HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSWKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 24-KAJAN. 2022-KA

0
Monday January 24, 2022 - 08:43:07 in Wararka by
  • Visits: 555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSWKA M.TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 24-KAJAN. 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Farmaajo Iyo Jeneraal Xuud Oo Kulankii Ugu Horreeyay Ku Yeeshay Xarunta Madax tooyada

Kulankii ugu horreeyay ayaa waxaa uu Xarunta Madaxtooyada ku dhexmaray Madaxweynaha muddo xilee dkiisa dhammaaday ee Maxa med Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyaha kacdoonka Hiiraan Jeneraal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo siweyn uga soo horjeeda Maamulka Hirshabeelle.

Warar la helayo ayaa sheegaya in kulanka Fa rmaajo iyo Jeneraal Xuud uu ku koobnaa oo kaliya mid is barasho ah iyo xog-wareysi ku aadan xaalad da Gobolka Hiiraan, waxaana kulankaas ka dhacay Madaxtooyada uu ahaa mid hordhac u ah is araga labada dhinac.

Hoggaamiyaha kacdoonka Hiiraan Jeneraal Abu ur Xuud ayaa waxaa la tilmaamay in Madaxweyne Farmaajo uu Warbixin ku aadan marxaladahii kala duwanaa ee Kacdoonka soo maray siiyay, una she egay inay doonayaan waxa ka maqan.

Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaad ay iyo Jeneraal Xuud ayaa la sheegay inay kulamo kale ka yeelan doonaan xaaladda ka taagan G/Hii raan iyo howlaha Jenanka u yimid Muqdisho ee ku saabsan diidmada ay kala soo horjedan Hirshabele.

Jen.Xuud oo si weyn uga horjeeda qaabka dhisma ha Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan soo gaa ray Muqdisho, kadib markii uu heshiis is afgarad ah M/Baladweyne kula gaaray Taliyaha Ciidanka lugta Jen. Biixi, iyagona isla yimid Caasimadda Xuud ayaa duleedka Baladweyne ku heysta maleeshiyaa d fara badan oo isaga ka amar qaata, waxaana dhowr jeer dagaal kala duwan oo dhaliyey khasaaro dhimasho iyo dhaawac, Jabhadiisa la galeen Cii danka DFS iyo kuwa Hirshabeelle.

Golaha Wasiirada Xilgaarsiinta Oo Ka Laabtay Go’aankii ONLF Ugu Aqoonsadeen Agagixiso

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Shalay oo Axad ah yeeshay kulan aan caadi aheyn oo uu shir gudd oominayey Ra’iisul Wasaaraha XFS Md.Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka 7aadlaha ah ee Golaha Wasiirka ayaa waxaa looga hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka, siyaasadda, amniga iyo dib uga laabasha Go’aan ay horey Xukuumaddii Xasan Cali Kheyre u gaartay.

Golaha Wasiirrada ayaa ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuuma dda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoon saday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiya.

Wasiirada ayaa inta badan u codeeyay qaraarkaas Shalay la horkeenay Golaha Wasiirada Xukuumad da xilgaarsiinta, iyadoo Wasiirka kaliya ee diiday uu ahaa Wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka uu ka aamusay Wasiir Xamse Maxamed Xamse.

Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii R/Wasaarihii ho re Xasan Cali Kheyre ayaa sanadkii 2017 u aqoon saday ONLF inay tahay Urur Argagixiso ah, sidoo kalena sharci ka dhigtay go’aankii dhiibistii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax.

Qalbi-Dhagax oo sheegay tallaabo ay qaad aya an kadib go’aankii xukuumada Rooble

Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Shalay Golaha wasiirrada Soomaaliya ay ka saa reen liiskii lagu daray ee argagixisada, isaga iyo ur urkiisa ONLF ayaa Xalay shir jaraa’id ku qabtay M/ Nayrobi ee dalka Kenya, isagoo soo dhaweeyey go’ aankaas, aadna ugu mahadceliyey xukuumadda Rooble. Qalbi-dhagax ayaa tallaabadii Shalay go’ aan geesinimo leh ku tilmaamay, isagoo shaaciyey inay qaateen raali gelintii golaha wasiirrada Soom aaliya, isagoo ku hadlaya magaca ururka ONLF.

Sidoo kale Qalbi-Dhagax ayaa sheegay inay qaadayaan tallaabo ay meel ka sta dacwo uga dhigayaan raggii ku dhibaateeyey magaca dowladnimada Soomaaliya, isagoo mid mid ugu ma had celiyey wasiiro faro ku tiris ah oo 2017-kii diiday go’aankii ay xukuma dii Xasan Cali Kheyre ugu aqonsatay argagixisada.

Qalbi-dhagax waxa uu sheegay in ONLF ay meel kasta dabbaal degyo ka dhigeyso Xalay, isla mark aana ay soo saari doonaan war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku shaacinayaan soo dhaweyntoda go’aan kaas. Waxa uu sheegay in R/wasaare Rooble ay ku la kulmeen Magaalada Nayrobi ee dalka, isla mark aana uu xiligaas ka ballan qaaday in burburinta go’ aankaas ay mar un xukuumadiisu ka fariisa doonto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Rooble uu qor sheynayey in mar hore la gaaro go’aankaan, balse ay jireen jid gooyo siyaasadeed oo uu kala kulmaay ey xafiiska Farmaajo iyo dhinacyada taabacsan.

"Mas’uuliyadda 1aad ee dhiibitaankeygii waxaa lahaa Farmaajo, xildhibaano u tegay 20 beri kadib markii la I dhiibay ayuu ku yiri sheegta ninkaas ma gtiisii anigaa dhiibaye, sidoo kale G/wasiirrada isa gaa fariisiyey markii aniga iyo ONLF argagixisada ay nagu shaabadeeyeen, markii laga reebo 3-xubno od wasiirradu waa u codeeyeen qaraarkaas dulmig a ahaa,” ayuu yiri Cabdikariin Qalbi-Dhagax.

Daahfurka Buugga Diplomaasiyadda Iyo Dunida Oo Uu Qoray Danjire Cabdi Shire Oo Muqdisho Lagu Qabtay.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda XFS Md.CabdiSacid Muuse Cali ayaa ka qeyb galay da ahfurkii buugga diblomaasiyada iyo dunida oo uu qo ray danjire Cabdi Shirre Warsame oo ah rug cadaa ku xeel dheer arrimaha diblomaasiyada iyo Sooyaal kii siyaasada kaas oo Wasaarada Arimaha Dibada ka soo shaqeynayay in ka badan 40 sano.

Munaasabada daahfurkaan buuggaan ayaa wax aa qeyb ka ahaa wasiiro, Senatoro, Xildhibaano, Dib lomaasiyiin, aqoonyahano iyo bahda akhriska iyo qoraalka waxaana buugga si weyn loogu falan qeeyay macaamilka diblomaasiyada isaga oo ka mid noqonaya buugaagta afka Soomaaliga ku qor an ee dhif iyo naadirka ah kuwaas oo ka hadkaya ar rimaha diblomaasiyada iyo habmaamuus kooda.

Aqoonyahanada iyo Masuuliyiinta goobjooga ah aa daahfurka buugga ayaa uga mahadceliyay qora ha in buugga ku qoran yahay luuqada Soomaaliga iyo in aqoontiisa iyo qibrada uu buulshada la wadaaggay.

Danjire Cabdi Shirre War same oo ah qoraha buuga ayaa sharaxaad ka bixyay fahamka uu buuggaan siina yo qofka aqristaha ah

Wasiirka wasaarada arimaha dibada Md.Cabdi Saciid Muuse ayaa sheegay in buuggaan muhiim u yahay dadka looga baahan yahay inay diblomaasi yada fahmaan.

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay Xildhibaannada Dorraad la doortay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Md.Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxt ooyada Puntland ku qaabilay Xildhiba anada cusub ee loo doortay Dorraad in ay Puntland ku metelaan Golaha Shacabka.

Madaxweynaha ayaa u hambalyeeyay Xil dhib aanada cusub wuxu una u rajeeyay in alle u fudud eeyo masuuliyadda loo doortay.

puntland ayaa Dorraad waxaa ay dooratay Shan tii kirsi ee ugu horreeysay ee ku matalaya Golaha Shacabka.

Qarax lagu dilay Mas’uul oo ka dhacay Magaala da Muqdisho

Guddoomiye kuxigeenkii Waaxda 4aad ee de gmada Kaxda ee GobolkaBanaadir ayaa u geriyoo day dhaawac ka soo gaaray qarax lala beegsaday Gaari uu watay. Qarax miinada nooca dhul ka lagu Aaso ah ayaa haleelay Gaaeiga Guddoomiye ku xireenka xilli uu marayay mid ka mid ah waddooyi ka gala degmada kaxda.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay laba ruux oo kale, iyada oo dhowr jeer meelo ka mid ah waddooyinka gala degmada Kaxda qaraxyo lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulada degm ada Kaxda igo degaanka Garasbaa leey.

Muxuu Cumar Cabdirashiid ka yiri doorash adii Dorraad ka dhacday magaalada Garowe?

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Md. Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo qoraal ko oban soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa si adag uga falceiyey doorashadii xubnaha Golaha Shacab ka ee Dorraad lagu qabtay gudaha M/Garoowe.

Cumar Cabdirashiid ayaa walaac xoogan ka muujiyey doorashadaas, isaga oo su’aallo badan ka keenay, gaar ahaan waxa kalifay in doorashada la gu qbato xero ciidan dhexdeeda.

Sidoo kale wuxuu su’aallo kale ka keenay sida guddiga doorashooyinka u wejihi karo arrimahan iyo cidda ay tahay in lagala xisaabtamo.

"Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sha rci-darradaas.

Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyin ka aan dhammaadka lahayn ee muu qda,” ayuu ku yiri qor aalka uu saar ay C/Cabdirashiid.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay in dhacdooyinkan aad uga argagax bad an yihiin wixii ay horay uga baqaye en siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee qaybta ka ah do orashada socota.

"Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga arg agax badan wixii aan horay uga baqaynay,” ayuu sii raaciyey, ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Doorashada ka dhacday magaalada Garoowe oo ah tii ugu horreysay xubnaha Puntland ee G/ Shacabka Soomaaliya ayaa aad loo dhaliilay, wax aana xubnaha la doortay ay aad ugu dhow yihiin madaxweynaha maamulkaasi, Md.Saciid C/hi Maxamed (Deni).

Arrimahan oo idil ayaa ku soo aadayo, ka dib he shiiskii Muqdisho ee Golaha Wadatshiga Qaran, kaas oo lagu caddeeyey in wax laga beddalo hann aanka doorashada oo ay cabasho ka keeneen mucaaradka, laguna go’aamiyey in la soo gabaga beeyo 25 Feberaayo ee 2022.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen

Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Mudane Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe ayaa Markale Ku Celiyay baaqiisa ku aadanaay isku gur mashada Dadka ay Abaaruhu saameyen Dowlad Gobolkeedka Hir-shabe elle.

Madaxweynahu ayaa Sheegay inay Sii kordhey so Abaaraha Dalka kajiro Gaar ahaan Dowlad Gobol keedka Hir-shabeelle .

Waxaa uu tilmaamay inay ka Dowlad ahaan Wadaan Dadaallo Xooggan oo Loogu Gurmanyo dadka Abaaraha galaafteen.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle ayaa ugu baaqay Ganacasato iyo Dowladaba in leyska Garabsado Caawinta kumanaanka Abaaraha aay Saameyen ee Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle,

Haa’yadaha Gargaarka Ayuu ugu baaqay inay ka qeybqaatan Gurmashada.


Xasan Sheikh "In ONLF Argagixiso Lagu Summadeeyo Waxay Muujineysaa Madax bannaani La’aan”

MadaxweyneXasan Sheikh Maxamuud ayaa ka laabashadii Shalay ay Golaha Wasiirada Xukuum adda Federaalka Soomaaliya kaga laabteen go’aan kii gurracnaa ee horey ONLF loo gu summa deeyay urur argagax iso. Waxaana uu she egay Xas an Sheikh inay Soomaaliya ku soo celineyso wadda dadii toosn ayd ee dibl omaasiyadda dhex dhexaadka ah, isagoo xusay in ONLF argagixiso lagu summadeeyo ay muujineys ay madaxbannaani la’aanta siyaasadd eena arrim aha dibadda muddooyinkii dambe.

R/Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Goleh iisa Xukuumadda ayuu madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud ku bogaadiyay go’aankan taariikhiga ah ee ay Shalay gaareen.

Golaha Wasiirada XFS ayaa kulan ay yeesheen Shalay waxaa ay ku laaleen tallaadii ururka ONLF loogu aqoonsaday Argagixiso.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa dhankiisa soo dhaweeayay go’aankii Golaha Fulinta ee JFS ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso.

Go’aanka Golaha Wasiirada Ee ONLF Oo Si Weyn Loo Soo Dhaweeyay

Waxaa si weyn loo soo dhaweeyay go’aanka ay golaha wasiirada ay ugaga noqdeen go’aankii sana dkii 2017 ay xukuumada ururka ONLF ugu aqoonsa tay argagaxiso.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh.Axmed ayaa soo dhaweeyay go’aanka golaha wasiirada waxana uu qoraal uu soo dhigey bartiisa ku yiri;-

"Waxaan bogaadinayaa, soo na dhoweynayaa go’aanka Gola ha Wasiirada xukuumadda Fede raalka Soomaaliya uga laabtay qaraarkii 2017 ururka ONLF Xuk uumadda ugu aqoonsatay urur argagixiso, laguna dhiibay Cabdikariim Sh Muuse Qalbi Dhagax, waa go’aan taar iikhi ah oo hoosta ka xariiq ayaa qaranimada iyo sharafka um madda Soomaaliy eed.”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxaa soo dhawe eyay go’aankan Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxam uud waxana uu yiri;

"In ONLF argagixiso lagu summadeeyo waxay mu ujineysay madaxbannaani la’aanta siyaasaddeena arrimaha dibadda muddooyinkaan dambe. Ka laabashada Shalay ee go’aankaas gurracnaa waxa uu Soomaaliya ku soo celinayaa waddadadii toosna yd ee diblamaasiyadda dhexdhexa adka ah. Waan bogaadinayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo Golehiisa wasiirrada.”ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid ay aa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Wasiirada ee looga noqday go’aankii ONLF looga dhigay argagi xisada iyo raali gelinta laga bixiyay falkii baalmarsa naa Soomaalinimada ee lagu dhiibay Qalbi Dhagax.

"Go’aankii 2017 waxa uu ahaa taariikh mad ow,Well Done Ra’isul Wasaare Rooble”ayuu yiri Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo ka mid ah madaxda soo dhoweeysay go’aanka Golaha Wasiir ada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ayna ku saxday qaladkii taariikhiga ahaa ee ay horay Xuk uumaddii hore ugu aqoonsatay ONLF inuu yahay Urur Argagixiso.

Sidoo kale waxa uu Madaxeynaha Jubbaland u ga mahad celiyay golaha wasiirada garwaaqsiga ay garwaaqsadeen in falkii lagu dhiibay Muwaadin Ca bdikariin Sheekh Muuse Qalbidhagax ahaa fal qal ad ah,ceebna ku ahaa qaranimada iyo sharafta ummada Soomaaliyeed. Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar ayaa soo dhoweeyay go’ aankii looga noqday ee ONLF looga dhigay argagi xisada iyo raali gelinta laga bixiyay falkii Qalbi Dha gax lagu dhiibay ee baal marsanaa Soomaa linimada.

"Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aanka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqo onsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan ca dawna lagu galiyay halgamaa Abdikarim Sheikh Mu use (Qalbidhagax).”ayuu yiri Mustafa Cagjar.

"Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax gali yay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soomaa lida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.”ayuu sii raa ciyay Madaxweynaha ismaamulka Soomaalida.

Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficiladii lamidka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaaliyeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamayaal Soo maaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu hayay dad kooda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dhal eeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu ba aqayaa inay ka bixiyaan raali-galin buuxda.

Beyle oo ka hadlay arrinta laga faafiyey ee Qal bi-Dhagax iyo ONLF iyo sida ay Shalay wax u dhaceen

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxma an Ducaale Beyle ayaa iska soo duubay muuqaal uu ku beeniyey in Shalay uu diiday go’aankii ONLF iyo Cabdikariin Qalbi-Dhagax looga saaray liiska argagixisada oo xukuumaddii uu ka tirsanaa ee Xasan Cali Kheyre ay ku dartay.

Markii uu Shalay soo baxay go’aankii ay xukuuma dda Rooble ku saxday khaladkii hore ayaa waxaa baraha bulsh ada aad loogu fa afiyey in Wasiir Beyle inuu ahaa codka kaliya ee diiday kiiska ONLF iyo Qalbi-Dha gax.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qiray in mudadii uu socday shirka golaha wasiirra da uu soo jeediyey in dib loo dhigo ajendaha ku saabsan ari nta Qalbi-Dhagax iyo ONLF.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in u jeedkiisu uu ahaa in kiiskaan loo maamuuso sida uu u weyn yahay, balse mar kasta uu taageersanaa halganka gobonimo u dirirka ah ee ONLF.

"Waxaan Internetka ku arkay warar been abuur ah oo dhahaya Beyle waxuu diiday in ONLF laga sa aro liiska madow, arrintaasi waa been, markii wax la falanqeynayo waxa jira ajende, ajendaha nooguma jirin arrintaan, marka anigu waxaan soo jeediyey in kiiskaan muhiimadda uu leeyahay loo yeelo oo aj endaha lagu soo daro, aniga ka Beyle ahaan ma dhici karto in walaalahey ONLF aan dulmiyo,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxa uu sheegay in madaxda ONLF ay saaxi ibo yihiin oo qaarkood ay horay u soo wada shaqe eyeen, haatana uu u aqoonsan yahay rag guul ka gaaray gobanimo u dirirkooda.

"Waxaan aad ugu mahad celinayaa Ra’iisul wasa araha oo Shalay ajendahaas nahor keenay oo mu hiimadiisa siiyey kiiskaas,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Xildhibaan Cabdi Shire (Ciyaar Jecel) oo ku dhowaaqay go’aan lama filaan ah

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo kamid ah xubnaha golaha shacabka ee baarlam aanka federaalka Soomaliya ayaa shaaciyey in uu ka haray in uu markale u tartamo kursiga uu ku fa dhiyo.

Ciyaar Jecel ayaa sheegay in tartanka kamid no qoshada Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya uu uga haray maadama uusan aqoonsaneyn sharciga uu dalka ku aaday doorasho dadban, kaasi oo uu sheegay inay ka dhalatay sida ay wax u socdaan iyo boobka baahsan ee ka jira doorashada Golaha Shacabka. "Labo xildhibaan oo aniga ku jira xili gii la ansixinayay sharciga doorasho dadban lagu aaday waa diideen, dad badan oo maalintaas ila ya aban markaa diiday hadda waxay igu taageereen go’aankaas masiiriga ah ee aan qaatay. Go’aanka as wuxuu ahaa mid ka turjumayay waxa aan siyaas ada ka aaminsanahay, waxaa haddana idin muuqa ta foolxumada ka socota maamulada dalka oo ay baalmareen habraacyadii, iskana soo qoranayaan qofka ay rabaan,” ayuu yiri.

"Waxaa ku wargelinaya umadda Soomaaliy eed, gaar ahaan beesha iska leh kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#089 in aan difaacaneyn oo u tartam eyn sababaha aan soo sheegay awgood.”

Sidoo kale waxa uu musharaxi inta kursiga uu iskaga haray u ha nqal taagaya u soo jeediyay inay ilaaliyaan maamuuska iyo magaca kursigan, oo ku asteysan xor iyo xalaal, sida uu sheegay.

Ciyaar Jecel ayaa maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo madaxweyne Qoor-Qoor uga digay in uu isku dayo in uu musuq-maasuqo kuraasta Gol aha Shacabka oo uu kamid yahay midka uu Shalay iskaga haray tartankiisa.

"Doorashada waa inay noqoto mid qabiilada is ka leh kuraasta si xor iyo xalaal ah uga tartamaan. Waxaa uga digayaa in la isku dayo fara-gelinta kur sigan, waxaana qaba in haddii loo madax-baneyn waayo kursigooda, uu dhici karo qal-qal amni oo saameya guud ahaa Galmudug.”

Hadalkan ayaa imanaya xilli ay dalka kasii soc oto doorashada Golaha Shacabka, kadib heshiis ay 9-kii bishaan gaareen madaxda Golaha Wada-tash iga Qaranka, kaasi oo dhigaya in la soo gaba-gabe eyo 25 February ee sanadkaan, iyada oo ay soo if-baxayaan musuq-maasuq hor leh.

Soomaaliya iyo Midowga Afrika oo ku heshi iyay in la beddelo howgalka AMISOM

Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika ayaa la sheegay in ay isla garteen qaabka uu noqonayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ku dhow aad saddexda sano ee soo socota.

Arrintaan ayaa ka dambe ysay kadib kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa. Si da ku cad duku mentiyada la faafinayay, howlgalka cusub ee Mido wga Afrika ay aa ka gudbi doonaa AMISOM, wuxu una u gudbi do onaa Howlgalka Ku meel gaarka ah ee AU ee Soo maaliya.

"AU iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si guul ah u soo gabagabeeyey wadatashiyo socd ay muddo toddobaad ah oo ku saabsan qaab-dhis meedka howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee Cal anka Soomaaliya," ayaa lagu yiri war kasoo baxay guddiga amniga midowga Afrika.

Guddiga farsamada ee Soomaaliya u qaabils an wada xaajoodka, hannaanka kala guurka ee am niga qaranka, ayaa ku dhawaaqay heshiiska qorsha ha amniga qaranka kulan ay la yeesheen xubnaha golaha ammaanka iyo nabadda M/Afrika.Kulan kan waxaa shir guddoominayay Agaasimaha

Guud W/G/dhigga XasanMaxamed Siciid Samat ar.


Magacyada xildhibaanada Shalay soo ba xay iyo beelaha ay kasoo jeedaan

Magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobo lka Jubbada Hoose waxaa Shalay ka dhacday door ashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacab ka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dowl ad goboleedka Jubbaland.

Doorashada oo lagu horreysiiyey kursiga HOP 114 ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo ka la ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cab dullaahi, waxaana kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi, sida uu shaaca ka qaaday guddiga doorash ada Jubbaland.

Cumar ayaa helay 80 cod, halka musharixii la tar tamayey uu isna helay 12 cod, sidoo kale waxaa ha laabay 8 cod sida uu sheegay gudiga doorashada Jubaland oo natiijada shaaciyey. Cumar wuxuu kasoo jeedaa jeedaa Daarood/Ogaadeen/Bahgari.

Kursiga labaad HOP107 ee doorashadiisa la qabtay waxaa kusoo baxay Mudane Maxamed Sheekh Nuur Cismaan, kadib markii uu tanaasulay musha rixii la tartami lahaa. Maxamed wuxuu kasoo jeedaa Daarood/Jidwaaq/Bartire.

Sidoo kale kursiga HOP120 ayaa waxaa loo do ortay Asad Cabdirisaaq Maxamed oo helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu isna helay 18 cod. Asad wuxuu kasoo jeedaa be esha Dir/Layiile Cali/Reer Aw-saciid.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim ay aa ku guuleystay kursiga HOP111. Wuxuu helay 79 cod, halka Aadan Mursal Cadow oo la tartamayey uu helay 17 cod. Cabaas wuxuu kasoo jeedaa Jare erweyne/Shambara.

Cabdinuur Cali Aadan ayaa isna qaab gacan ta ag ah ugu guuleystay kursiga HOP028 ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay Axmed Cabdi Maxameed oo la tartamayey. Cabdinuur wu xuu kasoo jeedaa Hawiye/Gaaljecel/Doqondiide.

Dr. Siciid Maxamed Cali ayaa isna ku guuleystay kursiga HOP093. Wuxuu helay 74 cod, halka Mah ad Nuur Cismaan oo la tartama yey uu helay 24 cod, waxaana halaabay 3 cod. Dr. Saciid wuxuu ka soo jeedaa Dir/Biyom aal/Sacad.

Madaxweynaha Jubbaland oo war kasoo saaray tilaabadii Xukuumadda Rooble

Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo dhowe eyay go’aanka Golaha Wasiirada ee Xukuumad da Ra’iisul Wasaare Rooble ay ku saxday qalad kii taa riikhiga ahaa ee ay horay Xukuumaddii ho re ugu aqoon satay ONLF inuu yah ay Urur Arga gixiso.

War kasoo baxay Madaxweynaha ayaa siddaan u qornaa:

Waxaan soo dhawayn ay aa go’aanka wanaag san ee ay Shalay Xukuumada Ra’I isul Wasaare Maxam ed Xus een Rooble ku saxday qal adkii taariikhiga ahaa ee ay hore DFS ugu aqoonsatay ururka ONLF inuu yahay urur argagixiso.

Sidoo kale, waxaan uga mahad celinayaa Golaha Wasiirada ee Federaalka garwaaqsiga ay garwa aqsadeen in falkii lagu dhiibay muwa adin Cabdi kariim Sheikh Muuse(Qalbidh agax) ahaa fal qalad ah, ceebna ku ahaa qara nimada iyo sharafta uma dda Soomaaliyeed.

Ciidamada DF oo ka hortegay QARAXYO la qorsheeyey

Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gal qorsheysan oo Shalay ciid amada dowladda, gaar ahaan kuwa Gorgor ay ka sameye en duleedka magaalada Guriceel ee gobo lka Galg aduud ee bartamaha dalka Soom aal iya.

Howl-galka ayaa waxaa xigay iska hor imaad to os ah oo dhex-maray ciidamada Gorgor iyo xub no ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaan ka Dhaga xyaale oo dhaca koonfurta magaala daasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada am maan ka ay weerar ku qaadeen xubnahaasi oo diyaarina yey gaari lagu soo raray qarxyo oo la sheegaya in lala damacsanaa Guriceel.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka General Odo waa Yuusuf Raage oo war ka soo saaray howl-gal kaasi ayaa sheegay inay ku dileen ugu yaraan 7 xubnood oo uu jiro sarkaalkii Al-Shaba ab u qaabi lsanaa Guri ceel, kaas oo uu magaciisa ku sheegay Daa’ uud Shaambil.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay cii da madu gacanta ku dhig een gaari laga soo bu uxiyey walxaha qarxa iyo jaakadaha qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay.

"Ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa khaajiriyay 7 xubnood oo uu ku jiro hor joogihii Al-Shabaab ee Magaala da Guri ceel iyo lix kale oo la socotay, waxa ay wateen Gaari Surf ah & Jaakado kuwa qaraxyada lagu fuliyo, Ciidamada ay aa ku raad-jooga saddex ka le oo ka baxsatay gac antooda,” ayuu yiri taliya ha ciidamada Xoogga dal ka.

Dhanka kale taliyaha ayaa aad u boggaadiyey laamaha ammaanka iyo shacabka Guriceel, maa daa ma uu sheegay in si wadajir ah looga hort egay wee rarkaasi, kadib xogo ay heleen.

Guriceel waxaa muddooyinkii dambe dhaq-dha qaaqyo xoogan ka waday ciidanka dowladda iyo ku wa Galmudug oo isku ballaariyey deegaan ada hoos yimaada magaaladaasi.

Al-Shabaab oo Lamu ku weeraray shirkad laga leeyahay Shiinaha

Xubno la tuhunsan yahay inay Al- Shaab ka tir san yhiin ayaa dab qabadsiisay qalab ay lee dahay Shirkadda Dhismaha iyo Isgaarsiinta Shi inaha ee Lamu, sida uu xaqiijiyay Guddoomiya ha Lamu Iru ngu Macharia.

Arrintaan ayaa imaanaysa xilli Senator-ka magaalada Lamu Anwar Loitiptip, uu do wladda ka codsaday inay disho dham maan burc adda iyo Xubnaha looga shakisan yahay Al-Sha baab ee loo soo xiri doono weeraradii ugu damb eeyay.

Sida uu sheegay gudoomiyaha ismaamulka La mu Irungu Macharia, 10 qof ayaa loo soo xi ray tan iyo markii ay dhaceen weeraro is daba jo og ah oo la gu dilay 15 qof oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka tir san ciidamada GSU.

Mustafe Cagjar Oo War Kasoo Saaray Go’ aan Ay Golaha Wasiirada Somalia Gaareen

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soo maali Galbeed Mustafe Cagjar ayaa war kasoo saaray go’ aankii Golaha Fulinta ee Jamhuuriyad da Soomaal iya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loo gu aqoonsaday inuu yahay urur argagixiso.

Mustafe ayaa soo dhaweeyay talalabada ay qaat een RW Rooble iyo Wasiiradiisa, waxaana si doo ka le uu ka hadlay go’aankii Abdikarim She ikh Muuse (Qalbidhagax) loogu gaacngaliyay Itoobiya.

Waxaa uu carrabka ku dhuftay Mustafe Cagj ar in Go’aankaas hore uu ahaa ficil argagax gali yay shac abkii dulmanaa ee Deegaanka Sooma alida, xad-gu dubna uu ku ahaa dhaqanka dawladnimo, ka Soom aalinimo iyo ka islaanimaba, kaasi oo si weyn ay uga xumaadeen sha cabka Soomaaliyeed, maadd ama muwaadin Soomaaliyeed loo gacan galiyay Ca daw, sidoo kal ena urur xaq u dirir ah oo Soomaaliy eed loo aqo onsaday Arga-gixiso.

Hoos ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Mustafe Cagjar

Waxaan si wayn u soo dhawaynayaa go’aa nka Golaha Fulinta ee Jamhuuriyadda Soomaal iya ay ku buriyeen go’aan hore oo ururka ONLF loogu aqo onsaday inuu yahay urur argagixiso ah, gacan cad awna lagu galiyay halgamaa Abd ikarim Sheikh Mu use (Qalbidhagax).

Go’aankaas hore wuxuu ahaa ficil argagax galiy ay shacabkii dulmanaa ee Deegaanka Soo maalida, xad-gudubna ku ahaa dhaqanka dawla dnimo, ka Soomaalinimo iyo ka islaanimaba.

Waxaa kale oo aan dhaleeceeynaynaa ficila dii la midka ahaa ee Deegaano kale oo Soomaali yeed cadaw ugu soo gacan-geliyeen halgamay aal Soom aaliyeed oo diidaanaa tacadigii lagu ha yay dadko oda.

Waxaan rajaynayaa in taariikhdaas madow ee uur-ku-taaladda leh, xiligii ay dhacaysayna aan dha leeceeynay, cashir iyo cibro-qaadasho u noqoto cid walba oo xadgudbkaas samaysay. Waxaan ugu ba aqayaa inay ka bixiyaan raali-ga lin buuxda.

Walaaca la xiriira in ciidamo Soomaaliyeed ka qeyb galeen dagaal ka waqooyiga Ethiopia oo mar kale soo shaac baxay

Wargays lagu magacaabo Globe and Mail ayaa qoray inuu helay warbixino leh caddeymo oo ku sa absan in ciidamada Soomaalida ee lagu tabab arayay Ereteriya ay ka qeyb qaateen daga alka go bolka Tigray bilihii hore ee dagaalka.

Wargeyska ayaa sheegaya cadeymahan cus ub inay keenayaan su’aalo ku saabsan isbahaysi milatari oo qarsoon oo u dhexeeya Itoobiya, Erit era iyo Soomaaliya kaas oo dhimasho iyo burbur u gay stay gobolka Tigray e waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u been isay in ciidamadeeda la geeyay gobolka Tigray ka qeyb gal een dagaalka waqooyiga Ethiopia. Balse wargeyska Globe ayaa sheegay in ay jira an ciidamo Soomaal iya ah oo ka barbar dagaa lamayay ciidamada Eri trea.Sannadkii hore, Qara mada Midoobay iyo sar aakiil Maraykan ah ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in ciidamo Soomaali ah ay ku sug an yihiin gobolka Tigray.

Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa sanadkii hore dhowr banaan baxyo ka dhigay magaalada Mu qdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaal iya, iya goo ka cabanayay in wiilashooda lagu amray inay ka dagaalamaan gobolka Tigray-ga.


SOOMAALIYA OO SANADKAN DALAL KALE UGA KOR MARTAY QIIMEYNTA AWOODDA MILITARIGA


Majalladda online-ka ah ee Global Fire Power ayaa dhawaan soo sa artay liiska ay sanad walba ku soo bandhigto xogta ku saabsan awoodda

militeri ee dalalka caalamka, Soomaaliya ayaana u muuqata in sana dkan 2022-ka ay sameysay isbaddal.

Marka si guud loo eego, waxaa sidii caadada ahaydba liiska oo ka koob an 140 waddan ugu sarreeya Mareykanka, halka ay ku xigaan dalalka Ruushka iyo Shiinaha.

Ilaa laga gaarayo tobanka kaalmood ee ugu horreeya waxaa ugu sii xiga Hindiya, Japan, Kuuriyada Koonfureed, Faransiiska, Britain, Pakis tan iyo Brazil.

Tobanka kaalmood ee ugu horreeya isbaddalka kaliya ee ka jira waa in Pakistan ay sanadkan ka dul martay Brazil oo sanadkii hore ka horr eysay.

Waxaa kale oo xusid mudan in awoodda militari ee Turkiga uu sana dkan hoos u dhac ku yimid marka la eego liiskan, waxaana ka hor mar ay labo dal oo uu ka sarreyn jiray oo kala ah Masar iyo Talyaaniga.

Sidaas awgeed, halkii uu Turkiga kaalinta 11-aad ku jiray sanadkii 2021-kii, hadda waxa uu soo galay kaalinta 13-aad.

Dhanka kale, Israa’iil oo kaalinta 20-aad ku jirtay sanadkii lasoo dha afay ayaa hadda noqotay kaalinta 18-aad, waxaana baddashay oo boo skeeda 20-ka gashay Saudi Arabia oo kasoo dagtay kaalinta 17-aad oo ay horay ugu jirtay.

Soomaaliya oo booska 138-aad fadhisa ayaa ka kor martay waddam ada Kosovo iyo Bhutan oo ku kala jira kaalmaha 139-aad iyo 140-aad.

Markii hore Soomaaliya waxay meesha ugu hooseysa uga jirtay liiska caalamka. Muddo dheer ayay sanadk kasta Soomaaliya ahayd dalka ugu hooseeya liiska, oo ahaa 140 waddan. Waxaase muuqata in hadda ay horumar sii sameyneyso. dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Mareykanka iyo Qadar ayaa ka qeyb qaata dhismaha militariga Soomaaliya iyo tab abartkoodaba.

Hase ahaatee marka la eego dhinaca qaaradda Afrika, Soomaaliya waxay u muuqataa inay sameysay hoos u dhac, iyadoo ka hoos martay waddanka Liberia oo ay liiska uga horreysay sanadkii 2021-kii.

36 waddan oo Afrika looga xusay liiska ayay meesha ugu dambeysa ka soo gashay Soomaaliya, inkastoo liiska caalamka ay uga korreyso dalal kale.

Tobanka waddan ee hoggaaminaya awoodda militari ee Afrika ayaa sidoo kale qaarkood ay sameeyeen isbadallo.

Masar ayaan wali laga taabanin kaalinta koowaad, balse Koonfur Afrika ayaa soo ciriirsatay kaalinta labaad, halkii ay sanadkii hore ku jirtay kaal inta saddexaad, iyadoo hadda booska ka qaadatay Aljeeriya.

Sidoo kale Suudaan ayaa booska 9-aad kala baxday Tunisia oo had da ah waddanka 10-aad. Tobanka waddanka ee ugu awoodda badan Afrika iyo sida ay isugu xigaan Masar, Koonfur Afrika, Aljeeriya, Nigeria, Morocco, Itoobiya, An gola, Liibiya, Suudaan, Tuniisiya.

Sidan ayay u kala horreeyaan waddamada kale ee Afrika.

11- Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo, 12- Kenya, 13- Chad, 14- Zambia, 15- Uganda, 16- Zimbabwe, 17- Ghana, 18- Mali, 19- Suu daanta Koonfureed, 20- Cameroon, 21- Niger, 22- Botswana, 23- Ivory Coast, 24- Tanzania, 25- Mozambique, 26- Jamhuuriyadda Kongo, 27- Eritrea, 28- Muritaaniya, 29- Namibia, 30- Madagascar, 31- Burkina Faso, 32- Gabon, 33- Afrikada Dhexe, 34- Sierra Leone, 35- Liberia, 36- Soomaaliya

WAA SIDEE AWOODDA MILITERI EE SOOMAALIYA 2022?

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada adduunka, oo ka kooban 140 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tir ada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 12,094,640.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2, 781,767 ruux, oo u dhigma 23.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,669,060 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 120,946qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 17,500 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatariga Soomaaliya.

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Sanadkan waxa uu wargeyska xusay in Soomaaliya aysan heysanin taangiyo u diyaarsan. Balse waxa uu xaqiijiyay in Soomaaliya ay leedha ay 65 gawaadhida gaashaaman ah. Soomaaliya ma laha madaafiicda is kood isu haga ah.

AWOODDA CIIDAMADA BADDA – SOOMAALIYA

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3. 11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax bur buriya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba mar aakiibta miinooyinka baadha.

Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya. Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl. Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay. Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $63,934,000 oo doolar. Deynta dibadda waa $30,450,000.

MUHIIMADDA JUQRAAFI AHAAN – SOOMAALIYA

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km. Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km. Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km. Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Isha: BBC Somali


MARAYKANKA: KHILAAFKA SIYAASADEED EE SO OMAALIYA IYO WAX QABAD LA’AANTA AMIOM, WAXAY KORDHISAY QATARTA ALSHABAAB


Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in khatarta Al-Shabaab ay kordheen 12-kii bilood ee la soo dhaafay tan iyo markii boqolaal as kari oo Mareykan ah la ga soo saaray gobolka Geeska Afrika bishii Jan aayo ee sanadkii hore.

Taliyaha AFRICOM General Stephen Tow ns end ayaa wareysi uu siiyay VOA wuxuu ku she egay, in khatarta Al-Shabaab ay tahay mid sii kordhaysa oo ay ugu wacan tahay waxqa bad la’aanta AMISOM iyo khilaafka siyaasad eed ee u dhexeeya daneeyayaasha siyaasad da So omaaliya. "Haddii aan cadaadis dheeri ah la saarin Al-Shabaab, waxaan ka walaacs anahay in uu dhici doono weerar weyn oo Al-Shabaab ah

. Waxaan aragnay qaraxyo ismiidaa min ah oo Muqdisho ka dhacay labadii toddobaad ee u dambeeyay. Marka waxaan filayaa inay sii fidayaan oo ay sii kordhayaan," Townsend ay aa sidaas yidhi.

Taliyaha AFRICOM ayaa carrabka ku adkee yay in militariga Mareykanka uu wali tababaro ciidamada gaarka ah ee Danab ee Somaliya, inkastoo uu sheegay in ay shaqadooda gaabis ahayd bilihii lasoo dhaafay.

Maraykanka ayaa sheegay inuu xoojinayo taa geerada Soomaaliya, si loo wiiqo halista Alsha baab, iyadoo laga cabsi qabo in yaraanshaha tageerada milatari ee Maraykanka ay fursad u tahay Alshabaab.

Waxay kusoo beegmeysaa bilooyin ka dib markii dublamaasiyiin Mareykan ah ay sheeg een in taageerada CXD dib loo eegi doo no,sababtuna ay tahay inay ka qeyb qaateen dag aalladii Ahlusunna lala gal ay.


Abiy Ahmed oo qorsheynaya tallaabo lama filaan ah oo la xiriirta dagaalka gobolka Tigray

Milateriga Itoobiya ayaa qorsheynaya in ay gudaha u galaan caasimadda gobolka Tigray ee Mekelle, ayna "ka takhalusaan” xoogagga TPLF, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga, xilli ay socdaan dadaallo diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo colaadda waqooyiga dalkaas.

Dalka Geeska Afrika ee Itoobiya ayaa muddo ka badan hal sano waxaa ka socday dagaallo, iyadoo ciidamada federaalka iyo xulafadooda ay la dagaalamayaan ciidamada daacadda u ah xisbiga TPLF oo ah xisbi siyaasadeed oo ka taliya gobolka Tigrayga.

Taliye ku xigeenka ciidamada difaaca Itoobiya General Abebaw Tadesse oo waraysi siinayay warbaahinta ku hadasha afka dawlada ee Fana ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ka dhanka ah kooxda TPLF.

"Tigreegu waa qayb ka mid ah Itoobiya, mana jirto awood naga celinaysa in aan galno, waaynu geli doonnaa, cadawgana waanu ka saaraynaa.” ayuu yiri General Abebaw Tadesse.

Waxa uu sheegay inay isku diyaariyeen sidii ay ‘gebi ahaan’ meesha ugu saari lahaayen cududda militari ee TPLF, isagoo intaas raaciyay inaysan la gorgortami doonin.

Afhayeenka kooxda TPLF Getachew Reda ayay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters oo qortay warbixintaan inaysan u suurta gelin in uu wax faah faahin ah ka bixiyo hadalka sarkaalka ciidanka Itoobiya.

Toddobaadkan laba diblomaasi oo Mara ykan ah ayaa u duulay Addis Ababa si ay u riixaan xabbad-joojinta, iyagoo isku dayaya inay dhisaan calaamado muujinaya kalsoonida xiriir dhex mara dhinacyada dagaallamaya, oo ay ku jiraan sii deynta maxaabiista siyaasad eed.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres iyo Xafiiska Xuquuqda Aada naha ee Qaramada Midoobay ee (OHCHR) ayaa walaac ka muujiyay duqeymaha cirka ah ee lagu eedeeyay in ciidamada Itoobiya ay ka geeysteen gobolka Tigreega.

Kooxda TPLF ayaa sheegtay in Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed uu doonayo in uu soo afjaro nidaamka federaalka ee ku salaysan qoomiyadaha, halka Abiy uu sheegay in TPLF ay dooneyso in ay la wareegto awooddii qaran ee ay hore u haysay.VOA + Reuters

Suxufiyad Lagu Eedeeyay Inay Aflagaade ysay Madaxweyne Erdogan Oo Xasbiga La

Dhigay

Booliska Turkiga ayaa xabsiga dhigay weriye caan ah oo ka tirsan Telefishinka, kadib hadal ay hawada ka jeedisay oo ku saabsanaa Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, sida uu Sabtidii sheegay Qareenkeeda

Booliiska ayaa Sedef Kabas ku xiray gurige eda labadii duhurnimo ee Sabtidii, saacado uun ka dib markii ay aragtideeda ku faafisay barteeda Twitterka oo ay kala socdaan 900, 000 oo taageereyaasheeda ah.

Suxufiyaddan ayaa si rasmi ah loo xiray kadib markii ay ka soo muuqatay maxkamadda. Dan biga aflagaaddo madaxweyne ayaa dalka Turkey waxaa lagu muteystaa xabsi hal ilaa afar sanadood ah.

"Wariye ku sheeggan wuxuu si bareer ah telefeshinka uga caayay madaxweynaheenna. Malahan hadaf aan aheyn faafinta nacaybka,” ayuu soo dhigay bartiisa Twitter afhayeenka Erdogan, Fahrettin Altun.

Ururka suxufiyiinta Turkiga ayaa xariga Kabas ku tilmaamay "weerar halis ah oo ka dhan ah xoriyatul qawlka” waxaana kooxaha xuquuqul insaanka ay si joogta ah ugu eedeeyaan Turkiga inuu wiiqayo xorriyada warbaahinta, isagoo xiraya suxufiyiinta iyo xarumaha warbaahineed ee dhaliila, gaar ahaan t

nuary

Wararkii ugu dambeeyey DAGAALKA ka dhex-qarxi raba RUSSIA iyo UKRAINE

Britain ayaa Sabtidii ku eedeysay Russia inay isku dayeyso in hoggaamiye taageersan ay madaxweyne uga dhigto Ukraine, ayada oo sheegtay in sirdoonka Russia ay la xiriireen siyaasiyiin hore oo reer Ukraine ah, si qeyb uga noqdaan qorshaha lagu qabsanayo dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ma aysan bixin wax caddeymo ah oo ay ku taageereyso eedeynteeda oo timid xilli ay xiisad u dhaxeysa Russia iyo Reer Galbeedka oo ka dhalatay ciidamada Moscow ay dhoobtay xuduudda Ukraine.

Moscow waa ay beenisay sheegashooyinka Reer Galbeedka ee ah inay qorsheyneyso inay qabsato dalka Ukraine.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Britain waxay sheegtay inay heshay xog muujineysa in dowladda Ruushka ay ka fakareyso in sharci-dejiyihii hore ee Ukraine Yevhen Murayev ay ka dhigto hoggaamiyaha dalkaas.

"Uma dulqaadan doonno shirqoolka Kremlin-ka ee ah in hoggaamiye taageersan Russia madax looga dhigo Ukraine,” waxaa sidaas twitter-ka kusoo qortay Wasiirka Arrimaha Dibedda Britain Liz Truss.

"Kremlin-ka waa ay ogyihiin in qabsasho militari ay noqon doonto khalad weyn, islamarkaana UK iyo saaxiibadeeda ay ciqaab adag kusoo rogi doonaan Russia,” ayey tiri.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia ayaa ku gacan seertay hadalkan, waxayna ku qeexday "been abuur”, ayada oo ku eedeysay Britain iyo NATO "inay kasii darayaan xiisadda” Ukraine.

"Waxaan ku boorineynaa Xafiiska Arrimaha Dibedda Britain inay joojiyaan dhaq-dhaqaaq yada daan-daansi iyo faafinta beenta,” ayey tiri Wasaaradda Arrimaha Dibedda Russia.

Warka kasoo baxay Britain ayaa yimid maalin kadib markii diblomaasiyiinta ugu sarreeya Mareykanka iyo Russia ay ku guul-darreyste en inay horumar ka sameeyaan wada-hada llada xal loogu helayo xiisadda Ukraine.

Russia ayaa sameysay dalabyo ay ka mid yihiin in Mareykanka ay hakiyaan is ballaarinta NATO ee dhanka bari, ayna ballan-qaadaan in Ukraine aan marnaba loo ogolaan doonin inay ku biirto NATO.Mareykanka ayaa ku gacan seeray dalabyad aaas, hase yeeshee wada-hadallada labada dhinac ayaa la filayaa inay sii socdaan

Wasiirka Difaaca Burkina Faso Oo Beeniyay In Madaxweyne Kabore La Xiray

Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay in ciidamadu aysan la wareegin talada dalkaas, kaddib markii rasaas la is weydaarsaday ay ka dhacday xeryo ciidan.

Rasaasta xeryaha la isku weydaarsaday ayaa waxaa ka mid ah laba xero oo ku yaalla magaalada caasimadda Ouagadougou, iyadoo ay sii kordhayso niyad-jabka ay dowladdu ka qabto ka-hortagga weerarrada ay geysanayaan kooxaha hubeysan.

Hub culus ayaa waaberigii Axadii laga maqlay k xerada Sangoule Lamizana, oo ay ku jiraan madaxda guud ee ciidamada iyo xabsiga maxaabiista ay ku jiraan askartii ku lug lahaa isku daygii afgambi ee fashilmay 2015.

Wariye ka tirsan Reuters ayaa sheegay inuu arkay askar cirka u ridaysa xerada dhexdeeda. Goobjooge ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacday xero ciidan oo ku taal Kaya, oo qiyaastii 100km (62 mayl) dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Ouagadougou. Rasaas ayaa laga maqlay xero kale oo militari, Baby Sy, oo ku taal koonfurta caasimadda, iyo saldhig ciidamada cirka ah oo ku dhow garoonka diyaaradaha, sida ay sheegeen ilo-wareedyo militari.

Dowladda Burkina Faso ayaa xaqiijisay in rasaas laga maqlay qaar ka mid ah xeryaha ciidamada balse waxay beenisay warar lagu baahiyay baraha bulshada oo sheegayay in ciidamadu ay la wareegeen awoodda.

Isagoo ka hadlayay telefishinka qaranka wasiirka gaashaandhigga, General Bathelemy Simpore, ayaa beeniyay wararka xanta ah ee sheegaya in madaxweyne Roch Marc Kabore la xiray, isaga oo intaa ku daray in sababta ka dambeysay rasaasta aysan weli cadeyn.

"Madaxda qaranka lama xirin, ma jirto hay’ad ka tirsan dalka oo loo hanjabay,” Simpore ayaa yiri. "Imika, ma garanayno ujeedadooda ama waxay dalbanayaan. Waxaan isku dayeynaa inaan la xiriirno,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in xasillooni ay ku soo laabatay xeryaha qaarkood.

Maamulka ayaa markii dambe ku dhawaaqay bandow habeennimo ah laga bilaabo 8pm (20:00 GMT) ilaa ogeysiis kale waxayna wasaaradda waxbarashadu sheegtay in iskuullada la xirayo Isniinta iyo Talaadada dalka oo dhan.

Dibad-baxayaasha oo la safan askarta gadoodsan ayaa dab qabadsiiyay xarunta xisbiga talada haya ee caasimadda, sida uu sheegay wariye AFP ka tirsan oo goobta ku sugan.

Dabka ayaa baabi’iyay dabaqa hoose ee dhismaha xisbiga People’s Movement for Progress (MPP), halkaas oo dibadbaxayaashu ay sidoo kale burburiyeen wejiga ka hor inta ay san ku kala eryin booliska oo ku riday sunta dad ka ka ilmeysiisa.

Rabshadaha ayaa yimid maalin kadib markii ay isku dhaceen booliiska & dibad baxay aasha intii lagu jiray mudaaharaadyo looga soo horjeed ay maamulka ku guuldaraystay inuu joojiyo rabsh adaha ragadiyay dalka ku yaal Galbedka Afrika


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip