Magacyada xildhibaanada maanta soo baxay iyo beelaha ay kasoo jeedaan + Sawirro

0
Sunday January 23, 2022 - 12:05:10 in Wararka by
  • Visits: 377
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magacyada xildhibaanada maanta soo baxay iyo beelaha ay kasoo jeedaan + Sawirro

    .....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.....

Magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta ka dhacday doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dowlad goboleedka Jubbaland.

Doorashada oo lagu horreysiiyey kursigaHOP114ayaa waxaa ku tartamay laba musharrax oo kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi, waxaana kusoo baxay Cumar Ibraahim Xaashi, sida uu shaaca ka qaaday guddiga doorashada Jubbaland.

Cumar ayaa helay 80 cod, halka musharixii la tartamayey uu isna helay 12 cod, sidoo kale waxaa halaabay 8 cod sida uu sheegay gudiga doorashada Jubaland oo natiijada shaaciyey. Cumar wuxuu kasoo jeedaa jeedaaDaarood/Ogaadeen/Bahgari.

Kursiga labaadHOP107ee doorashadiisa la qabtay waxaa kusoo baxay Mudane Maxamed Sheekh Nuur Cismaan, kadib markii uu tanaasulay musharixii la tartami lahaa. Maxamed wuxuu kasoo jeedaaDaarood/Jidwaaq/Bartire.

Sidoo kale kursigaHOP120ayaa waxaa loo doortay Asad Cabdirisaaq Maxamed oo helay 77 Cod, halka Siciid Cabdiqaadir Shugri oo la tartamayey uu isna helay 18 cod. Asad wuxuu kasoo jeedaa beeshaDir/Layiile Cali/Reer Aw-saciid.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabaas Cali Ibraahim ayaa ku guuleystay kursigaHOP111. Wuxuu helay 79 cod, halka Aadan Mursal Cadow oo la tartamayey uu helay 17 cod. Cabaas wuxuu kasoo jeedaaJareerweyne/Shambara.

     Cabdinuur Cali Aadan ayaa isna qaab gacan taag ah ugu guuleystay kursigaHOP028ee Golaha Shacabka JFS, kadib markii uu tanaasulay Axmed Cabdi Maxameed oo la tartamayey. Cabdinuur wuxuu kasoo jeedaaHawiye/Gaaljecel/Doqondiide.

Dr. Siciid Maxamed Cali ayaa isna ku guuleystay kursigaHOP093.Wuxuu helay 74 cod, halka Mahad Nuur Cismaan oo la tartamayey uu helay 24 cod, waxaana halaabay 3 cod. Dr. Saciid wuxuu kasoo jeedaaDir/Biyomaal/Sacad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip