
Faankii Fahad iyo Fiyonadii Za'iir- Faallo jawaab ah
Waxaan ka dhoofayaa Addis Ababa waxaana wattaa jaan tusyada xeryaha ciiddanka Itoobiya, hadday xabashidu igu arkaan waa qoor gooyo aan qiil lahayn, xafiiskii aan ka jaranayay tikitka ayaan ku arkay qof Haweeneey reer Za’iir ah ( Fiyona) oo gu’gii 40 aad aan is leeyahay waa dhaaftay ladnaanse ka muuqato, si indha adayg ah ayaan u bartay waxay u safraysaa Kinshaasa oo aan sii mari doono si aan Qaahira u gaaro, hotelkay ku jirtay ayaan u raacay waxaan hubsaday dharaarta ay baxayso, nasiib wanaag 7 casho ka dib ayay dhoofi doontaa, intaan haleel ugu laabtay xafiiskii tikidhada ayaan dharaarteedii ku aadistay, hotelkiina dhinac baan kasoo dagay.
Sagaal boqol iyo jajab dollar ah oo aan wattay iyo jaan tuskii ayaan boqshad ku ritay, Fiyoona ayaan subaxdii aanu bixi doono inta qolka ku garaacay iri waan iska joogayaa oo xoogaa Dollar ah ayaan ka baqayaa in la iga qaatto markaan xal u helaan soo dhoofiye iska nabad gal, waxay tiri ma dhacayso anigaa kuu qaadaya oo waxaan galin meel aan la baari karayn, si dhaga waddanaan leh ayaan uga yeelay si nabad ah ayaan Kinshaasa ku gaarnay xoolahaygiina kula wareegay sooryadii safarka markaan ka baxshay xaashiyahaygii muhiimka ahaa ayaan Qaahira la aaday oo aan xamar uga soo baxay Islaantaas maysan ogayn waxay waddo miisaanka iyo muhiimadda uu leeyahay.
Gu’yaashii uu Fahad Yaasiin ahaa Taliyaha NISA, Taliskeeda waxaad mooddaa inaysan wax badan ka duwanayn Islaantii Xogta muhiimka ii wadday aanse ka warhayn waxay siddo qiimaha ay u leeyihiin Qaran Soomaaliya la yiraahdo, Hay’addu waxay qabatay oo ay ku faani karto waxay ila tahay inay adkeeyeen ammaanka xarumaha ay Madaxdu dagan tahay, jidadka loo maro iyo goobaha ay ku kulmaan, waxaa yaraaday dadkii la iska xiran jiray waxaase soo kordhay in Safaaradaha qaarkood aysan qof Soomaali ah siinin Dal ku gal ilaa uu NISA ka helo ogolaansho, helitaanka ogolaan shahaas shacab badan waxay u maraan dullaaliin dollar ka qaata.
NSS tii Soomaaliya sanidii hore waxaan ka shaqayn jirtay nabad galyada dalka iyo dadka soomaaliyeed hasa ahaatee nasiib xumadu waxay dhacday 80 aadkii markaan u xuub siibanay la dagaallanka shacabka Soomaaliyeed, xiligan haattan la joogo xoogga shaqada Hay’adda NISA waxaa laga dhigay dullaal Siyaasadeed waliba gurracan kulamadii ugu badnaa ee Taliyaha NISA Fahad sanadihii tagay wuxuu la qaatay Xildhiiban iyo cid doonaysa Xildhibaan xooggiisa wuxuu isugu geeyay inuu helo codadkii lagu dooran lahaa Madaxwaynaha xiga Farmaajo, Dadka badankii waxay u malaynayaan inuu Ina Yaasiin waardiye u yahay Farmajo xogtuse sidaas way ka duwan tahay.
Inta Xuduudaheenu iska balaqan yihiin, inta badeeco dhacday lasoo waariyado, inta shilimaadka Khaliijka aan u hanqal taagayno NISA wax wanaagsan oo ay samaysay oo lagu faano inoogama muuqdaan. Xildhibaanada dooranna kama sugayno geed waaban inay geeyaan Qaranka maydkaa.
W/Q: F Xiirane (NSS 1976 – 1991)
XIGASHO:-CAASIMADDA.NET
Faankii Fahad iyo Fiyonadii Za'iir- Faallo jawaab ah
...