HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA JAN. 2022-KA

0
Monday January 17, 2022 - 08:22:23 in Wararka by
  • Visits: 604
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M. TIMES EE MAANTA OO AH ISNIIN 17-KA JAN. 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

ROOBLE OO ISBITALKA KU BOOQDAY MACALLIMUU IYO XOG KU SAABSAN XAALADIISA

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa saqdii dhexe ee xalay isbitaalka ku booqday dhaawaca Maxamed Ibraahim Macalimuu, Afhayeenka Xukuumadda, oo shalay ku dha awacmay qarax ismiidaamin ahaa.
Ra’iisal Wasaaraha ayaa xaaladiisa caafimaad ka xaal wareys tay Afhayeenka, sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ee Facebook.
"Ra’iisal Wasaaraha ayaa la sheekeystay Macalimuu oo xaaladi isu soo hagaageyso, waxa uuna Eebbe uga baryay caafimaad deg deg aha” ayaa lagu yiri qoraalka.
"R/Wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay dhakhaatiirta dawe


yneysa Afhayeenka Xukuumadda,” ayaa lagu sheegay qoraalka.
Macalimu waxaa uu dhaawaca dartii ka jabay lugta, waxaa kale oo uu dhaawac kasoo gaaray gacan iyada oo ay jirtay jug xoogan oo xabadka ah oo dhiig ku celisay, neefta ku adkeysay.
Dhanka xabadka, dhiggii yaraa waa laga bixiyey, neef ahaanna uma baahna ventilat or ee waxaa ku xiray hadda neefsiiye caadiga ah, dhiigga neefta na waa normal 98. Dhanka lugta waxaa uu mari doonaa qaliin, halkan gacanta aan la ogeyn iney u baahan doonto iyo in kale.
Macalimuu ayaa Axaddii ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ahaa oo gaari uu watay lagula eegtay agagaarka Isgoyska Dabka ee M/Muqdisho. Nin xirnaa jaakadda ka sam eysan walxaha qarxa ayaana isku qarxiyay qaybtii uu gaarigaasi ka saarnaa.
Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jira DFS ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas
Macluumaad la xiriira ismiidaaminta lala eegtay Maxamed Ibraahim Macalimuu

Afhayeenka Xukuumadda Somaliya, Maxa med Ibraahim Macalimuu ayaa duhurnimadii Shalay ka badbaaday qarax

 

 

ismiidaamin ahaa, oo lagula eegtay Magaalada Muqdisho.

Gaari uu la socday Afhayeenka ayaa la she egay in nin xirnaa jaakadda ka sameysan wal xaha qarxa uu ku dhegay daaqadda gaariga, ka hor inta aanu is qarxin.

Gaariga ayaa xilligaa marayay agagaarka Isg oyska Dabka ee Waddada Maka Al Mukarama, waxaana la sheegay in ismiidaamiyuhu uu ka faa’iideystay cariiriga xilligaa ka jiray waddada, sidaasina ay ugu suurtagashay in daaqadda gaariga uu qabsado.

Goobjooge ayaa sheegay in ismiidaadiyuhu uu in doora ku dhegnaa daaqadda gaariga, ka hor intii aanu is qarxin, burbur xoog lehna uusan soo gaarin gaarigaasi.

Ciidamada Dowladda oo ka ag-dhawaa Isgoys ka Dabka ayaa ku soo baxay jugta qaraxa, wax aana la arkayay iyagoo rasaas ridaya.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo dhaawac uu ka soo gaaray qaraxaasi ayaa la dhigay mid ka mida isbitaalada magaalada, halkaasoo xaaladii sa lagula tacaalayo.

War ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa lagu yiri "Afhayeenka Xukuumadda Federa alka Somaliya, Mudane Maxamed Ibraahim Mac alimuu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar ar gagixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa. Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaana u rajeynaynaa caafimaad degdeg ah.”

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuli yadda weerarkan lala beegsaday Afhayeenka Xu kuumadda.

Macalimuu ayaa dhowr jeer ka badbaaday Qaraxyo iyo weeraro toosba lahaa, oo Shabaab ku ku qaadeen hoteelo ku yaala Magaalada Mu qdisho.

Xafiiska Warfaafinta Ee RW Rooble Oo War Kasoo Saaray Qaraxa Lala Eegtay Macalimuu

Xafiiska Warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Ro oble ayaa ka hadlay qaraxii Shalay M/ Muqdisho lagula beegsaday Afhayeenka Xukuumadda Max amed Ibraahim Macalimuu.

Qaraxa oo ahaa mid Is-miidaamin ah oo uu ful iyey qof isku soo xiray Jaakad waxyaabaha qar xa ayaa waxaa gaari uu watay Afhayeenka Xuku umadda Macalimuu lagula beegsaday meel ku dhow Isgoyska Dabka ee Muqdisho, xili uu doon ayey inuu gaariga kasoo dego.

Qoraal kooban oo lagu daabacay Xafiiska War faafinta ee R/Wasaaraha Xukuumadda ayaa wax aa lagu sheegay in dhaawaca soo gaaray Macal imuu uusan aheyn mid halis ah, isla markaana uu yahay dhaawac fudud.

"Afhayeenka XFS Mohamed Ibrahim Moali muu waxaa dhaawac ka soo gaaray weerar arga gixisadu la beegsadeen gaarigii uu saarnaa. Xaaladda dhaawaciisu halis ma aha, waxaanna u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah” ayaa lagu yiri Qoraalka.Xaaladda Caafimaad ee Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa la sheegay inay wan aagsan tahay, uuna Caafimaad qabo, sida ay sheegeen dhaqaatiirta ku howlan la tacaalida xaaladdiisa ee Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Madaxtooyada Oo War Kasoo Saartay Qaraxii Lala Beegsaday Afhayeenka Xukuumadda

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooy ada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Du qa) ayaa ka hadlay qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee Shalay lala beegsaday Afhayeenka Xukuum adda Federaalka Maxamed Ibraahim Macali muu. Agaasime Cabdirashiid Xaashi oo Qora al soo

 

saaray ayaa waxaa uu ku Camba are eyay qara xii lala eegtay Afhayeen Macali muu ee uu dhaa waca ka soo gaaray, isla markaana la dhigay Isb ita alka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooya da So omaaliya ayaa Afhayeenka Xuku umadda Max amed Ibraahim Macalimuu u rajeeyay inuu Alle Caafimaad deg deg ah siiyo isaga iyo dadkii kale ee waxyeelada kasoo gaartay qaraxii ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Dabka.

"Waxaan cambaaraynayaa weerarka argagixi sanimo ee uu ku dhaawacmay Walaalkeey Max amed Ibraahim Macall ikuu, Afhayeenka Xukuum adda Federaal ka Soomaaliya. Waxaan Afhaye enka u rajaynayaa in uu Rabbi siiyo caafimaad buuxa isaga iyo dhammaan Muwaadiniin ta ay waxyeeladu soo gaartay” ayuu yiri Cabdirashiid Duqa.

Xaaladda Caafimaad ee Afhayeenka Xukuu madda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macal imuu ayaa haatan soo hagaageysa, waxaana ma s’uuliyada qaraxii lala beegsaday ee Is-miida aminta ahaa sheegtay Al-shabaab…

Wasiirka Gaashaandhiga oo ka hadlay Qarax lala eegtay gaari uu watay Afhayeenka Xukuumadda.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabd iqaadir Maxamed Nuur ayaa canbaareeyay Qof isku soo xiray waxyaaba ha qarxo oo gaari u wa tey Afhayeene Xukuumad da Soomaaliya Maxam ed Ibraahim Mucallimuu oo marayay Agagaarka Isgo yska Dabka qarax kula

eegtay Afhayeenka Xuk uumadda Sooma aliya.

"Waxaan Camabaareynayaa falka waxashnim ada ah ee qaraxa lagula beegsadey afhayeenka xukuumadda walaalkeen Maxamed Ibraahim Ma calimu, ayuu yiri wasiirka Gaashaandhiga Sooma aliya.

Wasiirka ayaa Allah uga baryay in uu siiyo Ca fimaad deg,deg ah Afhayeenka Xuku umadda So omaaliya Maxamed Ibra ahim Macalimuu.

"Waxaan Ilaahey uga barinaayaa caafimaad deg deg ah,, ayuu hadalkiisa raaci yay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaiya Cabdulqaadir Maxa med Nuur.

Dowladda Qatar oo cambaareeysay Qar ixii lagu dhaawacay Mocalimuu

Dawladda Qatar ayaa si kulul u cambaarays ay weerarkii Al-Shabaab Shalay la beegsadeen Afhayeenka Xukuumadda Faderaal ka ee Soomaaliya Maxamed Ibraa him Macalimuu, kaas oo dhaawac ka soo gaaray. War-saxaafadeed ay Shalay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar ay aa lagu sheegay in Qatar ay si aad ah uga soo horjeeddo ficilada guracan ee argagixisada ku beegsadaan siyaasiyiinta iyo dadka kale ee rayidka ah. Sidoo kale, war saxaafadeedka wax aa lagu sheegay in dowladda Qatar caafima ad deg deg ah u rajaynayso afhayeenka xukuuma dda ee dhaawaca soo gaaray.

Xilliga uu dhacayo banaan-bixii la baaji yey ee Muqdisho oo la shaaciyey

Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxmu ud Cali Ugaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey kulan ay Shalay yeesheen odayaasha dhawanka beelaha Muqdisho iyo guddiga ab aabulka banaan-bixii dhawaan dib loo dhigay ee mucaaradku iclaamiy ey, xukuumaduna ogolaa tay.

 

 

Ugaaska ayaa sheegay inay isku afgarteen ayaga iyo guddiga abaabulka bannaan-baxa in 28-ka bisha soo socota ee Febraayo la isugu yimaado bannaanbax nabadeed.

Ugaaska ayaa sidoo kale sheegay inta ka hor eysa waqtigaas inay si dhaw ula soca doonaan, dhaq-dhaqaaqa doorashada dalka, waxuuna aad ugu mahad celiyey xubnihii loo xil-saaray abaa bulka banaan-baxa oo ka aqbalay soo jeedin toodii.

"In 28-ka Febraayo la isugu yimaado ban aan-bax nabadeed oo weyn ayaan isku af-gar anay, kaas oo ka culus kii hore ee abaabulnaa, umaduna ay si xor ah ay dareenkeeda u cabiri doonto, ka horna waxaan si dhaw ula soca doo naa dhaqdh aqaaqa doorashada dalka ka soc ota,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Ugaaska ayaa ku baaqay in loo dareero door asho xalaal ah oo laga fogaado khilaafka iyo bo obka, sidoo kale bulshada gobolka Banaadir ayuu fariin u diray, isagoo balan qaaday in hadda kadib ay odayaasha dhaqanka gobolka Banaadir ay doorkooda qaada doonaan.

"Bulshada gobolkaan waxaan leeyahay dad kiina ku kalsoonaada, waxaan isku afgaranay in doorashada lagu aado, anigoo afka odayaasha ku hadlaya, waxaan ka shaqeyn doonaa isu-kee nidda bulshada ku abtirsata gobolkaan Banaadir, waxaan ka shaqey doonaa in magaaladaan oo nabad ah dowlad xor ah lagu doorto,” ayuu had alkiisa ku sii daray Ugaas Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee Mali oo geeriyo oday

Madaxweynihii xilka laga tuuray ee Mali, Ibra him Boubacar Keïta, ayaa geeriyooday isagoo 76 jir ah, sida ay sheegeen qoyskiisa.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa ku dha cay xan uunka Faaliga balse ilaa had da lama cadeyn sab abta dhimasha diisa. Waxa uu ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla caasima dda Bamako, sida uu mid ka mid ah qoys kiisa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Mr Keïta ayaa hogaaminayay Mali todobo sano ilaa 2020, markaasoo xukunka looga tuuray afga mbi ka dib mudaaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo dowladda

Dhaqaale xumo iyo doorashooyin lagu murm ay ayaa sidoo kale sii huriyay bannaanbaxyadii looga soo horjeeday xukunkiisa todobaadyo ka dib markii xilka laga tuuray ayaa waxaa ku soo booday xanuun, waxaana loo duuli yay dalka

Imaaraadka Carabta si loogu soo daweeyo


Su’aalo ka dhashay qaraxii lala beegsa day Macallimuu iyo beegsiga saaxiib

 ada Rooble

Ka dib qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Shalay lala beegsaday Afhayeenka xuku umadda Soo maaliya, Maxamed Ibraahim Macalimuu, waxaa isa-soo taraya shakiga ay siyaasyiinta qaar ka muujinayaan qara xaas.

Xildhibaan Mahad Salaad iyo Axmed Maca lin Fiqi ayaa su’aalo ka keenay qara xa lala bar tilmaameedsaday Macalimuu ee uu dhaawaca ka soo gaaray, ayaga oo u rajeeyay in uu si deg deg ah uga soo ka co.

Mahad Salaad ayaa ugu horeyntii yiri: Saaxiib ada Farmaajo cidina ma qarxiso ee kuwa Rooble maxaa loo beegsadaa mar walba. Soo uma muu qato mashruuc siyaasadeysan oo la maalgelin ayo. Allaha caafiyo walaalkeen Mohamed Ibrah im Moalimuu Afhayeenka XFS.

Marka laga soo tago mashruuca siyaa sadey san ee uu ka dhawaajiyey Mahad Salaad, dhan kiisa Fiqi ayaa asaguna sheegay inay arrintan u muuqato shirqool lagu beegsanayo rug cadaaga iyo mas’uuliyiinta warbaahinta qaarkood.

Sidoo kale waxa uu ku tilmaamay inay u egt ahay mid abaabulan oo lagu cabsi-gelinayo ama lagu aamusinayo codka warbaahinta ka hortimid kalitalisnimada Farmaajo iyo barnaamijyadeeda, sida uu hadalka u dhigay.

"Allaha u yasiro saaxiibkeen Macalimuu oo weerar argagixiso Shalay lagu beegsaday, caaf imaad degdeg ayaan Alle uga baryaynaa.! Wax aan ku talinayaa in bahda warbaahinta iyo cid walbaba is ilaaliso intii tabar ah marxaladdaan kala guurka ah iyo inta amniga mas’uuliyadda dal ka ay sheeganayaan kuwo aan ehel u ahayn ama mararka qaarkood u arkaya dadka ka aragt ida duwan Farmaajo cadow!.”

Qaraxa lala beegsaday Macalimuu ee uu dha awaca kasoo gaaray ayaa waxa uu sare u qaada ya shakiga ah in qaraxyada ay ka imaan oo kel iya rabitaanka hal jiho (argagixisada), balse ay jiraan jihooyin kale.

Macallimuu oo horay ula soo shaqeeyey BB C-da ayaa ka bad-baaday ugu yaraan illaa afar qarax oo ay badi kasoo gaareen dhaawacyo xoo gan, wuxuuna qaraxa markale lala beegsaday ku soo aadaya iyada oo Arbacadii weerar loo adee gsaday is-miidaamin uu ka dhacay wadada 21-ka October, kaasi oo ay mas’uuliyaddiisa ay sheegteen Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ka horreeyey qarax kale oo is-miidaamin ah oo lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Afrika, kaas oo dhacay 20-kii November ee sanadkii 2021-kii.

Si kastaba, waxaa magaalada Muqdisho ka tagan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay is jiid-jii dka weli ka taagan hanaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan madaxda dalka, taas oo loo sab abeynayo amni darrada sii baaheysa ee haatan ka jirta gudaha caasimada Soomaaliya.

DF oo jawaab lama filaan ah ka bixisay laca gta ay QM ku leedahay – Sidee ku timid?

Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay Abuukar Md.Cismaan Baalle oo ware ysi siiyey Telefishinka Univ ersal ayaa jawaab lama fil aan ah ka bixiyey sida ay ku timid lacagaha ay QM ku leedahay Soomaaliya oo ah qaaraanka ee sanad walbo laga qaado dalalka xubnaha ka ah golaha guud.

Md.Abuukar Baalle ayaa shaaca ka qaaday in lacagta laga rabo Soomaaliya oo dhan 1.4 Milyan ay ka timid laga soo bilaabo 1989-kii illaa 2017-kii, isla-markaana intii u dhexeysay sanada haasi ay uruurtay deynta haatan lagu leeyahay dowladda federaalka Soomaaliya.

"Waxaa noogu dambeysay inaan bixino 1989-kii marka lacagahan halka malyan & shanta boqol ku dhow waa 1990-kii illaa 2017-kii lacagi hii isku teg-tegay,”ayuu yiri Danjiraha.

Sidoo kale wuxuu Danjiruhu ku faanay in dow ladda uu hoggaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ay afartii sano ee la soo dhaafay bixineysay lacagta qaaraanka ah sanad walba, taas oo u dhexeyso qiyaastii 35000 illaa 37000 oo Dollar.

"2018-kii illaa 2021-kii waan bixineynay laca gihii la’iska rabay sanad walba. Lacagta waa is bed-bedashaa laakiin qiyaastii waxay u dhexey saa 35000 illaa 37000 sanadkii,” ayuu markale yiri Danjiraha Soomaaliya u fadhiyo Qaramada Midoobay.

Danjire Baalle oo hadalkiisa sii wata ayaa xu say inuu rajo weyn ka qabo in dadaalka ay Soo maaliya haatan wado ay ku guuleysan doonto, isaga oo soo jeediyey in miisanadda sanadkan la gu daro lacagta laga doonayo, si aysan u weyn codka ay ku leedahay QM.

"Hadda waxaan rajeyneynaa sanadkan dada alkii inuu mira dhali doono oo bajadka lagu dari doono 2022-ka,” ayuu sii raaciyey Danjiraha Soo maaliya ee Qaramada Midoobay.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay dowladdu wada-hadal kula jirto guddiga Q/M .u qaabilsan qaaraamaadka dowla daha bixiyaan sanad kasta, si ay Soomaaliya u qabsato muddo cusub oo ay ku bixineyso lacagta haatan lagu leeyahay.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo tod obaadkii hore ay QM shaacisay liiska wadamada aan weli bixin lacagaha qaaraanka ah ee miisaa niyada golaha, taas oo ay ku jirtay Somalia.

Xukuumadda & James Swan Oo Ka Wada Hadlay Lacagta Ku Baxeysa Doorashada Dalka

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa Muqd isho kulan kula la qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumad da Federaalka ee xilga arsiinta Cabdiraxma an Ducaale Beyle.

Kulanka dhexmaray Wasiir Cabdiraxmaan Be yle iyo James Swan ayaa waxaa ay ugu wada ha dleen arrimo badan oo la xiriira horumarka dha qaalaha dalka oo ay kamid yihiin sida deyn cafinta iyo waxyaabaha lagama maarmaanka u ah miisaaniyadda dowladda.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada arrins aday inta uu socday kulanko oda maaliyadda ku baxeysa doorashada dalka ee muddo dhaafka noqotay, sida lagu sheegay Qoraal uu soo saar ay Xafiis ka Qaramada Midoobay ee Soomaa liya.

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa waxaa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in uu toddo baadkan la kulmay Wasiirka Maaliyadda xilgaarsi inta, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Beesha Caalamka ayaa dhowr jeer shuruudo ku xirtay bixinta lacagta ay ugu taleen doorashoo yinka dalka ka dhacaya, waxaana la sheegay in Wakiilada ay dalbeen in marka hore la dardar-geliyo qabsoomida doorashada G/Shacab ka.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Oo Wadah adal La Yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Ca alamiga ah, Mudane Cabdisaciid Muuse Cali ay aa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda

Mareykanka u qaabilsan Afr ika Marwo Molly Phee oo uu weheliyo Ergayga Gaarka ah ee Dowladda Maraykanka u qaabbilsan Geeska Afrika Da njire David Satterfield.

Wada hadalka Masuuliyiinta ayaa diiradda la gu saaray kor u qaadidda xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Maraykanka ee dhinacya da iskaashiga amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika, isaga oo W asiir Cabdisaciid Muuse Cali uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya.

XILDHIBAANNADA KU FADHIYA KURAASTA DOORA SHADOODA LA SHAACIYAY EE HIRSHA BEELLE

Guddiga hirgelinta doorashada HirShabeella ayaa shaaciyey 11 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo uu dhowaan doorashadoodu ku qa banayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulk aas.

Kuraasta la shaaciyey, oo kala ah HOP005, HOP024, HOP033, HOP052, HOP070, HOP088, HOP097, HOP098, HOP106, HOP115, HOP140, ayaa dhammaantood ah kura asta la qorsheeyey in doorashadooda lagu qabto magaalada Jowhar.

Guddiga ayaan weli shaacin wax kuraas ah oo ka mid ah 25-ka kursi ee la qorsheeyey in doo rashadooda lagu qabto magaalada Beledweyne, ayada oo weli aanay caddeyn haddii halkaas doorashado ay ka dhici karto.

Xildhibaanada Hirshabeelle ku matalayay afar ti sano ee la soo dhaafay kuraastaan waxa ay kala yihiin :-

HOP#005, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Maxamed C Ceymooy

HOP#024, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Cabdulqaadir Caraboow

HOP#033, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Yuusuf Ibrahim Afrax

HOP#052, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Farxiyo Maxamud Dhaqane

HOP#070, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Aadan Cali Xasan

HOP#088, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Dahabo Suusow Maxamuud

HOP#097, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Khadiijo Diiriye

HOP#098, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Maxamud Max’ed Jimcaale

HOP#106, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Miino Xasan Maxamed

HOP#115, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Cali Maxamed Cumar

HOP#140, Waxaa afarti sano ee la soo dhaafay Hirshabeelle Cabdulqaadir Cosoble Cali

Guddiga ayaa dhanka kale dib u dhigay shaacinta laba kursi oo ka mid ah 13-ka kursi ee yaalla magaalada Jowhar, kuraastaas oo ay ka taagan tahay xiisad laga cabsi qabo inay dagala isku rogto.

Labada kursi ee dib looga dhigay ayaa kala ah HOP141, oo uu hadda ku fadhiyo wasiirkii hore ee amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale, iyo HOP146 oo uu ku fadhiyo Wasiirka Amniga

Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidee gudoomiyaha cusub ee gudiga doorashada ka yeeli doonaa cabashada taagan?

Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Hirge linta Doorashooyinka ee Heer Federaal, Md.Muuse Geelle Yuusuf oo wareysi siiy ey laanta Afka So omaaliya BBC-da ayaa ka warbixiyey howlaha horyaallo oo ay ugu horreyso dadajinta doora shada Gola ha Shacabka Soom aaliya oo haatan ka socota gudaha dalka.

Geelle ayaa shee gay in ay ka guddi ahaa dada al xoo gan ku bixinayaan, sidii ay doorashada waqt ige eda ugu soo gabaga oobi laheyd marka la gaaro 25 Febraayo ee sanadkan 2022.

Sidoo kale wuuxuu tilmaamay in Umm ad da Soomaaliyeed ay xillgan ay u baah an tahay doorasho, isla-markaana ay gelin doonaan dad aal xoogan, sidii ay u dhici laheyd.

"Ummadda Soomaaliyeed Shalay doorasho ayey u baahan tahay annaga waxaan ka wajah eynaa inay dhaqaajino, waana u badan tahay Insha Allah inay soo gabagabowdo xilligii loogu talagalay annaga waan ku dadaaleynaa,” ayuu yiri guddoomiyuhu.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday caba shada ka taagan kuraasta qaar ee horay loo qab tay doorashooda, wuxuuna sheegay in go’aanka laga sugayo guddiga khilaafaadka.

"Cabashada kuraas uu dad ka cabanaayo iy ada wixii khilaafaadka u gudbay qoladaas ayaa laga war sugayaa iyagaa go’aan ka gaari doono, laakiin wax kasta oo la qabto waa laga caban ayaa,” ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee Gudd iga Doorashooyinka ee Heer Federaal.

Waxa kale oo uu hadalkiis kusii daray in caba shooyinka soo laabanaya aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin habsami socodka doora shada, ayna xallin doonaan tabashooyinka jira.

Soomaaliya sideedaba waxaa jira siyaasado kala duwan marka cabashada as guud wax dhib ah uma arko, doorasha dana wax weyn oo ay ku sa meyneyso oo garaafo ah ma jirto,” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan kasoo yeeray guddoomiyaha cusub ee Guddiga Doorashooyinka Dad ban ee Heer Federaal oo Dorraad lagu door tay magaalada Muqdisho ayaa kusoo aad ayo, iyada oo haatan inta badan maamul goboleedyada soo saareen li iska kuraas ka mid ah doorashada xubnaha cus ub ee Golaha Shacabka, si loo dhaqan-geliyo he shiiskii laga gaaray doorashooyinka

Sanbaloolshe oo ka hadlay go’aankii Roob le iyo khudbaddii FARMAAJO

Agaasimihii hore ee ha’ayadda Nabad sugid da Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa Madaxweyne Farmaajo ku til maamay nin aan tanaasulin oo been ku soo hoggaaminayey dal kaan

Cabdullahi Sanbaloolshe oo soo hadal qaaday khudbadii u dambeysay ee Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed uusan la hadleyn, balse beesha caalamka uu iska maslaxaayey, isagoo sheegay in beenta Farmaajo ay dadku barteen shantii sa no ee xukunka uu joogay.

"Ninkaas waxay la tahay inuu dadka u siri karo sidii uu Dorraad u siray, war dadkaan waa barteen Farmaajo, yuusan masaakiin isaga dhig in markii ay xaaladu ku xumaato,” ayuu yiri San baloolshe.

Dhanka kale Sanbaloolshe waxuu soo dhaw eeyey go’aankii uu Ra’iisul Wasaare Rooble ku shaaciyey inuu Imaaraadka u celinayo lacagta ay ka heysato dowladda Soomaaliya.

"Ra’iisul wasaaraha wax kasta oo Farmaajo haleeyey inuu saxo waajib ayey ku tahay, saba btoo ah dowladeenu burcad lacagaha islaameed dhacda maaha, Rooble waa ku saxan yahay in dowladihii caalamka ee la xumeeyey uu raali ge liyo oo danta iyo saaxiibtinimada caalamka ee So omaaliya uu ka fekero,” ayuu yiri Cabdullahi Sa nbaloolshe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Imaaraadka uu ogeysiinayo in Soomaalidu ay saaxiib la tah ay, laakiin ninka cadawga ku ah uu yahay Farma ajo oo ku heysta dano isaga u gooni ah.

Siyaasigaan ayaa sheegay inuu aad ula yaab ay warqadii uu Farmaajo ku amray guddoomiya ha Bangiga Dhexe in uusan bixin lacagtii Imaa raadka.

"Madaxweynuhu ma jooji karo amar uu Ra’ii sul wasaaruhu siiyey mid ka mid ah hey’adaha uu maamulo, warqadaha Farmaajo uu Ra’iisul wasaaraha ka daba qorayana waxuu ku dhaaw acayaa dowladnimada Soomaaliya,” ayuu yiri.

Cabdullahi Sanbaloolshe oo wareysigaan siiy ey TV-ga Goobjoog ayaa ugu dambeyntii yiri, "Xo olo islaameed ayaan iska celineynaa wax lagu doodo maaha ra’iisul wasaaraha ayaana 100% gar leh.”Xigasho:caasimadda.net

Dhimasho iyo dhaawacyo ka dhashay qaraxyo Xalay ka kala dhacay Muq disho iyo Boosaaso

Faahfaahinno ayaa ka soo baxaya khasaa rooyin ka kala dhashay qaraxyo bam-baano oo Xalay ka kala dhacay magaalooyinka muqdisho iyo Boosaaso,Qaxa M/Muqdisho ayaa waxaa uu gaar ahaan ka dhacay degmada Warta-Naba dda ee Magaal ada Muqdisho

Inta la xaqiijiyey hal qof oo shacab ah ayaa ku geeriyooday, ugu yaraan labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa as oo loo adeegsaday ba mbo-gacmeed.

Askar ka tirsan booliska Soomaaliya oo bar-co ntrol ku leh isgoyska Xararyaalle ee degmada Warta-Nabadda ayaa la shee gay in lagu weera r ay qaraxaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa warba ahinta u sheegay in weerarkaas uu dhacay sal aadii cishaha kadib.

Sidoo kale dadka deegaanku waxay sheegeen in ciidanka lagu weeraray qaraxyadaan loo adee gsaday bambada nooca gacanta laga tuuro ay jiha kasta rasaas u fureen, taas oo ilaa hadda aan xog rasmi ah laga helin, hadii uu jiro khasa are ka dhashay.

Dhinaca kale Qarax Bambaano ayaa Habeen hore ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka bari Wararka aynu heleyno ayaa shee gaya in Xalay Bomgacmeed lagu tuuray Koontr ool Ciidan oo ku yaalla Boosaaso, waxaana ka dhashay khasaaro sida wararku sheegayaan.

Bomka lagu tuuray koontroolka ayaa waxaa la sheegay in hal qof uu ku dhaawacmay, waxaana wararku intaas ku darayaan in ay macquul tahay in khasaaruhu uu intaa ka badan yahay. Dhanka kale Ciidamada ammaanka ayaa xa afadaha ka agdhowaa Baraha ciidan ee la wee ray ka ka bilaabeen howlgallo ay ku baacsanay aan kooxdii fulisay weerarkaas oo goobta isaga baxsatay waloow aan la sheegin cid lagu soo qabtay 2da qarax ee Muqdisho iyo Boosaaso ka kala dhacay

Faah Faahin: Shil Sababay Dhimasho Iyo Dha awac Oo Shalay Ka Dhacay Gaalkacyo

Shil geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waaberigii hore ee Shalay ka dhacay meel u dhow Garoonka diyaaradaha Oshaako ee M/Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, sida ay sheegayaan wararka aan halka as ka heleyno.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in shilk aas uu yimid, kadib markii gaari nooca So omaalida u taqaano TM-ka uu ku rogmay meel ku dhow Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, ka gadaal markii uu wadada ka baxay, xili uu ku socday xawaare.

Gaariga rogmaday ayaa sidday dad safar ah aa iyo xoolo u badan Ari oo ku rarnaa gaariga oo kusii jeeday degaano ka tirsan Mudug, waxaana shilkaas ku dhintay hal qof, halka saddex qof kal ena ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad.

Dad goobta uu gaariga ku rogmaday ka ag dhawaa ayaa gurmad u sameeyay dadkii ay wa xyeelada kasoo gaartay shilk aas dhacay, waxaa na weli wadada dhex yaalla gaariga weyn oo laga dejiyay xoolihii ku rarnaa.

Si kastaba degaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, waxaa na inta ba dan loo sababeeyaa darawalada oo gaadi idka xawaare ku wada iyo waddooyinka oo burbursan.

Howlgal Lagu Soo Qabtay Burcad Hubeysa n Oo Dhigatay Isbaarooyin Oo La Fuliyay

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaali ya ayaa waxaa ay howlgalo Isbaaro qaadis ah ka sa meeyeen inta u dhexeey sa deegaanada lambar-konton iyo Shala nbood ee G/Shabeellaha Hoo se ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgalka Ciidamada ay ka fuliyeen deegaa nada ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay boqolaal burcad hubeysan ah oo Isbaarooyin dhigtay wa ddada, isla ma rkaana lacago baad ah ka qaadi jiray gaad iidleyda, dhacna u geysan jiray dadka shacabka ah.

Saraakiisha hoggaamin eysay howlgal ka la gu qaaday Isbaarooyinka oo la hadl ay warbaa hinta ayaa u sheegay in howlgal ka lagu qabtay 290 burcad ah oo Jid-goo yooyin dhigtay inta u dhexeeysa deegaan ada lambar-konton iyo Shalanbood.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay shee geen inay ku raad-joogaan burcad kale oo ku baxsatay dhul howd ah, kuwa asi oo tilmaameen inay ku daba jiraan Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono.

Qaar kamid ah gaadiidleyda dhiba atada ku qabtay burcada dhigatay Isbaar ooyinka ayaa dhankooda sheegay in wa dada looga qaadi jiray lacago farabadan, ayna dhibaatooyin ku qabeen burcada, sidoo kalena ay dhac u geysan jireen

dad ka saaran gaadiidka.


Duqa magaalada Jigjiga " Mudnaanta waxaa iska leh dhirta dadwaynaha ka dhaxaysa"

Maamulka magaalada Jigjiga ayaa ka jawaab ay adhi la sheegay in lagu gawracay badhtama ha magaalada Jigjiga, kaas oo lagu eedeeyay in uu daaqay dhir ay dowladdu ku beertay hareer aha waddooyinka magaalada Jigjiga.

Haddaba duqa magaalada Jigj iga Cabdifataax Ibraahim oo arri ntaa ka hadlay ayaa sheegay in ha dda ka hor adhi badan oo 60 neef gaaraya la gawracay, kuwaas oo da dkii lahaa ay magaalada kusoo daa yeen, kaddibna daaqay dhirtii waddooyinka ku be ernayd ee qurxinta loogu talagalay.

Waxa kale oo uu sheegay in inbadan dadka laga wacyi galiyay inaysan xoolahooda kusoo daynin magaalada, isla markaana dadku ay ka dhaga adaygeen inay qaataan awaamirtii ay dow laddu fartay, oo ahayd inaan xoolaha lagu soo dhex dayn magaalada, taasina ay keentay inay dowladdu qaadato go'aanka gowraca oo xal loo arkay.

Duqa magaalada Jigjiga ayaa sidoo kale shee gay in mudnaanta lasiinayo dhirta dadwaynaha ka dhaxaysa, ee lagu soo iibiyay canshuurtii dad ka laga ururitay, looguna tala galay in lagu qurxi yo magaalada, waa siduu hadalka u dhigay Cab difataax Ibrahim Duqa magaalada Jigjiga.

Dowladda ayaa hareeraha waddooyinka mag aalada Jigjiga ku beertay dhir ay ugu talo gashay bilicda magaalada Jigjiga, taas oo ay sheegtay in dhirtaas lagu soo iibiyay lacago badan.

Dhawaan ayay ahayd markii hadh cad neef lagu gawracay badhtamaha magaalada Jigjiga, kaas oo lagu eedeeyay inuu daaqay dhirtii loogu talo galay qurxinta magaalada, arrintan ayaa kee ntay hadal hayn badan iyo in dadku ay arrintan siyaabo kale duwan uga falceliyaan, iyagoo inta badan sheegey inay khalad ahayd in xoolaha da aqay dhirta la gawraco, iyadoo la heli karo in si kale loo xaliyo.

Shabaab oo la wareegay degaanka Cadd akibir

Ururka Al-Shabaaba ayaa Shalay gudaha u galay deeganka Cadakibir ee gobolka Galg aduud. Dagaalamayaal Al shabaab ah oo wata gaadi idka dag aalka ayaa la war eegay deeganka Cadakibir.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka Shaba ab ayaa la hadlay dadka deeganka oo ay isugu yeeren goob fagaare ah.

Deegaanka Cadakibir oo 60 Km u jira Magaa lada Cadaado waxaa dhawaan ku geeriyooday dagaal ka dhacay Saraakiil ka tirsan Ciidanka xo ogga dalka.

Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Duleedka Magaalada Baladweyne

Dagaal u dhexeeya Ciidamo ka tirsan Dowla dda Federaalka gaar ahaan kuwa qeybta 27-aad iyo dagaalamayaasha A-shabaab ayaa ka Dha cay deegaan duleedka ka ah Magaalada Balad weyne ee Xarunta Gobol ka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Dagaalkan ayaa ka da mbeeyay, ka gadaal mar kii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay wateen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga, wa xaana daga alka xoogiisa ka socdaa degaanka Burfiiq oo dhanka Waqooyi uga beegsan Balad weyne. Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegay aan in dagaalka la isku adeegsanayey hubka no ocyadiisa kala duwan, in kastoo aan weli la og eyn kha saaraha ka dhashay dagaalkaas u dhe xeeya Ciidamo ka tirsan kuwa Milat eri ga qeybta qeybta 27-aad iyo Al-shabaab.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cis maan iyo Mas’uuliyiin kale oo la socday ayaa la sheegay in wax yar kahor inta uusan dhicin we erarka Al-shabaab ay mareen degaanka Burfiiq, iyagoona kusii jeeday degaanka Farlibaax ee duleedka Magaalada Baladweyne.

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani oo sheegay in laysku dayay in la dilo

Xoghayeyaasha arrimaha gudaha, arrimaha bulshada iyo xogeeyaha gaar ka ah ee mushara xa madaxweynaha xisbiga Waddani, ayaa shee gay in laysku dayay in la dilo xili ay ka qadayn ayeen makhaayad ku taala xaafada Jigjiga yar ee Hargaysa.

Xogeeyaha arrimaha gudaha Maxamed Faar ax Cabdi, xogeeyaha arrimaha bulshada Maxa med Saqiid Dhame iyo xogeeyaha gaarka ah ee musharaxa madaxweynaha xisbiga Cabdiqadir Iidle, ayaa sheegay in lagu soo weeraray jeeg qu raarad ka samaysan (garaafo dhalo ka sam aysan).

"2:15 PM, anaga oo ka qadaynayna maqaa xidan Itoobiyaanka...waxa nalagu soo qaaday is ku day dil abaabulan, niman qaar kood dirays xi dhnaayeen iyo nin dhalinyaro ah oo fadhiyay, ayaa ana oo qadada dhamaysanay oo fadhi na...ayaa nalagu soo tuuray jeega wayn ee biy aha lagu cabo ee quraarada ah" sida waxa war baahinta u shegay xogeeye Dhamme.

Dhamme ayaa madaxtooyada Somali land ku eedeeyay in ay qayb ka tahay weerarka, "Mad aama oo madaxtooyaduna qayb ka tahay oo ay joogeen rag dirays xidhani, waxaanu u dayn aynaa laamaha caddaalada".

Xogeeya yaasha ayaa sheegay in ay dhacdad an u gudbiyeen ciidamada booliiska, isla markaa na ciidanku si fiican ugala shaqeeyeen ilaa had ana ay ku jiraan baadhis.

Odayaasha Dhaqanka Iyo Bulshada Rayid ka Ee Soo Xulaya Ergda 5 Kursi Oo

 La Shaaciyay

Guddiga doorashada Somaliland ayaa shaac iyay liiska odayaasha dhaqan ka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergda 5 kursi, kuw aasi oo ka tirsan Golaha Shacabka, ee Baarlaa manka 11aad ku matali doona Gobolada Waqooyi.

Hoos ka akhriso Warqadda shaacinta kuraasta

 

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo gaaray deeganka Farlibaax

Wafdi uu hor kacayay guddoomiyaha gobo lka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ayaa gaaray de eganka Farlibaax oo magalada Beledweyn u jira masaafo dhan 45KM dhanka galbedka.

Guddomiyaha ayaa intii uu safarka kusii jiray waxa uu simaray kudhawad 10 tuulo waxa uuna ka xog wareystay bulshada saameynta ay kuy eelatay abaaraha ka jira deeganada.

Bulshada ayaa sheegay in ay ugu darantay biyo yari aad uxoogan oo deegaanadaas soowaj hay madama ay inta badan gureen ceelashii ay biyaha kaheli jireen iyo daaqsinka deegaanada miyiga ah oo aad u yaraaday.

Shalay ayeey aheeyd markii Ciidamo katir san Dowladda oo Galbinayey sida lasheegay Gu doomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan iyo Dagaalamayaal katirsan Al-Shabaab uu dag aal culus ku dhexmaray deegaanka Burfiiq oo dhaxeyo Farlibaax iyo Baladweyne.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shab aab ay wadda u galeyn kolonyo uu hoggaamin ayey Gudoomiye Jeyte, kuwaas oo kusii jeeday deegaanka Farliba ax.

Madaxweynaha Puntland Oo Shalay Furay Shirweyne Baaqna U Diray Dhallinyarada

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shalay si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha Dhallinyarada Puntland oo labo maalmood ka soconaya Magaa lada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay Shirwayana ha Dhallinyarada Puntland, oo ah fursad dhall n yaradu arrimahooda gaarka ah ku gorfeynayaan, wuxuuna u rajeeyay in uu noqdo mid ay wax wan aagsan kasoo baxaan.

"Puntland oo ka duulaysa siyaasadda Madax weynaha ee fursadsiinta Dhallinyarada Puntland ee uu hore u ballan qaaday, waxaa Maamulka hir geliyay nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland oo dhallinyarada siinaya fursad-siyaasadeed oo ays an hore u haysan, oo 69% Dhallinyaro tahay , Sanduuqa horumarinta Dhallinyarada Puntland oo la sameeyay iyo sidoo kale horumarinta Ciy aaraha iyo Garoomada Kubadda cagta Puntland” ayaa lagu yiri Qoraalka Madaxtooyada Maamu l ka.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhallinyarada Puntland ugu baaqay ka shaqeynta midnimada, nabadda iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, isagoo Ku dhawaaqay halku dhigga cusub ee ah Midnimo iyo Nabad.

Kulanka waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaar aha Puntland, waxaana kala qeybgalay Goleyaa sha, Ururada Bulshada, Dhallinyarada Puntland oo isaga yimi dhammaan Gobollada iyo marti

Sharaf kale .


Wariye Cabdisalaan Germany oo markale xabsiga loo taxaabay

Wariye Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdi sal aan Germany), ayaa ciidan la aamins nya hay inay yihiin sirdooka Somaliland, ay ka kaxa ysteen Hotelka Casood ee magaalada Hargaysa.

Wariye Bishaaro Baande, ayaa sheegtay in wariyaha ay u yima adeen rag labis madow xidhan, ka dibna ay u sheegeen in uu raa co markuu aqoonsigooda waydii yayna ay garaaceen oo ay xoog ku kaxeeyeen.

"Intay ugu yimaadeen Hotel Casood iyaga oo xidhan dirays madow ayay usheegeen inuu soo raaco, wuxuu waydiiyey inay tusaan kaadhkooda aqoonsiga, muran iyo hadalka oo ka duulay ciidanku way garaaceen waanay qaadeen Cabd isalaan Germany hadana wuu xidhan yahay," ay ay tishi Baande.

Waa markii labaad ee Germany xabsiga loo taxaabo muddo aan ka badnayn laba todobaad, 4 bishan January, ayay ahayd markii ay cii damada sirdoonku ay si khasab ah kaga ka xay steen gurigiisa.

Lama ya qaan sababta rasmiga ah ee loo xi dhay, lakin qoraal uu ka qoray xadhigiisii hore ay uu ku sheegay in wax laga waydiiyay xidhiidhka uu la leeyahay Cabdimaalik Muuse Coldoon oo uu baraha bulshada ka difaaco iyo qoraalo uu ka qoray madaxweyne Biixi.Xigasho:hiiraan.com

Puntland oo Amartay in la xiro laba Iskuul oo kuyaalla Gaalkacyo

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Gobol eedka Puntland ayaa amar ku bixisay in la xiro ba Iskuul Waxbarasho oo kuyaalla Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mu dug lana Maxkamadeeyo Milkiilayaasha Iskuulad aas.

War qoraal ah oo uu ku saxiixan yahay Wasii ru-dawlaha Wasaaradda Wax barashada iyo Tac liinta Sare, ahna kusi maha Wasiirka Waxbara shada ayaa lagu sheegay in go’aankaan uu ka dhashay markii uu arkay xogihii ka soo baxay kormeerkii loo diray magaalada Gaalkacyo, isla markaana uu go’aamiyay.

1. In la xiro labada dugsi sare ee kala ah Som ali International iyo Cabdullaahi Yuusuf oo ku yaalla magaalada Gaalkac yo maaddaama dugs iyadaas ku kaceen nidaam baalmarsan hannaan ka waxbara shada Puntland, laguna dhuminayo ubad ka reer Puntland.

2. In caddaaladda la horkeeno mulkiilaya asha, maamulayaasha iyo cid kasta oo qayb ka ah burburinta nidaamka waxbara shada dowlad Goboleedka Puntland.

2. In waalidiintu ay ubadkooda gaystaan dugsiya da rasmiga ah oo ay Puntland aqoonsan

tahay iyagoo kaashanaya guddoonka wax bara shada ee Gobolka Mudug.

3. In Caddaaladda la horkeeno Milkilayaas ha, maamulayaasha iyo cidkasta oo qayb ka ah burburinta nidaaamka Waxabarasha da Puntland.

4. Waxaa aqoonsigii lagala laabtay dugsi ga sare ee Afrika, maaddaama uu baal maray nidaamka waxbarashada. Waxaa keliya oo loo oggol yahay inuu ku shaqeeyo Dugsi H/dhexe ahaan. 5. Waxaa digniin kamadambays ah la siin ay aa Maamulka dugsiga H/dhexe sare ee Cali Ma taan.Waxaa la farayaa maamulka dugsiga iyo Gu ddoonka Waxbarashada gobolka Mudug in la ga saaro ardayda sharci darr ada ku dhiganaysa fas alka laad ee dugsi ga sare. loona reebo ard ayda dhab ahaan soo dhamaystay Fasalka 8aad.

6. Waxaa si kumeelgaar ah looga joojiyey gudoo miyayaasha waxbarashada heer gobol iyo heer degmo bixinta aqoonsiga dugsiyada cusub inta laga soo saarayo habraaca cusub ee diiwaangal inta dugsiyada.

7. Waa in aan 45 arday ka badan la farisin fasal kasta si loo ilaaliyo tayada wa xbarashada Haddaba

dugsiga baalmara arrintan wasaaraddu tal laabo ku habboon ayey ka qaadi doon taa.

8. Gobolka Mudug waxaa loo joogtayn doo naa kormeerka io dabagalka iyadoo loo xilsaari doono khubaro Waxbarasho oo saldhig ka dhig ata Magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda Sare Ee Somaliland oo ku dhaw aaqday in ururada siyaasaddu furan yihiin.

Maxkamadda Sare Ee Somaliland ayaa hadda ku dhawaaqday in ururadii siyaasa ddu furan yih iin ka gadaal maalmo laga dhurs ugayay go’a anka maxkamadda.

Xeerkaan ay Shalay maxkam addu ku dhaw aaqday ayaa mur an badan dhaliyey, iyadoona max kamaddu sheegtay in uu dhaqangal yahay xeerk ani oo cidii han leh ay furan karto xisbi.

Maxkamadda ayaa caday say in doorashada urur adu ay noqonayso mid toos ah oo ay qaban ayaan guddiga doora shooyinka Somaliland, wax aana ay mee sha ka saartey in loo dabro deega anka ama loo xiro.

Hoos ka akhriso Go’aanka maxkamadda.

Al Shabaab oo shaa cisay magaca iyo Qabiilka Ninkii isku Qarxiyay

 Arbacadii Muqdi sho

Qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday ga ari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ka dhacay arbacadii la soo dhaafay agagaarka sal dhioga ciidamada Cirka ee AfiSiyooni, waxaana qaraxaasi lala beegsad ay gaadiid ay la socdeen saraakiil cadaan ah.Al Shabaab ayaa sheegat ay masuuliyadda qarax an oo dhaliyay khasaaro ba dan oo isugu jira dhi masho iyo dhaawac, waxa ayna Al Shabaab she ege en in qaraxa la begsaden saraakiil ajnabi ah.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa shaacisay mag aca iyo qabiilka ninkii fuliyay weerarka ismiidaa minta ah, waxaana Idaacadda Al Shabaab laga sii daayay wareysi uu bixiyay ninkan kahor inta uusan ninkan is qarxin. Qaraxa waxaa fuliyay Maxamed Aadan Gur eey oo ah 44 sano jir u dha shay beesha Gaalje cel gaar ahaan jufada Diri same, ninkan ayaana Al Shabaab ku biiray san adkii 2011-kii, waxa uu na intii uu kooxdaasi katir sanaa ka qeyb galay dagaalo badan.

Al-Shabaab ayaa inta badan wareysiyo ka du ubta raga fuliya weerarada ismiidaaminta ah, wa xaana Al Shabaab sii daayaan wareysiyada laga qaado raga is qarxiya marka uu qaraxa fuliyo ka dib ayna kooxda gaarto hadafkii ay qaraxaasi ka laheed.

Haweenay u dhalatay British oo ka tirs anayd Alshabaab oo u carartay dalka Yemen

Samantha Lewthwaite, oo haweeney u dhal atay dalka Britain oo katirsan kooxda Alshabaab oo loo maleynayo

in ay mas’uul ka tahay dhima shada boqolaal qof ayaa u qa xday dalka Ye men, sida ay she egeen laam aha ammaan ka.

Dhawaan ayey aheyd markii ay todobo sano oo ay la joogtay ninkeedii afaraad oo ahaa hoggaa miye katirsan kooxda Alshabaab oo magaciisa la gu soo koo bay Sheekh Xasan, ay kala tageen ka hor inta ay san u qixin Yemen, sidaas waxaa qor tay jariira da The Mirror.

Samantha Lewthwaite, ayaa ka mid ah hawe enka loogu doonista badan yahay adduunka. Waxayna kamid tahay dadkii fuliyay weerarkii ar gigixiso ee todobadii july-2005, ka dhacay wada dada tareenka London, oo ay ku dhinteen 56 qof.

Naanaysta ay ku dhex leedahay hay’adaha sird oonka ayaa ah ‘Carmalada Cad’, waxaana lala xiriirinayaa weeraro argagaxiso oo ka dhacay Afr ika oo sababay dhimashada in ka badan 400 qof.

Booliska caalamiga ah ee Interpol ayaa soo saaray warqad lagu soo xirayo haweeneydaasi ka dib markii lala xiriiriyay weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee dalka Ke nya sanadkii 2013-kii, kaasi oo ay ku dhinteen 5 qof oo British ah iyo 66 qof oo kale, laguna dhaa wacay ku dhawaad 200 oo kale.

Laamaha ammaanka ayaa rumeysan in falalka kale ee ay geysatay ay ka mid yihiin 148 qof oo rag hubeysan ay ku dil een Jaamacadda Gaarisa sannadkii 2015-kii.

Dhaqaatiirta Caafimaadka Dalka Sudan Oo Ka Cabanaya Ciidanka Ammaanka

Dhaqaatiirta caafimaadka ee dalka Sudan ay aa ka dibadbaxaya waxay ku sheegeen weerarro ka dhan ah shaqaalaha caafimaadka tan iyo mar kii ay dalkaasi ka bilowdeen dibadbaxyada ay dhigayaan dadka ka soo horjeeda xukunka milat ariga.

Mid ka mid ah dhaqaat iirta magaalada Khartu um oo lagu magacaabo Huda Axmed ayaa wak aaladda wararka ee AFP u sheegtay in ciidam ada ammaanku ay suntan dadka ka ilmaysiisa ku fureen Cusbitaallada.

In ka badan lixdan qof oo ka mid ah dadka u dhaqaaqa arrimaha bulshada ayaa lagu dilay mu daharaadyada looga so horjeedo afgambigii dal ka Sudan ka dhacay bishii Oktoobar ee sanadkii la soo dhaafay .

Dhawaan ayay ahayd markii mas’uuliyiinta da lka Sudan ay ruqsadii kala noqdeen Telefishinka Aljazeera ee lga leeyahay dalka Khadar kaa oo lagu eedeyay in si aan habooneyn u tabiyay ban naabaxyada mucaaradka. Bishii Nufeember ayaa Khartuum lagu xiray madaxa laanta Al-jazeera ee dalka Sudan iyadoo saddex bari kadibna la sii daayay muddadaas.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip