taalla ee lagu dooran doono.

Siyaasiyiiintaan ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaadi doono Masuuliyadda wixii ka dhasha.

Ku dhawaad100 Askari oo ka kala katirsan Ciid am ada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Haramcad iyo kuwa Gorgor iyo hubkooda ayaa dowl adda Soomaaliya waxaa ay ka dejisay Garo onka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Bel edwe yne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kuwaas oo laga qaaday Magaalada Muqdiwho.

Ciidamadaan oo laba diyaaradood si kala gaar gaar ah looga daabulay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa la dejiyay me elo kamid ah Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Dhallinyaro U Socotay Xaflad Qalin-Jebin Oo Shil Ku Galay Somaliland & Khasaaro Ka Dhashay

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaa wac ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka M/Wajaale ee G/Gebilay ee Somaliland, waxaana ka soo baxaya faah faahino dheeraad shilkaas dhacay.

Dad la hadlay warba ahinta ayaa u sheegay in shilkaan gaari uu yi mid, kadib markii ay ga ari noo ca raaxda ah oo ay saarnaayeen sad ex ru ux uu ku dhacay gaari oo weyn, xili ay is kaga hor yimideen duleedka Magaalada Wa jaale ee Soma liland. Inta la xaqiijiyay hal qof oo wiil dhalinyaro ah ayaa ku naf-waayay shilka, halka labada qof kalena oo dumar ahaa ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaa si oo la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Har geysa, oo lagula taca alayo xaaladdooda Cafmaad.

Wiilka dhalinyarada ah ee ku dhintay shilkii ka dhacay duleedka Wajaale ayaa waxaa la sheegay in laba bil ka hor uu ka mid yimid Liibiya, waxaana Wiilka iyo 2da gabdhood ay u socdeen xaflada qa lin-jebinta Jaamacadda mid ka mid ah gabdhaha dhaawacmay. Si kastaba, degaano iyo degmooyin ka tirs an So maliland ayaa waxaa marar kala duwa n oo horey uga dhacay shilal sababay dhimasho iyo dhaawac oo waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah oo saarnaa gaadiidka shilalka galay.

Waare oo shaaciyey qorshaha rasmiga ee ciidan ka Farmaajo uu geeyey Beledweyne

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ciidanka la geeyey magaalada Beledweyne ay leeyihiin hal u jeedo, taas oo ah in lagu boobo kuraasta deegaan doorashadoodu tahay gobolka Hiiraan.

Sidoo kale Waare ayaa sheegay in qorshaha Jeneraal Xuud lagu keenay Muqdisho uu qeyb ka yahay boobka doorashada ee Villa Somalia ay qorsheyneyso.

"Waxaa nasiib darro ah in waxa boobkaas ka dhalan kara aan laga sii fekerin, waxaa sii fogaa do onta xiisadii ka dhex jirtay reer HirShabeelle iyo dad ka reer Beledweyne oo gadooda, qasabna ma qa dan doonaan dadkaas,” ayuu yiri Madaxweyne Wa are oo qudhiisu ka soo jeeda Beledweyne.

Waare oo la hadlay VOA ayaa wax laga weydii yey qorshaha Jeneraal Xuud lagu keenay Muqdisho waxuuna yiri, "Anigu waxaan qabaa in mashruuca uu Xuud Xamar u joogo ay Villa Somalia wadato, sababtoo ah tallaabooyinka la qaaday inta uu joo gay Muqdisho ayaa laga garan karaa in wax xush mad ah aan loo heyn, kaas isagaa meeshiisa dhib ku qabee Allaha ku badbaadiyo, anigu ma arko wax miisaan ah oo Villa Somalia uu ku leeyahay,” ayuu yiri.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay inay dhici karto in la qiy aamay Jeneraal Xuud, balse dadkiisii uu kala kulm ayo waji gabax, "Waxaa noo muuqata in u jeedku ahaa in Beledweyne laga soo wado, kadibna wixii la rabo laga sameeyo halkaas,” ayuu yiri.

Waare oo wax laga weydiiyey waxa uu hogga anka HirShabeelle kala socdo qorshaha ciidankaas loo geeyey Beledweyne ayaa sheegay in Madaxwe yne ku xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed uu mowqifkiisa cadeeyey oo ciidanka uu soo dhawee yey Geel ay qashaana u geeyey, balse hadda ay ka war sugayaan mowqifka Madaxweyne Cali Guudl aawe.

"Xalka waxaan u arkaa, maadaama ay arrintu siyaasiyiinta dhaaftay oo aysan waxaba ka qaban karin, in dhaqanka labada beelood ee Beledweyne iyo Jowhar arrintaan loo daayo, si loo badbaadiyo wada noolaashaha dadka, markaas waxaa suurta gal ah in dhaqanku keeno xal la isku aamini karo oo doorasho ku dhici karto,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed Oo Wada-Hadallo Cusub La Furaya Jabhadda Tigreega

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ay jiri doonaan wadaxaajood xabbad-joojin ah oo dhexmari doona dowladdiisa iyo ciidama da kasoo horjeeda ee Tigreega oo dagaal ku jiray ku dhaw aad 15 bilood, sida uu wakaala dda AP u sheegay guddoomiyaha koox qurbo joog ah oo kulan gaar ah la qaatay.

Ra’iisul wasaare Abiy Axmed weli meel fa gaare kama sheegin hadalkan oo kale, iyadoo dadaall ada dhexdhexaadinta caalamiga ah ay socdaan.

Mesfin Tegenu, oo ah guddoomiyaha gudd iga xiriirka arrimaha Mareykanka iyo Itoobiya, ayaa Talaadadii ku tilmaamay qaabkii kulan shanta saac adood qaatay oo Sabtidii uu la yee shay ra’iisul was aaraha ” rabitaan dhab ah oo lagu joojinayo daga alka’, taaas oo uu rajenayo in dhinaca kale ee TPLF ay iyaganu raalli ka yihiin wadahadalka.

Waxa uu sheegay in Abiy u sheegay inay jiri do onaan wadaxaajooyo uu ku tilmaamay kuwa mac quul ah oo ‘ilaalin doona danta guud’ ee qaranka.

Ma jiro wax hadal ah oo markiiba kasoo baxay af hayeenka Abiy, Billene Seyoum, ama afhayeenka ci idamada Tigray Getachew Reda oo ku saabsan war bixinta Mesfin Tegenu ee ah in Ra’isul Wasaare Abiy diyaar u yahay wa dahadal uu la galo TPLF.

Biden;”maraykanka waxa uu cunaqaba tayn karaa putin haddii ruushku soo galo”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay inuu ka fiirsan doono cuna qabateynta shaqsiga ah ee lagu soo rogo Vlad imir Putin haddii Ruushka uu soo weeraro Ukr aine. Mr. Biden waxa uu shee gay in cawaaqib xumo ay ka dha lan doonto aduunka hadii Ruu shku uu talaabo ka qaado qaran kan ku yaala xuduudka koonfur-galbeed.

Hadalkiisa ayaa yimid iyadoo madaxda kale ee reer galbeedka ay ku celceliyeen digniino ah in Ruu shku uu qarash badan ugaga bixin doono duul aanka

Ruushka ayaa ku eedeeyay Mareykanka iyo kuwa kale inay ka badbadinayaan xiisadda arri ntan, wa xayna beeniyeen inay qorsheynayaan inay galaan Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Moscow ayaa ciid amo ka dhistay xadka, iyadoo ilaa 100,000 oo askari oo Ruush ah la geeyay gobolka. Isagoo su’aalo uga ja waabaya saxafiyiinta, Mr Biden ayaa ku jawaabay haa markii la wey diiyay inuu cunaqabateyn saa rayo madaxwey naha Ruushka shaqsi ahaan dhac dada duu laanka.

Waxa uu sheegay in tallaabadan oo kale ee lag a soo tallaabiyo xadka Ukraine ay la mac no tahay "cawaaqib xun oo adduunka oo dhan ah” oo uu no qon karo "duullaakii ugu weynaa tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka”.

Mr Biden ayaa intaa ku daray in uu dareemi do ono waajib ku ah in uu kor u qaado joogi taanka Nato ee bariga Yurub. Balse waxa uu ku cel cel iyay in aanu jirin wax qorshe ah oo ciidamo Maray kan ah loogu dira yo dalka Ukraine lafteeda.

Dhanka kale maamulka Mr Biden ayaa she egay inay la shaqeynayaan shirkadaha shidaa lka iyo ga aska ee adduunka si kor loo gu qaad o shixnadaha u socda Yurub haddii ay dhac do in Ruushku gooyo saadka, sida ay daabacday jariirada New York Times.

Ruushku hadda waxa uu bixiyaa saddex-meelood meel saliidda cayriin iyo gaasta ay keenaan Midow ga Yurub.

Cabsida duulaanka ah ayaa keentay in safa arad aha reer galbeedka ee Kyiv ay la baxaan qaar ka mid ah shaqaalaha.

Laakin madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelen sky ayaa isku dayay in uu ku qanciyo qa rankiisa khudbad uu ka jeediyay TV talaadadii.

"Ma jiraan muraayado midab leh, ma jiraan dhalant eed caruureed, wax walba ma fudu da… Laakin rajo ayaa jirta,” ayuu yiri. "Jirkaa ga ka ilaali fayras ka, maskaxdaada ka ilaali beenta, wadnahaaga ka ilaali argagax.”

Waxa uu sheegay in uu ka shaqeynayo sidii uu kulan ula yeelan lahaa madaxda Faransiis ka, Jar malka iyo Ruushka.

Ruushka ayaa horey u qabsaday dhulka Ukai ne, markii uu qabsaday Crimea sanadkii 2014. Ka dib markii ciidamada Ruushka ay la wareegeen gac an ku haynta, Crimea waxay u codeysay inay Ruu shka ku biirto aftida reer galbeedka iyo Ukraine ay sharci darro u ar keen.

Fallaagada uu Ruushka taageero ayaa sidoo kale maamula degaannada bariga Ukraine ee u dhow xudduudaha Ruushka. Colaaddaasi waxaa ku dhin tay dad lagu qiyaasay

Xigasho:BBCSomali

Ingiiriska Oo Fariin Hanjabaad U Dirau Ruushka, Xili Weli Ay Taagan Tahay Xiisada Ukraine

Ka dib markii Ruushku uu xadka Ukraine ka bilaabay dhoolatus milatari, ayuu Ra’iisul wa saaraha Britain Boris Johnson ugu hanjabay Moscow cunaqabatayn aan hore loo arag had du arrinkaas ka baaqsan waayo

. Boris Johnson ayaa intaa ku daray in dalkii su uu Isha ku hayo dhammaan Talabooyinka daan daansiga ah ee uu waddo Ruushka, ta ana ay keeni doonto in cunaqabatayn dhaqaa le lagu soo rogo Xukuumadda Ruushka.

Ra’iisul wasaaraha Britain ayaa sidoo kale caddeeyay inuu diyaar u yahay inuu mar kale la hadlo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, si uu ugu digo daandaansiga ka dhanka ah Ukraine

MADAXDII ALSHABAAB EE DOWLADDA ISU SOO DHIIBAY, QAARNA WAA XABSI KUWANA XASAANAD AYAY HELEEN


Madaxdii Alshabaab ee dowladda isu soo dhii bay, qaarna waa xabsi kuwana xasaanad ayay heleen Siciid Atam waxaa la sheegay inuu hadda ku noolyahay dalka Qatar Sanadihii lasoo dhaafay, waxaa dowladda federaalka Soomaaliya isu soo dhiibay madax iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan Al shabaab kuwaas oo sheegay in ay ka tanaasuleen fikirkii ururkaasi, islamarkaasna taageereen dowla dnimada Soomaaliya.

Hase yeeshee dhammaantood ma aysan wada helin maamuuskii iyo soo dhoweyntii ay filanayeen, qaar ayaa xasbiga ku jira muddo sanado ah, qaar kalena dowladda ayay xilal ka qabteen, halka kuwa kalena iyaga iyo qoyskoodaba ay fursad u heleen in ay aadaan dalka dibaddiisa.

Haddaba maxaa ugu wacan in qaarna ay xabsi ku raagaan, qaarna ay xasaanad iyo shaqooyin do wladeed helaan?.

Shawqi Xayir waa falanqeeye arrimaha Geeska Afrika, waxa uu qabaa in barnaamijkii cafiska oo dhan la siyaasadeeyay, islamarkaasna laga booday dhammaan hab raacyadii degenaa, ayna xaaladda noqotay rabitaanka shaqsiyaadka madaxda ka ah dowladda.

"Hadda haddii aad u fiirsatid arrinka Mukhtaar Rooboow oo kale waa lasoo dhoweeyay, kadib wuu is sharaxay, waa lagu taageeray, balse markii ay muuqatay in uu guuleysanayo ayaa la xiray, taas waxa ay kuu sheegeysaa in waxa dhan ay siyaasad eysanyihiin" ayuu yiri Shawqi.

Waxa kale oo uu sheegay in madaxda federal ka ee hadda joogta ay u muuqdaan kuwa midba midka kale uu ka ficil qaato, kuna xumeeyo go'aan ka uu qaadanayo "Tusaale wasiirka amniga wuxuu yiri xaaladda Mukhtaar Rooboow war haka keento NISA, kadib warbaahinta ayaa jawaabta loo mariy ay, iyada oo la leeyahay wuu fiicanyahay, jaamacad ayuu dhigtaa, waxaa halkaasi kuu muuqanaysa in wada shaqayntii dowladda dhexdeeda ay aad u xun tahay".

Wuxuu intaas ku daray in saraakiisha iyo mada xdii Alshabaab ee laga yaabi lahaa in ay isa soo dhiibaan ay dhici karto in ay lugta gadaal u dhigaan , iyaga oo arkaya sida uu yahay xaalka dowladda.

Haddaba yaa ka mid ah madaxdii Alshabaab ee qaarna xabsiga ku jira, qaarna maamuus iyo xilal heley?.

Maxamed Saciid Atam

Waa xubin sare oo ka tirsanaa ururka Alshaba ab kana dagaalamayay buuraha Galgala ee gobol ka Bari. 7 dii June, sannadkii 2014 ayuu ku dhawaaqay in uu ka goostay uru rka Alshabaab islamark aana uu ka tanaasulay guud ahaan feker kii ururka ee uu u dagaallam ayay.

Isaga oo sababeynaya isa soo dhiibiddiisa ay uu yiri "Waxaan caddeynayaa in wixii Shalay ka da mbeeya aan ka baxay Al-shabaab, isla markaana aan joojiyay colaaddii aan qaybta ka ahaa; waayo waxaan in muddo ah u dul-qaadanayay khaladaad ka hoggaamiyaha Al-shabaab, Axmed Cabdi God ane uu ku hayo shareecada islaamka iyo dadka mu slimiinta ah. Arrimo badan oo jira awgood, dhalliny arada loo sheegay in loo dagaalamay isku xukunka shareecada islaamka ma ahan wax sax ah," ayuu ku yiri shirkiisii jaraa'id ee ugu horreyay ee uu qab tay Atam. Wixii markaas ka dambeeyay dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa dowladda Qadar ayaa ka caawisay in Atam uu magangalyo siyaasadeed ka helo Dooxa, 23-kii bishii Febraayo sannadkii 2016 kii ayeey ugu dambeyn Atam iyo ehelkiisa u hayaameen Qadar iyadoo la fulinayo heshiiskii labada dhinac.

Sakariya Axmed Ismaaciil Qoraalka sawirka,

8 Maarso 2015 ayay dowladda Maray kanka liiska argagixisada ka saartay Sak ariye Dhanka kale waxaa jira xubna sar sare oo ka tirsanaa ururka Alshaba ab, kuwaas oo dowladda Soomaaliya la shaqeeya hadda. Mad axii hore ee amniyaadka Al shabaab Sakariya Isma aciil Xirsi oo horey Marey kan ku madaxiisu u duldh igay 3milyan oo dollar ayaa December sannadkii 2014 isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Sannadkii 2017 ayaa loo magacaabay madaxa sirdoonka hay'adda nabadsugidda Soomaaliya ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano NI SA, ka hor inta aanan xilkaas laga qaadin Dece mber 2019 kii. Inkasta oo Sakariye uusan door firfirc oon ka ciyaareyn howlaha hay'adda muddooyinkii u dambeeyay, haddana waxaa la aaminsan yahay in uu qeyb ka yahay saraakiisha ugu waaya aragsan NISA.

Isa soo dhiibiddii Sakariye waxa ay waddada u fu rtay in saraakiil heer dhexaad ah oo ka tirsanaa ur urka Alshabaab iskusoo dhiibaan hay'adaha dowl adda sida ay aaminsan yihiin khubarrada dhanka ammaanka.

8 Maarso 2015 ayay dowladda Maraykanka liiska argagixisada ka saartay Sakariye

Xasan Daahir Aweys Qoraalka sawirka,

Marka laga soo tago xubnaha isa soo dhiibay ee dhammeystiray shuruudaha, waxaa jiray saraakiil sarsare oo ka tirsanaa Alshabaab islamarkaana aan dhammeystirin hanaanka isa soo dhiibidda. Sheekh Xasan Daahir Aweys hoggaamiyihii hore ee ururka xisbul Islaam, markii dambena ku biiray Alshabaab ayaa weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho. Haddaba Xuseen Sheekh Cali markale ha inoo sharxo farqiga u dhexeeya Xasan Daahir Aweys iyo isa soo dhiibayaashii kale.

"Kiiska Xasan Daahir waa uu ka duwan yahay kiisaska Rooboow iyo Atam. Xasan isma soo dhi ibin, inkastoo uu dhowr jeer lasoo xiiriray dowladda, aniguna aan kamid ahaa dadkii la macaamilayay, haddana go'aan ayuu markii dambe ku qaatay in uu Galmudug ka dago qaab qabiilna isku dhiibo, markii uu Galmudug tegay qabiilka ayaa dowladda usoo gacan geliyay oo qaab aan ka wada dharagsannah ay ayuu Xamar ku yimid, waa lala hadlay, oo la isku dayay in lagu qanciyo in isaga oo aan isa soo dhiibin isa soo dhiibe noqdo, ha yeeshee waa uu ka biya diiday Xasan Daahir sidaas ayuu xabsi guri u yahay illaa hadda, Mar haddii uu diiday in uu oggolaado saddexdii qodob ee muhiimka u ahayd isa soo dhiib idda, ama uu si cad u sheego in uu ka tanaasulay fekerkiisa". Inta badan waa ay xirmeen xerooyinkii loogu tal agalay isa soo dhiibayaasha, sida ay ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen, halka hoos u dhac badan laga dareemayo isa soo dhiibayaasha heerka dhexe iyo kuwa sare tan iyo markii dowladda Soomaaliya ay xabsiga u taxaabtay Mukhtaar Rooboow Abuu Ma nsuur oo horey iskugu soo dhiibay dowladda Soo maali, sida uu qabo wasiir hore Cabdirashiid Cabdu llahi.

April 2017, madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyay cid kasta oo dooney sa inay Alshabaab kasoo baxdo iskuna soo dhiibto dowladda Soomaaliya, taas oo fursad u siisay inay isoo dhiibaan tiro aad u badan sida uu ii xaqiijiyay sarkaal magaciisa diiday inaan warbaahinta u isticm aalno oo ka tirsan xarunta dhaqancelinta Sarandi.

Sh.Mukhtaar Rooboow XIGASHADA SAWIR KA ,AFPQoraalka sawirka,

Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay Aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaall amaya Soomaaliya.

Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaaki imta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii la dagaala nka argagixisada oo ay ku mideys naayeen dag aal oogayashii Muqdisho.

Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday ho ggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dha mm aadkii 2006-dii.

Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey faga arayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Laakiin waxaa loo arkay in Ro ob ow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hogg aamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alsh abaab, ayna ku jirtey wa ddaniyad, sida laga soo xigtay dadkii ka agdhowaa.

Rooboow ayaa mar noqday afhayeenka Alshab aab, markalena wuxuuba gaaray illaa heer hogga amiye ku xigeenka Alshabaab.

Waxaa xitaa la sheegey in Roobow uu ka qeybg alay shirkii Asmara ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqday.

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bi shii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iya doo las oo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyee llo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Robow.

Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.

GUNNAANAD

Waxaa kale oo jira saraakiil boqolaal gaaraya oo siyaabo kale duwan iyo meelo kala duwa dowladda isugu soo dhiibay, kuwaas oo qaarkoodna ay xabsi ku dambeeyeen, qaarkoodna ay xilal muhiim ah ka hayaan dowladda ayba mar ka qabteen.

Meelaha ay galeen waxaa ka mid ah ciidamada kala duwan ee amniga, guddiyada doorashada, was aaradaha iyo xitaa maamul goboleedyada.

XIGASHO:BBC


Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay wakiilka cusub ee Ingiriisku usoo magac aabay Somaliland

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabalay wakiilka cusub ee do wlada Ingiriisku dhawaan usoo magacowday Som aliland Lizzie Walker, iyo saraakiil sar sare oo ka tirs an xafiiska Ingriiska ee So maliland.

Warsaxafadeed kulanka ka soo baxday ayaa lagu she egay in labada dhinac ka wada hadleen xidhii dhka Ingiriiska iyo Somaliland, waxaanu madaxw eyne Biixi bogaadiyay doodii uu Baarlamaanka Ing iriisku ka yeeshay qadiyada aqoonsiga Somaliland.

"Madaxweynuhu wuxu uga mahadnaqay dow lada Ingiriiska iyo baarlamaankeeda-ba dadaalkii iyo juhdigii ay galiyeen, in dareenka madaxb annaanida Somaliland ay la wadaagaan beesha caalamka”.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Marwo Walker ay iyaduna dhankeeda bogaadisay horumarka iyo dimuquraadiyada ka jirta Somaliland, "Wakiilku waxay xustay in ay la dhacsantahay dadaalka hour marineed iyo dumuquraadiyadeed ee ka hana qaad ay J. Somaliland”.Kulanka waxaa madaxwey naha dhankiisa ku weheliyay Wasiir ku xigeenka Wasa arrada Arrim aha Dibadda iyo Iskaashiga-caalamiga ah ee Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip